-
Content Count
213,481 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kulbiyow (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo ciidanka Kenya iyo Al-Shabaab ku dhexmaray gobolka Jubadda Hoose. Iska hor-imaadka oo ka dhacay tuulada Kulbiyow ayaa waxaa ka dhashay khasaaro labadda dhinac soo kala gaarey. Al-Shabaab oo guulo sheegatay ayaa tilmaamtay in ay duulaanka qaadey markii ay heshay xog ah in ciidanka Kenya dhibaato ka wadaan halkaas. Dhibaatadda oo ciidamadda Jubbaland ay qayb ka yihiin ayay xustay in ay kamid tahay dhac iyo handaad ay bulshadda u geysanayaan. Xaaladda degaanka ayaa haatan ah mid degan, waxaana la sheegayaa in aysan wali si rasmi ah u bilaaban dhaqdhaqaaqyadii ganacsiga. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Dagaa.mp3 View the full article
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Sochi oo uu ka socdo shirka Iskaashiga Ruushka iyo Afrika waxa uu kula kulmay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin. Labada madaxweyne ayaa kulankooda uga wada hadlay arrimo ku saabsan xoojinta xiriirka labada dal iskaashiga dhinaca maalgashiga iyo fursadaha maalgashi ee wakhtigan ka jira gudaha Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo oo ka mid ah 43 hoggaamiye oo Goobjoog ka ah Shirka iyo Wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin Ruushka waxa uu kulamo gaar ah la yeelan doonaa qaar ka mid ah Madaxda iyo maalgashadeyaasha ka qeyb galaya Madasha iyagoo u bandhigi doona fursadaha ka jira dalkeena. Madashan oo ah tii ugu horreysay oo Ruushku soo qaban qaabiyo waxaa ka qeyb galaya seddax kun oo Ergo oo ka kala socota dalalka Afrika iyo Ruushka. waxay socon doonta 23-ka ilaa 24-ka Bishan iyada oo la filayo in qodobo miro-dhal ah kasoo baxaan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (SMN) – Muran siyaasadeed ayaa ka dhashay Guddiga Doorashooyinka Galmudug ee ay magacaabatay Ahlu Sunna. Hogaanka dowlad goboleedkaas ayaa wuxuu qaadacay Guddiga, oo uu ku sifeeyay mid baalmarsan sharciga iyo Dastuurka. Magacaabida Ahlu Sunna ayaa timid iyadda oo xukuumadda federaalka ay magacowday Guddi ka shaqeynaya howlaga maamul dhisitaanka maamulkaas. Maxamed Xaashi Carabey, madaxweyne ku xigeenka Galmudug, ayaa Shabelle u sheegay in talaabada Ahlu Sunna qayb ka tahay qaladaadka jira Galmudug. Carabey oo sii hadlaya ayaa wuxuu cod dheer ku sheegay in loo baahan yahay in xalinta arrintaan loo wajaho qaabka uu qabo Dastuurka iyo habraaca xukuumada. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Carabey.mp3 View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Waxaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug kulamo iska soo hojeeda xalay ku yeeshay Xubnaha Guddiga doorashada Galmudug oo ay Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo Xubnaha Guddiga uu Magacaabey Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan. Madaxa Xukumadda Galmudug Dr Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa magaalada Dhuusamareeb kula kulmay Gudiga Doorshada iyo Xalinta khilaafaadka Galmudug ee uu dhawaan Magacaabay. Sheekh Shaakir oo Khudbad u jeediyay Guddiga ayaa ka codsaday in ay dardargaliyaan howlaha loo xilsaaray ee ku aadan doorashada maamulka Galmudug , islamarkaana laga doonaayo in ay soo xulaan baarlamaanka Galmudug. Madaxa Xukuumadda Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay inay ku dadaali doonaan in Glmudug loo dhiso maamul ay dadkeeda u dhan yihiin, isla markaana laga Aas’aaso Magaalada Dhuusamareeb, waxaana uu ugu baaqay inay dowladda Soomaaliya garab istaagto. Dhinaca kale waxaa xalay kulan isugu yimid Xubnaha Guddiga doorashada Galmudug oo ay Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo qaar kamid ah bulshada Dhuusamareeb, waxaana kulanka uu ahaa mid Guddiga lagu taageerayay. Cabduqaadir Nuur Caraale oo kamid ah Xubnaha Guddiga Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in guddigooda uu si cadaalad ah ugu Shaqeyn doono Bulshada Galmudug,isla markaana xildhibaannada ay kusoo xuli doonaan qofkii buuxiya Shuruudaha. Dowladda Soomaaliya iyo hoggaanka Ahlusuna ayaa xilligaan waxaa ka dhexeeya khilaaf xoogaan, kaasi oo ka dhashay guddiga farsamada ee dhismaha maamulka galmudug, maadaama dowladda ay gudi magacowday, halka madaxda xukuumadda Galmudug Shiikh Shaakir uu maalin ka hor uu ku dhawaaqay guddigga doorashada maamulka Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Subax ee idaacadda Shabelle. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Subax-24102019.mp3 View the full article
-
Protesters in eastern Ethiopia have burnt copies of a new book by prime minister and Nobel Peace Prize winner Abiy Ahmed in a show of solidarity with an opposition media activist. Source: Hiiraan Online
-
Boosaaso (SMN) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa kormeeray degaano ka tirsan gobolka Barie e dowlad goboleedkaas. Mudaneyaasha ayaa degaanadda ay tageen waxaa ka jirta dhibaatooyin dhanka nolosha ah gaar ahaan caafimaad xumo iyo cuno yar. Dadka degaanka ayaa waydiistay Xildhibaanadda in ay lasoo gaaraan gurmad bini’aadamo oo degdeg ah maadaama ay dhibaato haysato. Sharcidejiyeyaasha ayaa tilmaamay in ay gudbin doonan dhibaatadan madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni si uu wax uga qabto. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Baahi.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Axdiga Ilaalinta Hiddo Dhaqameedka Xiliyada Colaadaha ayay shalay Xildhibaanada Golaha Shacabka dood geliyeen markii ay horgeysay Wasaaradda Waxbarashadda ee xumuumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre. Fadhiga oo ahaa kulankii saddexaad ee Kalfadhiga 6aad ayaa waxaa kasoo qeybgalay inta badan mudaneyaasha Aqalka Hoose. Xildhibaano fadhiga ka hadlay ayaa qeexay in Axdigan “uusan muhiim ahayn” maadaama “uu ka hor-imaanayo Diinta suuban ee Islaamka”. Sharcidejiyeyaal kale oo sheegay in tallooyinkii laga taagay Muqdisho aanan loo eegin waxay Diinta Islaamka ka qabto ayaa xusay in Axdiga uu u ogolaanayo dowladaha Masiixiga in ay Kaniisado ka furtaan dalka. Khal-khal amni ayay cod dheer ku xuseen in uu abuurayo “maadaama ay joogaan kooxaha argagixisadda ah ee Al-Shabaab iyo Daacish [ISIL]”. Mid kamid ah Xildhibaanadda kulanka ka hadlay ayaa daboolka ka qaadey mid kamid ah tafaasiisha halista ah ee Axdiga ku jira. “Axdiga wuxuu dhigayaa in Kaniisadaha dalka ku yaala in loo ilaaliyo sida Masaajida, marka sidee laysku waafujinayaa Diinta Islaamka oo Dastuurkeena uu sheegayo in ay tahay mida kale ee la ogol yahay”. Dastuurka qabyadda ah ee federaalka qodobadkiisa labaad farqadihiisa koowaad, labaad iyo saddexaad ayaa xeerinaya arrimahan. – Diinta Islaamka waa Diinta Dalka – Diin aan ahayn Diinta Islaamka laguma faafin karo dalka – Lama soo saari karo shuruuc ka hor imaaneysa shureecada Islaamka. “Xiligan la joogo dhibaatada furan oo feker Diini ah, hadii aan xeerkan ogolaano, oo la guda galo Kaniisada dhisitaankeena, waxaan is-leeyahay buuq fara badan ayaa nagu furmaya,” ayuu yiri mudane kale oo hadlay. Xubno kale oo qaba aragti midaan ka duwan ayaa ka hadlay fadhiga, kuwaas oo taageeray sharcigan, iyaga oo cod dheer ku dalbaday in la dedejiyo meelmarinta sharciga oo akhrinta saddexaad la marsiiyey. “Sharcigan waxaan u arkaa mid wanaagsan oo waxtar leh. Meelaha laga dhaliilayo ee xagga Diinta. Dalkan sanado badan ayuu gumeysi soo haystay oo Kaniisado ka dhisnaayen,wax naga halaabay ma aanan arkin,” ayuu ku doodey. Soomaaliya oo ah dal dhaca Geeska qaaradda Afrika isla markaana leh xeebta ugu dheer mandiqada derisna la ah dalal Masiixiyiin ah ayaa dadkiisa waxay boqolkiiba boqol yihiin dad Muslimiin oo Sunni. Isha: Garowe Online
-
BISMARCK, N.D. — A Republican state senator from North Dakota said Wednesday he's sorry for posting a long-debunked photo that purports to show Minnesota Democratic U.S. Rep. Ilhan Omar holding a weapon at an al-Qaida training camp, but that he won't apologize to Omar. Source: Hiiraan Online
-
Waa kuma Jawar Maxamed, ninka ay hadda kala boodeen Abiy Axmed Jawar Mohamed Jawar Maxamed ayaa lagu sheegaaa inuu yahay ninki sababta u ahaa inuu isbeddel uu ka dhaca dalka Itoobiya, gaar ahaana inuu is casilo Ra’isal wasaare Dr Hailemariam Desalegn, isaga oo hoggaaminayey mudaharaadyadii Itoobiya ka billawday 2016-kii. Waxaa jiray warar sheegaya inay isaga iyo ra’iisalwasaaraha Itoobiya oo horay xulafo u ahaa ay kala boodeen. Jawar Maxamed ayaa sheegay in xaley lagu soo weeraray gurigiisa oo ku yaal magaalada Addis Ababa kaddib markii la sheegay inay ciidammo amniga ay gaareen gurigiisa. Dowladda Itoobiya kama aysan hadlin arrintan. Jawaar wuxuu sheegay in ciidammada dowladda ay ilaaladisa ku amreen inay isaga soo baxaan gurigiisa isago aan lagu wargelinin sababta. Wuxuu ku anddoocaday in tallaabadaas looga gollahaa in halis lagu geliyo noloshiisa. Waa kumaa Jawar? Magaciisa oo seddexan waa Jawar Siraaj Maxamed wuxuuna u dhashay qowmiyadda Oromada. Jawar wuxuu 12-ka bisha May 1986, uu ku dhashay magaalada yar ee lagu magacaabo Dumuga oo ku taalla xadka ay wadagaan gobolladi hore ee Arsi iyo Harar. Jawhar aabihii waa Muslim hooyadiina waa Kiristan Madhabta Orthodox aaminsan. Jawar dugsigisa hoose wuxuu ku dhigtay dugsiga Katolika oo Asella ku yaalla. Dugsigiisa sarana wuxuu ku bartay magaalada Adama isaga oo dugsiga sare ka baxay 2003. Intaa kadib wuxuu deeq waxbarasho uu ka helay jaamacadda United World College oo ku taalla dalka Singapore isaga oo ka qalin jabiyey 2005. Wuxuu sida oo kale jaamacadda Standford ka bartay shaahaadada B.A wuxuuna ka bartay cilmiga siyaasadda isaga oo ka qalin jabiyey 2009. Kaddibna jaamacadda Columbia ayuu shahaadada labaad ee mastarka uu ka qaatay isaga oo bartay cilmiga xuquuqda aadanaha wuxuuna ka qalin jabiyey 2013. 2006-dii marki uu dhiganayey jaamacadda Standford wuxuu Jawar aasaasay Ururka Dhalinyarada Oromada Caalamka (IOYA), isaga oo billaabay inuu u dhaqdhaqaaqi inuu dhalinyarada Oromada ee dibadaha ku nool ay midoobaan si ay u raadiyaan qaddiyadda qowmiyadda Oromada. Kacdoonkii isbadel doonka Jawar wuxuu ku soo caan baxay khudbadaha iyo bandhigyada uu kaga hadlo siyaasadda dalka Itoobiya, isaga oo weliba qurbajoogta Oromada ee Mareykanka ku nool hormuud u ahaa. Jawar Maxammed ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay xubin ka ugu muhiimsan ee aasaasay ururka dhalinyarada Oromoda ee ‘Qeeroo’ oo dalka gudahiisa mudaharaadyada sababay iney dowladda isbeddesho sameeynayey. Gaar ahaanna Jawar waxaa si gaar ah uu ugu soo caan baxay jidgooyooyinki maalmaha socday ee lagu sameeyey jidadka soo gala caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, ugu dambeyntina sababay inuu ra’isal wasaarihi hore ee Itoobiya Haile Mariam Desalegn uu iscasilo xilkana uu la wareego Dr Abiy Axmed oo qowmiyadda Oromada u dhashay. Jawar waa mulkiilaha isla-markaana maamulaha talafishiinka caalamiga ee OMN oo af-Oromo ku baxa marki dambana af-Amxaari lagu biiriyey. Dalka Itoobiya marki uu isbeddelka ka dhacay 2018-ka ayuu dib ugu soo laabtay dalka Itoobiya. Jawar ayaa lagu eedeeyaa inuu qayb ka yahay hurinta colaadaha qowmiyadaha dalka Itoobiya ka dhex dhaca isaga oo lagu sheego inuu farriimo isku dhacyo abuuri karo baraha bulshada ku tabiyo. Wuu beeniyay edyamhaasi. Jawar Siraaj Mohamed Xiriirka Abiy Axmed iyo Jawar Ra’isal wasaare Dr Abiy Axmed iyo Jawar Maxamed waxay ahaayeen laba qof oo aad isugu dhow, jawhar marka uu dalka imanayey 2018-kiina wuxuu Dr Abiy uuu soo dhaweeyey si maqam sare ah. Hase yeeshee, bilihi ugu dambeeyey waxaa soo ifbaxayey khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhex galay iyada oo warbaahinta OMN uu leeyahay Jawar ay marar tabiyeen barnaamijyo ay ku dhaliilayaan siyaasadda Dr Abiy. Dr Abiy Axmed shalay mar uu baarlamaanka dalkaasi hortagayna wuxuu carrabka ku dhuftay iney jiraan shaqsiyaad qurbajoog ah oo xorriyadda saxaafadda si khaldan u isticmaalaya, wixi hadda ka dambeeyana aan loo dul qaadan doonin dhibaatooyinka dalka ay ka wadaan. Afka ay doonaanna ha ku hadlaane tallaabba sharci ah laga qaadayo. Hadalka Dr Abiy ayaa loo fasirtay inuu si aan toos ahayn uu shalay u weeraray Jawar Mohamed taasoo sababtay iney ciidamada federal ah iney xalay gurigiisa ugu galaan. Taageerayaasha Jawar oo ka xun sida ay dowladda federaalka ula dhaqantay ayaa maanta xiray qaar ka mid ah waddooyinka deegaanka Oromada. Qaran News
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay furitaanka Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika oo maanta ka furantay Magaalada Sochi ee dalka Ruushka. Madaxweyne Farmaajo oo ka mid ah 43 hoggaamiye oo Goobjoog ka ah Shirka iyo Wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin Ruushka waxa uu kulamo gaar ah la yeelan doonaa qaar ka mid ah Madaxda iyo maalgashadeyaasha ka qeyb galaya Madasha iyagoo u bandhigi doona fursadaha ka jira dalkeena. Madashan oo ah tii ugu horreysay oo Ruushku soo qaban qaabiyo waxaa ka qeyb galaya seddax kun oo Ergo oo ka kala socota dalalka Afrika iyo Ruushka. waxay socon doonta 23-ka ilaa 24-ka Bishan iyada oo la filayo in qodobo miro-dhal ah kasoo baxaan. The post Madaxweyne Farmaajo oo ka Qeyb galay Furitaanka shirka Iskaashiga Ruushka iyo Afrika appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiye Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta ka hadashay deyn cafinta Soomaaliya, isla markaana Beesha caalamka ugu baaqday in aan deynta laga cafin dowladda federaalka Soomaaliya. Somaliland ayaa sheegtay in dowladda federaalku ay dhaqaale badan u heli doonto haddii laga cafiyo deymaha lagu leeyahay, taasi oo ay ku tilmaamtay mid halis ku ah maamul goboleedyada dalka. Wasiirka warfaafinta Somaliland, Maxamed Muuse Diiriye oo warbaahinta kula hadlayey xafiiskiisa magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu ka dhawaajiyey arrimahaasi, isagoona cod dheer ku sheegay in dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo aan wax hub loo gacan galin. Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay haddii dowladda Farmaajo loo gacan galiyo hubkaasi, inay halis weyn oo amni u horseedi karaan Somaliland iyo guud ahaanba gobolka Geeska Afrika, wuxuuna yiri “Waxaan ogsoonahay in baryahanba dawlada Farmaajo ee Villa Somalia fadhidaa ay isku dayaysay in hub lasiiyo oo waliba ay waydiisatay dalalka Eratariya iyo Turkiga horena ay u soo siiyeen dalal aanan halkan magacayadooda ka sheegayn”. “IGAD iyo dalalka Afrikaba ha ogaadaan inuu hubku mabnuuc ka yahay Soomaaliya, ha ogsoonaadaan hubkaas haddii loo soo daayo in Somaliland iyo Geeska Afrikaba uu hubkaasi khatar ku yahay iyo dhibaato aan loo joogin, waxaan leeyahay aduun weynuhu ha ka digtoonaadan, haddii ay isaga u sii daayaana anagana ha noo soo daayaan”. Wuxuuna intaas kusii daray “Waxa kale oo dowladda Villa Somalia isku dayaysay oo aynu ogayn ayaamahanba inuu la meeraysanaayay aduunka hanalaga saamaxo dayntii adeerkii galay, Dawladii Maxamed Siyaad Bare ee aynu inaguna xiligaas kamidka ahayn waxaan leeyahay hadii dayntaas laga saamaxo marka laga saamaxo waxa uu isku dayayaa inuu aduunka dhaqaale ku waydiisto oo uu dayn ku qaato”. “Maanta oo ay beesha caalamku wax yar u tuur tuurto ayaa intii la siinayay waxa uu kaga samaynaayo maamul gobaleedyada iyo culayska uu saarayo aynu ognahay, haduu dhaqaalahaas helo waxa uu isku dayayaa inuu khal-khal siyaasadeed galiyo gobalka oo dhan”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada online) – Qaar ka mid ah Xisbiyada dalka ka jira iyo siyaasiinta magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya iyo Madaxtooyada ay gudaha gashadeen guddiga madaxabanaan ee doorashooyinka Qaranka, Guddiyada Golaha Shacabka iyo Guud ahaan Xildhibaanadii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Guddiyadaan iyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hada ku shaqeeya gudaha xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana la sheegay in ay aad u adkaatay la kulankooda iyo warbixinada laga heli karo xafiisaydooda. “Dhamaantood waxay u muuqataa in gudaha la gashaday loona yeerin doono sida ay shaqada u qabanayaan mana jirto qof ama xisbi la kulmi karo” ayuu yiri Dr Axmednuur Xasan Daa’uud oo kamid ah siyaasiinta magaalada Muqdisho. “Golaha Shacabka waa hay’adda ugu muhiimsan dowladnimada Soomaaliya hadase waxa uu ku jiraa gacanta Xukuumadda wax aan loo yeerin kama hadlaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Dr Axmednuur. Hore qaar kamid ah Xisbiyada dalka ka jira ayaa sheegay in aysan awood u laheyn in ay la kulmaan guddiga madaxabanaan ee doorashayoonka Qaranka, halka sidoo kale guddiga uu sheegay in aysan heysan xafiis ay ku shaqeeyaan ayna adagtahay in loogu yimaado xaruntooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Jawar Maxamed ayaa lagu sheegaaa inuu yahay ninki sababta u ahaa inuu isbeddel uu ka dhaca dalka Itoobiya, gaar ahaana inuu is casilo Ra’isal wasaare Dr Hailemariam Desalegn, isaga oo hoggaaminayey mudaharaadyadii Itoobiya ka billawday 2016-kii. Waxaa jiray warar sheegaya inay isaga iyo ra’iisalwasaaraha Itoobiya oo horay xulafo u ahaa ay kala boodeen. Jawar Maxamed ayaa sheegay in xaley lagu soo weeraray gurigiisa oo ku yaal magaalada Addis Ababa kaddib markii la sheegay inay ciidammo amniga ay gaareen gurigiisa. Dowladda Itoobiya kama aysan hadlin arrintan. Jawaar wuxuu sheegay in ciidammada dowladda ay ilaaladisa ku amreen inay isaga soo baxaan gurigiisa isago aan lagu wargelinin sababta. Wuxuu ku anddoocaday in tallaabadaas looga gollahaa in halis lagu geliyo noloshiisa. Waa kumaa Jawar? Magaciisa oo seddexan waa Jawar Siraaj Maxamed wuxuuna u dhashay qowmiyadda Oromada. Jawar wuxuu 12-ka bisha May 1986, uu ku dhashay magaalada yar ee lagu magacaabo Dumuga oo ku taalla xadka ay wadagaan gobolladi hore ee Arsi iyo Harar. Jawhar aabihii waa Muslim hooyadiina waa Kiristan Madhabta Orthodox aaminsan. Jawar dugsigisa hoose wuxuu ku dhigtay dugsiga Katolika oo Asella ku yaalla. Dugsigiisa sarana wuxuu ku bartay magaalada Adama isaga oo dugsiga sare ka baxay 2003. Intaa kadib wuxuu deeq waxbarasho uu ka helay jaamacadda United World College oo ku taalla dalka Singapore isaga oo ka qalin jabiyey 2005. Wuxuu sida oo kale jaamacadda Standford ka bartay shaahaadada B.A wuxuuna ka bartay cilmiga siyaasadda isaga oo ka qalin jabiyey 2009. Kaddibna jaamacadda Columbia ayuu shahaadada labaad ee mastarka uu ka qaatay isaga oo bartay cilmiga xuquuqda aadanaha wuxuuna ka qalin jabiyey 2013. 2006-dii marki uu dhiganayey jaamacadda Standford wuxuu Jawar aasaasay Ururka Dhalinyarada Oromada Caalamka (IOYA), isaga oo billaabay inuu u dhaqdhaqaaqi inuu dhalinyarada Oromada ee dibadaha ku nool ay midoobaan si ay u raadiyaan qaddiyadda qowmiyadda Oromada. Kacdoonkii isbadel doonka Jawar wuxuu ku soo caan baxay khudbadaha iyo bandhigyada uu kaga hadlo siyaasadda dalka Itoobiya, isaga oo weliba qurbajoogta Oromada ee Mareykanka ku nool hormuud u ahaa. Jawar Maxammed ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay xubin ka ugu muhiimsan ee aasaasay ururka dhalinyarada Oromoda ee ‘Qeeroo’ oo dalka gudahiisa mudaharaadyada sababay iney dowladda isbeddesho sameeynayey. Gaar ahaanna Jawar waxaa si gaar ah uu ugu soo caan baxay jidgooyooyinki maalmaha socday ee lagu sameeyey jidadka soo gala caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, ugu dambeyntina sababay inuu ra’isal wasaarihi hore ee Itoobiya Haile Mariam Desalegn uu iscasilo xilkana uu la wareego Dr Abiy Axmed oo qowmiyadda Oromada u dhashay. Jawar waa mulkiilaha isla-markaana maamulaha talafishiinka caalamiga ee OMN oo af-Oromo ku baxa marki dambana af-Amxaari lagu biiriyey. Dalka Itoobiya marki uu isbeddelka ka dhacay 2018-ka ayuu dib ugu soo laabtay dalka Itoobiya. Jawar ayaa lagu eedeeyaa inuu qayb ka yahay hurinta colaadaha qowmiyadaha dalka Itoobiya ka dhex dhaca isaga oo lagu sheego inuu farriimo isku dhacyo abuuri karo baraha bulshada ku tabiyo. Wuu beeniyay edyamhaasi. Xiriirka Abiy Axmed iyo Jawar Ra’isal wasaare Dr Abiy Axmed iyo Jawar Maxamed waxay ahaayeen laba qof oo aad isugu dhow, jawhar marka uu dalka imanayey 2018-kiina wuxuu Dr Abiy uuu soo dhaweeyey si maqam sare ah. Hase yeeshee, bilihi ugu dambeeyey waxaa soo ifbaxayey khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhex galay iyada oo warbaahinta OMN uu leeyahay Jawar ay marar tabiyeen barnaamijyo ay ku dhaliilayaan siyaasadda Dr Abiy. Dr Abiy Axmed shalay mar uu baarlamaanka dalkaasi hortagayna wuxuu carrabka ku dhuftay iney jiraan shaqsiyaad qurbajoog ah oo xorriyadda saxaafadda si khaldan u isticmaalaya, wixi hadda ka dambeeyana aan loo dul qaadan doonin dhibaatooyinka dalka ay ka wadaan. Afka ay doonaanna ha ku hadlaane tallaabba sharci ah laga qaadayo. Hadalka Dr Abiy ayaa loo fasirtay inuu si aan toos ahayn uu shalay u weeraray Jawar Mohamed taasoo sababtay iney ciidamada federal ah iney xalay gurigiisa ugu galaan. Taageerayaasha Jawar oo ka xun sida ay dowladda federaalka ula dhaqantay ayaa maanta xiray qaar ka mid ah waddooyinka deegaanka Oromada. Isha: BBC Somali
-
Masar iyo Itoobiya waxaa wali ka taagan xiisadda biya xireenka Wabiga Niil ee Al-nahda. Marar badan ayaa hanjabaad hawada la isu mariyaa waxaana u danbeeyey Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo sheegay in Dalkiisa Dagaal uu ka galayo Al-nahda. Masar waxay ilaa 15 heshiis ka gashay biyaha wabiga niil, laga soo bilaabo xilligii guumaystaha, waxaana u danbeeyey heshiiskii 1993- dii Mubaarak iyo Malis sanaawi dhex-maray. Heshiisyadaas waxay ku qotomeen in biyaha Masar aado aanan la xirin, waxna loo dhimin. Heshiisyadaas laguma xad-gudbi karo waxayna qayb ka yihiin Xeerka Caalamiga ah, Masarna waxay dacwad gayn kartaa Garsoor Caalami ah. Markii intaas laga soo tago Masar waa Dal leh, ilbaxnimo fog, Aqoon durugsan iyo awood Ciidan. Soomaaliya oo ku tiirsan xoolaha iyo beeraha waxaa maro labo wabbi oo ka imaado Itoobiya. “Jubba iyo Shabeelle”. Mid kasta waxuu maraa Saddex gobal oo dhul-beereedka ugu badan ah. Hoggaamiyihii Itoobiya 1964-tii waxuu ku hanjabay in uu qalajin doona ilaha biyaha Soomaaliya aado markii uu dhacay dagaalkii koobnaa. Dr Cabay Axmad, rasiiul wasaaraha Itoobiya ee haatan talada hayo mar uu ka hadlaayey Dakadaha Soomaaliya in uu maalgashto waxaa hadalkiisa ku jiray: ” Biyaha dhanaha lama cabbi karo” oo uu ka waday biyaha macaan Itoobiya ayey idin kaga imaadaan, baddana lama cabbi karo. Ma jiro wax heshiis ah oon ka galnay Biyaha Wabbiyada, Caalamkana waxuu uu gali rabaa waxa loogu yeero Dagaalka biyaha iyo Dekadaha “حرب المياه والمواني”. Dowladaha waxay ka fakarayaan Amniga biyaha, oo ka muhiimsan Amniga caadiga ah. Haddii 2009-kii lagu baraarugay in Kenya ay Khariid iskeed ah ka samaysay Xaduud badeedka Labada Dal 2005-tii, goorma ayaa lagu baraarugi doonaa wabbiyadii oo xiran?. W/Q: Garyaqaan Cali Sheikh Aadan Yuusuf “Cali Somali” Calisomali400@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Popular Contributors
