Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,491
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Golaha wasiirrada ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel mariyay ku tala galka miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2020 oo dhan $459.5 Milyan. Kororka ku yimid miisaaniyadda 2020, badankeed waa mushaar loo kordhiyay ciidamada qalabka sida oo askari waliba uu heli doono mushaar dhan $200 bil waliba. Ra’iisul Wasaaraha dalka, Xasan Cali Khayre, oo gudoomiyey shirka, ayaa shaaciyey in xukuumadda ka go’an tahay daryeelka askarta. Ciidamada Soomaaliya ayaa horey u qaadan jiray $100, waxaana ay tani ka dhigan tahay in la laba jibaari doono sanadkii hore. View the full article
  2. Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Subax ee idaacadda Shabelle. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Subax-1112019.mp3 View the full article
  3. BEIRUT — The Islamic State militant group Thursday announced the successor to its former leader, Abu Bakr al-Baghdadi, who U.S. officials said killed himself by detonating a suicide vest during a raid last week on his hiding place in northwest Syria. Source: Hiiraan Online
  4. Somalia has signed a roadmap detailing measures and practical actions to prevent violations against children, release children associated with armed forces, and reintegrate them into communities. Source: Hiiraan Online
  5. On the sidelines of the ongoing Qatar IT Conference & Exhibition (Qitcom 2019), HE the Minister of Transport and Communications Jassim Seif Ahmed al-Sulaiti witnessed the signing of a preliminary agreement between Qatar and Somalia. Source: Hiiraan Online
  6. A United Nations report has said Kenyan women are kept captive and exploited through forced marriage and sexual slavery inside Somalia. Source: Hiiraan Online
  7. MOGADISHU, Oct. 31 (Xinhua) -- Uganda plans to deploy more police personnel to serve under the African Union Mission in Somalia (AMISOM) Formed Police Unit, a senior police officer confirmed. Source: Hiiraan Online
  8. Somalia’s Ismail Ahmed, the founder of WorldRemit – the digital money-making service – has been named the most influential black Briton. Source: Hiiraan Online
  9. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa weji cusub u yeeshay muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, una rogtay dagaal ay kula jirto maamulka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xoghayaha wasaaradda arrimaha dibedda Kenya Kamau Macharia ayaa wareysi uu siiyey taleefishinka Citizen ku sheegay in Kenya “aysan wax dhibaato ah kala dhaxeyn shacabka Soomaaliya, balse ay dhib isku qabaan maamulka Villa Somalia.” Waxa uu sheegay in maamulka madaxweyne Farmaajo “uu ku guul-darreystay inuu qiimeeyo hadafyada ka dhaxeeya labada dal”, waxaana siyaasadda madaxweyne Farmaajo wax ku wajahayo uu ku qeexay “mid aan cudur daar lahayn”. “Murankan badda waxaa soo agaasimay hoggaanka Soomaaliya oo ku guul-darreystay inuu qiimeeyo wax aka dhaxeeya labada dal. Kenya maal-gashi badan ayay ku sameysatay Soomaaliya. Dadka Soomaaliya nagama soo horjeedaan,” ayuu yiri Kamau. Sida uu sheegay Kamau, Kenya waxay door-bideysay wada-hadal, hase yeeshee Soomaaliya ayaa sanadii 2014 go’aansatay inay kiiska geyso maxkamadda caalamiga ah ee cadaalaadda ee ICJ. Kamau ayaa sheegay in Kenya ay sii wadi doonto inay u ololeyso wada-hadal ay la gasho Muqdisho. Waxa uu sheegay in “is-faham waaga” uusan saameyn doonin wada-jirka nabadeed ee shacabka Soomaaliya iyo Kenya. “Waxaan weydiisanayaa maamulka Farmaajo inuu joojiyo madax adeegga” ayuu yiri Kamau oo sheegay in socdaal uu dhowaan Muqdisho ku tagay xoghayaha maamulka arrimaha dibedda Kenya Ababu Namwamba uu astaan u yahay sida ay Kenya uga go’an tahay inay la shaqeyso Soomaaliya. Waxa uu sheegay in waqti dheer ay qaadan doonto in kiiskan go’aan laga gaaro balse marka ay dhacdo ay Kenya taxliilin doonto kadibna go’aankeeda shqacin doonto. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  10. Dhuusamareeb (Caasimada Online)- Wasiirka Arrimaha Gudaha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Serbiye oo shir jaraa’id uu kula hadlayay shacabka xalay ku qabtay Dhuusamareeb ayaa eedeymo badan u jeediyay Ahlu-Sunna Waljamaaca. Wasiir Sebriye waxuu soo bandhigay nuxurka iyo u jeedka ilaa afar warqadood oo bilihii u dambeeyay ka soo kala baxay Ahlu-Sunna iyo dowladda federaalka. Ugu horey waxa uu sheegay wasiir Sebriye in dhismaha maamulka Galmudug oo maraya wajigii ugu dambeeyay ay caqabad ku noqotay Ahlu-Sunna Waljamaaca oo wada gor-gortan ay doonayaan xildhibaano badan. Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka oo xil iska saareysa sidii maamul loogu dhisi lahaa Galmudug ay Ahlu-Sunna ku xujeysay in la siiyo kala bar xildhibaanada uu yeela doono, hadaan taas loo sameyna aysan Dhuusamareeb doorash ka dhaceyn. Waxa uu sheegay inay Ahlu-Sunna ku war galiyeen in taasi aysan suurta gal aheyn awoodna aysan dowladdu u laheyn in loo balan qaado saamigaas oo soo xulidda xildhibaanada ay tahay waajib dastuuri ah oo ay leeyihiin odayaasha dhaqanka, balse ay kala codsa doonaan wixii macquul ah. Wasiir Cabdi Sebriye ayaa sheegay in Ahlu-Sunna ay ku kalsoonaa weysay warqad uu soo saaray 20-kii June ee sanadkaan oo ay dowladdu ugu ogolaatay 35 xildhibaan, iyadoo la gaarin fulin balankaasna ay qaaday talaabooyin carqaladeynaya. Warqad isla maalintaas ka soo baxday xaafiiska Sheikh Shaakir ayuu sheegay inay muujinaysay jaha wareer heysta Ahlu-Sunna oo aan kala aqoon Galmudug iyo AHSJ, shakhsi ahaana uu u arkayay fudeyd iyo kalsooni daro, isla markaana aysan jirin baahi ku qasbeysay Ahlu-Sunna in ay soo saarto warqadaas. Wasiir Sebriye ayaa soo bandhigay warqad kale oo ay Ahlu-Sunna u dirtay beesha caalamka, sida QM, USA, IGAD, UK, Turkiga iyo wadamo kale, taas oo uu sheegay inay uga dacwoonayeen dowladda federaalka. Qodobo ku jiray waraqadaas oo sida uu sheegay ka yaabiyay xad gudubna ku ah dowladnimada sida uu sheegay ayaa waxaa ka mid ahaa: In weerar la doonayey in lagu khaarajiyo Sheikh Shaakir uu ka dhacay xaafiiskiisa. In ciidamada ay tababareen Turkiga, kuwa ay tababartay dowladda Mareykanka ee Danab iyo ciidanka nabad ilaalinta ee AMISOM loo adeegsanayo dadka reer Galmudug. In xasarad ay dowladdu ka abuurtay Galmudug ay caqabad weyn ku noqotay dagaaalka ay ciidamada Ahlu-Sunna Waljamaaca kula jiraan argagixisada qarkana ay u saaranyihiin inay soo baneeyaan furimaha dagaalka. Mar uu ka hadlayay guddiyada iska garab magacaaban ayuu sheegay wasiirku in Ahlu-Sunna ay xujo ka dhigtay in iyadoo aan matalin madaxda kale ee Galmudug ay soo magacaabato kala bar xubnaha guddiga. Ugu dambeyntii waxa uu sheegay wasiirku in dhismaha maamulka Galmudug uu waajibka koowaad ka saaranyahay wasaaradda arrimaha gudaha, isla markaana aan loo sii xayirnaa doonin shakhsiyaad ama Urur gaar ah. Ahlu-Sunna ayuu ku eedeeyay in aysan daacad ka aheyn dhismaha maamul cusub oo ay yeelato Galmudug, isla markaana looga durbaan tumayo meelo kale, isagoo ugu maahmaahay “Nin aan kuu furi doonin yuusan kuu rarin” Halkaan ka Daawo Caasimada Online Xaafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
  11. Addis Ababa (Caasimada Online) – Dawladda Itoobiya ayaa dhammaystirtay isbedel lagu sameeyay siyaasadda arrimaha dibadda ee Itoobiya, sidaas waxa sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda dalkaas Nebiat Getachew oo saxaafadda kula hadlay Addis Ababa. Mr. Getachew, wuxuu sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda Itoobiya oo la dejiyay 24 sannadood ka hor, imika lagu sameeyay isbedel uu sheegay inuu la jaanqaadayo dunida iyo gobalka Geeska Afrika. Waxa uu sheegay in qorshaha siyaasadda arrimaha dibadda Itoobiya ee hadda, la dejiyay ay toddobadii bilood ee u dambeeyay diyaarinayeen khubaro isugu jira diblomaasiyiin iyo macalimiin Jaamacadeed, kuwaas oo hadda dhammaystiray. “Siyasadda cusub ee arrimaha dibadda, waxa si rasmi ah loo daah furayaa maalmahan soo socda, waxaana loo diyaariyay iyadoo la tixgeliyay kobaca bulshada Itoobiya oo markii siyaasadaas hore 24 sannadood ka hor la diyaariyay tiradoodu ahayd 60 milyan oo ruux, haddana ah 100 milyan oo ruux, sidoo kalena waxa lagu saleeyay gobalka, qaaraadda iyo adduunyada.” Ayuu yiri Getachew. Afhayeenka oo ka hadlaya saamaynta siyaasadan cusub ee Itoobiya ee Geeska Afrika, wuxuu sheegay in isbedelo badan oo imika soo kordhay ay sababeen isbedelkan cusub, waxaanu yidhi, “Dhalashadii Koonfurta Suudaan, dhammaynta xaaladii colaadna aan ahayn, nabadna ahayn ee Itoobiya iyo Ereteriya, isbedelka xaaladaha siyaasadeed ee Soomaaliya iyo arrimo kale oo badan ayaa sababay in isbedel lagu sameeyo siyaasadda arrimaha dibadda ee Itoobiya.” Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  12. Ramallah (Caasimadda Online) – Wasaaradda arrimaha dibedda ee Turkiga ayaa si rasmiya u xaqiijisay warbixin sheegaysay doorka uu Imaaraadku ku leeyahay abaabulka afgembi ka dhan ah Madaxweynaha Falastiin, Maxamuud Cabaas. Dowladda Imaaraadka ayaa wada qorshe ka dhana madaxweynaha Falastiin oo uu rabo in uu xilka dalkaasi kaga tuuro Maxamuud Cabaas, isla markaan uu ku doonayo in uu xilkaasi ku badalo shaqsi uu wato. Imaaraadka ayaa raba in uu Madaxweynaha Falastiin ku badalo ninka lagu magacaabo Maxamed Daxlan oo hore uga tirsanaa ururka talada dalkaasi haya, sida uu sheegay Wasiirka arrimaha dibeda ee Turkigu, Mevlut Cavusoglu. Maxamuud Cabaas, Madaxweynaha Falastiin ahna hogaamiyaha ururka Al-Fatah ee talada dalkaasi haya ayaa waxa uu Maxamed Daxlan hore uga saaray ururkaasi, kadib markii uu ku eedeyay arrimo musuq-maasuq. Maxamed Daxlan ayaa inta badan waxa lala xidhiidhiya sida uu sheegay Turkigu in uu xiriir qarsoodi ah la leeyahay dowladda yuhuuda ah ee Israa’iil, isla markaana uu wakiil qarsoon u yahay. Wasiirka arrimaha dibeda ee Turkiga, Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay ogtahay arrimahaasi ay wado dowladda Imaaraadku, xili uu shalay wareysi gaar ah siinayey telefishanka Al-Jazeera. Mevlut ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dalka Imaaraadka uu ku suganyahay Argagixiso lagu magacaabo Maxamed Daxlan, kaasi oo Falastiina uga soo baxsaday la shaqeynta Israa’iil. “Halkaasi (Imaaraadka) waxa ku sugan nin argagixiso ah oo la yidhaahdo Maxamed Daxlan, wuxuuna uga soo baxsaday (Falastiin) wakiilnimada uu u yahay Israa’iil”. ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibedda ee Turkigu. Maxamed Daxlan ayaa aad waxa loogu eedeya inta badan in uu gacan weyn ku lahaa, isla markaana uu dowladda Imaaraadka uga qeyb qaatay inqilaabkii madaxweynihii Mursi iyo afgembigii dhicisoobay ee Turkiga. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  13. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/BAr___Qubanaha-31102019.mp3 View the full article
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in mushaarka ciidamada lagu kordhiyay, islamarkaana markii ugu horreeysay la gaarsiiyay 200 oo dollar bishii, askarta aan saraakiisha ahayn Arrinkaan ayaa lagu sheegay miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2020 oo ay maanta ansixiyeen golaha wasiirrada xukuummmadda. Ilaa 30 milyan oo dollar oo ku korortay miisaaniyadda ayaa dhammaan loo leexiyay dhanka ciidamada, iyada oo Ra’iisul Wasaare Khayre uu ka horyimid kordhinta miisaaniyadda madaxtooyada, xafiiskiisa iyo hay’adaha kale ee dowladda. Mushaarka ciidamada oo horay u ahaa 100 doollar ayaa lagu kordhiyay 70 doollar iyadoo oo intaas ay dheeraad ka tahay 30 doollar oo raashin qallalan ah iyo 30 kale oo raashin ah, taas oo xaqa askariga ka dhigeyso 230 doollar. Golaha wasiirrada ayaa maanta ansixiyay miisaaniyaddii ugu badayn abid ay Soomaaliya yeelato oo gaareyso 459.5 Milyan oo dollar. Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa iminka qaata 100 dollar bishii, kuwa aan saraakiisha ahayn, ayada oo mararka qaar ay dhacdo cabasho la xiriirta mushahar la’aan, inkasta oo taas bilihii dhowaa ay yaraatay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Sheikh Cabdullahi Sheikh Shaamow oo ah Macalim dugsi Qur’aan ayaa beeniyay warbixin uu qoray wargeyska New Vision ee dalka Uganda oo lagu sheegay in uu dhalay Madaxweynihii hore ee dalka Uganda Idi Amin Dada. Sheikh Cabdullahi oo tan iyo sanadkii 1975-kii ku noolaa deegaanka Carbiska ee koonfurta magaalada Muqdisho, halkaasna ku heystay intii uu ku noolaa dugsi Qur’aan ayaa maalmo ka hor ka soo muuqday warbaahinta caalamka iyo kuwa Soomaaliya, iyadoo la leeyahay waxaa dhalay oo ay kala lumeen Madaxweynihii hore ee dalka Ugaanda Idi Amin. Sheegashada ah in Sheikh Cabdullahi uu yahay nin Ugaandeys ah ayaa soo shaac baxday todobaad ka hor, kadib markii ay Soomaaliya safar kor meer ah ku yimaadeen Xildhibaano iyo saraakiil ka socotay dowladda Ugaanda oo ay ciidamo nabad ilaalin ah ka joogaan dalka. Wafdigaas ka soday Uganda waxa ay kor meer ku tageen xeryo ay daganyihiin ciidamada ka jooga Soomaaliya, waxaana xeryihii ay tageen ka mid ahaa mid ay Carbiska ka deganyihiin ciidamada Ugaanda ee ka tirsan AMISOM, halkaas oo markii ugu horeysay ay isku arkeen wafdiga iyo Sheikh Cabdullahi Shaamow. Sheikh Cabdullahi oo la hadlay Dalka TV, waxa uu sheegay in markii ay arkeen isaga wafdigii ka socday Uganda ee kor meerka ku tagay deegaanka uu warkoodu ka bilaawday “ninkaan waa anaga waana nin Ugaandeys ah” taasna uu la yaabay. Sheikh Cabdullahi maalmo kadib ayuu sheegay in wiil uu dhalay uu lug ka jiiray gaari ay la haayeen ciidamada Ugaanda, markii uu u dacwoodana ay xeradooda geeyeen kana qaadeen sawirro uu san markaas garanay u jeedka ay ka lahaayeen raalina uusan ka aheyn. Maalmo kadib ayuu sheegay in uu warbaahinta iyo baraha Bulshada ku arkay sawiradiisa iyadoo lagu tilmaamayo in uu yahay wiilka madaxweyhii hore ee Ugaanda Idi Aamin, ayna kala lumeen hooyadiisna ay tahay Soomaali ku dhalatay magaalada Baydhaba. Sheikh Cabdullaahi Sheikh Shaamow waxa uu cadeeyay in uu yahay nin Soomaali ah, isla markaana laga been abuurtay. Si lamid ah waxaa marqaati ahaan ugu soo baxay dad aqoon fog u leh Sheikh Cabdulahi iyo waalidkiis, kuwaas oo si cad u sheegay in Sheikh Cabdullahi laga been Abuurtay. Halkaan ka Daawo Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Golaha Wasiirada oo meel-mariyay Miisaaniyadda 2020 Golaha wasiirrada ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel mariyay ku tala galka miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2020 oo dhan $459.5 Milyan. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Kororka ku yimid miisaaniyadda 2020, maadaama la kordhiyay mushahaarka ciidamada qalabka sida oo askari waliba uu heli doono mushaar dhan $200 bil waliba. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo kulanka guddoominayay ayaa u mahad celinayay wasaaradda Maaliyadda oo miisaaniyadda 2020ka ku soo dhammays tirtay waqtigii loogu tala galay, dhammaan hey’adaha dowladda ee ka shaqeeyay kordhinta dakhliga dowladda iyo golaha wassiirada oo iyaguna ansixiyay miisaaniyadda. “Waxa ay naga astaahilaan naguna leeyihiin intaas ka badan. Waxaan u soo jeesannay inaan ciidankeenna kadib shaqadii dheerayd ee dib-u-habaynta inaan tayadooda dhaqaale wax ka qabanno, waa sannadkii ugu horreeyay waa billo la sii wadi doonaa”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in miisaaniyadda 2020 ay ku sifaysantahay hiigsiga iyo horumarka dalka, ayna muujineyso dowlad hanaqaaday oo ahmiyaddeedu tahay ammaano iyo adeeg marka dalka deynta laga cafiyana ay sii kordhi doonto oo Balaayiin la gaarsiin doono. PUNTLAND POST The post Golaha Wasiirada Soomaaliya oo meel-mariyay Miisaaniyadda 2020 appeared first on Puntland Post.
  17. Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay hogaanka dhaqanka ee Gobolka Haylaan, gaar ahaan Nabadoonada iyo Cuqaasha Gobolka. Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa is xog-wareysi, waxayna Odayaasha dhaqanka ee Gobolka Haylaan la wadaageen Madaxweynaha xaaladda guud ee Gobolka, horumarada socda iyo baahiyaha ka jira deegaanka , iyagoo aad uga mahadceliyey socdaalka Madaxweynaha ee Gobolka iyo shaqooyinka illaa hada Gobolka ay Dowladdu ka qabatay. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi ayaa dhamaadkii kulanka hadal u jeediyay Odayaasha dhaqanka ee Gobolka Haylaan, wuxuu ku bogaadiyey ka shaqeynta midnimada, Nabada iyo horumarka Gobolka, isagoo u sheegay in Dowladdu ay Gobolka ka hirgelinayso adeegyada dowliga ah ee asaasiga ah. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay Hogaanka dhaqanka ee Gobolka Haylaan appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, guddoomiyaasha labada aqal Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi, iyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa shalay ku dhawaaqay in ay mushaarkooda bishaan ay uga qayb-qaadanayaan gurmadka fatahaadaha dalka oo saameen weyn ku yeeshay magaalooyin badan. Tan iyo shalay waxaa baraha bulshada ka socday hadal heyno kala duwan iyo su’aalo ku saabsan inta uu gaarsiisan yahay mushaarka madaxdaan, iyadoo dadweynaha ay ku cabirayeen heerka ay gaarsiisan tahay dhibaatada ka dhalatay fatahaadaha iyo daad kale oo roob ka roogmaday kuwaas oo barakaciyay kumanaan qoys. Caasimada Online ayaa baaritaan ku sameysay inta uu gaarsiisan yahay mushaarka madaxda dowladda, kaas oo loogu deeqay dadka ay dhibaatada ka soo gaartay fatahaadaha Soomaaliya. Caasimada Online ayaa la hadashay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiin xilal kala duwan dalka ka soo qabtay ayaa caasimada online u sheegay in mushaarka madaxweynaha uu yahay 10,000 oo dollar bishii, halka guddoomiyaasha labada gole iyo ra’iisul wasaaraha ay intaas ka sii yar-yihiin. Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris ayaa sheegay in mushaarka madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo la isku daray oo ka yar-yahay 20,000 oo dollar$. “Mushaarka madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo la isku daray waa ka yar-yahay 20,000$, labada guddoomiyana waa ka sii yar-yihiin mana ahan wax dhibaatada maanta jirto loogu yabooho iyadoo garoomo iyo magaalooyin lagu bixiyay boqolaal kun oo dollar” ayuu yiri xildhibaan maxamed xasan idiris oo ka tirsan golaha shacabka ee bfs. Caasimada online ayaa sidoo kale ogaatay in hadda uuasn jirin mushaar sax ah oo ay qaataan madaxdaan oo ku qoran dastuurka dalka ama xeerarka kale ee dalka oo markii hore lagu cadeen jiray. Waxaa soo gasha lacago boqolaal kun oo dollar ah halka qaarkoodna ay ku xisaabtamaan malaayiin dollar sida ay noo sheegeen mas’uuliyiintii aan la hadalnay oo qaarkood ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Muqdisho (SMN) – Golaha wasiirrada ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel mariyay ku tala galka miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2020 oo dhan $459.5 Milyan. Kororka ku yimid miisaaniyadda 2020, badankeed waa mushaar loo kordhiyay ciidamada qalabka sida oo askari waliba uu heli doono mushaar dhan $200 bil waliba. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo kulanka guddoominayay ayaa u mahad celinayay wasaaradda maaliyadda oo miisaaniyadda 2020ka ku soo dhammays tirtay waqtigii loogu tala galay, dhammaan hey’adaha dowladda ee ka shaqeeyay kordhinta dakhliga dowladda iyo golaha wassiirada oo iyaguna ansixiyay miisaaniyadda. “Waxa ay naga astaahilaan naguna leeyihiin intaas ka badan. Waxaan u soo jeesannay inaan ciidankeenna kadib shaqadii dheerayd ee dib-u-habaynta inaan tayadooda dhaqaale wax ka qabanno, waa sannadkii ugu horreeyay waa billo la sii wadi doonaa”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in miisaaniyadda 2020 ay ku sifaysantahay hiigsiga iyo horumarka dalka, ayna muujineyso dowlad hanaqaaday oo ahmiyaddeedu tahay ammaano iyo adeeg marka dalka deynta laga cafiyana ay sii kordhi doonto oo Balaayiin la gaarsiin doono. Miisaaniyaddu dowladdu waxa ay kor u kacday 274% tan iyo markii ay xukuumuaddan talada la wareegtay. View the full article
  20. Ururka Daacish ayaa bayaan uu soo saaray ku xaqiijiyey geerida hoggaamiyihii kooxda Abu Bakr al-Baghdadi, islamarkaana inuu beddelo u magacaabay Abu Ibrahim al-Hashimi al-Quraishi. Baghdadi, oo Daacish hoggaaminayey tan iyo sanaddii 2014, silamarkaana ahaa ninka loogu raadiska badan yahay dunida, ayaa waxaa axaddii lagu dilay weerar ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ay ka fuliyeen gobolka Idlib ee dalka Syria. Daacish ayaa sidoo kale xaqiijisay in afhayeenkii hore ee kooxda Abu Hassan al-Muhajir lagu dilay howl-gal dhacay maalinkii xigay maalinka la dilay al-Baghdadi. Bayaanka Daacish ayaa lagu sheegay in golaha sharci-dejinta iyo shuurada kooxda ay kulan deg deg ah isugu yimaadeen kadib geerida al-Baghdadi, oo kasoo jeeday dalka Iraq. Afhayeenka Daacish, Abu Hamza al-Quraishi ayaa u digay dowladda Mareykanka, waxaana ku hanjabay in Daacish iyo taageerayaasheeda ay ka aargudan doonaan geerida al-Baghdadi. PUNTLAND POST The post Daacish oo xaqiijisay geerida hoggaamiyahoodi Abu Bakr al-Baghdad appeared first on Puntland Post.
  21. Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay Dhallinyarada Gobolka Haylaan, kulanka waxaa looga hadlay arrimaha dhallinyarada Puntland gaar ahaan Gobolka Haylaan. Dhallinyarada xubno u hadlay ayaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni uga mahadceliyey booqashadiisa Dhahar, waxayna la wadaageen xaaladda dhallinyarada ee deegaanka, qorsheyaasha ay hiigsanayaan iyo baahiyaha jira ee uga xiran dhinaca Dowladda. Ugu danbeyn Madaxweyne Deni ayaa uga mahadceliyey dhallinyarada soo dhoweyntii iyo in ay la wadaagaan xaaladda ay ku suganyihiin, wuxuu Madaxweynuhu u sheegay in Dowladdu ay muhiimad siiso arrimaha dhallinyarada iyagana ay qeyb ka yihiin dhallintaasi. Sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu ku dhiirigeliyey ka shaqeynta Midnimada, Nabada iyo horumarka. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland Oo La Kulmay Dhallinyarada Gobolka Haylaan appeared first on Puntland Post.