Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,475
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha maamulka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi (Deni) oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari inay kaalintooda ka qaataan sugida amniga magaaladaasi. Deni ayaa sheegay inay muhiim tahay inay wada shaqeyn dhow yeeshaan ciidamada ammaanka iyo shacabka, si looga hortago falalka ammaan dari ee ka dhaca halkaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in maamulkiisu uu xoojin doono howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish oo ku xoogan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa sii xoogeynsayey falalka ammaan dari ee ka dhaca gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. View the full article
  2. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi (Deni) oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyey sababta uu maamulkiisa u qaadacay shirka madasha iskaashiga ee ka socda magaalada Muqdisho. Siciid Deni ayaa sababta ay Puntland uga qeyb geli weysay shirkaasi ku sheegay in aan laga talo gelin, islamarkaana ay ajandaha shirka ku arkeeyn kaliya baraha bulshada. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ka war hayaan Warsaxaafadeedka laga soo saarayo shirkaasi, sida uu hadalka u dhigay. Dhanka kale Madaxweynaha Puntland ayaa soo hadal qaaday khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka, wuxuuna sheegay in maamulkiis uu diyaar u yahay wadahadal. “Waxaan fahmayaa in dada aan wax ka ogeyn waxa jira ay aqbalaan wixii loo sheego,waxaan diyaar u nahay inaan dowladda federaalka la furno wada-hadallo Toos loo daawado si Bulshada u ogaato wixii aan isku heyno loona xaliyo ayuu yiri.” Deni. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay Puntland iyo Jubbaland ay qaadaceen shirka madasha iskaashiga Soomaaliya, kaas oo maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho. Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb galaya in ka badan 50 dowladood, iyadoona diirada lagu saarayo arrimaha amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo cadaalada. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  3. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo guddoomiyay kulan qayb ka ah Shirka madasha iskaashiga Soomaliya, oo looga hadlay Maal gelinta horumarinta khayraadka biyaha dalka, ayaa sheegay in maal gelinta horumarinta biyuhu ay ka dhigantahay kobcinta dhaqaalaha, sare u qaadidda amniga iyo xasiloonida dalka iyo dhismaha kalsoonida hey’adaha dowladeed. Wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay, James Swan, maamule gobaleedka Bangiga horumarinta Afrika ee arrimaha kaabayaasha dhaqaalaha, madaxa Bariga Afrika ee wasaaradda iskaashiga dhaqaaha dowladda Jarmalka, iyo agaasimaha Bangiga adduunka ee Soomaaliya, Rwanda, Uganda iyo Kenya, ayaa kulanka ka sheegay in maal gelinta khayraadka biyaha dalka ay muhiim u tahay horumarka bulshada. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay in 24% dadka Soomaaliyeed oo lagu qiyaaso 15.44 milyan, ay heli karaan biyaha ay u baahanyihiin Sababo la xariira in aysan jirin awood iyo hannaan biyaha lagu soo saaro oo fududeyn karta in bulshadu ay hehso biyaha ay u baahantahay. Ra’iisul wasaaaraha oo u mahad celiyay deeq bixiyayaasha, ayaa sheegay in loo baahanyahay in lasii joogteeyo taageerada, si loo gaaro hadafyada la hiigsanayo oo ah in shanta sano ee soo socota ay dadka Soomaaliyeed helaan biyo ku filan iyo in la maamulo khayraadka biyaha arrintaas oo qayb ka qaadaneysa horumarinta dhaqaalaha, yareynta qalaqaalaha ka dhasha biya la’aanta iyo saameynta abaaraha. Kualnka waxaa goob joog ka ahaa, ergooyinka ka qayb gelay shirka Caalamiga ah ee madasha ishaashiga Soomaaliya ee maanta Muqdisho ka furmay, wasiirro ka tirsan xukuumadda iyo madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle. View the full article
  4. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Subax-20102019.mp3 View the full article
  5. Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa saacadihii la soo dhaafay gacanta ku dhigay xubno ka mid ah dagaalyahannada Al-Shabaab, kadib howlgallo ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ka fuliyeen nawaaxiga magaalada Mombasa, iyagoona ku soo qabtay illaa 7 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab. Sidoo kale saraakiisha hoggaamineysay howlgalladaasi ayaa sheegay in guri ay ku sugnaayeen raggaasi laga soo helay hub iyo kiimikada laga sameeyo qaraxyada. Hubka ay gacanta ku dhigeen ciidamada ayaa waxaa ka mid ah 1,600 xabo oo rasaas ah, bambooyin, hub kala duwan iyo maadooyin kiimikaad oo qaraxyada laga sameyn karo. Booliska Kenya ayaa sidoo kale sheegay in raggaasi ay qorsheynayeen in weeraro xoogan ay ka fuliyeen gudaha dalka Kenya, gaar ahaan meelaha ay dadka ku badan yihiin. Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro khasaaro geysta ka fulisa Kenya, gaar ahaan deegaanada dhaca xadka dheer oo uu dalkaasi la wadaago Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  6. Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo ku saabsanaa shirka Soomaaliya iyo daneenayaasha caalamiga ah ee Muqdisho ka socda, ayaa marna lagusoo hadal qaadin maqnaanshaha qaar kamid ah dowlad goboleedyada. Inkastoo maanta dowlad goboleedyada shirka jooga laga dhegaysandoono kaalintooda, ayaa hadana waxaa shirka lagusoo hadal qaaday tilaabooyinka beesha caalamka iyo dowladda federalka. Daneenayaashu waxay sheegeen Soomaaliya in ay muddo dheer ku soo qaadatay dhismaha jawi wanaagsan iyo awood ay ku fuliso kaalinteeda xubin buuxda oo bulshada caalamka ah, oo ay ku jirto awoodda lagu marti-galiyo shirarka caalamiga ah ee kan la midka ah. Kama muuqan wax door ah oo laga siiyay dowlad goboleedyada ahmiyada shirkaan, hase yeeshee war murtiyeedka maanta lagasoo saaridoono shirka ayaa la filayaa in lagu xuso kaalintooda. Puntland iyo Jubbaland ayaa shirkaan diiday, iyagoo maanta ku qoran inay hadal jeedin kooban ka sameeyaan shirka. Labaduba waxay sheegeen in dowladda federalka si qaldan umaamushay qaban qaabada shirka, iyagoo tilmaamay inaan wax talo ah laga siinin ajendaha shirka iyo kaalintooda. Puntland Post The post Beesha caalamka oo aan shirka Muqdisho kusoo hadal qaadin doorka dowlad goboleedka. appeared first on Puntland Post.
  7. Rawdah has purchased two buildings in South Minneapolis that are next to each other. Rawdah Community Center has outgrown its masjid (mosque). Since its establishment, it has had a pleasant yet challenging journey. Source: Hiiraan Online
  8. Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland Jaamac Faarax Hoggaanka dhaqanka degmada Buuhoodle iyo mas’uuliyiinta maamulka Khaatumo oo warbaahinta la hadlay ayaa ka soo horjeestay wefdi ka tirsan xukuumadda Puntland oo maalmo ka hor halkaasi gaaray si ay gole degaan ugu dhisaan degmadaasi Buuhoodle. Cuqaasha iyo waxgaradka oo ay weheliyaan xubno mas’uuliyiin ka ah maamulka Khaatumo waxay sheegeen in Buuhoodle uu ka dhisanyahay gole degaan oo loo dhanyahay kaasi oo ay hirgelisay Khaatumo sidaasi darteedna ay sharci-darro tahay in nidaam iyo maamul dhisan mid kale laga dul-dhiso. Sidoo kale waxay wefdiga Puntland ku eedeeyeen in ay kala qeybin iyo isku dir ka wadaan degaanka waxaana ay ka dalbadeen in ay isaga baxaan gudaha Buuhoodle haddii kalena xoog looga saari doono. Wefdiga Puntland oo uu hoggaaminayo wasiirka Shaqada & Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha jaamac Faarax Muuse ayaa Sabtidii todobaadkan waxay socdaal ku tageen degmada Buuhoodle halkaasi oo ay weli ku sugan yihiin si ay u dhisaan gole degaan oo Puntland ay sheegtay in ay ka hirgelinayso Buuhoodle. Dhinaca kale Wasiirka Shaqada & Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha jaamac Faarax Muuse oo saaka warbaahinta Puntland Post la xiriirtay si aan wax uga weydiino cabashada laga muujiyay wefdigiisa ayaan ka jawaabin taleefonka. PUNTLAND POST The post Wefdi ka socda Puntland oo loogu hanjabay in xoog looga saari doono degmada Buuhoodle haddii aysan ka bixin appeared first on Puntland Post.
  9. BEIJING (Reuters) - China’s military on Tuesday showed off new equipment at a parade in central Beijing to mark 70 years since the founding of the People’s Republic, including hypersonic-glide missiles that experts say could be difficult for the United States to counter. Source: Hiiraan Online
  10. Serge Gnabry scored four goals as Bayern Munich humiliated Tottenham 7-2 in the Champions League on Tuesday, the first time in club history that Spurs conceded seven at home in a major competition. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya waxaa ka bilaawday guluf siyaasadeed oo xoog leh, kaas oo ka dhan ah qorshaha dowladda Soomaaliya ee madaxda qaranka dalka ku maamulaan. Gulufkaan siyaasadeed waxaa hormuud u ah Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana qayb ka ah wasiiro daaha gadaashiisa ku sugan iyo Xildhibaano ka tirsan 2-da gole ee Baarlamaanka Soomaaliya. Isbaheysi siyaasadeed oo shalay looga dhawaaqay Muqdisho, kaas oo ay ku mideysan yihiin inkabadan 10 Xisbi, ayaa durba walaac ka abuuray xafiisyada dowladda Soomaaliya. Villa Somalia ayaa la sheegay in looga yeeray hoggaamiyaal Xisbiyo, kuwaas oo la dhacsan dowladda Soomaaliya islamarkaana gaashaan u ah Xukuumadda waxaana la filayaa in maalmaha soo socda arintaan ka hadlaan. Durba waxaa bilaawday warar sheegaya in Xisbiyada la dhacsan Xukuumadda ay billaabeen qorshe ay sharci darro uga dhigayaan Isbaheysigii shalay looga dhawaaqay Muqdisho. In Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed hogaamiyaan xisbiyo siyaasadeed waa fariin muujineysa in dowladda Soomaaliya ay wajaheyso culeesyo siyaasadeed kuwii ugu adkaa muddo 3 sano kadib. Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ma aheyn mucaarad dowladda dhaliila ama sameeyo shirar ka dhan ah waxaase la’aaminsan yahay in dowladda ay sabab u noqotay in uu sii kordho mucaaradkeeda. Dhamaan dadka aan la dhacsaneen shaqada dowladda, waa siyaasiin ay fogaysay kuwaas oo qaarkood ku jira hay’adaha dowladda Soomaaliya, sida Baarlamaanka iyo kuwa kale oo ku sugan daaha gadaashiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. Muqdisho (Caasinada Online) – Waxaa soo baxaya digniino loo jeedinayo dowladda Soomaaliya, taas oo ku aadan in laga noqdo istiraatiijiyad qaldan oo lagu maamulo ciidamada Soomaaliya, gaar ahaan militariga. Qubarada dhanka ciidamada ayaa sheegay in gobalka Shabeellada Hoose ay ku dayacan yihiin kumanaan kamid ah Milateriga Soomaaliya iyo qalab ciidan oo ay heestaan. Janaraal Sheekh Yuusuf Siyaad Indhacade, ayaa warbaahinta magaaalada Muqdisho ka sheegay in Al-Shabaab ay ku teedsan yihiin badda iyo wabiga iyo gobollada Banaadir iyo Shabeellada Hoose, islamarkaana ay gudaha ku jiraan ciidamada Soomaaliya. “Ciidamada Soomaaliya kor waxaa ka jira Al-Shabaab, dhanka Muqdishana waxaa ka jira Al-Shabaab waana nidaam qaldan oo halis ku ah amniga dhalinyarada iyo hantida loo dhiibay” ayuu yiri Janaraal Indhacade. “Weerarkii Ceel-Saliini, waxaa la waayay cid u gurmata ciidankii la laayay, sababtoo ah maba jirin qof u gurman kara kuwa kale ayaa hada halistaas ku jira” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Janaraal Indhacade. Dadka yaqaana gobalka Shabeellada Hoose ayaa dowladda Soomaaliya kula taliyay in marka hore ay ku dadaasho in Al-Shabaab laga saaro dhulka deexda ah ee gobalka Shabeellada Hoose, kuwaas oo ah meelaha ay ka soo abaabulaan weerarada Muqdisho iyo Saldhigyada Shabeellada Hoose. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. Haweenay Soomaaliyada oo ka tirsanayd Shaqaalaha BBC-da oo geeriyootey+Taariikhdeeda Waxbarasho & Shaqo HANNA Weriyaha BBC-da, Hanna Yuusuf oo shaqadeeda muddooyinkii dambe ay ahayd baaritaan la xiriira xaaladda ay ku shaqeyaan shaqaalaha ka shaqeeya bakhaarka shirkadda qaxwada ee Costa ayaa geeriyootay iyadoo 27 jir ah. Madaxa wararka ee BBC-da Fran Unsworth, ayaa sheegtay in Hanna ay ahayd gabar yar oo weriye oo heybad uu Alle siiyay, hammi badanna laheyd, waxayna intaa racisay in geerideda ay tahay war aad u naxdin badan. Qoyska Hanna waxaa ay shegeen inay “aad uga naxeen, qalbi jabna ay ku noqotay”, waxayna intaa raaciyeen in wax qabadkeedi uu dadka u noqon doona dhiiragelin. Hanna waxay la shaqeyn jirtay qeybta wararka lagu qoro bogga wararka ee website-ka, luuqada Ingiriiska iyo telefishenka luuqada Ingilishka oo ay soo saare ka ahayd. Hanna waxay ku hadli jirtay lix luuqadood oo ay kamid yihiin Soomaali iyo Carabi, waxaana ay horay uga shaqeysay warar la xiriira dhibanayaasha dembiyada culus. Warbixinadii baaritaanada ee ay sameysay Hanna Warbixintii ay Hanna ka qortay shirkadda Costa, waxay daaha ka rogtay dacwadaha iyo eedeymaha loo jeedinayo madaxda shirkadda, kuwaas oo diiday inay shaqaalaha siiyaan marka ay jiradaan iyo fasaxa sandlaha. Afhayeen u hadlay shirkadda ayaa sheegay inay sameyeen baaritaan madaxbanan, iyagoo ka duulaya eedeymaha loo jeediyay madaxda shirkadda. Asturnaanta Hanna Yuusuf Hanna shaqadii ugu horeysay ee ay BBC-da ka bilowda waxay ahayd cilmi baare katirsan barnaamijyada News at Six iyo Ten iyo qeybta qoraalka. Kahor inta aysan kusoo biirin BBC-d, Hanna waxaa ay la soo shaqeysay wargeyso ay kamid yihiin the Guardian, the Independent, the Times, the Muslim News, the Pool iyo Grazia Magazine. Sanadkii 2015, ka waxay muuqaal ka sameysay go’aan ay qaadatay oo ahaa inay xirato Xijaabka, iyadoona sheegtay in uusan wax dhib ah ku jabneyn. Hanna waxay 1992 ku dhalatay Soomaaliya, waxaana ay heshay deeq waxbarasho , si ay shahaadada labaad ee jaamacadda uga sameyso Ingiriiska. Kahor waxaa ay jamaacadda Queen Mary, ee isla dalka UK ka sameysay shahaadada koowaad ee jamacadad. Qoyska Hanna ayaa war qoraal ah oo ay ka soo saareen dhimashada gabdhooda waxay shegeen in dhimashada Hanna ay argagax ku noqotay. “Dad badan waxay Hanna ku yaqaaneen shaqadii wanaagsaneyd ee ay kusoo kordhisay saxaafadda iyo shaqadeedi BBC-da”. Weriyaha BBC-da, Cabdiraxmaa Bidhaan oo ay Hanna ka wada shaqeyeen xarunta BBC-da ee London ayaa ka shakeeyay waxyaabaha uu ku xusuusto. “Waxaan ku xasuustaa gabadh jecel dhaqankeeda iyadoo haddana qurbaha ku kortay, “ayuu yiri Bidhaan. Agaasimaha BBC News Fran Unsworth ayaa tiri: “Tani waa akhbaar laga naxo oo dhamaanteen tiiraanyo na gelisay. Hanna Yusuf waxay ahayd saxafiyad dhallinyaro ah oo hibo leh, BBC oo dhanna aad looga jeclaa, waxaana tacsi u diraynaa qoyskeedii iyo asxaabteedii. Waan tebi doonnaa Hanna”. Xafiiska BBC ee London Sophia Smith Galer oo ka mid ah shaqaalaha BBC ee ay Hanna wada shaqeeyeen ayaa tiri mar kasta waxay ahayd qofka ugu naxariista badan, ugu xariifsan aadna dadka u soo jiita ee qolkan nala jooga”. “Waxaan weynay saaxib aad u ad-adag, iyo awood dhanka runta u adeegta, iyo iftiin gaarayey meel ka shisheysa mihnadeeda saxaafadda oo ay ku hiranayeen dad badan oo isugu jira kuwo BBC ka shaqeeya iyo kuwo aanka shaqayn” ayey tiri. Waxaan xaqiijin doonnaa in dhaxalkeeda dhanka jacaylka tebinta sheekooyinka uu noqdo mid aad loo maqlo wakhtiyada soo socda, aad ayaanan u tebi doonnaa”. Weriyaha arrimaha caalamka u qaabilsan BBC Lyce Doucet ayaa iyadana Twitter ku portay “dhakhsiyo ayaad uga tagtay duni aad ilays weyn ku iftiimisay”. Qaran News
  14. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa markii u horraysay faahfaahin ka bixiyay, arrimaha keenay in Puntland ay ka qeyb-geli waydo, Shirka la baxay Somali Partnership Forum ee shalay ka furmay magaalada Muqdisho. Madaxweyne Deni, ayaa sheegay in aan Puntland laga tala-gelin shirkaasi, balse ay baraha bulshada ka aragtay ajandihiisa iyo war-murtiyeedkii ka soo bixi doona oo sii diyaarsan,sidaasi darteedna ay go’aansatay in aysan ka qeyb-gelin, maadaama aanay wax talo ah ku lahayn. “Waxaan aad uga xunahay Shirka noocaas ah intaas le’eg, in Puntland aan laga tala galin in Puntland ay baraha bulshada ka aragtay ajandaha shirka iyo sida uu u dhiganyahay, in Puntland ay ka aragtay waxa loo yaqaan Communique ama wixii kasoo bixi lahaa shirka oo diyaarsan” ayuu yiri madaxweynaha Puntland. Mudane Deni, waxaa uu sheegay in dawrka keliyah ee Puntland laga siiyay shirkaasi uu ahaa, in ay mudda 5 daqiiqo ah ra’yigooda ka dhiibtan sida ay u arkaan khudbadaha shirka laga akhriyay, isagoo xusay in taasi ay tahay, mid lagu qiima dilayo dowladda Puntland, islamarkaana aysan wax la qaadan karo ahayn. “Khudbad nin akhriyay ayaa shan daqiiqo idinkuna waxaad leedihiin inaad Comments ka bixisaan ama ka hadashaan, intaas in ay noqotay qiimihii Puntland laga dhigo aad baan uga xumaaday runtiina wax Puntland ay qaadan karto ma aha Bulshada Caalamka oo dhanna si cad ayay ugu cadaysay inaysan arrintaas raali ka ahayn” ayuu sii raaciyay. Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu xalay la qaatay bulshada magaalada Boosaaso, isagoo halkaasi ka shaaciyay in Puntland ay diyaar u tahay, in ay wada-hadal furan oo telefishinada laga daawado la gasho Villa Somalia, si loo arko labada dhinac kan qaldan, loona xalliyo khilaafka jira. Hoos ka daawo hadalka madaxweyne Deni PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo sheegay in Puntland shirka Muqdisho loogu casumay in lagu qiima rido appeared first on Puntland Post.
  15. Baydhaba (Caasimada Online) – Waxay aheyd xaalad la filayay in magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay iyo guud ahaan Koonfur Galbeed Soomaaliya ay noqdaan degaano ka mamnuuc ah shirarka siyaasadeed ee dowladda looga soo horjeedo, balse dad badan ayaan aaminsaneyn in uu heerkaan gaari doono. Caburin, handadaad iyo Xarig joogto ah ayey wajahayaan shacabka ku nool Baydhabo ee aan la dhacsaneen qorshaha dowladda Soomaaliya ee xaalada dalka. In kabadan 10 qof, oo isugu jira siyaasiin, saxafiyiin iyo qaybaha kale ee Bulshada ayaa hada Baydhabo ugu xiran hadalo ay dowladda uga soo horjeedaan oo ay Baydhabo ka sheegeen iyo kuwa abaabulayay shirar lagu taageerayo Shariif Sheekh Axmed. Sidoo kale qaar kamid ah dadka xiran ayaa loo heestaa qoraalo ay ku dabaceen bogga ay ku leeyihiin Facebook, halka qaarkoodna loo xiray sawir ay saarteen Profile-ka Facebook-gooda, sawirkaas oo ah Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu-Mansuur. Dhinaca kale magaalada Baydhabo iyo Guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa u muuqda in ay gacanta u galeen koox ka amar qaadata Villa Somalia, waxaana Golaha Wasiirada, Xildhibaanada, iyo Saraakiisha Ciidamada lagu amray in aysan Warbaahinta ka hadli karin fasax la’aan. Tani waxay aheyd rabitaanka dowladda Soomaaliya waana sababta ay u gelisay malaayiin lacag ah xiligii ay socotay doorashadii Koonfur Galbeed, sanadkii hore ee 2018. Si kastaba, marnaba lama fileyn in u daacad ahaanshaha Villa Somalia ee madaxweyne Lafta-gareen ay gaarto heer xitaa qoraallada facebook la kormeero. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. Dab xooggan ayaa wuxuu ka kacay xarumo ganacsi oo ku yaalla degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska Dabka. Dabkan ayaa gabi ahaamba basbeeliyey xarumahan oo isugu Dukaamo, maqaayad, iyo sidoo kale goobo dharka lagu tolo. Gadiidka dab-damisma oo gaaray halkaasi ayaa ugu dambeyn dabkan damiyey, wallow uu isku maray dhammaan xarumihii halkaasi ku yaallay, balse aanu meelo kale usii gudbin. Lama oga weli waxa sababay in dabkan uu kaco, iyadoo dhanka kale uu dabkaasi ka dhashay khasaare maaliyadeed. Dabkan ayaa kacay abbaare 2-dii habeennimo (Saqdhexe) isaga oo socday in ka badan Saddex saac. Lama tirakoobin khasaaraha maaliyadeed ee dabkan ka dhashay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa maanta ka hadlaya Sawir uu Farmaajo uu la galay Korneyl Yuusuf Cabdi Cali oo loo yaqaano ‘Korneyl Tuke’. Korneyl Tuke, oo ahaa Sarkaal horey uga tirsanaa ciidamadii militariga ee Xukumaddii Maxamed Siyaad Barre, ayaa maxkamad Mareykanka ku taal ku heshay inuu uu dad rayid ah ku dilay magaalada gabiley ee deegaanada Somaliland Guddoomiye Faysal ayaa kulankaasi uu Farmaajo la qaatay Kornayl Tuke ku tilmaamay mid uu ku dheel-dheelayo dadweynaha reer Somaliland, maadama uu sawir la soo galay shaqsi ay maxkamadi ku heshay inuu xasuuqay dad reer Somaliland ah. Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu dib u soo nooleynayo Siyaad Barre, isagoo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Wuxuu markii hore xoogiisa saaray inuu Somaliland Curyaamiyo isagoon lahayn awood uu ku curyaamiyo, Maantana Tuke oo dadka nolosha ku gubayey(inuu Farmaajo sawir la soo galo) waxay ina tusaysaa laba Arrimood”. “Mida koowaad waxa weeyaan innaga ayuu innagu dheel-dheelayaa oo uu leeyahay waxaad tihiin ma jirto, ta labaad, wuxuu ku dheel-dheelayaa Raggii isagoo 21 Maalmood joogay doortay ee yidhi Madaxweyne noqo, kuwaasi oo uu haddana Shalay u diidayey inay Kismaayo tagaan, markaa Dadka aan jirin waa labadeenaa qolo, Dadkeenii baa la xasuuqay”. Wuxuuna intaas kusii daray Faysal Cali “Farmaajo waxa gashay naftii Siyaad Barre, wuxuuna leeyahay waanu soo noqonay oo waanu idin ciqaabi doonaa”. Madaxweyne Farmaajo ayaa dhaleeceyn weyn kala kulmay Siyaasiyiin caan ah iyo baraha bulshadaba, sawirkaasi uu la soo galay Korneyl Tuke, taasi oo dad badan u arkaan in uu Farmaajo dib u xan-xanteynayo boogaha dadkii uu xasuuqey kornaylku. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  18. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan kula qaatay magaalada Boosaaso bulshada gobolka Bari. Kulanka ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Baarlamaanka Puntland Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, Isimo, nabadoono, siyaasiyiin iyo boqolaal ka mida shacabka gobolka Bari. Madaxweynaha ayaa khudbad tariikhiya u jeediyey shacabka gobolkaasi ee uu kulanka la qaatay, waxaa uu ka hadlay Madaxweynuhu waxqabadka Xukuumadda, hindisaha Dowladda ee horumarinta Puntland, muhiimadda shirkii maalgashi, mashariicda maalgashi ee ka bilaabanaaya Puntland, gaar ahaan Boosaaso iyo arrimo kale oo muhiim ah. “Waxaa sharaf weyn ii ah in aan caawa halkaan kula kulmo bulshada gobolka Bari oo runtii ah laf-dhabarta dowladda Puntland, waxaad ogsoon tihiin markii dowladdi dhexe burburtay dadka Soomaaliyeed’na kala irdhoobeen sida ay nasiibka ugu heshay in ay marti-galiso dadyow kala duwan oo deegaano Soomaalyeed ku noolaan jiray, waxaan idiinka mahad-celinaynaa sida aad dadkaa usoo dhawayseen, amaan badan bay mudan yihiin dadka reer Boosaaso oo dadkaas ka dhigtay walaal”. ayuu yiri madaxweyne Deni “Runtii magaaladan waa meeshii uu ka yimid fikirka Puntland maxaa yeelay dadka reer Puntland oo dhan bay gabaad u ahayd, Boosaaso oo markaas ahayd isha kaliya oo nololi ka jirtay dadkii halkaas iskugu yimid waxyaabaha ay xoogga saareen waxaa ka mid ahaa sidii Puntland ay u heli lahayd Dowlad danaheeda ka shaqaysa intay hayso in ka badan ku kordhisa waxaa nasiib wanaag ahaa guddigii Puntland Aas-aaskeeda hogaaminaayey gobolka Bari waxaa u matalayey senator Bootaan maantana asagoo senator ah meesha ayuu fadhiyaa, waxay soodhoweeyeen shirar badan oo Soomaalidu halkaan ku qabatay waxay soodhoweeyeen dad badan oo deegaanadoodii dhib ka dhacay, una sameeyeen taakulayn dhismihii Puntland, waxaa laf-dhabar u ahaa Boosaaso oo dhaqaalihii lagu dhisay qeyb ka qaadatay “. Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shacabka gobolka Bari uga mahadnaqay kasoo qayb galka kulankani taariikhiga ah ee caawa ka qabsoomay caasimadda ganacsiga Puntland ee Boosaaso. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha dowladda Puntland oo kulan furan la qaatay shacabka magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Bar___Qubanha-01092019.mp3 View the full article
  20. More than six Somali opposition parties — including two major parties led by former presidents of the country — have joined hands to form a new political alliance following a meeting in the capital Mogadishu on Tuesday. Himilo Qaran party, led by former President Sharif Sheikh Ahmed, and UPD led by former President Hassan Sheikh Mohamud are part of the new alliance, named Forum for the National Parties. Ahmed had served as president of country from 2009 to 2012, while Mohamud remained president of Somalia from 2012 to 2017. Abdilatif Muse Nuur, a lawmaker and the new coalition spokesman, told reporters the alliance has been formed after the main opposition parties met in Mogadishu. “We will work together to resolving the current political and security issues that this country is facing,” Nuur said. Source: Anadolu
  21. Kismaayo (Caasimada Online) – War-saxaafadeed kasoo baxay xaafiiska Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa looga hadlay shirka madasha Iskaashiga Soomaaliya ee maanta ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka iyo mowqifka uu ka taaganyahay maamulka Jubbaland. War-saxaafadeedka oo lagu cadeeyay in ay ogyihiin Ra’iisul Wasaare Kheyre, guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi iyo guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa lagu socod siiyay Madaxweyne Farmaajo, kaas oo Axmed Madoobe uu uga cudur-daartay casuumaad uu sheegay in ay uga timid madaxweyne Farmaajo. Waxaa lagu sheegay qoraalka Jubbaland in madaxweynaha Jubbaland uu Farmaajo uga mahad celinayo marti qaadkiisa ku aadan kasoo qeyb galka shirka ka socda Muqdisho, iyadoo war-saxaafadeedka lagu cadeeyay todoba qodob oo ay Jubbaland ku diidayso ka qeyb galka shirka madasha Iskaashiga Soomaaliya. Todobada qodob oo ay sheegtay Jubbaland in ay u cuskaneyso diidmada ka qeyb galkeeda shirka ayaa kala ah: 1 – Shuruucdii dalka u taalay oo si barer ah loogu tumanayo. 2 – Ka tala geli la’aan dhanka Ajandaha ah iyo doorkii maamul goboleedyada oo maqan, taas oo ay eheyd in laga wada shaqeeyo inta aan la gaarin waqtiga shirka. 3 – Wada shaqeyn la’aan wiiqday howlihii dalka iyo laamaha heerarka kala duwan ee dowladnimada dalka. 4 – Iyadoo shirkii Brussels qodobadii kasoo baxay aan wali la fulin, aysana sax aheyn shirar aan go’aamadooda la fulineyn. 5 – Hoggaanka sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya uu ku fashilmay isku wadida dadka iyo dalka, lumiyayna kalsoonidii saamileydii siyaasadda. 6 – Jiritaan la’aan golayaal lagu lafaguro arimaha masiiriga ah ee dalka. 7 – Iyadoo aanay jirin hey’adihii awooda u lahaa kala saaridda wixii xeerar ah ee la isku qabsado sida maxkamadda dastuuriga ah ee dalka. “Sidaa darted mudane madaxweyne, maadaama ay jiraan sababaha kor ku xusan isla markaana aan marar badan ka dignay cawaaqib xumada ka dhalan karta hadii aan xal loo helin arimahaas, waxaa nasiib darro ah in maanta ay saameyn toodu muuqato”ayaa lagu soo gaba-gabeeyay qoraalka caawa kasoo baxay xaafiiska Madaxweynaha Jubbaland. Caasimada Online Xaafiiska Kismaayo caasimada@live.com