-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dagaal Beeleed khasaare geystay ka dhacay Deegaanka Xeraale
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Dagaal Beeleed u dhexeeya laba Beeleed ayaa wuxuu saaka ka dhacay Deegaanka Xeraale ee Gobolka Mudug wuxuuna kuvsalaysan yahay Dad Reer miyi ah oo Deegaanka [...] Source -
Muqdisho (Caasimadda Online) – Warar naga soo gaaraya golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa sheegaya in loo yeeray labo wasiir oo xukuumadda federaalka ah ka tirsan si wax looga weydiiyo arrimo la xiriira amniga dalka oo ay ku jirto dilkii Almaas Elman oo 20-kii bishii hore lagu dilay gudaha xerada Xalane ee garoonka Aden Cadde, magaalada Muqidisho. Xildhibaanno ka tirsan golaha oo mooshinka ka keenay wasiirrada si wax looga weydiiyo haweeneydan sidoo kale heysatay dhalashada Canada ayaa diyaariyey weydiimo arrimahaasi la xiriira, lama oga in qoyska Elman ay fadhiga iman-doonaan iyo in kale. Wasiir amniga qaranka Maxamed Ducaale Islow iyo wasiirka duulista Maxamed oomaar ayaa lagu wargeliyey in axadda yimaadaan golaha shacabka si su’aalo loo weydiiyo. 24-kii bishii hore, wasiirka amniga gudaha Maxamed Abukar Islow oo ay la socdeen Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo Taliyaha hay’adda Socdaalka Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa lagu diiday warbixin ay siin rabeen guddiga joogtada ah ee golaha shacabka iyada oo loo balamiyey kulanka weyn. Sidoo kale wasiiradaan ayaa la filayaa in wax laga waydiiyo xayiraadii la saaray madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif iyo Xasan Shiikh oo loo diiday safaro ay ku aadi lahaayeen Kismaayo iyo Beledweyne. Waxaa sidoo kale wax laga waydiin doonaa sababihii keenay in Xayiraad la saaro garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo oo laga joojiyey dhammaan duulimyaadyadii tooska ahaa marka laga reebo qaar yar oo u baxo dalka Kenya. Wasiiradaan ayaa dhawr jeer oo hore looga yeeray Baarlamaanka mana suurta gelin, waxaana la filayaa markaan inay Axadda hor tagaan isla markaasna halkaas su’aalo adag lagu waydiiyo.
-
The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Amb. Ahmed Isse Awad, held a dinner banquet in Mogadishu on Tuesday evening (December 03) in honor of a Swedish delegation from Folke Bernadotte Academy (FBA) which is carrying out intensive training programs for Somali diplomats in Mogadishu and Stockholm. The banquet was attended by the Minister of Defense, His Excellency Mr. Hassan Ali Mohamed, State Minister for Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-khair Abdi, MPs, the new Permanent Secretary of the Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation, Mr. Mohamed Isak Aden, the Ambassador of Sweden to the Federal Republic of Somalia, HE Mr. Staffan Tillander and the ambassadors accredited, as well as a number of high-ranking Somali dignitaries. Somalia and Sweden have strong relations, cooperation and strategic partnership that enable them to engage side by side in friendly and fruitful interaction in a way that serves their interests and the mutual benefit of the two friendly countries and peoples. View the full article
-
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka digay aragtida ay wadaan dad khubaro isku sheegaya laakin ka hadlaya waddo suurtagalineyso in la sammeeyo KORORSIIMMO xilliga hay’adaha dastuuriga qaarkood iyadoo lagu sababeynayo haddii ay dhacaan duruufo aan doorasho laga qaban karin. Madaxweynaha waxaa uu sheegay in arrintaasi aaney waxbo ka jirin oo Soomaaliya ay doorasho gashay iyada oo ku jirta dagaalkii 64-tii qarnigii tagay, xilli abaaro jireen 2011-2012 iyo xilliyo kale. Haddaba, Halkan Ka Akhriso Qoraalka Madaxweyne Xasan Sheekh: iyadoo baryahaan Golaha Shacaba ee baarlammaanka ka doodayo xeerka doorashada JFS, in siyaasiyiinta qaarkood iyo dad sheegta iney qubaro yihin ay ku doodayaan ifinta Waddo suurtagalineyso in la sammeeyo KORORSIIMMO xilliga hay’adaha dastuuriga qaarkood iyadoo lagu sababeynayo haddii ay dhacaan duruufo aan doorasho laga qaban karin. Lix bilood ayaa doorashada dib loo dhigayaa haddii ay dhacaan duruufahaas – kuwaas oo aan la garaneyn waxa ay yihiin. Haddii lix bilood looga bixi waayana, baarlammaanku waa joogayaa ee madaxda ayaa la dooranayaa. Baarlammanku wuxuu joogayaa markaas ilaa xilli aan la garaneyn isna. Waxaan rabaa dadka Soomaaliyeed inaan la wadaago taariikhda doorashooyinka ee dalkeenna. 1964tii dalka Soomaaliya waxaa laga qabtay doorasho iyadoo dalku ku jiro dagaal. Xilligaas waxaa soo baxay halhayskii caanka noqday ee ahaa “GACANNE WAXBAAN KU DOORANEYNAA GACANTA KALENA DALKAAN KU DAAFACEYNAA”. Doorasho lagu guuleystay ayaa dhacday iyadoo dagaalkii uu Socodo. 2011-2012 iyadoo lagu jiro qabanqaabadii doorashada waxaa dalka ka dhacay abaaro ba’an. Abaarahaas waxaa nooga dhintay, AUN 250 kun oo Soomaali, Shabaabne waddooyinka magaalada Xamar qaar ayey dhufeysyo ka qoteen oo dagaal looga saaray, doorashadiina waa dhacday. 2016 Dagaalka shabaab waa jiray oo waa tii ay weerareen Madaxtooyo, Maxkamadda, Baarlammaanka iyo xarumaha AMISOM iyo UNka intaba. Haddane sidaas oo ay tahay nagama hor istaagin doorasho. Haddaba, haddii aan leennahay taariikh doorasheedkaas iyo waayo aragnimadaas, waa maxay duruufaha iyo masiibooyinka intaas aan soo sheegnay ka weyn ee aan la garaneyn ee siyaasiyiinta qaar ay arkaan. Kororsiimo hay’adaha dastuuriga ah waxay ka hor immaaneysaa dastuurka JFS ee aan ku dhaqaanno. Sidoo kale kororsiimadu waxay ka hor immaaneysaa xaqa dastuuriga ah ee ah muwaaddinku in la doorto iyo inuu wax doorto. Waxaan ku soo gabagabeynayaa madaxda hay’adaha dastuuriga ha ilaaliyeen dhaqanka dimiqraadiga ah ee curdanka ah ee dalkeenna. Sidoo kale xildhibaannada baarlammaanka federaalka ee jamhuuriyadda ha dhowreen dhaartii ay dhaarteen iyo wixi ay u dhaarteen ee ummaddu ku aamintay. Waxaan leeyahay doorashadu waa ASTAAN dowladnimo oo leh xeer iyo dhaqan dimoqraadi ah. Madaxda hay’adaha dastuuriga ah iyo golayaashaba waxaa looga fadhiyaa oo laga wada sugayaa doorasho ku dhacda waqtigeedii. INAAN JOOGO JECLAAYAA DALKAAN DANI UGUMA JIRTO. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaal u dhexeeyo labo maleeshiyo beeleed uu ka soconayo duleedka magaalada Gaalkacyo. Dagaalka ayaa waxaa uu ka socdaa deegaan lagu Magacaabo Ina diideey oo 15 km dhinaca Bari ka xiga degmada Afbarwaaqo ee Barriga gobalka Mudug, waxaana uu u dhaxeeyey laba maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda Maamulada Galmudug iyo Puntland. Dad ku sugan gobolka Mudug ayaa sheegay in dagaalka oo bilaawday saakay aroortii hore ay ku geeriyoodeen ilaa 8 Ruux halka in ka badan ay ku dhaawacmeen oo labada dhinac ah. Dadka ku dhaawacmay dagaalka ayaa la soo warinayaa in loo qaaday dhanka magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug. Labada maleeshiyo ee dagaalantay ayaa waxaa la sheegay in ay isku heystaan dhul ku yaalla deegaanka lagu dagaalamay, waxaana dagaalkaan uu yahay mid soo laab laabtay. Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay maamulada Puntland iyo Galmudug.
-
Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka soconayo dagaal xooggan, kaasi oo u dhaxeeya maleeshiyaad kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug. Dagaalka ayaa ka socda deegaanka Afbarwaaqo, waxaana la sheegayaa in Labada dhinac isku adeegsanayaan rasaas culus. Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkan ku dhintay ku dhowaad 5 qof, iyadoo dhaawucuna gaarayo 10 kale, sida ay inoo sheegeen dad ku dhow halka lagu dagaallamayo. Dagaalkan ayaa salka ku haya dhul daaqsin ah oo halkaasi ku yaalla oo Labada dhinac isku qabsadeen, welina dagaalka waa uu socdaa. Dhaawacyo badan ayaa lasoo gaarsiiyey Isbitaallo ku yaalla magaalada Gaalkacyo, mana jirto weli cid isku dayday iney kala dhexgasho maleeshiyaadkan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
War-saxaafadeed kasoo baxay xisbiga Wadajir ayaa lagu eedeeyey dowladda federaalka Soomaaliya, islamarkaana lagu sheegay in ay fursad siisay xubno Al-shabaab ah iney baneeyaan dilka hoggaamiyahooda, C/raxmaan C/shakuur. Xisbiga ayaa sheegay in dowladda ay Sheekh Xasan Daahir Aweys oo gacanta ugu NISA loo ogolaaday inuu dil ku xukumo hoggaamiye Shakuur waa sida qoraalka lagu xusay. Wuxuu tilmaamay xisbiga Wadajir in la yaab ay ku noqotay markii ay arkeen muuqaal uu baahiyey Sheekh Xasan Daahir Aweys oo waliba u xiran dowladda isaga oo sheegaya in uu banaanyahay dhiigga C/raxmaan C/shakuur waa sida qoraalka lagu xusaye. Halkaan hoose ka akhriso: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa lagu wadaa in wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ay hortagaan golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Wasiirrada loo yeeray ayaa waxaa ka mid ah wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada Somalia Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar. Labadan wasiir ayaa su’aalo ku aaddan sababaha loo xayiray xildhibaan Daleys Xasan Aadan iyo madaxweynayaashii hore ee soomaaliya iyo xayiraaddii la saaray kal hore duulimaadyada aadaya magaalada kismaayo weydiinaya xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo horay u dalbaday in wasiirradaan horyimaadaan golaha shacabka. Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdi raxmaan oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu wasiirrada amniga iyo gaadiidka ka dalbaday in ay yimaadeen kulanka golaha shacabka ee baarlamaanka maalinta Axadda ah ee soo aaddan. Xayiradii la saaray madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif iyo Xasan Shiikh ayaa dood kulul ka dhex abuurtay Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Shacabka Soomaaliyeed.
-
Warar naga soo gaaraya golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa sheegaya in loo yeeray labo wasiir oo xukuumadda federaalka ah ka tirsan si wax looga weydiiyo arrimo la xiriira amniga dalka oo ay ku jirto dilkii Almaas Elman oo 20-kii bishii hore lagu dilay gudaha xerada Xalane ee garoonka Aden Cadde, magaalada Muqidisho. Xildhibaanno ka tirsan golaha oo mooshinka ka keenay wasiirrada si wax looga weydiiyo haweeneydan sidoo kale heysatay dhalashada Canada ayaa diyaariyey weydiimo arrimahaasi la xiriira, lama oga in qoyska Elman ay fadhiga iman-doonaan iyo in kale. Wasiir amniga qaranka Maxamed Ducaale Islow iyo wasiirka duulista Maxamed Caamaar ayaa lagu wargeliyey in axadda yimaadaan golaha shacabka si su’aalo loo weydiiyo. 24-kii bishii hore, wasiirka amniga gudaha Maxamed Abukar Islow oo ay la socdeen Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo Taliyaha hay’adda Socdaalka Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa lagu diiday warbixin ay siin rabeen guddiga joogtada ah ee golaha shacabka iyada oo loo balamiyey kulanka weyn. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa lagu warramayaa inuu arabacadii u yeeray labo wasiir oo ka tirsan xukuumadda Xasan Cali Kheyre si wax looga weydiiyo arrimo la xiriira amniga. Wasiir amniga qaranka Maxamed Ducaale Islow iyo wasiirka duulista Maxamed Caamaar ayaa lagu wargeliyey in axadda yimaadaan golaha shacabka si su’aalo loo weydiiyo. 24-kii bishii hore, wasiirka amniga gudaha Maxamed Abukar Islow oo ay la socdeen Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo Taliyaha hay’adda Socdaalka Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa lagu diiday warbixin ay siin rabeen guddiga joogtada ah ee golaha shacabka iyada oo loo balamiyey kulanka weyn. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Puntland Post, our sister news website, reports that President Said Abdullahi Deni of Puntland State had managed to persuade UAE authorities to renew funding for Puntland Maritime Police Force. An influential politico-business clique has been eying the new contract. The clique’s interest sparked deployment of troops in Bosaso, the commercial city of Puntland. Puntland Government responded to the unauthorised deployment by sending troops to Bosaso. Elders intervened to avoid a clash between the two Puntland forces. As if that was not enough, Puntland Forces in cahoots with clan militias stormed a Galka’yo courthouse to release men who were convicted of contraband alcohol. Commander of North Mudug Police Division Colonel Jama Mohammed Ahmed told Puntland Post the police arrested one of the attackers but the two convicts “are still at large”. Puntland forces are organised along subclan lines. They are territorial — each sector wields influence in the area it controls. Puntland Development Plan 2017-2019 notes “the security sector [of Puntland State] includes core security actors such as (Puntland Police Force (PPF) , Puntland Security Force (PSF), Puntland Security Service/ PSS, Puntland Intelligence Agency (PIA) and Puntland Marine Police Force (PMPF).” Puntland is a Federal Member State but its forces do not come under the command of the Commander of the Somali National Army. Puntland has denied its forces training opportunities from which different sectors of the Somali National Army benefit. Attempts to introduce biometric system to root out corruption in the Puntland security sector has not succeeded. The Development Plan does not lay the emphasis on professionalising Puntland forces. This reticence over pressing institutional failures reflects recurrence of mutinies that may plunge Puntland into widespread lawlessness © 2019 Puntland Post Monthly The post Puntland Security Reform is Long Overdue appeared first on Puntland Post.
-
TORONTO (HOL) - Somali-Canadians of all walks of life and other nationalities came together Wednesday evening to pay tribute to peace activist and former diplomat Almaas Elman who was killed last month in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
TORONTO (HOL) - Somali-Canadians of all walks of life and other nationalities came together Wednesday evening to pay tribute to peace activist and former diplomat Almaas Elman who was killed last month in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
The United Nations food agency on Wednesday warned of a tropical storm that could cause strong winds and some rains across Somalia’s Puntland and Somaliland. The storm, now centered in the north Indian Ocean near the coast of Somalia’s semi-autonomous region of Puntland, is expected to intensify and move in a southwestern direction and cross Mudug coastal areas between Hobyo and Eyl districts on Friday, according to Somalia Water and Land Information Management, which is managed by the Food and Agriculture Organization of the UN. “While current forecasts indicate a low probability for the cyclone (10 percent), if the cyclone makes landfall, it could have a devastating impact,” the FAO said in an alert issued in Mogadishu. Under its influence, according to the alert, moderate to heavy rain are likely to cause flash floods in some regions, including Mudug, Nugaal, Bari and Sanaag, starting on Friday. “Strong winds associated with the storm may cause destruction of weak structures and fishing gears along the coast,” it said. The latest alert came after a powerful tropical cyclone, Sagar, which packed winds in excess of 120 km an hour and dumped an entire year’s worth of rain in northern Somalia in June 2018, killing more than 50 people and affecting over 230,000 others, according to the UN. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa xalay fiidkii casho sharaf u sameeyay wafdi Swedish ah oo ka socda Akadeemiyadda loo yaqaan Folke Bernadotte Academy (FBA) oo tababaro xiriir ah ugu qabanaysa diblomaasiyiinta Soomaaliyeed Caasimadaha Muqdisho iyo Stockholm. Casha sharafta oo ay ka soo qeybgaleen Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Xasan Cali Maxamed, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, Xildhibaanno, Xoghayaha joogtada cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Isaaq Aadan, Safiirka Sweden ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Staffan Tillander , safiirrada laga aqoonsanyahay dalka iyo dad heerkoodu sarreeyo oo Soomaali ah. Soomaaliya iyo Sweden waxaa ka dhexeeya xiriir xooggan, iskaashi iyo wax wadaag istiraatiijiyadeed oo labadaba u suurragelinaya iyagoo garba-siman in si saaxiibtinimo leh ula falgalaan wax miro-dhal leh oo u adeegaya danaha iyo nacfi wadaagga labada dal iyo labada shacab ee saaxiibada ah. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Soomaaliya, Mudane; C/laahi Bile Nuur, ayaa ka qeybgalay shirka heer wasiir ee Hal-abuurka Afrika, kaas oo Maanta ka furmay Magaalada Accra, Caasimadda Dalka Ghana. Shirkan oo ay ka soo qeybgaleen Wasiirrada isgaarsiinta iyo waxbarashada ee Dalalka Qaaradda Afrika ayaa waxaa furay Madaxweynaha Ghana, Nana Akufo-Addo, oo Dalkiisu Sanadkan uu martigelinayo kulankan. Madaxweynaha oo la hadlayay wufuudda kala duwan ee shirka ka soo qeybgashay ayaa sheegay in mustaqbalka Afrika uu ku xiran yahay hadba sidii loo horumariyo teknolojiyada iyo waxbarashada. Wasiiru-Dowlaha oo ka hadlayay ahmiyadda shirkan u leeyahay dalka ayaa sheegay in qorshaha Wasaaradda uu ku jiro sidii loo baahin lahaa aqoonta teknolojiyada (digital literacy) si dadweynuhu uga faa’iideysan karaan adeegyada teknoolojiyadeed ee dalka ka jira. “Dalkeena ma horumari karo teknolojiyad ahaan haddii aan la dhisin aqoonta Dadkeenna ee Teknolojiyada, waayo haddii uu adeegga jiro, balse aysan Dadku aqoonin way adkaaneysaa in ay ka faa’iideystaan adeegyadaasi. Sidaasi darteed waxaan ugu baaqeynaa shirkadaha, hay’adaha horumarinta ka shaqeeya iyo Dalalka aan saaxiibbada nahayba inay nagala shaqeeyaan sidii loo baahin lahaa aqoontaas,” ayuu yiri Wasiiru-Dowlaha. Shirkan ayaa ku soo aadaya iyadoo dhowaan Golaha Wasiirrada xukuumadda uu ansixiyay Siyaasadda Qaran ee Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, taas oo ahmiyad gaar ah lagu siiyay sidii loo baahin lahaa waxbarashada loo adeegsanayo Teknolojiyadda (e-education), iyadoo la xaqiijinayo in dhammaan Dugsiyada sare ee Dalka ay helaan adeegga Internet-ka, iyadoo taasi Wasaaradda Boostadu kala shaqeyneyso Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xisbiga Wadajir oo uu hoggaamiyo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa qoraal uu soo saarey uu ku cambaareeyey hadalkii kasoo yeeray Sheekh Xasan Daahir Aweys oo uu eedeyn ugu jeediyey Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur. War-Saxaafadeed kasoo baxay Xisbiga Wadajir ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay fursad u siisaye Rag ka tirsan Al-Shabaab inay baneystaan dilka Siyaasiga Cabdiraxmaan cabdi Shakuur. “Xasan Daahir Aweys waa maxbuus u xiran argagaxisanimo,waxaana ilaaliya oo amankiisa suga Ciidamo katirsan Nabadsugida Soomaaliya mana heli karo fursad uu farriin kusoo diro hadii aysan dowladdu gacan ka siin waxaa kaloo la ogyahay xiriirka xagjirka ah ee ka dhaxeeya Xasan Daahir iyo Fahad Yaasiin Taliyaah NISA. Halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka kasoo baxay Wadajir
-
Muqdisho (SMN) – Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa u yeeray qaar kamid ah Golaha Wasiiradda waddanka. Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, afhayeenka Aqalka Hoose, ayaa xusay in wasiiraddana ay haystaan muddo shan casho ah. Wasiiradda sida gaarka ah uu farta ugu fiiqay ayaa waxay kala yihiin; Amniga Gudaha iyo Duulista Hawadda. Ujeedada ugu weyn oo ay ugu yeerayaan ayaa wuxuu ku sheegay in ay kala xisaabtamaan shaqooyinka ay dalka u hayaan. Xildhibaano ka tirsan Aqalka Hoose ayaa la sheegayaa in ay dalbanayaan in Wasiiradaan hor-yimaadaan Golaha Shacabka. View the full article
-
Ayax farabadan ayaa weerar kusoo qaadey Deegaan ka tirsan Galmudug kasoo waxyeelo weyn u geystay Daaqsimaadkii Xoolaha iyo Dhir kale. Guriceel, Balanbale ilaa Dhuusamareeb ayuu [...] Source
-
Muqdisho (SMN) – Ciidamadda ammaanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay dhaqdhaqaaq ciidan ay kawadaan gobolka Shabeellaha Hoose. Howlgalka ayaa si gaar ah uga socda degaanka Awdheele, siddaay xaqiijiyeen saraakiil dhanka amniga ah oo u waramay Shabeelle. Dhaqdhaqaaqa ayaa kusoo aadaya kadib markii shalay uu halkaas ka dhacay qarax lagu dilay gudoomiyihii degaankaas, Maxamed Yarow. Xarakadda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda falkaas oo ka dhacay inta udhaxeysa Awdheegle iyo Sabiib oo isla degaankaas ka tirsan. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan casho sharaf ah ku maamuusay dhallinyaro ka socotay dalladaha iyo ururrada heer Qaran iyo heer dowlad goboleed ee ka qeyb galey Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed 2019-ka. Madaxweynaha ayaa uga xog waramay dhallinyaradeenna qorsheyaasha ku qotoma awoodsiinta siyaasadeed iyo dhaqaale ee dhallinyarada, kuwaas oo Dowladdu ay ku bixineyso horumarinta iyo xoojinta kaalinta ay ku leeyihiin hoggaaminta dalka. “Waxaan haatan u soconnaa in aan shacabka Soomaaliyeed ee dhallinyarada u badan aan u soocelinno talada dalka, taladaas oo ka bilaabmata doorashada. Dhankooda dhallinyarada Soomaaliyeed waa in ay naftooda kula xisaabtamaan dadaalka ay dalkooda geliyaan iyo gacanta ay ka geystaan horumarka iyo dowladnimada.” Madaxweynaha ayaa xusay in tallaabooyinka ay qaadday Dowladdu ee adkeynta midnimada iyo madaxbannaanida dalkeenna ay horseedday dib u soo celinta maqaamka dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin Gobolka iyo guud ahaan caalamka. Intii kulanku uu socday, Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhallinyarada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa la wadaagtay Madaxweynaha nuxurka Shirkii Qaran ee dhallinyarada, horumarka ay ku tallaabsadeen dhallinyarada Soomaaliyeed sanaddihii la soo dhaafay, aragtidooda ku aaddan qorsheyaasha Dowladda iyo caqabadaha heer Dowlad Goboleed iyo heer Federaal ee ay tahay in xalkeeda wadajir looga shaqeeyo. Casho sharaftan maamuuska ah waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed, Agaasimaha Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade), Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Dhismaha Soomaaliyeed Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka iyo ciyaartooyda Kooxda Soomaaliyeed ee dalka Australia oo dalka u yimid hawlo samafal iyo in ay tartamo ciyaaro oo sare u qaadaya is dhexgalka bulshada ay la yeeshaan ciyaartooyda gudaha. View the full article
-
(SLT-Ciraaq)-Booliska Ciraaq ayaa markii u horeysay shaaciyay in ciidamadoodu ay gacanta ku soo dhigeen ku xigeenkii hogaamiyihii la dilay ee ururka isku magacaabay khilaafada Islaamka, Abuubakar Al-Baqdaadi. Xubintan muhiimka ah ee ka tirsan ururka Daacish, ayey Ciidamada Booliska Ciraaq sheegen inay gacanta ku soo dhigeen xili uu ku sugnaa magaalada Kirkuk ee waqooyiga Ciraaq. Sida lagu baahiyay warbaahinta booliska Ciraaq, gaar ahaan bartooda Twitter-ka, Booliska magaalada Kirkuk ayaa ku guuleystay inay qabtaan ku-xigeenkaasi oo lagu magacaabo Abu Khaldun. Abu Khaldun oo ilma-adeer rumaad la ahaa Abuubakar Al-Baqdaadi ayaa lahaa aqoonsi been abuur ah oo ugu qornaa magaca ‘Shaclaan Cabiid’, inkastoo oo uu magaciisa saxda ah yahay ‘Xaamid Shaakir Al-badri’, sida laga soo xiganayo qaar kamid ah warbaahinta Ciraaq. Taliska how-galada ciraaq oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qofka ay gacanta ku soo dhigeen uu magaciisa dhabta ah yahay Xaamid Shaakir Al-badri oo inadeer la ah Abuubakar Al-Baqdaadi. Taliska ayaa sidoo kale Xaamid ku sheegay xubin muhiim ah oo ka tirsaneyd hogaamiyayaasha ururka Daacish, isla markaana uu ahaa shaqsiga hayey keydka sirdoonka ururkaasi, isagoona xusay inay si weyn ugu raad joogan hogaamiyayaasha kale ee Daacish, kadib markii uu Mareykanku ku guuleystay dilka Al-Baqdaadi. Xaamid oo magaciisa af-garad uu ahaa ‘Abu Khalduun’ ayaa waxa uu Talisku sheegay in uu ahaa ku xigeenkii Baqdaadi, isagoona markii dambe la wareegay faylasha sirdoonka ee ururkaasi, kana mid ahaa hogaamiyeyaasha ugu muhiimsan ururka Daacish. Waxa mudooyinkii u dambeeyay sarre u sii kacayey beegsiga lagu hayo hogaamiyayaasha sare ee ururka Daacish ee isku magacaabay khilaafada Islaamka, kadib markii uu Madaxweynaha Mareykanku uu si rasmi ah u shaaciyay dilka hogaamiyahoodii Abuubakar Al-Baqdaadi. Source
-
Hoggaanka sare ee Xisbiga WADAJIR, ayaa si kulul u cambaareeyay Tallaabada ay xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku dhiirri-gelinayso in la soo Saaro Fatwooyinka. War-saxaafadeed ka soo baxay Hoggaanka Xisbiga, ayaa lagu sheegay in Arbacadii Shalay ay dowladda Federaalka Soomaaliya fursad siiyay Xassan Daahir Aweys oo kamid ahaa culimada Soomaaliya, islamarkaana ay ku dhiirri-gelisay in uu gaalaysiiyo Hoggaamiyaha Xisbiga WADAJIR Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. War-saxaafadeedka ayaa lagu caddeeyay, in Xassan Daahir uu dil ku xukumay Hoggaamiyaha Xisbiga WADAJIR, kadib markii uu soo saaray Fatwo gaalaysiin ah oo ka dhana, waxaana Xisbigu Villa Somalia ku eedeeyay in ay abaabushay taageerayaal baraha bulshada ku faafiya Fatwada Xassan Aweys. Sidoo kale, Hoggaanka Xisbiga WADAJIR ayaa Taliyaha NISA ku eedeeyay in uu xiriir hoose la leeyahay wadaadka Xassan Daahir Aweys oo ay gacanta ku hayso hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA. PUNTLAND POST The post Xisbiga WADAJIR oo Cambaareeyay Fatwo lagu gaalaysiiyay Hoggaamiyaha Xisbigaas appeared first on Puntland Post.
