-
Content Count
213,994 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) ayaa weerar afka ah ku qaadday madax maamul goboleedyada dalka, oo ay sheegtay in inay caqabad ku yihiin in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah. Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in madax goboleedyada ay diideen in xisbi siyaasadeedyada dalka ay diideen inay xarumo ka furtaan maamul goboleedyada, si aysan u dhicin doooasho qof iyo cod ah. Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in sababta ay madax goboleeyada “u dooneyn inay dhacdo doorasho dadku codeynayaan ay tahay inay ayaga soo xulaan xildhibaanada cusub.” “Madaxweynaha waxa uu rabaa, in marka la gaaro doorashada uu dhaho reer hebel kaas hala iiga keeno balse waxay iloobeen in markii bari uu baarlamaanka weyn tago inuusan aqoon oo balanta uu uga baxayo” ayey tiri Xaliimo Yarey. Hadalkeeda ayey sii raacisay, “Anigu siyaasad dambe marabo, xildhibaan, wasiir iyo xil dambe ma rabo, meel ayaan fadhiisanaa, gabdhaha ayaan wax barayaa, waa idiin sheegee idin kama qarinayo”. Mar la hadalaysay madaxda hadda dalka ka talisa ayey tiri, “Dowladeena waxaan ka sugeynaa inay xisbigii keento hadey doorasho rabto”.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Militariga Soomaaliya ayaa waxaa uu faah faahin kooban ka bixiyay weerar dhinaca cirka oo gelinkii dambe ee maanta ka dhacay Deegaanka Kuunyo Barrow ee Gobolka Shabellaha Hoose. Weerarkan oo ay iska kaashadeen Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa waxaa uu ka dhacay afaafka hore ee Deegaanka Kuunyo Barrow. General Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow), Taliyaha Qaybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in duqayntaasi lagu qaarajiyay Sarkaalkii Ururka Al Shabaab ugu magacawnaa Deegaanka Kuunyo Barrow. Taliyaha oo la hadlay Radio SNA oo ku hadla afka Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xusay hawlgalkaasi oo ahaa mid qorsheysan in ay suurta-gashay in lagu qaarajiyo Sheekh Cabdisalaan, kaasoo Shabaabka ugu magacawnaa sida uu yiri Kuunyo Barrow. Taliyaha ayaa wuxuu iftiimiyay in qorshuhu ahaa in hawlgalka lagu qaarajiyo Sheekh Cabdisalaan iyo ilaaladiisa, balse ay suurta-gashay in horjoogaha oo keliya lagu dilo. General Bogmadow ayaa ku waramaya in ay socdaan hawlgalo maleeshiyada Ururka Al Shabaab looga sifeynayo Gobolka Shabellaha Hoose. Dhanka kale Ururka Al Shabaab ayaa qoraal ay ku baahiyeen barraha Internet-yada ee afkooda ku hadla waxay ku sheegeen in duqayntaasi uu ku dhintay nin ganacsade ah, oo magaciisa ay ku soo koobeen Ismaaciil. Shabaabka ayaa waxay qoraalkan ku muujiyeen inaanay jirin cid kale oo waxyeelo ka soo gaartay duqayntaasi. Diyaaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dalka Mareykanka ayaa waxay dalka ka wadaan duqaymo lagu bartilmaameedsanayo Ururada Al Shabaab iyo Daacish.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Cabdilaahi Geel-jire, Xoghayaha abaabulka iyo wacyi gelinta Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, oo maanta warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa, ayaa xaqiijiyey in Guddoomiye Ciro laga qaaday ilaaladiisi gaarka aheyd. Geel-jire ayaa sheegay in talaabada Guddoomiye Cirro looga qaaday ilaaladiisi ay ka dambeeyen Mas’uuliyiinta sarre ee Xukuumada Muuse Biixi. Waxa sidoo kale uu sheegay Geel-jire in xisbigu uu baajiyey maanta banaanbaxyo ay taageerayaashiisu ay ka dhigi lahaayeen magaalada Hargeysa, maadama ay wada-hadalo bilowdeen. Cabdilaahi Geel-jire ayaa si cad u sheegay in banaanbaxyada gobolada kale ee Somaliland uu sidiisi u socon doono, isagoona si weyn u cambaareeyay talaabooyinka ka dhanka ah ee ay qaaday xukuumadu. Geel-jire ayaa ugu dambeyntiina waxa uu si adag u cambaareeyay xariga ay xukuumada Muuse Biixi kula kacday Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani. Amarka ilaalada looga qaaday Guddoomiye Ciro ayaa waxa uu sii xoojin karaa xiisada ka dhex aloosan Waddani iyo Xukuumada, midaasi oo sababi karta rabshado kale oo hor leh inay ka dhacaan gudaha Somaliland, inkasta oo ay bilowdeen wada-hadalo lagu dhex-dhexaadinayo labada dhinac.
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Cadaalada Soomaaliya, Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta ka furay magaaladda Muqdisho shir ku saabsan ladagaalanka iyo ka hortaga fikirka xagjirka ah ee rabshadaha wata. Waxaa Shirkaan ka soo qayb galay dhammaan maamul goboleedyada dalka, Gobolka Banaadir, wasaaradaha ay quseyso sida wasaarada amniga, cadaalada, warfaafinta, iyo xubno ka socda beesha caalamka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Habeen-19112019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa maanta shaaca ka qaaday in lagu dhawaaqi doono xisbi weyn oo ay ku mideysan yihiin madaxda ugu sarreysa ee hataan heysa talada dalka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo ka hadlaayay furitaanka kulanka Muqdisho Tech Summit ayaa sheegay in uu soo socdo Xisbiga weyn ee Madaxda dowladda dowladda, kaasi oo kamid noqonaya Xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira. Waxaa uu sheegay in Dhalinyarada Soomaaliyeed looga baahan yahay inay iska iloobaan wixii horay u dhacay, laakin ay ka fikiraan waxa soo socda ee doorashooyinka iyo Mustaqbka Soomaaliya. Isaga oo ku hadlayay Magaca Xukuumadda Soomaliya ayuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay qabsoomidda doorasho loo dhan yahay, taas oo dalka ka dhacdo sanadka 2021. Mahdi Maxamed Guuleed ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in la dhameystiri doono sharciga doorashada iyo xisbiyada. “Waa in dhalinyarada Soomaaliyeed ay ka fikiraan maxaa soo socda sidee doorweyn ay uga qaadan karaan doorashooyinka soo socda oo aad u soo saari kartaan qof dhalinyaro ah, dowladda Somalia waxaa ay diyaar u tahay qabashada dooorashada ayuu yiri”RW Kuxigeenka dalka. Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) in wadanka ay xilligaan ka jiraan Xisbiyo badan sidaasi daraadeedna uu soo socdo Xisbiga weyn oo ay ku midoobayaan Madaxda ugu sareysa dowladda fedetaalka.
-
Riyadh (Caasimadda Online) – Maleeshiyada Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa shaaciyey in ay dhanka koonfureed ee Badda Cas “ku qabteen saddex markab oo midkood Sacuudigu leeyahay lana yidhaa Raabiq”. Telefishanka Al-Masiirah ee Xuutiyiinta ayaa tilmaanay in dagaalyahannada kooxdaasi ay Saddexdaa Markab ku qabteen meel 3 Mayl u jirta jasiiradda Cuqbaan, markii ay soo galeen biyaha Yemen iyaga oo aan wax ogaysiis ah bixin”. Telefishanku wuxu intaa ku daray in “dhegaha ay ka furaysteen shaqaalaha markaabiistaasi ilaalada xeebuhu tahay badheedh cad oo lagu jabinayo xeerarka caalamiga ah iyo ku xad gudub madaxbannaanida Yemen.” Dadka Maraakiibta saaran ayaa waxay ka koobanyihiin 16 qof oo labo ka mid ah ay u dhasheen Dalka Koofurta Kuuriya, halka inta kale aan la sheegin waddamada ay ka soo jeedaan. Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Koofurta Kuuriya ayaa xaqiijisay in muwaaddiniinteeda ay badqabaan islamarkaana ku jiraan gacanta kooxaha Xuutiyiinta ah. Huwanta Sucuudigu hogaamiyo ayaa iyaguna mar hore xaqiijiyey in “Xuutiyiintu Badda Cas ku af-duubeen markab jiidayey agabka saliidda ka qoda badda oo laga leeyahay Kuuriyada Koonfureed”. Wakaaladda wararka Sucuudiga ayaa iyaduna ka soo xigatay af-hayeenka xulufadaas, Turki Al-Maaliki, inu yidhi “ciidamo ka tirsan Xuutiyiinta ayaa galabnimadii Axaddii dhanka koonfureed ee Badda Cas ku af-duubay markab”. Xuutiyiinta Yeman ayaa ku andacooday in Doomahaan ay ku xadgudbeen biyaha Dalka Yemen ,lana geeyay Magaalada Xudeyda.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa beeniyey in Soomaaliya aysan gudbin soo-jeedinta mashruuc Talyaaniga uu maal-gelin lahaa oo ku kacayey lix milyan oo dollar. Wargeyska La República ee Talyaaniga ayaa dhowaan qoray warbixin, ay soo xigatay Caasimada Online, oo uu ku sheegay in lacagta oo loogu talo-galay in lagu dhiso biyo xireeno ka hortagi karay fatahaadda webiga Shabelle uu ka sameeyey qeybo ka mid ah mamaulka HirShabelle dib loo celiyey markii dowladda Soomaaliya ay soo gubin weysay soo-jeedinta mashruuca. Warbixinta La República ayaa dhalisay in qaar ka mid ah shacabka ay eedeeyn u jeediyaan xukuumadda, halka qaarkoodna ay sheegeen in habacsanaantaas ay horseedday fatahaaddii dhowaan uu webiga Shabelle ka sameeyey magaalada Beledweyne. Hase yeeshee wasiir Jamaal oo qoraal soo dhigay bartiisa twitter-ka ayaa ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay gudbisay soo jeedinta mashruuca. “Dowladda federaalka iyo Talyaaniga waxay wada-xaajood la lahaayeen suurta-galnimada ah inay nala siiyo taageero looga hortagi fatahaadaha. Soo-jeedinta mashruuca waxaa loo gudbiyey dowladda Talyaaniga si ay u eegto, wada-hadalkana weli waa socdaa. Lama ansixin, lamana saxiixin wax mashruuc ah illaa hadda.” Ayuu wasiirka ku yiri qoraalkiisa. caasimada@live.com
-
The Somaliland police forces have seized Wadani party centers in Berbera and Erigavo towns amid crackdown on the opposition figures. Members of the party’s leadership have been arrested in separate spots on Monday, which has escalated political tensions in Somaliland. The arrests came after the party’s chairman, Abdirahman Irro has called for a rally against the current administration led by Muse Bihi Abdi, accusing him of delaying parliament vote. Meanwhile, the chairman of UCID party, Feysal Ali Warabe, who spoke to the media in Hargeisa, said there are ongoing efforts to open talks between Irro and the government. Over the past two days, tensions in Somaliland have been brewing, as a result of a recent call by opposition leader Abdirahman Irro to stage large protests to demand timely polls. View the full article
-
(SLT-Afghanistan)-Kooxda Taliban ayaa sii deysay la haystayaal reer galbeed ah oo muddo dheer ay heysteen, iyagoo fulinaya heshiis ku aaddan maxaabiis is-weydaarsi, waxana dhankooda ay filayaan in loo soo daayo seddex ka mid ah saraakiishooda sar sare. Ilo wareedyo ku dhow kooxdaasi ayaa sheegey in dadka ay sii deysay Taliban ay kala yihiin Kevin King oo Mareykan ah iyo Timothy Weeks oo Australian ah, kuwaas oo xurriyaddooda loogu soo celiyay gobolka koonfurta ku yaalla ee Zabul. King iyo Weeks oo labaduba ah macallimiin wax ka dhiga jaamacadda American University ee Kabul ayaa la qafaashay bishii August ee sanadkii 2016, xilli ay ku sugnaayeen bannaanka xarunta jaamacadda. Sii deynta labadaasi xubnood ayaa timid saacado un ka dib markii saddex sarkaal oo Talibaan ka tirsan loo duuliyay dalka Qatar, arrintaasi oo qeyb ka ah heshiis maxaabiis is dhaafsi ah. Seddexda sarkaal ee loo duuliyay Qatar ayaa waxay kala yihiin Anas Xaqani, Haji Mali Khan iyo Xafiz Rashid, kuwaas oo dowladda Afghanistan ay soo xidhay sannadkii 2014. Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa ku dhawaaqay toddobaadkii la soo dhaafay qorshaha maxaabiis is dhaafsiga, si ay arrintaasi u fududeyso wada hadallo toos ah oo lala yeesho kooxda Taliban. Source
-
Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo maanta warbaahinta ugu warramayey M/ Muqdisho ayaa ka hadlay doorashooyinka la filayo inay dhacaan sanadka 2020- illaa 2021-ka Mahadi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay in dolwaddu ay diyaar garowday qabashada doorashooyinkaasi oo ah kuwa la wada sugayo. Sidoo kale waxa uu ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed inay door ku yeeshaan doorashooyinkaasi, si u helaan fursado muhiim ah. Ugu dambeyn wuxuu tilaamay in madaxda dowladda ay dhowaan soo bandhigi doonaan xisbi weyn oo ay ku mideysan yihiin, si ugula tartamaan axsaabta kale ee dalka. View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Kadib xiisadii rabshadaha laheyd ee 48-saac u dambeeyay ka taagnaa gudaha Somaliland, ayaa saacado ka hor waxa magaalada Hargeysa ka bilowday kulamo xal loogu raadinayo soo afjarida xiisadaasi. Xiisadan ayaa si weyn uga dhex aloosan Xisbiga mucaaridka ah ee Waddan iyo Xukuumada Muuse Biixi, kuwaasi oo isku mari la’ xubnaha cusub ee komishanka ee uu ansixiyey golaha wakiilada Somaliland. Xubno uu horkacayo Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland ayaa maanta kulan la yeeshay Guddoomiyaha xisbiga Waddani iyo Mas’uuliyiinta ka tirsan xisbiga, kuwaasi oo ay wehlinayeen xubno kale oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Ucid. Xubnahaasi ka qeyb galay kulanka ayaa waxay si wadajir ah u cambaareeyeen xariga Xukuumada Muuse Biixi ay kula kacday Mas’uuliyiin sarre oo ka tirsan xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, iyagoona sheegay inay xukuumadu hayso wado qaldan. Waxa kale oo ay xubnahaasi ka dhawaajiyeen in Xukuumada Muuse Biixi ay ku qaldaneed talaabooyinka ay ku istaageysay banaanbaxyada xisbiga, iyo weliba ciidamada dheeriga ah ee xarumahooda lagula wareegay. Kulankan ayaa u muuqda mid usii gogol xaadhaya kulamo kale oo lagu dajinayo xiisada ka dhex taagana Xisbiga Waddani iyo Xukuumada Biixi, si xal looga gaaro qalalaasaha siyaasadeed ee rabshadaha ka abuuray magaalooyinka Somaliland. Caasimada@live.com
-
Details are coming out of fighting in Bula-Mareer area located near the district of Kuntuwaarey in Somalia’s southern Lower Shabelle region on Tuesday. The fighting came after al-Shabaab fighters launched a grenade attack on the Somali military base there, followed by direct fighting between the two sides. There have been several reports of casualties and casualties of the fighting. At least two soldiers were killed in the fighting, while three other civilians were injured, Shabelle sources confirmed. There is no comment yet from government forces and the regional administration regarding the fighting. The situation is now calm, and the battlefields are controlled by the Somali army. Al-Shabaab is holding swathes of territory in the Lower Shabelle region and continues to stage attacks against the allied forces in the region. View the full article
-
Wasiirka Maaliyadda dowladda Puntland Xassan Shire Cabdi, ayaa maanta mudanayaasha Baarlamanka horgeeyay odoroska Miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2020-ka. Odoroska Miisaaniyadda 2020-ka oo dhan $ 346,416,158.99 malyan oo Dollar, ayaa shalay ka soo gudbay Golaha Wasiirada, kadib markii ay ku ansixiyeen kulan aan caadi ahayn oo ay ku yeesheen xarunta wasaaradda Maaliyadda ee caasimadda Garoowe. Wasiirka Xasan Shire, oo xildhibaannada Baarlamanka u akhriyay warbixinta Miisaaniyadda dowladda ee 2020-ka, ayaa sheegay in wasaaraddu ay baahiyaha as’aasiga ah iyo sida ay u kala mudan yihiin, ay ku salaysay odoroska Miisaaaniyadda, iyadoo lagu xisaabtamayo dakhliga lasoo xarayn karo iyo caawimaada la heli karo. Miisaaniyadan ay soo gudbiso wasaaradda Maaliyadda Puntland, waxaa ku jira lacago loo qoondeeyay hawlaha horumarinta sida dhisamaha Wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo, dayactirka wadada Garowe-Laascaanood iyo wadada Garowe –Bosaaso. sidoo kale, waxaa kamida horumarinta adeegyada bulsho ee as’aasiga ah sida hirgelinta ceelal biyoodyo, horumarinta waxbarashada, caafimaadka iyo sugidda Amniga. Hoos ka daawo muuqaalka oo dhan PUNTLAND POST The post Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Baarlamanka hor-geeyay Miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2020-ka appeared first on Puntland Post.
-
The Arab League has welcomed an agreement to normalize relations between the Federal Republic of Somalia and the Republic of Kenya last week. The General Secretariat of the Pan-Arab organization praised the leadership role played by the two heads of state, President Mohammad Abdullah Farmajo of Somalia and his Kenyan Counterpart President Uhuru Kenyatta in reaching the agreement that included actions that will be taken between the two neighboring countries. The league in which Somalia is a member underscored that the step between two neighboring states will bring peace and security in the Horn of Africa. President Farmajo and his counterpart, Uhuru Kenya reiterated that the bilateral ties between the two states will not be affected by the outcome of the court. Somalia and Kenyan leaders agreed to normalize diplomatic ties during a meeting in Nairobi after months of diplomatic row instigated by disputed maritime border case which is still at the International Court of Justice. The Hague based court postponed the case until June next year for the final verdict following a request by Kenya. The Hague based court postponed the case until June next year for the final verdict following a request by Kenya. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xubnaha Beesha Caalamka u joogo Soomaaliya ayaa digniin culus kasoo saaray Doorashada la filayo inay dhawaan ka dhacdo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug. Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa Caasimadda Online u sheegay in beesha caalamku ay dowladda Soomaaliya ka dalbatay inay goobjoog oo kaliya ka noqoto doorashada ka dhacaysa magaalada Dhuusamareeb ee maamulka Galmudug. Wararka ayaa intaasi waxay ku darayaan in beesha caalamku ay balan qaaday inay bixin doonaan dhaqaalaha ku baxaya doorashada maamulka Galmudug. Beesha Caalamka ayaa ka digtay in Doorashada Galmudug aysan noqon mid lamid ah tii ka dhacday Magaalada Baydhabo ee Maamulka Koonfur Galbeed. Waxay Dowladda Soomaaliya ka dalbadeen in Doorashada Galmudug ay u dhacdo si cadaalad oo xalaal ah isla markaasna ay ku wada qanacsan yihiin dhammaan musharixiinta. Ugu Dambeyntii Beesha Caalamka ayaa ku baaqday in dhammaan musharixiinta Galmudug loo ogolaado inay aragtiidiisa u dhiibtaan si xor isla markaasna la joojiyo caburinta lagu hayo. Digniinta Beesha Caalamka ee doorashada Galmudug ayaa kusoo aadeyso xilli Dowladda Soomaaliya lagu eedeeyey inay kursigaas u diyaarsatay Wasiir Qoor Qoor isla markaasna mar hore si hoose loo qortay Xildhibaanada Maamulkaas. Xog Xasaasi ah oo ku saabsan kulan hordhac u ah midka Farmaajo iyo Shiikh Shariif oo Xalay dhacay caasimad@live.com
-
Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta xal kama dambeys ah laga gaaray xiisadii dhinaca maamulka ee ka taagneyd degmada Diinsoor ee gobolkaasi. Guddoomiyihii hore ee degmadaasi ayaa lagu soo warramayaa inuu aqbalay in la qabto xafladda xil wareejinta, kadib wadahadal uu la galay waxgaradka deegaanka. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in guddoomiye, Ibraahim Maxamed Nuur (Shig-Shigow) uu isku dhiibay ciidamada Koonfur Galbeed ee ka howlgala halkaasi. Shalay ayey aheyd markii ciidanka daraawiishta maamulkaasi, kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo ciidamo daacad u ah Shig-Shigow ay ku dagaalameen degmada Diinsoor. View the full article
-
Ciidanka Booliska ee Somaliland ayaa maanta si xoog ah kula wareegay xarumaha xisbiga Wadani ee magaalooyinka Berbera iyo Ceerigaabo ee maamulkaasi. Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale la xir xiray xubno ka tirsan hoggaanka xisbigaasi, taas oo sare u sii qaaday xiisada ka taagan deegaanada Somaliland. Xariga lagula kacay xubnahan ayaa waxaa ka soo horjeestay taageerayaasha Wadani ee ku sugan Ceerigaabno, kuwaas oo dibadbax ka dhigay magaaladaasi. Dhinaca kale guddoomiyaha xisbiga UCID, Feysal Cali Waraabe oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay inay waa waan ka dhex bilaabeen xukuumadda iyo hoggaanka xisbiga Waddani ee uu hoggaamiyo, Mudane Cabdiraxmaan Cirro. Feysal Cali Waraabe ayaa tilmaamay in dhowaan ay soo afjari doonaan xiisada taagan, si looga hortago rabshadaha haatan ka socda deegaanada Somaliland. Labadii maalin ee la soo dhaafay xiisada maamulka gooni isu taaga ah ee Somaliland ayaa aheyd mid kacsan, taas oo ka dhalatay dibadbax uu dhowaan ku baaqay guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee maamulkaasi,CabdiraxmaanCirro. View the full article
-
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo maanta ka dhacay deegaanka Buulo-Mareer oo ka tirsan degmada Kuntuwaarey ee gobolka Sh/Hoose. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar loo adeegsadaybam gacmeed ku qaadeen saldhig ay ciidamada Milatariga ku leeyihiin halkaasi, waxaana xigay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey oo la’isku adeegsaday hubka noocyadaasi. Ugu yaraan labo askari ayaa ku dhintay dagaalka, halka ay ku dhaawacmeen saddex qof oo kale oo ahaa rayid, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada dowladda iyo maamulka gobolka oo ku aadan dagaalkaasi. Xaaladda ayaa hadda ah mid degan, waxaana goobihii lagu dagaaalamay ku sugan ciidanka Milatariga Soomaaliya oo dhaq dhaqaaqyo cusub ka bilaabay halkaasi. Al-Shabaab oo weli ku xoogan Shabeelaha Hoose ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada ciidamada huwanta ee ku sugan gobolkaasi. View the full article
-
Popular Contributors
