-
Content Count
213,475 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed qeybta 21-aad oo taliskoodu yahay magaalada Dhuusamareeb ee caasimaada dowlad gobaleedka Galmudug ayaa maanta dhaqdhaqaaqyo ciidan waxaa ay ka bilaabeen deegaanno dhaca bariga gobalka Mudug. Ciidamadaan oo hoggaaminaayay taliyaha qeybta 21-aad Qaybta Gen: C/Casiis C/Laahi Qooje ayaa howlagalkaan amniga lagu xaqiijinayey waxaa ay ka fuliyeen deegaanno hoos yimaada gobalka Mudug iyaga oo gaaray deegaannada Camaara iyo Bacaad weyn ee gobalkaasi, ciidamada gaaray deegaanka Camaara ayaa shacabka oo la kulmay shacabka ayaa ugu baaqay in ciidamada lala shaqeeyo. Sidoo kale Generaal C/casiis Cabdullaahi Qooje oo dadka shacabka ah oo isku soo baxay markii ciidamu ay soo gaareen deegaanka Camaara waxaa uu sheegay in ciimadu ay howgalkaan siiwadayaan ayna gaarayaan deegaannada kale ay ku sugan yihiin Alshabaab. Dhanka kale Ciidamada ayaa galinkii danbe ee maanta gaaray deegaanka Bacaadweyne ee gobalka Mudug, Ciidamada ayaana u sheegay shacabka in ay si wanaagsan u la shaqeeyaan ciidamada xoogga dalka. Howlgaladaan aya awaxaa ay ku soo aadayaan ayadoo dhawwaan dowladda federaalka ah ay ku djawaaqday howlgallo ka dhan ah Al-shabaab oo laga fulinaayo deegaannada Galmdug oo ka maqan gacanta dowla gobaleedka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka, Cabdi Maxamed Sabriye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaaladda Geneva ee waddanka Switzerland. Mas’uuliyiinta ayaa qeyb galaya shirka heer caalamiga ah ee guddiga sare ee fulinta hey’adda Qaramada Midoobay ee Qaxootiga Adduunka. Kulankan oo ah kii 70-aad ayaa waxaa isugu imaan doona dalalka xubnaha ka ah ururka, iyadoo Wasiirku uu ku matali doona Dowladda Soomaaliya. Ajendaha ayaa waxa uu yahay arrimaha qaxootiga adduunka, sidoo kale waxaa lagu ansixin doonaa qorshe sanadeedka iyo miisaaniyadda hay’adda UNHCR. View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay mas’uuliyiinta Muqdisho ku sugan u ogolaato inay aadaan Kismaayo oo ay ka qeyb-galaan caleemo-saarka madaxweyne Axmed Madoobe. Arrintan ayaa timid kadib markii maanta magaalada Kismaayo ay tegtay diyaarad sidday Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdikariim Guuleed, taasi oo fashilisay qorshihii ay dowladda uga hor-istaageysay mas’uuliyiintii hore ee dalka inay ka qeyb-galaan caleemo-saarka madaxweyne Axmed Madoobe. “Dowlada federaalka waxaan ugu baaqayaa inay soo fasaxdo kooxda qaran dumiska inta Xamar joogta ee Kismaayo usoo socota ee doonaya inay caleemo-saarka beenta ka qeyb galaan, waxaan hubaa inaysan guul kala dheel maneynin haddii rabi idmo” ayuu yiri Xidig. Hadalka Xidig ayaa laga aqrisan karaa in dulucdiisa ay ahayd in haddiiba la wada hor-istaagi waayey mas’uuliyiinka ka qeyb-galaya caleemo-saarka Axmed Madoobe, inaysan wax macno ah sameeneyn in qaar ka mid ah la celiyo. Xidig oo horey u sheegtay inuu yahay madaxweynaha Jubaland kadib doorasho ka dhacday magaalada Kismaayo ayaa dhinaca kale baaq u jeediyey shacabka Jubaland iyo shacabka Soomaaliyeed. “Shacabka ree Jubaland ee xalaasha ee is-beddel doonka waxaan ugu baaqayaa inay u diyaar garoobaan bad-baadada dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Shacabka Soomaaliyeed meel kastoo uu joogo waxaan ka codsaneynaa inay taageeradooda nala garab istaagaan.” Ayuu yiri Xidig. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Aljeris (SMN) – Shirkii 3-aad oo ay yeeshaan Booliiska Afrika ee loo yaqaano (Afripol) ayaa ka dhacay dalka Aljeeriya magaalo madaxdiisa Aljeris ,iyadoo shirkaasi ay qeyb ka tahay Soomaaliya, sida sheegay S/guuto Dr. Axmed Cali Abuukar oo ka tirsan saraakiisha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed. Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shirkaasi Booliiska Afrika waxaa uga qeybgalay S/guuto Dr. Axmed Cali Abuukar ayaa xusay in xooga lagu saarayay arrimaha ammaanka sidii la isaga kaashan lahaa guud ahaan booliiska Qaaradda Afrika oo Soomaaliyana ay qeyb ka tahay. Ajandaha shirkan Afripol waxaa uu ahaa sidii Boliiska Afrika ay iska kaashan lahaayeen la dagaalanka dembiyada Abaabulan, iyo la dagaalanka xagjirka, Sidoo kale dhammaan dembiyada kale ee ka dhaca Qaaradda Afrika. Shirkaasi ayaa waxaa ka qeybgashey saraakiil booliis oo ka kala socotay ilaa 33 dal oo ka tirsan Qaaradda Afrika oo ay Soomaaliya kujirto,kuwaasi oo soo bandhigay aragtiyo kaladuwan eek u aadan habka ugu wanaagsan oo laamaha ammaanka Afrika ay u sameyn karaan iskaashi ballaaran. Gebagebada shirkaasi ayaa waxaa la isku raacay in Amniga Qaarada Africa muhiimad gaar ah la iska saaro,lagana shaqeeyo iskaashiga iyo Horumarinta Ciidamada Booliska Qaarada Africa. Shirkan wuxuu socdey mudo sadex maalin 02 October ilaa 04 October 2019 wuxuuna ku soo gaba gaboobey Guul iyo is afgarad,iyadoo Soomaaliya uu ahmiyad gaar ah u lahaa,maadaama ay ka mid tahay wadamada ka soo kabanaya colaadaha View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Habeen-510019.mp3 View the full article
-
(SLT-Niger)-Dawladda Maraykanka ayaa 5 Million oo Dollar u ballan-qaadday Cidda keenta Xog lagu qaban karo Madaxa Kooxda Daacish ee ka dhaqdhaqaaqda Saharaha Afrika, kooxdaasi oo sheegatay Masuuliyadda jid-goyn lagu laayey Afar Askarta Maraykanka ah oo ku sugnaa Niger, laba sanadood ka hor. Adnan Abu Walid Al Sahrawi oo ah Madaxda Kooxda la baxday dawladda Islaamka ama Daacish, qaybteeda dhulka yaqaano Saharaha weyn ayaa lagu xidhiidhiyey weerar 4-tii October, 2017 lagu qaaday Ciidamo Nigerian iyo Maraykan ah oo hawl-gal ka waday duleedka tuulada Tongo Tongo, kuwaasi oo inta jidka loo galay laga dilay Afar ka mid ah Ciidammadii Maraykanka, halka Afar Ciidammada Nigeria ahna isla jid-gooyadaa lagu dilay. Dawladda Maraykanka ayaa sheegaysa in 5 Million lagu abaal-marinayo Cidda keenta Xog sheegaysa halka uu ku sugan yahay Abu Walid, sida lagu sheegay War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda. Source
-
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dib u dhis ku sameeneysa Buundada degmada Baardheere gobalka Gedo ee dowlad gobaleedka Jubbalaand, taas oo aan wax dayactir ah aan helin muddo dheer. Dhismaha buundada ayaa la sheegay in ay ku baxeyso lacag gaareysa 317.000 dollar, haddii la dhisana waxaa ay ka qeyb qaadan doontaa isku socodka bulshada ku dhaqan gobalaka Gedo. Xildhibaanno labada gole iyo wasiirro ka soo jeeda gobalka Gedo ayaa horay dowladda ugu gudbiyay in dhisma lagu sameeyo buundada Baardheere, oo shegeen in wax weyn ka tareyso isku socodka bulshada iyo ganacsiga gobalka Gedo. Dowladda federaalka ah oo ka jawaabeysa baaqii ay horay u soo jeediyeen xildhibaannada iyo wasiirrada ayaa maanta ku dhawaaqday in dowladdu ay bixin doondo wixii qarash ah oo ku baxaya buundada degmada Baardhere ee gobalka Gedo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimadda Online) – Xildhibaan Naasir Xaaji Cali oo ka mid ah baarlamaanka Somaliland ayaa sheegay in isaga iyo xubno kale oo isugu jira siyaasiyiin iyo xildhibaano ka qeybgali doonaan caleema saarka madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe. Wuxuu sheegay xildhibaanka in ay la dhaceen qaabkii ay u dhacday doorashada Jubbaland ,sidaasi darteedna ku dhiirogelisay in ay caleema saarka yimaadaan. Xildhibaanka ayaa sheegay in hadda yihiin Lix qof oo Labo ka mid ah ka imaanayaa golaha Guurtida, sidoo kalena waxaa wafdigan qeyb ka ah xubno ma talaya xisbiyada mucaaradka Somaliland. “Xubno ay ka mid yihiin laba xildhiban oo galaha guurtida ah iyo xildhibaan ka mid ah golaha wakiilada oo anigu aan ka mid ahay inaan safar ugu bixi doono si aanu uga qaybgalno caleema saarka Axmed Madoobe ee magaalada Kismaayo ka dhacaysa 9 bishan, tani waxay ka danbaysay markii Axmed Madoobe uu si layaab leh uga soo baxay doorashadii layaabka lahayd ee ka dhacday Kismaayo ee dawlada Somaliya ee aynu jaarka nahay ay carqaladayso dastuurkeeda” Dood ayaa ka dhalatay hadalka xildhibaanka waxaana si weyn arintaasi kaga soo horjeestay Siyaasiyiinta Somaliland iyo Xukuumadda Muuse Biixi oo codsaday in la joojiyo Safarka Kismaayo. Kulamo kala duwan oo looga hadlaayo Wafdiga Somaliland ka socda ee Kismaayo ku wajahan ayaa ka socda Hargeysa, waxaana sheegeen in Maqaam dowlad ahaaneyd loo casuumi doono. Dhanka kale, xildhibaanka ayaa sheegay in Somaliland ay dan ka leedahay Jubbaland, taasi oo la mid ah kuwa ay Soomaaliya ka leeyihiin Turkiga iyo Qatar, waa sida uu hadalka u dhigaye. Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa la filayaa in dhowaan lagu caleema saaro magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Dowlada Puntland oo hogaaminaya Wafdi aad u balaaran ayaa waxay ku wajahan yihiin Kismaayo. Garowe iyo Kismaayo waxaa ka socda qaban qaabada sagootinta iyo [...] Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta bixiyay 317,000 oo doollar oo dib loogu dhisayo buundada degmada Baardheere ee gobalka Gedo, si ay qayb uga qaadato fududeynta isu socodka Bulshada iyo kocobaca dhaqaalaha dalka. Xasan Cali Khayre oo ka Jawaabaya cabasho ka timid bulshda Baardheere oo dhibaata badan ku qabay burburka buundada, ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in baahiyaha bulsada wax looga qabto, sida ay u kala muhiimsanyihiin iyo hadba inta ay la ektahay awoodda dowladda. Qaar kamid ah xildhibaannada labada aqal oo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre kusoo booqday xafiiska, ayaa uga mahad celliyay ka jawaabidda baaqa bulsahda iyo bixinta lacagta dib loogu dhisayo Buundada Baardheere oo muhiim u ah dib-u-kabashada dhaqaalaha dalka, horumarinta ganacsiga, fududeynta isu socodka, amniga iyo deb-qabka dadka iyo gaadiidka safarka ah. Dowladda ayaa horay u ballan qaaday soo nooleynta kaabayaasha dhaqaalaha dalka, si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale oo dalka u horseeda horumarka iyo barwaaqada ay bulshada Soomaaliyeed tiigsanayso.
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta bixiyay 317,000 oo doollar oo dib loogu dhisayo buundada degmada Baardheere ee gobalka Gedo, si ay qayb uga qaadato fududeynta isu socodka Bulshada iyo kocobaca dhaqaalaha dalka. Mudane Xasan Cali Khayre oo ka Jawaabaya cabasho ka timid bulshda Baardheere oo dhibaata badan ku qabay burburka buundada, ayaa sheegay in madaxda qaranka ay yihiin adeegayaasha bulsahda, lagama maarmaanna ay tahay in baahiyaha bulsada wax looga qabto sida ay u kala muhiimsanyihiin iyo hadba inta ay la ektahay awoodda dowladda. Qaar kamid ah xildhibaannada labada aqal oo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre kusoo booqday xafiiska, ayaa uga mahad celliyay ka jawaabidda baaqa bulsahda iyo bixinta lacagta dib loogu dhisayo Buundada Baardheere oo muhiim u ah dib-u-kabashada dhaqaalaha dalka, horumarinta ganacsiga, fududeynta isu socodka, amniga iyo deb-qabka dadka iyo gaadiidka safarka ah. Dowladda oo dadaal xooggan ugu jirta kobcinta dhaqaalaha dalka, ayaa horay u ballan qaaday soo nooleynta kaabayaasha dhaqaalaha dalka, si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale oo dalka u horseeda horumarka iyo barwaaqada ay bulshada Soomaaliyeed tiigsanayso. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in 48-da saac ee soo aadan ay go’aan ka gaarto caqabado badan oo ku hor-gudban doorashooyin ka dhaca degaanada Galmudug, kuwaas oo la sheegay in ay sabab u yihiin Ahlu-Sunna iyo xildhibaanada labada Gole ee baarlamanka Soomaaliya oo ay deegaan doorashadooda tahay Galmudug. Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay Dhuusamareeb ayaa Caasiamda Online u sheegay in dowladda Soomaaliya 48-ka saac ee soo aadan ay ku dhawaaqi doonto Guddiga doorashooyinka ee Galmudug. Guddigaan ayaa waxaa lagu wadaa in ay soo saarto Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya, waxaana la sheegay in ay dowladda Soomaaliya go’aan ka gaartay muran muddo taagnaa oo ku saabsanaa dhismaha Guddiga doorashada. “In aan ilaa hadda lagu dhaawaqin Guddiga, waxaa sabab u ah muran muddo dheer soo jiitamayay oo u dhaxeeya Ahlu-Sunna, Xildhibaana baarlamanka Soomaaliya ee Galmudug ka soo jeeda iyo dowladda Soomaaliya oo dhamantood doonaya in ay iska dhax arkaan guddigaan” ayuu yiri xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online. Waxaa la filayaa in uu caqabado badan wajaho Guddigaan hadii ay ku dhawaaqdo dowladda federaalka Soomaaliya maadaama ay jiraan aragtiyo badan oo iska soo horjeeda islamarkaana ku saabsan magacaabista Guddigaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Warbaahinta Puntland Post ayaa maanta wareysatay kayd haye sare Maxamed Cabdi Cabdulle (Horeeye) oo gacanta ku haya ducementiyo taariikhihi ah oo ku saabsan dadaaladii lagasoo maray dhismihii dowladda Puntland iyo caasimadda Garowe. Maxamed Horeeye ayaan wax ka weydiinay sida ay ugu suurto gashay inuu kaydiyo muuqaalo uu duubay ku dhawaad 30 sano ka hor, lkn aysan jirin dowlad illaa iyo haatan isku howshay inay ducementiyadaas oo dhaxalka gala ah kala wareegto. Horeeya waxaa uu haatan gacanta ku hayaa illaa ku dhawaad 10 jawaan oo cajalado ah oo ay ku dhan yihiin taariikhda Puntland, waxaana dhawaan qeyb kamid ah oo uu ku wareejiyay dowladda hoose ee Garowe lagu faafiyay baraha Facebook. Halkaan ka daawo. The post Puntland Post oo wareysatay Maxamed Cabdi Horeeye oo ah keyd haye taariikhda Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Boosaaso kulan muhiim ah kula Qaatay wefti ka socda UNSOM iyo IGAD oo ay hormuud u ahaayeen Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ammbassador. Raisedon Zenanga iyo Ergayga urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Ammbassador Maxamed Cali Guyo. Wasiirada Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa ka warbixiyey kulankaasi. “Maanta waxaa noo yimid IGAD oo uu hogaaminayo Madaxa ugu sareeya iyo UNSOM madaxdeeda, waxay la kulmeen Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirada qaarkood, waxaan ka wada hadalnay guud ahaan geedisocodka dib u dhiska Soomaaliya iyo sidii loo xoojinlahaa degenaanshaha siyaasiga ah ee dalka, loona yaraynlahaa khilaafaadka jira oo ay shaqadooda tahay IGAD iyo UNSOM labadoodaba. Shirkaasi waxa uu ahaa shir midhadhal ah oo arrimahaasi khuseeya”. “Waxaa kale oo Dowladdu si gaar ah ay ugala hadashay layskuna af-gartay in gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn la gaadhsiiyo adeegyada bulshada iyo mashaariic horumarineed labadaba, goboladaas oo dowladdu mudnaan gaar ah siinayso, ahna horumarka gobolada kale ka jira uusan gaadhin si baaxadleh, iyadana waa ay soo dhoweeyeen, waxaan rajaynaynaa haddii Alle idmo in arrintaasi laga gungaadho. Shirkaasi waxa uu kusoo dhammaaday guul iyo is af-garad.”. Shido kale Wasiirka ayaa xusay in Isbuucii hore Garoowe soo gaadheen wefti balaadhan oo ka socda Dowladda Jarmalka, waxaa uu sheegay in Dowladdu u gudbisey mashaariic horumarineed oo mudan in laga wadashaqeeyo kuwaasi oo khuseeya horumarinta dhaqaalaha. Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa xaqiijiyey in mashaariicdaasi ay aqbaleen masuuliyiintii ka socotey dalka Jarmalka, waxaana ka mid ahaa dhismayaal Dugsiyo Farsamada gacanta ah, dardargelinta mashariicda caafimaadka ay Puntland ka wadaan oo dhaqaale kale loohelay iyo lacag 13.5 million ah oo lagu horumarinaayo arrimaha dhaqaalaha. Kulanka ayaa waxaa qayb ka ahaa Wasiirada Wasaaradaha Amniga iyo DDR Cabdisemed Maxamed Galan, Wasiirka Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Ah Cabdiqafaar Cilmi Xaage, Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Xusseen Cismaan Lugatoor (Gabiley), Wasiirka Dekedaha iyo Khayraadka Badda Maxamed Cabdi Cismaan Majiino, Wasiirka Tamarta, Macdanta & Biyaha Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran) PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Masuuliyiin ka Socda UNSOM iyo IGAD appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka dowladda Puntland, Cawil Sheikh Xaamud Maxamed oo maanta hadal kooban ka jeediyay furitaanka Kalfadhiga 27-aad ee Golaha Degaanka Garoowe, ayaa xildhibaannada Golaha Degaanka ku boorriyay in ay khilaafaadka iyo murannada dhexooda ah iska ilaaliyaan. Wasiir Cawil ayaa sheegay in haddii khilaaf yimaado ay dhammaan istaagayaan mashaariicda ballaaran ee ka socota caasimadda Garoowe, isagoo xusay in qolyaha mashaariicda bixiyay, haddii ay khilaaf iyo buuq arkaan ay joojinayaan mashaariicdaasi. “Waxa la rabaa in aad khilaafka iska daysaan oo idinka iyo maayarku wada-shaqeysaan, mashaariic baa inoo socota, haddii khilaaf yimaado waa la socotaan dadka mashaariicda bixiya, haddii ay khilaaf maqlaan ama buuq dhaco ama la idin kala cayriyo mashaariicdu waa joogsanaysaa” ayuu yiri wasiirka. Sidoo kale, wuxuu sheegay in dhibaatada Garoowe haysata ay tahay, in maayarkii yimaada lix bilood isagoo aan joogin lugaha lagu dhego ama la rid, taasina ay horumarka magaalada caqabado ku keentay. Halkaan ka daawo arrimo kala duwan oo wasiirku ka hadlay PUNTLAND POST The post wasiir ka tirsan xukuumadda Puntland oo Golaha Degaanka Garoowe uga digay in ay khilaaf iyo buuq abuuran appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Magaalada Kismaayo waxaa maanta gaaray madaxweynayaashii hore ee dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed. Wafdiga Shariif Xasan iyo Cabdikariin Guuleed waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo kaga hortagay labada Madaxweyne ku xigeenka ee Jubaland Lugadheere iyo Maxmauud Sayid Aadan. Waxaa la socda daraasiin Xildhibaanno ah kuwaas oo Magaalada Kismaayo u tagay ka qeybgalka caleema saarka Axmed Madoobe. Warar aan helnay ayaa sheegaya in 9-ka Bishan October ay dhaceyso xafladda caleemasaarka Axmed Madoobe, waxaana halkaas ku sii qul qulaya mas’uuliyiin kala duwan. Sida wararku sheegayaan diyaarada Wafdigaan sida tooska ah uga dajisay magaalada Kismaayo ayaa ah diyaarad uu maamulka Jubaland soo iibsaday. Diyaaraddan ayaa loogu tala galay inay soo qaado wafuuda ka qeyb galeysa caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Jubbaland ayaa ku qasbanaatay inay soo iibsato diyaaradaan kaddib markii dowladda federaalka ay ku amartay shirkadaha diyaaradaha rayidka in aysan Kismaayo tegi karin ayaga oo aan soo marin Muqdisho. Madaxweyne ku-xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid oo ka hadlayay soo dhoweynta wafdiga maanta gaaray Kismaayo ayaa yiri “ku soo dhawaada magaalada Kismaayo waxaan ku faraxsanahay inaad nasiib u yeelateen inaad soo raacdaan diyaaradii ugu horeysey ee ay Jubbaland leedahay ummadda Soomaaliyeedna sharaf ayay u tahay, madaxweyne Farmaajana waxaan rajeynayaa inay mudan tahay inuu noogu soo hambalyeeyo” Dowladda Soomaaliya ma lahan awood ay diyaaradaha uga joojiso tegista Kismaayo, balse waxay awooddaa in diyaaraddii tagtaa halkaas ay ka mamnuucdo Muqdisho. Maadaama Muqdisho tahay magaalada ugu weyn shirkadaha diyaaradahana muhiim u ah ganacsi ahaan, shirkadahu ma awoodaan inay lumiyaan, sidaas darteed ayay ku qasbanaadeen inay qaataan amarka dowladda. Diyaaradda cusub ee Jubaland soo iibsatay waxay la macno tahay inaysan qabin cabsi la mid ah tan shirkadaha diyaaradha. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Popular Contributors
