-
Content Count
215,072 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Kooxda UN Monitoring Group ayaa oo soo saartay warbixinteeda ku saabsan Soomaaliya ayaa kusoo dartay beegsiga ay Ciidamada Kenya ku hayaan Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo ah shirkadda ugu weyn ee Soomaaliya dhanka Isgaarsiinta. UN Monitoring Group ayaa is faahfaahsan kaga hadashay weeraradii loo geystay Xarumaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud kadib duqeymo iyo weeraro uga imaaday Ciidamada Kenya ee ka tirsan howgalka AMISOM. Sidoo kale warbixinta ayaa lagu soo qaaday weeraro ay kooxda Al-Shabaab u geysteen Shirkadda Safaricom oo laga leeyahay dalka Kenya, waxayna warbixinta caddeysay sababta keentay in labada shirkadood la beegsado. Haddaba halkaan hoose ka akhriso warbixinta UN Monitering Group oo dhameystiran: Bartilmaameedka laga dhiganaayo Hormuud, shaqaalahooda iyo agabyadooda kala duwan. Guddi khuburo ah ayaa helay warbixino ku aadan weerarka ay ciidamada difaaca Kenya ku qaadeen 12 xarumood oo Hormuud maamusho kuna yaala gudaha Soomaaliya. Laga soo bilaabo 2017 dhamaan xarumaha Hormuud ee Gedo, waa la weeraray waxayna sababeen dhimashada labo shacab ah. Guddigaan khuburada ah waxay awood u yeesheen si madax banaan inay u ogaadeen in shan ka mid ah weeraradaas halmar la wada qorsheeyay sii xiriir ah isla lahaayeen weliba ay ku jiraan labo weerar oo la qaaday ayadoo hadda lagu shaqeenayo Mandate-ka u dagsan ciidamada Kenya, waxaana ku dhinteen labo qof oo rayid ah. Sidoo kale guddiga waxay heleen sawiro caddeymo ah oo muujinayaan bambooyinka labo qarax oo aan qarxin oo xarumaha la weeraray lagu arkay, waana mamnuuc in bambooyinkaas la adeegsado sida uu dhigayo xeerka caalamiga ah 2008 oo mamnuucay in duqeyn ahaan loo adeegsado, xitaa xeerka dhaqan ee Kenya u yaalo ma dhigaayo in bambooyinkaas la adeegsado, waxaana lagu arkay haraadigaas bambooyinka labo qarxaan oo aan qarxin xarun Hormuud ku leedahay Ceel Waaq oo la weeraray 2-dii Maarso 2019. 24-kii July 2018 ciidamada Kenya waxay si ku tala gal ah duqeyn ku dileen waardiyihii shirkadda Hormuud iyo qaraabadiisa xarunta ku taalo Hiis Ugur oo ku taalo hareeraha Ceel Waaq oo gobolka Gedo ka tirsan. 15-kii Janaayo ciidamada xoogga Kenya waxay si ku tala gal ah u burburiyeen xarun Hormuud ku laheyd tuulada Cali Buulaay kana tirsan degmada Afmadooye ee gobolka Jubada Hoose sidoo kalena waxay jir dileen waardiyihii ama ilaaladii shirkadda Hormuud halkaas u joogay. 27-dii Maarso 2019 ciidamada Kenya waxay burburiyeen si ku tala gal ah xarun Hormuud ku lahaayeen deegaanka Caws –Quraan oo ka tirsan Ceel Waaq, gobolka Gedo. Ciidamada Kenya wey beeniyeen ku lug lahaan kashto oo ku aadan weerarada lagu qaaday xarumaha shirkadda Hormuud. Dhinaca ciidamad Kenya waxay aad ula dagaalayaan Hormuud si ay u yareeyaan adeegsiga Shabaab u adeegsanayaan qaraxyada Mobile-ka lagu xariiriyo ee isgaarsiinta u baahan. Laakiin midaas cudur ma noqoneyso madaama dhibaato Bini,aadanimo, mid dhaqaale iyo mid hantiba ay ciidamada Kenyan-ka geesanayaan. Weliba burburinta xarumaha Hormuud waxay keentay dhibaato ku aadan xariirka hay’adaha samafalka wada sameyn lahaayeen si gurmad Bini,aadinimo gudaha Soomaaliya looga fuliyo xili walbo. Sidoo kale xawaaladaha dadka shacabka ah lacagaha isugu diraan iyadana dhibaato xoogan ayay kala kulmeen tan iyo markii ciidamada Kenya bilaabeen inay xarumaha Hormuud weeraro ku qaadaan oo ay isgaarsiinta jaraan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Guddiga farsamada ee maamul u sameynta Galmudug ayaa maanta gaaray gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Guddigan oo ka kooban 13 xubnood oo ay dhowaan magacowday dowladda dhexe ayaa ka shaqeyn doono arrimaha doorashada ee maamulka Galmudug. Diyaarad qaas ah oo guddigan ka qaaday Muqdisho ayaa ka dajisay garoonka Dhuusamareeb, halkaas oo lagu soo dhoweeyey. Wararka ayaa sheegaya in xubnaha guddiga ay howlahooda shaqo iyo kulamo ay ka bilaaban doonaan halkaasi. Ahlu Sunna ayaa horay uga hortimid dhismaha guddan, iyadoona shalay Sheekh Shkaakir uu ku dhawaaqay gudi kale oo ka kooban 11 xubnood. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
War ka soo baxay howlgalka Atlanta ee ururka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamadooda Badda ay soo badbaadiyeen askarka tirsan kuwa dowladda oo doon ay kula qalibantay xeebaha fog degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Atlanta ayaa sheegtay in dhammaan la soo badbaadiyey ciidamadii saarnaa doontaasi oo gaarayey 7 askari, kadib gurmad ay u fidiyeen. Sidoo kale Midowga Yurub oo baahiyey Sawirrada askartaasi ayaa tilmaamay in xilli ay halis ku jirtay nolosha askartaasi ay caawiyeen, kuna guuleysteen howlgalkaasi. Dhowaan ayey aheyd markii ciidamo ka tirsan guutada 14-ka October ay doon kula degtay xeebaha magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Maxkamadda sare ee Puntland ayaa maanta go’aamisay in la dhaqan galiyo xukunkii toogashada ahaa ee lagu riday raggii kufsaday, kadibnna dilay Caa’isho Ilyaas Aadan. Xeer ilaaliye ku xigeenka Puntland, Maxamed Xareed Faarax oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo toogan doono raggaasi. Sidoo kale wuxuu aabaha dhalay Caa’isha Ilyaas Aadan uu ku wareejiyey go’aankii ugu dambeeyey ee ka soo baxay maxkamadda. Halkan hoose ka ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/COD-1-SOOFA.mp3 View the full article
-
Mas’uuliyiin ka socda labada xisbi ee Waddani iyo UCID ayaa saaka booqday in ka badan 600 oo qoys oo sheegay in Qoyska madaxweyne Biixi, ka qaadayaan dhulkii ay daganaayeen Xildhibaan Nacnac, ayaa isna la socday mas’uuliyiinta booqashada sameeyay. Mas’uuliyiintan ayaa ku baaqay in madaxweyne Biixi, Caddaaladda dib ugu soo laabto oo uu joojiyo barakicinta uu dadka Danyarta ah ku hayo sida ay hadalka u dhiggeen. Labada xisbi ayaa sheegay in goleyaasha ay gaynayaan mooshin lagu badbaadinayo dadkan Danyarta ah dhulkooda. Waxyaabaha xusida mudan waxa ka mid ah in Guryo dhisan oo sharci leh lagu amray dadka leh in ay iskaga guuraan sida ay sheegeen, halkan hoose ka Daawo Source
-
Excellencies, Ladies and Gentlemen, I would to thank you all for attending this meeting, I particularly thank the UK and the IMF for organizing this important event. Special thanks to the World Bank and AfDB for the work already done toward arrears clearance. I recognize that your collective commitment and support to Somalia has made it possible for us to reach the stage of arrears clearance and normalization of Somalia’s relationship with the International Financial Institutions. When I joined you here in April this year to seek your endorsement in defining a fourth SMP with Upper Credit Tranche, I was encouraged by the unified message of support I received from the International Community, and your support for the reform path we have chosen as a nation. Today we have come together again to take stock of what we have achieved since then. I am here to report that, as difficult as it has been, we have continued to build a sound track record of reforms with the current SMP 4 of UCT quality being on track; as evidenced by the IMF’s September review. All structural benchmarks were met, including over-performance on domestic revenue. We are working very closely with IMF/WB and International partners to implement the remaining benchmarks required before the Decision Point. In that regard, my Cabinet has also approved a bottom up and widely consulted iPRSP compliant national development plan which is a critical benchmark in reaching the Decision Point under the UCT requirements. I also had an opportunity to join a meeting chaired by the President before I left Mogadishu yesterday and also attended by the two Speakers of both Houses, who assured us that the revenue bill and all other critical legislations that are benchmarks of the current programme will be concluded in time. Excellencies, back in April, I also briefed you on how working with the IMF and our pursuit to normalize relations with IFI’s coupled with our unwavering commitment, have steered the overall Reform Agenda of the country. Since then, we have been able to successfully initiate some of the most difficult and sometimes dangerous reforms that were previously unthinkable. Ranging from Payroll Reform for our uniformed personnel in the security sector, to the implementation of the Civil Service audit, to enhanced accountability and transparency in management of public funds, to demystifying corruption, addressing social service delivery and an all-round change in Political Culture. All these reforms, and the potentiality of success anticipated by the wider population, have brought about Unity of Purpose and a Changing Mindset. Excellencies, One of the reasons why steady progress has been difficult in Somalia, has been the inability to ensure irreversible transformation. Undeniably, the reform path responds to that call as it demands higher accountability and raises the bar on leadership. This path also ensures Somalia becomes a real partner with the international community. But for me, the most critical by-product of the reform agenda has been the bridges that have been built. As complex as the situation may have been for the past three decades, the Reform Agenda has managed to bridge divides in all sectors of our society, whether political or otherwise and we are now at a stage where our citizens recognize and see the benefits of the remarkable transformation of our institutions. If there has ever been any unanimous agreement on an agenda and vision, shared by the Federal Government, our Federal member states, parliament, civil society, the business community, religious leaders, women, minority groups and youth; is the debt relief. Put simply, the Debt Relief agenda is a national agenda that has transcended all bipartisan politics. The overarching reform agenda therefore is not only an instrument that is boosting Somalia’s development prospects, but also one that will, critically support political cohesion and therefore state building. It holds the potential to cement the emerging change in mindset, which is evident from our ability to create a unified position and undertake common efforts for the common good of our people. The second unforeseen consequence of the reform agenda has been the genuine consciousness of the hopes and aspirations of our people coming to life again. Wherever the people are; in remote villages, public rallies and public political debate is becoming very important. 70% of our population made of the youth is today more engaged in government discourse than ever before and they turnout in their thousands for public engagements, they are awake and demand to be included in decision making. In government the expectations of every public servant have also changed, they expect their pay regularly and on time thanks to the economic reform agenda. That is what we can call irreversible change. The most significant indicator of our citizens’ confidence is that our business community is now a key stakeholder in policy change. The Business Community is paying the highest taxes ever but in return demanding higher accountability. They are taking a keen interest in how government business is run and are equally watching closely on how their investments are utilized. We all recognize that working with IMF and financial institutions will commit our nation to a certain political direction for many years to come; it also gives the donors and partners an opportunity to take part in Somalia’s State Formation as we rebuild the future of Somalia. Excellencies, It is therefore a critical moment, and timing is of the essence. Somalia is at a cross roads and we are acutely aware of the need to continue on the pathway to debt relief within the time frames that have been agreed – slippage carries many risks, not least the risk that the current mutual political consensus around the need to achieve debt relief will take years to rebuild. There is a moment in time when the impossible is possible and after 30 years this is the right moment for Somalia. A delay of this reform process would aid the naysayers who were against the reform path and are supported by special interest groups and vested interests. A delay places also at risk the hope inspired in 70% of the population, our youth who are your future partners for the next 50 years. A delay risks harming our new cooperative working relationship between the government and its international partners. A delay would harm the narrative of Somalia that we have managed to recreate to correctly reflect the hardworking Somali people and the relentless support of the international partners. Simply put a delay places at risk the investment made in Somalia by the International partners for many years. To avoid the risk of delay, securing the necessary financing to clear Somalia arrears to the IFIs is critical. We are aware that both the World Bank and the African Development Bank have the necessary resources to clear Somalia’s arrears and I would therefore like to thank them for their foresight as well as their constant support to Somalia. I will also like to thank Norway and the U.K for providing the bridge loan necessary to clear the World Bank arrears. That leaves Somalia’s arrears to the Fund. I would like to encourage our partners to commit fresh grant contributions to the IMF arrears. And request the IMF to fasttrack the process of arrears clearance to ensure the deadline of February 2020 is met. In conclusion, I reiterate that a delay in reaching the decision point by February next year could undermine our reform efforts, reduce public support for the challenging reforms and empower spoilers who are opposed to reforms. It would also deprive Somalia of the necessary financial resources to implement the National Development Plan in a timely manner aimed at reducing the deep poverty levels and make progress towards achieving the Sustainable Development Goals. It is, therefore, very important we normalize our relationship with the IFIs and to make that happen your commitment of support is indispensable. We therefore ask our partners here to make a pledge at this roundtable to support the IMF both through its own system but also through fresh grants to enable us conclude this by February 2020. I thank you.
-
Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Maxamuud Warsame Jaamac ayaa jawaab ka bixiyey Hadal ka soo yeedhay Shalay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, halkan hoose ka Daawo Source
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Guddiga farsamada iyo dhismaha Galmudug ay dhawaan u magacawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa maanta waxa ay gaareen magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug . Guddigan oo ka kooban 13 xubnood ayaa diyaarad qaas ah looga qaaday Muqdisho, iyadoo xilligii ay ka dagayeen garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ammaanka si aad ah loo adkeeyay. Soodhaweynta ka dib, ayaa waxaa loo sii gudbiyay xarunta ay ka socoto hawlaha doorashada iyo qaban qaabadeeda ee lagu magacaabo Shiirkole . Wararka ayaa sheegaya in xubnaha Guddigan ay kulamo la yeelan doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada iyo odayaasha dhaqanka, waxaana wixii hadda ka dambeeya ay guda geli doonaan howsha la xiriira soo xulida liiska Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug. Guddiga farsamada iyo dhismaha Galmudug ee ay magacawday wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaan la ogayn qaab ay u shaqayn doonaan ,maadaama uu muran iyo diidmo ka dhashay magacaabistooda taas oo ka timid dhinaca hoggaanka Ahlu-Sunna iyo musharaxiinta qaar . Shalay ayay aheyd markii Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir uu magacaabay Guddiga doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka Galmudug, waxaana tallaabadan loo arkay mid dhalisay khilaaf hor leh oo ka taagan dhismaha Galmudug loo dhan yahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Warbaahinta PuntlandPost ayaa wareysatay qareenkii difaacayay weriye Axmed Tallman oo shalay dib xoriyadiisii u helay kadib markii uu raali galin ka bixiyay eedayntii loo haystay oo maxkamad lagusoo taagay. Qareen Siciid Axmed Faarax ayaa go’aan geesinimo leh ku tilmaamay raali galinta uu weriyuhu bixiyay, isagoo sheegay inaanu jirin waddo kale oo ufurnayd maadaama uu weriyuhu haysan cadeymo ku filan. 15 sano oo xabsi ah ayuu weriyuhu ku mutaysan karay haddii lagu heli lahaa dambiyada lagusoo eedeeyay, oo ay kamid ahaayeen, Qalqal galin amni, kicin dadweyne, been abuurasho, sumcad dilid dowladdeed iyo laaluush, sida ay Puntland Post kasoo xigatay gal dacwadeedka Tallman. Radio Daljir ayaa dhawaan baahisay warbixin ku saabsanayd in ciidanka taliyaha booliiska Puntland ay jir dil udileen maxbuus ku eedeysnaa inuu katirsanaa Alshabaab. Warbixintaas oo keentay in dowladda sharciga la tiigsato agaasime Tallman oo ahaa agaasimihii Daljir. HALKAAN KA DAAWO WAREYSIGA AAN QAREENKA LA YEELANAY. PUNTLAND POST The post Puntland Post oo wareysatay qareenkii difaacayay weriye Tallman, isagoo bixiyay macluumaad culus appeared first on Puntland Post.
-
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar loo adeegsaday madaafiic oo Al-Shabaab ay ku qaaday saldhigyo ciidamada Jubbaland iyo kuwa Milatariga Soomaaliya ee ku leeyihiin deegaanka Baarsanguuni ee gobolka Jubbada Hoose. Wararka ayaa sheegaya in madaafiicda qaar ay ku hoobteen saldhigyyo ciidamada huwanta ay ku leeyihiin deegaankaasi. Al-Shabaab oo ka hadashay weerarkan ayaa sheegatay in khasaare isugu jira dhimashi iyo dhaawac ay geysteen madaafiicdaasi, balse aysan cadeyn inta uu la’eg yahay. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland oo la xariira weerarkaasi iyo khasaaraha uu geystay. Dhinaca kale wararka ka imaanaya magaalada Badhaadhe ayaa sheegaya in agagaarka degmadaasi uu iska hor imaad kooban ku dhexmaray dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab iyo ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamadu ay weerar ku qaadeen fariisin Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Jedacaley ee gobolka Jubbada Hoose. Wararka ayaa sheegaya in dagaal kooban, kadib ciidamada Jubbaland ay la wareegeen gacan ku heynta deegaankaasi oo muddo ay ka talineysay Al-Shabaab. Sidoo kale ciidamada ayaa lagu soo warramayaa in ay dhaq dhaqaaqyo xoogan ay ka bilaabeen halkaasi. Xaaladda ayaa hadda kacsan, iyadoon a dhaq dhaqaaqyo ciidan laga dareemayo qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya. View the full article
-
Laba sarkaal oo ka tirsan ciidamada Dabdamiska Somaliland ayaa ku geeriyooday shil gaadhi oo ka dhacay Duleedka bari ee magaalada Hargeysa. Saddex Askari oo kale ayaa ku dhaawacmay shilka sida uu warbaahinta u xaqiijiyay taliyaha ciidamaa Dabdamisku Axmed Sawaaxili. Ciidamada ayaa ku sii jeeday magaalada Berbera marka Gaadhi la dhacay. Source
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Subax-23102019.mp3 View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Tarsan ayaa qiray inuu safar ku yimid caasimadda Muqdisho Safiirka Mareykanka u fadhiya dalka Kenya Kyle McCarter, isaga oo hadalkiisa ku soo koobay “Ummadda Soomaaliyeed waxaan wargalinaynaa inuusan dhicin kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Safiirka Mareykanka ee Kenya xilligii uu booqashada ku yimid Muqdisho oo ahayd dhawr bilood kahor”. Haddaba, Muxuu Qariyey Safiir Tarsan? Sababta Safarka: Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Maxamuud Axmed Tarsan shacabka Soomaaliyeed uma sheegin waxa safiir Mareykan u fadhiya dal daris ah uu ka soo doonay Soomaaliya iyada oo uu Mareykanka safiir kale u joogo halkan. Cidda uu la kulmay: Safiirkeenna Kenya, waxaa qoraalkiisa ku qariyey cidda uu la kulmay McCarter, waxa ay ka wada hadleen iyo arrimaha safarka la xiriira. Arrinta Badda: Kyle McCarter waxaa uu Daily Nation u sheegay inuu arrimaha badda kala hadlay, laakin Tarsan waxaa uu muuqato in ka aamusay. Faragelinta Mareykanka: Safiir shaqadiisa waa inuu fuliyaa siyaasadda arriamaha dibadda dalkiisa, Kyle McCarter iskama socon ee waxaa uu u yimid ajendaha Mareykan ah ee muranka badda la xiriira, Tarsan arrintaas sidoo kale waa qariyey, oo kama hadlin. Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Tarsan si la mid ah madaxda fulinta federaalka ah waxaa isku dayey inuu marin habaabiyo dareenka shacabka Soomaaliyeed, isaga oo intuu islahaa wax deji sii badiyey su’aalaha jawaabta u baahan! Ugu dambeyntii, markii uu Tarsan xaqiiqda qariyey, waxaan la xiriirnay Villa Somalia weydiisay arrimaha la xiriira safarka safiir Kyle McCarter, cidda uu la kulmay iyo waxa ay ka wada hadleen, laakin Villadu ilaa hadda kama soo jawaabin. Xigasho: Goobjoog New
-
Maxkamada sare ee dowladda Puntland, ayaa diiday dib u u eegis ay dalbadeen qareenadii difaacayay saddexdii nin ee dilka loogu xukumay kiiskii kufsigii iyo dilka ahaa ee loo geystay Caa’isha Ilyaas Aadan. Xeer ilaaliye ku xigeenka dowladda Puntland Maxamed Xareed Faarax oo shir jira’id saxaaafada u qabtay ayaa sheegay in maxkamada sare ay sheegtay in dib u eegista la dalbaday aysan ahayn mid sharciga waafaqsan oo buuxisay sharuudihii loo baahnaa. Xeer ilaaliyuhu wuxuu sheegay inuu dhaqan galay xukunkii dilka ahaa ee maxkamaduhu rideen islamarkaana lagu fulindoono dambiilayaasha, waxaana aabaha dhalay Caa’isha Ilyaas Aadan uu farta ka saaray go’aankii maxkamada kasoo baxay. Ilyaas Aadan oo saxaafada isagana si kooban ula hadlay ayaa soo dhoweeyay go’aanka maxkamada, wuxuuna sheegay inuu qisaasanayo ragga gabadhiisa dilay. HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA. PUNTLAND POST The post Maxkamada sare ee Puntland oo diiday dib u eegis ku saabsan kiiskii Caaisha Ilyaas appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa goordhow gaaray magaalada Dhuusamareeb guddiga farsamada ee maamul u sameynta dowlad gobaleedka Galmudug . Arrintan ayaa imaaneysa 24 saac uun markii uu guddi kale oo farsamo ku dhawaaqay madaxa xukuumadda Sheekh Shaakir. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Addis Ababa)-Jawar Maxamed oo kamid ah dadkii ka dambeeyay isbaddalada ka dhacay Itoobiya ayaa sheegay in xalay lagu soo weeraray gurigiisa oo ku yaalla magaalada Addis Ababa kaddib markii la sheegay inay ciidammo amniga ay gaadheen gurigiisa. Jawaar wuxuu sheegay in ciidammada dowladda ay ilaaladisa ku amreen inay iskaga soo baxaan gurigiisa isago aan lagu wargelin. Wuxuu ninka ku anddoocaday in tallaabadaas looga gollahaa in halis lagu geliyo noloshiisa. Jawaar Maxamed ayaa sidoo kale sheegay in taliyaha booliska uu u sheegay in ciidammada ay wadeen howlgal amni ah. Jawaar Maxamed waa nin saameyn weyn ku leh isbaddalada siyaasadeed ee ka dhacay dalka Itoobiya, waxaa uu hogaaminayay dhalinyarada isbaddal-doonka ee qowmiyadda Oromada ee loo yaqaanno Qeero, waana milkiilaha telefishinka Oromo Media Network. Waxay u muuqata isaga iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed inuu khilaaf soo kala dhexgalay maadama ay ahaayeen shakhsiyaad isku dhaw. Dhalinyarta Qeerro ee uu maamulo Jawhar Maxamed ayaa maanta xidhay dhammaan waddooyinka halbawlaha u ah dalka Itoobiya, taas oo keentay in maanta isu socodka magaalooyinku ay xanibmaan. Xaaladdan maanta jirta ayaa waxay u badan tahay degaanka Oromiya, iyo magaalooyinka la wada deggan yahay sida Diridhabe. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Sareeye Guuto Maxamed Faarax Mire Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska uu dhawaan u magacaabay madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka hadlay xilka loo magacaabay, waxaanu sheegay in uu mudooyinkii ugu dambeeyay u ka shaqaynayay ciidammada millatariga balse uu is waafajin doono xilkan ciidammada booliska oo loo igmaday, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
South Africa has deported thousands of illegal immigrants in recent months following a new spate of xenophobic attacks, the country’s parliament said on Tuesday. The parliament revealed the information after a meeting was convened by the Portfolio Committees on Home Affairs and Cooperative Governance and Traditional Affairs to look at solutions to challenges around immigration in the country, particularly in the northeastern province of Gauteng. The meeting followed the recent violent criminal attacks directed at foreigners in Ekurhuleni and Johannesburg, both in Gauteng Province, which led to the deaths of 12 people, destruction of property and the displacement and resettlement of foreign nationals. Following the attacks, the Department of Home Affairs, in cooperation with law enforcement agencies, conducted 56 raids on illegal immigrants from July to September, said Bongani Bongo, chairperson of the Portfolio Committee on Home Affairs. The raids, conducted in public places including retail stores, restaurants, and hotels, led to the country deporting 11,455 undocumented foreign nationals between April and September, Bongo said. “All this work will amount to little if the Border Management Authority (BMA) is not implemented to secure our borders,” Bongo said. The BMA, proposed to be established in a BMA bill, is designed to oversee the management of ports of entry in the country. The state entity is going to consolidate all the seven departments operating in the border posts and borderline. It will also simplify the 58 pieces of legislation which are applicable to the management of South Africa’s borders. The BMA bill was approved by the National Assembly, or the lower house, in 2017, and awaits approval of the National Council of Provinces (NCOP), or the upper house. Bingo said that progress is being made to finalize the BMA bill in the parliament, adding “We trust that the NCOP will be able to finalize its processes in relation to the BMA before the end of this year.” “It has become even clearer that we need all spheres of government to cooperate to deal with the impact of undocumented foreign nationals on service delivery and social cohesion,” Bongo said. The plight of illegal immigrants in South Africa has been under the spotlight recently following the xenophobic attacks. Earlier this month, some refugees and asylum seekers, including women and children, protested in front of offices of United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR) in Cape Town and Pretoria. The protesters accused the South African government of ignoring their plight, not only in Johannesburg where recent attacks occurred but also in Cape Town. Many refugees, mostly from the Democratic Republic of Congo (DRC), Burundi, Nigeria, Somalia, and Pakistan, have asked the UNHCR to help them leave South Africa for fear of xenophobic attacks. The UNHCR has promised to work closely with the South African authorities to continue providing protection through the issuance of appropriate identity documentation, and facilitate access to health care, education and employment opportunities for all refugees and asylum seekers. According to official statistics, South Africa is home to about 268,000 refugees and asylum seekers, mainly from Somalia, Ethiopia, Zimbabwe, and DR Congo. View the full article
-
A senior UN official will visit Somalia next week to discuss the situation of children affected by armed conflict in the Horn of Africa nation, the UN mission said on Tuesday. Virginia Gamba, special representative of the UN Secretary-General for Children and Armed Conflict will be in Mogadishu on Oct. 29 to sign a roadmap to accelerate the implementation of commitments made in the Children and Armed Conflict action plans with the United Nations in 2012. “She will also launch the Peace Building Fund project supporting the community-based reintegration of children formerly associated with armed forces and groups,” the UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM) said in a statement issued in Mogadishu. During the visit, Gamba will meet representatives of the Somali government, the United Nations, civil society and the international community. The meetings, according to the UN mission, will assess progress in the implementation of the action plans to end and prevent the recruitment and use, and killing and maiming of children, and to help identify measures to better protect children from grave violations. The recruitment and use of child soldiers as combatants in armed conflict by militant groups such as al-Shabab remains a key concern in Somalia. According to the UN Security Council Report on Children and Armed Conflict in Somalia, which was published in 2017, a total of 5,933 boys and 230 girls were recruited as child soldiers between April 1, 2010 and July 1, 2016. Statistics showed an improvement between 2012 and 2014, but the figures sharply rise in 2016, where 1,092 children were used as child soldiers, in the first half of 2016. View the full article
-
The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) welcomes the release of detained journalist Ahmed Sheikh Mohamed (Tallman), former managing director of Radio Daljir from prison, but condemns in the strongest terms possible the coercive methods used by Puntland authorities to obtain videotaped false confession. A day after charging Ahmed Sheikh Mohamed with trumped-up accusations of serious criminal offense such as violating Somali penal code, particularly article 263 (force of threats to a public officer), article 268 (insult to public officer), article 269 (insult to a political, administrative or judicial body), article 298 (assistance relating to the object of a crime), article 321 (instigation to disobey the laws) and article 249 (instigation of corruption), Puntland prosecutors pressured Ahmed Sheikh Mohamed in the afternoon of 21 October and the morning of 22 October to extract confession to implicate himself and Radio Daljir in unsubstantiated criminal activities. According to reliable sources in Garowe, prosecutors warned Ahmed Sheikh Mohamed that they have evidence to convict him and incarcerate him for life, and so he should cooperate with them and confess rather than suffer more. Prosecutors reportedly promised that they will release him if he confesses that he defamed Puntland Police Commissioner and publicly apologizes to the police chief, and to testify against Radio Daljir in an implicating manner. Ahmed Sheikh initially resisted the confession but faced verbal threats which forced him to finally comply with prosecutors’ demands where the stage-managed video was recorded and then instantly disseminated by government agents. The main reason that Puntland authorities decided to pursue obtaining coerced confession is to reduce the growing national and international outcry over its heightened repression of media freedom, to coerce Ahmed Sheikh Mohamed to support the administration once released and to use the confession as evidence to persecute Radio Daljir, the largest private media network in Puntland. “The Puntland authorities are desperate to justify their vicious attacks on media freedom,” said Omar Faruk Osman, NUSOJ Secretary-General. “The confession video of Ahmed Sheikh Mohamed illustrates how far Puntland authorities have violated Ahmed’s right to the presumption of innocence as well as the right not to be forced into incriminating himself, his colleagues and Radio Daljir.” NUSOJ reiterates its call to Puntland administration to end its repressive campaign of police raids & interrogations and judicial harassments against Radio Daljir and its journalists, as well as the use of informal connections to pressurize the radio station. “We warn them not to use this coerced confession against Radio Daljir,” stressed Osman. The union is pointing out that anybody or institution involved in the production of the false confession video or is giving credence to this dreadful act share responsibility for the ongoing human rights violations committed by Puntland administration. By extracting a false confession, NUSOJ confirms that Puntland clearly impedes basic national and international legal safeguards protecting persons in custody such as those regulating arrest and detention and protection from the use of forced confessions. Under international human rights law, no one shall be compelled to testify against themselves, to confess guilt, or be compelled to testify against others. Article 14 of the International Covenant on Civil and Political Rights, to which Somalia is a party, states that every person charged with a criminal offense has the right “to communicate with counsel of his own choosing,” and “not to be compelled to testify against himself or to confess guilt.” Principle 21 of the UN Body of Principles for the Protection of All Persons under Any Form of Detention or Imprisonment states that “No detained person while being interrogated shall be subject to violence, threats or methods of interrogation which impair his capacity of decision or judgment.” A fundamental rule of international human rights law is that all evidence, including confessions, obtained by torture or other ill-treatment must be excluded. View the full article
-
Tan iyo Markii mar labaad la doortay Madaxweyne Axmed Madoobe waxaa taagnaa Buuq Siyaasadeed oo u dhexeeya Villa Soomaaliya iyo Kismasyo, Waxaa jiray walina taagan [...] Source
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal saaka aroortii hore ciidamada Jubbaland iyo Al-Shabaab ku dhexmaray gobolka Jubbada Hoose ee koofurta Soomaaliya. Dagaalka oo ahaa mid kooban ayaa yimid, kadib markii ciidamada Jubbaland ay weerar ku qaadeen deegaanka Jedacaley oo hoos taga degmada Badhaadhe ee gobolkaasi. Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadka kadib Jubbaland ay la wareegtay gacan ku heynta deegaankaasi oo muddo ay ka talineysay kooxda Al-Shabaab. Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in ciidamadu ay dhaq dhaqaaqyo ka bilaabeen halkaasi. Sidoo kale Al-Shabaab oo ku sugan duleedka deegaanka Jedacaley ayaa iyana wada dhaq dhaqaaq xoogan iyo is uruursi ciidan. Jubbada Hoose ayaa waxa ay ka mid tahay deegaanada Jubbaland ee ay ku xoogan yihiin dagaalyahannada Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Tarsan ayaa qiray inuu safar ku yimid caasimadda Muqdisho Safiirka Mareykanka u fadhiya dalka Kenya Kyle McCarter, isaga oo hadalkiisa ku soo koobay “Ummadda Soomaaliyeed waxaan wargalinaynaa inuusan dhicin kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Safiirka Mareykanka ee Kenya xilligii uu booqashada ku yimid Muqdisho oo ahayd dhawr bilood kahor”. Haddaba, Muxuu Qariyey Safiir Tarsan? Sababta Safarka: Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Maxamuud Axmed Tarsan shacabka Soomaaliyeed uma sheegin waxa safiir Mareykan u fadhiya dal daris ah uu ka soo doonay Soomaaliya iyada oo uu Mareykanka safiir kale u joogo halkan. Cidda uu la kulmay: Safiirkeenna Kenya, waxaa qoraalkiisa ku qariyey cidda uu la kulmay McCarter, waxa ay ka wada hadleen iyo arrimaha safarka la xiriira. Arrinta Badda: Kyle McCarter waxaa uu Daily Nation u sheegay inuu arrimaha badda kala hadlay, laakin Tarsan waxaa uu muuqato in ka aamusay. Faragelinta Mareykanka: Safiir shaqadiisa waa inuu fuliyaa siyaasadda arriamaha dibadda dalkiisa, Kyle McCarter iskama socon ee waxaa uu u yimid ajendaha Mareykan ah ee muranka badda la xiriira, Tarsan arrintaas sidoo kale waa qariyey, oo kama hadlin. Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Tarsan si la mid ah madaxda fulinta federaalka ah waxaa isku dayey inuu marin habaabiyo dareenka shacabka Soomaaliyeed, isaga oo intuu islahaa wax deji sii badiyey su’aalaha jawaabta u baahan! Ugu dambeyntii, markii uu Tarsan xaqiiqda qariyey Goobjoog News waxaa ay Villa Somalia weydiisay arrimaha la xiriira safarka safiir Kyle McCarter, cidda uu la kulmay iyo waxa ay ka wada hadleen, laakin Villadu ilaa hadda kama soo jawaabin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
