-
Content Count
213,481 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa war ka soo saaray doon xalay ku dagtay xeebaha magaalada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose, taas oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan guutada 14-ka October ee xoogga dalka. Ciidamadaas ayaa badankood badda laga soo badbaadiyay, balse afar ka mid ah ayaa weli la’yahay. Al-Shabaab ayaa sheegay in iyagu ay ku qaadeen weerar badgal ah, kadib markii ay ka war heleen in doontaas ay ka soo baxday magaalada Muqdisho kuna jeedo magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose. “Xarakada ayaa weerar badda gunteeda ah ku qaaday maleeshiyaad ka tirsan DF xilli ay doon ku safrayeen, waxaa noo suurta gashay in baasuukayaal aan lahelno doonta, taas oo sababtay in ay rogmato” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay maleeshiyada Al-Shabaab. Wararka ayaa intaas ku daraya in doontan degtay lagu weeraray inta u dhaxaysa deegaanka Jaziira iyo magaalada Marka. Doonta oo dagtay saqdii dhexe ee xalay ayaa waxaa la sheegay in laga badbaadiyay ilaa 13 askari oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan guutada 14-ka October iyo taliya militeriga Soomaaliya ee aaga degmada Marka. Ilaa afar askari oo ka tirsanaa ciidamada ay la degtay doonta, 20 qori oo AK 47 ah, labo BKM (Dabajeex) iyo doontii ayaa lagu waayay badda, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Sh/Hoose iyo saraakiisha ciidanka oo ku aadan in meel lagu sheego labadaas askari nolol iyo geeri toona. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Midowga Yurub ayaa mar kale dib u dhigay magdhow la siin lahaa Ciidamada Kenya ee qeyb ka ah howlgalka AMISOM ee ka socdo Soomaaliya. Midowga Yurub iyo deeq bixiyaasha kale ayaa dib u dhigay magdhowga Ciidamada Kenya muddo seddex bilood ah kuwaas oo dagaal kula jiro Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanto Soomaaliya. Lacagtaan ay dib u dhigeen Midowga Yurub iyo deeq bixiyaasha kale ayaa la sheegay inay Dowladda Kenya codsaneysay illaa Bishii July sida laga soo xigtay Hantidhowrka guud ee dalka Kenya. Lacagtaan oo Magdhow ahaan loo siinayo Dowladda Kenya ayaa ah waxyeelada ciidamadeeda kasoo gaaray dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab. Lacagtaan ayaa gaareyso ilaa 48 kun oo Dollarka Mareykanka ah, waana khasaarihii Ciidamada Kenya kasoo gaaray dagaalka ay Al-Shabaab kula jiraan mudadii Shanta sano aheyd oo ay ku sugnaayeen Soomaaliya. Midowga Yurub ayaa horey uga shakiyey tirada ay Dowladda Kenya sheegtay inay kaga dhinteen howlgalka AMISOM, waana sababta ugu weyn ee keentay inay dib u dhacaan lacagahaan magdhowga ah. Ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya ayaa lagu sheegay ilaa 4 kun oo Askari oo inta badan ku sugan deegaanada uu ka taliyo Maamulka Jubbalanad ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe. 28-ka waddan ee Midowga Yurub, oo ah kuwa ugu badan ee lacagaha ku deeqo AMISOM iyada oo loo marayo Xarunta Nabadda ee Afrika, ayaa bishii Abriil ballan qaaday inay sii wadi doonto taageeridda barnaamijyada howlgalka iyo howlaha sanadka maaliyadeed ee 2019/20. Miisaaniyadda howlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa lagu wadaa inay hoos u dhacdo sannadaha soo socda iyadoo si tartiib tartiib ah Ciidamada AMISOM looga saarayo dalkaan dhaco Geeska Africa. Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa Bishii mushaar ahaan loo siiyaa illaa $1,028, waxayna Dowlahooda ka jartaan 200 oo Dollar taasoo ka dhigan in Askari kasta uu helo 800 oo Dollar oo nadiif ah. Ciidamada Soomaaliya ayaa la filayaa in lagu wareejiyo guud ahaan Amniga Soomaaliya maadaama uu qorshaha yahay in Ciidamada AMISOM laga saaro Soomaaliya sanadka 2021. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 84 oo ku taariikheysan 21-ka Octoobar 2019, ku magacaabay Wasiiru-Dowleyaal iyo Wasiir Ku-xigeeno. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad farqadiisa 5aad. Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland. Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo aqoon, karti iyo waaya aragnimo uleh xilalka loo igmaday. Markuu garawsaday: Shaqada baaxadda weyn ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda. Wuxuu xeeriyey: Magacaabidda Wasiiru-Dowleyaal iyo Wasiir Ku-xigeeno ka tirsan Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland, waxayna kala yihiin: B. Wasiiru-Dowleyaal: 1. Waxaa Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda. 2. Waxaa Maxamed Xasan Ciise loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Goleyaasha. 3. Waxaa Axmed Shire Siciid loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha. 4. Waxaa Fardowso Cismaan Cigaal loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha. T. Wasiir Ku-xigeeno : 1. Waxaa Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta 2. Waxaa Bashiir Jaamac Maxamed loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare 3. Waxaa Cabdicasiis Maxamuud Macallin loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada. 4. Waxaa Sucaad Saalax Nuur loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada. Xeerkani wuxuu dhaqangelaya markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. DHAMAAD View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Habeen-21-10-2019-SX.mp3 View the full article
-
(SLT-Canada)-Doorashooyinka guud ayaa ka dhacaya dalka Canada maanta, iyadoo ra’yiga laga qaaday dadweynaha ay muujinayaan in ra’iisul wasaare Justin Trudeau uu wajahayo loolan adag. Codadka ra’yiga ee doorashada ka hor ayaa muujiyey in Ra’iisul Wasaaraha talada haya Justin Trudeau oo hoggaamiya Xisbiga Afkaartiisu Furan tahay ee Liberal-ka iyo hoggaamiyaha xibsiga muxaafidka Andrew Scheer ay aad isugu dhow yihiin. Caafimaadka iyo is-beddelka cimilada, shaqooyinka iyo arrimaha qaxootiga ayaa ka mid ah qodobada ay aadka u danaynayaan shacabka ee codadkooda ay ku salleynayaan. Source
-
The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) is alarmed by the decision of Puntland Regional State of Somalia to bring criminal charges against journalist Ahmed Sheikh Mohamed (Tallman). Following his arrest on 17 October by Puntland Police, Ahmed Sheikh Mohamed, former managing director of Radio Daljir, appeared in Nugal Regional court to face criminal charges under Somalia’s Penal Code in retaliation of a news report by Radio Daljir regarding a prisoner who died after Puntland police tortured the prisoner, according to journalists and family members. Ahmed is accused of defaming the police, endangering security and undermining the authorities of law enforcement. The lawyers representing Ahmed Sheikh had requested the time to review the charges as they were only given the charge sheet in the courtroom. In a brief court session, the presiding judge postponed the preliminary hearing to Thursday, 24 October 2019. But the judge refused an application to release the journalist on bail. On 28 September 2019, Puntland’s Supreme Military Court had dropped a case against Ahmed Sheikh Mohamed and apologised about its “misguided and intimidating” notice of summoning to him. On 2 October, Ahmed was again summoned at Crimes Investigations Department of Puntland Police in Garowe where he was again interrogated. “Media freedom is serious under attack in Puntland and journalist Ahmed Sheikh Mohamed found himself in the dock on trumped-up charges accused of defamation or endangering national security or undermining the government and the authorities. Puntland authorities must provide a fair and transparent legal process. We call on the local court to drop the charges against Ahmed Sheikh Mohamed immediately and allow him to work without fear of reprisal,” said Omar Faruk Osman, NUSOJ Secretary-General. Former managing director of Radio Daljir, Ahmed Sheikh Mohamed (Tall Man) NUSOJ says Somalia’s regional administrations have recently emerged as the chief culprits of media freedom oppression. Puntland and Southwest State routinely summon, arrest, and intimidate journalists in an effort to simply silence their reporting as their journalistic work is regarded by the local authorities as “offensive” or “criminal” to the regional administration. “It’s time for an end to this heightened oppression. We cannot hope to make freedom of expression a truly protected human right in Somalia without an end to judicial intimidation of journalism and attacks on media freedom,” stressed Osman. The union is further alarmed by the increased use of Somalia’s old, outdated and draconian criminal law to punish independent journalists. NUSOJ once again calls for the urgent review of criminal law to de-criminalise freedom of expression. ENDS View the full article
-
(SLT-Mombasa)- Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Kenya ay u isticmaali doonto dekeda Lamu inay ka dhoofiso shidaalka gobolka Turkana, inkastoo uu hore u sheegay in dawaddiisu ay samayn doonto qorshayaal lagu dhisayo kaabayaasha shidaalku u baahan yahay iyo Warshad sifaysa shidaalka. Hase yeeshee Madaxweynaha dalka Kenya ayaa wakhti xaadirkan sheegay in shidaalka Kenya la dhoofin doono isaga oo qaydhin, taas oo macnaheedu tahay inaan wakhtigan waxba uga qorshaysnayn dalkiisu inuu dhiso meelo lagu sifeeyo shidaalka. “Lamu waxay noqno doontaa meesha ugu baaadhan ee dekeda ugu cusub xeebaha Bariga Afrika, waxaana bilaabmay hawlaha iyo dedaalada dhoofinta shidaalka iyo marinka maraakiibta shidaalka qaadaysa,” ayuu yidhi Madaxweynaha dalka Kenya Mr Kenyatta oo ka khudbadaynayey maalinta qaran ee loo yaqaano Mashujaa oo lagu dabaal dagayey Mombasa. “Waa inaynu taageerna suuqa weyn ee ganacsiga oo aynu filayno inuu soo jiito maalgashadaa iskaga kaa yimaada aduunka oo dhan oo dhaqaale farabadan iyo shaqo abuur tiro badan ay dadkeenu ka heli doonaan.” Ayuu yidhi Madaxweynaha daka Kenya, waxaanu intaasi ku daray in dakada Lamu ay wadato yididiilooyin ah inay isku xidho Koonfurta Sudan, Ethiopia iyo iyadoo la dhisi doono jidad waaweyn oo dalalkaasi Kenya ku xidha. Source
-
Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta waxaa uu ku magacaabay Xeer Madaxweyne oo sumadiisu tahay Lr. 84 oo kuna taariikheysan 21-ka Octoobar 2019, wasiiru-dowleyaal iyo wasiir ku-xigeeno cusub kuwaas oo ku soo biiraya Xukuumaddiisa. Xeerkaan uu soo saaray Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni laguna magacaabay wasiiru-dowlayaasha iyo wasiir ku -xigeenada ayaa lagu yri. Madaxweynaha markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80aad farqadiisa 5aad. markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland. Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Puntland oo aqoon, karti iyo waaya aragnimo uleh xilalka loo igmaday. Markuu garawsaday: Shaqada baaxadda weyn ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda. Wuxuu xeeriyey: Magacaabidda Wasiiru-Dowleyaal iyo Wasiir Ku-xigeeno ka tirsan Golaha Xukuumadda DPuntland, waxayna kala yihiin: Wasiiru-Dowleyaal: Waxaa Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda. Waxaa Maxamed Xasan Ciise loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Goleyaasha. Waxaa Axmed Shire Siciid loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha. Waxaa Fardowso Cismaan Cigaal loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha. Wasiir Ku-xigeeno : Waxaa Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Waxaa Bashiir Jaamac Maxamed loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Waxaa Cabdicasiis Maxamuud Macallin loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada. Waxaa Sucaad Saalax Nuur loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada. Xeerkani wuxuu dhaqangelaya markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Mahadaay (Caasimadda Online) – Qaar ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa Maanta howlgal qorsheysan ku dilay Guddoomiye gobol oo ka tirsanaa Al-Shabaab iyo ilaaladiisa. Howlgalkaan ayaa wuxuu ka dhacay deegaanka Cali Fooldheere oo hoos taga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada Dhexe. Howlgalka ayaa waxaa la sheegay in ay ciidamadu ku dileen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab iyo amiirkii Shabaab u qaabilsanaa deegaanka Cali Fooldheere ee gobolka Shabeellada Dhexe. Kabtan Cali Yuusuf Macallin oo ah Taliyaha Ururka 65-aad, guutada 4-aad qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in howlgalkaas uu u dhacay sidii loo qorsheeyey. Wuxuu sheegay inay dileen Guddoomiyihii deegaankaas u qabiilsanaa Al-Shabaab oo lagu magacaabi jiray Shariif Maxamed Abuukar iyo dagaalmayaal kale. Taliyaha ayaa sheegay in askari ka tirsan ciidanka xoogga dalka uu si gaar ah u fuliyay howlgalkaas, kaddib markii uu weerar ku qaaday saldhigga deegaankaas ay ku lahaayeen Al-Shabaab, isagoo halkaas ku dilay madaxii ugu sareeyay iyo dagaalamayaal kale, halka uu weerarkaas ku dhaawacay kuwo kale. Ilaa hadda ma jiro illo madax banaan oo xaqiijiyey sheegashada Taliye Kabtan Cali Yuusuf Macallin, sidoo kalana welina weerarkaan ma aysan ka hadlin Al-Shabaab. Maalmihii dambe Ciidamada Dowladda ayaa waday howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab, waxayna ku guuleysteen inay Al-Shabaab kala wareegaan goobo badan oo ay horey ugu sugnaayeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Askari ka tirsan ciidamada dowladda federaalka ah gaar ahaan Milatariga ayaa barqanimadii maanta waxaa uu wiil dhalinyaro ah uu ku toogtay degmada Ceelbaraf ee gobalka Shabeellaha Dhexe ee hoos timaada dowlad gobaleedka Hirshabeelle. Wiil dhalinyada ah ee lagu dilay Ceelbaraf ayaa waxaa uu ka mid ahaa dhalinta sida aadka ah looga yaqaano uguna firfircoon dhalinyarada deegaanka, waxaana lagu magacaabi jiray Cabaas Axmed Kaneeco. Sidoo kale wiilka ayaa la sheegay in uu dalawal u ahaa Aabihii oo ka mid ah ganacsatada sida weyn looga yaqaano degmada Ceelbaraf iyo deegaanada kala duwan ee gobalka Shabeelaha dhexe ee Hirshabeelle. Dhanka kale waxaan jirin wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha ciidama Milatariga oo uu ka tirsanaa Askariga dilka u geystay marxuum Cabaas Axmed Kaneeco, shacabka ayaana siweyn u hadal haaya dilka dhacay. Ciidamada dowladda federaalka ah qeybahooda kala duwan ee Booliska iyo Militariga ayaa marar badan waxaa ay dilal u geysteen dad shacab ah, waxaana jirin dadaal lagu joojinaayo ama lagu xakamaynaayo dilalka nuucaas ah oo mar waliba ay wajahaan shacabka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi KULMIYE ayaanu wada ahayn isagoo Guddoomiye ku-xigeen ah isago Guddoomiye ah iyo isagoo aan labada midna ahayn. Waligii arrin KULMIYE dhexdiisa uu ka doonay kamuu tanasuulin ilaa wax kale loogu badalay. Madaxweyne ku-xigeen inuu u noqdo Siilaanyo ayuu doonay, 2 sanno markii la baryaayay ee la laha laba Nin oo Isaaq ahi iskuma xigi karaan waxa lagaga fur furay in la siiyo Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga oo aanay cidna kula tartamin. Waa halkay ku kala gureen Mujaahid Ibaraahim Dhego-wayne iyo Maxamed Kaahin oo Abti iyo saxiib isku dhaw aha . Muuse Biixi ayaa Axmed Siilaanyo ku xujeeyay in Beesha East Burco Clan shirka Golaha dhexe dhammaantod u codayso waliba Maxamed Kaahina farta ugu hortaago iyagoo wakhtigaas aan isku wacnayn oo xurguf adagi ka dhaxaysay (Maxamed Kaahin iyo Muuse Biixi ) Dhego-wayne sidaa ayuu ku hadhay. Shirkii Burco ee Murashaxiinta Madaxweynaha iyo ku-xigeenka lagu doranaayay Muuse Biixi Hargaysa ayuu hadana ku hadhay laba casho markii shirku dib u dhacay ayaa Muuse Biixi la yidhi maxaad rabtaa, “ilaa Siilaanyo warqad iigu qoro inuu 40-casho gudahood doorashada kadib amma ha helo amma hawaaye Xisbiga KULMIYE igu wareejinaayo ilaa uu taas sameeyo ma imanaayo. ” Duhur cad ayaa loo saxeeyay waanu la wareegay 40-kii casho kadib . Markii Axmed Siilaanyo Madaxweyne noqday amar ayuu soo saaray odhanaaya “Madaxda madaxtooyada soo gasha Askarta ilaalada u ah qoryo yaanay la soo galin, Madaxtooyada ayaa ka masuul ah ammaankooda markay yimadaan. Madaxda waxa kamid ah Guddoomiyaha Guurtida, Guddoomiyaha Wakiilada , Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi iyo Guddoomiyaasha Axsaabta Mucaaridka ah . Marka UDUB iyo UCID ayaa aha .” Muuse Biixi gashaanka ayuu dalabkii Siilaanyo ku dhuftay golaaftan hanjabaad iyo fariimo way inoo tahay ahna Madaxweyne Siilaanyo ayuu gaadhsiiyay. Ergada ayaa galaa baxday. Markii loo tagay ee la yidhi Guddoomiye adiga kugu gaar maha amarka Siilaanyo. Wuxuu yidhi ” Waar dhagaysta Siilaanyo meesha anaa saaray Wallahay yeeli maayo in East Burco Clan Xukunkii iyo awoodi iyo Madaxtinimadi qaadato oo la jeesato oo isagu (Siilaanyo ) intuu intaas oo Ciidan ah isku wareejiyo Ana Askartayda lay diido ilaa qolka aan kula shiraayo ayaan la galayaa “. Tiisi ayay noqotay . Maanta waa Madaxweyne arrinku siduu ahaa inuu ka badalo ayay ahayd waayo Dulqaadka iyo tanaasulka xitaa Xaaskaga iyo Ciyaalkaga ayaad ku dhiqi karta oo hadad ku kanaato Rerkaaga ayaa ku dumaaya, ma muuqato kolay anigu ma arko adiguse akhriste mooyi inay taasi ku muuqato.. Marka qolada Mucaaridka ah ee Koomoishan iyo arrimahaas Beesha Caalamka rajaynaysa inay Muuse Bixii ka badasho way iska ciyaarayaan. 2-Sanno ayaa ku lumay 9 Xubnood ayaanu rabnaa 2 sanno kadib ayay 7 Xubnood noqtay oo tii Muuse Biixi ku adkaystay ahayd, Maantana 2 sanno oo kale ayaynu Riyo Raac iyo Gabadha uu soo celiyay ku murana. Hadhowna ay ta Muuse Biixi noqotaa ? Khuuro kale ha la keeno. M. Biixi ma tanaasulo waanu ku caano maalaye. Tusan. Muniir Axmed Cigaal Source
-
Boorama (Caasimada Online) ― Wararka naga soo gaaraya magaalada Boorama ee gobolka Awdal ayaa sheegaya in qof meyd ah laga helay badhtamaha seeraha magaaladaasi. Ninkan Meydka ah oo aan weli si rasmiya ah aan loo aqoonsan wajigiisa iyo magaciisa ayaa waxa jidhkiisa laga dheehan karayey gubad baahsan oo ka soo gaaray dab, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen qaar kamid ah laamaha amnigu. Ciidamada Dambi baarista oo gaaray goobtaasi meydka laga helay ayaa waxay ka bilaabaan baaritaan, kadib baaris dheer waxay meydkaasi u qaadeen qolka qaboojiyaha ee meydka lagu keydiyo ee Isbitaalka weyn ee magaalada Boorama. Caasimada Online oo la xiriirtay Taliye ku xigeenka qeybta booliska ee gobolka Awdal, Gaashaanle sarre Maxamuud Raran ayaa waxa uu inoo sheegay in uu dib ka bixin doono faah-faahin dhameystiran kadib marka la soo af-meero baarista, isagoona xusay in xogta meydkan ay ciidamada soo gaarsiisay gabadh keenta caanaha magaalada Boorama. Taliyaha ayaa sidoo kale waxa uu inoo sheegay in Ninkan meydka ah uu u dhintay gubad ka soo gaaray dab xoogan, balse ilaa hadda aysan si rasmi ah u xaqiijin in la gubay ama isagu is-gubay, isagoona hoosta ka xariiqay in baaristu socoto oo uusan ka hor dhaceyn. Wixii kasoo kordha kiiskan isha ku hay oo kala soco Caasimada Online Caasimada Online Xafiiska Boorama Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Maayarka Magaalada Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko) ayaa sheegay in Tallaabo laga qaadi doono Dadka Ajaajibka ah ee Sharci la’aanta kaga shaqeeya Meheradaha ku yaalla Magaalada Hargeysa. Maayarka oo Saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa sheegay in iyagoo fulinaya Amarka Wasaaradda Shaqo-gelinta ee Arrimaha Bulshada ay tallaabo ka qaadi doonaan Shaqaalaha ajaanibka ah ee Sharci-darrada kaga shaqaysta Hargeysa. Maayarka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Annaga oo fulinayna amarka Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada, Meherad kasta oo ay ka shaqaynayaan Shaqaale ajaanib ah waa in Maamulada degmooyinka Caasimaddu hubiyaan in Shaqaalaha Ajaanibka ahi haystaan Waraaqihii Sharciga ahaa ee Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada, taasi oo noqonaysa qof kasta oo muwaadin ah oo Meherad furtay oo Shaqaale Ajaanib ahi u shaqeeyaan la ganaaxi doono, haddii Qofka ajaanibka ah ee u shaqaynayaa aanu soo qaadanin Warqadda sharciga ah..” Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaarado dagaal oo ay leeyihiin ciidamda France ayaa xalay Gantaalo culus ku garaacay saldhigyo ay daganyihiin xubno ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo ku yaalla degmooyin ka tirsan Shabeelada Hoose iyo Jubada Hoose, sida ay noo xaqiijiyeen ilo ka tirsan hay’adaha amniga Soomaaliya. Duqeyntaan ayaa ka dhacey saldhigyo aad loo ilaaliyo oo ay leeyihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab ee koonfurta Soomaaliya, waxaana la sheegay in ay ka dhasheen khasaare culus oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha ka tirsan kumadaandooska Soomaaliya. Saraakiil ka tirsan Kumaandooska Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in duqeynta markii ugu horreysay lala-eegtay taliska Jubbooyinka ee dagaalamayaasha Al-Shabaab, kaas oo ku yiilay degmada Jamaame ee gobalka Jubada Hoose, waxaana ka dhashay khsaare soo gaaray ciidamo halkaasi ku sugnaa. Xubnaha aan la hadalnay ayaa sheegay in ugu yaraan 3 Gantaal lagu dhuftay xaruntaasi oo ay ku sugnaayeen ciidan loo diirinayay howlgal Milateri, kuwaas oo gaaray in kabadan 100 Askari. Ciidankii Al-Shabaab ee halkaasi ku sugnaa ayaa la sheegay in tobaneeyo kamid ah ay ku geeriyoodeen duqeyntaasi. Dadka degaanka ee degmada Jamaame ayaa warbaahinta u sheegay in ay arkeen dhaawacyo soo gaaray dagalaamayaal ka tirsan Al-Shabaab balse hakad la geliyay isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha markii la qaadayay dhaawacyada xubanhaasi. Milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in sidoo kale ay duqeeyeen Saldhig ay daganayeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalal kala-duwan, kuwaas oo ku sugnaa degmada Jilib ee gobalka Jubada Dhexe. Si rasmi ah looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay quqeynta Jilib balse Saraakiisha Soomaaliya waxay sheeganayaan in ay ku dileen tiro badan 20 dagaalame oo ajaaniib ah. Dhanka kale isla Duleedka Degmada Jilib waxa la Duqeeyay xaruun ay ku sugnaayeen ciidamo Al-Shabaab ah oo lasheegey in loo waday inay ka hortagaan ciidamada DF oo Baardhere ka soo baxaya kuwaas oo ku wajahan Degmada Bu’aale maalmaha soo socoda. Wararka ayaa intaasi ku daraya in degaano kale oo ka tirsan Jubada Dhexe, Jubada Hoose iyo Shabeelada Hoose la duqeeyay waxaana dhamaan duqeymahaasi la soo sheegayaa in dagaalamayaal badan ay ku geeriyoodeen. Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in howlgalkaan uu bilaaw u yahay abaabulka howlgalo lagu wado in ay ka bilaawdaan Jubbaland oo la isugu furayo 3-da Gobalka ee Jubooyinka iyo Gedo. Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay dhawaan ka soo dhaqaaqaan degmada Baardheere ee Gobalka Gedo kuwaas oo ku jiheysan degmooyin ka tirsan Jubada Dhexe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 84 oo ku taariikheysan 21-ka Octoobar 2019, ku magacaabay Wasiiru-Dowleyaal iyo Wasiir Ku-xigeeno. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad farqadiisa 5aad. Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland. Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo aqoon, karti iyo waaya aragnimo uleh xilalka loo igmaday. Markuu garawsaday: Shaqada baaxadda weyn ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda. Wuxuu xeeriyey: Magacaabidda Wasiiru-Dowleyaal iyo Wasiir Ku-xigeeno ka tirsan Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland, waxayna kala yihiin: B. Wasiiru-Dowleyaal: 1. Waxaa Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda. 2. Waxaa Maxamed Xasan Ciise loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Goleyaasha. 3. Waxaa Axmed Shire Siciid loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha. 4. Waxaa Fardowso Cismaan Cigaal loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha. T. Wasiir Ku-xigeeno : 1. Waxaa Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta 2. Waxaa Bashiir Jaamac Maxamed loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare 3. Waxaa Cabdicasiis Maxamuud Macallin loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada. 4. Waxaa Sucaad Saalax Nuur loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Wasiiru-Dowleyaal iyo Wasiir Ku-xigeeno cusub appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo aan caadi ahayn ayada oo ku eedeysay warbaahinta madaxa banaan inay heshiis kula jiraan Al-Shabaab. Warkan ayaa waxaa sheegay wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka qeyb galaya shir Ku saabsan badqabka saxafiga oo ka socda magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu si kulul u eedeeyay warbaahinta madaxa banaan ee ku yaalla dalka. Wasiir Maareeye ayaa warbaahinta Madaxa bannaan dhammaantood ku eedeeyay in ay heshiis kula jiraan argagixisada, islamarkaana ay dhiirigelin u sameeyaan Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. Maareeye ma uusan yaboohin wax caddeymo ah oo ku saabsan eedaymaha ka dhanka ah warbaahinta Sidoo kale wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda ay go’aan ku gaartay in ay soo saarto go’aaan mideysan oo ku saaabsan baahinta Wararka Al-Shabaab, laakin ma uusan faahfaahinin arintaasi. Dhanka kale qaar ka mid ah Madaxda warbaahinta ee ka qeyb galaysa shirka ayaa su’aalo ka weydiiyay wasiir Maareeye. Wasiirka ayaa warbaahinta waxaa uu u soo jeediyay in aysan buun buunin khasaaraha weerarada ay Al-Shabaab geystaan. Hadalka wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xili mudooyinkii ugu dambeeyay dowladda Soomaaliya lagu eedeynayay in ay caburin ku hayso warbaahinta madaxa banaan ee magaalada Muqdisho. Gefka Maareeye ayaa imanaya ayada oo in ka badan 20 weriye ay ku maqan yihiin gacanta Al-Shabaab loona dilay inay runt aka sheegaan dhibaatooyinka kooxdan ku hayso shacabka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
21-kii 1969 Oktoobar “Gu’yaal iyo gu’yaal bay rarteen gocorro shaydaane Iyadoon goblamin baa haddana Giiro loo hadhay”. Jaalle Maxamed Siyaad Barre isagaa dumiyey intii uu dhisay. Jacaylkiisii xad-dhaafka ahaa ee uu kursiga u qabey ku sii amar-ku-taaglayntiisa iyo is cajebintiisii kelitalusnimo ma aanay jisciman intii uu dhisay oo keli ah ee waxa galaafatay ummad dhan iyo qarannimadeedii. Gaashaanle Sare Maxamed Siyaad Barre iyo 24-kii sarkaal ee 21 Oktoobar 1969 Afgembiga talada dalka ku qabsaday waxa ay horqabateeyeen nidaamkii curdinka ahaa siyaasadeed ee qunyar socodka ahaa ee talada waddanku ay ku tibbanaysey sagaalkii sano ee dawladihii rayadka ahaa ee taagta darnaa. Ayax teg, eel na reeb. Iniintii uu aasay waa taa weli aan aagna looga gudbi kari waayey: kelitalisnimo iyo is cajebin, jujuub iyo cagjugleyn, aniga iyo anaaniyad, danni iyo is waa’ iwm. Manifesto Group, kooxdii Cali Mahdi, ayaa ahaa ukuntii koowaad ee qaraxda isla 1991, ilaa maantana weli aagna loogama gudbin oo waa taas kolba miinada iyo mililku meel ka fadkudinataan ama qarxayaan. Tabnaan VS Tognaan (– 20 + 10). Tabnaantu marka ay tognaanta ka tan badiso daalac ma la yeeshaa, mise deyn baa kugu go’aya oo kugu soo baxa? Wax kale, Taliskii Maxamed Siyaad, lagu xusuusan maayo aan ahayn toddoba sannadood (Okt 1969 – Juy 1976) oo horumar ruqaansi togan ah iyo 15 sannadood (July 1976 -Jan 1991) oo tabnaan, burbur, kala daadasho, kala aamin bax, is diiddo, iska hor imaadyo iyo kala haad; kala haab ah; qalbiyo wadajirey oo kala boodey, dani iyo is waa’ ah iyo birta iska asal iyo is gumaad ah iwm. Bisiddaa dhasheeda cunta, Kacaankii Oktoobar 1969 isagaa intii uu dhisay dib u cunay, dhiidhii na ku darsaday oo mas’uul N0: Kow (1) ka ahaa wixii dumey. Ka warran jabhadihii dawladda la dagaallamay ee burburka horseeday?! Iyagu waxa ay ahaayeen falcelin ka dhalay isaga (Maxamed Siyaad maamulkiisii iyo ficiladiisii ama danuubtiisii). Waxa horseed u noqday ardaydiisii, iyana wax badan dhaami waaye macallinkooda, mas’uuliyadda burburkana badhkooda ayay leeyihiin; in ay dhisi kari waayeen “qaran dhaama kii dumey”. Waa taas cilladdu. Hadda Maxamed Siyaad Barre waxa uu ka mid ahaa “raggii garanuugta celin jirey; marka uu gabraarashada u baxo ninkii gumeysiga ahaa ee dalka haysan jirey”. Kaas baa isna macallin u ahaa; Faashiyaddii Benito Mussolini! Mingiste Xayle Maryan iyo derbigiisii waxa ay garteen isla sannadkaas 1991 intii Siyaad Barre iyo Jaalleyaashiisii garan waayeen. Qolada Itoobiya kelitalisnimada ku haystey waxa kala doorteen Ubixii Cusbaa (New Flower); Addis Ababa, oo burburta iyo kursiga iyo talada oo ay ka hulleelaan markii xoogaggii hubaysnaa caasha soo saareen, waxa aanay doorteen in ay iyagu ka hadaafaan. Taas bay garteen oo damacoodii in kursiga ku dagaallamaan waa ay ka tanaasuleen. Waa ta keentay kala duwanaanta Muqdusho iyo Addis Ababa ee maanta ama Itoobiya iyo Soomaaliya. In maanta Kacaankii iyo kelitalisnimada la gocdo ama hiloobo, oo naf iyo bakhti afuuf laga dhigtaa waxa u sabab ah, si kasta ha la isu dhaamee, kala qaarranaanta ama kala gantoobnaanteenna iyo in aan weli meelna “haakah” si buuxda looga odhan waayey ee wax kale iyo wanaag Maxamed Siyaad Barre laga dhaxlay oo uu ka tegey ma aha! “In kastoo guddoonkii burburay loo gudcuro joogey *in kastoo geyigu waa xormee gaadhka lagu meershey *in kastoo go’aankii dulliga geesinnimo diiddey *in kastoo gaggaabkii cuslaa garangar duul duulay *in kastaan garaad lagala hadhin galabba sheeggeeda *sida ay u kala geysan tahay way gun dheer tahaye *inta maanku gaajeysan yahay guuli waa weli”. Maxamed Bashe X Xasan mohamedbashe@hotmail.com Qaran News
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 85 oo ku taariikheysan 21-ka Octoobar, 2019 ku magacaabay Guddoomiyeyaasha Gobolada Bari iyo Gardafuu. Madaxweyne Deni oo la tashaday wasiirkiisa arrimaha gudaha, ayaa Cabdisamad Yuusuf Maxamed u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Bari. Sidoo kale, Muuse Saalax Guuleed ayuu madaxweynuhu umagacaabay Guddoomiyaha Gobolka Gardafuu. Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu isbedelo ku sameeyo guddoomiyayaal gobol oo kale iyo masuuliyiinta kale, sida uu Puntland Post xogta ku helayo. PUNTLAND POST The post degdeg: Madaxweyne Deni oo guddoomiyeyaal cusub u magacaabay gobolada Bari iyo Gardafu appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo wareysi gaar ah oo shirkaasi ku saabsan siiyey wakaaladda TASS ee dalkaasi ayaa sheegay in halku-dhegga sanadkan ee shirkan noociisa ah uu yahay “ Nabadda, amniga iyo horumarka”, taasina aaney iska iman ee laga baaraan dagay, waxaa uu intaasi raaciyey in horumar aan la gaari karin iyada oo aan xal loo helin kooxo badan oo argigixiso ah oo dhibaato ku ah dalal badan oo Afrikaan sida ISIL, al-Qaeda, Boko Haram iyo Al-Shabaab, kuwaas oo qasaya waqooyiga Afrika, gobolka Sahara-Sahel region, harada Chad iyo geeska Afrika. Putin waxaa uu sheegay in dalkiisa uu Afrikaanka ka caawin-doono la dagaalanka argigixisada, dambiyada abaabulan, ka ganacsiga daroogada, dhaqista lacagaha, tahriibka, burcad badeedka iyo arrimo kale. Dhanka horumarinta Afrika waxaa uu madaxweyne Putin sheegayaa in qaaradda ay dalal badan horay uga cafiyeen deymo hadana sameyn-doonaan, kana taageeri doonaan sidii loo xakameyn lahaa cudurka Ebola, musiibooyinka dabiiciga ah, xalinta khilaafaadka iyo ka hortagooda. “Jaamacada Ruushka ardey badan ayaa lacag la’aan lagu tababaraa, waxaan xoojineynaa iskaashiga” ayuu yiri. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa saaka u ambabaxay ka qeybgalka madasha Ruushka iyo Afrika, waxaana lagu wadaa in halkaasi uu kala kulmo madaxda iyo ganacsatada Ruushka, kalana hadlo sidii loo adkeyn lahaa xiriirka labada dal, loona bilaabi lahaa iskaashi dhow oo dib u loogu soo celiyo xiriirkii wanaagsanaa ee 60-maadkii iyo qeybta hore 70-maadkii qaranigii tagay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Popular Contributors
