Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka hor hadlay golaha shacabka ayaa sheegay in maanta ay tahay guul in dalka uu yeelanayo axsaab siyaasadeed kuwaas oo la soo dooranayo muddo dheer ka dib waxaana uu yiri” Muwaadiniinta waxaa ay xaq u helayaan runtii aan doorasho xor ah waligood soo galin oo 50 sano ku dhow iyo qofkii 10 sano jiray 1969-kii uusan xaq u laheyn inuu codeeyo, marka waxaa ay noqonaysaa 67 sano qofka maanta jira doorasho qof iyo cof ah kama qeyb galin oo dalka Soomaaliya gudihiisa ah marka laga reebo gobalada qaarkood, waa baarlamaankaan iyo dadka Soomaaliyeed badankood inta nool marka fursad weyn ayey u tahay inuu wado cusub dalkaan qaado”. Xidhibaan Fiqi oo hadalkiisa siiwato ayaa sheegay in sharciga doorashooyinka uu yahay sharci looga gudbayo inuu yimaado isqabqabdi siyaasadeed oo ka dhex dhaca madaxda dalka iyo dowlad gobaleedyada iyo hanaankii Qabiilka waxaana hadakiisii ka mid ahaa” sharcigan walwal tire ayaan u bixiyey, waxaad xor ka noqoneysaa odeygii Qabiilka ahaa ee dhibka badnaa, waxaad xor ka noqoneysaa Madaxweyne dowlad gobaleed oo ku dhibi kara, waxaad xor ka noqoneysaa madaxda Villa Soomaaliya joogta aad saf ugu galeysid aniga Xildhibaan iga dhig Walwaltire ayaa la yoiraahdaa marka Sharcigaan xeerarka kala duwan ee doorasho oo dal leeyahay ayaa lagu maareeyaa”. Sidoo kale Xildhibaanadii hadlay waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye oo ka hor hadlay golaha shacabka ayaa xusay in hanaanka ee la soo gudbiyey ee doorashooyinka uu luminaayo hanaankii awood qeybsiga ee lagu heshiiyey taas oo horseedi karta inuu yimaado is qabqabsi waxaana uu yir” Dastuurkeena waxaa uu qorayaa waxaan ku heshiiney heshiis awood qeybi haddii uu awood qeybisigii meesha ka baxo waxaan u noqoneynaa Khilaaf xoogan listada xiran oo horay loo soo gudbiyey hanaankaan laga soo badalay ciladaheeda waxaa ugu daran uguna muhiimsan waa awood qeybsigii oo meesha ka baxaya”. Xidhibaan Saabir oo sii hadalaayo ayaa sheegay in hanaanka listiga xiran in xisbiyada ay keenaan intiii loogu talo galay taas oo horseedi karta in xisbigii uu urburo ama laga dhaxlo khilaaf aan dhammaan waxaana uu yiri” Sida aan la soconno listiga xiran xisbi waliba waxaa laga rabaa inuu soo gudbiyo 275 xildhibaan 275 xildhibaanna waxaa la rabaa in la kala doorto oo qof waliba uu Numbar ka galo Numbarkiisana la cayimo, xisbiga aan ka tisan nahay marnaba ma aqbalaayo inaan numbarka 100-aad aan noqdo waxaa laga yaabaa inuu xisbigu 100 cod uusan heli karin waxaa imaanaya isqabqabsi axsaabta dhexdeedaa waxaana imaanaya in axsaabtii burbuirto”. Dhanka kale Xidhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Beena Beene oo ka hor hadlay golaha ayaa sheega in sharciga doorashooyinka ay muhiim tahay dhammaan xildhibaanada in ay asaga ku mashquulaan sidii loo ansixxin lahaa maadaama uu yahay sharci la doonayo in umadda lagu dhaqo boqolka sano ee soo socoto ee aan lagu mashquulin siduu u qabsoomi kartaa doorasho qof iyo cod ah sanadka soo socdo waxaana uu yiri” Waa in ay noo kala cadaato ma waxaan xalinaynaa doorasho sanadka soo socdo nuucii ay u dhici laheyd oo ku rajiister gareyan sidii aan annagu aan ku soo noqon laheyn iyo sharaarkeena inaan tolono miyeey xalkeena tahay mise sharci doorasho oo 50-ka sano ee socota ama 100-ka sano ee soo socdo inaan xal ka gaareynaa, haddii aan dooneyno inaan doorashada sanadka soo socota aan qaabeysano waxaan u malaynaa u jeedadu waa naga qaldamaysaa, waa inaan saxnaa dalkeena Soomaaliyeed sharci doorasho oo boqolaalada sano ee soo socota lagu maamulaayo” Dhinaca kaleXikdhibaan Cabdishakuur Mire oo ka hor hadlay ayaa golaha ayaa sheegay in muhiim ay tahay in sharciga doorashooyinka awoodaha lagu kala qeexo waxaana yiri “ Haddii aad fiiriso qodabka 90-aad ee dasduurka awoodaha Madaxweynaha waxaa uu sheegayaa Madaxweynuhu inuu magacaabayo wasirka 1-aad oo uu ka magacaabi karo qof kasto oo Soomaali ah oo buuxiya, taas meesha waxaa ay ka saareysaa in xisbigii aqlabiyadda helay uu xukuumadda soo dhiso waxaa ay u baahan tahay in la is waafajiyo qodobadaas dastuuriga ah oo kaalinta xisbiyada awooda tartanka siyaasadda iyo doorashada Madaxweynaha oo keenaysa awoodo badan oo xisbiyadu lahaan lahaayeen in uu Madaxweynihii qaato” Xildhibaan Cabdishuur oo halakiisa siiwato waxaa uu yiri” saxiibadey waxaa ay ku sheegeen soo jeedintooda, Soomaaliya waa dal Baarlmaani ah waa dal baarlamaani macnihiisu waxaa waaye xidhibaannada waxaa soo doorta shacabka xildhibaannaduna waxaa ay doortaan madaxda qaranka, Lakiin dowladaha Baarlaamaaniga ah oo dhan haddaad fiirisid awooda siyaasadda waxaa qaata xisbigii aqlabiyada hela”. Ugu danbeyn Xildhibaan Sahra Malin oo dhankeeda ka hoor hadashay golaha ayaa sheegtay in ay tahay in lagu noqdo sharciga doorashooyin maadaama uusan isku dheeli tirneen qoondada haweenakana sidii rabay aan loo muujin waxaana ay tiri” Qoladaan aad ayeey u soo shaqeeyeen waxaa ay tahay in sharcigaan lagu noqdo maadaama aysan dheelitir jirin oo dadkii soo qoraayey aysan u sineen, arrimaha culeeska leh oo quran meesha in gabdhaha ku yar yihiin waxaad ka fahmee xushmo ahaan ha loogu soo daro aniga qof nool ayaan ahay xushmo ahaan miyaa wax la ii siinaa, aniga iyo wasiirkayga Illaah ayaa nawada abuuray isku si ayaa wax u leenay xushmo ahaan dumarka waxha loo siiyo raggana caadi haloo siiyo meel ay ku taalo majirto” Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Habeen-04122019.mp3 View the full article
  3. (SLT-Jabuuti)-Dowladda Jabuuti ayaa markii ugu horreysay ka hadashay warbixino ay baahiyeen warbaahinta gudaha dalka Itoobiya oo lagu sheegay in ciidamada badda Itoobiya ee cusub uu saldhiggooda noqon doono Jabuuti. Wargeyska Capital Ethiopia oo soo xiganaya Ilo-wareedyo ayaa qoray in intii lagu guda jiray booqashadii uu Jabuuti ku tagay toddbaadkii saddexaad ee bishii October, uu ra’iisul wasaare Abiy Ahmed kala hadlay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle in Jabuuti ay saldhig siiso ciidamada badda Itoobiya, la iskuna raacay. Hase yeeshee safiirka Jabuuti u fadhiya dalka Itoobiya, Maxamed Idiris Faarax oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in weli aysan jirin wax heshiis ah oo Jabuuti ku ogolaatay in ay saldhig siiso ciidamada badda Itoobiya. “Warkaas waa war jaraa’iddada Itoobiya dhex socda, kuwaas oo sheegaya in ciidanka badda ee Itoobiya ay saldhig ku yeelanayaan Jabuuti, warkaasi ma ahan war rasmi ah, ma heyno wax heshiis ah oo labada dowladood ay isla gaareen ” ayuu yidhi. Si katsaba Maxamed Idiris Faarax waxa uu qiray in labada waddan ay ka wada hadleen arrintan, balse illaa iyo hadda aysan jirin wax dhaafsiisan wada-hadal oo kasoo cusboonaaday arrintaas iyo heshiis rasmi ah oo la gaaray. “Waxay ahayd dalab ka yimid ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo doonayay in ciidankaas la dejiyo dalka Jabuut, waxaa soo socdana wakhtiga ayaa inoo sheegi doonaa”, ayuu hadalka ku daray safiirka. Safiirka ayaaa dhinaca kale sheegay in heshiis kasta oo Jabuuti ay arrintan ka gaarto uu noqon doono mid saddex geesood ah oo Faransiiska uu qeyb ka yahay. “Haddii ay noqota in heshiis la gaaro wuxuu noqonayaa heshiis saddex geesood ah oo dhexmara Faransiiska, Jabuuti iyo Itoobiya” ayuu yiri. France ayaa dowladda Itoobiya ka caawineysa dib u dhiska ciidamada badda, waxaana iminka qaar ka mid ah shaqaalaha lagu tababarayaa dalka France, oo ah mid ka mid ah dalalka taageerada ugu weyn siinaya is-beddelada ka socda Itoobiya. Sidoo kale, Faransiiska oo horey u gumeystay Jabuuti ayaa ah xulufada ugu weyn ee dalkaas, waxaana in uu qeyb ka noqdo heshiis kasta loo arkaa tallaabo ay Jabuuti isku ilaalineyso, si aysan dhibaato uga iman Itoobiya oo aad uga weyn ugana awood badan. Kadib markii Eritrea ay ka go’day oo ay noqotay dal madax-banaan sanadii 1993-kii, Itoobiya waxay noqotay dal aan bad lahayn, waxaana la baabi’iyey ciidamadii badda ee dalkaas. Markii uu ra’iisul wasaare noqday bishii April ee 2018, Abiy Ahmed waxa uu ku dhowaaqay in Itoobiya ay dib u dhiseyso ciidamadeeda badda. Source
  4. Addis Ababa (Caasimada Online) – Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya ee loo yaqaan ENDF ayaa waxaa isaga baxaya askar badan taasi oo qasabtay in la billaabo olole xooggan oo kuwa cusub lagu qorayo, waxaa sidaas weriyey wargeyska Indian Ocean Newsletter. Wargeyska ayaa sheegay in ciidamada ay askar qoris cusub oo aad u xooggan ka wadaan gobollada dalka, ayada oo la qarameenayo maleeshiyo deegaan, halka kuwa cusub laga dhex qorayo shacabka. Marka qof isku qoro ciidanka qaranka, waxa uu saxiixaa toddoba sano oo adeeg ah, taasi oo marka ay dhammaato la cusbooneysiin karo toddoba kale. Hase yeeshee ilo-wareedyo miltari ayaa sheegay in labadii sano ee u dambeysay ay aad u kordhayeen tirada askarta dooranaya inaysan cusbooneysiin ka mid ahaanshahooda ciidanka marka ay dhameystaan toddobada sano ee hore. Arrintan ayaa sabab looga dhigay ku qanacsanaan la’aan dhanka shaqada ciidanka ah, iyo shaqooyinka aan dowliga ahayn ee dalka oo soo wanaagsanaanaya kana dhaqaale fiican ciidanka. Waxaa sidoo kale qeyb ka ah xiisadda qowmiyeed ee ka taagan dalka Itoobiya, oo tan iyo markii uu xilka qabtay Abiy Ahmed aad u xoogaysatay. Sidaas darteed, si looga kabsado hoos u dhaca tirada ciidanka, xilli laga cabsi qabo inay isku dhacaan Masar iyo Itoobiya, oo uu ka dhaxeeya muranka webiga Nile, ayaa saraaiisha ENDF waxay billaabeen olole ciidan qoris oo xooggan. Askarta cusub ee hadda la qorayo ayaa da’doodu u dhaxeysaa 18 ilaa 22, waxaana shuruudaha lagu xirayo ka mid ah inay taageersan yihiin siyaasadda dowladda oo aysan wax xiriir ah la lahayn xisbi gaar ah. Itoobiya ayaa ciidamado badana waxay ka joogaan dalal ay ka mid tahay Soomaaliya, oo ay faro-gelin xooggan ku hayaan, ayaga oo taageeraya qorshaha madawxeyne Farmaajo.
  5. ST. CLOUD, Minn. (AP) — Fresh goat is on the menu at Midnimo Restaurant in St. Cloud, an offshoot of Midnimo Grocery & Halal Meat that opened about a year and a half ago. It’s the only place in St. Cloud that sells locally raised halal goat meat, according to Ahmed Abdi, a member of the Somali community who is advocating for more local goat farms with the help of the University of Minnesota Extension. What’s available elsewhere is frozen meat processed in Australia or New Zealand. But that meat is often more than six months old and is difficult to prepare. When boiling the meat, Abdi said, the water has to be dumped out at least twice and often has a strong smell. “We shouldn’t have to get meat from across the world,” said Noor Yussuf, owner of Midnimo. Yussuf works with a Somali farmer from Central Minnesota who raises goats. The fresh halal meat is popular; more than 90% of Yussuf’s goat sales are fresh meat, he said. But that farmer is unique in his processing of halal goats, the St. Cloud Times reported. “He’s at capacity. It’s not a large-scale sustainable model,” said Serdar Mamedov, an Extension educator. Mamedov is working with Abdi and others to connect the local Somali community with goat producers in Central Minnesota. The demand for goat meat exists. The supply doesn’t — but it could. For many Somalis, goat meat is a staple, not a specialty item. “Access to goat meat is very important because… it’s part of the traditional cuisine,” Mamedov said. There are about 15 East African grocery stores in St. Cloud and each store could likely sell 15 to 25 goats per week to meet demand, Mamedov estimated. Using an average estimate of about 300 goats per week, the St. Cloud area could support selling about 15,600 goats per year, which is about two-thirds of the meat goats that are available in the entire state of Minnesota at any given time. U.S. Department of Agriculture statistics show the number of goats raised in the state is just a sliver compared to Minnesota’s most prominent livestock or poultry product — turkeys. About this time last year, there were 25,000 meat goats in Minnesota. Meanwhile, there were 2.3 million cattle, 14.2 million chickens and 42 million turkeys in the state. Goats could provide a boon to local farmers similar to turkeys or chickens, which Minnesota exports across the country, Abdi said. “This could be a big opportunity,” he said. “These new immigrants are the consumers, especially the Somali population.” Why aren’t there more local goat farmers? Many reasons, of course. “Since most of the grocery stores are operated by Somali immigrants, the language barrier (exists) most of the time and because there might only be one person working in the store — or two — it prevents them from making connections or exploring other available opportunities,” Mamedov said. Some of it also comes down to farmers being afraid to ask the “stupid questions” such as “What is halal?” and “How do I raise goats as halal?” That’s why relationship-building is so important, Mamedov said. Mamedov, Abdi and Abdiaziz Odiriye, executive director of Community Grassroots Solutions, started meeting with area farmers in the last few months to talk about the demand for halal goats — and what partnerships might look like. “Our Somali community has never had the opportunity to connect with the local farmers,” Mamedov said. “We are trying to articulate and provide a better understanding for farmers.” What is halal? “The concept is very simple — all Muslims are required to live halal,” Mamedov said. “The population considers halal as clean, pure and healthy.” The concept applies to every aspect of life such as food, work, clothing, finances and medicine. In regards to finances, for example, charging interest is not permissible, so Muslims often lease things instead of taking out loans. With food, halal refers to the animals themselves, as well as how the animals are raised and slaughtered. Halal animals include goats, poultry, camel and cows. Animals that are not halal are pigs, dogs, donkeys and predators, Abdi said. Being raised halal generally means animals are fed with halal food, treated humanely and separated from animals that are not halal. Animals also should be slaughtered a certain way, generally fast with newly sharpened tools to cause as little pain as possible. Mamedov said there is no universal list of requirements but quite simply, “halal starts on the farm and goes on to the plate.” Some food is certified as halal, similar to how food can be certified as kosher. “We trust the way they treat it is halal,” Odiriye said, “even when it’s coming from across the world.” Locally, Somali grocery store owners wouldn’t necessarily require halal certification as long as there is an understanding with the farmer that the meat is raised and slaughtered halal, Mamedov said. The partnership with local grocery stores would also provide goat farmers a more reliable way to sell livestock as opposed to taking goats to auction. Is a halal meat-processing plant on the horizon? Mamedov and his partners in the Somali community are also working to garner interest from investors in hopes of eventually creating a halal meat processing plant. “Around this area, we have quite a few meat-processing plants but none of them exclusively do halal,” he said. “Since the Muslim population has increased, the market is different. It used to be that many meat processors didn’t see this as a feasible way of doing it. But now? Yes. It presents a tremendous business opportunity.” Mamedov admits the project will require a lot of investment in addition to human capital, but emphasized it will be beneficial to farmers, consumers and immigrants in general. “When we’re talking about immigrants, we’re talking about a low-income population so creating a food environment that provides access to fresh produce and cultural food is our goal,” he said. “And the meat processing plant will also be contributing to the local economy because it will also provide employment opportunities for the low-income population, as well.” Mamedov’s message to established farmers, businesses and investors is simple: “Halal is not an obstacle. It’s an opportunity.” Source: AP
  6. Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland (TPEC) ayaa maanta ansixiyay qorshaha uu ku shaqayn doono iyo tubta doorashada dowladaha hoose ee Puntland. Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa qorsheeyey in muddo labo (2) sanadood gudahood ah lagu qaban doono doorashada dowladaha hoose ee Puntland. Qorshahan Guddigu diyaariyey ayaa lagu soo bandhigi doonaa daahfur weyn oo loo sameyn doono bishaan December gudaheeda, sida uu sheegay Guddigu. Guddiga doorashooyinka Puntland oo Madaxweyne Deni magacaabay bishii Agoosto ee sanadkan 2019, ayaa muddooyinkii u dambeeyey kulamo la qaadanayey qeybaha kala duwan ee bulshada, siyaasiyiinta iyo hay’adaha taageera arrimaha dimuqraadiyada. Madaxweyne Deni ayaa horey u balan qaaday in uu Puntland ka hirgalin doono barnaamijka dimuqraadiyada oo ay horey ugu fashilmeen xukuumadihii hore. PUNRLAND POS The post Puntland: Guddiga TPEC oo qorsheeyey mudada la qaban doono doorashada dowladaha hoose appeared first on Puntland Post.
  7. Nairobi (Caasimada Online) – Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa sheegay in umadda Soomaaliyeed aysan wali gaarin halkii looga baahnaa 30 sano kadib, haddiiba ay wali taagan tahay nidaam qabiil oo aysan u diyaarsanayn doorasho qof iyo cod ah. Baadiyow, oo ka mid ah xubnaha aadka ugu dhow xukuumadda, ayaa sheegay in kobcay caqliga dadka Somaaliyeed ee ganacsiga, isku-tashiga, iskaashiga iyo adkeysiga, loona baahnaa in xilligan doorasho qof iyo cod ah ay dalka ka dhacdo. “Waxaa kale oo muuqata in caqliga Soomaaliyeed uusan kobcin marka la dhisaayo dowlad. Tusaale waxaa h in 20 sano lagu cel-celiyay nidaam beeleed iyo xulitaan aan shaqayneyn. Waxaa gabi ahaanba meesha ka maqan xaqii muwaadinnimo iyo u sinaanshaha xuquuqda iyo waajibaadka” ayuu yiri Baadiyow. “Waxaa sidoo kale maqan u hoggaansamidda qaanuunka! Dhanka kale, waxaa maqan in muwaadiniintu doortaan wakiilladooda iyo madaxdooda si xor oo xalaal ah. Muwaadinnimo, sareynta sharciga iyo doorasho dadweyne ayaa ah waddada dowladnimada. Nasiib darro, caqliga iyo dhaqanka siyaasiyiinta Soomaaliyeed wax badan iskama beddelin laga soo bilaabo 1956-ki. Dhaqankaas wuxuu soo dumiyay dowladdii dhexe 1991.” Baadiyow ayaa ah la-taliyaha sare ra’iisul wasaaraha ee arrimaha nabadeynta iyo dib u heshiisiinta, waxa uuna ka mid yahay siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee sida aadka ah ugu ololeynaya in dalka ay ka dhacaan doorasho qof iyo cod ah. Siyaasiyiinta iyo aqoonyahannada sheegay inaysan doorasho qof iyo cod ah dhici karin sanadka soo socda ayaa sheegay in haddii dowladda ay daacad ka tahay qabasho doorasho noocaas ah ay ahayd inay ka shaqeyo saddexdii sano ee lasoo dhaafay. Waxay rumeysan yahay in waxa hadda dowladda iyo xubnaha ku dhow arrintaas ugu dheggan yihiin ay tahay xaqiiqda ah inaysan suurta-gal ahayn, balse ay doonayaan inay waqti ku lumiyaan si muddo xileedka loogu kordhiyo. W/Q: Cabdixakiin Cilmi Xasan Nairobi, Kenya
  8. The story of Somalia is being rewritten, and Texas’s oil boom of the early 20th century is a good marker for the future of the African country. Texas oil drove the economy forward, bringing better education with investment in infrastructure and transport links. This shows Somalis what our nation may be, in time and with careful management. Source: Hiiraan Online
  9. (SLT-Hargeysa)-Ciidammada Millatariga Somaliland Oo Ka Hadlay Jabhad Lagu Dhawaaqay Buuhoodle, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. Wasiirka amniga qaranka Maxamed Abuukar Islow ayaa maanta waxaa uu sheegay inuu kulan la qaatay dhalinyaro ka soo jeeda deegaankiisa. Wasiirka ayaa boggiisa Faceboogga ku soo qoray sidan “Waxaan kulan la yeeshay Dhalinyarrada Soomaliyeed ee Degaan doorashada aan ku metelno Baarlamaanka FS, iyadoo aan is weydaarsanay dood ku saabsan xaaladda dalka, kaalinta dhalinyarrada iyo taageeridda dowladnimada. waxaa kulanka igu wehliya Wasiir Cismaan Daallo”. Waa markii ugu horeysay ee Islow uu sidaasi sameeyo, tan oo ku soo aadeysa 9 bil uun iyada oo ay naga dhigto doorashada la filay 2020-ka. Arrintan ayaa loo arkay iney qeyb ka tahay ololaha doorashada 2020-ka iyo inuu wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow doonayo dib u soo noqosho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Ciidamada Kumandoosta dowlad gobaleedka Jubbaland oo ay wehliyaan xoogga dalka gaar ahaan Danab oo iskaashanaayo ayaa Al-shabaab kula dagaalay deegaanno hoos yimaada magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada hoose. Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada huwanta ah dagaallo qorshaysan ay ku qadeen deegaannada Canjeel, Kuba-Kibir iyo Janaay Cabdalle oo dhammaantood dhaca galbeedka Kismaayo, waxaana dagaal xoogan kala hor yimid xoogagga Al-shabab oo muddooyinkii danbe ka talinayey deegaannadaasi. Dagaalka ayaa sababay in dadkii ku noolaa deegaanadaasi ay bilaabaan in ay iskaga barakacaan, maadaama dhulka lagu dagaalamay uu yahay mid miyi ah ayna dagan yihiin dad reer guuraa oo xoolo dhaqato ah. Sidoo kale Jubbaland ayaa sheegtay in goobihii lagu dagaalamay ay ku sugan yihiin ciidamada xoogga gaar ahaan Danab iyo Kumaandoosta jubbaland, Al-shabaabna ay iskaga baxeen deenadii lagu dagaalamay. Dhanka kale majiro wax war ah oo ka soo baxay Al-shabaab oo ku aadan sheegashada jubbaland iyo dagaalka ka dhaay deegaannada dhaca Jubbada hoose Ciidama Jubbaland iyo xoogga dalka ayaa marar badan waxaa ay dagaallo kula wareegeen deegaanno dhowr ah ayagoona ka ddo kadib iskaga soo baxa deegaannadaasi, oo mar kale ay dib u la wareegaan Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Dawladda Jabuuti oo ka hadashay saldhigga la sheegay inay siisay ciidamada badda Itoobiya Dowladda Jabuuti ayaa markii ugu horreysay ka hadashay warbixino ay baahiyeen warbaahinta gudaha dalka Itoobiya oo lagu sheegay in ciidamada badda Itoobiya ee cusub uu saldhiggooda noqon doono Jabuuti. Wargeyska Capital Ethiopia oo soo xiganaya Ilo-wareedyo ayaa qoray in intii lagu guda jiray booqashadii uu Jabuuti ku tagay toddbaadkii saddexaad ee bishii October, uu ra’iisul wasaare Abiy Ahmed kala hadlay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle in Jabuuti ay saldhig siiso ciidamada badda Itoobiya, la iskuna raacay. Hase yeeshee safiirka Jabuuti u fadhiya dalka Itoobiya, Maxamed Idiris Faarax oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in weli aysan jirin wax heshiis ah oo Jabuuti ku ogolaatay in ay saldhig siiso ciidamada badda Itoobiya. “Warkaas waa war jaraa’iddada Itoobiya dhex socda, kuwaas oo sheegaya in ciidanka badda ee Itoobiya ay saldhig ku yeelanayaan Jabuuti, warkaasi ma ahan war rasmi ah, ma heyno wax heshiis ah oo labada dowladood ay isla gaareen ” ayuu yiri. Si katsaba Maxamed Idiris Faarax waxa uu qiray in labada waddan ay ka wada hadleen arrintan, balse illaa iyo hadda aysan jirin wax dhaafsiisan wada-hadal oo kasoo cusboonaaday arrintaas iyo heshiis rasmi ah oo la gaaray. “Waxay ahayd dalab ka yimid ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo doonayay in ciidankaas la dejiyo dalka Jabuut, waxaa soo socdana wakhtiga ayaa inoo sheegi doonaa”, ayuu hadalka ku daray safiirka. Safiirka ayaaa dhinaca kale sheegay in heshiis kasta oo Jabuuti ay arrintan ka gaarto uu noqon doono mid saddex geesood ah oo Faransiiska uu qeyb ka yahay. “Haddii ay noqota in heshiis la gaaro wuxuu noqonayaa heshiis saddex geesood ah oo dhexmara Faransiiska, Jabuuti iyo Itoobiya” ayuu yiri. France ayaa dowladda Itoobiya ka caawineysa dib u dhiska ciidamada badda, waxaana iminka qaar ka mid ah shaqaalaha lagu tababarayaa dalka France, oo ah mid ka mid ah dalalka taageerada ugu weyn siinaya is-beddelada ka socda Itoobiya. Sidoo kale, Faransiiska oo horey u gumeystay Jabuuti ayaa ah xulufada ugu weyn ee dalkaas, waxaana in uu qeyb ka noqdo heshiis kasta loo arkaa tallaabo ay Jabuuti isku ilaalineyso, si aysan dhibaato uga iman Itoobiya oo aad uga weyn ugana awood badan. Kadib markii Eritrea ay ka go’day oo ay noqotay dal madax-banaan sanadii 1993-kii, Itoobiya waxay noqotay dal aan bad lahayn, waxaana la baabi’iyey ciidamadii badda ee dalkaas. Markii uu ra’iisul wasaare noqday bishii April ee 2018, Abiy Ahmed waxa uu ku dhowaaqay in Itoobiya ay dib u dhiseyso ciidamadeeda badda. Qaran News
  13. Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa markii ugu horreysay ka hadashay warbixino ay baahiyeen warbaahinta gudaha dalka Itoobiya oo lagu sheegay in ciidamada badda Itoobiya ee cusub uu saldhiggooda noqon doono Jabuuti. Wargeyska Capital Ethiopia oo soo xiganaya Ilo-wareedyo ayaa qoray in intii lagu guda jiray booqashadii uu Jabuuti ku tagay toddbaadkii saddexaad ee bishii October, uu ra’iisul wasaare Abiy Ahmed kala hadlay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle in Jabuuti ay saldhig siiso ciidamada badda Itoobiya, la iskuna raacay. Hase yeeshee safiirka Jabuuti u fadhiya dalka Itoobiya, Maxamed Idiris Faarax oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in weli aysan jirin wax heshiis ah oo Jabuuti ku ogolaatay in ay saldhig siiso ciidamada badda Itoobiya. “Warkaas waa war jaraa’iddada Itoobiya dhex socda, kuwaas oo sheegaya in ciidanka badda ee Itoobiya ay saldhig ku yeelanayaan Jabuuti, warkaasi ma ahan war rasmi ah, ma heyno wax heshiis ah oo labada dowladood ay isla gaareen ” ayuu yiri. Si katsaba Maxamed Idiris Faarax waxa uu qiray in labada waddan ay ka wada hadleen arrintan, balse illaa iyo hadda aysan jirin wax dhaafsiisan wada-hadal oo kasoo cusboonaaday arrintaas iyo heshiis rasmi ah oo la gaaray. “Waxay ahayd dalab ka yimid ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo doonayay in ciidankaas la dejiyo dalka Jabuut, waxaa soo socdana wakhtiga ayaa inoo sheegi doonaa”, ayuu hadalka ku daray safiirka. Safiirka ayaaa dhinaca kale sheegay in heshiis kasta oo Jabuuti ay arrintan ka gaarto uu noqon doono mid saddex geesood ah oo Faransiiska uu qeyb ka yahay. “Haddii ay noqota in heshiis la gaaro wuxuu noqonayaa heshiis saddex geesood ah oo dhexmara Faransiiska, Jabuuti iyo Itoobiya” ayuu yiri. France ayaa dowladda Itoobiya ka caawineysa dib u dhiska ciidamada badda, waxaana iminka qaar ka mid ah shaqaalaha lagu tababarayaa dalka France, oo ah mid ka mid ah dalalka taageerada ugu weyn siinaya is-beddelada ka socda Itoobiya. Sidoo kale, Faransiiska oo horey u gumeystay Jabuuti ayaa ah xulufada ugu weyn ee dalkaas, waxaana in uu qeyb ka noqdo heshiis kasta loo arkaa tallaabo ay Jabuuti isku ilaalineyso, si aysan dhibaato uga iman Itoobiya oo aad uga weyn ugana awood badan. Kadib markii Eritrea ay ka go’day oo ay noqotay dal madax-banaan sanadii 1993-kii, Itoobiya waxay noqotay dal aan bad lahayn, waxaana la baabi’iyey ciidamadii badda ee dalkaas. Markii uu ra’iisul wasaare noqday bishii April ee 2018, Abiy Ahmed waxa uu ku dhowaaqay in Itoobiya ay dib u dhiseyso ciidamadeeda badda.
  14. Marxuun Maxamed Yarow Wararka laga helayo gobolka Shabeellaha Hoose ayaa xaqiijinaya in guddoomiyhii degmada Awdheegle Maxamed Yarow lagu dilay qarax miino. Qaraxa miino waxaa sidoo kale ku dhaawacmay saddex kamid ahaa ilaalada guddoomiyha geeriyooday. Gudoomiyha geeriyooday ayaa qaraxa lala beegsaday xilli uu marayay inta u dhexaysa degmada Awdheegle iyo degaanka Sabiib oo isla Awdheegle ka tirsan. Marxuum Maxamed Yarow ayaa in ka badan 6 sano wuxuu ahaa gudoomiyha degmada Awdheegle ee gobolkaasi Shabeellada Hoose. PUNTLAND POST The post Guddoomiyihii degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose oo qarax lagu dilay appeared first on Puntland Post.
  15. MOGADISHU (HOL) - Aw-Dhegle district commissioner Mohamed Yarow was Wednesday afternoon killed in a bomb attacking. Source: Hiiraan Online
  16. Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in goor dhow qarax khasaare geystay uu ka dhacay duleedka degmada Awdheegle ee gobolkaasi. Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay guddoomiyaha degmadaasi, Maxamed Yarow oo ku geeriyooday qaraxa. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen illaa saddex askari oo ka mid ahaa ilaalada mas’uulkaasi Guddoomiyaha gobolka Sh/Hoose, Ibrahim Aadan (Najax) ayaa xaqiijiyey geerida marxuumka, wuxuuna sheegay in la dilay isagoo u adeegayey dadkiisa iyo dalkiisa. “Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun ilaahay ha u naxriisto gudoomiyaha degmada Awdheegle Mohamed Yarow oo qarax miino ugu geeriyooday degmada Awdheegle.Wuxuu u dhintay dalkiisa, dadkiisa iyo diintiisa.” ayuu yiri Najax. Dhowaan ayey aheyd markii guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee gobolka Sh/Hoose lagu dilay degmada Afgooye, kadib markii lagu weeraray bamgacmeed. View the full article
  17. Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kulakii 21 aad ee Kalfadhiga 6aad ayada oo uu shir Guddomiyay Guddomye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmed . Sidoo kale waxaa goob jog ahaa Guddomiye Ku-xigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Moowlid Xuseen Guhaad. Ajanadaha Kulanka ayaa ahaa: 1.Akhrinta 3-aad ee Hindise-Sharciyedka Canshuuraha Furdooyinka. Guddomiye Ku-xigeenka Guddiga Dhaqaalaha Golaha Aqalka Sare Sentar Deeqa Xassan Xuseen ayaa Golaha Ka-hor akhrisay Akhrinta 3-aad ee Hindise-Sharciyedka Canshuuraha Furdooyinka oo sheegtay soo jeddinada sentarada. Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda,Ganaacsiga,Warshadaha,Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ayaa mariyay Akhrinta 3-aad ee Hindise-Sharciyedka Canshuuraha Furdooyinka. Golaha Aqalka sare aya ansixiye ayagoo marsiiyay Akhrinta 3-aad ee Hindise-Sharciyedka Canshuuraha Furdooyinka.Waxaa Ogaalada 32 senatar ,wax diiday iyo wax ka amuusay majiro. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  18. Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dastuurka Soomaliya Mudane; Saalax Axmed Jamac ayaa Xafiiskiisa ku qaabbilay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane; Cumar Maxamuud (Filish). Labada mas’uul ayaa waxay ka wada hadleen arrimaha dib u eegista dastuurka gaar ahaan maqaamka caasimadda Muqdisho ay ku dhex yeelanayso nidaamka Federaalka. Guddoomiyaha ayaa lasiiyay warbixin ku saabsan noocyada maqaamka Caasimadda ee ka jira dowladaha federaalka Dunida, si aragti mid ah looga qaato. Guddoomiyaha ayaa ka mahadceliyay warbixinta tifaftiran ee loo soo bandhigay waxa uuna ballan qaaday in ay si dhow ula shaqayn doonaan hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka islamarkaana dadka deggan caasimadda ay diyaar u yihiin in ay aragtidooda ku biiriyaan howlaha ka socda Dastuurka. Wasiirka dastuurka Mudane; Saalax Ahmed Jaamac, ayaa bogaadiyay sida maamulka Gobolku ay waqtigooda usiinayaan arrimaha masiiriga ah ee Dalka gaa rahaan Dastuurka. “Dastuurku ma ahan wax wasaaradda dastuurka kaliya kuxiran balse waa waxyaabo 80% quseeya hay’adaha Dowladda ee kala duwan, waana in ay aragti kakeenaan aagaga ay hay’ad walba ku howlantahay, tusaale waa in wasaaradda caafimaadku ay aragti ka keentaa sida loo maamulayo caafimaadka, waxbarashada sidoo kale waana in ay ku salaysnaataa cilmibaaris” ayuu yiri wasiirka Dastuurka mudane Saalax Ahmed Jaamac. Wasaaradda Dastuurka aya wada howlo muhiim ah Arrimaha Dib-u-eegista Dastuurka waxayna kulamo shaqo oo badan horey ula yeelatay, lana yeelan doontaa hay’adaha kala duwan ee dowladda kuwaa oo udub dhexaad u ah arrimaha geedisocodka dib-u-eegistadastuurka. Arrimaha u baahan wada xaajoodyada siyaasadeed si loogu daro dastuurka ayaa waxaa loga doodidoonaa banbax howleed ballaaran oo ay wasaaraddu la yeelan doonto Golaha Wasiirrada si aragti midaysan looga yeesho. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  19. The Somali security agency has arrested suspected al-Shabaab members on Tuesday in possession of a hand grenade. The National Intelligence and Security Agency (NISA) said the suspect was arrested while on a mission to carry out attacks and will be brought before the court for charges. “The security agencies nabbed al-Shabaab terrorist while in a mission to hurl a hand grenade but he was arrested without causing any harm,” NISA said on its twitter. “The relevant agencies will be accountable.” It added. This is the second arrest within a week by Somali security agencies. On 23rd November a suspect was arrested with help from the public after planting explosives in a parked car in the KM5 Zobe area. One person was wounded in the vehicle. The security has been beef up across the capital in the past months with increased checkpoints meant to preempt terror attacks which were frequent. View the full article
  20. Awdheegle (Caasimada Online) – Wararka laga helayo degmada Awdheegle ee gobolka Shabelelaha Hoose ayaa sheegaya in goor dhow qarax miino lala eegtay guddoomiyihii degmadaas Maxamed Yarow, kaasi oo uu geeriyooday. Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa xaqiijiyey in qarax miino oo loo dhigey uu gudaha degmada Awdheegle ugu geeriyooday guddoomiyihii degmadaas. Qaraxa ayaa waxaa sidoo kale dhaawacyo ay kasoo gaareen saddex ka mid ciidamada ilaalada u ahayd guddoomiye Maxamed Yarow. Xilliga uu qaraxa dhacayey ayaa gaariga uu saarnaa guddoomiyaha waxa uu marayey marayay inta u dhaxeysa Awdheegle iyo deegaanka Bariire. Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Awdheegle ayaa waxaa ay hataan howl-gal ka wadaan gudaha degmadaas, gaar ahaan halka uu qaraxa ka dhacay. Maxamed Yarow ayaa ahaa guddoomiyaha Awdheegle lixdii sane ee ugu dambeysay. Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.
  21. Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa maanta ciidamo cusub tababar ugu soo xiray dalka Jabuuti. Ciidamadaan oo muddo saddex bilood tababar ku qaadanayey dalka Jabuuti ayaa waxaa la filayaa inay maalmaha soo socda soo gaaraan magaalada Muqdisho. Tababarka ayaa waxaa bixinayey saraakiil Talyaani ah iyo sidoo kale kuwa Jamhuuriyadda Jabuuti. Taliye Xijaar oo munaasabadda ka hadlay ayaa uga mahadceliyey dowladda Jabuuti, sida ay uga qeyb qaadaneyso dib u dhiska ciidanka Qaranka Soomaaliyeed. Sidoo kale wuxuu ciidamada tababarka loo soo xiray kula dardaarmay inay si daacad ah ugu shaqeeyaan dadkooda iyo dalkooda. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  22. Taliyaha ciidanka Booliska Puntland, S/Gaas Muxudiin Axmed Aw-Muuse ayaa maanta shaqo joojin ku sameeyey talihii qeybta Booliska gobolka Nugaal, Muumin Cabdi Shire. Wareegto ka soo baxday xafiiska taliye Muxudiin ayaa lagu shaaciyey shaqa joojintaan oo la sheegay in lagu wargaliyey Madaxweyne Siciid Deni. Wararka ayaa sheegay in sababta shaqada looga joojiyey Taliye Muumin ay tahay amar diido uu sameeyey. Illaa iyo hadda taliyaha shaqada laga joojiyey kama uusan hadlin warqadda ka soo baxday xafiiska taliska guud ee Booliska Puntland. View the full article
  23. Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Koofurta Sudaan danjire Xuseen Xaaji Axmed ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Jubba kulan kula qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Koonfurta Sudaan Michael Chiangjiek iyadoo kulankaas ay labada masuul uga hadleen arrimo muhiim ah. “Waxaan xafiiska kula kulmay Wasiirka arrimaha dibadda Koofurta Sudan oo aan ka wada hadalnay xiriirka labada dal, xaaladda dadka Soomaaliyeed ee ku nool Koonfurta Sudaan,gaar ahaan kuwa ku ganacsada Suuqyad isku raranta ah oo hadda la damacsanyahay in la dumiyo iyo sidii goob kale loogu heli lahaaa” ayuu yiri Danjire Xuseen Xaaji Axmed oo la hadlay warbaahinta Qaranka. Soomaali badan ayaa ku ganacsta dalka Koonfurta Sudaan kuwaas oo xiliyadda qaarna lakulma dhibaatooyin kala duwan oo dhinacyo badan kaga yimaada, balse madaxda Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas ayaa dadaal ugu jirta sidii gabi ahaanba arrimahaas oo dhan loo soo afjari lahaa. View the full article