Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,994
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wararka naga soo soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta xiisad kacsanaan ah laga dareemayo gudaha degmada Diinsoor ee gobolka Baay. Xiisada oo ah mid xoogan ayaa ka dhalatay xilka qaadis lagu saameeyey guddooyihii degmadaasi, Ibraahim Maxamed Nuur |(Shig-Shigow). Guddoomiyaha ayaa ka horyimid xilka qaadistaasi, isagoona diiday inuu xilka ku wareejiyo guddoomiyahay cusub ee degmadaasi C/naasir Siidow Maxamed. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya inay maanta isku dhaceen ciidanka dowlada goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliye iyo kuwa kale oo daacad u ah guddoomiyihii hore ee degmada Diinsoor, islamarkaana ay ku dhaawacmeen labo qof oo shacab ah. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana gabi ahaan xirmay dhaq dhaqaaqii guud ee magaaladaasi. View the full article
  2. Golaha Wasiirrada S/land Oo Ansixiyey Miisaaniyad-sannadeedka 2020-ka Kal-fadhigii golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ee maanta oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah loogu ansixiyey oddoroska miisaaniyad-sannadeedka 2020-ka. Miisaaniiniyad-sannadeedka 2020-ka oo ay golaha horkeentay wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somalilnad, ayaa cadadkeedu dhan yahay 2,751,304,880,098 (Laba Tiriliyan, Toddoba boqol kow iyo konton Bilyan, Saddex Boqol iyo Afar milyan, Siddeed boqol iyo siddeetan kun iyo siddeed iyo sagaashan shilin), waxana ay 18% (Boqolkiiba siddeed iyo toban) ka badan tahay miisaaniyad-sannadeedkii 2019ka. Oddoroska Miisaaniyadda cusub, ayaa diiradda saari doonta nabadgelyada, Ictiraaf-raadinta, horumarinta caafimaadka, Biyaha, waxbarashada, doorashooyinka, daryeelka deegaanka iyo duur-joogta, wax soo saarka Beeraha iyo Kalluunka, Macdanta iyo Tamarta iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Meelaha la oddorasayo inay miisaaniyadda cusubi ka iman doonto, ayaa waxa kamid ah cashuuraadka kala duwan ee ay muwaadiniinta reer Somaliland bixiyaan oo iyadu halbawle iyo saldhig u ah Aas-aaska dawlad-nimada, waxana ay waafaqsan tahay qorshaha labaad ee horumarka Somaliland (SNDPII), islamarkaana waxa ay ka turjumaysaa Barnaamuj-siyaasadeedkii xisbiga KULMIYE iyo ballamihii uu ku galay doorashooyinkii dalka ka qabsoomay 2017-kii. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo dood iyo falanqayn dheer kaddiba waxa uu cod geliyey Ansixinta oddoroska miisaaniyad-sannadeedka 2020-ka, waxana cod aqlabiyad ah ku ansixiyey dhammaanba xubnihii golaha wasiirrada ee kalfadhiga ku sugnaa, iyada oo aanay jirin cid ka aamustay iyo cid diidday midna. Miisaaniyaddan ay maanta oddoroskeeda ansixiyeen golaha wasiirradu, ayaa ah tii 29-aad ee uu yeesho qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo sannadba sannadka ka dambeeya sii kordhaysay, waxana ay u gudbaysaa golaha wakiillada Somaliland oo ka gudan doona waajibaadkooda Dastuuriga ah. Qaran News
  3. Madaxweyne Xigeenka Puntland Axmed Cusmaan Karaash ayaa maanta wuxuu Xafiiskiisa kuvqaabilay Wafdi kasocdey Laanqayrta Cas ee Aduunka oo uu hogaaminayay Madaxa Hay’adaan Juerg Eglin. LabadavMasuul [...] Source
  4. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa ka jawaabay eedaymo uga yimid Madaxweynaha Somaliland, waxaanu sheegay in marka Madaxweynuhu uu Xisbiga WADDANI ku sheegayo inuu aamisan yahay Soomaali-weyn uu ula jeedo beel ka mid ah kuwa Somaliland, doonayana inuu Bulshada kala fogeeyo. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa Taageerayaasha Xisbigiisa ee Gobolka Maroodi-jeex ugu baaqay inay Isniinta Berri isugu yimaaddaan Xarunta Xisbiga ee Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. Gaashaanle Dhexe Sahal Faarax Raage oo ka tirsanaa Ciidamada Soomaaliland waxaad Cadaalada ayaa maanta wuxuu Garowe ka shaaciyey inuu kasoo goostay Hargaysa sababo Cadaado daro [...] Source
  6. Garbahaarey (Caasimada Online) – Al-Shabaab oo weli dagaal xoogan ka wada gudaha Soomaaliya ayaa baahisay magacyada xubno ka tirsanaa maamulka gobolka Gedo ee dowlad goboleedka Jubbaland oo ay sheegtay inay isku soo dhiibeen kooxdaasi. Mas’uuliyiinta isku dhiibay Al-Shabaab ayaa dhammaantood waxa ay ka mid ahaayeen maamulka degmada Beledxaawo ee gobolkaasi. Sida ay baahisay warbaahinta Al-Shabaab raggaasi ayaa gaaraya illaa afar xubnood oo guddoomiye waaxeedyo iyo ku xigeenno ka ahaa maamulka maamulkaasi. Magacyada ka aqriso hoose: Xuseen Jibriil Ibraahim wuxuu ahaa guddoomiye ku xigeenka xafaadda 8-aad ee Beledxaawo Xuseen Sahal Aadan wuxuu ahaa guddoomiye ku xigeenka xaafadda 7-aad ee Beledxaawo Cabdiweli Iftiin Barroow wuxuu ahaa guddoomiyaha Xaafadda 7-aad ee magaalada Beledxaawo Maxamed khaliif xasan guddoomiyaha xaafadda 8-aad ee magaalada Beled Xaawo. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo kan gobolka Gedo oo ku aadan xubnahaasi la sheegay inay isku dhibeen Al-Shabaab. Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ka fuliso gobolka Gedo oo ay weli ku xoogan tahay, mana muuqdo qorshe looga saarayo guud ahaan gobolkaasi. Caasimada Online Xafiiska Garbahaarey caasimada@live.com
  7. (SLT-Yubbe)-Warar ka imanaya Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in Dagaalyahanno ka mid ah Kooxda Al-shabaab inay qabsadeen deegaan Hoos taga Degmada Yubbe ee Bariga Gobolka Sanaag. Deegaanka la sheegay inay Al-shabaab qabsatay ayaa Magaciisa lagu sheegay Gacan-maroodi. Warbaahinta Puntland qaarkeed ayaa baahiyey in Dagaalyahannada Al-shabaab oo ka soo kicitimay Buuralayda Caalmadow ay isku fidiyeen deegaanka Gacan-maroodi oo hoos taga degmada Yubbe, isla-markaana bilaabeen inay Dhufaysyo ka samaystaan deegaankaasi. Warka ayaa intaa ku daraya in laga cabsi qabo in Kooxdan Tiradoodu ku dhowdahay 100 Dagaalyahan ay weerar ku qaadaan Degmada Yubbe e bariga Gobolka Sanaag. Laamaha amaanka ee Somaliland ayaan weli ka hadlin Wararka sheegaya in Dagaalyahanno Al-shabaab ka mid ahi qabsadeen deegaanka Gacan-maroodi. Al-shabaab ayaa ka dhaqdhaqaaqyada Buuraylada Galgala ee Gobolka Sanaag, waxayna Weerarro joogto ah ku haysaa Maamulka Puntland. Source
  8. Kal-fadhigii golaha wasiirrada Somaliland ee maanta oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah loogu ansixiyey oddoroska miisaaniyad-sannadeedka 2020-ka. Miisaaniiniyad-sannadeedka 2020-ka oo ay golaha horkeentay wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somalilnad, ayaa cadadkeedu dhan yahay 2,751,304,880,098 (Laba Tiriliyan, Toddoba boqol kow iyo konton Bilyan, Saddex Boqol iyo Afar milyan, Siddeed boqol iyo siddeetan kun iyo siddeed iyo sagaashan shilin), waxana ay 18% (Boqolkiiba siddeed iyo toban) ka badan tahay miisaaniyad-sannadeedkii 2019ka. Oddoroska Miisaaniyadda cusub, ayaa diiradda saari doonta nabadgelyada, Ictiraaf-raadinta, horumarinta caafimaadka, Biyaha, waxbarashada, doorashooyinka, daryeelka deegaanka iyo duur-joogta, wax soo saarka Beeraha iyo Kalluunka, Macdanta iyo Tamarta iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Meelaha la oddorasayo inay miisaaniyadda cusubi ka iman doonto, ayaa waxa kamid ah cashuuraadka kala duwan ee ay muwaadiniinta reer Somaliland bixiyaan oo iyadu halbawle iyo saldhig u ah Aas-aaska dawlad-nimada, waxana ay waafaqsan tahay qorshaha labaad ee horumarka Somaliland (SNDPII), islamarkaana waxa ay ka turjumaysaa Barnaamij siyaasadeedkii xisbiga KULMIYE iyo ballamihii uu ku galay doorashooyinkii dalka ka qabsoomay 2017-kii. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo dood iyo falanqayn dheer kaddiba waxa uu cod geliyey Ansixinta oddoroska miisaaniyad-sannadeedka 2020-ka, waxana cod aqlabiyad ah ku ansixiyey dhammaanba xubnihii golaha wasiirrada ee kalfadhiga ku sugnaa, iyada oo aanay jirin cid ka aamustay iyo cid diidday midna. Miisaaniyaddan ay maanta oddoroskeeda ansixiyeen golaha wasiirradu, ayaa ah tii 29-aad ee uu yeesho qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo sannadba sannadka ka dambeeya sii kordhaysay, waxana ay u gudbaysaa golaha wakiillada Somaliland oo ka gudan doona waajibaadkooda Dastuuriga ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha waddo muhiim u ah dadweynaha dadweynaha M/ Muqdisho. Guddoomiye Cumar Filish ayaa si rasmi ah u daah-firay dhisamaha waddadan oo isku xirta isgoysyada Siinaay iyo Baar ee degmooyinka Warta Nabadda iyo Yaaqshiid ee gobolka Banaadir. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa ugu baaqay shacabka inay qaataan doorkooda ku aadan ilaalinta nadaafadda waddooyinka Caasimada. “Waxaan maanta xariga ka jaray dhismaha waddada isku xirta Siinaay iyo Baar-Ayaan ee degmooyinka Warta Nabada iyo Yaaqshiid, waxaan ugu baaqaya bulshada Caasimadda in ay muujiyaan doorkooda ku aadan ilaalinta nadaafada iyo bilicda ayuu yiri.” Cumar Filish. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  10. Wararka aynu ka helayno Gedo ayaa sheegaya in maanta Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan uu kulan gaar ah la qaatay qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka maamulkaasi iyo kuwa AMISOM ee ku sugan degmada Ceelwaaq ee gobolkaaasi. Kulankan ayaa waxaa intiisa badan looga arrinsaday sida ay ciidamada huwanta u xaqiijin la haayeen amniga, islamarkaana ay gacanta ugu soo celi lahaayeen deegaanada ka maqan Jubbaland ee ku yaalla gobolka Gedo Madaxwyne ku xigeenka Jubbaland ayaa si wadajir ah saraakiisha labada dhinac kula dar-daarmay inay iska kaashaadaan howlgallada Al-Shabaab looga saarayo gobolkaasi. Kulankan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay ciidamada dowladda ay is hortaag ku sameeyeen Sayid Aadan oo doonayey inuu u gudbo qeybta ay ka maamulaan degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, halkaas oo ay weli ka taagan tahay xiisad xoogan. Arrintan ayaa sii hurineysa xiisada DF iyo Jubbaland, taasoo ka dhalatay doorashadii dib loogu doortay Madaxweynaha maamulkaasi Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  11. (SLT-Hargeysa)- Kal-fadhigii golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ee maanta oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah loogu ansixiyey oddoroska miisaaniyad-sannadeedka 2020-ka. Miisaaniiniyad-sannadeedka 2020-ka oo ay golaha horkeentay wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somalilnad, ayaa cadadkeedu dhan yahay 2,751,304,880,098 (Laba Tiriliyan, Toddoba boqol kow iyo konton Bilyan, Saddex Boqol iyo Afar milyan, Siddeed boqol iyo siddeetan kun iyo siddeed iyo sagaashan shilin), waxana ay 18% (Boqolkiiba siddeed iyo toban) ka badan tahay miisaaniyad-sannadeedkii 2019ka. Oddoroska Miisaaniyadda cusub, ayaa diiradda saari doonta nabadgelyada, Ictiraaf-raadinta, horumarinta caafimaadka, Biyaha, waxbarashada, doorashooyinka, daryeelka deegaanka iyo duur-joogta, wax soo saarka Beeraha iyo Kalluunka, Macdanta iyo Tamarta iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Meelaha la oddorasayo inay miisaaniyadda cusubi ka iman doonto, ayaa waxa kamid ah cashuuraadka kala duwan ee ay muwaadiniinta reer Somaliland bixiyaan oo iyadu halbawle iyo saldhig u ah Aas-aaska dawlad-nimada, waxana ay waafaqsan tahay qorshaha labaad ee horumarka Somaliland (SNDPII), islamarkaana waxa ay ka turjumaysaa Barnaamuj-siyaasadeedkii xisbiga KULMIYE iyo ballamihii uu ku galay doorashooyinkii dalka ka qabsoomay 2017-kii. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo dood iyo falanqayn dheer kaddiba waxa uu cod geliyey Ansixinta oddoroska miisaaniyad-sannadeedka 2020-ka, waxana cod aqlabiyad ah ku ansixiyey dhammaanba xubnihii golaha wasiirrada ee kalfadhiga ku sugnaa, iyada oo aanay jirin cid ka aamustay iyo cid diidday midna. Miisaaniyaddan ay maanta oddoroskeeda ansixiyeen golaha wasiirradu, ayaa ah tii 29-aad ee uu yeesho qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo sannadba sannadka ka dambeeya sii kordhaysay, waxana ay u gudbaysaa golaha wakiillada Somaliland oo ka gudan doona waajibaadkooda Dastuuriga ah. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  12. Somalia’s largest telco is fighting back claims it aided militant groups to attack communication structures in Kenya in exchange for protection. Source: Hiiraan Online
  13. Dowladda Kuwait ayaa mar kale ku baaqday in la ixtiraamo madaxbanaanida iyo xornimada siyaasadeed ee Soomaaliya, kadib kulan ay qayb ka ahayd oo golaha Ammaanku ka yeeshay xaaladda Soomaaliya kaasi oo ka dhacay magaalada New-York. La taliye Nawaf Al-Ahmed oo ka mid ah ergada joogtada ah ee dowladda Kuwait u fadhida Qaramada midoobay mar uu ka hadlayay shalay kulanka ayaa ku baaqay in la dardargaliyo taageerada siyaasadeed iyo midda dhaqaale ee dowladda Soomaaliya, si dib loogu dhiso hay’adaha dowladda loona xaqiijiyo Amniga iyo xasiloonida dalka . Ergayga dowladda Kuwait ayaa dhanka kale bogaadiyay dadaallada wax ku oolka ah ee ay wado dowladda, si dalka loogu diyaariyo Qabsoomidda doorashooyin sanadka 2020-2021. View the full article
  14. Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay gaareen deegaanka Gacan-Maroodi oo hoostaga gobolka Sanaag. Wararka ayaa sheegaya in dagaalyahanadan oo hubeysan ay gudah u galeen deegaankaasi, islamarkaana ay ka bilaabeen dhaq dhaqaaqyo cusub. Ilo deegaanka ayaa Shabelle u sheegay in xaaladda ay kacsantahay, islamarkaana laga cabsi qabo in dagaal uu ka qarxo halkaasi. Deegaanka Gacan-Maroodi ayaa waxaa horay ugu sugnaa maleeshiyaad deegaanka ah, iyagoona isaga baxay halkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalyahannada Al-Shabaab ee la wareegay deegaanka ay ka yimaadeen dhanka buuraleyda ee gobolka Sanaag. Al-Shabaab ayaa u muuqda hadda inay isku fidinayaan deegaano hor leh oo ka tirsan gobollada waqooyiga ee dalka, kadib markii muddooyinkii la soo dhaafay si aad loo xoojiyey howlgallada ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
  15. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Duhur-17112019.mp3 View the full article
  16. (SLT-Hargeysa)-Sarkaal Somaliland Ahaa Oo Puntland Isku Dhiibay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. (SLT-Hargeysa)-Golaha guurtida Somaliland ayaa Guddi ka kooban 29 Xubnood u saaray ka soo talo-bixinta mudoo kordhin mar kale loo samaynayo Golaha wakillada Somaliland, ka dib markii ay dib u dhacday doorashadii lagu soo dooran lahaa Xildhibaanno cusub. Xildhibaanada ayaa saaka loo akhriyay qoraalka mMdaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu kaga dalbaday inay muddo kordhin u sameeyaan Golaha wakiillada Somaliland, waxaana markaa ka dib cod lagu meel mariyay guddiga loo saaray inay arrintaa ka soo talo-bixiyaan. Guddiga ayaa ka kooban 25 Xildhibaan, Shir-guddoonka oo ka kooban 3 xubnood iyo Xoghayaha guud ee Golaha Guurtida, waxaana la siiyey muddo ay arrintaa ku soo eegaan, kuna soo gudbiyaan Taladooda. Halkan Hoose ka Akhri Magacyada 25 Xildhibaan Ee Guddiga ah. Source
  18. Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Hayádda laanqayrta cas ee ICRC oo uu hogaaminayo Madaxa ICRC ee dhawaan loo soo magacaabay Soomaaliya Mr Juerg Eglin. Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Madaxda Hayádda ICRC uga mahadceliyey booqashadooda, wuxuuna kadib ka dhegaystay warbixin ay ka siiyeen halka ay marayaan howlaha gargaar iyo bani’aadanimo ee ay ka wadaan deegaanada Puntland. “Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa u sheegay Madaxda Hayádda ICRC in waxqabadkooda ay ku saleeyaan baahiyaha deegaanada ka yimaada iyo sidii looga jawaabi lahaa sida ay u kala muhimsanyihiin” Ayuu yiri Jaamac Dabaraani, Afhayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Dowladda Puntland. Kulanka Madaxweyne ku-xigeen Axmed Karaash iyo Madaxa Hayádda laanqayrta cas ee ICRC Mr Juerg Eglin waxaa goobjoog ka ahaa Madaxa ICRC ee Puntland Emmanuel Lippolis, iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland. Hoos ka daawo muuqaalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hayádda ICRC ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliye sare oo ka tirsan dowladda Kuwait ayaa si aad ah uga hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan horumarada ay sameysay, isagoona ugu baaqay dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada dalka inay muujiyaan midnimo, wax welibana ay ku dhameeyaan wadahadal. Nawaf Al-Ahmad, oo ah la taliyaha wafdiga Kuwait ee golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa sheegay in guulo wax ka ool ah ay gaartay Soomaaliya, islamarkaana loo baahan yahay in la taageero, si looga mira dhaliyo dadaalada xoogan ee hadda socda. Ergayga dowladda Kuwait ayaa sidoo kale bogaadiyay qorshaha ay wado dowladda Soomaaliya ee qabsoomidda doorashooyin guud sanadka 2020-ka illaa 2021-ka. Sidoo kale Mr Nawaf ayaa ka dalbaday xubnaha dalalka beesha caalamka in aysan ku xadgudnin madaxbanaanida dhuleed iyo mida siyaasadeed ee Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay inay muhiim tahay in laga taageero xasilinta guud ahaan Soomaaliya. Ugu dambeyn wuxuu shaaciyey inuu soo dhoweynayo muddo kordhinta lagu sameeyey cunaqabteynta hubka ee saaran Soomaaliya oo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay markale ku dareen muddo hal sano ah. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay haatan la daala dhaceyso dhibaatooyin kala duwan oo qaarkood ay ku hayaan dowlado shisheeye oo dano gaar ah ka leh Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. Dagaalyahanno la sheegay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab ayaa la wareegay deegaanka Gacan-Maroodi ee gobolka Sanaag. Xubnahan ayaa kasoo degay Buuraha Calmadow, waxaana la tilmaamay in halkaasi ay kala wareegeen maleeshiyaad qabiil oo markii horeba deegaanka joogay. Sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka, waxaa durba halkaasi ka bilaabatay cabasi aad u xooggan, waxaana laga baqayaa in ciidanka Somaliland iyo Al-shabaab halkaasi dagaal ku dhexmaro. Tiro ahaan inta la egyihiin dagaallamayaashan lama oga, balse dadka qaar ayaa bilaabay iney isaga cararaan deegaanka Gacan-Maroodi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la qaatey agaasimayaasha wasaaradaha iyo guddoonka gudiga shaqada iyo shaqaalaha ee Dowlad goboleedka Jubbaland. Kulankan oo ay ujeedadiisu ahayd hubinta iyo dhageysiga waxqabadka wasaaradaha iyo gudiyada madaxa banaan ee Jubbaland ayaa caawa ka qabsoomey hoolka shirarka ee madaxtooyada Jubbaland ee magaalada kismaayo. Agaasimayaasha ayaa mid mid uga warbixiyey waxqabadka wasaaradaha ay maamuulaan, sida ay u fulaan mashaariicda kusoo dhaca wasaaradaha iyo caqabadaha ay wajahaan xilliyada ay ku gudo jiraan daadejinta adeegyada bulshada. Madaxweynaha Jubbaland ayaa kadib dhageysiga warbixinta agaasimaayaasha uga mahadceliyey kuna dhiiri galiyey shaqada balaaran ee ay u hayaan bulshada reer Jubbaland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed isla markaana ballan qaadey in caqabad kasta oo soo wajahda daadejinta adeegyada dowladu shacabka gaarsiiso loo xallin doono sida ugu dhakhsaha badan. Madaxweynaha ayaa si adag uga digey in agaasimayaashu ku dhex milmaan siyaasadda maadaama aysan shaqadoodu ahayn siyaasad ee ay tahay inay adeegyada dowlada gaarsiiyaan shacabka. Kulankan ayaa hordhac u ahaa kulan balaaran oo dhamaan wasaaradaha looga dhageysan doono waxqabadkooda, kaas oo ay kasoo qeybgali doonaan Wasiirada, kuxigeenada, agaasimayaasha iyo dhamaan shaqaalaha wasaaradaha halkaas oo ay si daahfuran ugu soo bandhigi doonaan waxyaabaha u qabsoomey wasaarad kasta iyo caqabadaha jira. Source: goobjoog.com
  22. Shacabka Puntland gudo iyo Dibadba waakiwa u horeeya ee u Gurmadka Walaalohooda Doomaaliyeed markay gargaar deg deg ah u baahdaan. Inta badan Deegaanada Puntland waxaa [...] Source