Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,930
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dowlada Puntland ayaa Qoraal kasoo saartay Safarka Madaxweyne Deni uu ku tagay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubbaland , hoos ka akhriso Qoraalka. Sawirada Qoraalka hoostiisa [...] Source
  2. Munaasabad ballaaran oo maanta ka dhacday magaalada Garoowe ayaa lagu Caleemo saaray Nabadoon Nuur Jaamac Raage oo ka mid noqday duubabka dhaqanka ee Puntland. Xafladda oo ahayd mid si heer sare ah loosoo agaasimay waxaa ka qayb galay Guddoomiye ku xigeenka Kowaad ee Baarlamaanka Puntland Mudane Abukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Islaan Ciise Islaan Maxamed, Duqa degmada Garoowe Axmed Barre, guddoomiye ku xigeenka gobolka Nugaal, Nabadoono, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Ganacsato, dhalinyaro iyo marti sharaf kale. Ganacsade Jaamac Dhaga-dheere oo kamid ah ganacsata Puntland oo ugu horay munaasabada ka hadlay ayaa si wayn u soo dhaweeyay ka soo qaybgalayaasha xaflada , waxa uu sheegay in howshaan muddo ay soo soo socotay, Nabadoon Nuur ayuu tilmaamay in ugu danbayn beeshu ka garatay in la caleemo saaro, hadana loo fadhiyo ansixintiisa. Nabadoono, Siyaasiyiin, Xildhibaano iyo guddoomiyayaasha degmooyinka Dangaroyo iyo Garoowe oo Munaasabadda ka hadlay ayaa si wayn u soo dhaweeyay Nabadoonka Cusub ee Caleemo saaray, waxay tilmaameen inuu yahay shakshi hufan oo daacad ah, isla markaana ay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan. Nabadoon Nuur Jaamac Raage oo ah Nabadoonka la caleemo saaray ayaa u mahadceliyay cidkasta oo munaasabadda ka qayb gashay, waxa uu tilmaamay in xilkaan beeshiisu u garatay, sidoo kalena uu horay ugu shaqayn jiray arimaha nabadaynta, waxaana uu codsaday in laga gacan siiyo howsha loo igmaday oo lagu taageero. Guddoomiye ku xigeenka Kowaad ee Baarlamaanka Puntland Mudane Abukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo nabadoonka, waxa uu ku baaqay in lala shaqeeyo oo gacan lasiiyo, si uu u guto shaqada loo igmaday. Islaan Ciise Islaan Maxamed oo Munaasabadda soo xiray ayaa soo dhawayn kadib sheegay inuu aqoonsan yahay nabadoonka Cusub Nuur Jaamc, isla markaana uu ka rajaynayo in xilka lagu caleemo saaray uu si wanaagsan u gudan doono. Nabadoon Nuur Jaamac Raage ayaa si rasmi ah ugu mid noqday Nabadoonada gobolka Nugaal, kadib markii ay soo gudbiyeen nabadoona beesha Axmed Khayr ee Ciise Maxamuud. PUNTLAND POST The post Masuuliyiin ka tirsan Puntland, Isimo iyo Waxgarad kale oo ka qayb galay Caleemo Saarka Nabadoon Nuur Jaamac Raage appeared first on Puntland Post.
  3. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa caasimadda waddanka Ethiopia halkaasu oo uu ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Abiy Axmed. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka qeyb galaya Shir Madaxeedka dalalka ku midaysan Urur Goboleedka IGAD oo ka furmaya magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia kaasi oo looga hadli doono arrimaha waddamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD. Sidoo kale Magaalada Addis Ababa waxaa ku sugan madaxda dalalka Koofurta Sudan iyo Kenya oo uu weheliyo Ra’iisul wasaaraha Ethiopia waxaana la sugaya madax kal oo shirka ka qeyb-gelaysa. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Addis Ababa appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Somaliland Today) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, oo hoggaaminaya xubno ka tirsan xisbiga Himilo Qaran ayaa goor-dhow u dhoofay magaalada Kismaayo. Waxaa sidoo kale safarka ku wehliya guddoomiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Wafdigan ayaa waxa ay ka qeyb gali doonaan caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Madoobe oo dhowaan ka dhaceysa magaalada Kismaayo. Waxaa kasii horreeyey wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo iyganana ka dhoofay garoonka diyaaradaha Muqdisho, ayaga oo kusii jeeda magaalada Kismaayo. Wafdiga Xasan Sheekh ayaa waxaa ku jira xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka mid ah xisbiga uu hoggaamiyo ee Nabadda iyo Horumarka ee UPD. Magaalada Kismaayo waxaa saaka gaaray madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, waxaana horey ugu sugnaa madaxweynayaashii hore Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan. Safarrada xubnahan ayaa imanaya ayadoo ay fashilantay xayiraaddii duulimaad ay dowladda federaalka saartay magaalada Kismaayo. SomalilandToday Muqdisho Office Source
  5. (SLT-Hargaysa) Guddida Qandaraasyada Qaranka JSL Oo Daahfuary Tartan Loo Galayo Mashaariic Loo Fulinaayo Hay’adda Dhowrista Tayada JSL. Halkan Ka Daawo https://www.youtube.com/watch?v=a3IdXPDOEF8 Source
  6. Waxaa iyana si diiran loogusoo dhaweeyey Kismaayo Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed iyo Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur. Labada Masuul ayaa waxay ka qayb galayaan Caleema [...] Source
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, oo hoggaaminaya xubno ka tirsan xisbiga Himilo Qaran ayaa goor-dhow u dhoofay magaalada Kismaayo. Waxaa sidoo kale safarka ku wehliya guddoomiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Wafdigan ayaa waxa ay ka qeyb gali doonaan caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Madoobe oo dhowaan ka dhaceysa magaalada Kismaayo. Waxaa kasii horreeyey wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo iyganana ka dhoofay garoonka diyaaradaha Muqdisho, ayaga oo kusii jeeda magaalada Kismaayo. Wafdiga Xasan Sheekh ayaa waxaa ku jira xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka mid ah xisbiga uu hoggaamiyo ee Nabadda iyo Horumarka ee UPD. Magaalada Kismaayo waxaa saaka gaaray madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, waxaana horey ugu sugnaa madaxweynayaashii hore Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan. Safarrada xubnahan ayaa imanaya ayadoo ay fashilantay xayiraaddii duulimaad ay dowladda federaalka saartay magaalada Kismaayo. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  8. Addis Ababa (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa. Waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Bole si diirran ugu soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha waddanka Itoobiya, Dr. Abiy Axmed. Villa Soomaaliya ma aysan shaaca ka qaadin ujeedka socdaalka madaxweynaha, balse waxaa la sheegayaa in uu ka qeybgalayo shir. Hoos ka daawo sawiradda View the full article
  9. Garbahaareey (SMN) – Guuliye Xareed Muxumed iyo Cabdalle Naasiri Ibraahim oo ka tirsanaa Al Shabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka qeybtooda ku sugan Magaalada Garbahaareey ee Gobolka Gedo. Labadaan nin oo dhalinyarro ah ayaa waxaa laga soo xigtay in ay muddo ka mid ahaa Al-Shabaab, iyagoo xusay in ay muddadaas degaanada dhaca gobolkaas hoosta dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland. Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee jooga Garbahaarreey ayaa tilmaamay in Ragaas ay xiriir lasoo sameeyeen markii dambana ay gacantooda soo galeen iyaga oo Hubkoodii wata loona sii gudbin doono Laamaha qaabbilsan. Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku aadan arrintan oo kasoo baxay dhanka dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab. View the full article
  10. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Kismaayo u dhoofay, waxayna noqonaysaa Wafdigii labaad ee Maanta Gasra Kismaayo. Xasan Sheikh [...] Source
  11. Boosaaso (SMN) – Taliska Booliska gobolka Bari ee maamul goboleedka Puntland ayaa Khamiista maanta ah wuxuu soo bandhigay Maandooriyeyaal ay qabtaan. Saddex ruux oo gaari nooca xamuulka ah ku waday khamriga ayay saraakiishu sheegeen in ay xabsi ku jiraan ayna wajahayaan cadaaladda. Xuseen Cali Maxamed, taliyaha bileyska qaybta gobolka Bari, ayaa xusay in raggaan lagu soo qabtay howlgal ay sameeyeen xoogaga dowlad goboleedkaas. Dhinaca kale, taliyaha guud ee booliska Puntland, ayaa shacabka wuxuu uga digay in ay isku qabsadaan dhulalka danta guud ah. Sareeye Guus Muxuyadiin Axmed Muuse ayaa hoosta ka xariiqay in howlgaladda ay arrintaas ku dhaqan-gelinayaa ay meel wanaagsan marayaa. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Puntland.mp3 View the full article
  12. MOGADISHU (HOL) - President Mohamed Farmaajo has appointed new army chiefs as the military ratchets up operations in southern parts of the country. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor-dhow ka dhoofay garoonka diyaaradaha Muqdisho, ayaga oo kusii jeeda magaalada Kismaayo. Wafdiga Xasan Sheekh ayaa waxaa ku jira xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka mid ah xisbiga uu hoggaamiyo ee Nabadda iyo Horumarka ee UPD. Wafdigan ayaa waxa ay ka qeyb gali doonaan caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Madoobe oo dhowaan ka dhaceysa magaalada Kismaayo. Waxaa sidoo kale la filayaa in isla maanta uu magaalada Kismaayo u dhoofo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, oo hoggaaminaya xubno ka tirsan xisbiga Himilo Qaran. Magaalada Kismaayo waxaa saaka gaaray madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, waxaana horey ugu sugnaa madaxweynayaashii hore Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  14. Muqdisho (SMN) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Axmed, ayaa waxaa lagu waramayaa in uu kusii jeedo Kismaayo, xarunta ku meel gaarka Jubbaland. Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa la sheegayaa in ay qayb ka yihiin wafdiga u ambabaxaya xarunta gobolka Jubadda Hoose. Xubnahan ayaa waxaa la sheegayaa in ay ka qeybgeli doonan caleema saarka Axmed Madoobe oo dadka qaarkii u aqoonsan yihiin madaxweynaha loo doortay Jubbaland. Xildhibaan Yuusuf Xuseen Gamaa diid oo qayb ka ah wafdiga ayaa Shabelle wuxuu uga warbixiyey ujeedka safarkooda. Mudanaha oo xusay in ay qaadanayaa amarka dowladda ayaa ka dalbaday xukuumada in ay si hoose u eegto qaladaadka loo tirinayo shaqsiyaadka qaarkii sida Axmed Madoobe. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu carabka ka adkeeyay in loo baahan yahay in hadii Axmed Madoobe qaladaad ay ku cadaadana maxkamad lasoo taago. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Gamaa-diid.mp3 View the full article
  15. The leader of Somalia’s Puntland regional state, Said Abdullahi Deni, has arrived in the southern city of Kismayo to attend the inauguration of Jubbaland leader Ahmed Mohamed Islam alias Madobe. Deni, who was accompanied by almost 50 members of his government, was received at Kismayo airport by Ahmed Madobe and officials from Jubbaland state. Last week, a plane carrying former presidents of Galmudug and South-West states, Abdikarim Hussein Guled and Sharif Hassan Sheikh Adan, arrived in Kismayo to attend the inauguration of Madobe. Former Somali presidents Sheikh Sharif Sheikh Ahmed and Hassan Sheikh Mohamud are also expected to travel to Kismayo from Mogadishu. The federal government on 23 September banned former President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed from travelling to Kismayo to attend Madobe’s inauguration, a move condemned by the Somali opposition. View the full article
  16. KISMAYO (HOL) - Puntland president Abdullahi Deni landed in Kismayu Thursday joining a growing list of politicians heading to the coastal city ahead of Ahmed Madobe’s inauguration even as the Federal Government plans to conduct a new election. Source: Hiiraan Online
  17. KISMAYO (HOL) - Puntland president Abdullahi Deni landed in Kismayu Thursday joining a growing list of politicians heading to the coastal city ahead of Ahmed Madobe’s inauguration even as the Federal Government plans to conduct a new election. Source: Hiiraan Online
  18. Somali President, Mohamed Abdullahi Farmajo on Thursday appointed new infantry commander of Somali National Army (SNA). In Presidential decree, President Farmajo named Brigadier General Abdihamid Mohamed Dirir. Dirir will replace Gen. Odawaa Yussuf who was promoted as SNA chief. The president also appointed Brigadier General Mohamed Ali Barise as the new deputy army chief. The development comes amid the Somali army backed by African Union Mission in Somalia intensified operation to fight against al-Shabaab fighters. The forces managed to liberate several villages in the Lower Shabelle region. View the full article
  19. Muqdisho (Caasimadda Online) – Hanti-dhowraha guud ee Qaranka Maxamed Maxmauud Cali Afgooye oo Maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu faahfaahin yaab leh ka bixiyay warbixinta baarista maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sannad maaliyadeedka ee uu soo saaray xafiiskiisa. Hanti-dhowraha, oo wararka qaar ay sheegayana inuu cadaadis kaga yimid madaxda sare ee dowladda, ayaa qiil u yeelay lacagta 18-ka milyan ee dollar ah ee ka maqan qasnadda dowladda. Afgooye ayaa sheegay in warbixinta uu xafiiskiisu daabacay uusan ku sheegin in lacagta la lunsaday, balse si khaldan loo fasiray. Hanti Dhowraha ayaa taa beddelkeeda sheegay lacagta 18-ka million ee la sheegay inay ka maqantahay maaliyadda dowladda, ay taallo akoon Dowladda ay ku leedahay Bangiyada Caalamka. Waxa uu hoosta ka xariiqay lacagta 18-ka Milyan inaanan lagu xusin warbixinta Miisaaniyadda Dowladda ee 2018-ka sidaanne ay ku sheegeen qoraallada ay soo saareen, balse aysan ahayn lacag la lunsaday. Afgooye ayaan si kastaba wax sharaxaad ah ka bixin ama aan isku dayin inuu qiil u yeelo lacagaha kale ee dakhliga gudaha ah ee uu warbixintiisa ku sheegay in la lunsaday, iyo sidoo kale lacagta kale ee inta la qabtay ayada oo aan la diiwaan gelin si cash ama caddaan ah loo isticmaalin. Sidoo kale ma uusan sharxin, sababta lacagta dowladda Soomaaliya ee 18-ka milyan ee dollar ah ay muddo ku dhow laba sano isaga taalo akoono dibedda ah, haddiiba ay jirta in sida uu sheegay ay sax tahay. Sidoo kale wax qiil ah uma uusan sameyn sababta xafiisyada madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay u diideen inay soo gudbiyaan xisaab sanadeedka 2018, si loo baaro. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. Somali government on Wednesday joined the international community in marking the World Post Day by vowing to revamp its postal service to start sending and receiving international mail services. Abdi Ashur Hassan, Minister for Post, Telecom & Technology, said the postal operator is in its final stages of restarting the outbound mail before the end of this year, which is a major milestone in the postal service reconstruction. “The ministry is working to make sure the postal service regains its lost glory and become the preferred logistics, e-government and payment services provider in Somalia,” Hassan said during the celebrations in Mogadishu. The minister acknowledged that although the growing use of technology is facilitating communication, the Post Office remains relevant in this digital age as technology complements the postal services. He said the horn of African nation was also celebrating 60 years of being a member of the Universal Postal Union (UPU), the UN specialized body for postal services. Somalia rejoined Universal Postal Union in April after more than two-decades-long sanctions were lifted after Mogadishu undertook to pay its debt over a period of 10 years starting from 2019. The move now allows UPU’s 192 member countries to resume sending mail to Somalia once the arrangements are finalized. The country’s postal service fell into disuse when long-serving ruler Siad Barre’s regime collapsed in 1991. View the full article
  21. Garowe (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu soo dhoweeyey magaaladda Kismaayo ee xarunta ku-meel gaarka ah ee Jubbaland. Wafdiga Madaxweyne Deni oo ka qeyb-gelaya Caleema-saarka Axmed Madoobe ayaa ka kooban Masuuliyiin isugu jira Heer Federaal iyo Heer Puntland, waxaa ka mid ah Senator Cabdiraxmaan Faroole. Axmed Maxamed Islaam ayaa dadka qaarkii waxay u aqoonsan yahay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland. “Aad baan ugu faraxsanahay sida diirran oo Dowladd iyo Shacaba naloo soodhoweeyay, waan ka mahadnaqeynaa, waa waajib na saarnaa maadaama Madaxweynuhu dhowrjeer horey noo soo booqday in aan anagana soo booqano la wadaagno Farxadaha iyo Murugadaba,” ayuu yiri Deni. View the full article