Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,994
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ururka Jaamacadda carabta aya soo dhaweeyay heshiiskii ay wadda gaareen madaxweyne mohamed Abdullaahi Farmaajo iyo uhuru Kenyatta kaas oo ku saabsana soo celinta xiriirka labadda dal. Qoraal lagu daabacay bogga rasmiga ee jaamacadda carabta aya lagu yiri “ Xoghaynta Ururka ayaa amaaney doorka hogaamineed ee ay ka ciyaareen Madaxweyne Mohammad Abdullah Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta sidii loo gaari lahaa heshiiskan iyo talaabooyinka labada dhinac ay ka fulinayaan labada dal ee deriska ah.” Dhanka kale, Dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee bahwadaagta la ah dalka Soomaaliya sida AMISOM, Denmark, Egypt, Ethiopia, European Union, Finland, France, Germany,IGAD, Italy,OIC, Sweden, Turkey, Uganda, UNSOM iyo Maraykanka ayaa dhankooda soo dhoweeyay heshiiskii ay madaxda dalalka Soomaaliya iyo Kenya ku gaareen caasimada dalka Kenya ee Nairobi. Beesha Caalamka ayaa rajo weyn ka muujisay in la hirgelin doono qodobada ay ku heshiiyeen labada madaxweyne kuwaasoo sii xoojinaya xiriirka labada dal. PUNTLAND POST The post Jaamacadda Carabta oo soo dhowaysay Heshiiskii ay wada-gaareen Soomaaliya iyo Kenya appeared first on Puntland Post.
  2. Wasaaradda Beeraha Soomaaliya ayaa war ka soo saartay Ayax ku dagay qaar ka mid ah gobollada dalka iyadoo wasiirka wasaaraddasi uu sheegay in Khubaro loo dirayo goobahaas. Wasiirka Wasaaradda Beeraha Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid Warbaahinta la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ayaxa uu dhibaato badan gaarsiiyay degaanno ka mid ah gobollada Mudug, Galgaduud, Sanaag iyo Sool. Wasiirku waxaa uu intaasi ku daray in Ayaxa uu bilowday Bishii Julay ee Sanadkaan, islamarkaana Wasaaradda ay waddo qorshe looga hortagaayo. Wasiir Saciid ayaa tilmaamay in Ayaxa uu nabaadguuriyay degaanno badan oo ay ku noolaayeen dad Xoolo dhaqato. Wasaaradda Beeraha waxay diyaarisay qorshe lagula dagaallamaayo Ayaxa, islamarkaana Koox ka socoto Wasaaradda ayaa loo dirtay degaanada ay dhibaatadu ka dhacday. Source: goobjoog.com
  3. Taliska ciidanka Nabad sugidda ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo bandhigay sarkaal sare oo ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab, kaasi oo isku soo dhiibay taliskan. Ninkan lasoo bandhigay ayaa magaciisa waxaa lagu sheegay Rayaan Shiikh Nuuur, wuxuuna Al-shabaab u qaabilsanaa dhanka gaadiidka ee gobolka Jubbada Hoose. Saraakiil ka tirsan Nabad sugidda Jubbaland ayaa sheegay in shaqsigan uu xiriir lasoo sameeyey dhankooda, sidaasina ay ku qaabileen. Ma jirto faah faahin intaan ka badan oo nabad sugidda Jubbaland ka bixiyeen sarkaalkan kasoo baxsaday dhanka Al-shabaab. Ururka Al-shabaab weli dhankooda wax war ah oo ku aaddan shaqsigan kasoo goostay lagama hayo, hase ahaatee marar badan Kismaayo waxaa iska dhiibay xuno Al-shabaab ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa xukuumadda Biixi iyo sidoo kale xisbiga Wadani. Guddoomiyaha xisbiga Wadani C/raxaan Cirro ayaa shalay ugu yeeray taageerayaashiisa iney maanta isugu soo baxaan dibadbax ka dhan ah xukuumadda iminka talada haysa. Hay’adaha ammaanka ayaa isla shalayba sheegay in aan la isku soo bixi krin, una arkaan arrintaasi iney tahay mid lagu qal-qalgelinayo amniga. Sidoo kale ,waxay ciidamada Booliiska ay xabsiga dhigeen xalay mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga Wadani, kuwaasi oo kala ah Khadar Xuseen Cabdi, Barkhad Jaamac iyo kuwo kale. Saakay ayaa lagu waabariistay xaaladda oo ka duwan sidii hore iyo ciidamo badan oo ku sugan xarunta xisbiga Wadani. Guddoomiye Cirro ayaa goor dhow waxa uu gaaray xaruntan oo ay ciidan badan horjoogaan, isaga oo si xoog ah ku galay. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada Booliiska awood u adeegsadeen dad halkaasi yimid, rasaas ay fureenna uu Hal qof oo shacab ah ku dhaawacmay. Xaaladda Hargeysa ayaa ah maanta mid aad uga duwan maalmihii hore ee aynu kasoo gudubnay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Hargeysa (Caasimada Online ) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland ayaa sheegaya inay sii xoogeysatay xiisada ka taagan magaaladaasi. Rabashado u dhexeeya taageerayaasha xisbiga Wadani iyo ciidamada ammaanka ayaa ka socda afaafka hore ee xarunta weyn ee xisbigaasi, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dd ku sugan halkaasi. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Wadani, Cabdiraxmaan Cirro uu gaaray xarunta xisbiga oo la soo dhoobay ciidamo Boolis ah, kadibna uu xoog ku galay xaruntaasi, taas oo sababtay in rasaas ay furaan ciidamada. Ugu yaraan hal qof oo shacab ahaa ayaa ku dhaawacmay rasaasta, sida ay innoo xaqiijiyeen dadka aan la hadalnay. Xaaladda ayaa hadda kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dibadbaxyo ay ka dhacaan Hargeysa, kuwaas oo uu shalay iclaamiyey guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Wadani. Arrinta ayaa ka sii dartay, kadib markii xalay ciidamada Booliska maamulka Somaliland ay xir xireen xubno ka tirsanaa xisbigaasi oo si weyn uga soo horjeeda xukuumadda Madaxweynaha maamulkaasi, Mudane Muuse Biixi Cabdi.
  6. Miraa and muguka sold in most parts of Nairobi County are contaminated with disease-causing germs, a survey released last Friday shows. Source: Hiiraan Online
  7. (SLT-Hargeysa)-Xoghayaha Guud iyo Afhayeenka Xisbiga WADDANI ayaa loo dhaadhiciyay xabsiga Mandheera sida uu sheegay guddoomiye Cirro waxaanu yidhi “Xoghayaha Guud iyo Afhayeenka Xisbiga waxaa loo dhaadhiciyey Maandheera, falkaasi waa fal argagixiso ah oo aan sinnaba loo aqbali karayn. Mar labaad baan ku baaqayaa in xorriyadoodii si degdeg ah dib loogu soo celiyo. Muuse iyo gacan-yarayaashiisu nabadda ha ilaaliyaan”, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. Miraa and muguka sold in most parts of Nairobi County are contaminated with disease-causing germs, a survey released last Friday shows. Source: Hiiraan Online
  9. Maxamed Siciid Cabdullaahi wasiir ku xigeenka caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegay in xukuumadda federaalka ay wado qorshe adeegyo bulusho oo ay ugu horreeyaan kuwa caafimaad ay uga fulineyso degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Wasiir ku xigeenka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in dhibaatooyin xoogan ay wajahayaan shacabka degmadaasi oo u baahaan adeegyada aas aasiga ah ee nolosha. Awdheegle ayaa ka mid ah deegaanadii ugu dambeeyey ee lagala wareegay dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/wa.mp3 View the full article
  10. (SLT-Hargeysa)-Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Xadhiga Madaxda Xisbiga Waddani Iyo Nuxurka Uu Xalay La Yeeshay Madaxweyne Biixi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. Kooxda Jaaliya Soomaaliyeed ee Melboune ayaa sanadkii afaraad dalka u imaanaya ciyaaraha saaxiibtinimo iyo is dhaxgal bulsho,iyagoo sanadkii lasoo dhaafay 2018 booqashooyin ku maray Gobolka Banaadir,Jubaland iyo Koonfur Galbeed waxaana socdaalka kooxdan sanad walib suga dhallinyarada. Guddoomiyaha Xariirka Soomaaliyeed ee Kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab ayaa bogaadiyay maamulka kooxda Melbourne sida ay sanad waliba u joogtinteenayaan imaatinkooda Soomaaliya,wuxuuna intaa ku daray in Xariirka Kubbadda Cagta uu u baahanyahay qibradooda xaga ciyaaraha. Kaliya sanadihii lasoo dhaafay u imaanin ciyaaro saaxiibtinimo oo qura waxaa la socday koox taqaatiir ah oo in dhafiiqis u sameeyay kumaan bukaano ah oo ku kala noolaa magaalooyinka Muqdisho,Kismaayo iyo Baydhabo dadkii la sameeyay howlaha caafimaadka sanadii 2018 ayaa u mahad celiyay kooxda jaaliyada Soomaaliyeed ee Melbourne,balse maamulka iyo dhallinyarada fuliyay howlahii caafimaadka ayaa sheegaya in ay sii wadi doonaan howlahan oo muhiim u ah dadka da’yarta ee ku nool Soomaaliya. Dhallinyarada iyo bahda ciyaaraha ayaa ku jira qaban qaabada iyo soo dhaweynta kooxda Melbourne,iyagoo kaga mahad celiyay hal buurkooda wanaagsan ee is dhaxgalka bulshada iyo caawinta dadka danyarta waxayna qurbajoogta kale ka dalbadeen in ay yimaadaan dalkooda. Guddoomiyaha kooxda Melbourne DR.Xuseen Xarakow ayaa sheegaya in ay diyaar u yihiin in sanad walib ay yimaadeena Soomaaliya wuxuuna Goobjoog Sports u sheegay hadii ay iska kaashaan bulshada gudaha iyo kuwa qurbajoogta dalka uu gaari doono meel aad wanaagsan. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Imaatinka Iyo Socdaalka Kooxda Melbourne Ee Soomaaliya W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  12. (SLT-Boorama)-Maxaabiis ayaa la sheegay inay ka baxsadeen maxkamad ku taalla magaalada Boorama ee Gobolka Awdal, xilli uu halkaasi ka dhaceyey dhagaysigooda oo la xidhiidhay in rabshado ka dhacay magaalada Boorama saddex bilood ka hor ay ka dambeeyeen. Ciidammada booliska ee ilaalinayay ammaanka ayaana bilaabay inay ridaan rasaas in kastoo la sheegayo inaan cidna wax ku noqonin rasaasta, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee caasimadda Somalilland, ayaa sheegaya in saaka xarunta xisbiga Waddani ay ku wada- sugan yihiin dibad-baxayaal tiro yar iyo ciidanka Booliiska. Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Ciro, ayaa shalay taageerayaasha Xisbiga ugu baaqay in ay isugu soo baxaan xarunta xisbiga uu ku leeyahay caasimadda Hargeysa, si loogu gudbiyo farriin muhiima oo Somaliland lagu badbaadinayo Balse, taliyaha ciidanka Booliiska Somaliland, Maxamed Aadan Saqadhi ayaa sheegay in aysan jiri doonin wax bannaanbax oo lagu qaban karo Magaalada Hargeysa “Mudaharaadku sharci buu leeyahay, sharci wax aan waafaqsaneynna yeeli meyno” ayuu yiri taliyaha. Sidoo kale, Booliiska Somaliland ayaa xalay xabsiga dhigay af-hayeenka xisbiga Wadani, Barkhad Jaamac Batuun iyo xoghayaha xisbigaasi Khadar Xusseen Cabdi, taasi oo sii kululaysay xiisadda siyaasadeed ee u dhexaysa xukuumadda iyo mucaaradka. Xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo mucaaradka ayaa maalmihii u dambeeyay is-dhaafsanayey hadalo kul-kulul oo ku saabsan muranka ka taagan guddiga doorashooyinka. Xisbiga Wadan ayaa sheegaya in laba xubnood oo uu soo xulay Madaxweynaha ay yihiin sharci darro. PUNTLAND POST The post Dibad-baxayaal kooban oo isugu soo baxay xarunta Xisbiga Waddani ee magaalada Hargeysa appeared first on Puntland Post.
  14. Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Cumar Filish ayaa ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka ee dowladda. Filish ayaa sheegay inay muhiim tahay in si wadajir la’isaga kaashado sugida amniga magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in maamulka uu horkacayo ee gobolka Banaadir uu ka shaqeyn doono, sidii loo heli lahaa amni iyo nabadgelyo buuxda. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/55.mp3 View the full article
  15. (SLT-Muqdisho)-Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Doxa kulan kula qaatay Amiirka Qatar, Tamim bin Hamad Al Than. Kulanka dhex maray Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Amiir Tamim bin Hamad Al Than ayaa looga hadlay xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga laba geesoodka ah labada dowladood iyo labada shacab. Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa leh xidhiidh soo jireen ah oo qota dheer iyo iskaashi ganacsi, amni iyo dhaqaale, waxaana dowladda Qatar ay Soomaaliya ka fulisaa mashaariic horumarineed oo lagaga qayb qaadanayo dib u soo kabashada dalka. Source
  16. (SLT-Washington)-Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa lacag ku dhow 150,000 oo dollar oo kale siisay shirkadda uu leeyahay Tim Mynett oo ah ninka caddaanka ah ee la tuhunsan yahay inuu xidhiidhka ka dhaxeeyo, waxaa sidaas weriyey wargeyska New York Post. Ololaha Ilhaan ayaa shirkadda Mynett uu leeyahay ee E Street Group u dusisay $146,712.63, sida ku cad diiwaankeeda lacagta ololaha. Lacagtan ayaa lagu sheegay in shirkadda Mynett loo siiyey xayeysiin online ah, la-talin lacag ururin iyo soo saaris muuqaallo, oo ay samaysay Ilhaan. Markii uu soo shaac baxay warka ku saabsan in Ilhaan iyo Mynett ay xidhiidh jaceyl leeyihiin, ayaa waxaa ka hor ay Ilhaan siisay shirkadda Mynett lacag dhan 223,000 oo dollar, taasi oo tirada lacagta guud ee ay siisay ka dhigeysa 370,000 oo dollar. Dadka kasoo horjeeda Ilhaan ayaa ku dooday in lacaghaan ay sharci darro yihiin islamarkaana Ilhaan u siineyso Tim Mynett xidhiidhka ka dhaxeeya dartiis. Si kastaba hay’adda federaalka ee qaabilsan inay arrintan baadho ayaa sheegtay in ayna sidaas sameyn karin illaa guddiga qaabilsan uu amro in la baadho. Ilhaan iyo Mynett ayaa hore u beeniyey inay xidhiidh leeyihiin inkasta oo sawirro qarsoodi ah oo laga qaaday ay sidaas muujinayaan. Ilhaan ayaa bishii October waxay maxkamadda Hennepin County ee Minnesota ka codsatay in laga furo ninkeeda Axmed Xirsi, iyada oo sheegtay in guurkooda uu yahay mid aan dib loo hagaajin karin. Furiinkaas ayaa si rasmi ah loo dhameystiray 5-tii November. Source
  17. Wararka naga soo gaaraya Somaliland ayaa sheegaya in xalay xubno ka tirsan xusbiga Wadani lagu xiray gudaha magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaasi. Guddoomiyaha xisbiga mucaaraadka ee Wadani, Cabdiraxmaan oo ka hadlay xariggaasi ayaa cambaareeyey, wuxuuna ugu baaqay xukuumadda Biixi inay sii deyso xubnahaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in cadaadiska lagu hayo shacabka iyo siyaasiyiinta Somaliland uu gaaray meeshii ugu sarreysay, taasina ka hor imaaneyso Dastuurka maamulkaasi. Dhinaca kale taliyaha ciidanka Booliska Somaliland, Maxamed Aadan Saqadi ayaa ka digay in maanta taageerayaasha xisbiga Wadani ay dibadbax ka dhigaan magaalada Hargeysa. Taliyaha ayaa sheegay in wixii mas’uuliyad darro ah ee ka yimaada banaanbaxaasi ay qaadi doonaan hoggaanka xisbiga Waddani ee Somaliland. Xaaladda ayaa saaka kacsan, iyadoona laga cabsi qabo inay isku dhacaan Booliska iyo dibadbaxayaasha. View the full article
  18. Kismaayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil xalay mas’uul ka tirsanaa maamulka degmada Kismaayo loogu geystay gudaha magaaladaasi. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Axmed Buula Ibrahim, kaas oo ahaa gudoomiyihii xaafadda Via Afmadow, magaalada kismaayo ee xarunta KMG maamulka Jubbaland. Dad goobjoogayaal ah ayaa u sheegay Shabakadda Caasimada Online in mas’uulkaasi ay toogasho ku dileen kooxo ku hubeysnaa Bistoolado oo durba goobta isaga baxsaday. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in goobta uu dilku ka dhacay ay gaaareen door dambe saraakiil iyo ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland oo howlgallo lagu baadi goobayo raggii fuliyey dilka ka bilaabay xaafadda Via Afmadow ee degmada kismaayo. Illaa iyo hadda ma jirto cid loo soo qabtay toogashadaasi, balse baaritaanada ayaa lagu soo warramayaa in weli ay ka socdaan gudaha degmadaasi. Xaaladda ammaana ee magaallo Xeebeedka Kismaayo ayaa muddooyinkii la soo dgaafay aad u xumaa iyadoo ay ka dhacayeen dilal qorsheysan oo qaarkood loo geystay nabadoono caanka ah deegaanada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre iyo ayaa magaalada Dooxa kulan kula qaatay Amiirka Qatar Tamin Bin Hamad AlThan Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre iyo Amiir Tamim bin Hamad Al Than ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga laba geesoodka ah labada dowladood iyo labada shacab ee walaalaha ah. Ra’iisul Wasaaraha iyo Amiirka ayaa sidoo kale isla soo hadal qaaday horumarka ay dowladda Soomaaliyeed ku tillaabsatay sedaxdii sano ee lasoo dhaafay iyo sida guulaha laga gaaray isbedelladii la sameeyay ay dalka ugu soo jeedinayaan indhaha maal gashadayaasha caalamka oo Soomaaliya u akra dal ay ka jirto fursad wanaagsan oo ka dhalatay isbedelka guud. Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa leh xariir soo jireen ah oo qota dheer iyo iskaashi ganacsi, amni iyo dhaqaale, waxaana dowladda Qatar ay Soomaaliya ka fulisaa mashaariic horumarineed oo looga qayb qaadanayo dib u soo kabashada dalka. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo la kulmay Amiirka Qatar appeared first on Puntland Post.
  20. (SLT-Gaza)-Millatariga Israa’iil ayaa tacadi xooggan u geystay qaar ka mid ah saxafiyiinta Falastiin oo dibadbax nabadeed ka waday daanta Galbeed Axadii shalay. Arintaan ayaa timid kadib markii saxafiyiinta ay ka xumaadeen rasaas toos ah oo lagu furay wariye Mucaad Amarneh kaasi oo ku waayay Ishiisa Midig. Wariye Mucaad ayaa ishiisa ku waayay xilli uu duubayay isku dhac xooggan oo dhax-maray maalintii Jimcaha ciidanka amniga Israa’iil iyo dhalinyarada ku magaalada Surif. Goob-joogayaal diiday in magacooda la xuso ayaa wakaalada wararka Falastiin ee Wafa u sheegay in ciidanka Israa’iil ay rasaas toos ah iyo sunta dadka ka Ilmeysiisa u adeegsadeen saxafiyiin iskugu soo baxay wadada laga galo degmada Bethlehem gaar ahaan dhanka waqooyi. Millatariga Israa’iil ayaa dhanka kale jidh-dil xooggan u geystay qaar ka mid ah saxafiyiintan waxaana la sheegay in la burburiyay agabka ay ku shaqeysanayeen gaar ahaan Camerada lagu duubo Muuqaalada. Source
  21. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dooxa kulan kula qaatay Amiirka Qatar, Tamim bin Hamad Al Than. Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre iyo Amiir Tamim bin Hamad Al Than ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga laba geesoodka ah labada dowladood iyo labada shacab ee walaalaha ah. Ra’iisul Wasaaraha iyo Amiirka ayaa sidoo kale isla soo hadal qaaday horumarka ay dowladda Soomaaliyeed ku tillaabsatay sedaxdii sano ee lasoo dhaafay iyo sida guulaha laga gaaray isbedelladii la sameeyay ay dalka ugu soo jeedinayaan indhaha maal gashadayaasha caalamka oo Soomaaliya u akra dal ay ka jirto fursad wanaagsan oo ka dhalatay isbedelka guud. Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa leh xariir soo jireen ah oo qota dheer iyo iskaashi ganacsi, amni iyo dhaqaale, waxaana dowladda Qatar ay Soomaaliya ka fulisaa mashaariic horumarineed oo looga qayb qaadanayo dib u soo kabashada dalka. View the full article
  22. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Subax-18112019-sax.mp3 View the full article
  23. (SLT-Washington)-Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa ku eedeeyay dowladda Iiraan in ay ka dambeyso dhibaatooyinka ka taagan magaalada Gaza. Qoraal uu ku soo qoray boggiisa uu ku leeyahay Twitter-ka ayuu Pompeo, ku eedeeyay xukuumada Tehraan in dagaalyahanada Islaamic Jihaad ay u adeegsaneyso xasaradaha gobolka iyo weeraro ka dhan ah Israa’iil. Iiraan ma rabto nabad ka dhacda gobolka bariga dhexe ma rabaan nabada iyo hormarka Falastiin. Mr Pompeo ayaa dhanka kale sheegay in Mareykanka uu wadi doono ka hadalka iyo digniinta Iiraan ah in ay halis ku tahay amniga. Xoghayaha arrimaha dibadda ayaa hadalkiisa ku soo koobay in Washington ay wadi doonto cadaadiska Iiraan illaa inta ay ka aqbaleyso in miiska wadahadalka. Bishii May ee sannadkii hore ee 2018-ka ayaa madaxweyne Trump uu ka baxay heshiiskii wadamada quwadaha ay la galeen Iiraan sannadkii 2015-Kii. Source
  24. Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle, Maxamed Cabdi waare oo uu wehliyo Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xalay Munaasabad Casho Sharaf ah ugu sameeyay Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan Wafuud kala duwan oo ka kala socdayPuntland, dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya iyo Wafdi ka Socday bulshada iyo ganacsatada magaalada Nairobi oo uu hormuud u ahaa Sheekh Maxamed Cabdi Umal. Madaxweyne Waare ayaa u Mahad Celiyay gudigaan Isxilqaamayaasha ah iyo dadka Soomaaliyeed oo Si hagar la’aanta ah ee ay ugu soo gurmaday dadka Reer Beledweyne oo ay saameeysay Fatahaadii Webiga Shabeelle. Munaasabadaan Casho Sharafta ahayd Waxaa Goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Sh Cusmaan Barre, Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Marwo Canab Axmed Ciise, qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka, Xubnaha labada Gole ee DG Hirshabeelle, maamulka Gobolka Hiiraan, ganacsato iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Beledweyne. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Waare oo la kulmay Is-xilqaamayaashii Gurmadka Fatahaadaha appeared first on Puntland Post.
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo weli ku sugan magaalada Dooxa ayaa kulan gaar ah kula qaatay Amiirka dalka Qatar, Tamim Bin Hamad Al Than. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa arrimaha looga hadlay ka mid ah xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga laba geesoodka ah ee labada dowladood iyo labada shacab. Sidoo kale labada mas’uul ayaa isla soo hadal qaaday horumarka ay dowladda Soomaaliyeed ku tallaabsatay seddexdii sano ee la soo dhaafay iyo sida guulaha laga gaaray isbedelladii la sameeyay ay dalka ugu soo jeedinayaan indhaha maal gashadayaasha caalamka oo Soomaaliya u arka dal ay ka jirto fursad wanaagsan oo ka dhalatay isbedelka guud. Qatar ayaa ka mid ah dalalka sida dhow u taageero dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana dowladda Qatar ay Soomaaliya ka fulisaa mashaariic horumarineed oo looga qayb qaadanayo dib u soo kabashada dalka. Kulankan uu Ra’iisul wasaare Khayre la qaatay Tamim Bin Hamad Al Than ayaa ku soo aadaya, xilli uu dhowaan dalka Faransiiska uga soo qeyb galay shirka Nabadda Paris oo looga hadlay caqabadaha guud ee ka jira daafaha caalamka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com