Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,475
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhammaan jaamacaddaha ka hanaqaaday Soomaalilaan, waxa ay ka siman yihiin in aanay dan iyo muraad toona la lahayn inay isku eegaan xirfadaha ay bixinayaan waxa ay suuqa ka go’aynayaan. Waxa sida Ayaxa loo soo daayaa arday tiro badan oo la soo baray xirfaddo aan baahi loo qaban oo ardayda dabar ku noqonaysa, aakhirkana keenaysa inuu tahriibo ama ka niyad jabo markii shaqo ku waayo wixii uu mudada badan soo baranayey. Jaamacadduhu kama fal-celiyaan baahiyaha suuqa yaalla, ee u baahan xirfado loo soo barto si ay ardaydu markiiba shaqo uga helaan. Inay jaamacaduhu imika bilaabaan inay isku dheellitiraan baahida suuqa taalla iyo aqoonta ay ardayda barayaan waa bilow fiican. Cir-bixiyeyaashu waxa ay yidhaaheen, dayax gacmeedku, ku dhawaad 80% shiidaalkiisu wuxuu isticmaalaa daqiiqadaha ugu horeeya ee safarkiisa, halka 20% uu ku dhammaysto inta ka hadhay muddada uu sahanka ku jiro. Wax waliba billowgiisu wuu adag tahay. Kulliyadaha iyo Suuqeyntooda. Ra’yi ururin ay samaysay mareegta Weedhsan.net oo ay ka qaaday 150 arday oo dhammaystay jaamacaddaha dalka, oo ka qalin jebiyey kulliyadaha Caafimaadka, Sayniska, Beeraha iyo Waxbarashadda ayaa lagu ogaaday inay 83.7% ay shaqeeyaan. Halka ardayda ka qalin jebisay ganacsigu aanay haba yaraateen wax shaqo ah haynin. Sababta aanay ardayda bartay ganacsigu shaqo markaba uga helayn suuqa waxa ugu wacan laba arrimood oo kala ah, Kow, in suuqyada ay ka buuxaan tirada ardaydii hore uga soo qalin jebisay kulliyadu oo uu ka xidhan yahay suuqu. Laba, in aqoonta lagu barto kulliyada ganacsigu aanu la jaan qaadayn waaqaca ganacsiga Soomaalilaan. Sababtoo ah ardayda ayaa la baraa wax aan khusaynin ganacsiga yaalla dalka ay ku nool yihiin. Ardayga la baro cilmi gaar ahi maaha wax ka shaqaynaya casrigan aynu ku jirno. Aragtidaasina waxa ay noqonatay mid gabbalkeedu dhacay, waa in ardayga la baraa maaddooyin kala duwan si ay u kordho fursada uu hadhow shaqo ku helayo. Dhawaan ayuu nin aanu saaxiibo nahay cosdi shaqo u qortay boos lagu soo xayeysiiyey wargaysada, kaasi oo ahaa xisaabiye. Dabadeed wuxuu weydiiyey masuulkii codsiyada qabanayey bal inta codsi ee soo gaadhay. Wuxuu u sheegay inay shaqada soo dalbadeen 400 oo qof. Hadda waa hal boos, waad garan kartaa inay sida ciidda u tuulmeen dadka bartay xirfadaha suuqa ku batay. Ardayda Iyo Jaamacaddaha Ardayda ka soo baxda dugsiyada kala duwan ee dalku, waxa ay jaamacaddaha soo galeen iyaga oo dhego xidhan oo aan xittaa fikir ka haysan waxa ay baranayaan iyo siday suuqa shaqo uga bannaan tahay. Qorshe la’aan ka jirta dhinaca manhajka jaamacadaha dalka oo aan ka jawaabeyn baahida shaqo ee suuqa taalla iyo waxa la baranayo. Jaamacadduhuna malaha waax ardayda kala talisa waxa ay baranayaan iyo inay hibadooda tahay. Bal horta hibada aynu isla garano. Hibada (gift) qeexid: Hibadu waa awood shaqsiyadeed oo dhalasho ah, waxa ay ka mid tahay abuurka Ilaahay. Hibadu maaha barasho iyo dadaal qofeed, balse waa abuur ilaahay, oo qof kale aanu samayn karin. Hibada waxaan ugu jeedaa wuxuu qofku ku fiican yahay. Adduunka ma jirto qof aan shay hibo u lahayni, balse waxa fiican in qofka la darso markuu yar yahay, bal shaygu hibada u leeyahay iyo ka aanu u lahayn. Sidee lagu ogaan karaa Hibada? Hibadu way qarsoontahay waxaana fiican in la soo shaac-saaro. Carruurta iskuulada dhiganaysa waxa ogaan kara macalinka waxbaraya, waxa kale oo ogaan kara waalidiinta carruurta dhalay, iyagoo isha ku haynaya markay guriga joogaan waxa ay jecel yihiin inay qabtaa. Markaa carruurtu shayga ay ugu jecel yihiin inay bartaan ama qabtaan ayay hibo u leeyihiin. qofku markuu weynaado wuu is-qiimayn karaa, bal wuxuu ku fiican yahay iyo waxaanu ku fiicnayn. Xilliga ugu mudan in la ogaadaa waa markay bulshada soo foodsaarto arrin adag oo ka samata-bixinteeda loo baahan yahay. Marka xallinta arrintaasi la bilaabo ayuu qofkii la soo baxaa hibadi ilaahay siiyay, ka dib wuxuu ogaanayaa inuu ku fiican yahay xallinta, oo aanu hore isugu ogayn. Dadka badankoodu waxa ay dhintaan iyaga oo aan is aqoonin waxa ay ku fiican yihiin iyo wax aanay ku fiicnayn. Madax bannaanida Jaamacaddaha Haddii ay iyagu garan waayeen isku dheellitira waxa aad ardayda baraysaan iyo baahida shaqo ee suuqa taalla, waxa ay ahayd inay dawladdu culays saarto shaqadaa ay ka soo bixi waayeen. Dabcan dawladu waxa ay tixgelisay in aan jaamacaddaha lagu faragelin aqoonta ay ummadda u hayaan, way se garan waayeen kaalintoodii mudnayn inay ka soo dhalaalaan. Wakhtiyadii dawladihii kacaankii lugooyo iyo kuwii ka horreeyey, waxa dhici jirtay inay dawladu jaan-goyso xirfadaha suuqyada looga baahan yahay. Hasayeeshee dadka aqoonta jaamacadaha ku xeel-dheer ayaa arrintaasi ka horyimid oo ku sifeeyey xakameyn aan loo baahnayn, oo dadka xorriyada lagaga qaadayo. Waxa ay tusaale u soo qaateen haddii qof ay hibadiisu tahay inuu barto beeraha, hasayeeshee ay xidhan tahay in beeraha la barto sannadahan oo ay suuqa ku bateen. Waxa dhici karta inuu qofkaasi khasaaro oo ay dantu ku kelifto inuu barto wax aanu jeclayn. Cali Cabdi Coomay Suxufi, qoraa ah. Hargaysa, Soomaalilaan Calicoomay@gmail.com Source
  2. (SLT-Hargaysa)Xukuumada somaliland ayaa ka jawaabtay dhaliilo ay shacabka somaliland baraha bulshada u mariyeen wasaarada warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi gelinta. Faroom lagu baahiyey boga wasaarada warfaafinta somaliland ku leedahay Facebook ayaa lagu sheegay inaan telefishanka qaranka laga baahin warkii uu safiirka dalka Jabuuti ugu jawaabayey gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid. Fariintan oo uu ku saxeexnaa madaxa wararka ee telefishanka qaranka somaliland Abiib Iimaan Xasan ayaa lagu sheegay in warkii safiirka dalka Jabuti u fadhiya somaliland aanu ka bixin telefishanka ay maamusho dawladu. Fariintan qoraalkan ah ayaa u dhignayd sidan:- Haddii aad meel ku aragtay astaanta Tv ga qaranka macneheedu maaha inuu baahiyey wixii goobtaasi lagaga hadlayey, waa hubsiimo la aan iyo degdeg xad dhaaf ah in lagu saaro eed iyo dambi aanad lahayn, majiro war iyo barnaamij ku saabsan dhacdo social media ha aad ugu baahday oo aanu siidaynay mana siidayno arimahaasi oo kale. BY: MADAXA WARARKA TV-GA QARANKA JSL ABIIB IIMAAN XASAN. Mahadsanidiin Source
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa maalmaha soo socda lagu wadaa in uu qaado tallaabooyin ballaaran oo isbadal maamul ah. Warar ay heshay Caasimada Online, ayaa xaqiijinaya in guddoomiye Cumar Filish, uu xilalka ka qaadi doono guddoomiyaasha degmooyinka, ku xigeenada iyo agaasimiyaasha gobalka Banaadir. Xil ka qaadista ayaa laga yaabaa in aysan saameynin dhamaan masuuliyiinta boosaska aan soo xusnay balse waxaa la sheegay in dhowaan ay dhici doonto xil ka qaadis iyo magacaabis. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online, u xaqiijiyay in arintaan ay tahay mid ay isla qaateen madaxda dowladda Soomaaliya waxaana laga bilaabi doonaa guddoomiye ku xigeenada gobalka Banaadir. Arrimahaan ayaa lagu micneeyay in shaqada gobalka ay u baahan tahay in lagu sameeyo isbadal ballaaran oo dhan walba ah. Sidoo kale xogta aan helnay ayaa sheegaysa in xil ka qaadistu magacaabista intuba aysan dhici doonin isku waqti balse socon doonto ilaa todobaadyo waxaana laga yaabaa in ay saameen ballaaran ku yeelato masuuliyiin culus oo ku dhow Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Wali magaalada Muqdisho waxaa ku xayiran masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland, kuwaas oo dano kala duwan u yimid caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, halka qaarkoodna ay transit ku ahaayeen garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho. Caasimada Online, ayaa baaritaan ay samesaywaxay ku ogaatay in dowladda Soomaaliya ay magaalada Muqdisho ku heyso masuuliyiin badan oo ka tirsan Maamulka Jubbaland, kuwaas oo doonayay in ay dib ugu laabtaan Kismaayo. Dadka Muqdisho ku xayiran waxaa kamid ah Xeer-ilaaliyaha Maamulka Jubbaland Axamed Sheeq Cismaan Siciid, oo dhowaan shir uga qaybgalay magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay. Shirkaasi ayaa ahaa mid ka dhaxeeya Xeer-ilaaliyaasha Qaranka ee heer dowlad federaal iyo dowladda Dhexe, waxaana shir gudoominyay Xeer-ilaaliyaha Qaranka. Waxaa sidoo kale Muqdisho ku xayiran guddoomiyaha degmada Garbahaarey Iimaan Cadow Kaarshe. Shaqsiyaadka kale ee ku xayiran Muqdisho ayaa isugu jira, agaasimayaal wasaaradeed, agaasime waaxeedyo, guddoomiyaal degmo, Shaqaale ka tirsan Wasaraadaha Jubbaland iyo masuuliyiin kale. Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay is hortaagtay bixitaanka dadkaan, waxaana qaarkood loogu hanjabay in ay la xiro doono hadii ay warbaahinta wareysi siiyaan, sida ay noo xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan dadka ku xayiran Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. Madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada Koonfun galbeed iyo Hirshabeelle ayaa kulan la qaatay wafdi ka socday dowladda Qadar kuwaas oo maanta soo garay magaalada caasimadda ah ee Muqsisho. Kulanka labada Madaxweyne ay la qaateen wafdi Qaday ayaa waxaa googbooj ahaa safiirka dowladda Qadar u fadhiya Soomaaliya Xasan bin Xamse iyo maalgashadayaal reer Qadar ah, waxaana kulanka intii uu socday la isku soo hadal qaaday dalka oo ka soo kabanaayo marxalado uu soo maray dowladda Qadarna ay ka wado mashaariic dhowr ah sidii ay qeyb uga noqon la haayeen Koonfur galbeed iyo Hirshabeelle. Sidoo kale kulanka inta uu socday waxaa la isku dhaafsaday fikrado la xariira horumarinta iyo xoojinta dib u dhiska dalka ka mira dhalka horumainta mashaariicda iyo shaqa abuurka loo samaynaayo Bulshada dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Hir-Shabeelle. Dhanka kale Madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa uga mahad-celiyey Dawladda Qatar taageerada ay siiyaan shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed oo Ka taageera dhinacyada dib u dhiska tayenta ciidanka iyo shaqa abuurka ay u sameeyaan Shacabka Soomaaliyeed, Waxaana uu Xusay in loo Baahan yahay in Mashaariicdaas ay qeyb uga noqon lahayd Gobolada Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa kulan Waxay la Qaateen La-taliye Sare Ra”iisul Waasare ku Xiggeenka Dawladda Qatar oo Safar kusoo Gaaray Magaaladda Muqdisho ee Caasimada Dalka. Kulankaasi ayaa goob-joog ka ahaa Safiirka Dawladda Qatar ee Soomaaliya, waxaana inta uu Socday kulanka looga hadlayey Siddii Dalka oo kasoo kabanayo Marxaladihii uu Soo maray ay Dawladda Qatar Mashariicda ay Bixiso Qeyb Uga Noqon lahayd Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle. Waxaa Kulanka la isku Dhaafsaday Fikrado lagu Horumarin karo Xoojinta Dib u dhiska Dalka, Ka miro dhalinta Hormarinta Mashaariicda iyo Shaqa Abuurka loo Samaynaayo Bulshdada Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Soomaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa uga mahad-celiyey Dawladda Qatar Taageerada ay Siiyaan Shacabka iyo Dawladda Soomaaliyeed oo Ka taageera Dhinacyada Dib u dhiska Tayenta Ciidanka iyo Shaqa Abuurka ay u sameeyaan Shacabka Soomaaliyeed, Waxaana uu Xusay in loo Baahan yahay in Mashaariicdaas ay Qeyb uga Noqon lahayd Gobolada Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose. View the full article
  7. Boosaaso (Caasimada Online) – Shirka golaha wasiirada dowladda Puntland oo todobaadkan ku qabsoomay magaaladda Boosaaso, uuna shir guddoominayey madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo dhamaaday. Shirka ayaa waxaa looga hadlay amniga, xaaladda siyaasadda dalka, dib u eegista diiwaanka siyaasadaha iyo xeerarka puntland, dhismaha goleyaasha deegaanka iyo warbixino kale. Golaha wasiirada Puntland ayaa sheegay inay aad uga walaacsan yihiin hab-dhaqanka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ay lasoo baxday. Waxa uu goluhu sheegay in hab-dhaqanka dowladda federaalka ah uu yahay mid ay kula dirireyso nidaamka federalism-ka ee Soomaaliya ay qaadatay, taasina ay dhaawac weyn ku tahay hanaanka geedi socoda siyaasadda Soomaaliya.
  8. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo maanta kormeer ku tegay xarunta taliska Booliika Soomaaliyeed, ayaa kulan la qaatay taliyaha Booliiska, Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar) iyo labada taliye ku-xigeen. Kulanka ayaa looga hadaly dardar gelinta qorshaha sugidda amniga dalka iyo fududeynta dib-u-habeynta Booliiska, si loogu guuleyso tayeynta ciidamada booliiska oo qayb ka ah qorshaha guud ee ciidamada Soomaaliyeed ay kula wareegayaan mas’uuliyadda amniga dalka oo dhan. Taliyaha iyo taliye ku-xigeennada ayaa Ra’iisul Wasaaraha xog ka siiyay howl galladii ugu dambeeyay ee booliisku amniga dalka ku sugayeen iyo guulahii laga gaaray, qorshaha ciidamo booliis ah lagu geynayo deegaannada argagaxisada laga xoreeyay, waxa ayna ballan qaadeen in ay fududeynayaan qorshaha dib-u-habeynta Booliiska iyo in ay laba jibbaarayaan shaqooyinka ay qaranka u hayaan, si loo helo amni, xasilooni iyo kala dambeyn. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa kulan la qaatay qaban-qaabiyayaashii iyo howl-wadeennadii shirka madasha iskaashiga caalamiga ah Soomaaliya ee shalay soo xirmay, waxaana kulana la isaga xog wareystay hannaankii uu shirku u qabsoomay, caqabadihii lasoo gudboonaaday iyo casharradii laga bartay ee looga faa’iideysna karo qabashada shirarka dambe View the full article
  9. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Habeen-03102019.mp3 View the full article
  10. At the age of 80, Somali grandmother Fadumo Shire Beereed is the sole income earner for her displaced family of 12 people, living in Sahan camp in southern Galkayo, Galmudug region. Source: Hiiraan Online
  11. Shirka todobaadlaha ee golaha Wasiirada Puntland, oo khamiista maanta ka qabsoomay xarunta madaxtooyada ee magaalada Boosaaso, ayaa looga hadlay; Amniga, Siyaasada dalka, dib u eegista Diiwaanka Xeerarka Puntland, dhismaha golayaasha degaanka iyo warbixino kale. Af-hayeenka madaxtooyada Puntland, Jaamac yuusuf Jaamac (Dabaraani) oo markii shirku soo dhammaday faahfaahin ka bixiyay, ayaa sheegay in wasaaradda Amniga ay shirka ku soo bandhigtay warbixin dhammaystiran oo ku saabsan, halka uu marayo tababarka ciidamada Puntland iyo hirgelinta xeryaha tababarkaasi laga samayn doono. Dabaraani ayaa sheegay in xukuumaddu ay waddo qorshe lagu dhisayo ciidamo tirsan oo tayaysan, kuwaasi oo si buuxda u hanan-kara sugidda amniga iyo difaaca degaannada Puntland,isagoo xusay in qorshahaasi hadda meel fiican marayo. Sidoo kale, wuxuu ka warbixiyay qodobada kale ee shirka looga hadlay sida; Siyaasada dalka, dib u eegista Diiwaanka Xeerarka Puntland, dhismaha golayaasha degaanka iyo horumarinta garoomada Puntland. Hoos ka daawo hadalka Af-hayeenka PUNTLAND POST The post Shirka Golaha wasiirada Puntland oo looga hadlay tababarka ciidamada appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa diyaarineysa banaanbax xooggan oo ka dhan ah madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, sida ay ogaatay Caasimada Online. Banaanbaxan la filayo inuu ka dhaco Muqdisho ayaa waxaa amray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida ay ilo-wareedyo ku sugan Villa Somalia u sheegeen Caasimada Online. Dowladda ayaa aad u dhibsatay kulamada ay Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ka wadaan Muqdisho ee looga soo horjeedo xadgudubka ay dowladda ku sameysay xuquuqda isu-socodka muwaadinka, caburinta siyaasiyiinta iyo jidadka xiran ee Muqdisho. Waxaa sidoo kale banaan-baxa la qorsheynayo uu yahay mid jawaab u ah ama looga hordhacayo dibad-bax kale oo madaxdiii hore ay abaabulayaan, si ay u muujiyaan inaysan la dhacsaneyn siyaasadda dowladda. Abaabulka bannaan-baxa uu Farmaajo amray ayaa waxaa loo xil-saaray Garabka loo yaqaan Xoogagga Waddaniyiinta Farmaajo ee ku xiran Madaxtooyada Villa Somalia, si aad ahna daacad ugu ah madaxweynaha oo bil walba ka qaata mushahar. Xoogagga Waddaniyiinta Farmaajo ayaa ah koox u carbisan abaabulka iyo guulwadeynta madaxweynaha, kuwaasoo xubno firfircoon ku leh degmooyinka Gobolka Banaadir. Dibad-baxa ay diyaarinayaan Xoogagga Waddaniyiinta Farmaajo ayaa waxaa ka qeyb-galaya hooyooyinka ku xiran iyo kuwa ka shaqeeyaa xarumaha degmooyinka gobolka Banaadir, iyo dad laga soo wadayo qaar ka mid ah xerooyinka barakacayaasha Muqdisho. Qorshaha banaan-baxa Xoogagga Waddaniyiinta Farmaajo ayaa waxaa qeyb ka ah in Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif lagu calaamadeeyo qabyaalad, loona muujiyo inay madaxweynaha ku mucaaradayaan qabiil, ayaga oo adeegsanaya dadkooda oo ah qabiilka ugu awoodda weyn Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. (SLT-Hargeysa)-Boqor Axmed Iimaan Warsame Oo Dawladda Jabuuti Xaal Ka Siiyey Eedaymihii Faysal Cali Waraabe U Jeediyay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa sheegay in garsoorkii dalku uu meeshii ugu xumayd marayo, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ee maamulka Jubbaland ay bilaabeen in ay qabashada xildhibaanada iyo odayaasha dhaqanka ee ka tirsan garabka isbadal doonka ee ka dhisan magaalada Kismaayo. Ciidamada amaanka Jubbaland ayaa la sheegay in ay xabsiga dhigeen labo xildhibaan iyo oday dhaqameed, kuwaasi oo tirsanaa garabka isbadal doonka, iyadoona xubnaha lagala baxay guryaha ay ka degan yihiin Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in maalmihii ugu dambeeyay ay kismaayo ka socdeen beegsiga lagu hayo xubnaha ka tirsan garabka isbadal doonka ee ka jira magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose. Kaafiyo Cabdi Faarax oo ah Guddoomiye ku xigeenka garabka isbadal doonka oo la hadashay ayaa sheegtay in maamulka Jubbaland uu caburin ku hayo shacabka, siyaasiyiinta iyo xildhibaanada isbadal doonka. Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka Jubbaland, kaasi oo ku aadan inay faahfaahin eeda loo jeediyay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. Muqdisho (SMN) – Mareykanka ayaa dib u furay safaaraddii ay ku lahaayeen dalka Sooomaaliya ka dib kolikii muddo 30-sano ah ka hor ay magaalada Muqdisho ka daadgureysteen shaqalihii iyo diblomaasiyiintii ka joogay dalka. Hadal maalinimadii shalay ka soo yeeray Safaaradda ayaa lagu sheegay in furitaanka Safaaradda ay daba socoto ka dib markii sanadkii tagey la sameeyay dibolomaasiyiin Mareykan ah oo si joogto ah uga howlgala magaalada Muqdisho. Safiirka Safaaradda Mareykanka ee Soomaali Donald Yamamoto ayaa sheegay in dib u furidda safaaradda ay tahay mid taariikhi ah iyo tallaabo kale oo loo qaaday xagga horumarka iyo xojinta xiriirka dibilomaasiyadeed. Mareykanku waa isbaheysiga ugu muhiimsan ee la dagaalama kooxaha argagixisada ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya,waxaana sidoo kale uu ka mid yahay dalalka ugu weyn ee kaalmooyinka dhaqaale u fidiya dowaladda Federaalka ee Soomaaliya. View the full article
  17. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Duhur-0310092019.mp3 View the full article
  18. Paris (Caasimada Online) – Wasiirka waxbarashada xukuumadda federalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa xaruunta UNESCO ee Magaalada Paris (France) kulan kula qaatay Dr. Abdalla A. Al Rabeeh oo ah lataliyaha Boqorka Sacuudi Carabiya, isla markaana ah Madaxa Xaruunta horumarinta iyo gargaarka Bani’aadinimo ee Kulanka ayaa intii uu socday waxa ay Labada masuul ugu wada hadleen sidii Sanduuqa (King Salman Humanitarian Aid &Relief Centre) uu kaalin mug leh ay uga qaadan lahaa horumarinta iyo ballaarinta tacliinta Soomaaliya. Wasiirka wasaaradda waxbarashada Hiddaha Iyo tacliinta Sare ee Soomaaliya, Cabdullahi Goodax Barre ayaa sheegay in kulankani uu ahaa mid muhiim ah islamarkana ay ma kale isku ariki doonaan Dalka Soomaaliya. “Waxaan xarunta UNESCO ee Magaalada Paris (France) kulan kula qaatay Dr; Abdalla A. Al Rabeeh oo ah lataliyaha Boqorka Sacuudiga, isla markaana ah Madaxa Xaruunta Horumarinta iyo gargaarka Bani’aadinimo ee Boqortooyada Sacuudiga ee Boqor Salman (King Salman Humanitarian Aid &Relief Centre), ayuu yiri Wasiir Goodax. Wasirka ayaa intaa ku daray in la taliyuhu uu ka codsaday in uu yimmaado Soomaaliya si loo ambaqaado waxyaabaha ay kulankooda Koowaad kaga wada hadleen, taasi oo uu ka aqbalay.si weynna usoo dhoweeyay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. BELEDWEYNE (HOL) - The self-styled militia group, Ma’awisley killed five Al-Shabaab militants in an ambush in Hiiraan region on Thursday morning. Source: Hiiraan Online
  20. Laba Xidigle Maxamed Cali Cismaan ” Maxamed Yariisow ” oo ka soo jeeda Puntland ahaana Taliyaha Ururka 3aad ee Ciidamada Commandos ee Danab ayaa Allaah [...] Source
  21. Boqor Cismaan Aw Muxumed (Buur-Madow) oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland ayaa Raalli-gelin ka bixiyey eedaymo uu Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID u jeediyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Guddoomiyaha UCID oo Toddobaadkan la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in Madaxweynaha Jabuuti uu cadow u yahay Somaliland, sidaasi darteedna aanay diyaar u ahayn in Jabuuti lagu qabto Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, maaddaama buu yidhi uu Soomaaliya u xagliyo, Somaliland-na ka soo horjeedo. Laakiin, Boqor Buur-madow oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay inuu Madaxweynaha Jabuuti Xaal iyo Raalli-gelin ka siinayo hadalka Faysal Cali Waraabe, kana xun yahay in isaga iyo Marwadiisa Khadra Maxamuud Xayd ay wax ka sheegaan Dad reer Somaliland. Boqor Cismaan Aw Muxumed (Buur-madow) oo Telefiishanka HCTV uu waydiiyey Cidda uu Matalo marka uu Raalli-gelintan bixinayo, ayaa ku jawaabay inuu Matalo Faysal Cali Waraabe. Source