Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,481
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. DIGNIIN : Waxaa socda Olole Dawlada Madaxweyne Farmaajo ay lacago Dollar ah ugu dirayaan shakhsiyaad iyo kooxo jooga magaalooyinka Garbahaaray,Gaalkacyo iyo Boosaaso, kuwaas oo wada [...] Source
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – War dheeri ah ayaa kasoo baxaya madaafiic dhaliyey khasaare nafeed oo maanta lagu weeraray xarunta Xalane ee Muqdisho ay ka degan yihiin ururada iyo hay’adaha shisheeye. Warar hordhac ah ayaa sheegaya in lix madfac oo hoobiyeyaal ah ay ku dhaceen xarunta Xalane, oo ah halka ay degan yihiin Amisom iyo QM, sida ay sheegeen dadka deegaanka. Wararka aan ka helnay ilo-wareedyo amni oo ku sugan gudaha xarunta Xalane, ayaa sheegaya in qaar ka mid ah madaafiicda ay ku dhaceen isbitalka ciidamada Amisom ee ku yaalla gudaha xarunta Xalane. Madaafiicda ayaa waxaa ku dhintay laba qof oo ahaa Soomaali ahaa, oo isbitalka u doontay adeeg caafimaad, waxaana ku dhaawacmay 6 qof oo kale. Qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa waxaa ku jira askar ka tirsan ciidamada Amisom. Wararka ayaa intaas ku daraya in shaqaalaha ka shaqeeya xerada Xalane lagu amray inay galaan goobaha gabbaadka ah, si ay uga bad-baadaan madaafiicdan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa farriin hawada usoo mariyey Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Mahad Salaad oo qoraal kusoo qoray bartiisa Facebook ayaa ciddii xiriir la leh madaxweynaha ka codsaday in farriintiisa la gaarsiiyo. Haddaba halkaan hoose ka akhriso farriinta uu Mahad Salaad doonayo in laga gaarsiiyo Madaxweyne Farmaajo CODSI: qofkii Madaxweyne Farmaajo xiriir la leh fadlan fariintaan ha iga gaarsiiyo! Mudane Madaxweyne, sanadihii 2015 – 2016 xarunta ololahaaga doorashada waxay ahayd magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas ayaadna maalin walba fariimo isugu jira handadaad iyo propaganda uga soo diri jirtay Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud xilli uu ku mashquulsanaa difaaca badda Soomaaliya oo dacwadeedu ka socotay Maxkamada Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ), cid ilaa hada iska waraysatay ama adiga wax kaa waydiisayna majirto. Sanadkii 2018 bishii May waxaa degmada Dhoobleey ee gobolka jubada hoose tagay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata isagoo fasax aan soo waydiisan dowlada Soomaaliya, kamana aadan hadlin. Isla sanadkaas siyaasiin Soomaali ah ayaa loo diiday in ay shir ku qabsadaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Gudoomiyaha Barlamaanka Kenya Adan Bare Ducaale oo arintaas ka hadlayna wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya ay dacwad usoo gudbisay, qof mucaarad ku ah Farmaajo na uusan shir ku qabsan karin dalka Kenya. Wuxuu sidoo kale sheegay in ADIGA, ISAGA iyo UHURU isku qabiil tahiin mar uu la hadlayay shacabka reer Gaariso. Sidaas si lamid ah hotelada magaalada Mogadishu waxaa kuu degan Gudoomiye ku xigeenkii hore barlamaanka Kenya Faarax Macalin oo hada kahor yiri Kismaayo iyo Kulbiyoow lagama xukumayo Xamar, maalin walbana idaacadaha la taagan cayda iyo propagandada siyaasiinta reer Mogadishu iyo qabaa’ilada ay kasoo jeedaan. Lacagta ku baxdana laga bixiyo canshuurta laga soo qaado hooyada suuqa bakaaraha Yaanyada ku gada! Haddaba, su’aashaydu waxay tahay: 1. Shalay Adan Bare Ducaale markii hoteelada iyo maqaayadaha Kenya uu ka xirayay siyaasiinta siyaasad ahaan ku dhaliishan, uuna ku faanayay in aad isku beel tihiin muwaadin Soomaali ah miyuu ahaa maantana ma ajnabi dalka kusoo duulaybaa? 2. Hadii Adan yahay muwaadin Kenyan ah xaqna uusan u lahayn in uu ka hadlo ama yimaado dhulka Soomaaliyeed in ina adeerkiis Faarax Macalin hotelada Mogadishu kuu jiifo, caydeenana lacag aad ku siiyo ma xalaalbaa iyadu? 3. Diyaarad Kenya ka timid oo dad Soomaali ah sida hadii ay tahay ku xadgudub madax banaanida Soomaaliya maxaa xalaal ka dhigay safarkii Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata ku tagay Dhoobleey oo dhul Soomaaliyeed ah isagoo aan fasax ka haysan dowlada Soomaaliya. Qof dowlada Soomaaliya ka socdana uusan la socon? 4. Ciidamada Itoobiya in ay dadka ku xasuuqaan Baydhabo, doorashadana kuu dhacaan, maalin walbana diyaarad aad usii saarantahay maxaa xalaal ka dhigay Kenyana xaaraan ka dhigay bal iyadana wax nooga sheeg? Mudane Madaxweyne dadku kaama garasho yara, wax gooni ahna ma dheerid ee xilka laguu dhiibtay ayaa lagugu xurmaynayaa ee xayndaabkaaga sharciyadeed hasoo dhaafin hadii kale qof dadka la siman ayaad noqonaysaa! Mahadsanid Madaxweyne. Hon. Mahad Salad Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. Garoowe (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidamada Puntland ee ka howlgala gobolka Sanaag ayaa saaka soo bandhigay ciidamo ay sheegeen inay ka soo goosteen dhanka Somaliland. Ciidamadan oo wata hub iyo gaadiid dagaal ayaa Puntland waxa ay sheegtay inay ka tirsanaayeen guutada 93-aad ee ciidanka maamulka Somaliland, kana howlgali jireen deegaanka Ceelbuh gobolka Sanaag ee waqooyiga dalka Soomaaliya. Warbaahinta Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in ciidankaasi uu hogaaminayey, Gaashaanle Mustafe Siciid Toor oo ahaa taliyihii heystay aaga Ceelbuh. Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada soo goostay ay haatan ku sugan yihiin Badhan, halkaas oo ay ku soo dhoweeyeen mas’uuliyiinta degmadaasi. Dhinaca kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay Somaliland oo ku aadan ciidamadaasi. Ma’ahan markii ugu horreysay oo Puntland ay soo bandhigto ciidamo ka tirsanaa Soomaaliland oo ku biiray maamulkeeda gobollada Sool iyo Sanaag. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  5. Gobolka Sanaag waxaa bilahaan ka socdey kacdoon ka dhan ah Maamulka Soomaaliland, waxaana jiray Masuuliyiin kasoo quustay Maamulkaas oo isagasoo tagay. Korneyl Mustafa Siciid Toor [...] Source
  6. Siyaasi Muuse Cali Jaamac Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaasi saaka lagu xiray siyaasi Muuse Cali Jaamac oo kamid ah siyaasiyiinta Puntland ee dhaliilsan xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Deni. Siyaasigan ayaa habeen hore magaalada Boosaaso kaga qeyb-galay shir ay yeesheen qaar kamid ah odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta gobolka Bari kaasi oo laga soo saaray war-murtiyeed qodobaysan oo si adag loogu dhaliilay hannaanka ay wax u hoggaaminayso xukuumadda Puntland ee talada haysa. Sidoo kale wareysi uu shalay siiyay warbaahinta Puntland Post ayaa siyaasi Muuse Cali Jaamac waxa uu ku faahfaahiyay arrimaha ay shirkooda uga hadleen iyo nuxurka war-murtiyeedkooda. Siyaasiga ayaa sida la xaqiijiyay waxaa saaka u yeeray wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan balse isagoo aan weli xafiiska wasiirka gaarin ayaa waxa jidka ka qabtay ciidanka Booliiska magaalada Boosaaso. Wararku waxay sheegayan in wasiirka Amniga Puntland uu si hoose u bixiyay amarka lagu xiray siyaasigan, kadibna uu xafiiskiisa ugu yeeray si jidka looga qabto. Hoos ka daawo wareysigii siyaasi Muuse Cali Jaamac PUNTLAND POST The post Siyaasi caana oo lagu xiray magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  7. Dalalka Soomaaliya iyo Qatar ayaa sabtidii iska diiday bayaan ay dalalka carabta soo saareen oo ka dhan ah dalka Turkiga. Carabta oo kulan degdeg ah ka yeeshay duqeyn ay Turkida ka wadaan waqooyiga Suuriya ayaa go’aansaday in Turkiga la go’doomiyo siyaasad, dhaqaale, waxbarasho iyo dalxiisba. Sii-haya Safaaradda Soomaaliya ee Qaahira Towfiiq Axmed Cabdulaahi oo arrintan ka hadlaya ayaa yiri” Turki waa dal saaxiib ah”, isaga oo adkeeyey “ Waxaa ay wax badan u qabatay Soomaaliya shacab iyo xukuumadba, waxayna qeyb ka noqotay dib u dhiska Soomaaliya kadib dagaalladii sokeeye”. Towfiiq oo sii-hadalaya “Waxaad garab taagneydeen(Carabta), oo welina sameysaan shacabka Soomaaliyeed inuu dhibaatada ka baxo, waxaa kale oo jiray dalal saxiibo ah sida Turkiga oo qeyb ka ah dhismaha ciidamada si dib loo soo celiyo awoodiisa”. Dhankiisa waxaa Towfiiq Axmed sheegay in Soomaaliya ay garab taagan tahay shacabka Suuriya inuu xal u helo dhibaatada gudahooda ah, lana ilaaliyo midnimada iyo qarannimada Suuriya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Kismaayo (Caasimada Online) – Dibadbax ballaaran oo laga soo horjeedo maamulka Jubbaland, gaar ahaan xafladdii caleema saarka ee Axmed Madoobe ayaa maanta ka dhacay gudaha degmada Garbahaarey xarunta gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Banaanbaxa oo ay soo abaabuleen waxgradka Garbahaarey ayaa waxaa ka qeyb gala boqolaal dadweyne ah, kuwaas oo ku qeylinayey erayo ka dhan ah Axmed Madoobe. Qaa ka mid ah dibadbaxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa eedeyn u jeediyey dhammaan mas’uuliyiintii ka qeyb galay munaasabadaasi, gaar ahaan Madaxweynayaashii hore, Xasan Sheekh Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed. Sidoo kale dibadbaxayaasha ayaa sheegay inay si weyn uga soo horjeedaan dooraashadii ka dhacday Kismaayo, iyagoo tilmaamay inay aheyd mid sharci darro ah. Maamulka Axmed Madoobe ayaa degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobolka Gedo ku laheyn wax taageero ah, tan iyo markii uu qabtay hoggaanka Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  9. (SLT- Saylac)-Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Maareeyaha dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi iyo Taliyaha Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland Sareye Guuto Maxamed Xuseen Xiirane iyo saraakiil kale oo ka socota xukuumada Somaliland ayaa socdaa ku tagay Xeebaha galbeedka Somaliland, Kuwaas oo soo maray maray Xeebaha Bulla-Xaar, Ceel-Sheekh iyo Saylac. Waxaanay weftiga oo safarkoodu dhinaca xeebaha ahaa uu qaatay ilaa 12 saacadood, waxaana markii weftigu ugu dambayntii ay gaadheen magaalada qadiimiga ah ee Saylac loogu sameeyey soo dhaweyn balaadhan oo uu horkacayey badhasaabka gobolka Salal iyo Saraakiishii ciidamada ilaalada eek u sugnaa saldhiga magaalo xeebeeda Saylac. Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa mudadii ay halkaasi marayeen waxa ay hawlgalo ka sameeyeen xeebaha badda Somaliland, kuwaas oo soo qabtay 22 doonyood oo badda Somaliland si sharci darro ah uga kalluumaysanayey. Soo dhaweyntaasi ay u sameeyeen masuuliyiinta gobolka Selel iyo taliska ciidamada ilaalada Xeebaha Somaliland ee Saylac kadib waxa halkaasi ka hadlay masuuliyiintii weftiga horkacayey. Maareeyaha Dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Illaahay ayaa na nabadkeenay safar dheer ka dib, waxaanu safar ku soo jirnay 12 saacadood oo badda ah, waxa uu ahaa safar taariikhle runtii. Aniga iyo weftiga aanu wada socono ee Jananku u horeeyo, Injineerka dekedaha Somaliland, ku xigeenka hay’adda ka hortaga aafooyinka Qaranka, taliyaha saldhiga koowaad ee Berbrera ee Ciidanka ilaalada Xeebaha, runtii waxaan idiinka mahadcelinayaa sida sharafta iyo karaamada leh ee aad noo soo dhaweyseen. Waa markii koowaad, inkastoo uu jeegay maareeyahayagii dekeda ee Saylac. Mudo dheer ayaan doonayey inaan imaado oo aan badda soo maro, taas oo aanu ku guulaysanay intii aanu safarka ku soo jirnay, mudada dheer ee aad na sugayseen waxa nagu kalifay ama sababay oo aanu la kulanay kalluumaysato sharci daro ah oo uu talaabo adag ka qaaday taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha iyo ciidankiisuba, runtiina nala socda isagaana faahfaahin ka bixin doona. Markaa mar labaad iyo mar saddexaadba mudada dheer ee aad na sugayseen, waxaan idiinka mahadcelinaynaa sida wanaagsan ee aad noo soo dhaweyseen.” Ayuu yidhi Maareeyaha dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi. Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Taliyaha guud ee Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland Sareye Guuto Maxamed Xuseen Xiirane, kaas oo faahfaahin ka bixiyey safarkii dhinaca badda ah ee ay soo galeen iyo hawlgaladii ay ku soo qabqabteen kooxaha sida sharci darada ah uga kalluumaysanayey badda Somaliland. Taliye Xiirane isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Socdaalkayagu wuxuu ahaa iskaashi maareeyaha iyo anaga naga dhexeeya iyo anaga oo helay weel-na-anfaca oo aanu ku dabar-goyno wixii koontarabaan ah, wixii sharci daro ah. Sidaa darteed, waxay noqotay safarkii ugu horeeyey inaanu idinka idin siino, waananu la kulanay doonyo baddan oo labaatameeye gaadhaya, Naakhuudayaashii waanu ka soo dajinay, wixii sharciya iyo wixii kale waynu arki doonaa,” ayuu yidhi Taliyaha guud ee Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland Sareye Guuto Maxamed Xuseen Xiirane. Dhinaca kale ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland ayaa badda intii ay ku soo jireen waxa ay ku soo sameeyeen dhoolatus ay wakhti dheer ku qaateen badda iyagoo gaaf-wareegay xeebaha badda Somaliland oo ay ku soo qabqabteen doonyo ka kalluumaysanayey. Source
  10. (SLT-Ankara)-Muwaadin Axmed Maxamed oo ka mid ah Dhalinta wax baratay ee sida shaqsiga noloshooda ku dabara Ganacsiyadda Gaarka loo leeyahay islamarkaana safar iyo xidhiidho ganacsi la leh Dalka Turkiga ayaa arin cajiib ah ku soo arkay Turkiga. Qarool uu Facebookga soo dhigay oo uu arintaasi kaga hadlayo ayaa waxa uu ku yidhi “Waxyaalaha maskaxdayda hal xidhaalaha ku noqday waxa kamida masuul cashuurtii dadka laga ururiyay ee Biyo, Wado, Caafimaad, Iskuulo iyo baahiyaha kale ee bulshada wax lagaga qaban lahaa ka xaday oo meel dhigtay, ka dibna markii dalkii bilaa School hagaagsan, bilaa Jaamacad tayo leh, bilaa Biyo, iyo bilaa Wado noqday intuu halkan Turkey guryo ka iibsaday caruurtiisiina u soo raray si caafimaadka, Biyaha, Waxbarashada iyo nolosha wanaagsan ee dadkani samaysteen ay ugula dhuuqaan igayoo yasan oo lagu odhanayo, dalkiinii maxaa idinka keenay? goormaad ku noqonaysaan? ka dibna intuu dalkii uu sidaa u kadab gooyey ku noqdo odhanaya, ‘Dalkeena Nincaa fadhida’ haday nimco fadhido, maxaad caruurtaada ugala qaxday?. Waxa igaga sii yaab badan kuwa gaajoonaya ee aan Bus iska bixin karin ee ninkaa waxoodii ku tagri falay hadduu Naarta ii gala yidhaa ogol. Inta ugu badan masuuliyiinta xilka kuu haya iyo kuwii ka horeeyay halkan Turkey ayay iyaga iyo qoysaskooduba dagan yihiin. W/Q Axmed Maxamed Source
  11. (SLT-Sanaag)-Wararka aanu ka helayno deegaanka Ceelbuh ee gobolka Sanaag ayaa waxa ay sheegayaan in Puntland ay ku biireen saldhiggii iyo ciidamadii magaalada Ceelbuh ee gobolka Sanaag ee Somaliland. Saarkaal u hadlay Puntland ayaa sheegtay in ciidamadani yihiin kuwii ugu danbeeyey ee Somaliland u joogay soone Badhan. Ciidamo xooggan oo Somaliland ah ayaa hore ugu biiray Puntland taas oo walaac hor leh sii galinaysa gacan ku haynta Somaliland ee Sanaag Bari. Ciidamada u tallaabay dhanka Puntland waxa hoggaaminaya Gaashaanle Mustafe Siciid Toor sida maamulka Puntland oo ciidamada soo bandhigay shaaciyay. Source
  12. Jowhar (Caasimada Online ) – Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe xukun dil ku fuliyey gudddoomiye waaxeed ka tirsanaa maamulka magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka HirShabelle. Marxuumka oo 82 sana jir ahaa ayaa lagu magacaabi jiray, Cali Cabdullaahi Xasan, wuxuuna ahaa guddoomiyaha Xaafadda Buula Sheekh ee magaaladaasi. Fagaarha lagu toogtay ninkaasi oo ku yaalla deegaanka Fiidow oo dhaca xadka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ku sugnaa dadweyne iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab. Maxkamad hoostagta Al-Shabaab ayaa sheegtay in marxuumka uu qirtay dhammaan dambiyadii lagu soo eedeeyay, kadibna lagu fuliyey xukun dil toogasho ah. Sida ay ogaatay Caasimada Online guddoomiyaha la toogtay ayaa deegaanka Fiidow bil ka hor u tegay, si uu marqaati ugu noqdo dad u Garsoor doontay Al-Shabaab. Wararka aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in intii ay socotay dacwadda u dhexeysa dadkaasi ay maxkamadda gudaha u soo galeen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab oo hubeysan, kadibna ay kala baxeen marxuumka oo ay ugu dambeyn shalay toogteen. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka HirShablle iyo kan degmada Jowhar oo ku aadan toogashada mas’uulkaasi. Al-Shabaab ayaa xukuno u badan dil ka fulisa deegaanada ay ka taliso ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Jowhar caasimada@live.com
  13. HAWLAHA HORYAALA KOMISHANKA DOORASHOOYINKA QARANKA EE CUSUB !! ========================================== Komishanka doorashooyinku waa hay’adda u qaabilsan dalka jamhuuriyada somaliland in ay doorashooyinka u qabato waana hay’ad qaran oo dhisan oo shaqaysa oo leh shaqaale iyo khubaro aad ugu xeeldheer arimaha doorashooyinka iyo waxii ay shaqadoodu tahay. Hay’adaasi waxa maamula gudi doorashooyin oo ay soo xulaan axsaabta qaranka, madaxweynaha jamhuuriyada somaliland iyo golaha guurtida jamhuuriyada somaliland, gudidaasi oo ka kooban 7 xubnood waxaana loo soo kala xulaa Madaxweynaha 2 xubnood, G.Guurtida 2 Xubnood, iyo sadexda xisbi qaran oo min 1 xubin ah . Gudidaasi marka la soo magacaabo ee laga wada ansixiyo dhamaan xubnaha gudida golaha wakiilada jamhuuriyada somaliland ayaa kulanadooda ugu horeeya waxa ay iska dhex doortaan gudoomiye iyo kuxigeen iyo xubnaha kale oo midba shaqo loo asteeyo . Gudida doorashooyinka qaranku shaqada ay qaranka u hayaan waa shaqo culus oo xasaasi ah oo u baahan cadaalad iyo sida xaqu yahay in ay ku shaqeeyaan shaqadoodana u gutaan iyaga oo aan cidna u habranayn oo ay dalkooda masuuliyadaa loogu dhiibay aanay dhaawac iyo wax dhibaato keena u horseedin. Haddaba komishanka doorashooyinka qaranka ee cusub waxa horyaalla hawlo culus oo loo baahan yahay in ay aad uga taxadiraan iskuna taxalujiyaan in sharuucda dalka iyo is waafajiyaan xili doorasheedyada oo inaga noqday la joojiyaana banaan la jiifiyaana banaan , arimahaasi oo ay sababaan muranada axsaabta qaranka iyo duruufo dad samee ahi inta badan . Komishankan cusub waxa horyaalla : In ay qabtaan doorashooyinka dhamaantood inta muda xileedkooda ku beegan. In ay diwaangalintii cod bixiyaha doorashooyinka somaliland dib u furaan oo ay diwaan galiyaan dadkii aan hore isku diwaan galin , dadkii gaadhay da’dii lagu diwaan galinayey dadkii qaangaadhay Intii ka dambaysay doorashooyinkii hore . Ka hawlgalida diwaan galin qaran oo dalku wax ku qaybsado doorashooyinka golaha wakiilada iyo waxii kale ee la mid ah . In ay qabtaan tartankii ururada iyo axsaabta oo mudadiisa khalkhal soo galayo hadii 2022 ka xili ka horeysa la qabto doorashada golaha deegaanka oo ah doorashada lagu furo ururada siyaasada, ama in la raaciyo furista ururada siyaasadeed doorashada ugu horeysa ee deegaan ee dalka ka qabsoonta mudada ka horeysa 2022 ga . Iyo in iska ilaaliyaan dhamaan khaladaadkii iyo caqabadihii qabaaday komishanadii ka horeeyay oo dhan , aanay iska hagaajiyaan waxwalba oo axsaabta qaranku ka cabatay ama dadweynuhu saluug ka muujiyeen oo shaqadooda khuseeya. Ta ugu dambaysa oo ah in gudidaasi noqoto koox iyagu wada shaqaysa oo danta doorashooyinka ku foogan , iskana ilaaliyaan danaha iyo rabitaanada cida soo magacowday ee kala wada gaarka ah . Muhamed Dhimbiil: Facebook Mohamed Abdi Jama @dhimbiil : Twitter Mob: +252634241005 Email: hormood@hotmail.com Somalilandstar@gmail.com Qaran News
  14. Madaxwaynaha somaliland $11375 Sanadki..$136500 Madaxwayne ku xigeenka $ 8125 Sanadkii. $97500 Wasiirka $ 2350 54 wasiir bishi $ 133950 Sanadkii. 1607400 $ 164 xildhibaan labada gole 2354$ Bilkasta. $ 386056 Sanadkii 223nin ayaa uxaadira 4632672$ Marka laga tago agasimayaasha xusbiyada siyaasada madax dhaqameedka shaqala dawlada ee sare madaxda ciidamada. Halka kuwa danyarta ah sanadkii ayna qaar Helin 100$ wada socda taasi waa astaan muujinaysa in dalkan uu u afduuban yahay dhiqsiyaad soo xoogsi tegay Ma lihin hal warshad Hal beer iyo hal shay oo dawladu ka taageerto Bulshada Mana muuqado nidaam horumarineed oo dawladu doonayso in lagaga boxo horumar la aanta iyo nidaam dhaqale loogu abuurayo dalka Uma baahin madaxwayne umana baahnin Wasiiro umana baahnin xildhibaano lkn waxaan ubaahanahay kuwo wadankan donaya inay wadankan kabedelaan. Somaliland ahaan waxaan aaminsanahay in ayna kusoconayn jihada ayku socoto maanta ee ah soo shaqo taga lkn waxay ubaahanthy dad damiirku nool yahay cafimad qaba allena ka cabsanaya!! Qore Sadaam S Mire Source
  15. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan oo caleemo saarkii madaxweynaha dib loo doortay ee Axmed Madoobe ka sheegay in ay si rasmi ah u martiqaadeen Somaliland laakiin, aanu weftiga Somaliland sidii la rabay u iman arrimo la xidhiidha xayiraad. Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase) agaasimihii hore ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland ayaa ka soo dhexmuuqday xafladda caleemo saarka inkasta oo jiraan warar sheegaya in ay dad kalena ka qayb galeen. Ilkacase wuxuu sheegay in aanu Somaliland metelayn ee uu iskii u tagay xafladda oo lagu casuumay. Madaxweyne ku xigeenka Jubaland faahfaahin kama bixin caqabadaha weftiga Somaliland u baaqday sidoo kale ma sheegin in ay casuumeen xukuumadda madaxweyne Biixi iyo in kale. Sida oo kale waxa uu madasha ka sheegay in hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe la xidhiidhay madaxtooyada Jubaland waxaana madasha laga akhriyay hambalyo uu la wadaagay xafladda “Dawladda Federaalku waxay idinku samaynaysa wixii ay nagu samayn jirtay ee iska dulqaata,” Sidaas ayuu Faysal yidhi waxaana dhambaalka Faysal ka mahadceliyay madaxweyne xigeenka Jubaland. Source
  16. Labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah(Golaha shacabka iyo aqalka sare) ayaa kala saxiixay heshiis taariikhi ah oo wada shaqeyn taaso oo soo afjareysa khilaaf socday sanad wax ka badan. Hadaba Halkan Ka Akhriso Heshiiska: Source: goobjoog.com
  17. Telefishinka dowladda Puntland ayaa ku warramaya in guutadii 93-aad ee ciidanka militariga Somaliland ay saaka ku soo biirtay ciidamada Daraawiishta Puntland ee ku sugan deegaanka Ceelbuh ee gobolka Sanaag. Sawirro uu soo bandhigay Puntland TV ayuu ku sheegay guutadii 93-aad ee ciidanka Somaliland oo ku biirtay dhinaca Puntland waxaana telefishinku tilmaamay in ciidanka oo markii hore fadhigoodu ahaa deegaanka Ceelbuh ay calankii Somaliland ka tuureen xeradooda, kadibna ay ku beddeleen calanka Puntland. Sidoo kale wuxuu sheegay in maamulka gobolka Sanaag iyo kan degmada Badhan ay halkaasi ku soo dhaweeyeen ciidankan oo uu hoggaaminayo Gaashaanle Mustafe Siciid Toor oo taliye u ahaa ciidanka Somaliland ee degaankaasi ku sugan. Faahfaahinta kala soco Puntland Post The post Ciidamo ka tirsan Somaliland oo la sheegay in ay Puntland ku soo biireen appeared first on Puntland Post.
  18. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay in uu diyaariyay Saddexda xubnood ee ka mid noqonaya guddida doorashooyinka Qaranka ee cusub kadib markii xisbiyada Waddani, UCID iyo guurtidu soo gudbiyeen afarta xubnood ee ay soo magacaabayeen. Sida uu ku warramayo wargeyska Geeska Afrika ee Hargeysa ka soo baxa waxa uu madaxweyne Biixi diyaariyay in ay guddida doorashada ka mid noqdaan: Mustafe Maxamed Daahir oo ah nin da’a yar oo aqoon yahan ah; Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi oo ka mid ahayd guddida doorashada ee wakhtigeedu dhammaaday; Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac) oo ah siyaasi xilal ka soo qabtay Somaliland. Madaxweynaha ayaa la filaya in uu todobada xubnood ee Komishanka doorashooyinka maanta u gudbiyo Golaha Wakiillada si ay waajibkooda uga gutaan. Xubno Khilaaf abuuri kara Cabdirashiid Riyo-raac iyo Kaltuun Sheekh Xasan ayaa durba walaac laga muujinaya. Kaltuun ayaa ka mid ahayd guddida xisbiga Waddani kalsoonida kala noqday halka Cabdirashiid Riyo-raac ka dhex muuqday siyaasadda xisbiga Kulmiye waxaanu xisbiga UCID sheegay in sharcigu reebayo maaddaama qof siyaasad ka madax bannaan oo dhexdhexaad ahi ka mid noqon karo guddida. Source
  19. (SLT-Kismaayo)-Masuul Tirsan Xisbiga KULMIYE Oo Ka Hadlay Ka Qayb-galkiisa Xafladda Caleemo Saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Halkan hoose ka DAAWO Source
  20. Minneapplis (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump ayaa dhaleeceyn xoogan la kulmay, kadib markii uu ka hor yimid soo dhoweynta qaxooti badan oo Soomaali ah. Xisbiga Dimoqraadiga ee Minnesota, muslimiinta iyo ururo kale oo caalami ah ayaa camnaareyn culus u jeediyey Madaxweyne Trump, waxaana ay ku eedeeyeen inuu ku dhawaaqay hadallo gef ah. Madaxa fulinta golaha xiriirka Mareykanka iyo Islaamka, Nihad Awad oo ah oo la hadlay warbaahinta gudaha dalkaasi ayaa sheegay in Trump, isagoo ah Madaxweynihii dalka uu sameeyey midabtakoor, ayna tahay wax laga xumaado. Awad ayaa intaasi ku daray in dadka Cadaanka ahi ay soo dhoweeyeen falka cunsuriyeynta ah ee ku dhaqaaqay Madaxweynuhu. “Waxaas oo dhan waxa ka sii murugsan in dhagaystayaasha cadaanka ahi ay soo dhoweeyeen cunsuriyadda iyo in hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Jamhuuriga ay aamusaan ama xitaa ay taageeraan fowdada noocaas a.,” ayuu yidhi Awad. Ugu dambeyn Jacob Frey oo ah Duqa magaalada Minneapolis ayaa tilmaamay Trump uu noqday nin xumaaday, islamarkaana u gefay dadka soo galootiga ah. Mr Frey ayaa sidoo kale qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ku sheegay in ogolaansho la siiyay soo galootiga, laguna soo dhoweynayo magaaladiisa Minneapolis. Caasimada Online Xafiiska Minneapplis caasimada@live.com
  21. Your Excellency Ahmed Mohamed Islam Madobe, President of Jubaland, Distinguished representatives of the Federal Government of Somalia, Leaders from other Federal Member States, Excellences, Members [...] Source
  22. (SLT-Qaahira)-Wasiirada arrimaha dibedda ee Jaamacada Carabta ayaa magaalada Qaahira ku yeeshay shir deg deg ah oo lagaga arinsanayo weerarka Turkigu ku qaaday Kurdiyiinta Suuriya, shirkan oo ay ku baaqeen wadamada Masar iyo Sucuudigu waxa kasoo qayb-galay wasiirro iyo safiiro ka kala socday 21 ka dal ee Jaamcada Carabtu ay ka koobantahay. Markii lagaadhay xiligii codaynta waxa qaraarka Turkiga lagu Cambaaraynayo diiday in ay u codeeyaan Wadamada Somalia iyo Qatar, Tv-ga dawlada Masar oo toos looga baahinayay khudbadaha ayaa jaray markuu khudbada bilaabay Safiirka Qadar u fadhiya Jaamacada carabta, Lakin waxa baahintii tooskii dib lasoo celiyay markuu Hadalka bilaabay masuulka Soomaaliya u hadlayay. Safiir Tawfiiq Axmad Cabdilahi oo Soomaaliya u hadalay ayaa aad u amaanay dawlada Turkiga ” Turkigu waa dawlad aan saaxiib nahay waxayna noo dhiseen kaabayaal badan oo uu ka mid yahay ciidanka qaranka Soomaaliya arinta Suuriyana xal siyaasadeed ayay ubaahantahay “ Gabogabadii qaraar shirka laga soo saaray ayaa lagu Cambaareeyay weerarka u Turkigu ku qaaday Kurdiyiinta Suuriya, qaraarkan ayaa lagu yidhi. ” Duulaanka Turkigu uu ku qaaday Suuriya waa mid cadawnimo ah oo lagu qaaday dal carbeed oo ay waajib tahay in laga jawaabo “ Source
  23. (SLT-Hindiya)-Waxaa la filayaa in dib uu u soo laabto adeegii isgaadsiinta gaar ahaan taleefanada gacanta lagu qaato ee loo yaqaano Mobile-ka, sida ay shaacisay dowlada Hindiya kadib xayiraad in kabadan laba bilood saaran gobolka Kashmiir. Afhayeenka dowlada Rohit Kansal ayaa sheegaya in xukuumada Delhi ay qaadatay go’aankan kadib dib u eegis lagu sameeyay xaalada amni ee gobolka Himalayan. Dhamaan taleefanada gacanta iyo kuwa guryaha ayaa si caadi ah u shaqeyn doona maalinta Isniinta ah ayuu yidhi kadib shir Jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Delhi. Hogaamiyaha xukuumada Islamabad ayaa sheegay in dhiggiisa Hindiya Narendra Modi uu khalad weyn galay markii uu xayiraada saaray gobolka Kashmiir ee dhanka Hindiya oo ay ku nool yihiin muslimiinta ugu badan dalkaas. Source
  24. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Kheyre, oo khudbad ka jeediyay munaasabadda xuska maalinta calanka Soomaaliyeed ee October 12, ayaa caddeeyay in mas’uul walba oo Soomaaliyeed oo fursad u hela metelaadda qaranka, uu taariikhda dalka ku geli doono hadba sida uu uga qayb qaato ilaalinta qarannimada, madax bannaaninada, midnimada iyo xuduudaha Dalka. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in Calanka uu macna wayn u leeyahay umadda Soomaaliyeed, uuna u taaganyahay midnimada iyo xornimada ummadda, dhammaan danaha dadka Soomaaliyeedna ay ku jiraan dowladnimada, muhiimna ay tahay in mucaarad iyo muxaafidba dowladnimada la wada ilaaliyo, danta guud laga wada shaqeeyo oo la iska ilaaliyo in dowladnimada laga dhex raadiyo dan gaar ah. “Qof walba oo naga mid ah, meel walba oo uu dalka ka joogo ama ay ka joogto, mucaarad iyo muxaafad oo fursad u hesha in uu qarankiisa metelo ama ay qarankeeda metesho, waxaa uu taariikhda ku geli doonnaa sida uu u ilaalinno qarinnimada, madax bannaanida, hantida qaranka, Midnimadda, xuduudaha, badda, hawada iyo dhulka Soomaaliyeed”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Calankeenna Buluugga ah ee bartamaha ku leh xiddigta shanta gees leh, astaantana u ah qarannimmada umadda Soomaaliyeed, uuna allifay Allaha u naxariistee Maxamed Cawaale Liibaan ayaa markii ugu horreysay dhulka Soomaaliyeed laga taagay October 12, 1954, waxaana sannad waliba October 12 dhammaan dadka Soomaaliyeed ay xusaan maalinta calanka oo kamid ah munaasabaha ku weyn quluubta ummadda Soomaaliyeed. View the full article
  25. Ugaas Maxamed Weli oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan habraaca doorashada Jubbaland oo ay soo saartay dowladda Somalia. Isagoo la hadlayey Shabelle ayuu sheegay in dowladda ay ku garab istaagayaan doorashadaasi, si looga gudbo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Jubbaland. Sidoo kale Ugaas Maxamed Weli ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay xafladii caleema saarka, Axmed Madoobe oo shalay ka dhacay magaalada Kismaayo ee gobolka J/Hoose. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/weli.mp3 View the full article