Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Paris (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo ku sugan magaalada Paris ayaa ka hadlay arrimo ku aadan taageerada ay beesha caalamka siiso dowladda federaalka ah ee Soomaalya. Ugu horreyn Khayre ayaa ayaa sheegay in ay habboon tahay in saaxiibbada caalamka ay muhiimad gaar ah siiyaan maal gelinta hannaanka dib u kabashada Dalka. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dalalka beesha caalamka inay hal arrin wax ka bedalaan, taas oo ah qaabka ay hadda ku caawiyaan shacabka iyo dolwadda Soomaaliyeed. “Maalgelinta dib u dhiska hay’adaha Dowladeed, waa in ayada lafteeda loo arkaa in ay ka mid tahay dedaallada la doonayo in lagu gaaro himilooyinka horumarka Qaranka.” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre. Waxa kale oo uu Ra’iisul wasaaruhu cadeeyey in Soomaaliya ay hiigsaneyso horumar ballaaran oo u horseedda in ay soo ceshato kaalintii ay dunida horay ugu laheyd. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dalka Faransiiska u tegay ka qeyb galka shirka sanadlaha ah ee madasha nabadda Paris oo shalay furmay, kaas oo diirada lagu saarayaa xal u helidda dhibaatooyinka kala duwan ka jira daafaha caalamka. Caasimada Online Xafiiska Paris caasimada@live.com
  2. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo Dalka Faransiiska uga qeyb galay shirka Sanadlaha ah ee madasha nabadda Paris, ayaa sheegay in ay habboon tahay in saaxiibbada Caalamka ay muhiimad gaar ah siiyaan maal gelinta hannaanka dib u kabashada Dalka. “Maalgelinta dib u dhiska hay’adaha Dowladeed, waa in ayada lafteeda loo arkaa in ay ka mid tahay dedaallada la doonayo in lagu gaaro himilooyinka horumarka Qaranka.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Ra’iisul Wasaaraha ayaa dood uu ka qeyb galay waxa uu ka caddeeyay in Soomaaliya ay hiigsaneyso horumar ballaaran oo u horseedda in ay soo ceshato kaalintii ay Dunida horay ugu lahayd. View the full article
  3. ​This map, created by the United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs, depicts the Jilib District of Somalia's Middle Juba region. UNOCHA graphic. Source: Hiiraan Online
  4. Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay qarax xoogan ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM lagula eegtay gudaha degmada Mahadaay ee gobolkaasi. Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa la sheegay in ciidamadaasi lala bartilmaameedsaday, xilli ay ku lugeynayeen gudaha degmadaasi. Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxan ayaa baahisay in ay la eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Burundi, islamarkaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac, walow aysan cadeyn inta uu la egyahay. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah maamulka degmada Mahadaay iyo taliska AMISOM oo ku aadan qaraxaasi. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro gaadma ah ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee isaga kala goosha deegaanada maamulka HirShabelle. View the full article
  5. Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ku war-gelinaysaa in fatahaadihii Webiyada Jubba iyo Shabeelle oo hoos u dhac ku yimid, hadii roobab yimaadana weli cabsida fatahadaha meelaha qaar wey jirtaa. Halkan hoose ka akhriso: warsaxaafadeedka ay xaaladihii ugu dambeeyey ee fatahaadaha ay ka soo saartay Dowladda Soomaaliya Halkan hoose ka akhriso: War-Saxaafadeed Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ku war-gelinaysaa in fatahaadihii Webiyada Jubba iyo Shabeelle oo hoos u dhac ku yimid, hadii roobab yimaadana weli cabsida fatahadaha meelaha qaar wey jirtaa. Dowladdu, waxay mahad celin balaaran u jeedinaysaa ganacsatada Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka iyo dibadda gurmadka xoogga leh oo ay u fidiyeen walaalahooda ku wax yeeloobay daadadka ku soo rogmaday iyo fatahaadaha webiyada. Sidoo kale,Dowladdu waxay marlabaad umahadcelinaysaa Dowladaha saxiibada caalamka ee gurmadka fatahaadaha ka gaystay gacan wayn. Gurmadka loo fidinayo shacabka Soomaaliyeed ee fatahaaduhu saameeyeen wuxuu u socdaa si habsami leh, waxaana laga gaaray guulo lataaban karo muddo kooban. Dwladda soomaaliya waxay rajo weyn ka qabtaa inuu si guul ah ay ku soo gaba gaboobaan labadii weji ee hore qorshii ay dejisay dowladu ee afarta weji ahaa inkastoo ay dadku ay u baahanyiihin caawin ilaa inta ay dib uga soo ceshanayaan noloshoodii. Sidoo kale waxaa hada bilaabmaya wejigii sadexaad in dib ugu celin dadka barakacay guryahoodii iyo dayactirka iyo dib u hawlgelinta goobihii adeega Bulshada sida iskuuladii, goobihii Caafimaad iyo wixii la mid ah. Waxaa hada bilaabmaya wejigii sadexaad iyo kii afraad ee Qorshaha, sidaas awgeed, Dawladdu waxay Shacabka Soomaaliyeed, Ganacsatada iyo Dawladaha Saaxiibka la ah Soomaaliya waxaanu ka codsanaynaa in ay sii wadaan Gurmadka iyo Taakulada la gaadhsiinayo dadka ay roobabka iyo Fatahaadu wax yeeleeyeen. View the full article
  6. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Subax-13112019-sx.mp3 View the full article
  7. Militariga Maraykanka ayaa war ka soo saaray duqeyn cusub oo ay ka fuliyeen degaanno ka tirsan gobolka Jubada dhexe ee koonfurta Soomaaliya Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika (AFRICOM) ayaa looga warbixiyay duqeynta diyaaradeed ee Mareykanku ka gaystay gobolka Jubbada dhexe. Qoraalka waxaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay shalay duqeyn diyaaradeed ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe halkaasina ay ku dileen hal xubin oo ka tirsan malayshiyaadka Al-shabaab. AFRICOM waxay sheegeen in duqeynta lala beegsaday Al-shabaab aysan wax khasaare ah ka soo gaarin dadka rayidka ah ee degaankaasi ku sugan. PUNTLAND POST The post Militariga Maraykanka oo faahfaahin ka bixiyay duqeyn uu ka gaystay koonfurta Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  8. London (Caasimada Online) – Xafiiska arrimaha dibadda ee dowladda Ingiriiska ayaa amray in safaaradda UK ee magaalada Muqdisho aysan bixin karin adeegyada Qunsuliyadaha, iyadoona lagu wargeliyey dhammaan dadka u dhashay dalkaasi. Warkan ayaa lagu sheegay in dadka u baahan adeegyada safaaradda ay la xariiri karaan safaaradaha UK ee ku yaalla magaalooyinka Nairobi iyo Addis Ababa ee Caasimadaha dalalka Kenya iyo Itoobiya. UK ayaa go’aankan u sababeysay cabsi weyn oo ay ka qabto ammaanka magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Sida lagu sheegay warka ka soo baxay xafiiska arrimaha dibadda ee UK, waxaa jira macluumaad sheegaya in ay jiraan in weeraro argagixiso oo la qorsheynayo in ay ka dhacaan gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya. Dowladda Ingiriiska ayaa ugu baaqday muwaadiniinteeda inay muujiyaan feejignaan dheeri ah, islamarkaana ay ka fogaadaan meelaha ay dadka isugu yimaadaan, sida hoteellada, munaasabadaha ay ka qeybgalayaan mas’uuliyiinta dowladda iyo meelaha kale ee bartilmaameedka u noqon kara kooxaha weerarrada geysta. Sidoo kale waxay dowladdu intaasi ku dartay in gudaha Soomaaliya marka laga reebo magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera ee Somaliland ay ka dhici karaan qatar dhinaca afduubka ah, sida lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska arrimaha dibadda ee UK. Digniintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay ee aad u yaraadeen weerarada ay kooxda Al-Shabaab ka fuliyo gudaha magaalada Muqdisho, taas oo loo sababeynayo xirnaashiyaha waddooyinka waa weyn ee ku yaalla gudaha Caasimada. Caasimada Online Xafiiska London caasimada@live.com
  9. Maxkamadda Dastuuriga ah ee dalka Bolivia ayaa Talaadadi shalay go’aamisay in haweeneyda Jeanine Anez ay noqoto madaxweynaha kumeelgaarka ah ee dalkaasi. Go’aanka ayaa ku soo beegmay saacado kaddib marki uu madaxweynihi hore ee Bolivia Evo Morales isaga degay xilka isagoo u duulay waddanka Mexico oo uu ka helay magangalyo siyaasadeed. Jeanine Anez oo ka tirsan mudanayaasha xisbiga mucaaridka ugu jira golaha Senetka ee dalkaasi ayaa ku adkeystay in aysan jirin cid kaga sarreysa sharci ahaan in ay noqoto madaxweynaha kumeel-gaarka ah, kaddib marki ay horay isu casileen madaxdi ka sarreysay. Mudanayaasha xisbiga madaxweyne Morales ayaa qaaddacay sheegashada madaxtinimada ee Anez, iyaga oo ku sababeeyay in kooramka fadhigi baarlamaanka uu ahaa mid aanan helin tiradi loo baahnaa. Bolivia ayaa ku jirta xaalad siyaasadeed oo cakiran tan iyo inti uu xilka madaxtinimada iska casilay Morales. Kaddib marki uu shalay ka dagay Mexico, ayuu Evo Morales u mahadceliyay madaxweynaha Mexico Andres Manuel Lopez Obrador oo uu ku sheegay inuu yahay qof badbaadiyay noloshiisa. PUNTLAND POST The post Anez oo sheegatay in ay tahay madaxweynaha Bolivia appeared first on Puntland Post.
  10. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre oo ka qayb gelaya shir sanadeedka madasha Nabadda Paris, ayaa halkaasi kulan kula qaatay wasiirka arrimaha dibadda Ruushka, Sergey Lavrov. War-saxaafadeed ka uu soo saaray Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, ayaa lagu sheegay in Kulanka oo qayb ka ahaa, shir-doceedyada uu Ra’iisul Wasaaruhu la qaadanayo madaxda ka qayb geleysa shirka madasha Nabadda Paris. Kulanka waxaa looga hadlay arrimaha amniga, nabad-gelyada iyo taageerada saaxiibbada Soomaaliya ee dib-u-kabashada dalka, sida lagu xusay war-saxaafadeedka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale kulan doceed la qaatay, wasiirka arrimaha dibadda Finland, Pekka Haavisto. Kulanka oo looga hadlay xoojinta xariirka labada dowladood ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ka sheegay in taageerada Filand ay qayb wayn ka qaadatay dadaallada nabadeynta iyo dhismaha dowladnimo ee Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Khayre oo la kulmay wasiirada Arrimaha Dibadda Finland iyo Ruushka appeared first on Puntland Post.
  11. When passengers call for a ride in the northern Somali port town of Bossaso using a local taxi hailing app, they are invariably surprised to see Ikran Yusuf Abudllahi sitting behind the wheel. Source: Hiiraan Online
  12. Hargeysa (Caasimada Online) ― Dowladda Mareykanka ayaa markii u horeysay si rasmiya u shaacisay in tixgelin gaar ay siin doonto dowladda aan weli la aqoonsan ee Somaliland. Mareykanka ayaa sheegay in Somaliland ay leedahay nidaam kayd oo wanaagsan, gaar ahaan dhanka Hay’daheeda, isla markaana ay tixgelin gaar ah siin doonto Dhukumintiyada ka soo baxa Hay’daha Somaliland. Wasaarada arrimaha dibedda ee Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in Dhukumintiyada dhalashada, kuwa guurka iyo dhimashada, ee ka soo baxa Somaliland ay u aqbalayaan qofka marka uu dalbanayo dal ku gal dalkooda. Wasaarada ayaa qoraal ay Mareegteeda internetka ku baahisay, ku xustay in nidaamka keyd ee dowladda federaalka Soomaaliya uu ka wanaagsan yahay midka Somaliland. Warbixintaasi ay soo saartay Wasaarada arrimaha dibedda ee Mareykanku, ayaa waxa laga dheehan karaa heerka kalsooni ee uu Mareykanku ka qabo Dhukumintiyada Dowladda federaalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  13. Deputy District Attorney Ilan Zur told the jury he has a slam-dunk case for second-degree murder against Daniel Russell. Source: Hiiraan Online
  14. Princess Haya bint al-Hussein, the estranged wife of Dubai's ruler Sheikh Mohammed bin Rashid al-Maktoum, appeared in a British court on Tuesday for the latest hearing in the couple's legal battle over the welfare of their children Source: Hiiraan Online
  15. Al-Shabab extremists in Somalia remain “a potent threat” to regional peace and are now manufacturing home-made explosives, expanding their revenue sources and infiltrating government institutions, U.N. experts say. Source: Hiiraan Online
  16. Sports Illustrated did something unprecedented last spring, although it was Halima Aden who really made history: At 21, the Somali American fashion model appeared in the magazine’s swimsuit issue dressed wrists-to-ankles in a burkini—beaming, lounging on a beach in Kenya, the country where she spent much of her childhood in a refugee camp before moving to St. Cloud, Source: Hiiraan Online
  17. 87 ka mida Culimada ugu caansan Dunida Muslimka oo shaaciyey Go’aan ka dhan ah Imaaraadka Carabta 87 ka mid ah culimada ugu caansan dunida Islaamka, ayaa Carabta iyo Mulimiinta kale ugu baaqay inay ku dhaqaaqaan qaadacaad siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo ka dhan ah Imaaraadka Carabta. Waxay Imaaraadka Carabta ku eedeeyeen inay fuliyaan shirqoolo ka dhan ah Muslimiinta Islamarkaana ay ku cayaarayaan nolosha Muslimiinta dalalka Yemen iyo Libya. Culimada ayaa bayaan ay soo saareen waxay ugu baaqeen ganacsatada muslimiinta ah inay ka guuraan Imaaraadka Carabta, islamarkaana ay qaadacaan inay waxa kala soo degaan dekedaha dalkaas, sababtoo ah waa mid ka mid ah ilaha dhaqaale ee ugu weyn Imaaraadka. Waxay sheegeen in Imaaraadka Carabta ay dhaqaalahooda u adeegsanayaan inay ku dilaan Muslimiinta, ku iibsadaan calooshood u shaqeystayaal, ku agaasimaan afduubyo ka dhan ah dowlado sharci ah, islamarkaana ay ku hor-istaagaan rajada dadka Carabta ah ee sameynaya kacdoonada si ay isaga dul-qaadaan maamullada daba-dhilifyada ah ee caburinta ku haya. “Imaaraadka waxay sidoo kale shirqoolaan walaalaha Falastiin ayaga oo la safan Yahuudda.” Ayaa lagu yiri bayaanka. Culimada ayaa baaqooda saldhigga ugu dhigay aayadaha qur’aanka iyo axaadiista sheegaya “inay qasab tahay in cadowga la wiiqo dhaqaale ahaan, si looga hortago burburka iyo fisqiga ay ku fidinayaan dhulka Islaamka.” Qaran News
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda ee gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahad-Alle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kormeer uu galabta ku tagay mid ka mid ah baraha koontorool ee laga soo galo magaalada Muqdisho uu ku soo arkay askar lacago baad ah ka qaadaya dadka shacabka ah. Mahad-Alle ayaa sheegay in socdaal uu ku tagay Isgoyska Ex koontorool Afgooye oo Bar koontorool ay ku leeyihiin ciidamada Booliska uu ku soo arkay askar aan heysan wax boono ah, isla markaana gadiid-leyda ka qaadaya lacago baad ah. Isgoysa Ex koontorool Afgooye ayaa ka mid ah goobaha ugu waaweyn ee lagu qaado canshuurta maamulka gobolka uga soo xaroota gaadiidleyda, sidoo kale waa goob lagu baaro gaadiidka dhanka koonfureed soo gala magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay inay xabsiga dhigeen ilaa labo askari oo ka tirsan ciidanka Booliska ee ku sugnaa bartaas koontorool, kuwaas oo lasoo qabtay iyagoo qaadaya lacag aan sharci aheyn, waxuuna Mahad-Alle warbaahinta u soo ban dhigay lacag badan oo shilin Soomaali ah, taas oo sida uu sheegay askarta la xiray ay si sharci darro ah uga qaadeen gaadiidleyda dhanka koonfureed ka soo gasha magaalada. Mahad-Alle ayaa sidoo kale sheegay inay sharciga marsii doonaan askarta ay soo qabteen galabta ee shacabka ka aruursanayay lacagaha baada ah ee aan lagu qaadeyn boonadii ay ugu tala gashay dowladda hoose ee Xamar. Ibraahim Mahad-Alle guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir ayaa sheegay in xilliga ay soo qabanayeen ragaan uu kormeer ku tagay goobo badan oo ku kala yaala degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir, kuwaas oo lagu qaado canshuurta maamulka gobolka uga soo xaroota gaadiid-leyda Muqdisho. Caaimada Online Xaafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Tripoli (Caasimada Online) – 87 ka mid ah culimada ugu caansan dunida Islaamka, ayaa Carabta iyo Mulimiinta kale ugu baaqay inay ku dhaqaaqaan qaadacaad siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo ka dhan ah Imaaraadka Carabta. Waxay Imaaraadka Carabta ku eedeeyeen inay fuliyaan shirqoolo ka dhan ah Muslimiinta Islamarkaana ay ku cayaarayaan nolosha Muslimiinta dalalka Yemen iyo Libya. Culimada ayaa bayaan ay soo saareen waxay ugu baaqeen ganacsatada muslimiinta ah inay ka guuraan Imaaraadka Carabta, islamarkaana ay qaadacaan inay waxa kala soo degaan dekedaha dalkaas, sababtoo ah waa mid ka mid ah ilaha dhaqaale ee ugu weyn Imaaraadka. Waxay sheegeen in Imaaraadka Carabta ay dhaqaalahooda u adeegsanayaan inay ku dilaan Muslimiinta, ku iibsadaan calooshood u shaqeystayaal, ku agaasimaan afduubyo ka dhan ah dowlado sharci ah, islamarkaana ay ku hor-istaagaan rajada dadka Carabta ah ee sameynaya kacdoonada si ay isaga dul-qaadaan maamullada daba-dhilifyada ah ee caburinta ku haya. “Imaaraadka waxay sidoo kale shirqoolaan walaalaha Falastiin ayaga oo la safan Yahuudda.” Ayaa lagu yiri bayaanka. Culimada ayaa baaqooda saldhigga ugu dhigay aayadaha qur’aanka iyo axaadiista sheegaya “inay qasab tahay in cadowga la wiiqo dhaqaale ahaan, si looga hortago burburka iyo fisqiga ay ku fidinayaan dhulka Islaamka.” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga khubarada QM ee Soomaaliya oo saaray warbixintoodii sanadda 2019 ayaa sheegay in intii lagu guda jiray muddo xileedkoodii koowaad, ay isticmaalka waxyaabaha qarxa ee Al-Shabaab ay gaartay heerkii ugu sarreeyey taariikhda Soomaaliya, ayada oo korortay saddex meelood meel, marka loo barbardhigo sanadkii tagay. Sida ay warbixinta tiri, taxliilin dhanka kiimikada ah oo la sameeyey kadib qaraxyada Al-Shabaab qaarkood, ayaa muujisay in markii ugu horreysay ay kooxda Al-Shabaab awood u yeelatay inay sameysato bambooyinka ay qaraxyada ku fuliso, ayada oo sidaas sameeneysay illaa ugu yaraan Bishii July ee 2017. Sidoo kale, uma muquato in Al-Shabaab ay hor-istaagi karto dhaqaale la’aan, ayada oo sida lagu sheegay warbixinta, ay habka canshuuraha ee u eg kan maafiyada oo kale ee Shabaab ay ka adeegsato koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya uu kooxda soo geliyo dhaqaale badan. Guddiga ayaa sidoo kale sheegay inuu ogaaday in Al-Shabaab ay sii ballaarisay dakhli soo xareynteeda, kadib markii ay billowday inay canshuur ka qaaddo badeecooyinka kasoo dega dekedda Muqdisho. Sida warbixinti tiri, ku dhex milinka Al-Shabaab ee hay’adaha dowladda Soomaaliya ayaa sanadkan 2019 garay heer aad u sarreeya, kadib markii qof naftiisa huray, oo la tuhunsan yahay inay ka tirsaneyd Al-Shabaab ay isku dhex qarxisay xarunta gobolka Banaadir , kuna dishay duqii Muqdisho, allaha u naxariistee Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow iyo sagaal mas’uul oo kale. Gabadhaas iyo gabar kale oo ka caawisay qaraxa, ayaa ka dhex-shaqeynayey xarunta gobolka, waxaana goor dambe la ogaaday inay adeegsanayeen magacyo been abuur ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  21. Hargeysa (Caasimada Online) ― Waxa maalmihii u dambeeyay baraha bulshada ay ku kulmaan aad loogu hadal hayey oo la isla dhex wareegayey, warar sheegaya in dekedda Berbera lagu qabtay Konteenar saanad ciidan ah. Arrintan ayaa waxaa si rasmi ah u xaqiijiyay Xoghayaha arrimaha gudaha ee xisbiga Ucid, Maxamuud Cali Ramaax, isagoona sheegay in uu tagay dekedda Berbera, isla markaana uu soo xaqiijiyay in Konteenarkaasi la qabtay oo gudaha dekedda yaalo. Xoghaye Ramaax ayaa sheegay in weligeed aysan gudaha Somaliland ka dhicin in lagu arko inuu qof shacab ah uu soo dejiyo saanad ciidan, markaana Xukuumada looga baahanyahay inay talaabo ka qaado. Xoghayaha arrimaha gudaha ee xisbiga Ucid, Maxamuud Cali Ramaax, oo arrintaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yiri “In horta saanad ciidan lagu arko qof shicib ah oo soo dejinaya weligeed may dhicin”. “Hadday dhacdana xukuumadda ayaa weligeed la wareegi jirtay, way dhacday gobalka Sanaag markii aan joogay oo dad is yidhi ka ganacsada xukuumadda la wareegtay, waad ogaydeen oo kuwii ku xidhxidhnaa wixi lagu eryanayay waxay ahayd saanad ciidan”. Wuxuuna intaas kusii daray “Sharciga hala mariyo, waanan soo hubiyay oo waan tagay dekeda oo wuu jiraa konteenarkaasi, mana aha inay dadku ka hadlaan ee waa in ciidanku toos ula wareegaa”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  22. Madaxa Sirdoonka Nayjeeriya Ahmed Rufai Abubakar ayaa lagu arkay isagoo Muqdisho jooga kulamana la qaadanaya Agaasimaha Sirdoonka Dowlada Federaalka Soomaaliya Fahad Yaasiin. Booqashadaan Ahmed Rufay [...] Source
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha guud ee hay’adda sirdoonka dalka Nigeria ee National Intelligence Agency (NIA) ayaa caawa ku sugan magaalada Muqdisho, isaga oo booqasho laba maalin qaadaneysa maanta kusoo gaaray caasimadda. Axmed Abubakar Rufaaci ayaa kulan la qaatay dhigiisa Soomaaliya Fahad Yaasiin, sida lagu sheegay qoraal kooban oo barta twitter-ka ay soo dhigtay hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya. “Axmed Abubakar Rufaaci iyo Fahad Yaasiin, ayaa kala saxiixday isfaham iyo wada shaqayn buuxda oo dhexmarta labada Hay’adood ee labada dal.” Sida lagu sheegay qoraalka NISA. Nabad-sugidda Soomaaliya ma aysan bixin wax faah-faahin ah oo intaas dheer. Hase yeeshee bilihii dhowaa waxaa soo badanayey madaxda sirdoonka caalamka ee soo gaaraya Muqdisho. 17-kii September, Taliyaha Siradoonka wadanka Angola Gen. José Luís Caetano Higino de Sousa, ayaa booqasho ku yimid magaalada Muqdisho isaga oo la kulmay agaasime Fahad Yaasiin, oo ay ka wadahadleen sidii ay uga faa’ideysan lahaayeen khibradda NISA ay u leedahay la-dagaalanka argagaxisada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com