Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,072
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ayaa Maanta yeeshay kulankoodii 3aad ee Kalfadhiga 6aad. Kusimaha Guddoomiyaha Ahna Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Ibraahim Sheikh Muudey oo uu Hareer fadhiyay Guddoomiye kuxigaanka 2aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa Maanta Shir-gudoomiyay Kulanka Guud ee Golaha Shacabka. Ugu horeyntii Guddoomiyaha ayaa Xildhibaanada ka Codsaday in ay Ansixiyaan Ajandaha kulanka. Intaas kadib waxaa la guda galay Ajandaha Kulanka oo kal koobnaa dhowr qodob oo kala ah Akhrinta 1aad Axdiga ilalinta Hanti- Dhaqameedka Xiliyadda Colaada iyo Akhrinta 1aaad ee ka mid noqoshada Hay’ada Damaanad qaadka Maalgashiga Darafyada badan. View the full article
  2. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadal shalay ka soo yeedhay guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo eedaymo culus u jeediyay Madaxweyne Muuse Biixi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heerkiisu sarreeyo oo ka socda qaramada midoobay iyo midawga Afrika oo maanta booqasho ku yimid dalka. Ku-xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Amina Mohamed iyo ergayga gaarka ah ee midawga Afrika u qaabishan arrimaha haweenka nabadda iyo amniga, MMe Bineta Diop, ayaa hoggaaminayay wafdiga. Kulanka ay wada qaateen Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdiga ka socday Qaramada midoobay iyo midawga Afrika oo ay goob joog ka aheyd wasiirka haweenka iyo xuquuqul Insaanka DFS, ayaa looga hadlay dhismaha nabadda, xallinta khilaafaadka iyo sare u qaadidda dowrka haweenka ee ka qeyb galka siyaasadda. Amina Mohamed iyo MMe Bineta Diop ayaa uga mahad celiyay soo dhaweynta, waxa ayna bogaadiyeen guulaha muuqda ee lagu tillaabsanayo ee dhanka amniga, dhismaha nabadda, xuquul insaanka iyo dhiirri gelinta haweenka. View the full article
  4. Wajeer (Caasimadda Online) – Xildhibaanka baarlamanka Kenya ee laga soo doorto Wajeer, Faadumo Geedi ayaa talaaladii shalay aheyd Maxkamadda horteeda ka sheegtay in jir ahaan uu u weeraray Xildhibaanka Bariga Wajeer Cabdirashiid Qaasim kadib markii ay ku kala aragti duwanaadeen qoondeyntii miisaaniyada ee bishii Juun ee 2019-ka. Faadumo Geedi ayaa sheegtay inay aad uga naxday markii ay aragtay Xildhibaanka Bariga Wajeer Cabdirashiid Qaasim oo feer la dhacayo isla markaasna uu dhaawac culus oo keenay jab uu kasoo gaaray Daanka. Waxay xustay inay dhacdadu dhalisay mudaaharaad aad u xun oo ka imaanaya Haweenka ku jiro baarlamaanka, kuwaasoo ka dhiidhiyay khudbaddii miisaaniyadda. Waxay maxkamadda horteeda ka sheegtay inay aad u qeylisay markii uu dilayey sidaas ay kusoo kala dhex gashay Gladys Wanga oo ah haweeney Baarlamaanka kasoo gashay Homa Bay. Waxay u sheegtay garsooraha in Rashiid, oo lagu soo oogay dacwad inuu dilay uu ka cawday qoondeyn lacageed laakiin Ms Geedi waxay ku jawaabtay in gobolka oo dhan loo qoondeeyay Sh100m oo keliya. “Eedeysanuhu wuxuu ii sheegay in aan caddaalad ahayn markaas kadibna wuu I dharbaaxay,” ayay tiri Marwo Faadumo Gedi. Waxay sheegtay in dhacdadaasi ay sharaf dhac ku keentay isla markaana ay codsatay in la helo caddaalad. “Aniga ahaan dhacdadan waxay ii ahayd niyad jab maahan sidii naag ahaan ee waa xaas ahaan iyo hooyo ahaan ….. Waxaan baryayaa in aan helo caddaalad, maahan in dacwadda loo qaado sida qof haween ama hoggaamiye oo kale. Waxaan ahay hooyo halka aan ka imidna ma ahan wax fudud in aad hoggaamiye ka noqoto ”ayay tiri Faadumo. Waxay sheegtay inay qortay qoraal caddeynayo wixii gaaray ka hor inta aan lagu daaweyn Isbitaalka Karen. Dhanka kale Xildhibaanka Bariga Wajeer Cabdirashiid Qaasim ayaa inkiray inuu wax xad gudub ah ku sameeyey Xildhibaan Faadumo. Ugu dambeyntii Maxkamadda ayaa damiin kusii deysay Cabdirashiid Qaasim waxaana mar kale dib la isugu soo laaban doonaa dhageysiga dacwadda. Faadumo Geedi iyo Qaasim ayaa is-dhaafsadeen erayo kulul mudadii uu socday kulankii Baarlamaam ee dhacay 13 June ee sanadkaan ka hor inta uusan gacan ka hadalka bilaabin mudanaha bariga Wajeer laga soo doorto. Sidda laga soo xigtay wargeyska The Star, Xildhibaanka ayaa dalbaday in uu ogaado sababta Geedi, oo kamid ah Guddiga Miisaaniyadda, aysan wax lacag ah ugu qoodaynin degaankiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Habeen-23102019.mp3 View the full article
  6. Raysal wasaaraha Itoobiya Abiye Ahmed ayaa wuxuu kulan la qaatay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin,kulankaas ayaa looga hadlay Amaanka Geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya. Itoobiya waxay [...] Source
  7. A delegation led by Somali President, Mohamed Abdullahi Farmajo has arrived in President Farmajo arrives in the black sea resort city of Sochi for the Russia-Africa summit on Tuesday. The head of state and his delegation were welcomed by Russia officials upon arrival at Sochi International Airport. The President is accompanied by Minister for Foreign Affairs and International Cooperation, Ahmed Isse Awad his Defense counterpart, Hassan Mohamed Amardambe and among other senior officials. During his time in Sochi, the President and his delegation are scheduled to conduct sideline meetings with leaders and heads of governments from Africa to discuss issues of mutual interests between their nations. The Russian President Vladimir Putin and Egyptian President and African Union Chairman Abdelfattah Al Sisi co-chair the Russia–Africa Summit which will be held on 23–24 October 2019 at Sirius Park of Science and Art. The summit is the first event of its kind in the history of Russian-African relations to which the head of every African state and the leaders of major regional associations and organizations have been invited. The Summit plenary sessions will look to discuss a wide range of issues on the international agenda and to compare views on pressing issues of vital interest to Russia and Africa. View the full article
  8. Addis Ababa (Caasimada Online) – Boqolaal taageerayaal ah ayaa maanta isugu soo ururay dibedda guriga Jawaar Mohamed oo ah nin u dhaqaaqa bulshada Oromada, oo ay ishayaan dowladda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed. Arrintan ayaa imanaysa maalin kadib markii ciidamada ammaanka ay hareereeyeen guriga Jawaar kadib markii ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu u digay “dadka haysta baasaboorada ajnabiga ah ee leh warbaahinta.” Jawaar oo haysta baasaboor Mareykan ah ayaa leh warbaahinta Oromia Media Network. Taageerayaasha oo boqol gaarayaa ayaa ayaga oo ku sugan dibedda guriga Jawaar ee caasimadda Addis-Ababa waxay ku qeylinayeen erayo ay ku taageerayaan isaga, islamarkaana ka dhan ah ra’iisul wasaare Abiy Ahmed. In ka badan labaatan askari oo booliska federaalka ah ayaa habeenkii talaadada hareeyey gurigiisa, kuna qasbay ilaaladiisa inay guriga isaga tagaan. Ma cadda sababta guriga Jawaar loo hareereeyey, hase yeeshee saacado ka hor tallaabadaas, Abiy Ahmed oo baarlamanka la hadlay ayaa isaga oo aan magac sheegin u digay dadka leh warbaahinta. “Kuwa leh warbaahinta ee aan haysan baasaboorka Itoobiya, waxay jiraan labada dhinac. Marka ay nabad dhacdo halkan ayay joogaan, marka uu dhib dhacana halkaas.” Ayuu yiri Abiy. “Waxaan isku daynay inaan u dulqaadanno. Hase yeeshee tani haddii ay waxyeeleyneyso nabadda iyo jiritaanka Itoobiya, haddii aad ku hadasho Amharic ama Oromiffa, midkee doontaba, tallaabo ayaan kaa qaadaynaa.” Ayuu yiri Abiy. Amharic iyo Oromiffa waa labada luuqad ee ay kula kala hadlaan labada qowmiyad ee ugu dadka badan Itoobiya ee Amxaarada iyo Oromada. Jawar oo aaminsan qadiyad aan rabshad wadan oo ah in Oromada mar walba kow tahay, ayaa Itoobiya kusoo laabtay bishii August ee sanadkii tagay, isaga oo kasoo tagay Mareykanka. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa caasimada@live.com
  9. Maalmahaan waxaavxoogaystay Khilaafka ka dhex Aloosan Abaabulka Doorashada Galmudug, waxaa lasoo saaray laba Gudi oo iskasoo horjeedaa. Cabdiraxmaan Maxamed Hussein (Odowaa) iyo Kamaal Daahir Xasan [...] Source
  10. (SLT-Addis Ababa)-Saddex qof oo ayaa ku dhintay dibadbaxyo rabshado wata oo ka dhacay Itoobiya halka tiro shacab ah ay ku dhaawaceen, sida saraakiil maxalli ah ay BBC u sheegeen. Dibadbaxyada ayaa lagaga soo horjeeday raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Laboa qof oo kamid ahaa dadkiii dibadbaxyada ka dhigayay magaalada Adama ayaa lagu dilay halkaas halka hal qofna uu ku dhintay magaalada bariga ku taalla ee Harar, sida ay saraakiisha sheegayaan. Halka saddex qof oo dibadbaxyaal ahna lagu dhaawacay magaalada Ambo oo dhacdo galbeed magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa. Waxaa la xidhay waddooyinka ku yaalla gobolka Oromiya iyo waddooyinka gala Addis Ababa. Dadka dibadbaxyada dhigaya waxay tageero u muujinayay Jawar Maxamed oo ku eedeeyay dowladda inay ilaaladiisa kala noqonayso. Source
  11. Madaxweynaha dalka Rushia Vladimir Putin ayaa ku dhawaaqay maanta in dalkiisu uu cafiyay dhamaan deymihii uu ku lahaa wadamada Afrika, dayntaas oo gaaraysay in ka badan $20 bilyan. Tilaabadaan oo u muuqata mid Rushia uu kusoo dhoweysanayo dalalka Qaarada Aftika, ayaa ujeedada loo cafiyay lagu sheegay in looga golleeyahay si looga caawiyo Afrika in ay ka baxaan saboolnimada. Hogaamiyaha Ruushka ayaa ku dhawaaqay hadalkaan kadib kulan uu la qaatay madaxweynaha Guinea Alpha Condé. Vladimir Putin wuxuu intaas ku daray in sanadkii 2016, Russia ay u qoondeysay $ 5 milyan dollar wadamada afrika iyadoo loo sii marinayo Ururka midowga Afrika (AU) iyo Ururka Cunnada iyo Beeraha Qaramada Midoobay (WFP). Soomaaliya ayaa kamid ah wadamada uu Ruushku ku leeyahay deymaha lacageed, waxaana dalkaas ku sugan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ka qeyb galaya shirka Rushia iyo Afrika. PUNTLAND POST The post Ruushka oo cafiyay deymihii uu ku lahaa dalalka Afrika. appeared first on Puntland Post.
  12. Wasiirka Beeraha iyo Cimilada Ismacii Gamadiid oo booqasho ku jooga Dalka Australia ayaa wuxuu kulan is xogwaraysi ah la yeesheen Masuuliyiinta Jaaliyada apuntland ee Magaalada [...] Source
  13. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah musharraxiinta u taagan hoggaanka sare ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta ka hadlay khilaafka ka taagan dhismaha guddiga farsamada doorashada iyo khilaafaadka maamulkaasi. Musharraxiinta Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa ) iyo Kamaal Daahir Xasan (Guutaale) ayaa si wadajir war uga soo saaray khilaafka ragaadiyey guddigaasi. Ugu horreyn musharraxiinta ayaa shaaciyey in khilaafkani uu saameyey soo xulista xildhibaanada baarlamaanka labaad ee Galmudug iyo doorashada maamulkaasi. Sidoo kale waxa ay ka digeen kala jeedasho geedi socodka howlaha doorashada, maadaama laba guddi looga kala dhawaaqay Dhuusamareeb iyo Muqdisho. Waxa kale oo musharraxiinta Odowaa iyo Gutaale ay sheegeen in loo baahan yahay xilkasnimo, talo wadaag iyo isku garaabid saldhig u noqon kara maamul mid ah. Ugu dambeyn waxa ay ugu baaqeen beesha caalamka inay muujiso aragtideeda ku aadan sidii loo heli lahaa hanaan loo dhan yahay oo quseeya dhismaha Galmudug. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maanta guddiga farsamada ee ay magacowday dowladda dhexe oo ka kooban 13 xunood uu gaaray Dhuusamareeb, halka magaaladaasi ay dhowaan Ahlu Sunna uga dhawaaqaday guddi kale oo isna ka kooban 11 xubnood. Halkan hoose ka aqriso:
  14. (SLT-Hargeysa)-Afhayeenka Madaxweynaha Oo Ku Murgayday Su’aalo Kulul Oo Warbaahintu Waydiisay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. (SLT-Hargeysa)-Muuqaal Murugo Iyo Argagax Leh Oo Ka Ilmaysiin Doona Oo Laga Duubay Qoyska Madaxwayne Biixi Iyo Danyar Dhul Isku Haysta, Halkan hoose ka DAAWO Source
  16. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac oo dood ka dhiibanayay golaha wakiillada ayaa si adag uga hadlay xaaladda uu dalka marayo, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. Golaha Aqalka Sare BFS ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kalfadhiga 6aad kulankiisa 2aad ayadoo Ajandaha kulanku ayaa ahaa: 1. Akhrinta 1aad ee Hindise-Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Qaranka. 2.Ansixinta Xubin Cusub oo kamid noqaneeysa Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka. Kulanka waxaa shir Gudoomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatara Cabdi Xaashi Cabdullahi.Sidoo kale waxaa goob jog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmad iyo Guddomiye Ku-Xigeenka 2aad Senatar Moowlid Xuseen Guhaad. Wasiirka Maaliyada XFS Mudane Cabdiraxman Ducaale Beyle ayaa Golaha ka hor akhriyay Akhrinta 1aad ee Hindise-Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Qaranka. Wasiirka ayaa marka hore si faahfaahsan uga hadlay halka ay marayso hanaanka deyn cafinta Dalka Soomaaliya asigoo sheegay deynta Dalka lagu leeyahay in ay gaarayso 5 billion oo doolarka, deymahaas oo laqaatay inta u dhaxeysa 1965-1988. Gudoomiye Guddomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatara Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa kuwareejiyay Hindise Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Dalka Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare si ay uga gutaan wajibkooda uga aadan. Ugu danbeeyn Guddomiyaha Aqalka Sare Senatara Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa dib udhigay ajedaha 2 aad ee Kulanka , asagoo soo xiray kulanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. (SLT-London)-Bileyska koonfurta England ayaa sheegay in kooxaha gurmadka degdega ahi ay ka soo saareen gaadhi weyn 39 Mayd oo saarnaa gaadhi ka yimid dalka Bulgaria. Masuuliyiinta dawladu waxay sheegeen in maanta oo Arbaca ah ay socoto hawlaha lagu xaqiijinayo dadkaasi, waxaanay 38 qof oo ka mid ah dadkaasi ay yihiin dad waaweyn, halka midka kalena uu yahay qof dhalinyaro ah. Mariner oo ah sarkaal ka tirsan ciidamada Bileyska dalkaasi ayaa sheegay in gaadhiga xamuulku soo galay dalka 19-kii bishan October booliskuna ay “si dhow ula shaqeynayaan la-hawlgalayaashayada si aanu baadhitaan ugu sameyno”. Ayuu yidhi Mr Mariner. Darawalka gaadhigan weyn ee nooca xamuulka ah ayaa da’diisa lagu sheegay 25-jirka ah, kaas oo ka soo jeeda Waqooyiga Ireland, ayaa loo qabtay eedaha ah inuu dilay dadkaasi, sida ay bileysku sheegeen. Raysal Wasaaraha UK Boris Johnson ayaa sheegay inuu “aad uga naxay dhacdadan naxdinta leh”. Source
  19. Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle oo ah Wasiirka Wasaaradda Maaliyada xukuumadda Soomaaliya ayaa ku hanjabay inay maxkamad la tiigsan doonaan ciddii dambe ee Soomaaliya ku sheegto inay tahay wadan musuq maasuq hareeyey. Wasiirka oo maanta ka hor hadlayay Golaha Aqalka sare ayaa sheegay in muddo badan Soomaaliya lagu sheegayey inay tahay wadan aan lagu kalsoonaan Karin oo aan wax dhaqaale ah loo dhiibi Karin, wuxuuna sheegay inay taas hadda meesha ka baxday. ”Ilaa Waligeen baa nala-lahaa Soomaaliya laguma kalsoonaan karo, waxba looma dhiibi karayo, saxiixoodu ma shaqeynayo, Tuugta ugu waaweyn baa joogta” ayuu yiri Beyle. Beyle ayaa ka hor imaaday qiimeynta sheegeyso inay Soomaaliya kaalinta koowaad kaga jirto qiimeynta musuq maasuqa illaa 148 dal, wuxuuna yiri : ” 148 wadan ayaa la leeyahay Soomaaliya waxey ka tahay dalka ugu horreeya xagga musuqmaasuqa, waxaan leenahay bal halka aynu musuqmaasuqa uga caanbaxnay inoo sheega”. Wuxuu Wasiirka ugu baaqay hey’adaha Caalamiga ah ee soo saaro warbixinada dhaqaalaha inay fiiriyaan qaabka uu u shaqeeyo midaamka Maaliyadeed ee dalka ka hor inta aysan soo saarin warbixinada ku saabsan dhaqaalaha iyo musuq maasuqa. “Cid aan eegin nidaamka Maaliyadeed ee dalka oo aan nala fariisan mar dambe ma aqbali doono inay warbixin iska soo saarto, maxkamad ayaa la tiigsan donna wixii hadda ka dambeeyo” ayuu sii raaciyey Wasiir Beyle. Hadalka kasoo yeeray Wasiir Beyle ayaa kusoo aadayo xilli dhawaan Hanti dhowrka uu sheegay inay maqan tahay lacag 18 milyan oo Dollar taasoo aan la marsiin nidaamka maaliyadeed ee Wasaaradda Maaliyadda. Sidoo kale, guddiga maaliyadda baarlamanka ayaa horey usoo saaray warbixin caddeysay in 42 milyan oo dollar ay ku maqan tahay xukuumadda Dowladda Soomaaliya ayaa dhawr jeer ku faantay inay joojisay musuq maasuqii dalka ka jiray, hase yeeshee caddeymaha la helayo ayaa muujinay in musuq maasuqa kasii daray markii uu talada qabtay madaxweyne Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Madaxweynaha Soomaaliya MMaxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka qeyb galay shirka madasha ee Afrika iyo Ruushka oo ka furmay magaalada Sochi ee dalkaasi. Shirka oo socon doono 23-24 bishan ayaa waxaa si wadajir ah u furay Madaxweynaha Ruushka iyo dhigiisa Masar oo ah gudodomiyaha Ururka Midowga Afrika. Sidoo kale waxaa madashan ka qeyb galaya ina badan hoggaamiyeyaasha dalalka qaaradda Afrika. Inta uu socdo shirkani ayaa waxaa looga hadli doonaa iskaashiga iyo horumarinta Afrika iyo Ruushka, sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka arrimaha dibada Somalia. Ka qeyb galka shirka ee Soomaaliya ayaa ah mid muhiim u leh, iyadoona ka faa’iideysan doonto ganacsatada iyo martida kale ee lagu casuumay shirkaasi sanadlaha ah. View the full article