-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka qayn-galay kulan dood ah oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan canshuuraha dalka, isaga oo runta u sheegay reer Muqdisho. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaca ka qaaday inay been tahay erayada kasoo yeera qaar kamid ah dadka Muqdisho ee ah in canshuurtooda ay cunaan dad kasoo jeedo gobollo kale, wuxuuna dooddaas ku tilmaamay mid uun lasoo dhoo dhoobay. Xildhibaanka ayaa xusay in shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir ay iyaga cunaan inta badan wixii ay lahayd Soomaali, maadaama xaruntii dalka ay tahay Muqdisho. “Reer Banaadir hadal aan in badan ka maqlay ayaa jiro inay iska dhaafaana ay u fiican tahay waxaynaa la cunaa, wixiina cid cunto malaha, idinka ayaa waxa Soomaali cuntiin. Qof kasta waxa ay ku leedahay Banaadir waxeeda la cunaa war waxiiina wax cuno maleh” ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Horta halis ka daayo ceeb waayay annaga ayaa waxa nagala cunaa dalka hantidiisa annaga ayaa haysano”. Siyaasigan oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in lacag hal bilyan ah ay ku baxdo caasimada, taas oo ka imaada hay’ado kala duwan iyo mashaariicyada horumarinta. “Saddex boqol oo xildhibaan oo hoteello deggan waayay dadka idin la joogo horta siyaasad marka la yiraahdo 1 biliyan ayaa ku baxda Xamar oo ay bixiyaan AMISOM, UNSOM, safaaradaha ajnabiga ah ee jooga, ama mashaariicda horumarinta” ayuu yiri. Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in kaliya ay Muqdisho u baahan tahay inay yeelato maamul lasoo doorto, si looga gudbo guddoomiye lasoo magacaabay. “Doodda saxda ah waxaa waayay magaaladan inay yeelato Maayar lasoo doortay iyo hoggaan la doortay,” ayuu sii raaciyay. Arrinta maqaamka Muqdisho ayaa sidoo kale soo hadal qaaday, wuxuuna sheegay in madaxweyne Xasan ay ceeb ku tahay inuu soo laabashadiisa uu ka gaabiyo arrintaasi. “Waa ceeb in madaxweyne Xasan Sheekh inta xukunka kusoo laabtay magaaladan oo aan maqaam lahayn uu ka tego, mana ah in nin qabiil kale uu joogo inaan dhahdo magaalada waxay u baahantahay maqaam” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay. The post Reer Muqdisho oo runta loo sheegay kadib arrin yaableh oo banaanka usoo baxday appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyey mooshin ka yimid madaxweyne Erdogan, kaasoo askar milateri ah loogu daabulayo Soomaaliya muddo laba sano ah, si ay gacan uga gaystaan amniga, gaar ahaan la-dagaalanka argagixisada iyo khataraha kale, sida ay labada dal ku wada gaareen heshiis iskaashi difaac ah. Mooshinka oo uu saxiixay madaxweyne Racep Tayyip Erdogan ayaa waxa uu sheegayaa in Turkigu uu ciidanka Soomaaliya u fidinayo tababar, kaalmo iyo talo muddo 10 sano ah, si loo xaqiijiyo amniga, deganaanshaha iyo dib u qaabaynta ciidanka qaranka. Baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyey mooshinkaas oo ka yimid madaxweyne Erdogan, kaasoo askar milateri ah loogu daabulayo Soomaaliya, sida ay qortay warbaahinta ku hadasha afka dawladda Turkiga wuxuu mooshinkaan iftiiminayaa in tan iyo 2009 ay milateriga Turkigu si firfircoon uga qayb qaadanayeem taageerada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo burcad-badeedda iyo falalka argagixiso ee gacanka cadmeed, meelaha ka baxsan xeebaha Soomaaliya, sida badda Arabiya iyo gobollada u dhow-dhow. “Hadafka ayaa la jaanqaadaya qorshaha horumarinta amniga Soomaaliya ee lagu qaatay shirkii amniga ee Soomaaliya ee Turkiga uu ku martigeliyey New York 12 Diseembar 2023, waxaana looga gol leeyahay in Soomaaliya mustaqbalka dhow si buuxda u qaaddo mas’uuliyadda amnigeeda” ayaa lagu yiri qoraalka warbaahinta Turkiga. Cabdirashiid Xaashi oo agaasime ka soo noqday machadka Cilmibaarista ee Heritage, horena cilmi baaris ugu sameeyey arrintan ayaa sheegay in heshiiskii amniga ee dhawaan dhex maray Soomaaliya iyo Turkiga iyo isku soo dhawaanshaha labada dal ee dhowr iyo tobankii sano ee u dambeeyey uu fursad weyn siinayo ganacsatada Turkiga iyo guud ahaan dowladda Turkiga oo Afrika ka soo geli karta Soomaaliya. “Xiriirka labada dal markii uu billowday waxaan ahaa cilmi baare, Turkiga 2011 waan waraystay, ganacsatadooda waxay igu yiraahdeen ‘waxaan rabnaa in Soomaaliya ay noqoto halka aan Afrika ka soo galayno, maadaama aan haysano badeecad ka jaban tan Yurub, kana tayo fiican tan Shiinaha’ maadaama Soomaaliya ay xilligaas dhibaato ka jirtay, markii aan u baahannayna ay noo yimaadeen, hadana ay xerada ugu weyn ku leeyihiin Soomaaliya in ay ciidanka nala dhisaan, baddana nala waardiyeeyaan, cid uga xanaaqi karta ma jirto,” ayuu yiri Cabdirashiid Xaashi. Ciidanka Turkiga ee imaanaya Soomaaliya wuxuu Cabdirashiid Xaashi oo u waramay BBC ku xiray sida ay noqon doonaan danaha istaraatijiyadeed ee Turkigu uu ka leeyahay Soomaaliya, isagoo carrabka ku dhuftay in Soomaaliya ay ka codsatay inay ‘in badda looga difaaco cadowga iyo qulqulatooyinka kale’ isla markaana uu horay u jiray heshiis dhaqaale oo labada dal ka dhaxeeya. Maadaama dhanka Turkiga laga ansixiyey heshiiskii labada dal, horayna baarlamaanka Soomaaliya uu u ansixiyey, waxaa hadda bilaabanaya dhaqan-gelintiisa, waxaana Soomaaliya ku soo wajahan maraakiib dagaal iyo kuwo baaritaan ku sameynaya shidaalka ceegaaga badda Soomaaliya. Sidoo kale ciidamada Turkiga ayaa imaadoona dalka toddobaadyada iyo bilaha soo socda, waxayna saldhigyo ka sameysa doonaan gudaha badda, beriga iyo xeebaha, sida dhulkii Iskuul Buuluusiya ee Muqdisho oo dhowaan qabuurihii ku aasnaa laga soo fagay. Sidoo kale waxaa jira saldhigyo kale oo xogaha hordhaca ah ay sheegayaan in ciidamada Turkiga ay ka sameysa doonaan Hobyo, Kismaayo, Baraawe, Seylac iyo goobo kale oo istiraatiiji ah oo laga ilaali karo badda Soomaaliya. Sidoo kale ciidamada Turkiga waxay ka qeyb qaada doonaan dagaalka Al-Shabaab, si gaar ah duqeymaha, tababarrada oo markii horaba socday iyo daboolidda baahiyaha militeri ee ciidamada Soomaaliya ay wajahayaan. The post Maxay ka shaqeynayaan ciidanka Turkigu u soo dirayo Soomaaliya? appeared first on Caasimada Online.
-
Adeegsiga badan ee qalabka casriga ah ee Teknoolajiyadda ayaa keena hurdo la’aan iyo dhafar xad-dhaaf ah , taas oo ay cudurro kala duwani ka dhashaan oo kuwa indhaha iyo maskaxda ku dhacaahi ugu horreeyaan sida bahda caafimaadka sheegeen. DR. Shiine oo dhowaan warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hurdo la’aanta iyo soo jeedka badani ay keenaan 16 cudur oo ay kamid yihiin aragga indhaha oo aad u yaraada, madax-xannuun, dhiikarka, macaanka ama sonkorowga, stress-ka, difaaca qofka oo hoos u dhaca, wadna xanuun, ilowsha badan, degganaan la’aan, fahamka qofka oo hoos u dhaca iyo xannuuno kale. Si lamida cuntada iyo biyaha helidda hurdo dheeli-tiran ayaa kamid ah waxyaabaha nolosha aas-aaska u ah, islamarkaana kaalin weyn ku leh bedqabka qofka iyo caadi ahaanta xaadiisa nafsaaniga ah, Waxaana loo baahanyahay in habeen kasta ama cawo iyo maalin walba qofka uu qaato ugu yaraan 8 saacadood oo jiif ah. Sidoo kale dhaqaatiirtu waxay ku talinayaan in lagu dedaalo hurdada loo yaqaanno “qayluushiga” oo ah in salaadda duhur iyo tan casir inta u dhexaysa xoogaa la indha guduudsado 10 daqiiqoba ha noqatee, taas oo ay ku tilmaameen inay maskaxda sifayso, islamarkaana firfircooni badan laga helo. Bahda caafimaadka ayaa sidoo kale qaba in layska yareeyo daawashada iyo eegidda badan ee telefoonada, islamarkaana habeenkii xilli feecan uu qofka seexdo, aroorena uu soo tooso, si uu uga nabad-galo xannuunada iyo culaysyada waxtarkiisa iyo fahamkiisa waxyeelaynaya, waxbarashadiisa, cibaadadiisa, iyo shaqadiisana hoos u dhigaya. Source: goobjoog.com
-
Codbixinta doorashadii madaxtinimada ee dalka Venezuela ayaa la soo gabangabeeyay, waxaana lagu dhawaaqay in madaxweynaha hadda talada haya ee nicolás Maduro uu markii 3-aad ku guulaystay hoggaaminta dalkaas. Nicolás Maduro oo 61 jir ah ayay hay’adda doorashada dalkaasi shaacisay in uu yahay musharrax ugu sarreeya, kaas oo lagu helay coadkii ugu badnaa ee doorashadan ay Maraykanka iyo reer galbeedka sida weyn isha ugu hayaan. Elvis Amoroso, oo ah madaxa golaha qaran ee doorashooyinka, ayaa sheegay in Maduro uu helay 51 boqolkiiba codadka la tiriyay, isagoo ka guuleystay musharraxa mucaaradka Edmundo González oo helay 44 boqolkiiba, waxaana uu sheegay in natiijada lagu saleeyay boqolkiiba 80 goobaha cod bixinta, taasoo muujineysa isbedel aan laga laaban karin. Hoggaamiyaha mucaaradka Venezuela Maria Corina ayaa sheegtay in musharraxa mucaaradka Edmundo Gonzalez uu ku guuleystay 70 boqolkiiba codadkii doorashada madaxtinimo, balse ay wax isbada Marini dhacday. xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay inay walaac weyn ka qabaan in natiijada lagu dhawaaqay aysan ka tarjumayn rabitaanka ama codadka dadka Venezuela, isagoo tilmaamay in Maraykanku uu doonayo in codadka doorashada madaxtinimo loo tiriyo si cadaalad ah oo daah-furan. Madaxweyne nicolás Maduro oo ay si weyn isku hayaan Mareykanka ayaa dalkan saliidda hodanka ku ah ee ku yaalla koonfurta Ameerika hoggaaminayay tan iyo sanadkii 2013-kii, isagoo 2018-kii doorasho muran badan dhalisay mar labaad ku soo baxay. Source: goobjoog.com
-
Ottawa (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa xalay dalka Canada ku geeriyooday Axmed Cilmi Guure, oo ka mid ahaa duuliyyeaashi hore ee shirkadda Somali Airline, kaas oo muddo ku xanuusanaa halkaasi. Axmed Cilmi guure, ayaa sidoo kale ahaa aas-aasaha Website-ka Hiiraan Online, waxaana geeridiisa ay aad u qabsatay baraha bulshada ee Soomaalida. Marxuumka ayaa ifka kaga tagay xaas, todoba carruur ah iyo laba carruur ah oo ay usii dhaleen. Hoose ka akhriso taariikh nololeedkiisa:- Axmed Xaaji Cilmi Guure waxa uu ku dhashay magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, sanadkii 1956. Noloshiisii hore waxaa uu kusoo qaatay magaalada Beledweyne. Marxuumku waxa uu waxbarashadiisa badi kusoo qaatay magaalada Muqdisho. Intii uu ku jiray waxbarashadiisa, Axmed Xaaji Cilmi Guure waxaa lagu soo tababaray duuliye diyaaradeed xarunta caanka ah ee Lufthansa Aviation Training Centre oo ku taal magaalada Bremen ee dalka Jarmalka. Markii uu dalka dib ugu laabtay wuxuu ka howlgalay shirkaddii diyaaradaha ee Somali Airlines. Geesinimadiisa iyo degenaanshihiisa waxaa la tijaabiyay 1991-kii markii diyaarad uu ka raacay Muqdisho kuna socotay Jabuuti lagu afduubtay dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya, taasoo uu si nabad galyada ah uga soo dajiyay diyaaradaas garoonka diyaaradaha ee Luuq, iyadoo aysan jirin wax dhibaato ah oo soo gaaray rakaabkii saarnaa. Waxayna daliil u ahayd xirfadiisa iyo deganaanshiyihiisa. Dagaalkii sokeeye ee dalka, Axmed iyo qoyskiisii waxay u guureen dalka Canada 1992, halkaas oo uu kasii bilaabay waxbarashadiisa cilmiga kombuyuutarka ee kuliyada Algonquin ee Ottawa, isaga oo aakhirkii boos ka helay shabakadaha Nortel, wakhtigaas oo ah meesha ugu saraysa ee warshadaha isgaadhsiinta ee Canada. 1999kii, ayuu Axmed arkay fursad in uu qaaradaha iskugu xiri karo, iskuna soo dhawaynayo qurba-joogta Soomaaliyeed. Waxaana uu aas aasay shakabada Hiiraan Online, taasoo uu dhidibada ugu taagay Ottowa, July 1, 1999. Waxay ahayd tallaabo waqtigeedii kusoo aadday, waxayna holbowle u noqotay Madal lagu soo bandhigayay shirkii Nabadda Soomaaliya ee 2000 ee lagu qabtay magaalada Carta ee dalka Jabuuti. Sidoo kale riyadiisa ah in uu dib u yagleelo Somali Airlines ayaa ku kaliftay inuu sanadkii 2019 uu shahaadada Master-ka ee Maamulka Hawada ka qaato Jaamacadda Coventry, waxaana aqoontiisa aqoonsatay Wasaaradda Gaadiidka ee Soomaaliya, isagoo la taliye sare ka noqday, isagoo si hagar la’aan ah uga shaqeynayay hiigsigiisa The post Mid kamid ah duuliyeyaashi hore ee Somali Airline oo geeriyooday appeared first on Caasimada Online.
-
Allah u naxariistee waxaa magaalada Jarriiban ee gobolka Mudug lagu dilay Sheekh da’yar oo lagu magacaabi jiray Xamse Muuse Ducaale kaas oo ahaa bare ama macallin dhigi jiray maaddooyinka xisaabta iyo kombuyuutarka. Xamse waxa uu asal ahaan ka soo jeeday magaalada Boorama ee gobolka Awdal halkaa oo uu kaga yimid in uu bulshada reer Jarriiban uga faa’iideeyo cilmigiisa. Sidoo kale maalinta jimcada ah ayuu ka khudbeyn jiray masjid isaga oo jimce kasta ku qornaa soo jeedinta khudbada ee masaajidka. Maalintii uu dhimanayay ayaa ahayd jimcadii ugu dambeysay isaga oo isla markaa ka soo baxay salaaddii jimce iyo khudbaddii uu jeedinayay. Guddoomiyaha guddiga iskoolka Seemade, degmada Jariiban ee gobalka Mudug, Cabdi Khaliif ayaa BBC-da uga warramay qofka uu ahaa marxuum Xamse Muuse iyo waxyaabaha uu diiradda saari jiray. Sidoo kale waxa uu faah-faahin ka bixiyay dhacdada oo uu sheegay in ay tahay mid ay ka argagaxeen. “Allaha u naxariistee falka lagu dilay ustaad Xamse Muuse Ducaale, waxa uu ahaa mid aan ka wada argagaxnay, ninka dilay waxa uu ahaa sida la sheegay qof reer Miyi ah, dabcan waa lagu sababay ee ma garaneyno waxa dilka dhaliyay”, ayuu yiri guddoomiye Cabdi Khaliif. Isaga oo sifeynaya qofka uu ahaa macallin Xamse ayaa waxa uu yiri, “macallinku waxa uu ahaa qof af-gaaban oo jecel in bulshada uu u faa’iido aqoontiisa, waxa uu ahaa qof ixtiraam badan ardaydiisuna ay si aad ah ugu xirnaayeen, sidoo kale dadka deegaanku wey xushmeyn jireen”. Laamaha ammaanka iyo dadka reer Jarriiban oo iskaashanaya ayey wararku sheegayaan in ay gacanta ku soo dhigeen ninka ku eedeysan in uu dilay macallinka iyada oo aan la garaneyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dilka. XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL “Horay uma aynaan ogeyn muran ama khilaaf soo kala dhex galay macallinka iyo ninka dilay mana aysan jirin wax aan ka sii ogeyn balse dilka ayaan ku baraarugnay iyo ninkii oo la leeyahay wuu baxsaday”, ayuu yiri Guddoomiye Cabdi Khaliif. Maalmaha fasaxa sida jimcaha macallinku waxa uu imaam ka ahaa masaajid aan ka fogeyn halka uu ku yaallay iskuulka uu wax ka dhigi jiray. “Macallinku waxa uu ahaa Sheekh da’yar waxa uu ka muxaadareyn jiray masaajidka gaar ahaan jimcaha, maalintii la dilayayna waxa uu markaa kasoo baxay khubaddii jimcaha”, ayuu yiri Cabdi Khaliif. Dadka deegaanka iyo macallimiintaba waxa ay arrinkan ku tilmaameen wax laga xumaado iyo in dilkani uu degmada ku noqday mid indhaha looga tuuray maadaama shaqsiga la dilay uu ahaa aqoonyahan u joogay deegaanka fidinta culuumta ee diini iyo maaddiba. “Arrinkani waa mid indho beel ku ah dadka deeganka, waxaa naga baxay qof muhiim ah, waxa aan rajeyneynaa in marxuumkaas uu helo caddaalad oo ay umadda Soomaaliyeed maamulka Puntland iyo waaxaha waxbarashadaba nagala shaqeeyaan” ayuu yiri Guddoomiyaha guddiga iskoolka Seemade, degmada Jariiban ee gobalka Mudug, Cabdi Khaliif. XIGASHADA SAWIRKA,BOOLISKA GOBOLKA MUDUG Ciidanka Booliska Gobolka Mudug oo kaashanaya dadka deegaanka iyo ehelka ninka dilka lagu eedeeyay ayaa howlgal ay sameyeen gacanta ku soo dhigay eedaysanaha dilka ka gaystay Deegaanka Seemade ee Degmada jariiban ee Gobolka mudug. Eedaysanaha ayaa hadda ku jira gacanta ciidanka Booliska waxaana la geeyay Xabsiga dhexe ee magaalada Galkacyo. Waa markii ugu horreysay ee dhacdo noocani oo kale ah ay ka dhacdo deegaanka Seemade ee degmada Jarriiban ee gobolka Mudug sida uu guddoomiyuhu sheegay. Ehelka Marxuumka ayaa ka soo socdaalay magaalada Boorama iyaga oo dalbaday in aan meydka la aasin ilaa inta ay ka imaanayan. Macallinku waxa uu muddo ka badan sanad ka howlgalayay isla degmada Jarriiban halkaa oo ugu dambeyn uu ku geeriyooday. bbcsomali Qaran News
-
Macallimiinta (CSI) waxa aan Mushahar la siin 3 Bilood ? Mac’hadka Shaqaalaha Dawladdu waxa uu ku jiraa kaalin weyn Tayo ahaan & Aqoon ahaanba, Ardaydu dhigataa ku dhawaad waa 500 Arday oo kala ah Shaqaale Dawladeed & Arday aan Shaqaale ahayn, qiyaas ahaan Ardayda aan Shaqaale Dawladeed ahayni waa 40% waxa laga qaadaa Semester-kii Ardayga $200 sida Jaamcadaha gaarka ah, 2 Bilood ee kasta waxa Arday kastaa bixiyaa $10 oo ah Buuggaagta Waxbarashada, Mac’hadku wuxuu soo xereeyaa Lacag Adag sida Jaamcadaha gaarka ah. Miisaaniyadda waxa ugu jira Mac’hadka ($167,946) waxa aan la siin Macallimiinta Mushahar 3 bilood, Agaasimaha Fulintu waa Madaxa u sarreeya Mac’hadka Maamul ahaan & Maarayn ahaanba, Maadamaa Arday la maamulaayo & goob Waxbarasho waxa Habboon in Agaasimuhu sidii Agaasimayaashii ka horreeyay ka dhawrsado dhexgalka Siyaasadda & Xisbiga KULMIYE kuna eekaado Mac’hadka Horumarintiisa, Xidhiidhintiisa Dunida & Ilaalinta Tayada Waxbarasho ee Mac’hadka Shaqaalaha Dawladda (CSI) Qaran News
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo gelinkii dambe ee shalay ciidamada Guutada Bir-jeex ee Daraawiishta ka sameeyeen dhul howdka ah ee ku yaalla gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lagu beegsaday Al-Shabaab. Ciidamada ayaa weerar culus ku qaaday galbeedka deegaanka Buulo-xaaji, halkaas oo ay ku beegsadeen saddex xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo qayb ka ahaa weerarkii ay todobaadkii soo qaadeen xubnaha kooxda Al-Shabaab. Qoraal kooban oo laga soo saaray howlgalkan ayaa waxaa lagu sheegay in la dilay 2 xubnood mid kalena la dhaawacay, kadibna lasoo qabtay. Sidoo kale ciidamada ayaa soo furtay hubka ay wateen xubnahaas oo ku dhuumaaleysanayay meel u dhow deegaanka Buulo-xaaji ee gobolka Jubbada Hoose. “Geesiyaasha Guutada Bir-jeex ee ciidanka Daraawiishta Jubbaland waxa ay meel howd ah oo dhinaca galbeed ka xigta deegaanka Buulo-Xaaji ka heleen sadex dhagar qabe oo hubaysan oo qeyb ka ahaa weerarkii ay ku jabeen kuwaas oo waayahaanba ku dhuumanayay howdka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Sidoo kale wuxuu qoraalka intaasi kusii daray “Waxaa u-suuragashay in labana ay khaarijiyaan midna ay dhaawac ku qabteen kaas oo hadda lagu hayo goob caafimaad oo ciidamada gaar u ah, sidoo kale hubkii ay wateena waa laga furtay”. Xaaladda ayaa sidoo kale maanta kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga magaalada Kismaayo oo ay ka socdaan howlgallo culus. Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee guulaha ka sheegteen ciidanka Daraawiishta Jubbaland. Maalmihii u dambeeyay waxaa Jubbooyinka ka dhacayay dagaallo xoogan oo khasaare culus lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ku xoogan gobolladaasi. The post Ciidamada Bir-jeex oo khasaare culus gaarsiiyay Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
OTTAWA, Canada (HOL) — As the sun set over Ottawa, Captain Ahmed Hagi Elmi Gure embarked on his final journey, leaving behind a legacy that soared high in both aviation and journalism. As the founder and managing director of Hiiraan Online, the oldest Somali news website, Ahmed's life was a testament to resilience, innovation, and an unwavering commitment to his roots and his people. Surrounded by family and friends, he passed away on Sunday after a prolonged illness. Source: Hiiraan Online
-
Haanta ka soo caariday xeebta Ilfoocshe Taliska Qaybta Booliska Gobolka Mudug ee Puntland ayaa digniin ka soo saaray khatarta haan weyn oo ka soo caariday xeebaha Gobolka Mudug. Qoraal ka soo baxay Taliska Qaybta Booliska Gobolka Mudug ayay digniin kaga bixiyeen haanta oo aan weli la aqoonsan waxa ku jira islamarkaana ka soo caariday xeebta degaanka Ilfoocshe oo ka tirsan degmada Jariiban. Taliska Booliska Mudug ayaa ugu baaqay dadweynaha degaannadaasi in ay ka fogaadaan haanta oo noqon karta mid sun ka buuxdo ama qarax samayn karta inkastoo aan weli baaritaan lagu samayn waxa ku jira gudaheeda. “Shacabka ku dhaqan deegaanada ilfooxshe iyo deegaanada dhaca xeebaha Gobolka mudug ayaa loogu baaqayaa inay ka fogaadaan haamaha noocaas ah kuwaasi oo ah haamo sun ah oo mararka qaarna qarax wayn ka dhalan karo kasoo saameyn kara dad iyo duunyaba” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska. PUNTLAND POST The post Booliska Puntland oo digniin ka soo saaray haan weyn oo ka soo caariday xeebta Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
-
At least 19 people drowned when their boat sank in a river in Ethiopia's northern Amhara region Saturday, the region's official media said Sunday. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay, in laga yaabo in Turkiga uu gudaha u galo Israa’iil, si la mid ah sidi ay horay uga sameeyeen Liibiya iyo Nagorno-Karabakh. Erdogan, oo si aada u dhaleeceeya duullaanka ay Isra’il ku qaadday Gaza, ayaa hadalkaan jeediyay xilli uu ka hadlayay horumarka uu dalkiisa ka sameeyay wax soo saarka qalabka difaaca. “Waa inaan aad u xoog banaanno si aysan Israa’iil wax yaabahan lagu qoslo uga sameyn Falastin. Sidi aan u galnay Liibiya iyo Karabakh, waxaa dhici karta inaan si la mid ah iyaga ku sameyno” ayuu yiri madaxweyne Erdogan. Kaddib markii Madaxweynaha Turkiga , Erdogan uu ku hanjabay in ay geli karaan Israa’iil, waxaa hadal hanjabaad ah ugu jawaabay Wasiirka Arrimaha dibadda Israa’iil. Wasiirka ayaa bartiisa X ku baahiyay sawirka Erdogan iyo Saddaam Xuseen oo uu ku soo dul qoray; “Erdogan ayaa raacay waddadii Saddaam Xuseen, wuxuuna ku hanjabay inuu weerari doono Israa’iil. Kaliya ha xasuusto wixii dhacay iyo sidii ay ku dhammaatay.” PUNTLAND POST The post Madaxweyne Erdogan oo sheegay in Turkigu geli karo Israa’iil si ay u caawiyaan Falastiiniyiinta appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan oo booqasho shaqo rasmi ah ku joogay magaalada Riyad ee dalka Sucuudiga ayaa shir la yeeshay dhiggiisa dowladda Boqortooyada Sucuudiga Mudane Eng. Abdulrahman Abdulmohsen AlFadley. Labada dhinac ayaa ka wadahadalnay xoojinta xiriirka labada waddan, iskaashi dhinaca horumarinta Kalluumeysiga ah iyo in dowladda Sucuudigu ay maalgashi wax ku ool ah ku sameyso Kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya gaar ahaan Kalluumeysiga. “Waxaan hoosta ka wada-xariiqnay muhiimadda ay lee dahay iskaashiga labada dowladood iyo maalgashi ay ganacsatada sucuudigu ku sameeyeen Kalluumeysiga gudaha, aniga oo la wadaagay fursadaha dihan ee ka jira maalgashiga Kalluumeysiga dalka” ayuu yiri wasiir Axmed Xassan Aadan. Wasiirka ayaa intaa ku daray in uu jiro dedaal gaar ah oo uu ku bixinayo in dalku uu helo maalgashi caalami ah kaas oo wax ka tari kara kordhinta dakhliga iyo wax soosaarka gudaha horseedna u noqon kara in dalku uu gaaro isku filnaansho dhaqaale oo waara. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo sacuudiga u bandhigtay in uu maalgashado kheyraadka badda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Ugu yaraan 19 qof ayaa la xaqiijiyay in dhinteen kaddib marki ay dooni ay la socdeen ku degtay webi ku yaalla gobolka Amxaarada ee Waqooyiga Itoobiya, sidaasi waxaa xaqiijisay warbaahinta gobolka ee AMC. Doonta ayaa rakaab kasoo qaadday deegaannada ku hareereysan webiga Tekeze ee mara xadka Itoobiya iyo Eritrea kuna dhamaada gudaha dalka Sudan. Saraakiisha ayaa sheegay in wadday ugu yaraan 26 qof. Warbaahinta Gobolka Amxaarada ee loo soo gaabiyo AMC ayaa ku warrantay in la helay meydadka laba qof. Gobolka Amxaarada oo ah kan labaad ee ugu dadka badan Itoobiya, ayaa waxaa sannadihi dhawaa ka jiray colaad sokeeye oo u dhaxeysa millatariga Itoobiya iyo malleeshiyaadka qowmiyadda Amxaarada ee loo yaqaanno Fano. PUNTLAND POST The post 19 qof oo ku dhintay shil doon oo ka dhacay dalka Itoobiya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Gudiga fulinta ee ciyaaraha fudud ayaa kulan ay yeesheen waxaa ka soo baxday in shaqo joojin lagu sameeyo guddoomiyihii ciyaaraha fudud ee Soomaaliya Faarax Cali Macalin. Guddoomiye Faarax oo hadda howlo shaqo u jooga dalka Faransiiska gaar ahaan caasimaddiisa Paris, ayaa shaqada laga joojiyey kadib markii ay arrintiisa ka fariisteen xubno guddi ah. Faarax Cali Macallin oo ku sugan Paris ayaa u waramay idaacadda VOA, wuxuuna kq jawaabay xil ka qaadista lagu sameeyey, sidoo kale wuxuu faahfaahin ka bixiyey sida ay howlaha ciyaaraha Olombikadu uga socdaan magaalada Paris iyo ka qeybgalka Soomaaliya ee ciyaarahaasi. Guddoomiye Faarax ayaa sheegay in isagoo shaqo ku maqan ay inqilaabeen xubno ka tirsan guddiga, balse wuxuu ku dooday in sharciga ay ku shaqeeyaan uusan dhigeyn sida ay wax u dhaceen, isagoo tallaabadii shaqada looga joojiyey ku tilmaamay dhabarjebin ku tahay dadaalka Soomaaliya ay ku bixineyso inay natiijo ka gaarto ciyaaraha Olonbikada ee Paris ka socda. Mustaf Cabdicasiis Maxamed ayaa laga dhigay sii hayaha guddoomiyaha xiriirka ciyaaraha fudud oo sidoo kalena ah ku xigeenka guddoomiyaha guddiga. Xiriirka ciyaaraha fudud ee Soomaaliya ayaa ciyaartoy u diray magaalada Paris ee dalka Faransiiska, halkaas waxay uga qeyb gelayaan ciyaaraha caalami ah ee Olombikada, ku simaha guddoomiyaha ayaa la weydiiyey sida lagu soo xulay ciyaartoydaan iyo howlaha horyaalla. Guddoomiyaha shaqada laga jooyey ee Faarax Cali Macalin ayaa hogaaminaya ciyaartooyda Soomaaliya ee ka qeybgaleysa ciyaaraha Olombikada ee Paris ka dhacaya. Hoos ka dhageyso wareysigiisa https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2024/07/Wareysi-v.mp3The post Shaqo joojin lagu sameeyey madixii ciyaaraha fudud ee Somalia oo Paris u jooga shaqo xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa bilowday maxkamadeynta nin agaasime ka ahaa mid ka mid ah wasaaradaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, kaas oo loo heysto inuu la shaqeeyey Khawaarijta Al-Shabaab. Ninkaas oo lagu magacaabo Cabdinuur Fooley ayaa loo heystaa inuu akoon u furay kooxda Al-Shabaab oo u soo dhexmartay nin ay qaraabo yihiin, balse hadda uusan garaneyn meel uu jiro. Guddoomiyaha Maxkamadda Salax Dabaan ayaa su’aalo adag weydiiyey Agaasimaha lasoo taagay maxkamadda, balse wuxuu ku guul dareystay inuu iska furto kiiskaan adag ee uu ku jiro. Cabdinuur ayaa xitaa garan waayey abtiriska ninka uu sheegay inay qaraabo yihiin oo Akoon uu uga furay Salaam Bank. Dowladda ayaa ogaatay in akoonkaas la marsiiyey lacag badan oo Shabaab ay leeyihiin, ayaa Baydhaba ka soo qabatay Agaasime Cabdinuur oo maxkamadeyntiisu ay ka socoto Muqdisho. Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa eedeysanaha weydiiyey halka uu ku nool yahay ninka uu akoonka u furay ee qaraabada ay yihiin, wuxuuna ku jawaabay in markii ugu war-dambeysay uu ganacsi ku leeyahaa deegaan hoos taga degmada Diinsoor ee gobolka Bay. Sidoo kale waxaa la weydiiyey magaca ninka uu akoonka u furay ee qaraabadiisa uu ku sheegay, balse wuxuu garan waayey magaca dhameystiran iyo halka ay qaraabo ka noqdeen. Maxkamadda ayaa la horkeenay cadeymo sawirro wata oo muujinaya nin agaasime Cabdinuur uu qaneecadiisa ku furay akoonkaas ay Shabaab lacagaha ku shubteen, balse maanta uusan garaneyn ninkii uu u furay. Agaasime Cabdinuur Fooley waxaa weli socota maxkamadeyntiisa, waxaana suurtagal ah in maalmaha soo socda mar kale la hor keeno maxkamadda, sidoo kale waxaa soo bixi kara xukun adag oo Cabdinuur uu ku muteysa karo kiiskaan xasaasiga ah. Dowladda Soomaaliya dhinacyada ay kala dagaalameyso Al-shabaab waxaa kamid ah dhanka maaliyadda, waxaana aad loo baacsadaa akoonada ay lacagaha dhigtaan, dadka u fura, dadka lacagaha ugu dira iyo dadka ay lacagaha u dhiibtaan, sidaan oo kale ayaa marar badan maxkamadaha dalka loo horgeeyey loona xukumay dad lagu helay inay la shaqeeyeen Al-Shabaab. Hoos ka daawo The post Daawo: DF oo maxkamadeyneysa Agaasime loo heysto maal-gelinta Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Jimcihii la soo dhaafay waxaa deegaan hoostaga degmada Jarrriiban ee gobolka Mudug lagu diley Xamse Muuse Ducaale oo kamid ahaa barayaasha wax ka dhiga dugsiyada gobolkaas, waxaana falkaas la sheegay inuu geystay nin lagu magacaabo Axmed Maxamuud Maxamed. Gacan ku dhiiglaha oo la sheegay in eheladiisa ay laamaha nabad-galyada gobolka u gacan geliyeen ayaa la geeyay magaalada Gaalkacyo, waxaana lagu xiray saldhigga dhexe, sida ay shaaciyeen booliiska gobalka Mudug. Alle ha u naxariistee macalin Xamse Muuse Ducaale ayaa lagu dilay deegaanka Seemade ee Degmada Jariiban oo uu ka ahaa macalin iyo shiikh, waxaana habeenkii labaad meydkiisa lagu hayaa tallaagad, iyadoo la sugayo ehelkiisa oo ka imaanaya magaalada Boorame ee Xarunta Gobolka Awdal. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa uga digay Maraykanka in la geeyo dalka Jarmalka gantaalada riddada dheer, isagoo sheegay in Ruushka haddii ay taasi dhacdo uu dib u bilaabi doono soo saarista hubka Nukliyeerka ah ee riddada dhexe, isla markaana uu gantaalo la mid ah dhigi doono meel kaabiga u saaran dalalka reer galbeedka. Mareykanka ayaa 10-kii bishan July sheegay in uu bilaabi doono in uu geeyo gantaallada riddada dheer gudaha Jarmalka laga bilaabo 2026 taas oo qayb ka ah qorshaha militari ee muddada dheer oo ay ku jiraan gantaallada SM-6, Tomahawk cruise missiles iyo hubka loo yaqaanno hypersonic. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli xiisadda labada dhinac ay sii kordhayso, islamarkaana dagaalka Ukraine uu sanadkii 3-aad socda, ayadoo ay reer galbeedku xukuumadda Kiev taageero hagar la’aan ah la garab taaganyihiin, Moscow-na ay bari-gantaaliddaas si weyn uga caraysantahay. Source: goobjoog.com