Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,481
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Jabuuti)-Sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo diplomaasiyadeed Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa kulan deg-deg ah isugu yeedhayo Xubanaha urur Gobolleedka IGAD. Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa doonayo inuu kulankaan deg-deg ah dhaco ka hor inta aan lagu dhawaaqin cidda noqoneyso Guddoomiyaha Urur Goboleedka IGAD. Waxaa jiro khilaaf xoog leh oo ka taagan cidda qabaneyso xilalka habsami u socodka howlaha Urur Goboleedka IGAD, waxaana isku saf noqday Dowladaha Itoobiya iyo Kenya halka Soomaaliya iyo Jabuutina ay isku dhinac noqdeen. Dowladahaan ayaa si gaar ah iskugu heysto cidda qabaneyso xilalka Guddoomiyaha guud ee ururka IGAD iyo xoghayaha Fulinta oo hadda loo magacaabay Warkeneh Gebeyehu oo u dhashay dalka Itoobiya. Soomaaliya ayaa dooneysay inay hesho xilka xoghayaha fulinta ee IGAD oo shalay loo magacaabay Warkeneh Gebeyehu oo Itoobiyaan ah, halka Dowladda Jabuuti ay rabto inay hesho xilka Guddoomiyaha ururkaan. Xilka Guddoomiyaha Ururka Goboleedka IGAD ayaa la filayaa in la siiyo Kenya sida ay u badan tahay waana midda ay sida weyn uga soo horjeedaan dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo hadda rabo inuu qabsoomo kulan deg-deg ah oo arrintaas lagaga hortagayo. Dowladaha Itoobiya iyo Kenya ayaa si xirfadeysan u hirgelinayo qoshaha ay damacsan yihiin, mana jirto illaa hadda dowlad si rasmi ah uga hadashay khilaafka xooggan ee ka dhex jiro Ururkaan. Xubnaha Ururkaan ku jiro lama ogo inay aqbali doonaan kulanka ay dalabadeen Soomaaliya iyo Jabuuti. Source
  2. Sochi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay Shir Madaxeedka Ruushka iyo Afrika ayaa soo bandhigay fursadaha iskaashi iyo maalgashi ee haatan horyaalla labada dhinac. Madaxweynaha ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda iskaashiga Afrika iyo Ruushka oo uu sheegay in uu yahay mid labada dhinac faa’iido u leh, isagoo xusay tiirarka ay tahay in uu ku saleysnaado xiriir kasta oo iskaashi oo Qaaradda Afrika ay la yeelanayso dalalka Caalamka. “Shirweynahani waa fursad dhab ah oo dib loogu eegi karo, laguna sii horumarin karo cilaaqaadka taariikhiga ah ee ay Afrika la leedahay Ruushka iyada oo loo marayo iskaashi iyo wadashaqayn si loo gaaro horumar iyo barwaaqo loo dhan yahay’’. Madaxweynaha ayaa dul istaagay xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Ruushka, mashaariicdii iskaashi iyo maalgashi ee labo geesoodka ahaa iyo sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya dib u soo nooleynta xiriirkaas. “Soomaaliya waxay doonaysaa in ay xoojiso xiriirka laba-geesoodka ah ee ay la leedahay Ruushka iyo inay la shaqayso Midowga Afrika si loo hubiyo in guul laga soo hooyo xiriirka labadeenna dhinac ee la xiriira dhammaan dhinacyada kala duwan”. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay Madaxda kasoo qeyb gashay Madashan iyo maalgashadeyaasha Caalamiga ah ee goobta joogay in ay soo booqdaan Soomaaliya si ay u soo arkaan horumarka ay ku tallaabsadeen shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, ayna u soo qiimeeyaan fursadaha maalgashi iyo khayraadka uu Alle ku mannaystay dalkeenna. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uga mahadceliyey dhiggiisa dalka Ruushka Mudane Vladimir Putin, Xukuumadda iyo guud ahaan shacabka dalkaas soodhaweynta diirran iyo martiqaadka sare ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdigiisa ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay soo dhaweynayso qodobbada wax-ku oolka ah ee kasoo baxay Madashan.
  3. “Muuse Biixi Haddii Uu Yaqaan East Sanaag Clan Lama Dagaalameen” Beesha East Sanaag Clan, Halkan hoose ka DAAWO Source
  4. (SLT-Hargeysa)-Banaan baxyadda ka dhacaya deegaanadda Oromada ee dalka Itoobiya ayaa sababay inuu hakad gallo qaadkii loo iib keeni jiray magaalooyinka Somaliland. Wararka ayaa sheegaya inay beeralayda Oromada ee dalkaasi ay hakad galiyeen iibinta qaadka, dadweynaha reer Hargeysa ayaa ka hadlay arrintan, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. Dhuusamareeb (SMN) – Kulamo iska soo horjeeda ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay ka dhaceen magaaladda Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug. Shirarka ayaa waxaa la sheegayaa in ay yihiin kuwa lagu kala taageerayo Guddiyadda Doorashooyinka oo ay magacaabeen dowlada iyo Ahlu Sunna. Dhanka kale, waxaa isla magaaladda ka socda shirar kale oo looga arrin-sanayo ammaanka iyo sidii shacabka door uga qaadan lahaayeen nabadda. Dhuusamareeb ayaa isku diyaarineysa in ay martigeliso dhismaha Galmudug loo dhan yahay, kaasoo xukuumadda federaalka ay waddo. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Khilaaf.mp3 View the full article
  6. Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe masuuliyiin ka socda shirkadda CCECC oo ay hogaaminayeen maamulaha Guud ee CCECC u qaabilsan Bariga Afrika Guo Chongfeng iyo madaxa CCECC ee wadamada Soomaaliya iyo Djabouti Mr Nui Zengxiang. Kulanka ayaa waxaa qayb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada dowladda Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf, waxaana looga hadlay shaqooyinka muhiim ka ah ee ay shirkadda CCECC ka waddo Puntland, gaar ahaan bilawga dib u dayactirka wadada isku xirka Garoowe iyo Boosaaso oo kulankani lagu xaqiijiyey in la bilaabidoono bisha soo socota ee November 2019. Af-hayeenka Madaxtooyada dowladda Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac Dabaraani ayaa ka warbixiyey kulanka uu Madaxweynuhu la qaatay masuuliyiinta shirkadda CCECC. “Madaxweynaha dowladda Puntland wuxuu Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socda shirkadda CCECC ee dalka Shiinaha waxay ahaayeen madaxda u qaabilsan bariga Afrika, Soomaaliya iyo howl-wadeeno ka howl-gala Puntland, Madaxweynaha ayaa marka hore bogaadiyey mashaariicda Shirkadda CCECC ee Puntland waxaana waxyaabaha laga wada-hadlay ka mid ahaa dhismaha wadada Eyl iyo garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo oo la isla soo qaaday meelaha ay marayaan iyo qorshayaasha socda”. “Sidoo kale waxaa laga wada-hadlay dayactirka lagu samaynaayo wadada Garoowe iyo Boosaaso oo dhawaan ay saamayn ku yeesheen roobabkii da’ay dayactirkeedana ay qaadatay shirkadda CCECC, waxaana la isku raacay in shirkaddu dayactirka ku bilowdo wadada bishan soo socota ee Novembar”. Ayuu yiri Af-hayeenka Madaxtooyada Puntland Jamac Deberaani. Hoos ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay mas’uuliyiin ka socday shirkadda CCECC appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (SMN) – Admiral Guuto Cabaas Aamiin Cali, Taliyaha C iidamadda Badda iyo Ilaalada Xeebaha, ayaa wuxuu beeniyay warar ay baahisay saxaafadda qaar. Wararkaas ayaa ku saabsanaa in Dooni ka baxday Muqdisho ay ku degtay xeebaha Cadale, balse waxaa beeniyay taliska Ciidamadda Xoogga Soomaaliyeed. Cali ayaa xusay in doonta ay haleeshay cilad farsamo, isla markaana lasoo badbaadiyey ciidamadii la socday kuwaas oo haatan badqaba. Waa markii ugu horeysay oo taliska ciidamadda badda uu ka hadlo dooni la sheegay in ay ku degtay ama lagu weeraray xeebaha waddanka. Hoos ka akhriso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Qalad.mp3 View the full article
  8. (SLT-Hargeysa)-Waraysi Lala Yeeshay Macalin Maxamed Soomaali Oo Faah-faahiyay Dhulka Qoyska Madaxweynuhu Ku Haysto, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. Shirka Afrika iyo Ruushka ee kasocda Dalka Ruushka ayuu Ruushka wuxuu balan qaadey inuu ka qayb qaadanayo kobcinta dhaqaalaha iyo Amaanka Wadamada Afrika. Dhinaca kalena [...] Source
  10. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo diplomaasiyadeed Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa kulan deg deg ah isugu yeerayo Xubanaha urur Goboleedka IGAD. Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa doonayo inuu kulankaan deg deg ah dhaco ka hor inta aan lagu dhawaaqin cidda noqoneyso Guddoomiyaha Urur Goboleedka IGAD. Waxaa jiro khilaaf xoog leh oo ka taagan cidda qabaneyso xilalka habsami u socodka howlaha Urur Goboleedka IGAD, waxaana isku saf noqday Dowladaha Itoobiya iyo Kenya halka Soomaaliya iyo Jabuutina ay isku dhinac noqdeen. Dowladahaan ayaa si gaar ah isugu heysto cidda qabaneyso xilalka Guddoomiyaha guud ee ururka IGAD iyo xoghayaha Fulinta oo hadda loo magacaabay Warkeneh Gebeyehu oo u dhashay dalka Itoobiya. Soomaaliya ayaa dooneysay inay hesho xilka xoghayaha fulinta ee IGAD oo shalay loo magacaabay Warkeneh Gebeyehu oo Itoobiyaan ah, halka Dowladda Jabuuti ay rabto inay hesho xilka Guddoomiyaha ururkaan. Xilka Guddoomiyaha Ururka Goboleedka IGAD ayaa la filayaa in la siiyo Kenya sida ay u badan tahay waana midda ay sida weyn uga soo horjeedaan dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo hadda rabo inuu qabsoomo kulan deg deg ah oo arrintaas looga hortagayo. Dowladaha Itoobiya iyo Kenya ayaa si xirfadeysan u hirgelinayo qoshaha ay damacsan yihiin, mana jirto illaa hadda dowlad si rasmi ah uga hadashay khilaafka xooggan ee ka dhex jiro Ururkaan. Xubnaha Ururkaan ku jiro lama ogo inay aqbali doonaan kulanka ay dalabadeen Soomaaliya iyo Jabuuti. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. Muqdisho (SMN) – Shirkadda DP World ee Imaaraadka ayaa qiratay in xiisadda kala dhaxeysa Jabuuti uu dhaawac dhaqaale u geystay. Guddoomiyaha DP World, ayaa sheegay in shirkadda ay dhib kala kulmeysay inay lacag ka amaahato bankiyada tan iyo markii dowladda Jabuuti ay la wada wareegtay dekedda Doraleh oo ay shirko ku ahaayeen. Jabuuti ayaa marsadda DP World, oo wax ka maal-gashatay, bishii Febraayo ee 2018, sababo la xiriira muran soo socday ilaa 2012. DP World ayaa sharci darro ku tilmaamtay la-wareegistaas. Maxkamadda London ayaa bishii August 2018 xukmisay in qandaraaska DP World uu yahay mid sax ah oo aysan Jabuuti ka bixi karin, balse Jabuuti way diiday. View the full article
  12. Dibadbaxayaal isu soo bax ka dhigayay bariga dalka Itoobiya ayaa waxay gubeen buug cusub oo uu dhawaan qoray rai’sul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed taasi oo ay taageero ugu muujinayeen Jawar Mohammed . Jawar Maxammed ayaa sheegay in dowladda ay ka ceshatay ciidamadii ilaalinayay gurigiisa oo ku yaalla caasimada,balse waxaa arrintasi beeniyay saraakiisha dalkaasi. Arrintan ayaa waxaa ka dhashay dibadbaxyo ka dhacay afaafka hore ee guriga uu deggan yahay iyo qeybo kale oo dalka Itoobiya ka tirsan. Inkastoo rai’sul wasaare Abiy lagu amaanay isbadalada uu dalkaasi ka hirgaaliyay ayaa hadana waxaa uu la daalaa dhacayaa xal u helidda isku dhacyo u dhaxeeya qoomiyadaha kala duwan ee dalkaasi. Booliiska Itoobiya ayaa waxay beeniyeen in Jawar lagala noqday ciidamadii ilaalinayay,balse hadalka ka soo yeeray Mr Jawar ayaa waxa uu jahwaareer ku abuuray dowladda. Caasimadda Addis Ababa, ayaa taageerayaashiisa waxay balaanqaadeen in iyaga ay ammaankiisa sugayaa,waxaana la maqlayay dibadbaxayaasha oo ku dhawaaqayay ” Abiy ha dhaaco.” Gubidda buugga rai’sul wasaaraha ayaa ka dhacday magaalada Dadar. Nuqulada buugga Mr Abiy ee lagu magacaabo, Medemer, oo la daabacay Sabtidii ayaa laga qaybiyay dalkaasi. Buugga ayaa waxa qoraaladiisa diiradda lagu saaray fikirada siyaasadda rai’sul wasaaraha iyo sidoo kale halka uu higsanayo in uu Itoobiya garsiiyo. Mr Jawar ayaa warbaahintiisa, Oromo Media Network (OMN), u isticmaalay dibadbaxyadii dowladda looga soo horjeeday 2016 ilaa 2018,xilligaasi oo uu dalka rai’sul wasaare ka ahaa Hailemariam Desalegn. Waqtigaasi ayaa warbaahinta OMN waxay heshay taageerayaal badan oo ay ka mid yihiin kuwa qoomiyada Oramada oo ah kuwa ugu tirada badan ee dalka Itoobiya oo iyagu dareemayay in dhaqaala ahaan iyo siyaasad ahaanba la gacan bidxeeyay. Xilligaasi saxafigan reer Itoobiya ayaa ku sugnaa Mareykanka oo uu haysto dhalashadiisa. Balse Itoobiya ayuu dib ugu soo laabtay ka dib markii Mr Abiy uu awoodda la wareegay bishii April ee sanadkii aanu soo dhaafnay halkaasi oo uu isbadalo ka bilaabay. Xigasho: BBC Somali
  13. Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowladdaha hoose ee Puntland, ayaa goor dhowayd ku dhawaaqday liiska xidhibaanada cusub ee golaha degaanka degmada Buuhoodle ee gobolka Cayn. Liiskaan oo ka kooban 25 xubnood, ayaa 7 kamid ah waxay yihiin dumar, sida ku cad warqada liiska xidlhibaanada. Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhaban-cad ayaa sheegay in si cadaalad ah oo hufan lagusoo xulay golaha degaanka Buuhoodle, isagoo sheegay in juhdi badan lagu bixiyay dhismahooda. Marka la dhaariyo golahaan cusub, waxay saacadaha soo socda gelidoonaan doorasho lagu dooranayo gudoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka degmada Buuhoodle. HALKAAN HOOSE KA AQRISO MAGACYADA. The post Liiska golaha degaanka Buuhoodle oo lagu dhawaaqay appeared first on Puntland Post.
  14. Jowhar (SMN) – Ciidanka Booliska Hirshabeelle oo Xalay howl-gallo lagu xaqiijinayo ammaanka ka sameeyay Magaalada Jowhar ayaa Gacanta kusoo dhigay Dad looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab. Howl-galladan oo Saacado badan ka socday Xaafahada kala duwan ee Magaalada ayaa u socday si habsami leh oo ay feejignaani ku dheehan tahay, iyagoo kaashanaya Shacabka halkaasi ku dhaqan. Booliska Magaalada Jowhar ayaa kordhiyay howl-galladooda ka dhanka ah Al-Shabaab, iyagoo marar kala duwan ay Ciidanka ammaanku soo qabteen xubno ka tirsan nabad-diidka oo ku howlanaa falal lid ku ah amniga. View the full article
  15. Maalinta keliya ee uu baroortay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Wa maalinta keliya ee la arkay Kim oo oynaya Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-Un oo kamid ah hogamiyeyaasha caalamka ee aadka looga qabo taliskooda, dalkiisana uu go’doon ku jiro, maadaama uusan xiriir wanaagsan la lahayn dalalka reer galbeedka ayaa waxaa adag in wax badan laga ogaado nolashiisa iyo dabeecadihiisa. Kim Jong-Un, waxaa lagu tilmamaa in uu yahay hogaamiye aad u ad adag, dalkiisa gacan bir ah ku qabtay. Kim Jong-Un ayaa baroortay oo aad u ooyay maalintii u dhintay aabihii oo lagu magacaabi jiray Kim Jong-il, kaas oo dhintay 17-kii bishii Disembar ee sandkii 2011-ka. Kim aabihii ayaa u dhintay xanuun wadnaha kaga soo booday xilli uu ku safrayay tareen. Kim Jong-Un waxaa uu aad uga naxay dhimashada aabihii, maalintii la aasayay na ay tahay maalinta keliya ee la arkay isagoo aad u oynaya. Aabaha dhalay Kim jong-un ayaa dalkaas maamulayay tan iyo sanadkii 1994, oo uu xiligaas kala wareegay aabihii Kim Il-sung. Xiligaas waxa uu ahaa nin aad u da’ yar, oo waxbadan ka ogaa qaabkii iyo siyasadihii uu aabihii ku maamuli jiray dalkaas. Kim, xiligaas wuxuu ahaa shakhsi aad ugu dhawaa abihii markii uu xilka hayay, dabeecadihiisa na qaatay, taasna ay keentay in markii uu dhintay aabihii isaga uu la wareego xilka. Shacab u barooranaya dhimashada Kim abihii Tacsida aabihii ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay kumanaan shacabka dalkaas, kuwaas oo la ooyay, Kim Jong-un iyo eheladiisa. Dhammaan dadkii ka qeybgalay tacsidaas oo ay kamid ahaayeen saraakiisha ugu sareysa milateriga Kuuriyada Waqooyi ayaa baroortay. Inkastoo inta badan dadka ay u badan tahay inay aad uga naxeen dhimashada hogaamiyahooda ayaa hadana shacabka dalkaas oo aad uga cabsada dowladda, waxay dadka qaar aaminsan yihiin in oohintii ay oynayaan xilligii tacsida ay ahayd mid aan indhaha dhaafsaneyn, qofwalba oo ka qeybgalay aaska Madaxweynaha na uu ku qasbanaa in uu ooyo, maadaama qofka aanan oynnin uu khatar ugu jiri in laga shakiyo oo la dhibaateeyo. Dalka Kuuriyada Waqooyi waxaa sahlan in qofka lagu dilo wax aan sidaas u sii weyneyn, taas na ay keentay in dadweynaha ay aad uga cabsadaan dowladda. Waxaa tusaale loo soo qaadan karaa markii hogaamiyaha dalkaas, Kim Jong Un uu dilay adeerkii Jang Sang Thaek oo lagu eedeeyay in uu doonayay in uu xukunka ka tuuro Kim. Sidoo kale dalka Malaysia waxaa sanadkii 2017 lagu sumeeyay nin ay walaalo yihiin madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un, kaas oo ilaa iyo hadda aan la ogeyn cida dishay. Kim, aabihii iyo awowgii Kim oo ah siyaasi aad u da’ yar, dhashayna sanadakii 1984 ayaa la sheegay in uu wax ku bartay gudaha dalkaas iyo dibadda, oo waxaa uu wax ku bartay skoolka Liebefeld Steinhölzli ee dalka Switzerland. Dalka Kuuriyada Waqooyi oo dalalka reer galbeedka ay saaraeen cunqabateyn, adag tahayna in qof ajnabi ah uu tago ayaa go’doon ku jiray sanado badan, maadaama ay xurguf kala dhaxeysay dowlado ay kamid tahay Mareykanka. Hasayeeshee sanadihii dambe waxaa muuqatay in xoogahaa furfurnaasho laga dareemay dowladda dalkaas, oo dhowr jeer tijaabisay gantaalada ridada dheer, kuna hawlaneyd sameysiga hubka niyukleyka. Hogaamiyeyaha dalkaas, Kim Jong-un ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay la kulmay hogaamiyeyaal ay kamid yihiin Madaxweynayaasha dalalka Mareykanka, Shiinaha iyo Ruushka. Mareykanka iyo Kim Jong-un ayaa muddooyinkii dambe waday kulamo la isugu soo dhaweynayo labada dhinac, si ay uga wadahadalaan cunaqabateynta saaran iyo sidii dalkaas uu uga tanaasuli lahaa hubka niyukleyrka ee uu doonayo in uu sameysto. Qaran News
  16. Masar (SMN) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane; Cismaan Libaax Ibrahim iyo wafdi u hoggaaminayo ayaa Magaalada Qaahira ee Dalka Masar kaga qeyb galaya shirka Ururka Islaamka. Wasiir ku xigeenka ayaa kulamo hareer socda shirka la qaatay wasiiradda dhiggiisa ah ee ka qeyb galay shirka, isagoo kala hadlay sidii laysaga kaashan lahaa dhibaatooyinka xagga Biyaha ah ee ka taagan qaar ka mid ah Dunida Islaamka. Sidoo kale Wasiirka ayaa lagu wadaa in uu ka qeyb galo shirka Todobaadka Biyaha Masar oo Khamiista Maanta ah lagu soo gebagabayn doono Magaalada Qaahira, iyadoo la wado in uu halkaasi ka jeediyo Khudbad ku aaddan habka uu Dalkeennu ugu faa’iideysan karo Kheyraadka Biyaha. Wasiiradda Biyaha ee Dowladaha ku midoobay Ururka iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa Sanadkiiba ka arrinsada Biyo yarida ka jirta Waddamada ka tirsan Ururkan. Kulamada noocan oo kale ah ayaa waxa laga soo saaraa war murtiyeed ku saaabsan in si guud loo taageero Dalalka ay haysato Biyo yarida iyo sidii loo horumarin lahaa ka faa’ideysiga kheyraadka Biyaha. View the full article
  17. (SLT- Bangladesh)-Maxkamad ku taalla Koonfurta Dalka Bangladesh ayaa 16 Qof ku ridday xukun Dil ah, ka dib markii ay gubeen gabadh ku eedaysay Macalin Iskuul Islaami ah wax ka dhiga inuu kufsaday ama Faro-xumeeyay. Xukunka 16-ka Qof ayaa dhacay Isniintii la soo dhaafay, waxaana soo saartay Maxkamad gaar u ah Kiisaska Dumarka iyo Carruurta la xidhiidha, lix bilood ka dib Dilka Nusrat Jahan Rafi oo 19 jir ahayd. Nusrat Jahan ayaa dhaawaca Dabka u Geeriyootay, bishii April ee sannadkan, 2019, xilli Xaaladdeeda lala Tacaalayey. Hafez Ahmed oo Madax u ahaa Dacwad oogayaasha Kiiskan ayaa soo dhaweeyay Xukunka lagu riday 16-ka Qof, waxaanu sheegay in xukunkani markhaati u yahay inaan Qofka dil ku geysta gudaha Bangaladesh aanu baxsin karin “Waa Guul u soo hoyatay Garsoorka..” ayuu hadalkiisa raaciyey. Mahmudul Hasan Noman oo ay Walaalo yihiin Gabadha geeriyootay ayaa isaguna sheegay inuu ku faraxsan yahay xukuna ku dhacay 16-ka Qof ee ku eedaysnaa inay gubeen Walaashii. Source
  18. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan waxaana si gaar ah diirada loogu saaray xaaladaha amaanka iyo Siyaasada. Golahu wuxuu ka dooday xaalada amaanka iyadoo Hay’adaha amaanka la faray inay dardar galiyaan howlgalada sugida amaanka waxaa kale oo Ciidamada Qalabka sida ee Jubbaland iyo xooga dalka lagu amaanay siday u wadaan howlgalada lagula dagaalamayo kooxaha Argagixisada ah. Golahu wuxuu ka hadlay dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee ay Argagixisadu ku beegsadeen muwaadiniin naftooda ku waayay iyagoo door muuqda kaga jira dadaalka dib u dhiska dalkeena. Waxaa golahu uu uga mahad celiyay shacabka ree Jubbaland sida adkaysiga iyo dal jacaylka leh ee ay ugu dulqaateen wakhtiyadii adkaa ee ay soo mareen Shacabka Jubbaland taas oo ay qayb ka tahay xayiraada dhinaca hwada ah ee shacabka ay kusoo rogtay Dowlada Federaalka ah. Dhinaca kale Wasaarada Waxbarashada ayaa soo bandhigtay sida ay muhiimka u tahay in la sameeyo dabagal dhab ah oo lagula soconayo sida Iskuulada Waxbarashada ay u hirgalin lahayeen Siyaasada Waxbarashada ee Wasaarada. Wasaarada Maaliyada ayaa soo bandhigtay hanaanka Cusub ee dib u habaynta dhaqaalaha inay muhiim u tahay sidii sanadaha soo socda loo samayn lahaa dib u qaabayn xoog leh oo dhinaca dhakhliga ah PUNTLAND POST The post Shirka Golaha Wasiirada Jubaland oo qodoba kala duwan looga hadlay appeared first on Puntland Post.
  19. MOGADISHU (HOL) - Thousands of residents along the riverine areas of Rivers Shabelle and Jubba are at risk of flooding as the two rivers are about to breach their banks, the Food and Agriculture Organisation (FAO) has said. Source: Hiiraan Online
  20. (SLT-Hargeysa)-Af-Hayeenka Xisbiga WADDANI Barkhad Jaamac Batuun ayaa jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay xukuumadda Madaxweyne Biixi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. NAIROBI (HOL) - The US. Embassy in Kenya has confirmed a visit to Mogadishu by Ambassador Kyle McCarter but noted the ambassador did not meet with President Mohamed Farmaajo as reported by a section of the Kenyan media. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliya Jeneral Cabdi Xasan Xijaar ayaa joojiyay shaqada guddiga ka soo tala-bixinta furitaanka wadooyinka Muqdisho, kuwaas oo uu magacaabay guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud Filish. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in guddigaan oo la kulmay Jeneral Xijaar lagu amray in ay joojiyaan shaqada ay haayaan oo aan aheyn masuuliyadooda, sida ay noo xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan booliiska Soomaaliya. “Arrinta amniga iyo wadooyinka xiran ee gobalka Banaadir waa shaqo u taalo hay’adaha amniga, gaar ahaan booliska waana istiraatiijiyad ka imaaneysa taliska ee ma ahan mid uu go’aamin karo maamulka gobalka Banaadir iyo taliska qaybta” ayuu yiri taliyaha booliska Soomaaliya Jeneral Xijaar sida ay noo sheegeen masuuliyiin ka tirsan saraakiisha booliiska Soomaaliya oo kulanka goob joog ahaa. “Gobalku arrimaha amniga shaqo kuma lahan laakiin door waa ku leeyahay waxaan idin keeni doonaa qorshaha amniga gobalka Banaadir waxaad ka qayb qaadan doontaan fulintiisa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay mr Xijaar sida ay noo sheegeen xubnihii kulankaasi ku sugnaa. Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish, ayaa dhowaan soo saaray guddi loogu magac daray guddiga ka soot ala bixinta furitaanka wadooyinka Muqdisho, waxaana muuqata in guddigaasi aysan qaban wax shaqo oo ay la kulmeen caqabado badan sida ay noo sheegeen masuuliyiin ka tirsan booliiska Soomaaliya. Maamulka gobolka Banaadir ayaa inta badan ah mid aan awood sidaas ah u lahayn, waxaana awoodda gobolka haysata xukuumadda, ayada oo gobolka uu ula mid yahay Soomaaliya oo dhan, maadaama uu yahay meesha kaliya ee ay ka taliso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  23. (SLT-Riyadh)-Isku-shaandhayn ayaa lagu sameeyay Masuuliyiinta boqortooyada Sucuudiga, waxaana Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha dibedda loo Magacaabay Amiir khibrad u leh Dalalka Reer Galbeedka, sida ay sheegayso Wakaaladda Wararka ee Reuters. Amiir Faisal bin Farhan Al Saud oo hore u ahaa Safiirka Sucuudiga u jooga Jarmalka, horena la Taliye ugu ahaa Safiirka Sucuudiga ee Maraykanka, ayaa loo Magacaabay Wasiirka Arrimaha dibedda ee Sucuudiga. Boqor Salmaan ayaa Wasiirka cusub ee Arrimaha dibedda Magacaabay, ka dib markii 10 bilood ka hor uu ka qaaday xilkii Safiirnimo ee uu ku joogay Dalka Jarmalka. Sucuudiga oo ah xulafada ugu weyn ee Maraykanku ku leeyahay Khaliijka Carabta, xilli uu loolan ka dhexeeyo IRAN ayaa Dalalka reer Galbeedku ku eedeeyaan inaanu ilaalin Xuquuqda aadamaha, taasi oo keentay in Boqor Salmaan ka fikiro sidii loo beddeli lahaa Sawirkaa laga haysto Sucuudiga. Wasiirka cusub ee Arrimaha dibedda ayaa xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaraddaasi Ibrahim al-Assaf, kaasi oo isaga loo Magacaabay Wasiirro-dawle. Wasiirkii hore ee Arrimaha dibedda ee Xilka Laga qaaday isla-markaana loo Magacaabay Wasiirro-dawlaha ayaa isagu sannadkii 2018-kii xilka kala wareegay Adel al-Jubeir. Source
  24. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa tahli wayday inay dalka keento shidaal ay hore u balan qaaday inay keenayso bishan Oktoobar, iyadoo shirkadaha shidaalkana ka joojisay bishii hore ee September iyo Oktoobar inay wax shidaal ah dalka keenaan, gaar ahaan Baatroolka. Baatroolka Warqad uu dabayaaqadii bishii hore ee September maareeyaha haamaha shidaalka Xasan Axmed uu u gudbiyay shirkadaha shidaalka, ayaa wuxuu ku wargeliyay inaan bishaas hore ee Septermber intii ka hadhsanayd [markaas waxa bisha ka hadhsanaa tobaneeyo maalmood] iyo bishan Oktoobar meel loo haynin shidaal ay dalka keenaan, gaar ahaan baatroolka. “Mudanayal, waxaanu idinla socodsiinaynaa in baatroolka yaala uu dalka wadi karo muddo dhan laba bilood. Waxa iyana aad ogtihiin inay dawladu keenayso baatrool bisha Oktoobar.” Sidaas ayay tidhi warqada maareeyaha haamaha shidaalku. Laakiin bishan Oktoobar oo hadda marayso maalmihii u dambeeyay ayaanay xukuumadu dalka ka keenin wax baatrool ah, waxaana weli dalka lagu sii kala wadaa baatroolkii ay hore u keeneen shirkadaha dalka shidaalka ka keenaa ee haamaha ku jiray. Naafato Geesta kale, waxa dalka muddooyinkan u dambeeyay laga dareemay gabaabsi dhinaca naafatada ah, iyadoo ay dawladu dalka ka mamnuucday in la keeno naafato sulferkeedu ka badantahay 500 ppm, “Xagga naafatada waxa aan wada ognahay in aa la keeni karayn naafato sulferteedu ka badanthay 500 ppm, sidii marar hore af iyo qoraalba aan iskugu sheegnay. Waxa kale oo aan idinla socodsiinaa in ay dhici karto in dawlada qudheedu ay naftada keento sida ay ugu talo jirto in baatroolkaba ay u keento.” Sidaas ayay warqada maareeyaha haamaha shidaalku tidhi. Laakiin markii uu dalku galay xaalad naafato oo gabaabsi ah, waxa ay shirkadaha shidaalku dekedda Berbera ku soo leexiyeen markab la sheegay inuu badweynta marayay oo ku sii jeeday magaalada Muqdisho kaas oo siday naafato la sheegay in sulferkeedu ka badantahay 5000 ppm, waxaana naafatadaas lagu shubay haamaha shidaalka shalay, waxaana la filayaa inay suuqa soo gasho maanta. Naafatadan ayaa ah noocii ay xukuumadu hore u mamnuucday, laakiin markii baahidii timid xukuumaduna keeni kari wayday naafatadii tayada lahayd ee ay balan qaaday ayaa la ogolaaday in naafatadan lagu shubo haamaha. Gunaanad Si rasmi ah looma garanayo sababta keentay inay xukuumadu tahli kari waydo inay dalka keento shidaalkii ay hore u balan qaaday, waxaana ka soo baxaya warar kala duwan oo ka hadlaya sababta xukuumadu dalka shidaal u keeni kari wayday. Source