Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,994
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Waxaa maanta Gaalkacyo lagu dilay Alla ha u naxariistee Xaashi Aaden Cilmi oo kamid ahaa Dambi Baarayaasha Gobolka Mudug. Kooxo hubeysan ayaa sidii caadada ahaa [...] Source
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa maanta u fariisatay dhageysiga dacwad uu Xisbiga Himilo Qaran ee madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ka gudbiyey hay’adda duulimaadyada rayidka Soomaaliya. Dacwadan ayaa ku saabsan is-hortaag lagu sameeyey madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo doonayey inuu ka duulo garoonka diyaaradaha Aadana Cadde, isaga oo ku wajahan magaalada Kismaayo. Maxkamadda ayaa ku billaabatay diidmo qareenada dowladda ay ku doonayeen inay meesha uga saaraan in gebi ahaanba kiiska la guda galo, islamarkaana xukuumadda looga leexiyo dacwadda. Kiiska maanta ayaa ku saabsanaa su’aal ah “maxkamadda sare ma qaaadi kartaa dacwaddan mise ma qaadi karto?”, waxaana doodda ugu weyn ee qareenka dowladda ay ahayd in maxkamadda aysan sharci u lahayn inay dacwaddan qaado maadaama aysan ahayn dacwad maamul. Qareenka dowladda waxa uu sheegay in Xisbiga Himilo Qaran uu ka dacwooday in xuquuqda muwaadinka lagu tuntay, taasi oo dacwadda ka dhigeysa mid dastuuri ah, sidaas darteedna aysan maxkamadda sare qaadi karin maadaama aysan ahayn dastuuri. Qareenka dowladda ayaa sidoo kale ku dooday in madaxa qareenada Xisbiga Himilo uu yahay shaqaale dowladeed oo aanu geli karin kiis ka dhan ah dowladda. Dhinaca kale, qareenka Xisbiga Himilo ayaa ku dooday in qaraarka ka soo baxay hay’adda duulimaadyada rayidka ah uu yahay mid maamul oo saameyn ku yeeshay muwaadiniin Soomaaliyeed, isla markaana dhaliyey dhibaatooyin waaweyn oo lagu tuntay xuquuqdii dadka iyo sharciyadii socdaalka. Waxaa guuleystay dooddii qareenka xisbiga Himilo Qaran, ayada oo maxkamadduu ay go’aamisay in dacwaddu tahay mid maamul, islamarkaana uu jiro qaraar maamul oo laga dacwoon karo, ayada ay maxkamadda diiday is-hortaagii qareenka dowladda, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf Axmed. Dhinaca kale, maxkamadda ayaa aqbashay mid ka mid ah doodihii qareenka dowladda, waxayna go’aamisay in madaxii qareenada Xisbiga Himilo laga saaro kiiska difaaca qareenada, maadama uu noqday shaqaale dowladeed. Maxkamadda ayaa go’aamisay in kiiska dib loo dhigo muddo shan maamlmood ah, taasi oo ah codsi ka yimid qareenada Xisbiga Himilo Qaran, si ay usoo dhameystiraan qareenadooda. caasimada@live.com
  3. (SLT-Hargeysa)-Siyaasiyiinta Madasha Wada-Tashiga ayaa si kulul uga hadlay xaaladda dalku marayo, waxaanay farriin culus u direen Madaxweyne Biixi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  4. (SLT-Hargeysa)- Hoggaanka Maxkmadda Ciidammada Somaliland Oo Beeniyey Warar Uu Faafiyey Sarkaal U Galay Puntland+Derejo Iyo Xil Been Abuura Oo Uu Sheegtay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Xarunta Xuquuqal iinsaanka ee Magaceeda loo soo gaabiyo HRC oo fadhigeedu yahay Magaalada Hargeysa, ayaa Cambaaraysay Xayiraad Xukuumadda Somaliland ku soo rogtay Telefiishanka HCTV, Xadhig lagula kacay Tifaftiraha guud ee Telefiishanka HCTV Cabdiqaadir Saleebaan Casayr (Coday). War-saxaafadeed ay Maanta soo saartay Xarunta HRC ayaa lagu cambaareeyay Xadhigga Weriye Cabdiqaadir Coday, Xayiraadda Telefiishanka HCTV ay saartay Xukuumaddu iyo Xadhig Boolisku kula kaceen Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI iyo Afhayeenkii Xisbigaasi. War-saxaafadeedka HRC ayaa u qornaa sidan “Habeenkii Isniintu soo galaysay ee 17 November 2019, waxa Booliiska Somaliland xidheen laba hogaamiye oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani. Khadar Xuseen Cabdi oo ah xogahayaha guud iyo Barkhad Jaamac Batuun, af-hayeenkii xisbiga, ayaa la xidhay. Maalinimadii Axadda waxa hogaanka xisbigu ku baaqay in taageerayaashiisu isugu nimaadaan xarunta guud si xog loogu sheego. Taliyaha Booliiska, Maxamed Aadan Saqandhi, ayaa ku tilmaamay baaqaas mid aan sharci ahayn isaga oo sheegay inaanay ogolaanayn isku soo baxaasi inuu dhaco. Maanta, 18 November 2019, waxa booliisku xidheen xaruntii guud ee Telefiishanka Horn Cable, iyaga oo sidoo kale xabsiga u taxaabay tafitarihii telefiishanka Cabdiqaadir Cusmaan (Coday). Madaxda telefiishanku waxaay u sheegeen Xarunta Xuquuqal Insaanka inaan la tusin amar maxkamadeed. Qodobka 32aad ee Dastuurka Somaliland wuxuu sheegyaaa in “muwaadin kasta waxa uu xor u yahay in uu ra’yigiisa ku bandhigo qoraal, hadal, muuqaal, suugaan ama qaab kale oo xeerka waafaqsan.” Sidoo kale wuxuu qodobku ku daray in “muwaadin kasta wuxuu xor u yahay inuu abaabulo kana qayb qaato, kulan ama bannaan-bax nabadeed oo xeerka waafaqsan.” Dastuurku wuxuu damaanad qaaday xorriyadda war-baahinta isaga oo sheegay in “saxaafadda iyo warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xorriyaadka asaasiga ah ee ra’yi- dhiibashada, waxayna leeyihiin madax-bannaanidooda; way reebban tahay tallaabo kasta oo Iagu cabudhinayo.” Waa markii u horaysay ee intii Somaliland qaadatay nidaamka xisbiyada badan madax xisbiyo oo sar sare oo intaas leeg la xidho. Talaabadan aan hore loo arag ee ay dawladdu qaaday waa mid walaac leh. Xisbiyada siyaasadu xaq ayay u leeyihin inay mudaharaadaan. Waa xuquuq dastuuri ah oo ku qoran Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqal Insaanka iyo Mucaahadada Caalamiga ah ee Xuquuqaha Siyaasiga ah iyo kuwa Madani. Xaruntu way canbaaraynaysaa talaabooyinka guracan ee laga qaaday siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo suxufiyiinta. Waxaanu ugu baaqaynaa dawladda inay ixtiraamto dastuurka oo ay sii dayso siyaasiyiinta iyo suxufiga ay xidhay. Xaruntu waxaay walaac wayn ka muujinaysaa xorriyaadkii Somaliland oo sii shiiqaya. Waxaanu ugu yeedhaynaa dawladda inay joojiso ku xadgudubka xuquuqaha dastuuriga ah iyo cabudhinta ay kula kacday hogaamiyayaasha mucaaradka ah..” Yasmin Omar Haji Mohamoud Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka Source
  6. Hargeysa (Caasimada Online) ― Taliyaha Ciidaanka Booliska Somaliland, Sareeyo guuto Maxamed Aadan Saqadhi ayaa si adag ugu hanjabay Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Cirro, oo uu sheegay in uu nabad galyada khal-khal galinayo. Taliyaha Ciidamada Booliska ayaa dhamaanba dafiray in ciidamadiisu ay rasaas ku fureen Guddoomiyaha Waddani iyo Taageerayaashiisa, xili ay saaka ka hor istaageen in ay galaan xarunta xisbiga Waddani, isagoona sheegay in ilaalada Ciro ay dhaawaceen Sarkaal ka tirsan ciidanka. Taliyaha ayaa sheegay in xukuumadu ay talaabo adag ka qaadi doonto dadka hor kacaya banaanbaxyada uu ku baaqay Guddoomiye Cirro, wuxuuna xusay in wixii dhiba ee ka dhacana uu Mas’uul ka yahay Guddoomiye Cirro. Waxa sidoo kale uu Taliyuhu ka hadlay xariga Afhayeenka Guud ee Xisbiga, Barkhad Jaamac Batuun iyo Khadar Xusseen Cabdi, oo ah xoghayaha xisbiga Waddani oo ciidamada boolisku ay xalay xabsiga u taxaabeen. Taliye Saqadhi ayaa sheegay inay Mas’uuliyiintaasi aysan wax xasaanad ah ay laheyn, maadama ay wadeen abaabul iyo kharbudaad bilaa sharci ah, isla markaana xarigooga ku sheegay mid loo maray sifo sharci ah. Waxa kale oo uu Taliyuhu digniin adag u diray cidkasta oo howlahaasi ku foogani ay ciidamadu gacanta ku soo dhigi doonan, maadama uu sheegay inay nabad galyada khal-khal galinayaan. Taliyaha ayaa ugu dambeyntiina sheegay in Guddoomiye Ciro ay la tiigsan doonan waxkasta oo uu sharcigu ka qabo banaanbaxyada uu ugu baaqay inay dhigaan taageerayaasha xisbiga Waddani ee gobolada Somaliland. Caasimada@live.com
  7. HARGEISA (HOL) - Somaliland Human Rights Centre has condemned the crackdown of media and opposition by authorities terming it a violation of the constitution. Source: Hiiraan Online
  8. Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland, ayaa si adag u cambaaraysay xarigga ay Booliska Hargeysa kula kaceen xubno ka tirsan mas’uuliyiinta Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani iyo warbaahinta Somaliland. Qorala kasoo baxay xarunta, ayaa lagu cambaareeyay xarigga ay Booliiska Somaliland u gaysteen laba xubnood oo ka tirsan xisbiga Waddani, kuwaasi oo kala ah xog-hayaha guud ee Xisbiga, Khadar Xuseen Cabdi iyo Af-hayeenkii xisbigaasi, Barkhad Jaamac Batuun. Xarunta Xuquuqal Insaank Somaliland, ayaa sidoo kale cambaaraysay xayiraadda ay Somaliland saartay Telefishinka Horn Cable iyo Tifaftirihii guud ee telefishinkaasi Cabdiqaadir Cusmaan Coday oo isna xabsiga la dhigay. Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland ayaa sheegtay in dhammaan ficilladaasi ay yihiin kuwa ka hor-imanaya dastuurka Somaliland. Qoraalka Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland, ayaa waxaa ku saxiixnaa Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud oo ah gudoomiyaha Xarunta. PUNTLAND POST The post Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland oo cambaaraysay xarigga loo gaystay mas’uuliyiinta mucaaradka iyo Saxaafadda appeared first on Puntland Post.
  9. Inkastoo saaka waberigii Uu Magaalada Hargeysa uu ka bilowday Mudaharaad aan saas u weyneyn oo ay soo qaban qaabiyeen Xisbiga Wadani hadana Xaaladu aad ayay [...] Source
  10. Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo iminka ku sugan Dalka Ingiriiska ayaa wuxuu la hadlay Jaaliyada Soomaaliyeed ee UK. Gudoomiyaha Wadajir ahna Musharaxa Madaxweynaha ee [...] Source
  11. Carta (Caasimada Online) – Magaalada Carta ee dalka Jabuuti ayaa wax ku kulansan guddiga sharciga doorashooyina ee baarlamanka Soomaaliya, kuwaas oo diyaarinaya sharcigii dalka uu doroasho ku geli lahaa ka hor inta aysan dhammaan muddo xileedka baarlamanka iyo xukuumadda hadda jira. Guddigan ayaa dib u eegaya islamarkaana doonaya inay wax ka beddelaan sharciga doorashooyinka ee ay golaha wasiirada Soomaaliya ansxiyeen 2-dii May 2019. Sida aan xogta ku helnay, inkasta oo howsha guddiga ay si wanaagsan u socoto, haddana waxaa aad la isugu hayaa qodobka 56-aad ee sharciga doorashooyinka ee ay ansixiyeen golaha wasiirada. Qodobkan ayaa u ogolaanaya in madaxweynaha iyo baarlamanka ay waqtiga kororsadaan, haddii dalka ay ka dhici weyso doorasho sababo jira awgood. Sababaha la xusay ee doorashada ay ku baaqan karto ayaa waxaa ka mid ah amni-darro baahsan, dillaaca cudurada la is-qaadsiiyo, abaaro, daadad, duufaanno iyo wax kasta oo lagu qeexi karo musiibo qaran. Inta badan xildhibaanadda guddiga ayaa u ololeynaya in la ansixiyo qodobkan oo waxyar laga beddelay, islamarkaana baarlamanka hadda jiro muddada loo kordhiyo. Xubno ka mid ah guddiga, oo la hadlay Caasimada Online, ayaa sheegay in xildhibaanada ay doonayaan in ayaga ay waqtiga kororsadaan balse lasoo doorto madaxweynaha oo aan waqtiga loo kordhin. Haddii xildhibaanada ansixiyaan qodob ayaga u ogolaanaya inay muddo kororsi sameystaan, waxay taas caddeyn u noqon kartaa in ka shaqeynayaan dantooda, balse aysan ilaalineyn nidaamka dalka, waxaana tallaabadaas ka dhallan kara halis xooggan. Waxaa sidoo kale yaab leh in xildhibaanada guddiga ay ka shaqeynayaan muddo korosi xilli ay soo xulista xildhibaanada baarlamanka cusub ay ka harsan tahay muddo sanad ah, islamarkaana aysna jirin wax sabab ah oo hortaagan in sidaas la sameeyo, oo qasbaya muddo kororsi. caasimada@live.com
  12. Somaliland waxaa 12-kii saac la soo dhaafay ka dhacay qalalaaso siyaasadeed kadib markii la xiray qaar ka tirsan siyaasiyiinta xisbiga mucaaradka ee Waddani iyo Telefiishanka Horn Cable Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro oo saaka horkacayey dibad-baxyo ka dhacay magaalada Hargeysa ayaa sheegay iney ka xun yihiin sida xaruntooda loola wareegay ayna tahay sharci darro, waxaa uu intaasi raaciyey in ciidama rasaas ridayeen isaga oo balan qaaday iney berri iyo maalin walbo sii wadayaan. Xisbiga UCID ayaa cambaareeyey sida ciidamada Somaliland u galeen xarunta xisbiga Waddanim una xireen siyaasiyiin iyaga oo sheegay in xarumaha iyo madaxda xisbiyada ay sharci yihiin isla markaana aaney jirin sabab ciidan loo geliyo. Odeyaasha Somaliland oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay iney reer reer ka baxeen, oo nidaam dowli ah dhisteen iyaga oo ku baaqay fadhi iyo in si deggan loo xaliyo iyaga oo ka digay qabyaalad iyo in la kala baxo. Dhankeeda, xarunta xuquuqal Insaanka Somaliland ayaa canbaaraysay xariga siyaasiyiinta mucaaradka Ah Iyo suxufiyiinta Habeenkii Isniintu soo galaysay ee 17 November 2019, waxa booliiska Somaliland xireen laba hoggaamiye oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Khadar Xuseen Cabdi oo ah xogahayaha guud iyo Barkhad Jaamac Batuun, af-hayeenkii xisbiga, ayaa la xiray. Maanta, 18 November 2019, waxa booliisku ay xireen xaruntii guud ee Telefiishanka Horn Cable, iyaga oo sidoo kale xabsiga u taxaabay tafitarihii telefiishanka Cabdiqaadir Cusmaan (Coday). Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada dil xalay Kismaayo loogu geystay mas’uul ka tirsanaa maamulka magaaladaasi. Marxuumka la dilay ayaa waxaa Al-Shabaab magaciisa ay ku sheegtay, Axmed Buula Ibrahim, kaas oo ahaa gudoomiyaha xaafadda Via Afmadow ee degmada Kismaayo. Sidoo kale warka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in raggii ka dambeeyey dilkaasi ay goobta isaga baxasadeen. Dhinaca kale ciidamada ammanka Jubbaland ayaa howlgallo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey falkan ka sameeyeu halkaasi, inkastoo aysan cidna gacanta ku soo dhigin. Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya falal amaan dari oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayey gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. View the full article
  14. Kolonyo gaadiid ah oo uu la socday wasiirka amniga Puntland, Cabdisamad Maxamed Galan ayaa maanta lagu rasaaseeyey degmada Carmo ee gobolka Bari. Falkaasi ayaa waxaa la sheegay inay ka dambeeyeen ciidamo maleeshiyaad ah oo uu hoggaaminayo sarkaal lagu magacaabom Ciise Yulux, kaas oo dhowan qabsaday Boosaaso. Ma cadda khasaaraha ka dhashay rasaastaasi, basle waxaa la sheegay in ilaalada wasiirka ay sameeyeen iska caabin. Xaaladda ayaa hadda, waxaana lagu soo warramayaa in waxgaradka deegaanka ay ku guuleysteen xalinta xiisadaasi. View the full article
  15. Garoowe(Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta la rasaaseeyey kolonyo uu la socday wasiirka amniga maamulka Puntland, Cabdisamad Maxamed Galan, xilli uu ku socdaalayey degmada Carmo ee gobolka Bari. Sida aan xogta ku helnay gaadiidka uu la socday wasiir Galan ayaa waxaa rasaaseeyey ciidankii dhowaan xooga kula wareegay magaalada Boosaaso, kuwaas oo hadda ku sugan Carmo, islamarkaana uu hoggaaminayo sarkaal lagu magacaabo Ciise Yulux. Wararka ayaa sheegaya in ilaalada wasiirka iyo ciidamadaasi uu dhexmaray dagaal kooban, islamarkaana uu jiro khasaare ka dhashay, kaas oo aan weli la xaqiijin. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in labada dhinac ay kala dhaxgaleen waxgarad uu hoggaaminayey Beel-Daaje Maxamed Beel-Daaje Ismaaciil, islamarkaana ay ku guuleysteen inay dagaalka joojiyaan, walow xaaladdu ay weli tahay mid kacsan. Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka Puntland oo ku aadan iska hor imaadkaasi oo halista ku galay, wasiir Cabdisamad Maxamed Galan. Gobolka waxaa muddooyinkii dambe ka jiray dhaq dhaqaaq ciidan oo u dhexeeyey Puntland iyo maleeshiyaadka uu hoggaaminayo Ciise Yulux oo ku xoogan gobolkaasi. caasimada@live.com
  16. Ciidamada Amniga Puntland ayaa la sheegay in gudaha magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ay jir-dil xooggan ugu gaysteen siyaasi lagu magacaabo Khadar Xaaji Xarigle oo shalay warbaahinta ka sheegay in uu yahay guddoomiyaha gobolka Sanaag ee Maakhir State. Ciidamada oo doonayey in ay qabtaan siyaasiga ayaa jir-dil u gaystay kadib markii sida la sheegay uu iska caabbin sameeyay waxaana markiiba loola cararay isbitaalka guud ee degmada Badhan halkaasi oo lagu daaweynayo dhaawaca soo gaaray. Askartii jir-dilka u gaystay siyaasi Khadar Xaaji Xarigle oo markii hore doonayay in ay xabsiga dhigaan ayaa isaga tegay dhaawiciisa maadaama ay nabarro culus ku yaallaan sida ay sheegeen qaar kamid ah saaxiibadiisa oo ku booqday isbitaalka. Siyaasiga oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu yahay guddoomiyaha Maakhir State waxaana uu dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay maamul gaar ah u samayso gobolkaasi Sanaag. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo nin siyaasiya ku jir-dilay magaalada Badhan appeared first on Puntland Post.
  17. The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) vehemently condemns the forceful and illegal suspension of operations of Horn Cable TV, a leading Hargeisa based independent television network, and arrest of its editor-in-chief. Before suspending the operations of HornCable TV and ordering the staff of the station to vacate the premises at around 9 am today, Somaliland police also arrested Abdulkadir Sulaiman Asayr, aka Odey, editor in chief of Horn Cable TV who was arrested after he was summoned at the Crimes Investigations Department of Somaliland Police, according to Mohamed Abdi Ilig, Director General of HornCable TV who spoke to NUSOJ. The Somaliland Ministry of Information and Culture lodged yesterday afternoon a criminal complaint against Horn Cable TV and requested the police to indefinitely suspend the work of the television network and arrest Abdulkadir Sulaiman Asayr for “breaching the law” and “inciting public against the government”, according to complaint read out by police to Asayr when he was being arrested. “We have been facing an organized campaign from the Somaliland government to silence HornCable TV and deny us to practice independent journalism without any influences in our news content. We are already in court to respond to legal complaints by the government, and this morning we were unlawfully suspended and our editor detained,” Mohamed Abdi Ilig, Director General of HornCable TV, told NUSOJ “We strongly condemn the obliteration of media freedom in Somaliland. Today’s suspension of HornCable TV and arrest of its editor-in-chief Abdulkadir Sulaiman Asayr is a gross violation of journalists’ rights in Somaliland, and restricts the space for freedom of expression even further in Somaliland and curtails the rights of the public to access information on issues of public interest,” said Omar Faruk Osman, NUSOJ Secretary-General. The suspension of HornCable TV and arrest of Abdulkadir Sulaiman Asayr are happening when HornCable TV was in Hargeisa court in the past 2 days to respond to complaints lodged by Somaliland ministry of air transport and civil aviation about news report that the TV aired regarding the management of Hargeisa airport and workers sacked from the airport. NUSOJ calls on Somaliland authorities to halt their sustained repression of journalists and independent media houses. The union is highly alarmed by the onslaught on Somaliland media outlets and journalists that has intensified dramatically since the crackdown on freedom of expression started last year. “This latest act against media freedom confirms that Somaliland authorities want to repress any free voice in Somaliland. We call on Somaliland to respect the human rights to freedom of expression, lift suspension from HornCable TV, drop concocted charges against HornCable journalists and release immediately and unconditionally Abdulkadir Sulaiman Asayr” added Osman. HornCable TV is the leading independent television network in Somalia with its headquarters in Hargeisa, Somaliland. View the full article
  18. Wararka naga soo gaaraya Hargeysa ayaa sheegay in sheegaya in maanta ay xaaladdu kacsan tahay, kadib markii ay isku dhaceen taageerayaasha Wadani iyo laamaha amniga. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo la geeyey xarunta weyn ee xisbigaasi ayaa la sheegay in ay isku dayeen inay is hortaag ku sameeyaan dadkaasi iyo hoggaanka xisbiga, taas oo sababtay isku dhac sababay khasaare u badan dhaawac. Taliyaha Boolsika Somaliland, Maxamed Aadan Saqadhe oo ka hadlay shaqaaqadaasi ayaa sheegay in dhibaatada ka dhacday halkaasi ay qaadayaan mas’uuliyiinta xisbiga Wadani. Dhankiisa C/raxmaan Cirro oo ah guddoomiyaha xisbigaasi ayaa eedeyn u jeediyey xukuumadda Muuse Biixi, wuxuna sheegay in la rasaaseeyey, xilli uu doonayey inuu gudaha galo xafiiskiisa oo ku yaalla magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaasi. Arrintan ayaa waxa ay sii xoogeysatay, kadib markii xalay ciidanka Boolisku ay xireen xoghayihii iyo afhayeenka xisniga mucaaradka ee Wadani. View the full article
  19. Wararka ka imaanaya degmada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa ku warramaya in maanta halkaasi uu ka dhacay dagaa u dhexeeyey Ciidamadamaamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo ciidamo uu watay gudoomiyihii hore ee degmadaasi, Cabdullaahi Ibraahim nuur Shik-Shigow. Dagaalka oo ahaa mid Culus ayaa la sheegay inuu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Illo dadka deegaanka ayaa shabelle u xaqiijiyay in dagaalkaasi ay ku dhinteen ku dhawaad 10 qof oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah. Sidoo kale waxa iska hor imaadka oo muddo socday ku dhaawacmay dad gaaray illaa afar qof. Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana degmada gacanta ku haya ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa dowladda Itoobiya View the full article
  20. Waxaa magaalada Muqdisho ka bilowday shir wadatashi ah oo u dhaxeeya Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS iyo qaar kamid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed, kulanka oo socon doona muddo labo cisho ah ayaa waxay aqoonyahanadu aragtidooda ka dhiiban doonaan qodobada dib-u-eegista lagu sameeyay ee dastuurka. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Maxamed Abuukar Zubeyr oo ugu horeyn shirka ka hadlay ayaa soo dhaweeyay ka qaybgalaaysha waxa uuna sharaxay ujeeddada iyo hannaanka shirku u socon doono. Sidoo kale, Maxamed Gaagaab oo kamid ah xubin ka tirsan Gudigga La-socodka ee dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa soo dhaweeyay shirka isaga oo ka warbixiyay howlihii badnaa ee la soo qabtay muddadii labada sano ahayd ee la soo dhaafay. Wasiir Ku-Xigeenka Dastuurka Dr. Xuseen Cabdi Cilmi oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa sheegay in aqoonyahanada shirka lagu casumay ay hortaallo howlo adag oo ah inay aragtiyadooda ka dhiibtaan arrimaha dalka ee masiiriga ah. Wasiirka Arrimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac oo shirka furay ayaa yiri “waxaan ku faraxsanahay inaan shirkan idin kala soo qaybgalo oo ka doodno aayaha dambe ee Soomaaliya, sida aad ogtihiin dastuurka inta ugu badan dib-u-eegis ayaa lagu sameeyay waxaana dooneynaa inaad taladiina ka dhiibataan; aqoonyahanada waxay kamid yihiin dadka ugu muhiimsan bulshada sidaa awgeed waxaan idinkaga fadhinaa inaad aqoontiina ku kordhisaan howlaha aan wadno”. Ugu dambayn, aqoonyahanada ka qaybgalaysa shirka ayaa waxaa lala waadagay nuqul kamid ah qodobada dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameeyay iyagoo bilaabay inay ka talo bixiyaan. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  21. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Duhur-18112019.mp3 View the full article