Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa goordhaweyd ku kulmay Magaalada Nairobi kulankaasoo looga wada hadlay Khilaafka labada Dal. Ilaa hada cidna ma oga waxyaabaha lagawada hadlay. [...] Source
  2. Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Nairobi wada-hadallo kula leh madaxweynaha dalak Kenya Uhuru Kenyatta. Warkan ayaa waxaa shaaca ka qaaday agaasimaha warfaafinta Villa Somalia Cabdinuur Maxamed, oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa twitter-ka. Cabdinuur ayaa sheegay in kadib wada-hadallada ay labada madaxweyne qaban doonaan shir jaraa’id oo ay ku faah-faahin doonaan waxyaabaha ay isku afgarteen Illaa hadda lama yaqaan waxa ay ku saabsan yahiin wada-hadallada u socda labada dhinac, mana cadda in xiisadda badda ay qeyb ka tahay. Naga filo faah-faahin iyo waxa kasoo baxa wada-hadallada dhowaan Insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  3. Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada dowladda Puntland, Cabdirashiid yuusuf Jibriil oo khudbad u jeediyay mudanayaasha Baarlamanka, ka hor inta aan la dooran, ayaa soo bandhigay waxqabadkiisa, haddii uu ku guulaysto hoggaanka Baarlamanka. Guddoomiyaha cusub ayaa ballan-qaaday in uu ilaalin doono ku dhaqanka Shuruucda iyo Dastuurka dowladda Puntland, islamarkaana uu la xisaabtan gelin doono Barnaamijyada Xukuumadda Puntland ay u soo bandhigto Golaha Wakiilada, si hufnaan loogu adeego bulshada. Sidoo kale, wuxuu ballan-qaaday in uu ka shaqeyn doono, dhawrista Xasaanadda mudanayaasha iyo sare u qaadidda aqoontooda, si loo heho xildhibaanno fahamsan Xeerarka iyo Dastuurka Puntland, kuna dhaqma Shuruucda dalka. Mudane Jibriil ayaa dhinaca kale tilmaamay, in uu difaaci doono Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya oo sida uu sheegay ay fara-gelin xooggan ku hayso xukuumadda Federaalka, isagoo xusay in uu Golaha Shacabka Federaalka kula xisaabtami doono saamiga ay Puntland leedahay. Guddoomiyaha oo mar kale guushiisa kadib hadal kooban jeediyay ayaa yiri “ Iftiin baa ii muuqda, waxaan arkaa midnimada Puntland oo lama taabtaan ah, waxaan arkaa dhulka Puntland oo aan cadowgu ku soo dhiirran Karin”. Halkaan ka daawo khudbaddiisa oo dhan PUNTLAND POST The post Muxuu ballan-qaaday Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamanka Puntland? appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Rag ku hubeysnaa bustoolado ayaa maanta askari ka tirsanaa ciidamada dowladda ku dilay meel u dhow hotelkii hore ee Lafweyn oo ku yaalla inta u dhaxeysa isgoyska Fagax iyo xaafada Siisii ee magaalada Muqdisho. Dilka ayaa ka dhacay afaafka hore ee Baar Feeynuus oo xilligaas uu ku sugnaa askariga la dilay, sida ay goobjoogeyaal u xaqiijiyeen Caasimada Online. Dilka kadib ayaa ciidamo booliis ah oo ku sugnaa meel aan ka fogeen halka dilka uu ka dhacay waxay toogteen mid ka mid ah raggii dilka geystay. Ciidamada ayaa goobta waxaa ay ka qaadeen meydadka askarigii ka tirsanaa ciidamada dowladda iyo shaqsigii ka dambeeyey dilkaas, iyaga oo howlgal aan wax najiijo ah kasoo bixin halkaasi ka sameeyey. Shalay ayay aheyd markii sidoo kale ciidamada booliska degmada Wadajir ay qabteen laba ka mid ah rag suuqa degmadaasi ku dilay askari ka tirsanaa ciidamada maamulka degmada Wadajir, kuwaas oo isku dayayay inay baxsadaan. Si deg degta leh ee ay booliska uga jawaabayaan dilalka, ayaga oo durba qabanaya ama dilaya dableyda gaysata ayaa muujineysa sida waxqabadka booliska gobolka Banaadir uu sare ugu sii kacayo. Halkaan ka Daawo Villa Somalia oo lagu helay musuq maasuqii ugu weynaa iyo Qaramada Midoobay oo tallaabo qaadeyso Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  5. Somali Prime Minister, Hassan Ali Kheire has met with deputy President, Federica Mogherini in Brussels of Belgium. They discussed the strong cooperation between the European Union and Somalia at all levels, from peace and security to economic development and support for the strengthening of democracy. The prime minister briefed Mogherini on the progress achieved by the government in security, economic reforms, and promoting democracy. Mr. Kheire has commended the support of the European Union to Somalia saying the EU plays a very important role in Somalia’s recovery. On her side, Mogherini has expressed EU’s strong commitment to supporting the Federal Government’s state-building vision towards a politically inclusive, secure and economically progressive Somalia, where best use is made of its entrepreneurial and youthful population and vast natural resources to the benefit of all Somalis. She said the EU is committed to supporting peace and prosperity in Somalia and, together with the Member States, supported Somalia’s state-building with €3.7billion since 2015. The EU’s engagement in Somalia has intensified over the years, with the EU remaining the largest donor both in terms of political engagement as well as financial and technical support and expertise. Since 2008 the EU has provided more than €1.2 billion to the country through various financial sources. plays a very important role in Somalia’s recovery. View the full article
  6. Muqdisho (SMN) – Maxkamadda Ciidamadda Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah waxay xukunno ku ridday afar dhalinyaro. Shaqsiyaadkan ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, isla markaana ay Muqdisho ka geysteen dilal qorsheysan. Shuceyb Cabdullaahi Maxamed, 23-jir, ina Wiilo Axmed Maxamed, ku dhashay Diinsoor, ayaa garka loo geliyey xukun dil toogasho ah. Saadaq Cabdijibaar Cumar Xuseen, 21-jir, ina Kaamilo Maxamed, kuna dhashay Xamar, ayaa waxaa isana loo go’aamiyey dil toogasho. Maxamed Axmed Cismaan Cumar, 24-jir, ina Aamino Siidow Farey, ku dhashay Xamar, ayaa waxaa lagu xukumay xabsi daa’in Ismaaciil Maxamed Aweys, 24-jir, ina Baarliin Sheekh Aadan, ku dhashay Kismaayo, xarunta KMG Jubaland, ayaa helay xabsi daa’in. Inta badan maxkamadda ayaa waxay xukuno ku ridaa xubnaha lagu soo eedeeyo Shabaabnimadda ee loo tiiriyo dilal iyo qaraxyadda. View the full article
  7. Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyadda Dowladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Puntland uu maanta doortay Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl. Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa u hambalyeeyay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka, wuxuuna illaahay uga baryey inuu u fududeeyo xilka loo igmaday. Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo isna qaabilay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Dowladda Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, ayaa ugu hambalyeeyay xilka loo doortay. Hoos ka daawo muuqaalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Puntland: Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka oo la kulmay gudoomiyaha cusub ee Baarlamanka appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane; Xasan Cali Khayre, iyo madaxweyne ku-xigeenka midawga Yurub, Federica Mogherini ayaa Kula kulmay magaalada Brussels ee xarunta midawga Yurub. Kulanka ayaa looga hadlay xariirka xooggan ee ka dhexeeya midawga Yurub iyo Soomaaliya, nabadda, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo taageerada xoojinta dimuquraadiyadda. Federica Mogherini, oo sidoo kale ah wakiilka midawga Yurub ee arrimaha dibadda iyo siyaasadda amniga, ayaa adkeysay sida ay midowga Yurub ka go’antahay in Soomaaliya ay ku taageeraan hiigsigeeda dhismaha Soomaaliya ku tillaabsata siyaasad loo dhanyahay, amni, dhaqaale ahaanna horumarsan oo ka faa’iideysata Bulshadeeda hal abuurka leh ee Dhallinyarada u badan iyo kheyraadkeeda dabiiciga ah. Kulanka Ra’iisul Wasaaruhu uu la qaatay Federica Mogherini ayaa qeyb ka ah shirar uu Brussels kula qaadanayo hoggaanka midowga Yurub. View the full article
  9. Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa in uu socdaal ku tago magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya. Madaxweyne Biixi ayaa la sheegaya in uu dhamaadka bishan uu socdaal shaqo ku tagi doono dalka Kenya, inkasta oo xogta safarkaasi si rasmiya loo ogeyn, haddana ma cad in uu marti qaad uu ka helay Madaxweynaha Kenya uu ku tagayo. Wararka laga helayo safarka Biixi ayaa sidoo kale waxa ay sheegayaan in safarkiisa uu Kenya ku tagayo dhamaadka bishan ay ka soo shaqeeyen siyaasiyiin miisaan culus ku leh dalka Kenya. Madaxweyne Biixi ayaa la filayaa in uu Nairobi kulan kula yeesho Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, taasi oo ka dhigaysa Biixi madaxweynihii saddexaad ee Somaliland, ee ay qaabilan madaxweynayaasha Kenya. Safarkan la filayo in uu Madaxweyne Biixi ku tago dalka Kenya ayaa waxa uu ku soo aadaya xili ay hore u sheegeen siyaasiyiin Kenyan ah in Biixi uu socdaal ku iman doono Nairobi inta uusan dhamaan sanadkan. Dowladda Kenya ayaa culeys weyn kala kulmeysa qaar kamid ah siyaasiyiinteeda miisaanka culus, kuwaasi oo ku cadaadinaya in Kenya ay sii xoojiso xiriirka ay la leedahay Somaliland. Siyaasiyiintan oo qaarkood wasiiro ah ayaa xoojinta xiriirka Somaliland u arka tallaabo lagu cadaadinayo Dowladda Soomaaliya oo xiisad dhanka muranka badda ah ay kala dhaxeyso Kenya. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  10. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Duhur-14112019.mp3 View the full article
  11. Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland Mudane Cabdirshiid Yusuf Jabril oo loo doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland waxaa lagu tilmaamay inuu ahaa Shaqsiga qura ee booskaan qaban [...] Source
  12. Taliska ciidanka xoogga dalka, qeybta 60-aad ayaa sheegay in maalmaha soo aaddan ay bilaabi doonaan howlgallo lagu furi doono waddooyinka u xiran Xarakada Al-shabaab. Jeneraal Maxamed Sheekh C/laahi, taliyaha cusub qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa tilmaamay in sida ugu dhaqsiyaha badan u furi doonaan waddooyinka xiran, shacabkuna uu si xor ah ku isticmaali doono. Meelaha ay ciidanka xoogga dalka howlgalkaan ka fulin doonaan ayaa ah gobollada Koonfur Galbeed oo waddooyin badan aanay shacabku mari karin. Al-shabaab ayaa go’doon geliyey qaar ka mid ah degmooyinka gobollada dalk, waxaana ay xirteen waddooyinka gala degmooyinkaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, iyo madaxweyne ku-xigeenka midawga Yurub, Federica Mogherini ayaa Kula kulmay magaalada Brussels ee xarunta midawga Yurub. Kulanka ayaa looga hadlay xariirka xooggan ee ka dhexeeya midawga Yurub iyo Soomaaliya, nabadda, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo taageerada xoojinta dimuquraadiyadda. Federica Mogherini, oo sidoo kale ah wakiilka midawga Yurub ee arrimaha dibadda iyo siyaasadda amniga, ayaa adkeysay sida ay midowga Yurub ka go’antahay in Soomaaliya ay ku taageeraan hiigsigeeda dhismaha Soomaaliya ku tillaabsata siyaasad loo dhanyahay, amni, dhaqaale ahaanna horumarsan oo ka faa’iideysata Bulshadeeda hal abuurka leh ee Dhallinyarada u badan iyo kheyraadkeeda dabiiciga ah. Kulanka Ra’iisul Wasaaruhu uu la qaatay Federica Mogherini ayaa qeyb ka ah shirar uu Brussels kula qaadanayo hoggaanka midowga Yurub. Source: goobjoog.com
  14. Magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa maanta waxaa ka dhacday doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Puntland, kadib markii bishan 7-deedii ay xildhibaannada Puntland eryeen guddoomiyahoodii C/xakiin Dhoobo Daareed. Doorashada maanta ayaa ka dhacday xarunta baarlamaanka Puntland, waxaana ku tartamay Saddex musharrax, kuwaasi oo kala ah: 1- Xildhibaan C/rashiid Yuusuf Jibriil 2- Xildhibaan Cali Axmed Saalax 3- Xildhibaan Cabdijamaal Cismaan Maxamed Musharraxiinta kala ah Xildhibaan C/rashiid Yuusuf Jibriil oo 34 cod helay iyo Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed oo isna helay 17 cod ayaa usoo gudbay wareegga Labaad. Ugu dambeyn, xildhibaannada Puntland ayaa guddoomiye u doortay Cabdirishiid Yuusuf Jibriil oo helay 46 Cod halka Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed uu helay 17 Cod. Guddoomiye Jibriil waxaa horyaalla shaqooyin aad u badan, isaga oo maalmaha soo aaddan la filayo in xilka si rasmi ah uu ula wareeggo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Puntland Parliament on Thursday elected Abdirashid Yousuf Jibril as a new speaker. Three candidates, Abdirashid Yousuf Jibril, Abdijamal Osman Mohamed, and Ali Ahmed Dhahar took part in the election. Abdirashid received 46 votes of the MPs in the round three of the voting, while his rival Abdijamal Osman Mohamed saved 17 votes, the election commission announced. In a brief speech after the victory, he promised to be a leader that has a compromise and tolerance, working closely with the various institutions of the government. Last week, Puntland Parliament kicked out the former speaker Abdihakin Dhoobo-daareed, who had been in office less than a year. View the full article
  16. Somali President, Mohamed Abdullahi Farmajo has called upon the Somali business community in neighboring Kenya to play their part in the efforts to provide humanitarian assistance to citizens affected by the flooding in the country. More than 200, 000 people were affected by the flash floods in three main regions namely Hiran, Bakol and Lower Jubba following heavy torrential rains in the past weeks. The head of state was speaking during a meeting with the business people in Nairobi after attending the United Nations coordinated International Conference on Population and Development on Wednesday. President Farmajo, who briefed them on the recent political and security development back home appealed to the diaspora community in the East African state to help his government rebuild the reclaimed embassy in Nairobi. “The diplomatic mission belongs to you; we need you to play a key role in its refurbishment to show the world that we can do it.” The event which took place at the Somali embassy was also attended by other government officials that accompanied the President in his visit including, the State Minister for Foreign Affairs, Abdulkadir Ahmed Khayr, Health Minister, Dr. Fowzia Abikar Nur, and Ambassador Ahmed Nur Tarsan. View the full article
  17. TORONTO (HOL) - Somalia-Canadian MP Ahmed Hussein took oath office Wednesday following his re-lection as MP for York South-Weston constituency in Canada. Source: Hiiraan Online
  18. Garoowe (Caasimadda Online) – Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal waxaa Maanta lagu qabtay doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland,kadib markii 7-dii Bishaan ay Baarlamaanka Maamulkaas xilkii ka qaadeen guddoomiyahoodii Cabdi Xakiin Dhoobo Daareed. Doorashada oo ka dhacay hoolka Xarunta Baarlamaanka Puntland ee Garoowe ayaa waxaa ku tartamay Saddex musharax oo kala ahaa Xildhibaan Abwaan Cabdirishiid Yuusuf Jibriil, Xildhibaan Cali Axmed Saalax (Cali Dhahar) iyo Xildhibaan Cabdijamaal Cismaan Maxamed. Wareega koowaad oo codeynta ayaa waxaa u soo gudbay musharixiinta kala ahaa Xildhibaan Abwaan Cabdirishiid Yuusuf Jibriil oo helay 34 Cod iyo Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed oo helay 17,waxaana Wareego koowaad ku haray Xildhibaan Cali Axmed Saalax (Cali Dhahar). Wareega labaad oo doorashada ayaa waxaa ku tartamay Xildhibaan Abwaan Cabdirishiid Yuusuf Jibriil iyo Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed, waxaana Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Puntland ku guuleystay 4 Sano ee soo socota Xildhibaan Abwaan Cabdirishiid Yuusuf Jibriil kaas oo helay 46 Cod halka Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed uu helay 17 Cod. Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf waxaa uu siyaasadda Puntland ku soo biiray sannadkii 2014, xilligaasi oo uu agaasimaha waaxda Warfaafinta ka noqday madaxtooyada Puntland, isagoo xilkaasi hayay 5-tii sano ee xukuumadii Dr Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas). Sidoo kale, Baarlamanka Puntland ayuu ku soo biiray sannadkan 2019, waxaana laga soo doortay degmada Badhan ee gobolka Sanaag. Guddoomiyaha cusub ayaa lagu tilmaamaa shakshi saamayn weyn ku leh siyaasadda Puntland ee ku wajahan arrimaha gobolka Sanaag. Todobaadkii hore ayay aheyd markii Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ay xilka ka qaadeen Guddoomiyihii Baarlamaanka C/xakiin Dhoobo Daareed, kaddib markii ay mooshin ka keeneen, waxaana muddo todobaad gudihiis ku dhacday xil ka qaadistii Guddoomiyihii hore iyo doorashada Guddoomiyaha cusub. Halkaan ka daawo Shirqool lagu dili rabay Xasan Shiikh iyo Shiikh Shariif oo la shaaciyey Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Garowe (SMN) – Baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah wuxuu doortay gudoomiye cusub markii xilka ka qaadeen afhayeenkii hore. Doorashadaan oo ay codkooda ka dhiibteen 63 mudaneyaal ayaa waxaa ku tartamay Cali Axmed Dhahar, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Cabdijamaal Cismaan Maxamed. Coddeynta oo laba wareeg loo galay ayaa waxaa kusoo baxay Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo noqday afhayeenka cusub ee Golaha wakiiladda. Natiijadda wareega koowaad ee coddeynta Cali Axmed Dhahar 12 cod Cabdijamaal Cismaan Maxamed 17 cod Cabdirashiid Yuusuf Jibriil 34 Natiijadda wareega koowaad ee labaad Cabdijamaal Cismaan Maxamed 17 Cabdirashiid Yuusuf Jibriil 46 View the full article
  20. Mudane Cabdirshiid Yusuf Jabrik ayaa cod aqlabiyad ah ugu guulaystay inuu boqdo Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland kadib markii Xilka laga qaadey Gudoomiyihii Hore Mudane CabdiXakiin Dhooba [...] Source