-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dooxa ee xarunta dalka Qatar. Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdigiisa ayaa mas’uuliyiinta dowladda Qatar la yeelanaya kulamo looga hadlayo xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka soo laabtay safar shaqo oo uu kusoo maray Faransiiska iyo Belgium, halkaas oo ka qayb galka madasha nabadda Paris. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xadhigga ka jaray carwo dhinaca caafimaadka ah oo laga hirgeliyey magaalada Hargeysa, taas oo lagu soo bandhigayo dhibaatooyinka caafimaad ee dalka ka jira, dedaallada iyo horumarka ay ku tallaabsadeen bahda caafimaadka ku hawlani. Munaasibadda carwada oo lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qaybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, xubno kamid ah golaha wasiirrada, saraakiisha ugu sarraysa wasaaradda horumarinta Caafimaadka, kullliyadaha kala duwan ee dhinaca Caafimaadka ee jaamacadaha dalka ka jiraa leeyihiin, hay’adaha qaramada midoobay ee dhinaca caafimaadka ka shaqeeya, shirkadaha kala duwan ee ka ganacsada agabka caafimaadka, dhakhaatiir iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana halkaas laga jeediyey hadallo salka ku haya muhiimadda uu caafimaadku nolosha u leeyahay, cudurrada kusoo badanaya bulshada Somaliland iyo dedaalka ay wasaaradda horumarinta Caafimaadku ugu jirto sidii loo daryeeli lahaa caafimaadka bulshada Somaliland. Drs. Edna Aadan Ismaaciil oo ugu horrayn madasha ka hadashay, ayaa ku dheeraatay muhiimadda ay leedahay daryeelka caafimaadka Bulshada iyo ka wada-tashiga sidii looga hortegi lahaa cudurrada halista ku haya nolosha bulshada reer Somaliland, waxana ay hay’adaha caalamiga ee dhinaca caafimaadka ka shaqeeya ka costaday inay xil gaar ah iska saaraan sidii meesha looga saari lahaa xannuuno aan hore u jiri jirin oo lagu arkay Hooyooyin iyo dhallaanka reer Somaliland. Wasiirka wasaaradda Horumarinta Somaliland, Mudane Cumar Cali Cabdilaahi oo hadal dhinacyo badan taabanaya madasha ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday dedaalka ay wasaarad ahaan ugu jiraan daryeelka bulshada ee dhinaca caafimaadka, isaga oo xusay inay wasaaradda uu masuulka ka yahay ku dedaashay sidii adeegga caafimaadka iyo agabka lagama maarmaanka ahba u gaadhsiin lahayd deegaannada caasimadda ka durugsan ee dalka. Sidoo kale, waxa uu wasiirku shaaciyey in carwada caafimaadka ee ka furantay caasimaddu ay wasaarad ahaan iyagu soo abaabuleen, ugana gol leeyihiin sidii looga wada-tashan lahaa horumarinta caafimaadka oo hawlbawle u ah nolosha ummadda, islamarkaana uu muddo saddex maalmood ah oo ay carwadani socon doonto ay barbar wadayaan shirar kala duwan oo lagu gorfaynayo caafimaadka guud ee qaranka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi hadal ka jeediyey carwada caafimaadka lagu furayey, ayaa ugu horrayn bogaadiyey bahda caafimaadka ku hawllan, isaga oo xirfadle kasta oo caafimaadka ka shaqeeya ku sifeeyey mujaahid badbaadinta shacabkiisa nafta u huray, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Inaad shirkan isugu timaaddeen oo ka tashanaysaan sidee ummaddiina loo daaweeyaa iyo sidee loo daryeelaa aad iyo aad baan idiinku hambalyeynayaa, waanan idinku garab gelayaa, waanan idinku dhiirrigelinayaa, waxa kale oo aan doonayaa inaan idiin qiro in Innanta maanta baranaysa Kalkaalisinimada ama ummulisada, ama inanka baranaysa kalkaaliyenimada in haddii cidi mujaahid tahay aad dhammaantiin mujaahidiin tihiin.” Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu si rasmi ah xadhiga uga jaray carwada caafimaadka, isaga oo mid mid usoo kormeeray goobo ay kulliyada caafimaadka ee qaar kamid ah jaamacada dalka iyo ganacsatada ka ganacsata agabka kala duwan ee caafimaadku kusoo bandhigayeen waxyaabaha ay qabtaan iyo agabka ay keenaan. Wa-bilaahi Tawfiiq Source
-
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa muddo hal sano ku kordhiyey cunaqabateynta hubka ee weli saaran Soomaaliya. Dowladda UK ayaa soo jeedisay qaraarkan, iyadoona ay 12 dal u codeeyeen in cunaqabateynta sii saarnaato Soomaaliya. Codeynta oo ka dhacday magaalada New York ee xarunta guud ee QM ayaa waxaa qaraarkaasi ka aamusay dalalka Ruushka China iyo Equatorial Guinea. Qaraarkan ay golahu ku cusbooneysiiyeen cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay inay muhiim tahay in la dhowro. Dhinaca kale danjiraha Soomaaliya u jooga Qaramada Midoobay, Amb. Abuukar Baalle oo ka hadlay muddada sanadka ah ee lagu kordhiyey cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay go’aankaasi. Soomaaliya ayaa waxaa markii ugu horreysay cunaqabateynta la saaray bishii Janaayo ee sannadkii 1992-kii, xilligaas oo ay burburtay dowladdii dhexe ee dalka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Duhur-16112019-ok.mp3 View the full article
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Madaxweyne Farmaajo ayaa maalmihii uu ku sugnaa Nairobi, caasimadda Kenya, halkaas oo uu kaga qeybgalay shir uu UN-ka soo agaasimay, wuxuu la kulmay xeer-ilaaliyaha guud ee Qadar Dr. Ali bin Fetais Al Marri. Dr. Ali bin Fetais Al Marri ayaa dhankiisa wuxuu booqasho ku joogay magaala madaxda dalka dhaca geeska qaaradda hodanka ah ee Afrika. Shirweynaha oo saddex maalin socday ayaa waxaa diiradda lagu saarey sidii horumarinta dadka iyo dhalinyaradda loogu dari lahaa ajandeyaasha caalamka. Madaxweyne Farmaajo iyo Dr. Ali bin Fetais Al Marri ayaa iska wada hadlay xaalada labada dal, xiriirkooda, iyagoo isla gartay in labada dal ay iska kaashadaan xoojinta shuruucda iyo la dagaalanka musuq maasuqa. Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa safiirka xukuumadda Doxa u fadhiya waddanka Kenya, kaasoo lahaa qaban qaabada isu keenida labada Mas’uul, sida ay qortay Warbaahinta dalka Qatar. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qarisay kulanka, iyadoo qeybtooda Warfaafinta aysan Saxaafada u soo bandhigin kulanka magaalada Nairobi ku dhex maray Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Dr. Ali bin Fetais Al Marri maalin ka hor. Qadar ayaa kamid ah dowladaha aadka ugu dhow maamulka Farmaajo, isla markaana ka taageerta dhanka maaliyadda iyo dhismaha ciidamadda, iyadda oo dhowaan ku wareejisay saanad ciidan iyo gaadiid dagaal. Halkaan ka daawo Xasan Shiikh iyo Shiikh Shariif oo loo ogolaaday banaanbax ay Muqdisho ku qaban rabaan Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
16th November 2019 War-saxaafadeed Ururada madaxa-baan oo war-saxaafadeed ka soo saaray muranka gudida doorashooyinka Is-bahaysiga Ururada Madaxa-banaan ee Somaliland (ISCO Somaliland) waxaay si dhow ula socotay geediga doorashooyinka Somaliland ee looga gol lahaa in la qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo deegaanka ee dib u dhaca badani ku yimi, gaar ahaan dadaalada ay xisbiyada siyaasadeed ugu jireen inay ka gaadhaan heshiis khilaafka ka dhashay Gudida Doorashooyinka si loo bilaabo diyaar-garawga doorashooyinka. 27 July 2019 sadexda xisbi ee Somaliland waxaay ka heshiiyeen muranka jiitamay ee ku saabsanaa xubnaha Gudida Doorashooyinka, heshiiskaas oo shacabka Somaliland ku abuuray rajo iyo yididiilo ay u qaadeen in la soo af-jaro dib u dhaca qayral dasstuuriga ah ee su’aasha geliyay dimoqraadiyadda Somaliland. Kadib markii Guurtida iyo xisbiayda mucaaradka ahi ay soo magacawdeen xubnohoodii, Madaxawynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu u gudbiyay Golaha Wakiilada todobada xubnood si ay u ansixiyaan. Nasiibdarro, xisbiga Waddani wuxuu ku dhawaaqay inaanu ku faraxsanayn laba ka mid ah sadexda xubnood ee uu magacaabay madaxwaynuhu. Wuxuu ku dooday Waddani in Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac) aanu buuxin shuruudaha sharcigu u dhigay, halka uu ku dooday in Kaltuun Xasan Cabdi ay ka mid ahayd xubnihii hore ee Waddani ka cawday. Xisbiga UCID wuxuu ku raacsan yahay Waddani diidmada ka dhanka ah Cabdirashiid Riyo-raac. Xisbiga Waddani wuxuu la noqday xubintii uu soo magacaabay. 12kii November ayuu Golaha Wakiiladu ansixiyay lix xubnood oo uu ka mid yahay kuwii mucaaradku diiday. Labada xisbi ee mucaaradka ahi waxay sheegeen inaanay ka qayb noqon doonin doorashada inta Cabdirashiid Riyo-raac ka mid yahay Gudida Doorashooyinka. Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaani markay derseen ee ay kormeer joogto ah ku sameeyeen arimaha doorashooyinka, waxaay iskugu yimaadeen shir 16 November 2019. ISCO Somaliland waxaay si wayn uga walaacsan tahay halka ay marayso dimoqraadiyadda Somaliland. Dastuur ahaan waa dimoqraadi Somaliland, balse waxaay jebisay dastuurkeedii. Waxaanu si aad iyo aad ah uga xunahay in Somaliland ku guuldaraysatay inay qabato doorashooyinka Golaha Guurtida oo joogay tan iyo 1997, Golaha Wakiilada (tan iyo 2005) iyo Golayaasha Deegaanada (tan iyo 2012). Si dimoqraadiyadu u jirto, ISCO waxaay aaminsan tahay in doorashooyinka lagu qabto xiligooda. Dal iska indho tira isku xukunka sharciga, aan tixgelin siin qanuunka doorashooyinka, islamarkaana ka hor-istaago shacabku inuu doorto hogaankiisa, laguma tilmaami karo dimoqraadi. ISCO Somaliland waxaay soo jeedisay talooyinka soo socda: Xisbiyada mucaaradka ü Inay ka go’naato inay ka qayb-galaan doorashooyin lagu qabto xiligooda oo ay u muujiyaan rabitaan in kor loo qaado qiyamka dimoqraadiyadeed. Madaxwaynaha Somaliland iyo xisbiga talada haya ü Inay ixtiraamaan dasatuurka iyo isku xukunka sharciga; ü Inay ixtiraamaan baahida shacabka u qabo inay codeeyaan si ay u helaan cid cusub oo ku metesha Baarlamaanka iyo golayaasha deegaanada; ü Inay wax ka qabtaan cabashooyinka mucaaradku ka qabo Gudida Doorashooyinka; ü Inay la yimaadeen hab feker cusub oo hal abuur leh oo mudnaanta siinaya in la qabto doorashooyinka raagay si loo af jaro dib u dhaca doorashooyinka iyo mudo kordhimaha la caadaystay iyo in la badbaaadiyo dimoqraadiyadda dalka. Bulshada rayidka ah ü Inay ka ciyaaraan door firfircoon geedi socodka dimoqraadiyada iyo inay xisaabiyaan madaxda. Bulshada rayidka ahi waa inay la saftaan xuquuqda aasaasiga ah ee shacabku u leeyihiin inay codeeyeen iyo inay ka qayb qaataan si loo ilaaliyo mabaadida dimoqraadiga ah iyo in la ilaaliyo dastuurka. Talo ku socota xubnaha lagu muransan yahay ee Gudida Ujeedada Gudida Qaran ee Doorashooyinku waa inay u garnaqaan murashixiinta. Hadii xisbiyada mucaaradka oo ah cidii aad u qaban lahaydeen doorashadu aanay rabin oo aanay kalsooni ku qabin garsoorkiina, waxa haboon oo aanu ku talinaynaa inaad taas ixtiraamtaan oo aad iska casishaan xilka la idiin magacaabay. Baarlamaanka Somaliland ü Ixtiraama isku xukunka sharciga iyo dastuurka; ü Ixtiraama dadka idin doortay 2005 oo taageera dadaalka loogu jiro in la helo xubno cusub. ü Inaad iska fadhidaan kuraasta baarlamaanka iyada oo aan doorasho dhicin waxaay ka soo horjeedda dastuurka, waxaayna su’aal gelinaysaa dimoqraadiyadda Somaliland iyo sharcinimada hay’adaha dalka. ü Waxaanu kula talinaynaa xubnaha Baarlamaanka inay ixtiraamaan dimoqraadiyadda oo ay baneeyaan kuraasta. ü Golaha Guurtid waa inaanay samayn kordhin cusub. Golayaasha deegaanada ü Ixtiraama isku xukunka sharciga; ü Xilkii la idiin doortay wuu dhacay, mana jirto korodhsiimo la idin siiyay. Faldan ixtiraama shacabkii idin doortay shanta sanadood oo ka bilaabmayay sanadkii 2012. ü Baneeya kuraasta oo xilka ku wareejiya xogahayayaasha fulinta. Xubnaha ISO Somaliland 1. Centre for Policy Analysis 2. Centre for Youth Empowerment, 3. COMPAD Human Rights and Community Organization 4. Garsoor Social Development organization 5. Horseed Organization 6. Hope Development organization 7. Human Rights Centre 8. Solidarity Youth Voluntary Organization (SOYVO) 9. Somaliland Street Children Rehabilitation Centre 10. Somaliland Women Association (SOWA) 11. Somaliland Women Development Centre (SOWOD) 12. Voice for Somaliland Women Minority Organization (VOSOMWO) 13. Hodan Women Relief Organization Wixii faah-faahin ah kala xidhiidh: Maria Abdilahi Gahayr Phone: +252 634777044 Email: iscosomaliland@gmail.com Twitter: @ISCOSomliland 16th November 2019 Press statement ISCO Statement on the Political Parties’ Dispute Over NEC The Independent Somaliland Civil Society Organizations (ISCO Somaliland) has been following closely the Somaliland’s electoral process aimed to hold the long overdue elections of the Parliament and local councilors, particularly, the political parties’ efforts to reach a common agreement about their differences over the National Electoral Commission, which has been the main challenge to commence the preparation of the elections. 27 July 2019, the three political parties reached an agreement on the prolonged dispute over the composition of the National Electoral Commission, which created a hope for the people of Somaliland and raised expectations in ending the unconstitutional election postponements which question Somaliland’s democratic credentials. After receiving nominations from the Guurti (2 members) and the opposition parties (2 members), the President nominated three members and submitted the seven nominees to the House of Representatives for approval. Unfortunately, WADDANI, an opposition party, announced that they are not happy with two out of the three members nominated by the president, arguing that Abdirashid Mohamoud Ali (aka Riyoraac) does not fulfil the requirement set out in the Election Law (Law No. 20/2001), which prohibits a member of a party to be appointed to the electoral body. Additionally, WADDANI opposes Kaltun Hassan Abdi, arguing that she is a member of the current Commission which WADDANI does not trust. UCID, the other opposition party, agrees with WADDANI in its rejection of Abdirashid. As a result of its new complaint, WADDANI withdrew its nominated member and insisted on their position. On 12th November, the House of Representatives approves six members including those rejected by the opposition parties. Both opposition parties, UCID and WADDANI, refused to participate in an election presided by the disputed member, Abdirashid. After election observations and monitoring, the taskforce of ISCO Somaliland discussed on 16th November 2019 the situation. ISCO is very worried about the status of Somaliland’s democracy. Somaliland is a democratic country by the constitution, but practically it violated its constitution. We express our deepest regret that Somaliland failed to hold elections for the Guurti (House of Elders), which has been in office since 1997, the House of Representatives (since 2005) and Local Councilors (since 2012). For democracy to exist, ISCO believes elections must be held on time. A country which ignores rule of law, does not consider its electoral legal process and deprives the people’s representations in the country’s leadership cannot call itself a democratic country. Following are our recommendations: To the opposition Parties ü Come up a full commitment for participating in elections on time and show a willingness to uphold democratic values. To the president and the Ruling Party ü Respect the constitution and the rule of law ü Respect the people’s need to cast their votes to get new representation in the Parliament and local councillors, ü Address the opposition’s complaints against the electoral commission. ü Think out of the box and give priority in holding the long-overdue elections to end the frequent election delays and extensions and salvage the country’s democracy. To the Civil Society ü Play an active role in the democratization process and hold leaders into account. Civil society groups should side with the people’s fundamental right to vote, and should actively engage by upholding the democratic principles and protection of constitutionalism. To the disputed nominated members of the commission ü The aim of the National Electoral Commission is to adjudicate contenders. If the opposition parties which are your stakeholders do not want and trust your adjudication at all, it is better and recommended to respect them, and withdrew yourself from the assigned responsibility. To the Parliament ü Respect the rule of law and the supremacy of the Constitution. ü Respect the people who elected you in 2005, and support efforts to get new parliamentarians. ü Sitting the parliamentary seats without elections is contrary to the constitution questions the democratic credentials of Somaliland and legitimacy of institutions. We recommend to the members of the Parliament to respect the democracy of the country and vacate the parliamentary seats for your own. ü The Guurti (House of Elders) should refrain from making further extension of terms. To the local Councilors ü Respect the Rule of Law ü Your office term is expired and you have no any extended term. Please respect the people who elected you five years in 2012. ü Vacate the office and transfer the responsibilities to the local government’s executive secretaries About ISCO Independent Civil Society Organizations Coalition (ISCO Somaliland) is a coalition for the independent civil Society organization of Somaliland to cooperate on areas of democracy and civil rights. ISCO Somaliland will always act in accordance for the best interest of democracy and civic space based on the constitutional principles and international standards. ISCO Somaliland is committed to sustaining an independent and vibrant network of civil society actors and groups that are responsive and accountable to the people. ISCO members are based on the six regions of Somaliland. Qaran News
-
16th November 2019 War-saxaafadeed Ururada madaxa-baan oo war-saxaafadeed ka soo saaray muranka gudida doorashooyinka Is-bahaysiga Ururada Madaxa-banaan ee Somaliland (ISCO Somaliland) waxaay si dhow ula socotay geediga doorashooyinka Somaliland ee looga gol lahaa in la qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo deegaanka ee dib u dhaca badani ku yimi, gaar ahaan dadaalada ay xisbiyada siyaasadeed ugu jireen inay ka gaadhaan heshiis khilaafka ka dhashay Gudida Doorashooyinka si loo bilaabo diyaar-garawga doorashooyinka. 27 July 2019 sadexda xisbi ee Somaliland waxaay ka heshiiyeen muranka jiitamay ee ku saabsanaa xubnaha Gudida Doorashooyinka, heshiiskaas oo shacabka Somaliland ku abuuray rajo iyo yididiilo ay u qaadeen in la soo af-jaro dib u dhaca qayral dasstuuriga ah ee su’aasha geliyay dimoqraadiyadda Somaliland. Kadib markii Guurtida iyo xisbiayda mucaaradka ahi ay soo magacawdeen xubnohoodii, Madaxawynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu u gudbiyay Golaha Wakiilada todobada xubnood si ay u ansixiyaan. Nasiibdarro, xisbiga Waddani wuxuu ku dhawaaqay inaanu ku faraxsanayn laba ka mid ah sadexda xubnood ee uu magacaabay madaxwaynuhu. Wuxuu ku dooday Waddani in Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac) aanu buuxin shuruudaha sharcigu u dhigay, halka uu ku dooday in Kaltuun Xasan Cabdi ay ka mid ahayd xubnihii hore ee Waddani ka cawday. Xisbiga UCID wuxuu ku raacsan yahay Waddani diidmada ka dhanka ah Cabdirashiid Riyo-raac. Xisbiga Waddani wuxuu la noqday xubintii uu soo magacaabay. 12kii November ayuu Golaha Wakiiladu ansixiyay lix xubnood oo uu ka mid yahay kuwii mucaaradku diiday. Labada xisbi ee mucaaradka ahi waxay sheegeen inaanay ka qayb noqon doonin doorashada inta Cabdirashiid Riyo-raac ka mid yahay Gudida Doorashooyinka. Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaani markay derseen ee ay kormeer joogto ah ku sameeyeen arimaha doorashooyinka, waxaay iskugu yimaadeen shir 16 November 2019. ISCO Somaliland waxaay si wayn uga walaacsan tahay halka ay marayso dimoqraadiyadda Somaliland. Dastuur ahaan waa dimoqraadi Somaliland, balse waxaay jebisay dastuurkeedii. Waxaanu si aad iyo aad ah uga xunahay in Somaliland ku guuldaraysatay inay qabato doorashooyinka Golaha Guurtida oo joogay tan iyo 1997, Golaha Wakiilada (tan iyo 2005) iyo Golayaasha Deegaanada (tan iyo 2012). Si dimoqraadiyadu u jirto, ISCO waxaay aaminsan tahay in doorashooyinka lagu qabto xiligooda. Dal iska indho tira isku xukunka sharciga, aan tixgelin siin qanuunka doorashooyinka, islamarkaana ka hor-istaago shacabku inuu doorto hogaankiisa, laguma tilmaami karo dimoqraadi. ISCO Somaliland waxaay soo jeedisay talooyinka soo socda: Xisbiyada mucaaradka Inay ka go’naato inay ka qayb-galaan doorashooyin lagu qabto xiligooda oo ay u muujiyaan rabitaan in kor loo qaado qiyamka dimoqraadiyadeed. Madaxwaynaha Somaliland iyo xisbiga talada haya Inay ixtiraamaan dasatuurka iyo isku xukunka sharciga; Inay ixtiraamaan baahida shacabka u qabo inay codeeyaan si ay u helaan cid cusub oo ku metesha Baarlamaanka iyo golayaasha deegaanada; Inay wax ka qabtaan cabashooyinka mucaaradku ka qabo Gudida Doorashooyinka; Inay la yimaadeen hab feker cusub oo hal abuur leh oo mudnaanta siinaya in la qabto doorashooyinka raagay si loo af jaro dib u dhaca doorashooyinka iyo mudo kordhimaha la caadaystay iyo in la badbaaadiyo dimoqraadiyadda dalka. Bulshada rayidka ah Inay ka ciyaaraan door firfircoon geedi socodka dimoqraadiyada iyo inay xisaabiyaan madaxda. Bulshada rayidka ahi waa inay la saftaan xuquuqda aasaasiga ah ee shacabku u leeyihiin inay codeeyeen iyo inay ka qayb qaataan si loo ilaaliyo mabaadida dimoqraadiga ah iyo in la ilaaliyo dastuurka. Talo ku socota xubnaha lagu muransan yahay ee Gudida Ujeedada Gudida Qaran ee Doorashooyinku waa inay u garnaqaan murashixiinta. Hadii xisbiyada mucaaradka oo ah cidii aad u qaban lahaydeen doorashadu aanay rabin oo aanay kalsooni ku qabin garsoorkiina, waxa haboon oo aanu ku talinaynaa inaad taas ixtiraamtaan oo aad iska casishaan xilka la idiin magacaabay. Baarlamaanka Somaliland Ixtiraama isku xukunka sharciga iyo dastuurka; Ixtiraama dadka idin doortay 2005 oo taageera dadaalka loogu jiro in la helo xubno cusub. Inaad iska fadhidaan kuraasta baarlamaanka iyada oo aan doorasho dhicin waxaay ka soo horjeedda dastuurka, waxaayna su’aal gelinaysaa dimoqraadiyadda Somaliland iyo sharcinimada hay’adaha dalka. Waxaanu kula talinaynaa xubnaha Baarlamaanka inay ixtiraamaan dimoqraadiyadda oo ay baneeyaan kuraasta. Golaha Guurtid waa inaanay samayn kordhin cusub. Golayaasha deegaanada Ixtiraama isku xukunka sharciga; Xilkii la idiin doortay wuu dhacay, mana jirto korodhsiimo la idin siiyay. Faldan ixtiraama shacabkii idin doortay shanta sanadood oo ka bilaabmayay sanadkii 2012. Baneeya kuraasta oo xilka ku wareejiya xogahayayaasha fulinta. Xubnaha ISO Somaliland Centre for Policy Analysis Centre for Youth Empowerment, COMPAD Human Rights and Community Organization Garsoor Social Development organization Horseed Organization Hope Development organization Human Rights Centre Solidarity Youth Voluntary Organization (SOYVO) Somaliland Street Children Rehabilitation Centre Somaliland Women Association (SOWA) Somaliland Women Development Centre (SOWOD) Voice for Somaliland Women Minority Organization (VOSOMWO) Hodan Women Relief Organization Wixii faah-faahin ah kala xidhiidh: Maria Abdilahi Gahayr Phone: +252 634777044 Email: iscosomaliland@gmail.com Twitter: @ISCOSomliland Qaran News
-
Xasan Daahir Aweys wuxuu dhashay sanadii 1935 waa siyaasi Soomaali ah oo caan ah kaasi oo ay Mareekanka ku dareen liiska argagaxisada sanadii 2001. Aweys wuxuu ahaa madaxa ugu sareeyay ee golasha maxaakiinta Islaamiga ka koobnaayeen 90-xubnood waxaana loo arkay inuu ahaa midka ugu xag jirsanaa ururka maxaakiinta Islaamiga ahaa kaasi oo xukunk Shareecada wax ka dajiyay sidoo kalena toos ayay kaga amar qaadan jireen maleeshiyaadkii maamuli jireen caasimada Soomaaliya ee Muqdisho June 2006. Marka loo eego gudiga fulinta oo 8-xubnood ka koobnaayeen waxaa hogaamin jiray shiikha qunyur socodka ahaa Shariif Shiikh Axmed. Hadda ka hor BBC-da waxay dhahday “Weli ma caddo midka awooda badan Sharif iyo Aweys. Waxaana xusid mudan in Aweys hogaankii mddowga maxaakiina Islaamiga inuu iska casilay 28-kii December 2006 waana markii maamulka iyo xukunkii maxaakiinta Islaamiga uu soo idlaaday. Taariikhda Xasan Daahir Aweys: Markii dalka ka talineesay dowladii Maxamed Siyaad Barre waxaa xusid mudan in Aweys uu ahaa Korneel ciidamada qaranka Soomaaliya ka tirsanaa wuxuuna ka qayb qaateen dagaalkii 1977 ee Soomaaliya iyo Itoobiya dhex maray markaasna wuxuu ka mid noqday geesiyaashii dagaalka ka qayb qaateen ee kartidooda la bogaadiyay. 1994 ilaa 2002: Aweys iyo waayihiisii Al – Itihaad Al Islaamiya (AIAI): Xasan Daahir Aweys wuxu qayb ka ahaa ururkii Al – Itihaad Al Islaamiya (AIAI) ee inta badan la wareegay Soomaaliya kadib markii dowladdii dhexe bur burtay. Laga soo bilaabo 1991 ilaa 1998 ururkan barta ay awooda ugu weyn ku lahaayeen waxay ahayd gobolka Gedo waxaana hogaamin jiray xaakimkii hore ee dowlada Soomaaliya Maxamed Haaji Yuusuf wuxuuna lahaa ciidan awood badan oo aan la loodin karin. Waxaana xusid mudan degmooyinka ugu caansan gobolka Gedo sida Luuq, Balad Haawo, Buurdhuubo waxaana dhacday Aweys markii dambe inuu Shabeelada Hoose iska soo dagay oo uu xarun ciidan ka sameestay kadib markii lagu murmay qilaaf ahaan cidda hogaamineyso Al Itixaad gaar ahaan degaanka Luuq maamulka laga sameeyay. Halkaan hoose ka daawo Taariikhdiisa oo dhameystiran
-
NAIROBI (HOL) - Somalia has described the arms embargo imposed by the UN Security Council as an open-ended regime with no benchmarks to attain before it is lifted. Source: Hiiraan Online
-
Mudanayaasha Baarlamanka dowladda Puntland, ayaa maanta oo Sabtiya cod aqlabiyad leh ku ansixiyay, guddiga doorashooyinka ku meel gaarka Puntland ee (TPEC). Kulanka maanta oo uu shir-guddoominayey, guddoomiyaha cusub ee Baarlamanka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa waxa soo xaadiray 50 mudane oo dhammaantood cod gacan-taag ah ku ansixiyay guddiga doorashooyinka ku meel gaarka ah ee Puntland. Guddiga ayaa ka hor inta aan codka kalsoonida loo qaadin, waxa ay warbixin ka hor-jeediyeen xildhibaannada golaha wakiilada, warbixintaasi oo ay ku soo bandhigeen arrimaha u qabsoomay mudadii koobneyd ee ay xilka hayeen. Guddiga doorashooyinka Puntland ,ayaa waxa horyaalla shaqooyin muhiima oo ay kamid yihiin; diiwaan-gelinta urur-siyaasadeedyada, diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha, xuduudaynta degmooyinka Puntland iyo qabashada doorashooyinka golayaasha degaanka. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo ansixiyay guddiga doorashooyinka Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dooxa ee xarunta dalka Qatar. Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdigiisa ayaa mas’uuliyiinta dowladda Qatar la yeelanaya kulamo looga hadlayo xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa kasoo laabtay safar shaqo oo uu kusoo maray Faransiiska iyo Belgium, halkaas oo ka qayb galka madasha nabadda Paris kadib uu kulamo kala duwan kula soo qaatay qaar kamid ah madaxda Midawga Yurub iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday dowladaha Caalamka. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Magaalada Dooxa Ee Dalka Qatar appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta gaaray magaalada Dooxa ee Caasimada dalka Qatar. Wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha ayaa waxa halkaasi si diiran ugu soo dhoweeyey madaxda sare ee dalkaasi. Ujeedka safarka Ra’iisul wasaare Khayre aya ah sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal, iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha. Sidoo kale mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa ka wada hadli doono xaaladda dalka, gaar ahaan fatahaadihii ugu dambeeyey ee ku dhuftya qeybo ka mid ah Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa maalmihii la soo dhaafay safar shaqo ku joogay Faransiiska iyo Belgium, isagoona ka soo qeyb galay shirka nabadda Paris. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bartiisa Twitter-ka ku weeraray safiirkii hore ee Mareykanka ee dalka Ukraine, Marie Yovanovitch, iyadoo ay socoto dhegeysiga caddeymaha xil ka qaadista. “Meel walba oo ay Marie Yovanovitch aadday way xumaatay,” Mr Trump ayaa sidaasi qoray. “Waxay ka bilowday Somalia, sidee ayay taasi noqotay?” Mar arrintaasi wax laga weydiiyay, ayay Ms Yovanovitch ugu yeertay “mid hanjabaad ah”. Mr Trump ayaa mar kale soo jawaabay, isagoo ku doodaya in qoraalladiisa aysan ahayn kuwo hanjabaad ah. Wuxuu weriyeyaasha u sheegay inuu daawaday qeyb ka mid ah dhegeysiga caddeymaha, isla markaana uu u arko mid sharaf dhac ah. Maxaa ka dhacay goobta dhegeysiga? Iyadoo si toos ah ugu jawaabeysa qoraalka Twitterka ee Mr Trump, oo u muuqday mid iyada lagu cambaareynayo inay qas ka abuurtay Somalia, ayay Ms Yovanovitch ku jawaabtay: “Uma maleynayo inaan leeyahay awood noocaas ah, kuma lihi Mogadishu iyo Somalia iyo meel kaleba. “Waxaan run ahaantii u maleynayaa in meelaha aan ka soo shaqeeyay sanadaha badan aniga iyo dadka kaleba ay ka dhigeen meel walaagsan, waad ogtahay, gudaha Mareykanka iyo sidoo kale dalalka kale ee aan ka soo shaqeeyay. Jawaabteeda ayaa si toos ah telefishinnada looga baahiyay. Adam Schiff, oo ah madaxa Guddiga Sirdoonka ee Dimuqraaddiyiinta ee korjoogtada ka ah dhegeysiga caddeymaha xil ka qaadista, ayaa sheegay in qoraallada Twitter-ka ee madaxweynaha ay u muuqdaan kuwo loogu hanjabayo marqaatiga. Muxuu ku saabsan yahay dhegeysiga caddeymaha xil ka qaadista? Dhegeysiga caddeymaha xil ka qaadista ayaa lagu baarayaa haddii madaxweyne Trump uu joojiyay gargaar milatari oo uu Mareykanka siin lahaa Ukraine si uu cadaadis ugu saaro madaxweynaha cusub ee dalkaa inuu baaritaan musuqmaasuq ku bilaabo imadaxweyne ku xigeenkii hore Joe Biden, oo haatan ah musharrax dooarshada Mareykanka. Mr Trump ayaa beeniyay inuu wax khalad ah sameeyay, isagoo xil ka qaadista ku tilmaamay “mid lagu dhibaateynayo madaxtinnimadiisa”. Ms Yovanovitch oo fadhigeedu ahaa magaalada Kyiv ayaa shaqada laga cayriyay bishii May, labo bilood kahor markii uu soo ifbaxay wada sheekeysigii telefoonka ku dhex maray Trump iyo dhiggiisa Ukraine Volodymyr Zelensky, kaasoo haatan udub dhexaad u ah caddeymaha. Bbcsomali Qaran News
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliyahaya qeybta 21-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Cabdicasiis Cabdullaahi Qooje oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada Milatariga dowladda ay la wareegeen ammaanka deegaanka Gadoon oo hoosyimaada magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Taliye Qooje ayaa sheegay in dhowaan deegaankaasi la geyn doono ciidamo Boolis ah oo ka howlgala halkaasi, kana shaqeeya nabad galyada. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay mas’uuliyad gaar ah iska saari doonto ammaanka gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Ugu dambeyn taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka Xoogga dalka ayaa shaaciyey inay labo jibaari doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay ka wadaan deegaanada maamulka Galmudug, si looga saaro guud ahaan gobolada Galgaduud iyo Mudug. Gadoon ayaa noqonaya deegaankii ugu dambeeyey ee lagala wareegay Ahlu Sunna Waljamaaca oo haatan si weyn isku hayaan dowladda dhexe ee Soomaaliya. Xiisada u dhexeysa dowladda iyo Ahlu Sunna oo ka dhalatay maamul u sameynta Galmudug ayaa sii xoogeysaneya, mana jiro isku soo dhawaansho labada dhinac ah. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com =
-
Wasaaradda Qorshaynta iyo maalgashiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay warbixinta sicirka suuqa ee October iyo September 2019,taas oo qeyb ka ah warbixinta bilaha ee sicirka suuqyada dalka. Dhammaan Tusaha Sicirka Badeecadaha (TSB) bisha October 2019 ayaa noqday 116.25, marka la barbardhigo 116.07 ee bishii September 2019. Isbedelka labada bilood u dhexeeya, October iyo September 2019 ayaa hoos u dhacu gaaray 0.15% Markala barardhigo sare u kacii bishii hore ee September 2019 oo gaaray 0.57%. Bisha Oktoobar, sare u kaca isbedel bille ee Qiimaha Gaadiidkalagu raaco ayaa gaaray (+2.11%). Sare ukaca ugu badan ayaa ka yimid shidaalka iyo saliida gawaarida oo gaaray (+9.01%) (Jaantus 2). Guud ahaan, sicir bararka 12kii bilood ee la soo dhaafay ee bisha Oktoobar 2019 ayaa muujinaya in dhammaan qeybaha TSB hoos u dhacay 4.15% ee heerka cabirka sicir bararka, Marka la barbardhigo 12 Bilood eebishii Sebteembar 2019 oo ahaa 5.17% . PUNTLAND POST The post Wasaaradda Qorshaynta Xukuumadda Soomaaliya oo warbixin ka soo saartay sicirka Suuqyada dalka appeared first on Puntland Post.
-
The United Nations Security Council added ingredients for home-made explosive devices that are increasingly being used by the Al-Shabaab militant group to an arms embargo on Somalia Friday. The British-drafted resolution prevents the sale, supply, and transfer of several chemical materials as it noted a surge in homemade bomb attacks by the Al-Qaeda-linked group. The addition follows a recommendation by UN experts in October that the embargo should restrict access to the chemicals it said Al-Shabaab had been using to manufacture IEDS since at least July 2017. Members passed the resolution — which renews the partial lifting of the arms embargo on Somali security forces until December 2020 — by 12 votes to zero. There were three abstentions. Al-Shabaab has been waging an insurgency against Somalia’s foreign-backed government for over a decade and, while it has lost ground, continues to stage deadly attacks. In September it claimed responsibility for a gun and bomb attack on a US base about 70 miles (110 kilometers) northwest of the capital Somali Mogadishu. The Shabaab claimed they had killed dozens in the attack, however, the US Mission to Somalia and a Somali military official said there were no casualties. View the full article
-
Officials from Turkey and Somalia met on Friday in Mogadishu to discuss crucial issues concerning the two countries. Somalia’s Energy and Water Resources Minister Fawzia Mohamed Sheikh received Turkey’s Ambassador to Mogadishu Mehmet Yilmaz in her office in the capital. Topping the meeting agenda was the floods in Somalia last month which left over 370,000 people displaced, mostly children. Local media quoted the Somali official asking for Turkey’s support to “prevent recurrent floods in the rivers, which are difficult to handle and cause more damage to the society.” Turkey’s Yilmaz, on his part, promised more support for Somalia as his country has provided in the Horn of Africa country since 2011. Since 2011, Turkish Cooperation and Coordination Agency (TIKA) has taken part in over 150 projects in Somalia that include humanitarian and developmental aid. The meeting came a day after the United Nations issued a statement, saying a combined $18.7 million has been released from the UN Central Emergency Response Fund (CERF) and the Somalia Humanitarian Fund (SHF) to scale up the life-saving assistance to just over half a million people affected by floods in Somalia. The UN warns the risks of malnutrition and diseases outbreak such as malaria and acute watery diarrhea remains a concern in many flood-affected settlements. *Mohammed Dhaysane in Mogadishu contributed to this story View the full article
-
Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa waxay sheegayaan in goor dhow ay xildhibaannada Puntland codka kalsoonida ah siiyeen guddiga doorashooyinka maamulkaasi (TPEC) Kulanka maanta waxaa shir guddoominayey guddomiyaha baarlamaanka Puntland, C/rashiid Yuusuf Jibriil, iyadoo xildhibaannadu meelmariyeen guddigaasi. Mudanayaasha baarlamaanka Puntland ayaa kula dardaarmay guddiga TPEC in shaqadooda dardargeliyaan, islamarkaana kasoo dhalaalaan waajibaadka saaran. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland ayaa ansixiyey guddiga kumeel gaarka ee doorashada maamulkaasi, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. Kulankan oo ahaa kii horreeyey oo ay yeeshaan golaha wakiilada Puntland, kadib xil ka qaadistii Cabdixakiin Dhoobo Daareed ayaa waxaa shir guddoomiyey, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo dhowaan loo doortay xilkaasi. Madanayaasha baarlamaanka ayaa gacan taag, kadib cod aqlabiyad leh ku meel mariyey guddiga doorashooyinka Puntland. Sidoo kale xildhibaanada ayaa ka dalbaday xubnaha guddiga inay si wanaagsan u gutaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday. Guddiga la ansixiyey ayaa waxaa horyaalla shaqooyin muhiim ah oo ay ka mid yihiin diiwaan-gelinta urur-siyaasadeedyada, diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha, xuduudeynta degmooyinka iyo qabashada doorashooyinka golayaasha deegaanka. Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa guddigan oo ka kooban sagaal xubnood ku dhawaaqay 14-kii bishii Ogoosto ee sanadkan 2019-ka. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
