-
Content Count
213,930 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
PRESS RELEASE Kenya to host symposium on strengthening capacities of public institutions in East Africa Economic Affairs Officer, Eunice Ajambo, is one of those representing the Economic Commission for Africa (ECA) at the symposium ADDIS ABABA, Ethiopia, October 9, 2019/ — Kenya will next week host a three-day symposium on Strengthening Capacities of Public Institutions for Transformation, Innovation and Ethical Leadership to Realize the 2030 Agenda for Sustainable Development and Agenda 2063 in East Africa. The symposium, which is being organized by the United Nations Department of Economic and Social Affairs (UN DESA), in collaboration with the Kenyan government and the African Union Development Agency (AUDA-NEPAD), seeks to strengthen the capacities of government officials in East Africa to transform their public institutions and accelerate the achievement of the 2030 Agenda and Agenda 2063. The Economic Commission for Africa (ECA), a key partner of the African Union, will participate in the symposium. Economic Affairs Officer, Eunice Ajambo, is one of those representing the ECA at the symposium. “The achievement of Agendas 2030 and 2063 is wholly hinged on public service. All the development goals require the provision of public services, or the implementation of policy that requires public service to coordinate, mediate or provide,” says Ms. Ajambo. “From the perspective of the ordinary African, we are asking ourselves, what is the scorecard on how well are we doing, to deliver to them come 2030? What is the status of our institutions? How effectively are we sourcing, and efficiently utilizing resources towards public investment? What is the role of, and the feedback from the average African public servant? It is about principles of accountability, transparency, participation, inclusiveness, responsiveness. It is about the place of innovation. And public service motivation is a must.” The symposium aims to reflect on how best to mobilize, organize and equip institutions to effectively promote sustainable development by taking stock of progress made in the implementation of both agendas. It will also provide an opportunity to discuss how to promote government innovation for social inclusion of vulnerable groups, with a focus on youth, gender and persons with disabilities. It will also engage with the task force of schools of public administration from East Africa under the Global Initiative of Schools of Public Administration to Implement the SDGs with the aim to develop and update public service training curricula and public service performance management frameworks, integrating key competencies and skills needed for public servants to implement the 2030 Agenda. Organizers say the 2063 Agenda and the 2030 Agenda will not be realized unless public institutions in Africa become more effective, accountable and inclusive and unless services are delivered in a more equitable manner, considering the needs of the most vulnerable groups in society. “This is about promoting, supporting, and strengthening the capacities, and the enabling environment in which public services can be effectively and efficiently delivered and provided by all relevant actors,” adds Ms. Ajambo. While countries in East Africa have registered great progress in establishing democratic governance systems, including by regularly holding elections, significant efforts and country-level commitments are needed to consolidate good governance and build lasting peace. East African countries highlighted, through the Voluntary National Reviews (VNRs) they presented at the High-level Political Forum (HLPF) in 2016, 2017, 2018 and 2019 that: “weak multi-sectoral implementation planning” and national to local “community engagement” are still major challenges. The symposium will be held from 16 to 18 October 2019 in Nairobi, Kenya at the Kenya School of Government. Distributed by APO Group on behalf of United Nations Economic Commission for Africa (ECA). SOURCE United Nations Economic Commission for Africa (ECA) Qaran News
-
PRESS RELEASE UNHCR and South African government continue to collaborate on refugees and asylum seekers’ issues South Africa is hosting close to 268,000 refugees and asylum seekers, mainly from Somalia, the Democratic Republic of the Congo, and Ethiopia, among others PRETORIA, South Africa, October 9, 2019/ — Some refugees and asylum seekers, including women and children, have been gathering in front of UNHCR offices in Pretoria and Cape Town since 08 October. We acknowledge the issues they raised, including employment and self-reliance, documentation, and personal security concerns. UNHCR, the UN Refugee Agency, is working closely with the South African authorities to continue providing protection through the issuance of appropriate identity documentation, to facilitate access to health care, education and employment opportunities for all refugees and asylum seekers. We have also been increasing our capacity and that of our partner organizations to meet immediate needs as well as engage with persons of concern through community outreach activities. We are grateful to the South African government for the on-going collaboration with UNHCR in the provision of international protection to those in need as well as finding immediate and long-term solutions for refugees and asylum seekers – most living in host communities who also face many socio-economic challenges. South Africa is hosting close to 268,000 refugees and asylum seekers, mainly from Somalia, the Democratic Republic of the Congo, and Ethiopia, among others. Distributed by APO Group on behalf of UN Information Centre in Pretoria (UNIC). SOURCE UN Information Centre in Pretoria (UNIC) Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Bar___Qubanaha-9102019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixinta baarista maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sannad maaliyadeedka dhammaaday 31 December 2018, ee uu soo bandhigay hanti-dhowraha qaranka Maxamed Maxamuud Afgooye ayaa shaaca ka qaadday in madaxweyne Farmaajo diiday inuu soo gudbiyo xisaab xirkii sanadii 2018. Warbixinta hanti-dhowrka ayaa lagu yiri “Xafiiska Madaxweynaha, sida laga rabo sharcigana uu qabo in uu soo gudbiyo xisaabaadka sannadka dhammaaday 31 December 2018 iyadoo la tixgalinaayo in ay ku haboon tahay Baarlamaanka, Illaa hadda wali xisaabaadka sannadka 2018 looma soo gudbin Xafiiska Hantidhawrka Guud si loo baaro.” Sida uu sheegay hanti-dhowraha, xafiiska madaxweynaha ayaa laga doonayey inuu xisaabaadkii sanadkii 2018 soo gudbiyo ugu dambeyn bishii April ee 2019, muddo iminka laga joogo lix bilood. Ma cadda sababta xafiiska madaxweynaha usoo gudbin waayey xisaabaadka sanadkii 2018, hase yeeshee waxaa muuqata in ay jiraan waxyaabo badan oo la qarinayo inay shacabku ogaadaan. Hanti-dhowraha ayaa sidoo kale ku eedeeyey xafiiska madaxweynaha inuusan sharciga racain. “Xafiiska Madaxweynaha ma raacin sharciga. Maqnaanshaha xisaabaadka Xafiiska ee aan si wakhtiyaysan loo baarin, Waxaa laga yaabaa in Baarlamaanka uusan si wakhtiyaysan u gudan la xisaabtanka iyo kor joogtaynta dhinaca maaliyadda ee Xafiiska.” Ayaa lagu yiri warbixinta hanti-dhowraha. Qoraalka ayaa intaas ku daray “Qaar ka mid ah adeega hubinta kharashaadka ee xafiiska madaxweynaha waxaa lagu isticmaalay habraac dhinac marsan SFMIS oo lagu dalbaday adeeg iyo hawlo, iyadoo la garab maray hubinta adeega kharashaadka (commitment control).” Lacago badan oo ka baxay xafiiska madaxweynaha ayaa sidoo kale ku baxay meel aan ahayn halkii loogu talo-galay. “Xafiiska madaxweynaha ma hayn wax caddeymo ah oo ku aadan lacagaha adeega kharashaadka aan la bixin sannadkii dhammaaday. Ma jirin wax caddeymo ah in xafiiska madaxweynaha uu sameeyo dib u eegis joogto ah oo la xiriira lacagaha adeega kharashaadka aan la bixin.” Ayaa lagu yiri warbixinta. Go’aanka xafiiska madaxweynaha uu ku diiday inuu soo gudbiyo xisaabaadkii sanaddii 2018 ayaa imaneysa ayada oo 18 milyan oo dollar oo ka mid ah deeqihii dowladda ay ka heshay caalamka aysan jirin meel lagu sheego. Sidoo kale 20 milyan oo dollar oo laga helay dowladda Turkiga ayaa lagu shubay banki dibadeeda, ayada oo aysan jirin qaab loo raaco ama loo baaro iyo cidda lacagtaas maamuleysa. Halkan hoos ka aqriso warbixinada hanti-dhowraha oo dhameystiran. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaari oo ka dhacay isgoyska Baar Ubax ee degmada Howlwadaag ee Muqdisho. Goobjoogeyaal ayaa u sheegay idaacadda Shabelle in weerarka uu ka dhashay Miino lagu soo rakibay gaariga gaar ahaan qaybta darawalka. Hal qof ayaa la xaqiijiyey in uu ku dhintay falkan. Cali Neero Macalin Maxamed oo dhaawac ahaan looga qaadey meesha ayaa ku geeriyoodey Isbitaalka. Marxuumka ayaa waxaa la sheegay in uu kamid yahay ganacsatadda Soomaaliyeed. Ma jirto koox sheegatay mas’uulkan dilkan. Laamaha ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa nan wali wax war ah kasoo saarin falka lagu khaarijiyey Cali Neero. Xaaskiisa oo la socotay gaariga ayaa la sheegayaa in ay ka badbaaday qaraxa oo jugtiisa laga maqlay qaybo kamid ah Muqdisho. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka oo shalay galinkii dambe gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho oo kolkii horaba ay baxeen. Wafdigaan oo uu hoggaaminaayay Wasiirka arimaha dibadda xukuumadda federaalka Axmed Ciise Cawad ayaa waxaa ku wellinayay socdaalka uu ku tagay Boosaaso Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Kalluumeysiga Cabdullaahi bidhaan, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdi Canshuur Xasan iyo xubno kale oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya. Xubnahaan oo deegaan doorashadoodu tahay deegaanada Puntland ayaa waxa uu madaxweyne Farmaajo u wakiishay in ay dhameeyaan khilaafka siyaasadeed ee ka dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedka Puntland oo ay ku matalaan dowladda dhexe. Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo la hadlay warbaahinta qaranka markii ay dib ugu soo laabteen Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ay Boosaaso kulan qaatay in ka badan 8 saacadood ay kulayeesheen madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Dani iyo xubno kale oo ka tirsan madaxda ugu sareysa maamulka Puntland. Waxa uu sheegay in madaxda maamulka Puntland ay kala hadleen sidii loo dhameyn lahaa khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya dowladda federaalka, isagoo sheegay in ay balamo hor dhac ah ka soo yeesheen sidii loo dhameyn lahaa khilaafkaas, inkasta oo uusan shaacin wasiirku qodobo ay ku heshiiyeen labada dhinac. Sidoo kale intii ay socdeen kulamadaas ayaa waxa uu sheegay wasiir Cawad in madaxweyne Dani ay isla soo hadal qaadeen arrimaha maamulka Jubbaland oo isna khilaaf xoog leh uu kala dhaxeeyo dowladda dhexe. Waxa uu sheegay in Puntland ay u sheegeen in dowladda federaalka ay mowqifkeedii ka taagantahay siyaasadeeda ku aadan Jubbaland oo aysan marnaba aqoonsa doonin doorashadii ka dhacday, isagoo sheegay in hoggaanka Puntland ay arinta Jubbaland ku kala aragti duwanaadeen. Wasiir Cawad sooma ban dhigin heshiis rasmi ah oo ay lasoo gaareen madaxda Puntland, sidoo kale soo ma ban dhigin kulamadoodii kadib waxa iska badalay mowqifka Puntland ee ku aadan doorashadii ka dhacday magaalada Kismaayo iyo guud ahaan arimaha siyaasadeed ee maamulka Jubbaland. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo in Mooshin laga gudbiyey Wasiir ka tirsan Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre. Mooshinka ayaa waxaa laga gudbiyey wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomar. Xildhibaan Maxamed Idriis iyo qaar kale oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa mooshinkaan u gudbiyey guddoonka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. Kullamada ugu horreeyo ee kala fadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta furmay ayey sheegeen Xildhibaanada gudbiyey mooshinka in laga doodi doono. Wasiir Oomaar ayaa lagu soo eedeeyey laba qodob oo kala ah: 1) Ku tumasho qodobo dastuuri ah 2) xad gudub ka dhan ah xaquuqda aadanaha. Weli faahfaahin buuxda lagama helin tirada Xildhibaanada gudbiyey mooshinka ka dhanka ah Wasiir Oomaar, waxayna u badan tahay in lagu heysto amaradii xayiraadda lagu saaray Magaalada Kismaayo ee Caasimadda Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Reuters) - The Somali government is keeping some donor funds offshore and none of the ministries have completed last year’s accounts, the auditor general said in a report published on Wednesday. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU (HOL) - Slightly over $18 million in the financial year 2018 cannot be accounted for, the Auditor General has said in a report which also implicates all arms of government including Banaadir Regional Administration for failing to submit their financial statements for audit. Source: Hiiraan Online
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wajahaya cadaadiskii ugu adkaa kaas oo uga imaanaya dhanka odayaasha dhaqanka iyo beelaha daga degaanada gobalka Bari ee Puntland. Caasimada Online ayaa ogaatay in kulamo aan loo kala kicin muddo todobaad ah, islamarkaana ku soo dhamaaday natiijo la’aan ay ka dhaceen magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsi ee Puntland, waxaana kulamadaas qayb ka ahaa wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya. Saddex kamid ah beelaha ugu awoodda badan gobalka Bari ayaa lagu wadaa in ay dhowaan ku dhawaaqaan in ay joojiyeen wadashaqayntii ay la lahaayeen Xukuumadda Puntland, islamarkaana ay ku dhawaaqaan shir-wayne deg deg ah oo looga tashanayo aayaha gobalka Bari. Beelahaan oo kala Cali Saleebaan, Cali Jibraahiil iyo Beesha Dishiishe ayaa ka cabanaya in dhamaan ilihii dhaqaalaha gobalka Bari, sida Dekadda, Airport-ka iyo maxjarka loo gacan geliyay dowladda Imaaraadka Carabta, islamarkaana ay shaqo la’aan xoog leh la soo daristay dhalinyarada iyo qaybaha kale ee Bulshada gobalka Bari. Siyaasiinta beelahaan ayaa la kulmay Golaha Wasiirada iyo Xildhibaanada ka soo jeeda gobalkaasi islamarkaana ku jira dowladda Puntland, waxayna isku fahmi waayeen dhaqan gelinta rabitaanka beelahaan waana sababta keentay in Deni uu yimaado Boosaaso iyadoo kulamadii Madaxweyne Deni lala qaatay ay ku soo dhamaadeen natiijo la’aan waana sababta keentay qal qalka Puntland. Odayaasha iyo dadka degaanka ee gobalka Bari ayaa ka cabanaya in ilihii dhaqaalaha gobalka loo gacan geliyay ajaaniib islamarkaana shaqo joojin lagu sameeyay kumamaan dhalinyaro ah iyo odayaal ka shaqaysan jiray Dekadda, Airport-ka iyo Maxjarka. Sidoo kalane ay jiraan tabashooyin kale oo ay ka qabaan dhismaha Dekadda Garacad ee Gobalka Mudug oo ay u arkaan in ay tahay mid lagu dhabar Jebinayo ganacsiga Dekadda Boosaaso. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Loolanka salka ku haya guddoomiyenimada xisbiga KULMIYE ee u dhexeeya Wasiirka arrimahah gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa qabsaday baraha bulshada. Loolankan oo aan si rasmi ah weli banaanka ugu soo bixin, ayaa waxa uu ku saabsanyahay ninka noqon doona guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, marka uu Madaxweyne Biixi wareejiyo, waxaana baraha bulshada gaar ahaan facebook qabsaday dhallinyaro kala taabacsan labadan siyaasi ee isku beesha ka soo jeeda. Dhallinyarada taageersan siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa baraha bulshada soo dhigay hadalo koob-kooban oo ku jiray khudbado uu hore u jeediyay Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi, iyagoo raaciyay sawiradiisa oo kala duwan iyo qoraalo ay ku sheegayaan in Maxamuud Xaashi lagu wareejin doono guddoomiyenimada xisbiga. Dhallinyaro kale oo taageersan Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, ayaa iyaguna bilaabay inay u jawaabaan taageerayaasha Maxamuud Xaashi, waxaana baraha bulshada mar keliya qabsaday sawir ay ka muuqdaan Madaxweyne Biixi oo kursi ku fadhiya oo ay wada hadlayaan Wasiir Maxamed Kaahin oo dul taagan. Taageerayaashan ayaa ku doodaya in Madaxweyne kursiga KULMIYE ku wareejin doono saaxiibkii Wasiir Maxamed Kaahin. Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan in dhallinyaradan ay soo kiciyeen bidhaano uga yimid labadan siyaasi oo muujinaya inay soo dhowdahay wakhtiga uu Madaxweyne Biixi wareejinayo guddoomiyenimada xisbiga KULMIYE. Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa xalay cawayskii barta uu ku leeyahay Facebook, wuxuu ku baahiyay qoraal ku qoran luuqadda Carabiga oo uu ugu mahadceliyay dhallinyarada taageersan, waxaanu yidhi “Caways wanaagsan dhammaan dhallinyarada u heelan dalkeena Somaliland, gaar ahaan kuwa baraha bulshada ee ii muujiyay kalsooni iyo niyad wanaag.” Wasiir Maxamed Kaahin, isagaba lagama hayo wax jawaab ama falcelin ah oo la xidhiidha ololaha ka socda baraha bulshada ee u dhexeeya isaga iyo Maxamuud Xaashi. Source
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Habeen-9102019.mp3 View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane, Dr.Cabdiraxmaan MaxamadCabdilaahi (Cirro) iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga kana mid ahaa siyaasiga weyne ee C/laahi, Geel-jire, Af-hayeenka guud ee Xisbiga Barkhad Batuun, Iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marwo Faadumo Siciid Guddoomiyaha dhallinyaradda, Mudane, Dhamme, Xog-hayaha Duulista Nuuradiin-diini, Xog-haye xigeenka Amniga Mudane, Sacad Balaaki. ayaa maanta ka qeyb galay Munaasibadda Qalin-jebinta dufcadda 11aad ee Jaamacadda Admas qeybteeda Magaaladda Hargeysa. Guddoomiye Cirro oo ardeydu ku qaabishay marku madasha soo galay sacab iyo sawaxan kal-gaceyl weyni ku dheehan yahay ayaa hadal u munaasibadda ka jeediyey Ardeyda ugu hambalyeeyey guusha ay muddada dheer soo wadeen iyo geedigooda waxbarasho. Guddoomiyaha ayaa ardeyda si weyn ugala hadlay kaalinta ay ku leeyihiin horumarka dalka iyo hawsha hortaal isago Allena uga baryey iney noqdaan kuwa dalka iyo dadka cilmigooda Alle ku anfco, ugu dameyntiina waxa u Guddoomiye Dr. Cirro guddoonsiiyey shahaadooyinki dhammaan Ardeyda ka qalin-jebisay kuuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Admas iyado Maamulka iyo Madaxda Jaamacadduna si weyn ugagag mahadceliyeen Guddoomiyaha joogitaankisa munaasibadan iyo ag joogsiga ardeyda jaamacadda maanta ka baxday. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Fadeexad culus ayaa kusoo baxday Guddiga Farsamada Doorashada Galmudug oo ay Xalay magacowday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya. Xubnaha Guddiga ayaa waxaa ay ka koobanyihiin 13 xubnood oo kala matalaya beelaha dega Galmudug. Inta badan xubnaha guddigaan kasoo muuqday ayaa ka tirsan xubno aad ugu dhow Dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxaa xusid mudan in qaar ka tirsan guddigaas ay kamid yihiin shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda Soomaaliya. Sidoo kale waxaa guddiga kasoo muuqday qaar ka tirsan la taliyaal wasaaradeed oo daacad ah u ah Dowladda Soomaaliya. Midda dad badan ka yaabisay ayaa ah in Guddiga ay magacowday Wasaaradda ay ku jiraan xubno ka tirsan kooxda Ololaha u wada Musharax Qoor Qoor ee u raacay safarkii Dhuusamareeb. Arrintaan ayaa muujineyso sida ay Dowladda Soomaaliya ka damacsan tahay Doorashada Galmudug oo ah inuu kusoo baxo musharaxooda Qoor Qoor. Magacyada Xubnaha Guddiga farsamada ee dhismaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa kala ah. Maxamed Cumar Warsame Afrax C/Qaadir Nuur Carraale Axmed Maxamed Caafi C/Risaaq Kaahiye Yuusuf Cumar Maxamuud Cabdi Xuseen Cabdulle Xasan Maxamed Daahir Faarax C/Naasir Geelle Cilmi Xaliimo Cabdi Cali Maxamed Maxamuud Cali C/Risaaq Aadan Warsame Abshir C/Raxmaan Maxamed C/Rashiid Cali Salaad. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabilay Safiirka Midawga Yurub U Qaabilsan Dalalka Somaliland Iyo Soomaaliya Amb. Nicolás Berlanga Martínez. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta oo ay taariikhdu ahayd 09-10-2019 xafiiskiisa ku qaabilay safiirka midawga yurub u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Nicolás Berlanga Martinez iyo wefti uu hoggaaminayo. Kulankaana waxa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo midawga yurub sidii loo dardar-gelin lahaa. Sidoo kale, waxa lagu lafo-guray mashaariicda horumarineed ee midawga yurub iyo Jamhuuriyadda Somaliland iska kaashadaan hirgelintooda iyo diyaar garawga doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka oo safiirku sheegay inay dhinacooda diyaar u yihiin wixii kaalmo ah ee ay kaga qayb-qaadanayaan qabsoomida doorashooyinka Somaliland. Ugu danbayntiina madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo uu kulanka ku wehelinaayey wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa safiirka iyo midawga yurub ku bogaadiyey xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya Somaliland iyo midawga yurub iyo mashaariicda horumarineed ee ay dalka ka wadaan. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
