Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,942
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mudanayaasha Golaha Wakiilada dowladda Puntland ayaa maanta ansixiyay Ajandaha Kalfadhiga 45-aad ee Baarlamanka oo ka kooban 15 qodob. Qodobada AJandah, waxaa kamid ah daba-galka Heshiisyadii xukuumadda haatah jirta iyo kuwii ka horreeyay ay galeen iyo dib u-habaynta xeerarka u baahan in dib u-eegis lagu sameeyo. Sidoo kale, waxaa ku jira ka doodista xaaladda Amniga, Siyaasadda iyo Dhaqaalaha Puntland iyo u yeeridda madaxweynaha & madaxweyne ku xigeenka, si wax looga weydiiyo arrimahaasi. Waxa kale oo Ajandaha ku xusan ka doodista Dastuurka, Arrimaha Federaalka, dhammaystirka maxkamadda Dastuuriga ah iyo dib u-habaynta hay’adda Waddooyinka Puntland ee PHA. La-xisaabtanka xukuumadda iyo xaaladda gobollada maqan ayaa sidoo kale kamid ah qodobada Ajandaha. Hoos ka daawo muuqalka oo dhan PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo ansixiyay Ajandaha Kalfadhigooda appeared first on Puntland Post.
  2. Boorama (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Boorama ee gobolka Awdal, ayaa sheegaya in Jabhad ka tirsan kuwa ka jira gudaha gobolkaasi ay weerar ku soo qaadeen saldhiga dhexe ee Boorama. Weerarkan oo bar-tilmaameedkiisu ahaa saldhigaasi dhexe ayaa waxa soo qaaday ciidamo ka tirsan Jabhada Suldaan Wabar, iyagoona rasaas xoogan ooda kaga qaaday ilaaladii iyoo ciidankii ku sugnaa saldhigaasi, midaasi oo si weyn looga maqlay gudaha magaalada. Ciidamadaasi weerarka ku soo qaaday saldhiga dhexe ee Boorama ayaa waxay rabeen in ay saldhiga kala baxaan ragg u xirnaa murano dhul sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonyahay. Weerarkan oo ahaa mid ay Jabhada Suldaan Wabar soo qorsheysa, ayaa haddana waxa la soo warinayaa inay gacan ka helaysay Jabhad kale oo iyadu muddooyinkii u dambeeyay ka dilaacday deegaanka Dilla ee gobolka Awdal. Ilaa iyo hadda si rasmiya looma oga khasaaraha ka dhashay weerarkaasi iyo in uu fulay qorshihii ay ka damacsanaayen ciidamada Jabhadu weerarkooda, balse waxa la sheegaya in uu jiro dhaawac labada dhinac ah. Si kastaba, Caasimada Online ayaa hore u baahisay xog ah in ciidamada Jabhada Suldaan Wabar ay ku suganyihiin meel u dhow magaalada Boorama, isla markaana ay wadaan dar-dar gelin xoogan oo ka dhan ah dagaalka ay kula jiraan xukuumada Biixi. Wixii faah-faahin ah isha ku hay Caasimada Online Caasimada Online Xafiiska Boorama Caasimada@live.com
  3. Kismaayo (Caasimadda Online) – Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa markale waxaa uu si kulul uga hadlay xariga dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhowr bilood ka hor Magaalada Muqdisho ugu geysatay Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland Cabdi Rashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan). Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa sheegay in Cabdi Rashiid Janan uusan aheyn dambiile, isla markaana Madaxda Dowladda Federaalka looga baahan yahay inay siideyso. Sidoo kale wasiir ku xigeenka ayaa Guddoonka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ka dalbaday inay kaalin ka qaataan sidii loo siideyn lahaa Wasiirka Amniga Jubbaland oo tan iyo markii la xiray hal jeer kasoo muuqday Maxkamada Gobolka Banaadir. Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in hadii la siideyn waayo Wasiirka cawaaqib xumada ka dhalata uu mas’uuliyadeeda qaadi doono Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Si kastaba Dowladda Soomaaliya ayaa 31-dii Bishii Agoosto ee anadkaan 2019 waxaa ay garoonka Diyaaradaha Muqdisho ka soo xirtay Wasiirka Amniga Jubbaland C/Rashiid Janaan, iyada oo lagu Eedeeyey xadgudub dhanka bani’aadannimada Kiiska Janan loo haysto ayaa wuxuu yahay inuu gaystay tacadiyo ka dhan ah shacabka gaar ahaan arrin ka dhacday sanadkii 2015 Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, halkaasoo afar ruux oo maxaabiis ahaa lagu dhex dilay xabsigii ay ku jireen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Ilays ee uu hoggaamiyo, Xildhibaan Cabduqaadir Cali Cosoble ayaa war ka soo saaray banaanbaxyada maalintii 3-aad ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay dhigayaan darawallada ka shaqeeya BL-ka. Ugu horreyn xisbiga ayaa ugu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay ka jawaabto cabashada gaadiidleyda, islamarkaana ay u furto waddooyinka xiran ee Caasimada, si ay uga shaqeystaan. Sidoo kale warka ka soo baxay xisbiga Ilays ayaa looga dalbaday dibadbaxayaasha in aysan ku xadgubin ciidamada ammaanka, sidoo kale aysan burburin hantida shacabka. Banaanaxyadan oo galay maalintii saddexaad ayaa saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaq guud ee Muqdisho, mana jirto weli jawaab rasmi ah oo ay dowladdu ka bixisay cabashada gaadiidleyda, marka laga reebo ballaan qaad uu sameeyey guddoomiye Cumar Filish. Gaadiidleyda ayaa ka cabanaya laba arrin oo kala ah jidadka xiran iyo sidoo kale lacago dheeraad oo lagu soo rogay, sida ay sheegeen. Halkan hoose ka aqriso
  5. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland ayaa ka hadlay suxufiyiin reer Somaliland oo u baxsaday magaalada Muqdisho, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. Mas’uuliyiinta laga soo badbaadiyay doonta rogmatay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan ayaa xaqiijiyay in duqa degmada Beledweyne, Safiyo Xassan Sheikh Cali Jimcaale iyo guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Cabdifitaax Xassan Afrax laga soo badbaadiyay doonni saaka kula rogmatay fatahaadda webiga Shabeelle uu ka sameeyay Beledweyne. Doonta oo ay saarnaayeen dad ku dhow 20 qof, ayaa ku qallibantay fatahaadda webiga shabeelle, xilli ay ku sii jeeday degaanka Ceel-jaalle oo ay ku nool yihiin dad ka barakacay fatahaadda webiga Shabeelle ka sameeyay xaafadaha kala duwan ee magaalada Beledweyne. Marka laga reebo mas’uuliyiinta la soo badbaadiyay, waxaa jira dad kale oo isugu jira mas’uuliyiin iyo shacab, kuwaasi oo saarnaa doonida rogmatay, islamarkaana qaarkood weli la la’yahay, halka qaar kalena la sheegay in ay saran yihiin saqafyada guryaha, kadib markii ay dabaasheen. Mas’uuliyiinta gobolka ayaa laga soo xigtay in uu socdo gurmad lagu soo badbaadinayo dadkii ka dabaashay doonta ee saqafyada guryaha iyo dhirta saran sidoo kalena lagu baadi-goobayo dadka weli la la’yahay. PUNTLAND POST The post Mas’uuliyiin laga soo badbaadiyay doon ku rogmatay fatahaadda webiga Shabeelle appeared first on Puntland Post.
  7. Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay Al-Shabaab ay dil ka geysatay qeybo ka mid ah gobolkaasi. Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay mid ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay Odayaasha degmadaasi oo gaarayey 25 ay ugu yeereen Kunyo-Barow, kadibna ay dileen mid ka mid ah, sida aan xogta ku helnay. Odayaasha ayaa la sheegay in ay ka qeyb qaateen deeq gaar gaar oo dhowaan laga qeybiyey Awdheegle oo horay looga saaray Al-Shabaab. Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka marxuumka, mana jiro weli wax hadal ah oo soo baxay dhinaca Al-Shabaab. View the full article
  8. Beledweyne (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegayo in la la’yahay mas’uuliyiin saarnaa Doon isaga kala gooshaysay xaafadaha ay saameeyeen fatahaadaha wabiga Shabelle oo ku qalibmatay Biyaha dhexdeeda. Mas’uuliyiinta ay doonta la rogmatay ayaa waxay wadeen qiimeyn ay ku sameenayaan baxaadda uu garsiin yahay fatahaadaha Wabiga Shabeelle ee Magaalada Beledweyne. Doonta qalibmatay ayaa waxaa saarnaa in ka badan 20 ruux oo ay kamid ahaayeen Duqa Magaalada Beledweyne Safiyo Xasan Sheekh Cali, Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan, ilaaladooda iyo dad kale. Waxaa illaa hadda la xaqiijiyey inay soo badbaadeen Duqa magaalada Beledweyne Safiyo iyo Guddoomiyihii hore Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax. Dad kale ayaa isugu jiray kuwa la la’yahay iyo kuwa kale oo saaran Guryaha iyo Geedaha korkooda kuwaas oo dabaal halkaas ku tagay. La Taliyaha Arrimaha Haweenka Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ilaaladiisa ayaa kamid ah dadka ilaa hadda la la’yahay. Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in haatan uu socdo dadaalo kala duwna iyo gurmad lagu soo badbaadinayo doonta ay la degtay mas’uuliyiin katirsan maamulka Hir-Shabeelle ee ka baxday Baladwyene kuna sii jeeday deegaanka Ceel-Jaale. Warar qaar ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in ay jirto dhimasho ka dhalatay doonta degtay oo ay saaran yihiin in ka badan 20 ruux oo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka hir-Shabeelle u badan. Fatahaaddauu sameeyay Wabiga Shabeelle ayaa saameyn xooggan ku yeeshay xaafadaha magaalada, waxaana jira dad wali ku dhax go’doonsan biyaha dhaxdooda oo doonaya in gurmad loo fidiyo. Caasimada Online Xafiiska Beled-Weyne Caasimada@live.com
  9. (SLT-Hargeysa)-Siyaasiyiin, mujaahidiin iyo madax-dhaqameed ayaa si weyn u dhaliilay Madaxweyne Muuse Biixi, waxaanay baaq culus u direen bulshada reer Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa sheegay inuu wax ka qaban doono cabashada ka soo yeereysa gaadiidleyda dadweynaha ee ka howlgala Caasimadda. Filish ayaa sheegay in maamulkiisa uu sida ugu dhaqsiyaha badan uu wax uga qaban doono cabashadaasi. Gaadiileyda Muqdisho ayaa maalintii saddexaad shaqo joojin sameeyey, waxaana ay dhigeen dibadbaxyo ay uga cabanayaan jidadka xiran iyo lacago lagu soo rogay. Halkan hoose ka dhageys Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/cod.mp3 View the full article
  11. Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in dowladda dhexe looga baahan yahay siideynta wasiirka amniga ee maamulkaasi, C/rashiid Xasan (Janan) C/raxmaan Maxamed Xuseen oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Jubbaland, ayaa isaga oo la hadlayey warbaahinta wuxuu ugu horreyn sheegay in madaxda Jubbaland ka codsanayaan DFS iney sii deyso wasiir Janan. Wuxuu tilmaamay in wax laga xumaado ay tahay in la afduubto wasiirkooda, wuxuuna ku baaqay in si shuruud la’aan ah lagu soo daayo Janan. Dhanka kale, wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in haddii aysan DFS soo deyn Janan wixii cawaaqib xumo ah ee ka dhashay ay mas’uuliyaddeeda qaadi doono madaxweyne Farmaajo. “Wasiirka amniga Jubbaland Dambiile ma ahan, waxaan idin ka codsaneynaa inaad soo deysaan, haddii aad soo deyn weydaan wixii cawaaqib xumo ah ee ka dhashay waxaa mas’uuliyaddeeda yeelanaya ama qaadaya madaxweynaha dowladda federaalka” ayuu yiri wasiir C/raxmaan. Wasiir Janan ayaa weli u xiran dowladda federaalka Soomaaliya, iyada oo lagu eedeeyey inuu dhibaato u geystay shacab ku sugnaa gobolka Gedo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo saaka aroortii hore ka dhacay waddada Makka Al-Mukarrama ee M/Muqdisho. Qaraxa oo miino ahaa ayaa la sheegay in lagu qariyey meel qashinka la’isugu keeno oo ku taalla isgoyska Taleex ee magaalada Muqdisho. Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay qaraxaasi, halka uu ku dhaawacmay mid kale, kuwaas oo ka tirsanaa shaqaalaha mid ka mid ah shirkadaha nadaafada ee G/Banaadir. Wararka ayaa sheegaya in goobta ay wax ka dhaceen ay tageen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo muddo kooban xiran dhaq dhaqaaqa halkaasi. Ma jirto illaa iyo cid sheegatay masuuliyadda qaraxan oo ku soo aadaya, xilli muddooyinkii la soo dhaafay la xoojiyey amniga Caasimada. View the full article
  13. Warbaahinta Ruushka ayaa warbixin ka qortay Kulankan dhex maray labada dhinac, waxaana kulankan uu ahaa kii u horeeyay laba geesood ah oo dhexmara Waaxaha difaaca Soomaaliya iyo Ruushka, kadib burburki Midowgi Soviet. Inkastoo kulankan aanay wax war ah ka soo saarin dhanka dowladda Soomaaliya, hadana wuxuu ahaa kulan dowladda ahmiyad gaar ah ahaa, marka loo eego arrimaha Iskaashiga Difaaca iyo Ciidamada, maadaama Wafdiga uu hoggaaminayay Madaxweyne Farmaajo ee ka qeyb galay shirkii Sochi uu qeyb ka ahaa Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya. Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Cali Maxamed ayaa waxaa kulanka ku wehliyay La Taliyaha Siyaasadda arrimaha dibadda Balal Cusmaan iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Ruushka. Wasiir Amar Dambe ayaa Wasiir kuxigeenka Difaaca Ruushka la wadaagay xaalada siyaasadeed ee militari ee soo ifbaxaysa Soomaaliya iyo dowladaha dariska la ah ee Geeska Afrika. Dhanka kale, Alexander Fomin ayaa ku wargaliyay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya arimaha ku saabsan suurtagalnimada dib u soo celinta iskaashiga difaaca Ruushka iyo Soomaaliya, iyadoo la tixgalinayo xayiraadaha saaran Soomaaliya Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa dhankiisa xaqiijiyay inuu danaynayo horumarinta iskaashiga dhanka difaaca ee labada dal. Midowgii Soviet ayaa saameyn weyn kulahaa dhismihii Ciidamadii Qaranka Soomaaliya, inkastoo xiriirkii Soomaaliya iyo Midowgii Soviet uu xumaaday dagaalkii 1977 ee Itoobiya iyo Soomaaliya, kaddib ay la safteen Itoobiya. View the full article
  14. (SLT-Boorama)-Dabley hubeysan oo aan ilaa hadda la garan heybtooda ayaa waxaa ay saaka abaaro 5 subaxnimo ay weerar gaadmo ah ku qaadeen saldhiga dhexe ee magaalada Boorama. Dableyada ayaa waxaa ay iska caabin xoogan kala kulantay ciidanka Booliska Jamhuuriyada Somaliland ee saldhigaasi ku sugnaa taas oo sababtey inay meesha ka cararaan dableyadu. Wax khasaare ahi oo goobta ka dhacay ilaa hada lama sheegin balse shacabka magaalada Borama oo la yaaban raraastii meesha ka dhacday ayaa saaka isku soo xoontey afaafka saldhiga dhexe ee magaalada Borama Ciidamada amaanka ayaa ku dabo jira dableyadii weeraran soo qaadey saaka Source
  15. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Subax-28102019-1.mp3 View the full article
  16. Wararka ka imaanaya gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in Wabiga Shabelle uu ku fatahay deegaanno hor leh oo gobolkaasi ah. Degmada Mahadaay iyo deegaanno kale ayaa lasoo sheegayaa in Biyo badan ay ku rogmadeen, waxaana socda dibadbax ay wadaan shacabka ku nool halkaasi. Dadka ku dhaqan degmada Mahadaay ayaa ka warhelay biyo badan oo kusoo rogmaday xaafadahooda, waxaana taasi ay keentay in ay bilaabaan barakac. Wabiga ayaa ku fatahay deegaanno badan oo Hirshabelle ah, iyadoo dadka ay soo wajahday xaalad adag oo dhanka nolosha ah. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maalintii 3-aad shaqo joojin ku jira Gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaanno Hoomeyada kadib markii maamulka Gobolka Banaadir iyo wasaaradda Gaadiidka ay ku soo rogeen canshuuro dheeraad ah iyadoo ay xiran yihiin inta badan jidadka Muqdisho. Darawad banaanbaxayo ayaa Saaka isugu imaaday Taalada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere halkaas oo ay kusoo bandhigayaan cabashadooda ku aadan Canshuurta lagu soo rogay. Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa darawalada gaadiidka dadweynaha iyo kuwa bajaajta ee ka shaqeeya Muqdisho waxay dibad bax ka sameeyeen Isgoysyada Zoobe , KM4, iyo Buula Xuubey halkaasoo ay muddo saacado ah xanibeen. Wadayaasha Gaadiidka ayaa waxaa ay sheegayaan in dowladda ay ku soo rogtay Cabshuur dhan 43,000 oo shilin Soomaali ah oo maalinle ah taasina aysan awoodin maadaama ay xiran yihiin jidadka Muqdisho. Qaar ka mid ah darawalada oo saaka khadka taleefanka kula hadleen warbaahinta ayaa sheegay in bannaan baxooda uu ku saleysan yahay xirnaanshaha waddooyinka Muqdisho iyo canshuuro lagu kordhiyay. Sidoo kale waxaa ay sheegeen in gaadiidka BL-ka ee ka shaqeeya magaalada dhowr goobood lagu celiyo oo ay rakaabka ku daadiyaan, halka markii hore ay magaalada meel walba isaga kala gooshi jireen. 30kii March 2019 ayaa la joojiyey qaadista lacagahaan kadib markii la xiray jidadka Muqdisho, wuxuuna guddoomiyihii xilligaas Allaha u naxariistee Eng. Yariisow sheegay inay jidadka xirnaan doonaan muddo 3 bil ah intaasna aan wax lacag ah laga qaadi doonin. Jidadka ayaa xiran wax ka badan 3 bil, waxaana muuqato in lasii xiray meel badan oo ka tirsan Magaalada, waxaana dib loo soo celiyey canshuurtii la qaadi jiray taaso ah midda ay ka cabanayaan darawalada Gadiidleyda Dadweynaha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. (SLT-Hargeysa)-Jaamacad Ku Taalla Somaliland Oo Siyaasiyiinta Ka hor joogsatay Ka qayb galka Xaflad Qalin Jabinta, Halkan hoose ka DAAWO Source
  19. (SLT-Wariye Maxamed Cawaale Daahir oo telefishanka HCTV uga soo warama magaalada Saylac ee gobolka Selel ayaa xabsiga loo taxaabay, iyadoo aan loo keenin wax waaran ah, isla markaana aan loo sheegin wax sabab ah oo ku saabsan xadhigiisa. Wararka la xidhiidha xadhiga wariyaha ayaa sheegaya inay dalbadeen xadhigiisa Wasiiro ku sugan gobolka Selel gaar ahaana xarunta Saylac, iyagoo aan sheegin sababta xoriyada looga qaaday Wariyaha balse waxa ay ciidamada ka dalbadeen in wariyahaasi la xidho . Gudoomiyaha gobolka Selel, Mawliid Maxamed oo HCTV la xidhiidhay ayaan cadaynin sababta Wasiiradu ay u dalbadeen xadhiga Wariye Maxamed Cawaale Daahir. Maamulka Telefishanka HCTV gaar ahaana Agaasime Maxamed Cabdi Ilig ayaa ugu baaqay masuuliyiinta dawladda inay xoriyadiisa usoo caliyaan Wariye Maxamed Cawaale Daahir oo ay xabsiga ka sii daayaan, waxaanu Agaasimaha HCTV uu cambaareeyey xadhiga Wariyaha ee sabab la’aanta xabsiga loogu hayo maalintii labaad iyadoo aanay jirin wax dambi ah oo uu galay iyo sabab loo xidhay toona. Agaasime Maxamed Cabdi Ilig waxa uu ku tilmaamay xadhiga Wariyahaasi inay baalmarsan tahay xeerka Saxaafada Somaliland (Xeer Lr. 27/2004) iyo xuquuqda aadanaha iyo in wariye aan dambi galin uu sarkaal dawladeed uu dalbado in xabsiga loogu hayo sabab la’aan iyadoo aanay Maxkamaddi xukumin. Talaabadan lagula kacay Wariye Maxamed Cawaale Daahir ayaa ka mid ah gafka lagu hayo wariyeyaasha ka hawlgala Somaliland ee aan waxba galabsan. Dhawaan ayay ahayd markii saddex wariye ay cabsi awgeed uga carareen Somaliland, kuwaas oo ka dagay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Somalia, iyagoo cabasho ka muujiyey masuul dawladda ka tirsani inuu bartilmaameedsaday. Source
  20. Waxgarad iyo odayaal dhaqameed warbaahinta kula hadlay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa sheegay in ay mudanayaasha Baarlamanka Puntland uga mahadcelinayaan la xisaabtanka madaxweynaha iyo xukuumaddiisa. Odayaasha iyo waxgaradka ayaa bogaadiyay isla’xisaabtan ay sheegeen in xildhibaannada Baarlaamnku ay ku bilaabeen madaxweynaha Puntland, gaar ahaanna su’aashii furitaanka Baarlamanka lagu weydiiyay madaxweyne Deni iyo sidoo kale xildhibaanadii dhaliilay hoggaamintiisa. Waxa kale oo ay madaxweynaha Puntland u soo jeediyeen in uu dulqaad u yeeshay la xisaabtanka mudanayaasha Baarlamanka, maadaama ay iyagu wakiil ka yihiin shacab weynaha Puntland oo codkooda ku fadhiyaan, islamarkaana dareenka bulshada matalaan. Sidoo kale, odayaasha ayaa dhaliilay siyaasadda madaxweyne Deni ee ku wajahan arrimaha gobolka Bari, gaar ahaanna magaalada Boosaaso, iyagoo ku eedeeyay madaxweynaha in uu iska indha-tirayo cabashada waxgaradka iyo odayaasha gobolka Bari. Hoos ka daawo muuqaalka odayaasha PUNTLAND POST The post Qaar kamid ah odayaasha gobolka Bari oo u mahadceliyay Baarlamanka Puntland appeared first on Puntland Post.
  21. Baydhabo (Caasimadda Online) – Xisbiga uu hoggaamiyaha ka yahay Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ee Amni iyo Cadaalad ayaa qoraal kasoo saaray warbixintii Qaramada Midoobay ee ku saabsaneyd Doorashadii ka dhacday Magaalada Baydhabo. Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in la musuq maasuqay doorashadii ka dhacday Baydhabo islamarkaasna laaluush la siiyey Xildhibaanada Maamulka Koonfur Galbeed. Sidoo kale waxaa warbixinta lagu sheegay in la laayey dad Shacab ah oo ka banaan baxayey Xarigii loo geystay Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ilaa hadda u xiran Dowladda Soomaaliya. Xisbiga Amni iyo Cadaalad ayaa si weyn usoo dhaweeyey warbixinta Kooxda Kormeerka Caalamiga ah (International Monitoring Group) ay kasoo saartey Dhibkii ka dhacey Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Dhamaadkii sanadkii lasoo dhaafey 13 bishii December 2018 oo shacabka Soomaaliyeed ee Reer koonfur galbeed u eheed maalin murugo. Xisbiga ayaa sheegay in si sharci daro ah loo afduubey murashaxii aqlabiyada badnaa ee koonfur Galbeed Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali isagoo xiligaasna ku guda Jirey Howlihiisa Ololaha Doorshada. Sidoo kale xisbiga ayaa sheegay in la xasuuqey shacab aan waxba galabsan oo aragtidooda dastuuriga ah dhiibanayey dibad baxa nabadeedna ka dhigeyey magaalada Baydhabo iyadoo si sharci daro loo laayey shacab aan waxba galabsan loona isticmaaley awood dowladeed heer federal iyo heer maamulba. Halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka kasoo baxay Xisbiga Amni iyo Cadaalad Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. (SLT-Riyadh)-Xoghayaha Tamarta ee Mareykanka Rick Perry ayaa Sabtidii sheegay inay wada-hadallo la leeyihiin Saudi Arabia, kuwaas oo ku saabsan in dalkaas uu yeesho barnaamijka Nukliyeer ah. FILE PHOTO: Saudi Arabia’s Crown Prince Mohammed bin Salman attends a meeting with U.S. Secretary of State Mike Pompeo in Jeddah, Saudi Arabia, September 18, 2019. Mandel Ngan/Pool via REUTERS Dowladda Sacuudiga oo kamid ah dowladaha ugu sarreeyo adduunka ee dhoofiyo Saliida ayaa sheegtay inay dooneyso isticmaalka awoodda Nikliyeerka si ay u ballaadhiso noocyada kala duwan ee tamarta dalkaas laga adeegsado. Waxay dooneysaa inay hore usii waddo barnaamij Nukliyeer oo buuxa oo ay ku jirto soo saarista iyo kobcinta Uraaniyaamka ee shidaalka. Si shirkadaha Mareykanka ay ugu tartamaan mashruuca Saudi Arabia, Riyadh waxay caadiyan u baahnaan doontaa inay Washington la saxeexato heshiis ku saabsan adeegsiga nabdoon ee teknolojiyadda Nukliyeerka. Wadahadalada labada Dowladood ee arrintaan ayaa aheyd mid aad u adag maadaama Sacuudiga ayna dooneyn inay saxeexdo heshiis meesha ka saaraya suurtagalnimada kobcinta yuuraaniyamka amma in dib loo isticmaalo Shidaalka la isticmaalay maadaama labadaas wado ay yihiin kuwa loo maro sameynta Bam Nukliyeer ah. “Boqortooyada iyo hoggaanka boqortooyada Sacuudiga waxay heli doonaan waddo ay Mareykanka kula saxeexdaan 1,2,3 heshiis” ayuu yidhi Perry. Isaga oo ka hadlaya kulan ka dhacay Abu Dhabi, Perry wuxuu raaciyay in Mareykanku uu sameynayo wax walba oo ay ku heli karaan saliid diyaarsan oo caalami ah. “Waxaan nahay soo saarka koowaad ee saliida iyo gaaska adduunka, annagu uma jeedno inaan u isticmaalno hub ahaan. Waxaan rabnaa inaan ka dhigno mid meel kasta laga heli karo laguna tartami, ”Perry ayaa sidaas yidhi. Source
  23. Dibadbax ay dhigayaan darawallada kaxeeya gaadiidka dadweynaha ayaa haatan waxa uu ka socdaa qeybo ka mid ah wadada Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho. Waxa ay xirteen dibadbaxyaasha Igosyska Zoobe illaa iyo Laami yaraha Zoobe, waxaana ay diidayaan in halkaasi isticmaalaan gaadiidka. Darawalladan qaarkood oo la hadlay Goobjoog News, waxa ay sheegeen in ay ka cabanayaan waddooyinka xiran ee magaalada Muqdisho. Waxay tilmaameen in caqabado badan ay kala kulmeen xirnaanshiyaha waddooyinka, ayna dibadbaxyada sii wadi doonaan inta waddooyinka laga furayo. Dibadbaxyadan ayaa daba socda dibaxyo ay maalmahan dhigayeen darawallada kaxeeya gaadiidka dadweynaha, iyaga oo cabasho ka ah waddooyinka xiran. Ma jirto weli jawaab rasmi ah oo ah ka heleen dibadbaxyaada dowladda federaalka, maadaama waddooyinkan ay iyadu xiratay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. (SLT-Moscow)-Intii lagu guda jiray Shirkii Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika ee dhowaan ka dhacay magaalada Sochi ayaa waxaa kulan gaar uu dhex maray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar dambe) iyo Wasiir kuxigeenka Difaaca Ruushka Col. Alexander Fomin. Warbaahinta Ruushka ayaa warbixin ka qortay Kulankan dhex maray labada dhinac, waxaana kulankan uu ahaa kii u horreeyay laba geesood ah oo dhexmara Waaxaha difaaca Soomaaliya iyo Ruushka, kadib burburka Midowgii Soviet. Inkastoo kulankan aanay wax war ah ka soo saarin dhanka dowladda Soomaaliya, hadana wuxuu ahaa kulan dowladda ahmiyad gaar ah ahaa, marka loo eego arrimaha Iskaashiga Difaaca iyo Ciidamada, maadaama Waftiga uu hoggaaminayay Madaxweyne Farmaajo ee ka qeyb galay shirkii Sochi uu qeyb ka ahaa Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya. Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Cali Maxamed ayaa waxaa kulanka ku wehliyay La Taliyaha Siyaasada arrimaha dibadda Balal Cusmaan iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Ruushka. Wasiir Amar Dambe ayaa Wasiir kuxigeenka Difaaca Ruushka la wadaagay xaalada siyaasadeed ee millatari ee soo ifbaxaysa Soomaaliya iyo dowladaha dariska la ah ee Geeska Afrika. Dhanka kale, Alexander Fomin ayaa ku wargaliyay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya arrimaha ku saabsan suurtagalnimada dib u soo celinta iskaashiga difaaca Ruushka iyo Soomaaliya, iyadoo la tixgalinayo xayiraadaha saaran Soomaaliya Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa dhankiisa xaqiijiyay inuu danaynayo horumarinta iskaashiga dhanka difaaca ee labada dal. Midowgii Soviet ayaa saameyn weyn kulahaa dhismihii Ciidamadii Soomaaliya, inkastoo xidhiidhkii Soomaaliya iyo Midowgii Soviet uu xumaaday dagaalkii 1977 ee Itoobiya iyo Soomaaliya, kaddib ay la safteen Itoobiya. Source
  25. (SLT-Nairobi)-Kaluumeysatada ismaamulka Migori ayaa ka codsaday dowladda Kenya inay difaacdo amnigooda iyadoo sannadkii ugu dambeeyay uu sii kordhayo xadhiga iyo ganaaxa ay kala kulmayaan booliska Uganda oo daris wadaag ay yihiin. Arintaan ayaa timid kadib markii Saddex kaluumeysato oo Kenyan ah lagu xidhay Jasiirada Yama ee dalka Uganda kadib markii laga qabtay maalintii Jimcaha iyaga oo ku guda jira howlahooda. Balse dadaalo dheer kadib ayaa lagu sii daayay Saddexdan qof lacag cadadeedu dhan tahay 35,000 oo Kenya ah una dhiganta $300 oo doolarka Mareykanka. Sii deynta kaluumeysatadan ayaa waxaa xaqiijiyay Gudoomiyaha Maamulka xeebaha ee Kibra Joel Maulidi. Source