-
Content Count
213,994 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeelayanaya gudaha magaalada Muqdisho. Kulanka oo ah mid ballaaran oo qeyb ka ah Kalfadhiga lixaad ayaa waxaa xildhibaanada labada aqal ay uga arrinsan doonaan qodobo muhiim ah Ajandayaasha kulankan ayaa waxaa ka mid ah akhrinta 1-aad ee Miisaaniyadda dowladda sanadka soo socda ee 2020-ka oo ay dood adag ka yeelan doonaan labada dhinac. Sidoo kale xildhibaanada labada gole ayaa lagu lagu wargaliyay in ajandayaasha kulanka wadajirka ah ee maanta uu qeyb ka yahay xisaab xirka miisaaniyadda 2018-kii. Wararka ayaa intaasi ku daraya in goluhu ay warbixin guud ka dhageysan doonaan guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, taas oo la xariirta safarkii uu dhowaan ku tegay magaalada Addis Ababa ee Caasilmada dalka Itoobiya Waa kulankii ugu horreeyey oo ay si wadajir ah u yeelanayaan xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka, tan iyo markii la xaliyey khilaafkii xooganaa ee u dhexeeyey.
-
Quarry miners in Mandera East have obtained orders stopping the government from harassing them while carrying out their business. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Subax-20112019.mp3 View the full article
-
(SLT-Iran)-Shacabka Iiraan ayaa dhigay dibadbaxyo lagu taageerayo dowlada oo ka dhacay saddexda gobol ee ugu waaweyn kaasi oo lagaga soo horjeedo banaanbaxyo rabshado wata oo ka dhacay maalmihii la soo dhaafay magaalooyinka dalkaas. Arintaan ayaa ka dambeysay kadib markii xukuumada Tehraan ay boqolkiiba konton ay kordhisay qiimaha Gaas-ka oo cadho xooggan ku abuurtay dadweynaha. Dibadbaxyada oo dhacay shalay ayaa kumanaan ruux waxay iskugu soo baxeen gobolada Azerbaijan Zanjan Chaharmahal iyo Bakhtiari, oo Jiho ahaan dhaca waqooyi galbeed iyo koonfur galbeed ee dalka Iiraan. Shaqsiyaadka soo qaban qaabiyay banaanbaxa ayaa sheegay in ay aqbalayaan in dowlada lagaga cawdo si nabad ah, balse ay ka soo horjeedaan dibadbax kasta oo wax u dhimaya Qaranimada. Maalmo ka hor ayey aheyd markii hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan Aayatulaahi Cali Khumeyni uu wacad ku maray in si adag loola macaamili doono dibadbaxayaasha burburinaya Hantida Iiraan. Wuxuu dhanka kale ku eedeeyay wadamada cadowga ku ah in ay dabada ka riixayaan banaanbaxa iyagoo adeegsanaya dad dabadhilif u ah waa sida uu hadalka u Dhigay. Xoghayaha arimaha Dibada Mareykanka Mike Pompeo oo ka hadlay rabshadaha ka taagan Iiraan ayaa sheegay in Washington ay soo dhaweyneyso mudaaharaadka looga soo horjeedo Dowlada Iiraan. Source
-
(SLT-Washington)-Patrick Carlineo, oo ah muwaaddin Mareykan ah islamarkaana hore dil ugu hanjabay Ilhaan Cumar oo ka mid ah Baarlamaanka Mareykanka ayaa lagu helay dambi la xidhiidha in uu dil ug hanjabay Xildhibaan Mareykan ah. Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Newyork ee dalka Mareykanka James Kennedy, ayaa sheegay in xorriyadda hadalka ay sharci tahay haddana ayna ku jirin wax u dhimidda Xildhibaannada Mareykanka oo waliba dil loogu hanjabo. Patrick Carlineo oo 55 jir ah ayaa Ilhaan Cumar dil ugu hanjabay Bishii March ee sannadkan isaga oo xilligaas ku eedeeyay inay argagixiso tahay isaga oo diinteeda iyo dhalashadeeda ku saleynayay. Sonya Zoghlin, oo ah Qareenka u doodaya ayaa sheegay in wakiilka qofka uu ka yahay uu muujiyay aragtidiisa iyo fikirka uu siinayo dastuurka Mareykanka. Maxkamadda dhegeysatay kiiska ayaa sheegtay in Patrick Carlineo lagu helay dambiga islamarkaana xukunkiisa kama dambeysta ah uu dhacayo 14ka February sannadka soo socda. Source
-
Howlgal culus oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degaanka Kuunya Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-shabaab, Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka SONNA. Bartilmaameedka howlgalkaasi oo ay sida wadajirka ah u fuliyeen ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Mareykanka ayaa ahaa, saraakiil iyo xubno kale oo ka tirsan Alshabaab,kuwaasi oo ku dhuumalaysanayey degaannada howdka ah ee gobolka Shabeellaha Hoose . War-qoraal ah oo laga soo saaray howlgalkaasi oo ahaa mid qorsheysnaa, ayaa lagu sheegay in aanay jiriin waxyeelo soo gaartay dadka shacabka ah,mudadii uu socday howlgalkaasi,balse khasaare lagu gaarsiiyay malayshiyaadka Alshabaab. “Waxaa lagu khaarijiyay howlgalkaasi horjooge ka tirsanaa koxda Alshabaab,tani ayaa hoos u dhigaysa awoodii argagixisada,iyo weeraradii ay ka soo maleegayeen deegaanka Kuunya Barrow iyo nawaaxigiisa,waxaana xaqiijinaynaa in aanay jirin waxyeelo soo gaartay dadka rayidka ah” sidaasi waxa yiri saraakiil ciidan oo ay soo xigatay SONNA. Saraakiisha ayaa sidoo kale ballan-qaaday in ay sii wadi doonaan howlgalada,ilaa waddanka looga saaro Alshabaab,si dalka loogu soo celiyo nabad iyo xasilooni waarta. PUNTLAND POST The post Shabeellahada Hoose: Sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay hawlgal qorshaysan appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre oo xalay dib ugu soo laabtay dalka kadib safarro shaqo uu ku maqnaa wadamada Faransiiska, Belgium iyo Qatar, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle kusoo dhaweeyay wasiirro, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa safarkiisa oo guul kusoo dhamaaday waxuu ka billaawday Faransiiska, waxaana magaalada Paris kusoo dhaweeyay madaxweynaha Faransiiska. Ra’iisul Wasaaraha oo ka qayb galay kulanka sanadlaha ah Madasha Nabadda Paris, ayaa dhanka kale booqday safaaradda Soomaaliyeed ee Paris, waxuuna ballan qaaday in dowladdu dayactir iyo horumarin ku sameyneyso dhismaha safaaradda iyo hoyga safiirka. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa intii uu Paris u joogay ka qayb galka kulanka madasha, waxuu kulamo doceedyo la qaatay, wasiirrada arrimaha dibadda Faransiiska Nederlands, Ruusha iyo Finland , iyo xoghayaha arrimaha dibadda Sweden. Dhammaan mas’uuliyiinta uu kulamada la qaatay ayuu Ra’iisul Wasaaruhu kala hadlay xoojinta xariirka dalalkooda kala dhexeeya Soomaaliya, arrimaha deyn cafinta iyo horumarka laga gaaray dib-u-habeynta dowladdu ay dalka ka waddo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale Paris kula kulmay madaxweynaha bangiga horumarinta Islaamka, Dr. Bandar Hajjar iyo Xog-hayaha guud ee weriyaasha aan Xuduuda la hayn… Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Faransiiska uga sii safray Belgium waxuuna magaalada Brussels kulamo kula qaatay guddoomiyaha guddiga midawga Yurub ee Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah iyo madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub oo ay ka wada hadleen xariirka xooggan ee ka dhexeeya midawga Yurub iyo Soomaaliya, nabadda, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo taageerada xoojinta dimuquraadiyadda. Mudane Xasan Cali Khayre oo safarkiisa oo qaatay 10 maalin kusoo gebagebeeyay Qatar, ayaa amiirka Qatar, Amiir Tamim bin Hamad Al Than, Dooxa kula qaatay kulan looga hadlayey xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee labada dowladood iyo labada shacab ee walaalaha ah. Hoos ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo dalka dib ugu soo laabtay kadib safaradiisi dibadda appeared first on Puntland Post.
-
CEO of money transfer service speak exclusively to African Business Review on why his company means more to him than just making money. Source: Hiiraan Online
-
Xuutiyiinta Yeman oo qabsaday saddex markab oo mid Sacuudigu leeyahay Maleeshiyada Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa shaaciyey in ay dhanka koonfureed ee Badda Cas “ku qabteen saddex markab oo midkood Sacuudigu leeyahay lana yidhaa Raabiq”. Telefishanka Al-Masiirah ee Xuutiyiinta ayaa tilmaanay in dagaalyahannada kooxdaasi ay Saddexdaa Markab ku qabteen meel 3 Mayl u jirta jasiiradda Cuqbaan, markii ay soo galeen biyaha Yemen iyaga oo aan wax ogaysiis ah bixin”. Telefishanku wuxu intaa ku daray in “dhegaha ay ka furaysteen shaqaalaha markaabiistaasi ilaalada xeebuhu tahay badheedh cad oo lagu jabinayo xeerarka caalamiga ah iyo ku xad gudub madaxbannaanida Yemen.” Dadka Maraakiibta saaran ayaa waxay ka koobanyihiin 16 qof oo labo ka mid ah ay u dhasheen Dalka Koofurta Kuuriya, halka inta kale aan la sheegin waddamada ay ka soo jeedaan. Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Koofurta Kuuriya ayaa xaqiijisay in muwaaddiniinteeda ay badqabaan islamarkaana ku jiraan gacanta kooxaha Xuutiyiinta ah. Huwanta Sucuudigu hogaamiyo ayaa iyaguna mar hore xaqiijiyey in “Xuutiyiintu Badda Cas ku af-duubeen markab jiidayey agabka saliidda ka qoda badda oo laga leeyahay Kuuriyada Koonfureed”. Wakaaladda wararka Sucuudiga ayaa iyaduna ka soo xigatay af-hayeenka xulufadaas, Turki Al-Maaliki, inu yidhi “ciidamo ka tirsan Xuutiyiinta ayaa galabnimadii Axaddii dhanka koonfureed ee Badda Cas ku af-duubay markab”. Xuutiyiinta Yeman ayaa ku andacooday in Doomahaan ay ku xadgudbeen biyaha Dalka Yemen ,lana geeyay Magaalada Xudeyda. Qaran News
-
Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho kusoo gabagabeysay shir wadatashi ah oo ku saabsan dhameystirka Dastuurka KMG ah kaas oo ay layeelatay aqoonyahanadda Soomaaliyeed. Kullankaas wadatashiga ah ayaa socday muddo labo cisho ah waxaana looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin dhameystirka Dastuurka iyo sidoo kale qodobadda u baahan wax ka badalka. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dastuur Dr Xuseen Cabdi Cilmi oo soo xiray kullanka wadatashiga ahaa ayaa sheegay in aqoonta dadka Soomaaliyeed loo baahan yahay gaar ahaan dadka Waxbarashadoodu heerka sare tahay. “Waxaan u baahanahay aqoonka ku jirta Aqoonyahanada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan maxaa yeelay waxaa ku jira wax badan oo aan dhexdeena laga heleyn sidoo kale faa’iido badan ugu jirto dadka Soomaaliyeed” sidaas waxaa yiri Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya oo soo geba-gabaysay shir ku Saabsan dhameystirka Dastuurka KMG appeared first on Puntland Post.
-
London (Caasimada Online) – Sirdoonka Britain ayaa ku boorinaya Norway inay joojiyaan la shaqeynta Kenya, halka ay dhinac kalena taageerayaan dowladda Soomaaliya, si ay uga faa’iideystaan shidaalka Soomaaliya, waxaa sidaas qoray Wargeys Africa Intelligence. Wargeyska ayaa sheegay in diblomaasiyiin Norwegian ah ay dhowaan la kulmeen sirdoonka Britain ee MI6, kuwaas oo ku booriyey in Oslo ay joojiso siyaasadeeda laba wajiilenimada ah ee ay uga faa’iideysanayso muranka ka dhex oogan Soomaaliya iyo Kenya ee dhanka xuduudda badda. Britain ayaa ka mid ah dhowr dal oo reer galbeed ah oo taageersan Soomaaliya, marka ay noqoto muranka badda, sida ay qortay warbaahinta lagu daabaco qoraalalda cilmiga ku dhisan ee The Conversation ee dalka Australia. The Conversation ayaa sidoo kale sheegay in Norway ay taageereyso Soomaaliya sababo la xiriira in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu haysto dhalashada Norway, iyo xaqiiqda ah in Kenya ay horey u cayrisay shirkadda shidaalka Norway ee Statoil. Hase yeeshee African Intelligence ayaa leh “Norway waxay cayaareysa siyaasad laba dhinac ah.” Wargeyska ayaa ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay kasoo xigtay in dowladda Norway ay shaqaaleysay shirkadda ka shaqeysa amniga badaha ee Drum Cussac, si ay ula taliso dowladda Kenya. Wargeyska ayaa sidoo kale qoray in heshiiska is-fahamka ee ay galeen Somalia iyo Kenya, kaasi oo uu saxiixay wasiirkii iskaashiga Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur, balse uu diiday baarlamanka Soomaaliya, uu haa mid uu soo diyaariyey danjirihii geeriyooday ee Norway Hans Wilhelm Longva. Oraahyadii ugu caansanaa muranka ugu badana dhaliyeen ee laga diiwaan geliyey Siyaad Barre
-
Sheeko Kale: Furii Baan Baadhayaa Cabdisalaam Yaasiin Juxaa ayaa goor habeen ah meel iftiin ah oo xaafaddiisa ahayd bilaaabay in uu baadh baadho. Ciiddii ayuu faraa la galay oo kolba dhinac u rogay. Dadkii jaarka ahaa ayaa u yimi. Waxay ku yidhaadeen, “Juxaa, maxaa kaa lumay ee aad baadhaysaa?” “Furihii guriga ayaa iga lumay,” ayuu u celiyay. Ka dibana jaarkii ayaa bilaabay in ay furihii ciidda kala baadhaan. Markii ay in xilli ah baadhayeen, ayay ciiddii waxba ka waayeen. Mid ka mid ah jaarkii ayaa Juxa weydiiyay, ‘Halkee furuhu kaaga lumay?” “Guriga gudihii ayuu,” ayuu u celiaya Juxa. “Haddaa maxaad halkan u baadhaysaa,” ayuu weydiyay jaarki. “Halkani iftiin ayay leedahay,” ayuu u celiyay Juaxaa!!! Cabdisalaam Yaasiin Juxaa ayaa goor habeen ah meel iftiin ah oo xaafaddiisa ahayd bilaaabay in uu baadh baadho. Ciiddii ayuu faraa la galay oo kolba dhinac u rogay. Dadkii jaarka ahaa ayaa u yimi. Waxay ku yidhaadeen, “Juxaa, maxaa kaa lumay ee aad baadhaysaa?” “Furihii guriga ayaa iga lumay,” ayuu u celiyay. Ka dibana jaarkii ayaa bilaabay in ay furihii ciidda kala baadhaan. Markii ay in xilli ah baadhayeen, ayay ciiddii waxba ka waayeen. Mid ka mid ah jaarkii ayaa Juxa weydiiyay, ‘Halkee furuhu kaaga lumay?” “Guriga gudihii ayuu,” ayuu u celiaya Juxa. “Haddaa maxaad halkan u baadhaysaa,” ayuu weydiyay jaarki. “Halkani iftiin ayay leedahay,” ayuu u celiyay Juaxaa!!! Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya Cabdiraxmaan Caynte ayaa ku eedeeyey dowladda Soomaaliya inay sameysay wax uu ugu yeeray “dayacaad dambi ah.” Caynte ayaa tixraaceeyey mashruuc biyo-xireen ah oo uu Talyaaniga ugu talo-galay Soomaaliya, kaasi oo baaqday kadib markii dowladda Soomaaliya ay soo dalban weyday. Wargeyska La República ee Talyaaniga ayaa dhowaan qoray warbixin, ay soo xigatay Caasimada Online, oo uu ku sheegay in lacag 6 milyan oo dollar ah oo loogu talo-galay in lagu dhiso biyo xireeno ka hortagi karay fatahaadda webiga Shabelle uu ka sameeyey qeybo ka mid ah maamulka HirShabelle dib loo celiyey markii dowladda Soomaaliya ay soo gubin weysay soo-jeedinta mashruuca. Cabdiraxmaan Caynte ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ku yiri “Haddaad maqasho dayacaad dambi ah “criminal negligence” meel kale ha u raadin. Fatahaadaha Beledweyne ka dhacay waa laga waaban karay haddii dowladdu dhug u yeelan laheyd mashruucan.” Ayuu yiri. Waxa uu intaas ku daray “balse dhisamaha biyo xireenka waxaa uga muhiimsanaaday carqaladeynta deegaanno xasilloon.” Wasiirka qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa goor sii horreysay oo maanta ah qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay gudbisay soo jeedinta mashruuca. “Dowladda federaalka iyo Talyaaniga waxay wada-xaajood la lahaayeen suurta-galnimada ah inay nala siiyo taageero looga hortagi fatahaadaha. Soo-jeedinta mashruuca waxaa loo gudbiyey dowladda Talyaaniga si ay u eegto, wada-hadalkana weli waa socdaa. Lama ansixin, lamana saxiixin wax mashruuc ah illaa hadda.” Ayuu wasiirka ku yiri qoraalkiisa.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Bar___Qubanaha-19112019-sax.mp3 View the full article
-
The World Health Organization (WHO) said Tuesday it is seeking additional support of 1.38 million U.S. dollars to further scale up and sustain its current surge operations in the flood-affected districts of Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Safaaradda Soomaaliya ee Naiorbi ayaa waxaa ka taagan khilaaf xoogan oo u dhaxeeya xoghayaha safaarada Xabiib Maxamed Cigaal iyo safiir ku-xigeenka ahna qunsulka Danjire Aways Amiin Sheekh, taasi oo saamayn xoogan ku yeelatay howlaha safaarada. Khilaafka ayaa yimid kadib markii xoghaye Xabiib uu marar badan ku hadlay magaca safiir ku-xigeenka iyo qunsulka safaarada Soomaaliya ee Kenya, oo uusan lahayn cinwaan ahaan darajadaas, sida ay sheegeen qaar ka mid ah howl-wadeenada safaaradda. Xabiib ayaa ka mid ahaa gacan yarayaasha Maxamed C/llaahi Farmaajo xiligii uu abaabulka xoogan ka waday Farmaajo dalka Kenya, 2015-ilaa 2016, inta uusan noqon madaxweynaha Soomaaliya, markii la magacaabay Madaxweyne Farmaajo waxa uu ka mid noqday howlwadeenada Villa Somalia. Hase yeeshee khilaaf uu soo kala dhex galay isaga iyo agaasimaha Villa Somalia ayaa sababtay loo soo magacaabo safaaradda Soomaaliya ee Kenya. Inta badan khilaafka Xabiib iyo danjire Aweys ayaa salka ku haya awoodda, ayada oo Aweys uu dareemayo in Xabiib uu shaqadiisa uu faraha kula jiro. Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaan weli soo faro-gelin khilaafkan si uu xaliyo. Dhinaca kale waxaa maalmihii la soo dhaafay soo baxayay warar sheegaya in la baddalayo Safiir ku-xigeenka safaarada Soomaaliya ee kenya danjire Aways, loona badali doono usbuucyada soo socda dalka Ciraq. Haddii taas ay dhacdo waxay ka dhigan tahay in loolanka labada dhinac uu ku adkaaday Xabiib. Waxaana lagu warramayaa inuu adeegsaday saameyntiisa iyo ku dhowaanhihiisa madaxweyne Farmaajo. W/Q: Wariyeena Magaalada Nairobi Cabdixakiin Cilmi Xasan
-
Communities already hit by war and drought face fresh disaster as 370,000 are forced from homes. Ciraa Farah Ali was asleep when she heard the flood. It was dark, and the 45-year-old mother of seven.... Source: Hiiraan Online
-
Waxaan daawanayeysuaalo dhawr ah oo la xiriira miisaaniyadda Dowladda, si gaar ah kharashaadka dowladda kuwaas oo Baarlamaanka cusub ee Puntland, 2019, ay ku weydiiyeen Wasiirka Maaliyadda Puntland. Weydiimaha Baarlamaanka oo ahaa kuwa aad u xasaasi ah, ayaa ugu dambeyn wasiirku ku cududaartay inuusan xog badan ka hayn habka miisaaniyaddu u dagsantahay iyo qoondeynteeda ba, sidaa awgeed uu codsanayo in baarlamaanku sannadkaan ay u ansixiyaan habka ay tahay, wixii sannadkaan ka dambeeyana lagula xisaabtamo, sidaas ayeyna baarlamaanku ku ansxiyeen Miisaaniyadda Dowladda ee 2019. Laga soo bilaabo maalintaas waxaan bilaabay inaan u kuurgalo galo habraaca Miisaaniyadda Dowladda iyo guud ahaan Maammulka Maaliyadda Dowladda Puntland. Inkastoo aanan wali soo afmeerin xog-baaristaan oo aan qorsheynayo inay noqoto mid aad u faahfaahsan, haddana maadaama sannadkii 2019 u gebogabo yahay, ayna hadda hortaallo Baarlamaanka ka doodidda iyo ansixinta miisaaniyaddia 2020, waxaan jecclaystay inaan bulshada iyo Baarlamaanka ba la wadaago xog kooban oo la xiriirta miisaaniyadda Dowladda iyo maammulka maaliyadda dowladda taas u baahan in lagu baraarugsanaado, si gaar ah Golaha Baarlamaanka ka hor inta aysan meelmarin Miisaaniyadda 2020. Xogtaan waxay ka koobantahay saddex qodob, oo mudan si gaar ah in diiradda loo saaro, waxna la iska weydiiyo. Inta aaana faahfaahin qodobadaan, waxaan qeexayaa laba arrimoodoo muhiim ah: Xogtaan aan taxliiliyey waxay ku salaysantahay Miisaaniyadda ay meelmariyeen baarlaamaankuoo ahayd sagaal bilood (Apr—Dec, 2019), maadaama 3dii bilood ee hore lagu shaqeynayey miisaaniyad ku meelgaar ah, dhammaan xogta aan warbixinta ku xusayna iyada ayaan kasoo xigtay. Qiyaasta ku talagalka Miisaaniyadda guud ee dakhliga iyo kharashaadka dowladda waa iskudheellitinaayeen mana jirin kala badnaansho. Oddoroska dakhliga guud wuxuu ahaa $14.78 million bishii [$133.02 million, sagaalka bilood], taas oo $6.05 Million ka mid ah ay tahay dakhliga gudaha kasoo xarooda, $8.15 million waan dakhliga dibadda ka yimaada halka $583 kun ay tahay dakhliga ka yimaada dowladaha hoose ee 7 degmo. Ma jirto dakhli kabitaan ama taageero ah oo laga filayey inuu ka ymaado DOWLADdA DHEXE sida ku cad kulagalka Miisaaniyadda 2019. Habka loo dajiyey miisaaniyadda, waxaa lagu dhisay tixraaca miisaaniyaddii hore (Incremental budgeting). Kharashaadka dowladda waa mid ay buunbuunin ka muuqato si loogu jaangooyo dakhliga, waana habka ka qiyaas-qaadashada kharshaadka (Expenditures Approach). Hadda ba waa kuwaan afarta qodob aan isdul taagay, kuwaas oo ah qofkasta oo akhriya uu suaalo iska weydiin doono hannaanka Maammulka Maaliyadda Dowliga ah ee Puntland (Puntland Public Finance Management). Qodobka 1aad: Iskudheellitirnaan la’aanta qoondada kharashaadka miisaaniyadda iyo madaxyadeeda: Qiyaasta kutalagalka dakhligasagaalka bilood [April—Dec) ee ka soo xarooda gudaha waa $54.45 million, qiyaasta kharashaadka joogtada ah ee sagaalkaas biloodna wuxuu ku jaango’an yahay cadadka dakhliga. Haddaba $48.98 millionka mid ah waxaa loo qoondeeyey kharashaadka mushaarka iyo gunnooyinka shaqaalaha, adeegyada iyo alaabta, iyo kharashaadka kale. Tan ayaa ka dhigan in 89.9% dakhiga laga soo xareeyo shacabka loo qoondeeyey inay u baxdo kharash ahaan, halka 11% ($5.56 million) loo qoondeeyey in dib loogu celiyo si loogu fuliyo adeegyada iyo barnaamijyada dowladda ay bulshada u qabato!. Dhanka kale, Wasaaradaha khuseeya ila dhaqaalaha sida Xannaanada Xoolaha, Beeraha, Ganacsiga, Kalluumeysiga, dalxiiska, Dekedaha iyo Garoomada wax qoondo ah kuma lahan qoondada bulshada lagu celinayo—qoondada 11% ee aan kor ku xusay. Islasidoo kale arrimaha bulshada sida Dhallinyarada, haweenka, dhaqanka iyo cyaaraha wax qoondo miisaaniyadeed ah kuma lahan dakhliga kasoo xarooda gudaha. Dhammaan fulinta siyaasadaha iyo adeegyada la xiriira qeybaha kor ku xusan waxaa laga sugaa oo ay ku tiirsanyihiin taageerada iyo mashaariicda hay’adaha. Qiyaasta miisaaniyadda kharaashaadka joogtada ah ee Hay’adaha Dowladdu waxay ahayd $6.05 Miillion bishii, taas 41.3% ka mid ah loo qoondeeyey Madaxtooyada iyo Wasaaradda Maaliyadda, halka inta soo hartay loo qoondeeyey in ka badan 40 hay’adood ee dowladda, Gunnooyinka kale ee baxsan gunnooyinka mushaaraadka iyo kuwa aan lacagta ahayn ee loo asteeyey Wasaaradda Maaliyadda iyo Madaxtooyada waa $653, 430(9-ka bilood), waana qoondo ka badan miisnaaiyadda kharashaadka joogtada ahee Wasaaradaha Caddaaladda iyo Xannaanada Xoolaha, Hantidhawrka iyo Garyaqaabnka Guud taas oo isku ah $575,000sagaalka bilood. Kharashaadka miisaaniyadeed ee loo qoondeeyey safarrada dibadda iyo gudaha ee Wasaaradda Maaliyadda waa $70,000 bishii, waana in 50% ka badan kharashaadka miisaaniyadeed ee loo qoondeeyey safarrada dibadda iyo gudaha ee dhammaan Wasaaradaha kale ee dowladda Puntland taas oo ah $35,700 bishiii. Dhanka kale, kharashaadka kutalogalka ee loo qoondeeyey martigelinta Madaxtooyada iyo Wasaaradda Maaliyadda waa $112,625 bishii waana in 16% ka badan kharashaadka guud ee loo qoondeeyey Garsoorka Puntland. Kharashaadka loo qoondeyey daabacaadda iyo xayeysiinta ee Wasaaradda Maaliyadda waa $40,000 bishii taas ka sarraysa miisaaniyadda kharashaadka Xafiiska Hantidhawrka Guud $30,200 bishii. Xafiiska Hantidhawrka guud waxaa diiwaanka shaqaalaha Dowladda ugu jira shaqaale ka badan 40 qof! Qodobka 2aad: Miisaaniyadda waxaa ku jira tuhun badan: Kharashaadka miisaaniyadda ee u qoondaysan Taliska Ciidanka Daraawiishta waa $1.39 Million bishii, taas ka dhigaysa ha’adda labaad ee ugu badan qoondada kharashaadka marka laga yimaado Wasaaradda Maaliyadda. Iyadoo Taliska Ciidanka Daraawiishtu helaan qoondo sarraysa, haddana waxaa inta badan soo noqnoqta gadoodka ciidamada iyo cabashada la xiriirta xuquuqahooda. Tani waxay shaki iyo suaal galinaysaa halka ay ku baxdo kharashadka miisaaniyadeed ee Taliskaan. Waxaa dakhliga guud dowladda ku jira $8.155 Million bishii kaas oo ah dakhliga ka yimaada dibadda. Dakhligaan waxa uu isugu jira deeqaha laga helo hay’adaha caalamiga ah iyo bangiga adduunka. Sida ku cad, qiyaasta kharashaadka dowladda, dakhligaan wuxuu si guud ugu xisaabsan yahay kharashaadka guud, kumana jiro xisaabta kharashaadka joogtada ah. Sidaa awgeed dakhligaan si toos ah uma soo maro bangigag dowladda. Sidoo kale ma jirto warbixin si rasmi ah u qeexaysa cadadka deeqaha caalamka ee soo gala Puntland. Xafiiska Xisaabiyaha Guud ayey ahayd inuu soo saaro warbixinno rasmi ah. Qodobka 3aad: Habshaqeedka hay’adaha Maaliyadda: Maammulka maaliyadda dowliga ah wuxuu ka kooban yahay hay’ado awood ahaan kala madax bannaan balse ay ka dhxayso wadashaqeyn. Hay’adahaas ayaa kala ah Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga Dowladda, Xisaabiyaha Guud iyo Xafiiska Hantidhawrka Guud. Si buuxda ayey u dhisanyihiin Hay’adaha Maammulka Maaliyadda Dowliga (HMMD) ah ee Putnland, balse shaqo ahaan hay’adahaani iskuma dheellitirna, gaabis shaqo oo baahsan ayaana ka jira qaar ka mid ah HMMD. Xafiiska Hantidharka Guud (XHG) iyo Xafiiska Xisaabiyaha Guud waa labada hay’adood ay ka muuqato gaabis shaqo, aadna ay u wiiqantay awoodaha labadaan xafiis. Sida ku cad Xeerka Hantidhawrka Guud, Xeer Lam 15, 27/09/200, Xafiiska Hantidharka Guud (XHG), waa Hay’ad madaxbannaan oo u xilsaaran baaritaanka, la socodka iyo dabagalka dhammaan dhaqdhaqaaqa dakhliga, kharashaadka iyo mashaariicda dowladda iyo Hay’adaha caalamiga ah. Hantidhawrka Guud waxaa waajib ku ah inuu soo saaro warbixin sannadleh ah. Muddo 18 sano ah oo uu jiray XHG ee Puntland, shacab weynaha Puntland wali waayoaragnimo uma yeelan inay helaan oo ay soo gaarto warbixinno uu soo gudbiyey xafiiksu taas oo ku aaddan sida loo maareeyey deeqaha, mashaariicda iyo miisaaniyadda Dowladda. Marka aad waraysato khubarada dhaqaalaha iyo dadka xog-ogaalka ahwaxay xusayaan dibdhaca ugu weyn ee haysta XHG ay tahay tabaryari dhaqaale, oo uusan xafiisku helin miisaaniyad ku filan si uu ugu madaxbannaanaado hawlihiisa shaqo. Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Puntland ayaa sidoo kale ah Xisaabiyaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, taas oo ka dhigan in nidaamka Maammulka Maaliyadda Dowliga ah ee Puntland uusan lahayn Xisaabiye Guud oo ka madaxbannaan maammulka Wasaaradda Maaliyadda. Tani waa arrin baalmarsan hufnaanta iyo daahfurnaanta hannaanka maaliyadda dowliga ah ee caalamiga ah. Waxayna meesha ka saaraysaa in la helo xisaabcelin hufan. Bangiga adduunka waxa uu Puntland ka waday laba mashruuc—Capacity Injection Project iyo Somalia PFM Capacity Building. Mashaariicdaan ayaa ah dib u habeynta maaliyadda iyo Waxaana sannadkii uu Bangiga Adduunku Puntland ku siiyaa dhaqaalae gaaraya $11 million, sidaas oo ay tahay wali waxaa la adeegsadaa hab waraaqaha (Manual paper), walina Puntland si buuxda loogama dhaqangelin in dhaqdhaqaaqa maaliyadeed ee dakhliga iyo kharashaadka ay u dhacaan hab aaladeed (Electronic System). Mashaariicdaan oo wakhtigoodii gebogebo yahay, haddaba sidee loo maareeyey mashaariicdaa? Waa weydiin dib ugu soo laabanaysa Hay’adda Sharci-dejinta, Xafiisyada Hantidhawrka Guud iyo Xisaabiyaha Guud iyo Deeq bixiyahay; Bangigaga Adduunka. Marka aad daraasayso hannaanka Maammulka Maaliyadda Dowliga ah ee Puntland iyo qoondeynta miisaaniyadda dowladda, waxaa kusoo baxaya arrimahaan: iskudheellitirnaan baahsan ee qoondaynta miisaaniyadda, iyadoo ay jiraan kharaashaad tiro badan oo laga maarmi karo ama la yarayn karo. Waxaa jira tuhunno siyaadin kara xaddiga musuqmaasuq iyo daahfurnaan la’aan baahsan oo aysan shacabku xog badan ka hayn maammulka maaliyadda dowliga ah. Waxaa muuqata inaysan dhammeystirnayn shuruucdii maammulka maaliyadda dowliaga ah (PFM laws) si loo maareeyo siyaasadda maaliyadeed ee dowladda. Inkastoo oddoroska miisaaniyaddu leedahay koror iyo isdhin, sidoo kale qna qiyaasta miisaaniyadda kutalagalka ah ee sannadlaha ay kordhi karto, haddana wali waxaan si rasmi ah u shaac bixin xisaabcelin rasmi ah, ayna maqantahay hufnaantii uu u shaqeyn lahaa Xafiiska Xisaabiyaha Guud. Inkastoo baarlamaanka hadda jooga ay tallaabo wanaagsan qaadeen kalfadhiggoodii ugu horreeyey, haddana waxaan laga fursnayn in Golaha Baarlamaanku iyo Xukuumadduba ay awoodda saaraan sidii wax badan looga sixi lahaa hannaanka maaliyadeed ee Puntland, ayna si rasmi ah uga doodaan xisaabcelintii misaaniyaddi 2019 iyo sidoo kale habka ay u dagsantahay miisaaniyadda ka hor inta aysan ansixin Miisaaniyadda 2020. Gunaanadkii, daahfurnaanta, dabagalka iyo islaxisaabtanku waa tallaabooyin muhiim hannaanka dowladnimo ee tayeysa, waana arrin ay danta Puntland ku jirto in wax la iska weydiiyo hannaanka Maaliyadda Dowliga ah ee Puntland. Inkasta oo ay le’egtahay misaaniyadda dowladdu, ha yaraato ama ha badnaato, waxaa lagama maarmaan ah in beekhaaminta iyo qoondaynta miisaaniyaddu ay ka tarjunto baahida dhabta ah. Inkastoo aanan dhammeystirin daraasad ballaaran aan ka aruurinayey hannaanka Maammulka Maaliyadda Dowliga ah ee Puntland taas oo ku qotonta saddexdaan qodob, haddana waxaan jeclaystay inaan xogtaan si hordhac ah ula wadaago bulshada, Xukuumadda iyo Golaha Baarlamaanka Puntland, si wax la isaga weydiiyo, waxna loo saxo. Mahadsanid. Faarax Bashiir Cismaan Puntland, Soomaaliya Fosman.official@gmail.ocm The post Faallo: Ma la joogaa xilligii dib loo Eegi lahaa Maammulka Maaliyadda Dowliga ah Puntland? appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo caawa dib ugu soo laabtay dalka kadib safarradii shaqo ee wadamada Faransiiska, Belgium iyo Qatar, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle kusoo dhaweeyay wasiirro, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa safarkiisa oo guul kusoo dhamaaday waxuu ka billaawday Faransiiska, waxaana magaalada Paris kusoo dhaweeyay madaxweynaha Faransiiska. Ra’iisul Wasaaraha oo ka qayb galay kulanka sanadlaha ah ee madasha nabadda Paris, ayaa dhanka kale booqday safaaradda Soomaaliyeed ee Paris, waxuuna ballan qaaday in dowladdu dayactir iyo horumarin ku sameyneyso dhismaha safaaradda iyo hoyga safiirka. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa intii uu Paris u joogay ka qayb galka kulanka madasha, waxuu kulamo doceedyo la qaatay, wasiirrada arrimaha dibadda Faransiiska, The Netherlands, Ruushka iyo Filand, iyo xoghayaha arrimaha dibadda Sweden. Dhammaan mas’uuliyiinta uu kulamada la qaatay ayuu Ra’iisul Wasaaruhu kala hadlay xoojinta xariirka dalalkooda kala dhexeeya Soomaaliya, arrimaha deyn cafinta iyo horumarka laga gaaray dib-u-habeynta dowladdu ay dalka ka waddo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale Paris kula kulmay madaxweynaha bangiga horumarinta Islaamka, Dr. Bandar Hajjar iyo xoghayaha guud ee wariyaasha aan xuduudda laheyn. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Faransiiska uga sii safray Belgium waxuuna magaalada Brussels kulamo kula qaatay guddoomiyaha guddiga midawga Yurub ee Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah iyo madaxweyne ku-xigeenka midawga Yurub oo ay ka wada hadleen xariirka xooggan ee ka dhexeeya midawga Yurub iyo Soomaaliya, nabadda, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo taageerada xoojinta dimuquraadiyadda. Mudane Xasan Cali Khayre oo safarkiisa oo qaatay 10 maalin kusoo gebagebeeyay Qatar, ayaa amiirka Qatar, Amiir Tamim bin Hamad Al Than, Dooxa kula qaatay kulan looga hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee labada dowladood iyo labada shacab ee walaalaha ah. View the full article
-
The UN and other Somalia’s partners on Saturday said the recent decision by Kenya and Somalia to normalise their relations will help the region to concentrate on security challenges in the Horn of Africa. Source: Hiiraan Online
-
Popular Contributors
