-
Content Count
213,930 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Duhur-10102019.mp3 View the full article
-
Ilaa $20 Milyan oo ka timid deeq bixiyeyaasha caalamka ayaan lagu shubin xisaabta dowladda federaalka ah ku leedahay bangiga dhexe, sidaasi waxaa lagu sheegay warbixin uu talaadadii soo saaray hanti-dhowrka. Maxamed Cali, Hanti-dhowraha Qaranka waxaa uu sheegay ilaa $38.2 million oo ay deeq ahaan u bixiyeen Midowga Yurub, Sacuudiga iyo UNOPS, keliya $19.8 million in la dhigay xisaabta dowladda federaalka ah ee bangiga dhexe. Kaalmada dibadda ee laga helay Midowga Yurub ayaa waxaan ka muuqan US $3.738 milyan, farqigaas oo ah cadadka u dhexeeya muuqaalka isbarbardhiga kutalagalka miisaaniyadda iyo lacagta dhabta ah oo ay bixiyeen Midowga Yurub kuna kabeen miisaaniyadda intii lagu guda jiray sannadka 2018. Midowga Yurub wuxuu ku wareejiyay Wasaaradda Maaliyadda lacag dhan US $17,004,816 halka warbixinta maaliyadeed ee sannadkaas oo la soo bandhigay ay muujinayaan kaliya US $13,266,667 isla sannadkaasna lagu soo shubay Khasnada Dhexe ee Dowladda. Kaalmo lacag ah oo ka timid Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo haraageeda billowgi sannadka 2018 ahaa US $ 20,000,000 (million) ayaa iyadana $ 6,070,868 ka mid ah lagu soo bandhigay warbixinnada maaliyadeed ee sannadlaha, taasoo ahayd intii lagu soo shubay Khasnada Dhexe ee Dowladda, halka inta kale ee US $ 13,929,132 oo taaley xisaab-socoto ka furan bangi dibadda aan lagu xusin warbixinnada maaliyadeed ee sannadlaha. Kaalmada dibadda ee UNOPS ugu deeqday Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaan ka muuqan US $719,451 taas oo ah farqiga ka muuqda muuqaalka is barbardhiga ku talagalka miisaaniyadda iyo lacagta dhabta ah ee UNOPS ku wareejisay Wasaaradda Maaliyadda intii lagu guda jiray sannadka 2018. UNPOS waxay Wasaaradda Maaliyadda ku wareejisay lacag dhan US $1,254,743, halka xisaabaadka sannadka kaliya ay muujinayaan US $535,292 isla sannadkaasna lagu soo shubay Khasnada Dhexe ee Dowladda. Dhammaan kaalmada laga helay Bangiga Adduunka (World Bank) sannadka 2018 ee lagu maalgaliyo mashaariicda kala duwan ayaan waafaqsanayn xisaabadka Bangiga Adduunka ay noo soo direen. Sida ku cad macluumaad aan ka helnay Bangiga Adduunka ayaa ku xusan in Wasaarada Maaliyadda lagu wareejiyey wadar lacageed horey loo ansixiyay taas oo gaaraysa US $41,225,875 intii lagu jiray sannadka 2018, halka warbixinta maaliyadeed ay muujinayso in la helay lacag dhan US $49,007,950. Sidaa awgeed, waxaa jirta is waafaqsanaan la’aan dhanka kaalmada la helay iyo kharashka oo aan si sax ah loo soo bandhigin. Hanti-dhowrka, waxaa uu la socon karaa lacagta la dhigo xisaabaadka dowladda ee bangiga dhexe, laakin lacagahan la la’yahay waxaa dhici karto in lagu shubay akoonno kale oo dowladda ah ama loo isticmaalay si sharci darro ah. Hay’adaha Dowladda qaar ka mid ah ay qabteen wadarta dakhli gaaraya US $ 1,350,400 oo ay isticmaaleen, taas oo baalmarsan Xeerka Xisaabaadka Dowladda 317 qodobkiisa 34aad oo soo baxay sannadkii 1961 (waxna laga bedelay 1972), laguma soo darin warbixinta maaliyadeed, sidoo kalena baarista kuma helin isla xisaabtan dhammaystiran oo laga sameeyay dakhligan. S Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada waxay qabatay dakhli dhan US $86,980 dib ayayna u isticmaashay; Hoggaanka Baarista Dembiyada (CID) ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxay qabteen US $577,014 dib ayayna u isticmaaleen. Hay’adda Duulista Rayidka waxay qabatay US $130,130 dib ayayna u isticmaashay. Jaamacada Ummada Soomaaliyeed waxay qabatay US $556,276 dib ayayna u isticmaashay. Waa La Iska Iticmaalay: Warbixinta Hanti-dhowrka waxaa ku jiray in Hay’adaha Dowladda qaar ka mid ah ay qabteen wadarta dakhli gaaraya US $ 1,350,400 oo ay isticmaaleen, taas oo baalmarsan Xeerka Xisaabaadka Dowladda 317 qodobkiisa 34aad oo soo baxay sannadkii 1961 (waxna laga bedelay 1972), laguma soo darin warbixinta maaliyadeed, sidoo kalena baarista kuma helin isla xisaabtan dhammaystiran oo laga sameeyay dakhligan. S Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada waxay qabatay dakhli dhan US $86,980 dib ayayna u isticmaashay; Hoggaanka Baarista Dembiyada (CID) ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxay qabteen US $577,014 dib ayayna u isticmaaleen. Hay’adda Duulista Rayidka waxay qabatay US $130,130 dib ayayna u isticmaashay. Jaamacada Ummada Soomaaliyeed waxay qabatay US $556,276 dib ayayna u isticmaashay. Qeybaha kala duwan ee dowladda, wasaaradaha, baarlamaanka labadiisa aqal iyo xataa xafiisyada madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha wax xisaab-xir ah lama wadaagin xafiiska hanta-dhowrka. Waxaa kale oo warbixinta ku xusan in xisaabiyaha guud oo shaqadeedu aheyd iney keeno xisaab-xirka hey’adaha dowladda ay ku guuldareysatay iney shaqadaasi qabato. GOOBJOOG NEWS Source: goobjoog.com
-
Adis Ababa (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya iyo wefdi uu hogaaminayay ayaa maanta gaaray magaalada Adis-ababa ee xarunta wadanka Itoobiya iyada oo wefdiga madaxweynaha aad loogu soo dhaweeyay halkaas. Ra’iisul-Wasaaraha dalka Iyoobiya Abiy Axmed ayaa garoonka diyaaradaha Bole ee magaalada adis soo dhaweyn heer sare ah ugu sameeyay wefdiga uu hogaaminayay madaxweyanaha dalka. Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Itoobiya uga qeyb gelaya shir madaxeedka Urur Gobaleedka IGAD oo maalmaha soo socda ka furmaya dalkaas isla markaana ay ka qeyb geli doonaan madax kala duwan. Magaalada Addis Ababa ayaa waxaa ku sugan madaxda dalalka Koofurta Sudan, Kenya iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Suudaan iyo madax kale. Madaxweyen Farmaajo ayaa sidoo kale waxaa la filayaa in in inta uu ku sugan yahay Magalada Addis Ababa in uu la kulmo Madaxda kale ee ka socda Wadamada Afrika kana qeyb-galaya shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD. Dowladda Kenya ayaa la filayaa inay la wareegto guddoomiyenimada Ururka IGAD,waxaana xilkaasi qaban doona Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta,isaga oo kala wareegaya Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo xilkaasi haaya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa siweyn loogu soo dhoweeyay Magaaladda Kismaayo ee Xarunta ku meelgaarka ah ee Jubbaland. Wafdiga Madaxweyne Deni oo ka qeybgelaya Caleemasaarka Madaxweynaha Jubbaland, ayaa ka kooban Masuuliyiin isugu jira Heer Federaal iyo Heer Puntland, waxaa ka mid ah Madaxweynihii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole, Xildhibaan Sahro Qoorsheel, Xubno ka tirsan labada Gole ee Dowladda Puntland, Siyaasiyiin hore xilal ugaso qabtay Puntland iyo Soomaaliya, Dhaqan, Ganacsato iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa soo dhoweyn Hab-maamuuskeedu sareeyo u sameeyay Madaxweynaha Jubbaland Mudane, Axmed Maxamed Islaam, kadibna waxaa uu Madaxweynuhu u gudbay dhinaca shacabka oo boqolaal dad ah isugu soo baxeen soo dhoweyntiisa. Madaxweynaha Jubbaland Mudane, Axmed Maxamed Islaam ayaa kusoo dhoweeyay Kismaayo Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdigiisa, wuxuuna uga mahadceliyey imaanshaha Madaxweyne Deni iyo ka qeybgalka Xafladda Caleemasaarka. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu Jubaland Dowlad iyo Shacaba uga mahadceliyey sida weyn ee ay usoo dhoweeyeen isaga iyo wafdigiisa: “Aad baan ugu faraxsanahay sida diirran oo Dowladd iyo Shacaba naloo soo dhoweeyay, waan ka mahadnaqeynaa, waa waajib na saarnaa maadaama Madaxweynuhu dhowrjeer horey noo soo booqday in aan anagana soo booqano la wadaagno Farxadaha iyo Murugadaba, Waxaan rajeynaynaa hadii illaahay idmo muddada aan joogno in arrimaha muddadii u danbeysay Jubaland ka jiray aan wax ka galno hadii illaahay idmo” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland iyo Wafdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhoweeyay Kismaayo appeared first on Puntland Post.
-
Warar wargeyska Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro gudbiyay xubinta uga mid noqonaya guddida cusub ee Komishanka Doorashooyinka. Guddoomiye Cirro ayaa la sheegay in uu xubintiisa Komishanka ka dhigay Cabdikariin Yaasiin Sh. Dalmar waxaana ilaa hadda hadhsan xubnaha madaxweyne Biixi soo magacaabo, iyada oo xubinta UCID iyo xubnaha guddoomiyaha Guurtida hore loo gudbiyay Source
-
Hargeysa-10/10/2019-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xubno ka mida xukuumadda oo ay weheliyaan siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah ganacsatada dalka Somaliland ayaa maanta u ambo-baxay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti si ay uga qayb-gelaan aaska Marxuum Sacad Cumar Geelle oo lagu aasi-doono dalka Jabuuti. Source
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo darajada Sarreeye Guuto u dalacsiiyey Maxamed Cali Bariise ayaa wareegto ugu magacaabay Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa Sarreeye Guuto u dalacsiiyey Cabdixamiid Maxamed Dirir, waxa uuna u magacaabay Taliyeha Ciidanka Lugta ee Ciidanka Xoogga Dalka. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyey Sarreeye Guuto Maxamed Cali Bariise iyo Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir in uu Alle u fududeeyo gudashada howlaha muhiimka ah ee horyaalla. Wareegtada Madaxweynaha oo salka ku haysa dadaallada joogtada ah ee sare u qaadista tayada, tababarka iyo dib u habeynta Ciidamada Qalabka Sida ayaa dhaqan galeysa laga bilaabo maanta oo Khamiis ah 10-ka, Oktoobar 2019. View the full article
-
Golaha deegaanka ee degmada Garowe ayaa maanta ku dhawaaqay in kalsoonidii lagala noqday dhammaan agaasimayaasha dowladda hoose ee Garowe, kadib markii lagu eedeeyay inay ku fashilmeen shaqadoodii. Kalsooni kala noqoshadaan ayaa qeyb ka ahayd go’aamadii kasoo baxay shirkii kalfadhiga Golaha deegaanka Garowe oo maanta lasoo gabagabeeyay. Golaha deegaanka ayaa duqa Garowe ku amray inuu si degdeg ah ku shaaciyo warqada lagu ruqsaynayo agaasimayaasha lana xayeysiiyo inay banaan yihiin oo lasoo codsan karo boosaskooda. Sidoo kale, Golaha deegaanka ayaa mamnuucay in wax tuulo ah oo dambe laga aas aaso deegaanada hoos yimaada magaalada Garowe. Waxaa kaloo ay go’aamiyeen in canshuur dheeraad ah laga qaado gaadiidka xaabada gura. Faahfaahin iyo muuqaallo goor dhow la socda. PUNTLAND POST The post Golaha deegaanka Garowe oo amray in shaqada laga ruqseeyo dhamaan agaasimayaasha dowladda hoose appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo horkacaya Wafdi balaaran ayaa goor dhaweyd si diiran loogusoo dhaweeyey Kismaayo. Madaxweynaha Puntland markii Kosmaayo Yimid hadalkiisii [...] Source
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo darajada Sarreeye Guuto u dalacsiiyey Maxamed Cali Bariise ayaa wareegto ugu magacaabay Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa Sarreeye Guuto u dalacsiiyey Cabdixamiid Maxamed Dirir, waxa uuna u magacaabay Taliyeha Ciidanka Lugta ee Ciidanka Xoogga Dalka. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyey Sarreeye Guuto Maxamed Cali Bariise iyo Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir in uu Alle u fududeeyo gudashada howlaha muhiimka ah ee horyaalla. Wareegtada Madaxweynaha oo salka ku haysa dadaallada joogtada ah ee sare u qaadista tayada, tababarka iyo dib u habeynta Ciidamada Qalabka Sida ayaa dhaqan galeysa laga bilaabo maanta oo Talaado ah 10-ka, Oktoobar 2019. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo taliyeyaal u mgacaabay Cabdixamiid Maxamed Dirir iyo Bariise appeared first on Puntland Post.
-
Sarreeye Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse Taliyaha Ciidanka Booliiska dowladda Puntland S/Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse oo saaka warbaahinta kula hadlay gudaha caasimadda Garoowe ayaa ka warbixiyay halka uu marayo hawlgalka lagu burburinayo dhulka dowladda ee shacabku dhisteen. Taliyaha aya sheegay in la banneeyo dhul badan oo hantida dowladda ah welina uu socdo hawlgalka lagu banneynayo inta dhiman dhulka dowladda iyo goobaha kale ee sida sharci-darrada ah loo dhistay oo ay ku jiraan waddooyinka, si loo soo celiyo nidaaminta iyo bilicda caasimadda Garoowe. Gen. Muxiyadiin ayaa ugu baaqay dadka shacabka ah ee laga soo celinayo hantida dowladda in aysan dhib u arkin maadaama ay wakhti dheer ku si gaar ah uga faa’idaysanayeen hanti umadda ka dhexaysa waxaana uu ku boorriyay in ay umadda cafis weydiistaan. “Waar intii hore cafis weydiiso oo waxaa tiraahdaa ha la i cafiyo dadku illaa waa kula lahaaye keligaa ma lahayne. Hal dadka ka dhexaysa haddaa keligaa maashid dhib weeye oo waxay kugu noqonaysaa xaaran” ayuu yiri Gen Muxiyadiin. Sidoo kale wuxuu uga digay dadka weli guryaha dowladda deggan in ay isku dhejiyaan isagoo ku hanjabay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo isku dhejisa guryaha ama hantida kale ee dowladda. Hoos ka daawo hadalka taliyaha PUNTLAND POST The post Gen. Muxiyadiin oo sheegay in tallabo adag laga qaadi doono cid kasta oo isku dhejisa hantida dowladda appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxaa uu magacaabay labo Taliye Ciidan. Madaxweyne Farmaajo ayaa magacaabistaan kusoo saaray wareegto rasmi ah oo kasoo baxday Villa Somalia. Taliyaasha la magacaabay ayaa kala ah: 1- S/Guuto Mahamed Cali Bariise Taliye kuxigeenka CXDS 2- S/Guuto Cabdihamid Maxamed Dirir Taliyaha Ciidanka Dhulka/Lugta. Taliye kuxigeenka Cusub ee Ciidamada xoogga dalka ayaa bedelay taliye kuxigeenka hore ee Ciidanka Xoogga Cabdi Xasan Maxamed Xijaar kaas oo loo Magacaabey Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed halka Taliyaha Ciidanka dhulka uu bedelay Odawaa Yuusuf Raage oo loo Magacaabey Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid C/laahi Dani iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay. Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo dadweyne aad u badan ayaa garoonka Kismaayo kusoo dhoweeyey madaxweyne Dani. Ulajeedka Dani uu u tagay Kismaayo ayaa ah ka qeybgalka munaasabadda Caleema Saarka madaxweyne Axmed Madoobe, iyadoo Kismaayo ay ku wajahan yihiin mas’uuliyiin iyo siyaasiyiin kale. Ammaanka Kismaayo ayaa ah mid aad loo adkeeyey, iyadoo ciidamo badan lagu soo daadiyey waddooyinka magaaladaasi. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Taliska ciidanka Booliiska gobolka Bari ayaa howlgal qorsheysan waxa ay ka fuliyeen magaalada Boosaaso, waxaana howlgalkaasi lagu soo qabtay qamri badan oo lagu waday gaari iyo sidoo kale dadkii waday. Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari Gashaanle Sare Xussen Cali Maamuud ayaa sheegay in ay qabteen 60 dhalo oo qamri ah, Saddex qof oo wadatay iyo sidoo kale gaarigii lagu waday. Wuxuu sheegay taliyaha in ay qabteen ciidanka ammaanka ee ku sugan Koontaroolka magaalada Boosaaso, islamarkaana haatan baaritaanno dheeraad ah ku wadaan. Gaashaanlaha ayaa sheegay in ay la wareegi doonaan gaari walba oo lagu helo maandooriye, isaga oo dhanka kale sheegay in gaarigii qamri keena uu sidoo kalena keeni karo Al-shabaab. Ciidamada ammaanka magaalada Boosaaso ayaa maalmahan dambe waxa ay wadeen howlgal ballaaran oo lagu xaqiijinayo ammaanka, sidoo kalena lagula dagaallamayo waxyaabaha maanka dooriye. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Riyadh)-Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka carabta ayaa si kulul u canbaareeyay weerarka milatatiga Turkiga ay ku qaadeen gobolka Idlib ee dhaca waqooyiga Suuriya. War saxaafadeed ka soo baxay wasaarada arimaha dibada Sacuudiga ayaa lagu sheegay in weerarka Turkiga uu xadgudub ki yahay madax banaanid dalkan Carbeed. Sacuudiga ayaa dhanka kale sheegay in duulaankan uu dib u dhac ku yahay hormarka iyo dadaalada loogu jiro dhanka Nabada. Wasaarada arimaha dibada Imaaraadka ayaa dhanka kale canbaareysay howlgalka milatari ee Turkiga oo ay ku tilmaantay mid kala qeybinaya shacabka Suuriya. Source
-
(SLT-Suuriya)-Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhintay halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen duqeyn diyaaradaha dagaalka Turkiga ay ka geesteen gobolka Idlib ee dalka Suuriya. Turkiga ayaa bilaabay howlgal ka dhan ah maleeshiyada Kurdida ee YPG iyo dagaalyahanada kale ee ku sugan deegaanada u dhow xadka labada Wadan. Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in weerarkan ay oga gol leeyihiin sidii deegaan ka caagan colaada looga dhigi lahaa Aagaasi. Hey,ada xuquuqda aadanaha ee fadhigeedu yahay UK ayaa dhankeeda xaqiijisay in dhimashada laga yaabo in ay sare u kacdo maadaama 11 ruux oo sadax ka mid ah ay yihiin dagaalyahanada SDF ay ku dhinteen duqeynta Turkiga. Dhanka kale qaramada midoobay ayaa walaac ka muujisay howlgalka Turkiga uu ka bilaabay waqooyiga Suuriya Source
-
(SLT-Garoowe)-Wefdigaan oo uu hogaaminayo madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa goordhow waxa ay ka duuleen garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe waxaana ay ka qeybgelayaan caleema saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe. Qaban qaabada lagu soo dhaweynayo wefdigaan aayaa dhinaca kalana waxa ay ka socotaa magaalada Kismaayo iayada oo halkaas ay ku suganyihiin Madaxweynaha Jubbaland iyo masuuliyiin kale oo soo dhaweynaya wefdigaam. Shalay ayaa safar madaxweynaha Puntland uu ku tegi lahaa magaalada Kismaayo uu dib u dhac ku yimid kadib kulamo aan kala go’laheyn oo ay la yeelanayeen wefdi ka socday dowladda oo kula kulmay Boosaaso. Source
-
G/sare Xuseen Cali Maxamuud Taliska Booliiska gobolka Bari ayaa saaka soo bandhigay in ka badan 60 dhalo oo khamri ah iyo saddex nin oo gaari ku siday kuwasi oo lagu qabtay kantaroolka magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Khamrigan oo Lagu waday gaari Nooca loo yaqaano Candha-mayd Laha waxaa Gacanta ku soo dhigay ciidanka Booliiska ee ku sugan kantaroolka Boosaaso xill la doonayey in la geliyo gudaha magaalada. Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud oo hadal kooban ka jeediyay goobta lagu soo bandhigay khamriga ayaa sheegay in khamriga iyo saddexda nin ee watay maxkamad la hor-geyn doono si sharciga loo mariyo. Sidoo kale taliyaha ayaa wacad ku maray in ay tallaabo adag ka qaadi doonaan cid kasta oo mar kale isku dayda in ay khamri ama daroogo kale soo geliso gudaha magaalada Boosaaso. Hoos ka daawo muuqaalka oo dhan PUNTLAND POST The post Booliiska gobolka Bari oo soo bandhigay in ka badan 60 dhalo oo khamriya iyo raggii watay appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxwaynaha Puntland Saciid Cabdulahi Dani iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa daqiiqado ka hor ka dagay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo . Wafdigaan oo saakay kasoo duulay Magaalada Garoowe ayaa saarnaa diyaaraddii dhawaan la sheegay inay soo iibsatay Jubbalanad. Diyaaradda oo si toos ah uga soo duushay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Jubbaland ayaan soo marin Magaalada Muqdisho, taasoo noqoneyso markii labaad oo la jabiyey amarkii Dowladda Soomaaliya ee ahaa in diyaaradaha aadayo Kismaayo ay soo maraan Muqdisho. Wadigaan ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo isaga marti loo yahay. Arrintan ayaa ku so beegmaysa xilli ay dowladda Soomaaliya xayiraad kusoo roogtay diyaaradaha aada Kismaayo. Waxaa magaalada Kismaayo lagu wadaa in ay dhawaan ka dhacdo xaflada caleema saarka madaxweyne Axmed Maxamed Islaan. Waxaa horey magaalada Kismaayo uga dagay wafdi ay ka mid ahaayeen madaxwaynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xassan sh aadan iyo madaxwyanihii hore ee Galmudug Cabdi Kaiim Guuleed. Sidoo kale waxaa Maanta la filayaa inay Kismaayo gaaraan madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo horey loogu diiday inay halkaas gaaraan. Labadii todobaad ee u dambeeyay ayaa waxaa jiray cadaadis siyaasadeed oo Madaxdii hore iyo Xisbiyada siyaasada wadeen, kaddib shirar ka dhacay Muqdisho oo looga soo horjeeday tallaabada dowladda Federaalka ku xayirtay safarkii Madaxweynihii hore Sheekh Shariif iyo saameynta uu reebay. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM ayaa maanta qarax miino waxaa lagula eegtay wadada warshadaha ee Magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhacay xaafada ceymiska gaar ahaan labaajada mahad alle ee degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir. Goobjoogayaal ayaa Caasimadda Online u sheegay in qarax miino ee loo dhigay ciidanka AMISOM uu haleelay mid ka mid ah gawaarida ay wateen oo marayay Xaafada Ceymiska ee degmada Yaaqshiid . Ciidanka AMISOM ayaa furay rasaas, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in rasaataasi ay ku dhinteen laba qof, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen, rasaasta ay fureen ciidamada AMISOM. Ciidamada AMIOSM ee qaraxa lala eegtay ayaa la sheegay inay ka yimaadeen degmada Balcad ee gobolka shabeellada dhexe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Germany immigration last week splashed Sh15.6 million (€137,000) to deport two Kenyans using a charted jet. Early Thursday morning, a Bavarian police car drove into the Berlin-Schönefeld airport carrying 48-year-old Kenyan man ready for deportation. DEPORTATION On board of the chartered “Bombardier Global Express” private jet, was another Kenyan man also being deported by the state of Baden-Wurttemberg after his asylum application was rejected with no possibility of appealing the decision. The news of the amount of money spent in the deportation of the two Kenyans however did not go down well with Germans after it was feature on ARD’s magazine Report München. According to Mkenya Ujerumani, a local blog about Kenyans in Germany, the case has caused outrage, not because of the deportation, but because of the cost of it. The quoted expenditure did not include that of the 14 person team which escorted the two men. The uneventful exercise took less than 36 hours to deliver the two men to Nairobi and have the team return to Berlin. EXTRAVAGANCE In addition to the flight crew, there were nine federal police officers, a medical doctor, a paramedic and a representative of the border protection agency Frontex – as neutral observer to document whether or not the officials followed proper deportation procedure. However, Baden-Württemberg and Bavaria, the states that chartered the private jet, have attempted to explain the extravagance. They said a commercial flight was out of question because the two had been issued with emergency travel documents by the Kenyan government that were only valid for 3 days. “Finding seats for the two and the 10 plus escort team and the risk of the flight being grounded if the two men resisted the exercise, ruled out a commercial flight in such a short time period,” an expert explained on Report München. The officials also claimed the two had been labelled dangerous delinquents. ASSAULT CHARGES However, no evidence was put forward to support the claim in regards to the man from Baden-Württemberg. The unnamed 48-year-old has been living in Germany for the past 20 years and has had several encounters with the police in Bavaria. After his last encounter, the Bavarian State Office for Asylum and Repatriation (Bayerische Landesamt für Asyl und Rückführung) ordered for immediate deportation after serving his sentence. Among the charges levelled against him included, assault, theft, insult and obstruction of law enforcement. In the last incident, he was charged with attempted murder, after he reportedly beat up the victim so badly that the victim lost 80 percent of his sight and has had to undergo three surgeries. Qaran News
