-
Content Count
213,980 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
I recently went on a culinary trip to taste camel produce-meat and milk. My curiosity took me to a restaurant dubbed Kulan Cuisine and Coffee along Kaunda Street in Nairobi’s CBD. Owned by a family of Kenyan-Somalis, Kulan which translates to ‘place to eat’ has two locations. The first one situated in Eastleigh offers a wider range of Somali cuisine compared to the second eatery in the CBD. Source: Hiiraan Online
-
Shirkadda Twitter ayaa hawada ka saartay akoonno ay Twitter ku leeyihii koox mucaarad ku ah dowladda Iiraan oo ku sugan waddanka Mareykanka iyo taageerayaashooda, kadib markii lagu eedeeyey in ay ku xad-gudbeen shuruucda shirkadda Twitter-ka. Cinwaan uu barta Twitter-ka ku lahaa ururka the Organization of Iranian American Communities oo loo soo gaabiyo OIAC oo ah hay’ad taageerta waxay ugu yeerto “halganka isbadalka dimuqraadiyadda” ayaa la xiray Arbacadii. Akoonkan ayaa waxaa ku tixnaa in ka badan lix kun oo qof. OIAC ayaa ka war heshay in bartoodii Twitter-ka la xiray xilli ay ku guda jireen kulan ay soo agaasintay hay’addu oo ka socday xafiiska golaha senate-ka ee Dirkson ee magaalada Washington, kaasi oo looga hadlaayay waxa ay hay’aadu ugu yeertay “kororka caburinta gudaha iyo gardarrada gobolka ee Tehran.” Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay Ted Cruz iyo John Boozman oo ah laba senetaor oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga. Alex Arzabak oo ka tirsan xubnaha OIAC oo la hadlay laanta Persian eeVOA ayaa sheegay in kooxdooda warbaahinta bulshada u qaabilsan ay ka war heshay in akoonkooda guud ee ururka la xiray xilli ay damacsanaayeen in ay faafiyaan warbixinnada la xiriira kulankaasi. Arbazak ayaa sheegay in ay tahay markii u horreysay ee ay shirkadda Twitter xirto akoonka guud ee OIAC. Arzabak iyo laba haween ah oo kale oo iyana akoonadooda Twitter-ka la xiray ayaa sheegay inaan loo sii sheegin in akoonnadooda la xiri doono iyo iney ku xadgudbeen sharciyada guud ee shirkadda Twitter-ka. PUNTLAND POST The post Shirkadda Twitter oo xirtay akoonno ay leeyihiin koox mucaarad ku ah dowladda Iiraan appeared first on Puntland Post.
-
Stuttgart (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ku gacan seertay guulihii ka dhankaa ahaa Mareykanka ee uu amiirka Al-Shabab Axmed Cumar Abu Cubeydah ku sheegtay muuqaal socday 52 daqiiqo oo uu dhowaan soo duubay. Taliye ku-xigeenka howl-gallada ee taliska Mareykanka ee Africa AFRCOM, Brig. Gen. Miguel Castellanos ayaa sheegay in guulihii uu Abu Cubeydah ka sheegtay weerarkii ay dagaal-yahanada kooxda ku qaadeen saldhigga Ballidoogle aysan waxba ka jirin, balse taal beddelkeeda jab weyn lagu gaarsiiyey Al-Shabaab. Castellanos oo warbixin ku qoray shabakadda Military Times, ayaa sheegay in weerarkii dhacay 30-kii September lagu wada dilay dhammaan 15-kii dagaal-yahan ee Shabaabka ahaa ee soo qaaday, kadib markii ay ka hor-tageen ciidmadii Mareykanka ee ilaalada ka ahaa saldhigga. “Waxay lumiyeen noloshooda, hubkooda iyo qalabkooda.” Ayuu yiri Castellanos. “Saddex baabuur oo walxaha qarxa lagu soo xiray ayaa qeyb ka ahaa weerarka fashilmay, laba ayagaa is qarxiyey inta aysan saldhigga soo gaarin halna waxaa haleelay gantaal lala beegsaday.” Ayuu yiri. Waxa uu sheegay in waxa kaliya ee Mareykanka gaaray ay ahayd hal askari oo miyir doorsamay kadib markii uu ka naxay jugta qaraxa “Tani waa sababta aysan argagixisada u baahin wax muuqaallo ama sawirro ah oo ay ku caddeyn karaan borobogaankooda inay khasaare gaarsiyeen Mareykanka, sababtoo ah ma jiro wax khasaare ah.” Ayuu yiri Brig. Gen. Miguel Castellanos. “Ururada argagixisada waxay inta badan beenta iyo akhbaartan aan saxneyn u baahiyaan si ay u xoojiyaan qorshahooda wax burburinta ku dhisan, uguna dhiiri-geliyaan dagaalyahanada ay qoranayaan. Si gaar ah, tani waxay inta badan dhacdaa marka khasaaraha uu ayaga ku badan yahay, uuna gabalkooda sii dhacayo. Tani waa xaaladda iminka ee Al-Shabaab.” Brig. Gen. Miguel Castellanos ayaa sheegay in Al-Shabaab “ay sii wadi doonto inay been baahiso, balse xaqiiqda dhulka ka jirta ay taas ka duwan tahay.” Caasimada Online Xafiiska London caasimada@live.com
-
The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of the Italian Republic, via the Italian Agency for Development Cooperation, is making a contribution of 3 million Euros to support the collaboration between UNFPA and Ministry of Health and Human Services of the Federal Government of Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa kormeer ku tegay degmadda Kaxda ee gobolka Banaadir. Kormeerka oo qayb ka ahaa howlgal ammaanka lagu sugayo ayaa ka dambeeyay markii degmadaas uu ka dhacay dil loo geystay afar rayid ah. Mas’uuliyiinta degmadda ayaa su’aallo laga waydiiyey qaabka ay wax u dhaceen iyo hadii ay jiraan shaqsiyaad loosoo qabqabtay. Habeenimadii Khamiista, 7-da November, ayay ahayd markii kooxo hubeysan ay rasaas ooda uga qaadeen dad ku sugnaa maqaaxi. Wararka ayaa sheegaya in falkaas uu salka ku hayey aanooyin qabiil, waxaana xaaladda meesha ay wax ka dhaceen ay haatan tahay mid degan. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Talyaaniga ayaa ku dhawaaqday in ay Soomaaliya ugu deeqday ku dhowaad afar milyan oo Doollar. Deeqdaas ayaa waxaa si gaar ah loogu wareejinayaa Wasaaradda Caafimaadka ee xukuumadda federaalka ah, sidda lagu sheegay qoraalka. War-saxaafadeedka ayaa intaas raaciyey in lacagta wax loogu horumarin lahaa adeegyadda caafimaad ee magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar. Si gaar ah waxaa lagu sheegay in Isbitaalka Ciidanka Xoogga, Isbitaal Banaadir iyo Isbitaalka guud ee Jowhar loogu talogalay deeqdaas. Warka qoraalka ah ayaa intaas raaciyey in deeqdaan ay wada maamuli doonaan Qaramadda Midoobay iyo dowladda Soomaaliya. Dr. Fawziya Abiikar Nuur, wasiirka caafimaadka Soomaaliya, ayaa lagu sheegay bayaanka in ay ka mahad-celisay deeqdaas. lberto Vecchi, safiirka Talyaaniga u fadhiya Muqdisho, ayaa carabka ku adkeeyay in ay ka go’an tahay xoojinta taageerada xukuumada federaalka ah. Talyaaniga ayaa kamid ah dowladdaha taageerada xoogan ku bixiya sidii Soomaaliya cagaheeda dib isugu taagi lahayd kana soo kabato burburka. View the full article
-
Jabuuti (SMN) – Xoghayihii urur goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu, ayaa si rasmi ah wuxuu ula wareegay xilkaas kadib munaasabad lagu qabtay Jabuuti. Gebeyehu ayaa 22-kii October ee sanadkan ayaa waxaa magacaabay ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed. Mas’uulkan cusub oo farxad ka muujiyey magacaabida ayaa bedelay Maxbuub Macalin oo u dhashay waddanka Kenya. Workneh Gebeyehu ayaa horey u soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya iyo Agaasinka xafiiska UN-ka ee magaaladda Muqdisho. Xil la wareegitaanka ayaa kusoo aadey xili dowladdaha Soomaaliya iyo Jabuuti ay horey uga soo horjeesteen magacaabidda Gebeyehu. Xukuumadda Muqdisho iyo Jabuuti ayaa nan wali ka hadlin talaabaddan, wallow ay horey uga dhawaajiyeen in ay doonayaan isbedel. IGAD oo ka shaqeeya iskaashiga dalalka ee ganacsiga, amniga, siyaasadda iyo nabadda ayaa dhidibada loo taagey 1986-dii. Soomaaliya oo aas-aaseyaasha kamida wali xil sarre kama qaban abid. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/War-Duhur-08112019-ok-sax.mp3 View the full article
-
Gaalkacyo (SMN) – Dadweynaha waqoyga magaaladda Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug, ayaa maanta dhigay banaanbax aad u balaaran kaasoo cabasho ah. Mudaaharadayaasha ayaa ka codsaday mas’uuliyiinta dowladda federaalka iyo kuwa Puntland in ay ka shaqeeyaan sii deynta Soomaali ku xiran waddanka Cumaan. Muwaadiniintaas ayaa lagu eedeeyay burcad-badeednimo, wallow qoyskooda ay gaashaanka ku dhufteen sheegashooyinkaas. Dibadbaxayaasha ayaa waydiistay dowladda iyo maamul goboleedkaas in ay dedaal badan ku bixiyaan sidii xorriyadooda u heli lahaayeen wiilashaas. Xukuumadda Soomaaliya ayaa horey waxay ugu guuleystay in ay xabsiyadda caalamka kasoo dayso Soomaali badan oo dambiyo aysan lahayn dusha loo saarey. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Banaanbax.mp3 View the full article
-
Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in fatahaadihii dhowaan ka dhacay gobolo kamid ah Soomaaliya ay ku dhinteen 25 Qof, halka 47 kalena ay ku dhaawacmeen, xilli weli Roobab xoggan ka da’ayaan meelo ka mid ah Dalka. Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa sidoo kale sheegtay in Roobabka mahiigaanka ah ee ka da’ay gobolladaasi Soomaaliya ay barakiciyeen in kabadan 270,000 oo Qof, iyadoo burburiyay hab nololeedkii Dadka iyo kaabayaashii dhaqaalaha. Xaaladaha adag ee ka jirta qeybo ka mid ah goobaha ay daadadku saameeyeen ayay sheegtay WHO in ay geeyeen qaddar yar oo Naf badbaadin ah, balse uu jiro dedaallo lagu ballaarinayo howlaha gargaarka. Xafiiska Qaramada midoobay u qaabbilsan Isuduwidda arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA) ayaa dhowaan sheegay in kabadan 547,000 oo Qof in ay saameeyeen fatahaada Dalka ka dhacay. PUNTLAND POST The post Hay’adda Caafimaadka Adduunka oo war ka soo saartay Fatahaadaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sheegay in dadka ku nool Gobolkan Banaadir aysan wax xaquuq ah ka heysan dowladda Federaalka, isla markaana dowladda ay u sameyn la’dahay maamul u gaar ah. Cosoble ayaa sheegay in xilligii doorashada uu Madaxweyne Farmaajo u balan qaaday in Maamul gaar ah uu u sameyn doono Muqdisho, hase yeeshee uusan fulin balantaas, waxaana uu ugu baaqay in uu madaxweynaha uu fuliyo balantii uusameeyey. “Madaxweynaha Xildhibaano kasoo jeeda Muqdisho ayuu yiri I doorta Banaadir State ayaan ku dhawaaqayaa laakin ma fulin, marka in dadka Muqdisho laga dabageeyo ma fiicno lana yiraahdo dowladnimada dhowra wixii kasoo baxana anagaa leh ayuu yiri” Xildhibaan Cosoble. Waxa uu sidoo kale sheegay in dadka Muqdisho aan lagu kalifin inay dhib ka shaqeeyaan oo ay u guuraan Ceelasha Biyaha ee xaquuqdooda haka helaan dowladda oo hala siiyo. Dadka Muqdisho ayaa ah dadka kaliya ee ay ku tiirsan tahay dowladda Soomaaliya, oo biilata canshuurta laga qaado iyo dakhliga kasoo xarooda dekeddooda, hase yeeshee wax xuquuq ah kuma laha dowladda haba yaraatee. Hoos ka dhagyeso Cosoble https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/11/Cod-Xildhibaan-Cosoble.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in dowladda Soomaaliya ay sameysato Muddo kororsi la doonaayo in dib looga dhiggo xilligii doorashada loogu tala galay. Hadal uu ka jeediyay Munaasabadda daah furka Madasha Xisbiyada Qaran ayuu ka sheegay in madaxda xilligan talada dalka heyso looga fadhiyo inay ku dhaqmaan sharciga, wuxuuna Shacabka u soo jeediyay iney iska diidaan wax kasta oo Dastuurka ka hor imaanaya. Waxaa uu sheegay in qorshe kaste oo ku aadan Muddo kororsi in uu kusoo dhamaan doono Fashil iyo in laga leexiyo dalka Wadadii uu ku socday loona baahan yahay Mas’uuliyad. “khad guduudan ooo khatar ah oon laga talaabi karin waaye Kororsiimo,fariintaas madaxweynaha bas maku socoto, madaxda kale ee hay’adaha kale ee Dastuuriga ah yaaney ku fikirin, fulay xantiisa ma moogaa la yiri, hay’ad waqtigeeda la dhaafinaayaa majirto, waa la dooranaa, waqtiga yaaney ka dhicinee ololohooda hada ha bilaabeen” ayuu yiri Xasan Sheekh. Waxaa uu dhinaca kale dhaliilay sida dowladda ay ula dagaalameyso dadka Siyaasada ay wax ku maamusho ka soo horjeedsada, isagoo tilmaamay in dadka ay Siyaasiyan xaq u leeyihiin iney aragtiyadooda cabiraan. Waxa uu intaa ku daray in dowladda ay iyada masuuliyada qaadanayso haddii ay waqti korarsi sameyso wixii dalka ka dhaca. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Beledwayne (SMN) – Xubno kamid ah baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa magaaladda Beledwayne kulamo kula yeeshay Xildhibaanadda HirShabelle. Mudaneyaasha ayaa kulamadooda diiradda ku saarey xaaladihii u dambeeyay ee magaaladda gaar ahaan dhinaca gurmadka fataahadaha. Sharcidejiyeyaasha federaalka ayaa ku booriyey qaybaha ay u quseyso in musuqmaasuqa laga ilaaliyo gurmadka loo fidinayo shacabka. Ciidamadda ammaanka ayaa la faray in ay gacanta ku dhigaan cid kasta oo ay ku qabtaan in ay is-dabamarin ku sameyneyso gargaarka. HirShabelle ayaa sheegtay in ay Beledwayne geysay ciidamo gaar ah, kuwaas oo sugi doono ammaanka gargaarka iyo waliba dadka dhibaateysan. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/HirShabelle.mp3 View the full article
-
Labada dhinac oo saxiixaya heshiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladda ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis lagu fulinayo mashaariic kala duwan oo uu ku baxayo dhaqaale gaaraya 3 Milyan oo Euro. Wasiirka Wasaaradda Caafimadka Soomaaliya Fowsiiya Abiikar Nuur oo heshiiskani u matalaysay xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dhaqaalahan iyo mashaariicda kaleba ay Dowladda Talyaanigu ugu tala gashay in wax loogu qabto Caafimaadka Dadka Soomaaliyeed. Amb. Alberto Vecchi Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay sii wadayaan taageerada Caafimaadka oo ka koobnaan doonta kuwa Dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay. “Waan sii wadi doonaa taageerada dhinaca Caafimaadka ee Dadka Soomaaliyeed waxaana uga mahad celinayaa Wasaaradda sida ay noola shaqeyneyso” ayuu yiri; Amb. Alberto Vecchi. Dowladda Talyaaniga ayaa Wasaaradda Caafimaadka ku wareejisay qalab loogu talagalay Hooyada iyo Dhallaanka oo ka mid ah adeegyada uu Isbitaalka Martiini bixiyo. Wasiir Fowsiya ayaa sheegtay in qalabkan uu wax badan kusoo kordhin doono Isbitaalka, iyadoo uga mahad celisay Dowladda Talyaaniga taageerada ay siiyaan bulshada Soomaaliyeed. “Soomaaliya iyo Talyaaniga xiriir qoto dheer ayaa ka dhaxeeya waana ku mahadsan yihiin taageerada dhinac walba ah, qalabkan wax badan ayuu ku kor dhin doonaa shaqada Isbitaalka iyo Dadka adeegga u baahan”ayay tiri Wariir; Fowziya. Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegtay mamulka iyo Gacan ku haynta Ibitaalka MartiinI billoowgii Febraayo ee Sanadkaan, waxaana haatan adeegyo Caafimaad oo bilaasha ah uu u qabtaa Dad ka badan 40,000. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis lagu fulinayo mashaariic kala duwan appeared first on Puntland Post.
-
PRESS RELEASE Somali soldiers graduate from UK run training course Mogadishu – One hundred and thirty-four (134) Somali National Army (SNA) soldiers graduated on Wednesday from a UK-led training course in Baidoa, the capital of South West State in Somalia. The training is part of the UK’s ongoing efforts to strengthen the capacity of Somali security forces. During the graduation ceremony, held at a UK- funded training facility in Baidoa, the SNA soldiers demonstrated the combat skills that they have acquired over the past two months which will help them to deliver lasting peace and security in Somalia. The training has equipped the soldiers with vital skills, including training in field-craft, leadership, human rights, first-aid treatment, patrolling and the delivery of defensive operations, to enhance their current capabilities. The pass-out ceremony was attended by senior government officials from South West State, senior military officers and commanders from the Somali National Army (SNA), the African Union Mission in Somalia (AMISOM) and UK officials. Speaking during the graduation ceremony, British Ambassador to Somalia, Ben Fender said: “Congratulations to you all on successfully completing this important training. We hope the new skills you have learnt will be of great benefit to you as you join other men and women on the frontline to support long-term security in Somalia.” “The UK is committed to helping build the capacity of the Somali National Army and Somali Police Force so that you will eventually be able to assume full responsibility for the nation’s security.” The Commander of British Forces in Somalia, Colonel JL Baynham, said: ‘Today is an important day for this joint Somali and British project and I congratulate all those who have made this possible and in particular, the 134 soldiers who stand before us today on this parade. It is their professionalism and dedication that has made this possible and it is they who will help ensure the Somali people will experience peace and prosperity in the years to come’. In attendance was the South West President, Abdiaziz Hassan ‘Laftagareen’ who thanked the UK for the ongoing support to the Somali National Army. He said: “I urge all of you to work hard and protect our country, please implement the lessons you have learnt during the training and pass on the knowledge to your colleagues. I would also like to thank the UK government for providing support to the Somali people” The commander of the Somali National Army in Baidoa, Brigadier General Osman was also present and thanked the UK government and Commander Baynham for his dedication in ensuring a training centre is established. The UK is supporting efforts to build the capacity and capability of Somalia’s security forces, ahead of transition to Somali-led security. Since January 2017, the UK has delivered training to over 900 Somali National Army soldiers. The training has focused on medical skills, leadership development, equipment care, logistics and the rule of law. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Mareykanka ayaa markii u horeysay war saxaafadeed ka soo saartay xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya oo bilihii la soo dhaafay gashay marxalado aan la fileyn oo ka dhashay khilaafka dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka. War saxaafadeed ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanka ku boorineyso dhammaan dhinacyada Soomaalida inay ka shaqeeyaan dib u heshiisiin siyaasadeed. “Dowladda Mareykanka waxay ku boorineysaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, dhammaan Dowladaha xubinta ka ah Federaalka, iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan dib-u-heshiisiin siyaasadeed, iskaashi, iyo midnimo ayadda oo loo maraya wadahadal nabadeed” sidaasi waxaa yiri Donald Yamamoto safiirka Mareykanka u fadhiya soomaaliya. Sidoo kale waxaa war saxaafadeedka ka soo baxay safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumar wax ku ool ah oo laga dareemayo dhinacyada muhiimka ah, ee Amniga,dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka. “Soomaaliya waxay ku tallaabsatay horumar wax ku ool ah oo laga dareemayo dhinacyadda muhiimka ah. Waxaan ku dhiirigelinaynaa dhammaan inay isu yimaadaan oo ay la shaqeeeyan saaxibada Soomaaliya ee caalamiga ah si loo helo nabad, xasilooni, iyo barwaaqo” Arintan ayaa waxaa ay ku aadaysaa xili khilaaf siyaaseed uu dhexeeyo dowladda Soomaaliya iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada ka jira dalka, iyadoona sidoo kale ay xusid mudan tahay in dowladda ay culeys kala kulanto siyaasiyiinta mucaaradka ee ka so horjeeda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Kulamo looga hadlayey ammaanka degaanadda Puntland ayaa lagu qabtay magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Kulanka ayaa waxaa kasoo qeybgalay Odayaasha Dhaqanka, maamulka gobolka, bulshadda iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay. Cabdisamad Yuusuf Maxamed [Abwaan], gudoomiyaha gobolka Bari, oo kulanka kadib la hadlay saxaafadda ayaa ka warbixiyey qodobadda kasoo baxay. Mr Abwaan ayaa hoosta ka xariiqay in ay isla garteen in la xoojiyo howlgaladda lagu sugayo nabad-gelyadda, shacabkana door ku yeeshaan. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Gobolka-Bar.mp3 View the full article
-
Luuq (SMN) – Ciidamadda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si ramsi ah ula wareegay ammaanka degmada Luuq ee gobolka Gedo. Dadka degaanka ayaa kusoo waramaya in ciidanka ay bilaabeen howlgalo lagu xaqiijinayo nabad-gelyadda guud ee magaaladda. La wareegitaanka ayaa ka dambeysay markii cutubyo kamid ah ciidanka Itoobiya ay gaareen kana wateen mas’uuliyiin dhowr ah. Xaaladda magaaladda ayaa haatan ah mid degan, waxaana shacabkaku kusoo waramayaa in ciidanka dowladda si fiican ula dhaqmayaan. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Ciidan.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in gargaar uu maanta ku wajahan yahay Beledwayne. Injineer Cabdi Xasan Canshuur ayaa tilmaamay in gurmadkan uu qayb ka yahay gargaarka caalamiga ah ee fatahaadyadda Beesha Caalamka. Dhowr diyaaradood ayuu xusay in ay xarunta gobolka Hiiraan ka degi doonan, kuwaasi oo gurmad gaarsiin doona shacabka halkaas ku nool. Magaaladda Beledwayne ayaa waxaa saameyn daran ku yeeshay fatahaad uu sameeyay Webiga Shabelle, inkasta oo xaalka magaaladda uu wacan yahay haatan. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/AQ.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay dilal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Kaxda ee magaaladda Muqdisho. Ugu yaraan afar ruux ayaa ku dhimatay markii dabley ay rasaas ooda uga qaadey meel maqaaxi ah oo ku taala degmadaas. Kooxaha hubeysan ee falkaas sameeyay ayaa la sheegay in ay ka baxsadeen meesha ay wax ka dhaceen oo ciidanka ammaanka gaareen. Wararka ayaa sheegaya in falalkaan ay salka ku hayaan annooyin qabiil, waxaana socota dedaalo la doonayo in lagu qaboojiyo xiisaddaas. Qof kamid ah dadka degaanka oo la hadlay idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyey qaabka ay wax u dhaceen iyo xaaladda sidda ay tahay hadda. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Degmada-Kaxda.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa rasmi ah amaankooda ugu wareejiyay ciidamo Soomaali ah, halka markii hore ay amnigooda mas’uul ka ahaayeen ciidamo ka tirsan Howgalka Midowga Afrika ee AMISOM. Xubno ka tirsan Saraakiisha amaanka Soomaaliya gaar ahaan Saraakiisha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa noo xaqiijiyay in Xasan Cali Kheyre uu dhawaan soo afjaray ciidankii ilaalada u ahaa ee AMISOM, waxa uuna noqonayaa masuulkii labaad ee tallaabadaan qaada. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiaxmaan ayaa dhowr bil ka hor joojiyay shaqadii aheyd sugidda amniga ee ciidamada AMISOM ka haayeen Xafiiskiisa, gurigiisa iyo dhaq-dhaqaaqiisa waxaana lagu wareejiyay Ciidamo Soomaali ah sida ay noo sheegeen xubno ka tirsan Villa Somalia. Sidoo kale Xasan Cali Kheyre ayaa amaanka Xafiiskiisa iyo socdaalkiisaba ka wareejiyay Ciidamada AMISOM. Kheyre ayaa hore u joojiyay in ciidamada AMISOM u raacaan safarada iyo socdaalka magaalada gudaheeda, iyadoo todobaadyo ka horna laga wareejiyay amaanka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Ciidamada AMISOM ayaa mas’uuliyadda saaran waxaa kamid ah sugidda amaanka madaxda Qaranka, sida Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Golaha waxaana hadda ay ku harsan yihiin oo kaliya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay u raacaan safarada gudaha dalka ah iyo socdaalka magaalada gudaheeda ah. Ciidamadaan ayaa mushaarka ay qaataan waxaa u dheeraa lacago Service ah oo ay siiyaan madaxda Qaranka markii ay qabtaan shaqooyinka adag sida markii ay madaxda u raacaan safaro gobolada ah waxaana lacagahaas la sheegay in hadda ay u wareegi doonto Ciidamada Soomaalida ee u baxaya Safarada gobalada ama madaxda u raaci doono shaqooyinka gudaha dalka ah ee ka baxsan Villa Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Subax ee idaacadda Shabelle. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Subax-08112019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Howlaha Guud Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wasaaraddaha Howlaha Guud ee Dowlad goboleedyada oo muddo Seddex maalmood ah shir uga socday Magaaladda Muqdisho, kaasi oo ku saabsanaa siddii loo dhameystiri lahaa hay’adda jidadka Soomaaliyeed oo muhiim u ah kaabeyaasha dhaqaalaha dalka, sida dib u dhiska iyo guriyeynta ayaa waxaa maanta soo xeray Wasiirka Howlaha Guud XFS Mudane Cabdi Aadan Hoosoow. Agaasimaha maamulka iyo maaliyadda Wasaaradda Howlaha Guud XFS Eng.Maxamed Cabduqaadir Xuseen, ayaa sharaxaad ka bixiyay shirkaan iyo heshiiska ay wada saxiixdeen Wasaaradda iyo Maamul goboleedyada . “Muddada Seddexda cisho ah oo aan halkaan fadhinay waxaan isku afgaranay tirada guud ee xubnaha inay noqdaan Todobo oo kala ah Hal haween iyo Lix rag ah, waxaan kaloo isku afgaranay shirka guddiga iyo goobaha ay ka dhici doonaan iyo xubnahii ka mid noqon lahaa guddiga oo ah hay’ad walbo xubinta ay ku leydahay gudigga” ayuu yiri Agaasime Maxamed Cabduqaadir Yariisoow” Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Aadan Hoosoow oo soo xeray shirka ayaa ku booriyay in la adkeeyo xiriirka wada-shaqeynta, si looga mira dhaliyo howlaha loo igmaday oo ay ka mid yihiin siddii dalka iyo dadkaba wax loogu soo kordhin lahaa. “Runtii si wanaagsan ayuu innoogu dhammaaday shirka Alle mahadiis, sidoo kale inay howshaan ay qabsoonto fikir iyo dadaal badan ayaa la geliyay, waana idinka mahad celinayaa howhsii aad qabateen Maamul goboleeyada iyo howl wadeenada Wasaaradda” ayuu yiri Wasiir hoosoow. Hay’adda Qaran ee jidadka Soomaaliyeed ayaa marka la dhameystiro waxaa ay qaban doontaa howlaha dib u dhiska dalka, sida hubinta iyo tayada dhismooyinka dalka, taasi oo muddo ka badan 30 sano ka maqneyd adeegyadda bulshadda. View the full article
-
A three-judge bench presiding over the Kenya-Somalia maritime border dispute has said it’s unable to render its decision owing to the recent Judiciary budget cut Source: Hiiraan Online
