Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,980
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Bar-Qumanaha-Wararka-06112019.mp3 View the full article
  2. Ciidamo kawada tirsan Puntland ayaa caawa fiidkii isku rasaaseeyey afaafka hore ee xarunta Baarlamaanka Puntland, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac. Ciidamo horey ugu sugnaa xarunta Baarlamaanka Puntland iyo ciidamo kale oo la sheegay in ay doonayeen in ay kala wareegaan ayaa muddo labaatan daqiiqo ku dhow rasaas xoogani ku dhexmartay afaafka hore ee xarunta Baarlamaanka. Isku dhacan inta la xaqiijiyey waxaa ku dhintay Ganacsade Cabdixakiim Maxamed Faarax (Dhagaweyne) oo xarun ganacsi halkaas ku lahaa, iyo labo askari, halka ay ku dhaawacmeen labo askari oo kale. Inkastoo rasaastii istaagtay, hadana waxaa wali agagaarka xarunta Baarlamaanka Puntland ku sugan ciidamadii ku dagaalamay. Arintan ayaa la aaminsan yahay in ay ka dhalatay khilaaf xoogan oo u dhaxeeya madaxweynaha Puntland iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka. Maanta ayey ahayd markii Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland uu fasax saddex beri ah galiyey mudanayaasha Golaha Wakiiladda oo ku jiray kalfadhigoodii 45-aad. Dadweynaha ku nool caasimada Garowe oo ay dhif iyo naadir ku ahayd dhawaqa rasaasta, ayaa caawa ku sasey rasaas xoogan oo ka dhaceysa xarunta Baarlamaanka. Wali ma jirto cid ka tirsan Puntland oo ka hadashay arrintan ka dhacday xarunta Baarlamaanka. PUNTLAND POST The post Garowe: Khasaare ka dhashay is-rasaaseyn ka dhacday xarunta Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.
  3. Afgooye (SMN) – Guddoomiye ku xigeenkii Gobolka Shabeellada Hoose, Cumar Maxamuud Cilmi, ayaa lagu dilay weerar bambaano ah oo lagu qaaday gurigiisa oo ku yaalla magaaladda Afgooye. Guriga uu ka degganaa Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellada Hoose ee Arrimaha Bulshada ayaa la sheegay in bambo lagu tuuray. Guddoomiye ku xigeenka ayaa la sheegay in dhaawiciisa loo soo qaaday magaalada Muqdishu, balse uu ku dhintay cisbitaalka Digfeer, sida saraakiil dhinaca amniga ah ay u sheegeen idaacadda Shabelle. Weerarka ayaa dhacay gelinkii dambe ee Arbacada. Ilaa haatanna ma jirto cid weli shegatay mas’uuliyadda weerarka. View the full article
  4. Garoowe (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in is rasaasayn xoogan ay caawa ka dhacday magaaladaasi, iyadoona ay baqdin ku dhalisay bulshada deegaanka. Is rasaasayntan oo ka dhacday afaafka hore ee Xarunta Baarlamaanka Puntland ayaa waxay u dhaxeysay ilaalada Baarlamaanka iyo ciidan kale, oo sida la sheegay ka socday dhinaca Madaxtooyada Puntland. Ciidamo isugu jira boolis, PIS iyo Daraawiishta Puntland ayaa la soo sheegaya in ay weerar ku qaadeen ilaalada Xarunta Baarlamaanka, kuwaa oo taabacsan Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya cidda iminka gacanta ku haysa Xarunta Baarlamaanka Puntland, balse wararka ugu buuran ayaa sheegaya in ay ku sugan yihiin askartii horey u joogtay. Tani ayaa waxay ku soo aadaysaa, xilli Magaalada Garoowe uu ka socdo olole la sheegay in mooshin looga keenayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland, oo khilaaf uu kala dhaxeeya Madaxtooyada Puntland. Inkastoo Isgaarsiinta Magaalada Garoowe ay caawa ciriiri tahay ayaa hadana wararka ka imaanaya magaaladaasi ay sheegayan in is rasaasayntan ay baqdin ku abuurtay dadka deegaanka. Reer Garoowe oo xasilooni u bartay ayaa ku argagaxay rasaasta xoogan ee caweysnimadii caawa laga maqlay Xarunta Gobolka Nugaal. Masuuliyiinta Maamulka Puntland iyo Saraakiisha Ciidamada ayaan weli ka hadlin is rasaasaynta caawa ka dhacday Magaalada Garoowe. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  5. Luuq (Caasimada Online) – Ciidamadii ka tirsanaa Daraawiishta Jubbaland ee maanta ka gadooday magaalada Beled-Xaawo ayaa galabta gaaray degmada Luuq ee gobolka Gedo, iyagoo markii dambe xoog kula wareegay garoonka diyaaradaha degmadaas. Ciidanka oo tiradiisa lagu qiyaasay 150 askari, sida ay noo xaqiijiyeen dadka ku nool degmada, ayaa kolkii hore lagu soo dhaweeyay Luuq kadib is hortaag kooban oo ay kala kulmeen taliyaha saldhigga degmada, waxayna magaalada gudaha u galeen iyagoo rasaas dabaal deg ah kor u ridaya. Sidoo kale ciidamadaan ayaa markii ay ka baxayeen Beled-Daawo waxay horey u ka xeysteen gadiid ay la haayen dad shacab ah oo ku nool magaaladaas, kuwaas oo ay ku tageen Luuq mana wadan wax gaari ciidan ah. Ciidamada ayaa la wareegay gacan ku haynta maamulka Garoonka degmadaas, waxaana wali la ogeyn sababta ka dambeysa in ciidamaas ay qabsadaan garoonka oo ay horay ugu sugnaayeen ciidan tiro yar oo ka tirsan Jubbaland. Ciidankii horey ugu sugnaa degmada Luuq oo ka amar qaata maamulka Jubbaland, si gaar ahna u hoos tagi jiray wasiirka u xiran dowladda ee Cabdirashiid Jana,n ayaa isku dayay inay garoonka ka hor istaagaan ciidanka gadoodsan oo ku qeylinayay “Farmaajo guul, Kheyre guul” iyo erayo kale. Taliyaha saldhigga degmada Luuq Siyaad Walba-Shaati ayaa la sheegay in markii ay ciidankani soo galayeen degmada uu isku dayay in uu is hortaago, balse waxaa ku soo baxay ciidamada Itoobiya oo qeybo ka mid ah magaalada ku sugnaa kuwaas oo taliyaha ku amray in isaga iyo ciidamadiisu ay magaalada dhinac ka dagaan. Xiisad u dhaxaysa ciidanka ka amar qaata Jubbaland ee horay ugu sugnaa Luuq iyo ciidamadii ka goostay Beled-Xaawo ee galabta gaaray Luuq ayaa caawa ka taagan magaaladaasi Caasimada Online Xaafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  6. Somalia will announce plans in December for its first ever oil and gas licensing round, its oil minister said on Tuesday, as the frontier market looks to attract new investment after decades of civil strife. The Ministry of Petroleum and Mineral Resources said the minister will announce in December when it plans to launch the bid process in 2020. “We are presenting up to 15 blocks,” Minister of Petroleum and Mineral Resources Abdirashid Mohamed Ahmed told Reuters on the sidelines of an African oil and gas conference in Cape Town. He said seismic data commissioned for the government was encouraging and indicated that the 15 blocks could contain around 30 billion barrels of oil. Ahmed emphasised the new blocks were far from the maritime boundary with Kenya that is currently the subject of a dispute at the International Court of Justice. He added that international naval blockades had almost totally eradicated offshore piracy at the former hotspot for maritime hijackings. “Somalia was known before for piracy, terrorists, unrest and all that, but the federal government of Somalia is doing its best to stabilise the country,” Ahmed said. “For the past decade or so there has not been one casualty of piracy, so offshore is safe to invest.” He said new oil and gas investments should create more jobs, help prevent young people turning to crime and spread peace in the country. “Somalia has a roadmap we can follow after we produce oil, so there will be no (resource) curse here in Somalia,” he said, referring to a tendency among some resource-rich countries to suffer from economic stagnation. Ahmed said the president was expected to sign into law new petroleum legislation, currently before parliament’s upper house, before year-end. This would help pave the way for ExxonMobil and Shell to return to the country where they held legacy blocks from the 1990s. Last month the two companies paid $1.7 million owed to Somalia for leasing these offshore blocks, although operations there remain suspended. “Once all the legislation is done we hope they will come back soon,” Ahmed said. Reuters
  7. Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta cayriyay inta badan wakiiladii Somaliland u fadhiyay dalalka dibeda, isagoona kuwo cusubna u magacaabay xilalkaasi. Madaxweyne Biixi ayaa waxa uu xilalkii ka qaaday wakiilo iyo ku-xigeeno badan, halka uu magacaabeyna ilaa 9-wakiil oo cusub, sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay Qasriga Madaxtooyada Somaliland. Wakiilada uu maanta cayriyay Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxa loo aaneynaya kadib markii uu gaabis weyn uu ku yimid ololihii aqoonsi u helida Somaliland, kaasi oo ay dalalka caalamka kaga baadi goobeysay Ictiraaf. Qadiyada aqoonsi raadiska Somaliland, ayaa waxa la dareemayay in bilihii u dambeeyay uu ku yimid gaabis weyn, taasi oo loo sababeynayo fadhiidnimada wakiilada Somaliland ee dalalka caalamka, taasi oo sababtay xil ka qaadista uu maanta sameeyay Madaxweyne Biixi. Hoos ka aqriso wareegtada uu xilalka kaga qaaday Madaxweynuhu wakiilada u fadhiyay dalalka dibeda: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin madaxweyne oo summadoodu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-378/112019 iyo JSL/XM/WM/222-379/112019, uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalalka dibeda. Waxaanay u dhignaayeen Wareegtooyinka Madaxweynuhu Sidan:- Wareegtooyin Madaxweyne XIL KA QAADIS Ku: Maxamuud Cabdi Dacar, Wakiilkii hore ee Somaliland ee Midowga Yurub Ku: Ayaan Maxamuud Maxamed, Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Boqortooyada Ingiriiska Ku: Sulub Warsame Xuseen, Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Norway Ku: Cabdalla Muuse Axmed, Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya Ku: Cali Maxamed Axmed, Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Yaman Og: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir, Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. Ujeeddo: Xil Ka-qaadis Mudanayaal iyo Marwo, Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilkii aad u hayseen Qaranka. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilka Qaran. MAGACAABID Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda Wakiillada Dibedda ee Jamhuuriyadda Somaliland u leeyihiin dhismaha Qaranka; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hannan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiintan: 1. Cabdi Cabdillaahi Xirsi Maxamed – Wakiilka Somaliland ee Boqortooyada Ingiriiska 2. Salaan Xasan Kayd Cabdille – Wakiilka Somaliland ee Midowga Yurub 3. Yuusuf Maxamed Guuleed Boodhle – Wakiilka Somaliland ee Dalka Itoobiya 4. Maxamed Maxamuud Aadan Samatar – Wakiilka Somaliland ee Dalka Norway 5. Axmed Jaamac Xasan Shire – Wakiilka Somaliland ee Dalka Koonfur Afrika 6. Mustafe Yuusuf Ismaaciil Cali – Wakiilka Somaliland ee Dalka Jarmalka 7. Cali Axmed Cismaan – Wakiilka Somaliland ee Dalka Sucuudi Carabiya 8. Axmed Cali Salaad Maxamed – Wakiilka Somaliland ee Dalka Yaman 9. Barkhad Maxamuud Kaariye Samatar – Wakiil Ku-xigeenka Somaliland ee Dalka Itoobiya Waxaan uga mahad-celinayaa Wakiilladii hore ee Somaliland muddadii ay hayeen xilka Qaranka. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  8. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Habeen-06112019.mp3 View the full article
  9. Magaalada Afgooye waxaa lagu diley Omar Maxamud Cilmi (Cumar Carabeey), oo ahaa Gudoomiye Xigeenkii Gobolka Shabeelaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Marxuumka ayaa Gudihiisa lagu [...] Source
  10. Afgooye (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenkii arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Shabeellada Hoose Cumar Maxamed Carabey ayaa goor dhaw qarax lagu dilay. Allaha u naxariistee guddoomiye Cumar ayaa koox hubeysan waxa ay Bam gacmeed ku weerartay guriga uu ka deganaa degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose. Dhawaac halis ah oo ka soo gaaray qaraxaas ayaa la isku dayay in loola craro isbitaalada magaalada Muqdisho balse mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Afgooye ayaa noo xaqiijiyay in uu dhex ku geeriyoday. Waxaa goobta is kaga baxsaday kooxdii Bam gacmeddka ku weerartay gurigiisa ee dhaawaca uu u dhintay u geysatay, waxaana haatan inta badan xaafadaha ee ka koobantahay degmadu baaritaano ka wada ciidamada booliska ee ka howlgala degmada Afgooye. Illaa hadda faahfaahin dheeraad ah lagama helin dilka Guddoomiyaha, mana jirto koox sheegatay. Waxaa loo badinayaa inay dilkaan ka dambeyso Kooxda Al-Shabaab oo dagaal kula jirto Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  11. Beledxaawo (Caasimada Online) – Dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa ka bilaawday gobalka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya waxaana muuqda in gobalka uu lugaha la sii galayo xaalad colaadeed kadib markii ay dowladda Soomaaliya ay saameyn ku dhax-yeelatay ciidamo toos uga amar qaadan jiray Axmed Madoobe. Boqol iyo Kontan Askari oo ka tirsan ciidamada Darwaaiishta Jubbaland ayaa ku biiray ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan degmada Luuq ee gobalka Gedo. Ciidankaan ku biiray Milateriga Soomaaliya ayaa ku sugnaa degmada Beladxaawo ee gobalka Gedo, waxayna toos uga amar qaadan jireen maamulka Amxed Madoobe ee Jubbaland oo khilaaf culus kala dhaxeeyo dowladda Soomaaliya. Wararka gobalka Gedo ka imaanayo ayaa soo sheegaya in saraakiil Itoobiyaan ah ay wadahadal la galeen ciidamadaan lagana dalbaday in ay tagaan Luuq oo ay ku biiraan ciidamada Qaranka. Wararka ayaa intaas waxay ku darayaan in ciidankaan ay hadda ku sugan yihiin xero ku taalo degmada luuq. Sidoo kale waxaa saacadaha soo socda lagu wadaa in ay magaalada Muqdisho soo gaaraan guddoomiyaasha degmooyinka Luuq, Beladxaawo iyo Doolow ee gobalka Gedo, kuwaas oo toos ugu xirnaa Axmed Madoobe balse hada heshiis la galay dowladda dhexe ee Soomaaliya. Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidankii Axmed Madoobe ay laba dhinac u kala jabeen islamarkaana ay taagan tahay xiisad dhaxdooda ah taas oo sababi karta dagaal dhaxmara labadan Ciidan ee kala jabay. Degmooyinka Doolow, Luuq iyo Beladxaawo waxay haayeen 3-da degmo ee kaliya oo ka tirsan gobalka Gedo islamarkaana toos u hoos yimaad maamulka Axmed Madoobe waxaana hadda muuqato in gacanta Axmed Madoobe ay ka sii baxayaan. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  12. Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Garoowe wefti uu hogaaminayo Safiirka dalka Sweden ee Soomaaliya Mr. Staffan Tillander iyo ku-xigeenkiisa Johan Svensson. Kulanka uu Madaxweynuhu kula qaatay xafiiskiisa safiirka dalka Sweden ee Soomaaliya ayaa waxaa ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa ugu horayn Safiirka kusoo dhaweeyey Puntland, waxa uu uga mahadceliyey doorkii dowladda Iswiidhan ku lahayd dib u dhiska Soomaaliya iyo guud ahaan horumarada kala duwan ee ay dalka ka geysteen. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey mashaariicda horumarineed ee dalka Iswiidhan ka wadaan dalka iyo wadashaqaynta wanaagsan ee ka dhexaysa labada dhinac. Dhinaca kale safiirka dalka Iswiidhan ee Soomaaliya Mr. Staffan Tillander ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay imaan-shihiisa Puntland, waxa uu tilmaamay in ay sharaf u tahay markii ugu horeysey inuu la kulmo Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni. Safiirka ayaa xusay in Soomaaliya iyo dalkiisa, gaar ahaan Puntland ka dhexayso xidhiidh wanaagsan oo dhanka siyaasadda ah, isla mar’ahaantaana uu rajaynayo in la sii xoojiyo. Hoos ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo qaabilay safiirka Sweden ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  13. Wasiirka Ganacsiga Puntland Cabdulaahi Cabdi Xirsi Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgeshiga dowladda Puntland Cabdullaahi Cabdi Xirsi iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta u safray waddanka Ethiopia, halkaasi oo ay kulamo kala duwan kula yeelan doonaan mas’uuliyiinta iyo ganacsatada dalkaasi. Wasiirka oo ka hor inta aan wefdigu dhoofin saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe, ayaa ka warbixiyay ujeedka safarka isaga iyo wefdigiisa u ku tegaya waddanka Ethiopia. Hoos ka daawo hadalka wasiirka PUNTLAND POST The post Wefdi ka socda Puntland oo u safray waddanka Ethiopia appeared first on Puntland Post.
  14. By: Harun Maruf Somalia’s al-Shabab militants have released a video that for the first time gives a partial view of the group’s leader, Abu Ubaidah. The video, released Tuesday, shows Ubaidah meeting with Shabab fighters in a forest before the group’s failed Sept. 30 raid on Ballidogle, an airbase used by U.S. forces in Somalia. The video shows Ubaidah’s hands and shoulders but blurs out his face. His voice his heard addressing the would-be attackers, telling them to target U.S. military personnel in the attack. “Our biggest target today is the Americans, not the apostates,” he says. “The only reason we have exerted all this effort and undertaken all this preparation today is to attack the American troops. Therefore you must carry out the operation with great efficiency.” The U.S. has offered a reward of up to $6 million for information leading to Ubaidah’s capture. Ubaidah, previously known as Ahmed Diriye, became al-Shabab’s emir in 2014 after the death of the previous leader, Ahmed Abdi Godane. Godane was one of many al-Shabab fighters and leaders who were killed in attacks by U.S. aircraft and drones. The new video does show the faces and names of about a dozen militants who participated in the Ballidogle attack. Somali and U.S. officials said all the militants who took part in the attack were killed before penetrating the base. Background checks Meanwhile, Somali authorities have launched a background check system to stop the infiltration of al-Shabab and other militant groups into government offices. The program creates a database storing personal information as well contacts and addresses of federal government employees. VOA Somali’s Investigative Dossier program spoke to four government employees who were question by the Somali intelligence agents who took their details, photos and fingerprints. Apart from personal information, the employees were also asked about possible links with al-Shabab and Islamic State. “I was asked if I have links with al-Shabab, if I travelled to al-Shabab territory, if al-Shabab called me, if they asked for money,” says one of the civil servants who did not want to be named. “They asked if anyone in our family have connections with al-Shabab.” Other government employees interviewed by Investigative Dossier confirmed they were asked the same questions. The background check system was initiated several months ago but the rigorous interviewing of government employees was started following the July 24 suicide attack in Mogadishu mayor’s office. That attack killed late Mayor Abdirahman Omar Osman. A female government official who gave false identification to the government carried out the attack. Infiltration of al-Shabab concerns Somali government officials. Just last week, a military court in Mogadishu convicted the mayor of the town of Mahaas, in the Hiran region, for playing a role in an April 2019 explosion that killed his deputy. Abdirahman Elmi Awale was sentenced to life in prison. VOA News
  15. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha guddiga farsamada maamul dhisidda Galmudug oo ay Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa waxa ay ka warbixiyeen howlaha horyaala guddiga iyo sida ay u wajahayaan hawlahooda. Guddoomiyaha guddiga farsamada maamul dhisidda Galmudug oo ay Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa ka warbixiyay howlaha horyaala guddiga iyo sida ay u wajahayaan ka dib markii uu kormeeray Xarunta Shiirkoole halkaas oo la dajin doono Odayaasha dhaqanka ee soo xuli doona Baarlamaanka maamulka. Cabdinaasir Geelle Cilmi ayaa sheegay in ay geli doonaan howsha qeybta labaad, oo ah xareynta Odayaasha, isaga oo u mahad celiyey, ciidamada sugaya ammniga magaalada Dhuusamareeb gaar ahaan goobta ay ka dhaci doonto doorashada Galmudug. Sidoo kale guddiga ayaa maanta waxay kormeer ku tageen xarunta Shiirkole, halkaasi oo lagu wado in la dejiyo odayaasha dhaqanka ee soo xulaya baarlamaanka maamulka Galmudug. Magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimada Maamulka Galmudug ayaa waxaa ku wada sugan labo Guddi Doorasho oo ay kala magacaabeen Dowlada Soomaaliya iyo Madaxa Xukumada Galmudug Sheekh Sheekir, inkastoo Masuuliyiinta Ahlusunna ay sheegeen in ay arintaas wada hadal uu ugula socdo Dowlada Soomaaliya.
  16. A widow and her children from an ethnic minority, who fled Mogadishu for their safety following the high profile public killing of her husband over a family marriage dispute, is living without assistance in Kenya’s Dadaab refugee camp. Source: Hiiraan Online
  17. NEW YORK (HOL) - Two Somalia women secured historic wins in two US city council elections Tuesday attesting to remarkable participation of Somali immigrants in leadership roles in the US. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimadda Online) – Shan wadan oo Geeska Afrika ku yaalo ayaa isla sahminayaan qorshe wadareed dhaqaale lagu rabo in lagu soo saaro raasumaal $15 bilyan gaarayo si dhaqaalaha kobac u sameeyo sidoo kalena ganacsiga iyo hormarka dadka gobolka ku nool saare loogu qaado. Hindisahaan dhaqaalaha sare loogu qaadayo waxaa ku mideesan dalalka Kenya, Soomaaliya, Itoobiya, Jabuuti iyo Eriteria, waxayna heshiis rasmi ah wada gaareen bishii hore ayadoo goob joog ay u ahaayeen World Bank Group/IMF kulankii sanadlaha ahaa ee Washington DC ka dhacay. Sida uu sheegay Bangiga Hormarinta Afrika (African Development Bank) hindisaha kobaca dhaqaalaha shantan dal ku heshiiyeen wuxuu ku saleesan yahay afar ahmiyadood in mudnaanta kowaad la siiyo oo kala ah: hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha isku xiraan dalalkan dariska ah, sare in loo qaado ganacsiga iyo is dhexgalka dhaqaalaha, in la dhiso qorshe dhaqaale oo waaro kaasi oo abaaraha iyo hoos u dhaca dhaqaale looga hortagaayo iyo ugu dambeyntii in la xoojiyo hormarka aadanaha iyo tacliinta. Si loo hirgaliyo qorshaha lagu heshiiyay waxay u baahanyihiin dalalkaas $15 bilyan oo hormarka lagu heshiiyay lana hiigsanayo lagu gaaro. Khaled Sherif oo ah Madaxweyne ku xigeenka African Development Bank wuxuu ku tilmaamay heshiiska ay dalalka wada gaareen mid istaaraatiiji ah sidoo kalena xambaarsan keed dhaqaale oo laga faa’iideesan karo. Khaled Sherif wuxuu yiri “Geeska Afrika Juqraafi ahaan waa istaraatiiji muhiim ah madaama dalalkaas maraan Badda Cas, Badda Carbeed, Badweynta Hindiya iyo Gacanta Gulf-ka waa goobo muhiim u ah socdaalka gobolka iyo mid caalamka sameeyaan.” “Haddii laga faa’iideesto oo is dhexgal sax ah la sameeyo waxaa ka dhalan karo awood dhaqaale oo adkeysi leh sidoo kalena balan qaadi karto in waji cusub oo barwaaqadiisa wato dalalkaas gali doonaan waxayna ka caawin doontaa dalalkaas inay faa’iidada iyo kobaca dhaqaale isla qeebsadaan sidoo kalena hindisaha nabadda hadda la wado waa mid in badan gobolka dan weyn ugu jirto” ayuu sii raaciyey. Inta badan dalalkan geeska Afrika ku yaalo ee wada heshiiyeen waxay sameeyeen kobac dhaqaale oo qaarada inteeda kale laga dareemay sanadkii hore 2018. Wax soo saarka gudaha Afrika sanadkii hore 3.5% ayuu sida guud sare u kacay, waxaana xusid mudan in Itoobiya kobaceeda gaaray 7.7% wax soo saarka gudaha, halka Jabuuti gaareen 5.6%, Kenya 5.9% iyo Eritrea 4.2% gaareen. Marka laga reebo Soomaaliya oo kabaceeda ahaa 2.9% inta kale kobac dhaqaale oo xoogan ayay sameeyeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka arrimaha dibedda Denmark, Jeppe Sebastian Kofod oo Maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho. Kulanka Labada mas’uul ayaa looga hadlay iskaashiga iyo xoojinta xiriirka Labada dal iyo joogtaynta taageerada Denmark ay ku bixiso dib usoo kabashada dalka Soomaaliya. Wasiirka arrimaha dibedda Denmark ayaa sheegay in iskaashiga labada dowladood uu aad muhiim ugu yahay wiiqidda xagjirnimada, argagixisada, adkeynta amniga guud ee dalka iyo dhisidda mustaqbal u suurta galinaya dhallinyarada inay helaan shaqooyin iyo fursado dhaqaale iyo in carruurtu Soomaaliyeed ay helaan waxbarasho. Sidoo kale wuxuu ballan-qaaday in dowladda Denmark ay ka go’antahy in Soomaaliya ay ku Garab taagan tahay taageerada dhinacyada xasilinta, soo celinta amniga, ganacsiga iyo dhisidda mustaqbalka dhaqaalaha. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo dowladda Denmark uga mahad celiyay taageereeda joogtada ah ee dib-u-dhiska iyo kobcinta dowladnimada Soomaaliya, ayaa dhankiisa sheegay in Soomaaliya ay ka go’antay xoojinta iskaashiga iyo xoojinta xariira qotada dheer ee labada dowladood. Wasiir Cawad ayaa ka warbixiyay kulanka labada dhinac PUNTLAND POST The post Dowladda Denmark oo taageero horleh u ballan-qaadday Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  20. Unidentified fighter jets have conducted an airstrike in the vicinity of Awdheegle town in Lower Shabelle region of southern Somalia in the past 48 hours. At least six missiles fired by the warplanes struck small villages around the former Al-Shabaab stronghold, causing unknown casualties. The area is largely controlled by Al-Shabaab. It’s unclear which country belongs to the military jets carried out the aerial bombardment, but, US forces have been conducting air campaigns in the region for the past few months. View the full article
  21. Somali Prime Minister, Hassan Ali Kheyre has held talks with Danish Foreign Minister, Jeppe Sebastian Kofod in Mogadishu on Wednesday. The two discussed ways to strengthen already existing diplomatic ties and continue Danish government support for Somalia. Danish Foreign Minister, Jeppe Sebastian Kofod. who thanked the warm welcome accorded to him and his delegation while reiterating Copenhagen cooperation in the areas of war on terror and national security. Somali and Danish officials also discussed engagement in the economic development sector, reconstruction and rebuilding projects for the recuperating horn of the African state. Somali Premier, Hassan Ali Kheyre met Danish International Cooperation Minister, Rasmus Prehn, in Washington where they discuss Denmark’s support in Somalia’s debt relief process which is expected to conclude in 2020 View the full article
  22. Nadia Mohamed, a 23-year-old politician who fled Somalia’s war when she was a young girl, made history Tuesday night by winning an at-large seat on the St. Louis Park City Council. She will be the first Muslim woman and first Somali on the City Council. “I’m running because I believe I can help our city reach out to everybody in St. Louis Park,” Nadia said in her campaign video. Nadia won with 63% of the first-choice votes in the race, while Joseph Israel received 36% of the votes. She will replace Thom Miller, who did not run for reelection. Nadia got involved in city politics to build connections within the St. Louis Park community, according to a profile on Reviving Sisterhood. She joined the St. Louis Park Multicultural Advisory Committee, which helps bridge the city’s police departments with different cultural groups. During her time there, she helped guide the city’s mourning of a 2017 terrorist attack in Mogadishu and outreach to the local Somali community. She also co-taught two community education classes, volunteered with St. Louis Park High School’s High Achievement Program and hosted community Iftars. In March, Nadia received the St. Louis Park Human Rights Award in recognition of her “continuous dedication, leadership in connecting and communicating across cultures and ability to find new ways to build relationships in the community,” according to a city news release. Her campaign platform focused on racial equity, affordable housing, youth engagement, and climate action. Throughout Nadia’s campaign, she emphasized the importance of being inclusive of the whole community. “I really want to make sure that everybody [is] being heard and they are part of the building process,” Mohamed told the St. Louis Park Echo. View the full article
  23. At least 200,000 children are among more than half a million people affected by flooding in Somalia, the United Nations children agency said, calling for decisive action to help those at risk of malnutrition and disease outbreak. Source: Hiiraan Online
  24. Guddoomiyaha ayaa yidhi: Walaalayaal; waxa aan sinnaba looga aamusi karin masiibada dabiiciga ah ee ku habsatay dadka Soomaaliyeed ee ku teedsan Wabiga Shabeelle gaar ahaan Magaalada Beledweyne. Sawirada iyo muuqaalada argagaxa leh ee laga soo tebinayaa waxa ay inoo muujinayaan waxyeelada weyn ee soo gaadhay dadkaa Soomaaliyeed ee aynu walaalaha nahay isla markaana dhiig iyo dhaqanba wadaagno. Waxa aan dhammaan shacabka reer Soomaalilaan ugu baaqayaa kana codsanayaa in ay u fidiyaan gargaar isla markaana gacan ka geystaan gurmadka loogu jiro samata-bixinta maatada waxyeeladu soo gaadhay ee reer Baladweyn. Baladweyn Allahayow, balayaada hareer mari. Qaran News