Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,994
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Khasaaraha dhimashada & midka dhaawaca ee ka dhashay dagaal Ciidamada Shabaab ay ku qaadeen Ciidamo ku sugan deegaanka Calamada iyo Lafoole ee wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Ciidamada Shabaab dagaal saf ballaaran ay ku qaadeen ciidamada fariisinka ku leh Calamada iyo Lafoole, xilli halkaasi uu ka socdo dhismaha wadada laamiga ah. Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska dowladda Federalka Soomaaliya ayaa sheegay dagaalkaasi in lagu dilay Saddex Askari oo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Booliska oo Saldhigooda uu yahay deegaanka Lafoole. Saraakiisha waxa ay sheegeen markii xabada ay ka bilaabatay deegaanka Calamada iyagana inay ku bilaabatay xabad, islamarkaana si adag isaga difaaceen Shabaabkii weerarka soo qaaday, ayna ka dileen laba ruux. Dagaalka ka dhacay deegaanka Calamada lama oga khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ee ka dhashay, balse Shabaabkii weerarka soo qaaday ayaa u baxsaday dhanka goofafka. Ciidamo ka baxay deegaanka Ceelasha biyaha ayaa mar dambe oo dagaalkii uu istaagay waxa ay gurmad ahaan u tageen deegaanka Calamada, xilli Shabaabkii weerarka soo qaaday ay goobtaasi ka tageen. Dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa mareysa inta u dhaxeysa deeganada Calamada iyo Lafoole, halkaasi oo ay joogaan Ciidamada Haramcad loo yaqaan ee Booliska ka tirsan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  2. (SLT-Hargeysa)-Wararka hadda na soo gaadhaya ayaa sheegay inay Ciidanka Booliska magaalada Hargeysa ay xabsiga dhigeen Afhayeenkii Xisbiga WADDANI Barkhad Jaamac Batuun oo isagu saacado ka hor war-baahinta kula haddlay Guriga Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI. Xadhiga Afhayeenka Xisbiga WADDANI ayaa waxa noo xaqiijiyey qaar kamid ah masuuliyiinta Xisbiga WADDANI, waxaanay sheegaan in ciidanku Boolisku ay xabsiga u taxabeen afhayeen Barkhad Jaamac Afhayeenka Xisbiga WADDANI ayaa ka hore intii aan la xidhin war-baahinta la hadlay isagoo sheegay in aanay waxba iska bedelin baaqii Guddoomiye Cirro ee ahaa in berri taageerayaashiisu isugu yimaaddaan xarunta xisbiga,Waxa kale oo uu sheegay in xarunta xisbiga ay yimaaddeen ciidamo ka dhan ah qorshaha xisbiga ee berri. Si kastaba ahaatee waxa goordhaweyd ay ciidanka boolisku xabsiga u taxabeen afhayeenkii xisbiga WADDANI Barkhad Jaamac Batuun, kaasi oo hadda ku xidhan xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa Source
  3. Burco(SLT):”Tan Baloodh Ku Soo Ururay Baa Talo,Se Keenayne Gabay Lagu Karbaashay Muuse Biixi Source
  4. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa ciidamo fara badan dul dhigtay xarunta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani uu ku leeyahay magaalada Hargeysa. Xukuumada Biixi ayaa goordhoweyd oo caawa ah ciidamo tiro badan ku hareeraysay xarunta xisbiga Waddani, taasi oo ay uga hor tageyso banaan bax ka dhan ah xukuumadiisi oo berri ka dhici lahaa xaruntaasi. Guddoomiyaha xisbiga Waddani ayaa maanta taageerayaasha xisbigiisa ee gobolka Maroodi-jeex ugu baaqay inay maalinta Barri ah iskugu yimaadaan xarunta Xisbiga, si halkaasi uga dhigaan banaan bax ka dhan ah xukuumada Muuse Biixi. Mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay inay xukuumada Biixi ciidamo ku soo rogtay xarunta Waddani, taasi oo ay ku macneeyeen mid laga hor istaagayo shacabka xuquuq uu dastuurku u jideeyay. Waxay sidoo kale Mas’uuliyiintaasi xukuumada Muuse Biixi uga digtay inay qalalaase ka abuuraan gudaha magaalada Hargeysa, iyagoona sii xoojiyay baaqii guddoomiye Ciro ee isku baxa berrito. Xukuumada Biixi ayaa isku soo baxaasi uu ku baaqay Ciro si weyn uga biyo diidan, taasi oo sababtay in caawa ay ciidamo tiro badan dul dhigto xarunta xisbiga Waddani ee magaalada Hargeysa. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  5. Afhayeenka xisbiga Waddani Mudane Barkhad Jaamac Batuun ayaa ayaa saxaafadda u sheegay in aanay waxba iska bedelin baaqa Guddoomiye Cirro ee ah in berri taageerayaashiisu isugu yimaaddaan xarunta xisbiga. Waxa kale oo uu sheegay in xarunta xisbiga ay yimaaddeen ciidamo ka dhan ah qorshaha xisbiga ee berri. Taliyaha booliska ayaa sheegay in aanay ogolayn isu soo baxa guddoomiyaha Waddani ku dhawaaqay Source
  6. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) iyo masuuliyiin kale ayaa kormeer ku tagay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Saraakiil ka tirsan ciidanka milatariga Soomaaliya iyo xubno ka tirsan maamulka gobolka shabellaha hoose ayaa ku sugan degmada Owdheegle kuwaas oo dhamaan u guur gelaya sidii looga wada shaqeyn lahaa Arimaha Dib-udhiska iyo Bilic soo celinta degmada Awdheegle. Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimadka, Maxamed Saciid Cabdulaahi oo kamid ah wafdiga ayaa isaga oo ku sugan degmada Awdheegle, waxa uu Radio Shabeelle uga warbixiyay ujeedka ugu weyn ay maanta u tageen degmadas oo dhawaan laga saray Al-Shabaab. Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Wareysi-wasiir-kuxigeenka-wasarada-caafimaadka-somaliya.mp3 View the full article
  7. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Habeen-17112019.mp3 View the full article
  8. (SLT-Hargeysa)-Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsamne Jaamac ayaa u jawaabay guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. (SLT-Hargeysa)-Taliye Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale) ayaa sheegay in joojiyeen mudaharaad oo maanta ku baaqay guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANU Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi Cirro, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. MOGADISHU (HOL) - Former President Abdikasim Salad has called on politicians in the country to uphold rule of law and use the appropriate channels in case of disputes to avoid fueling conflicts in the country. Source: Hiiraan Online
  11. Marka wadamada qaarkood xaalad cakirnaan dhanka siyaasadda ah ay la soo gudboonaato, waxaa lagu baxsadaa dadaalka waxgaradkiisa ama caqli & tanaasul ka yimaada kuwa talada haya ama koox is-xilqaanta, waxaa intaas sii dheer kalimad waqtigeeda la yiraahdo oo afka mid ka mid ah hogaamiyaasha dalkaas ka soo baxda. Kalimadda “thuma wallaahi” ee todobaadkii la soo dhaafay uu yiri guddoomiyaha madasha xisbiyada qaran, madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sh. Axmed ka dib markii uu ka soo noqdey safar mashaqo badan ay u mareen asaga iyo wafdi uu hogaaminayey oo naftoodu halis ku gashey si gargaar ay u wadeen magaalada Beledweyne u gaarsiiyaan, kalimadaas waxaa loo aqoonsanayaa tii dalka badbaadisay, miyirkana u soo celisay kuwii Dhaqanka kalitalisnimada is lahaa dalkaan ka hirgaliya iyo kuwii u sacaba u tumayey oo Soomaali iyo shisheeyaba lahaa. Qodobka 96-aad ee dastuurka dalka wuxuu ka hadlayaa dhaarta madaxweynuhu marayo marka loo doorto xilkaas taasoo uu ku dhawaaqayo sidatan “Waxaan ku dhaaranayaa magaca ilaahey inaan xilkayga u gudanayo si daacad ah oo danta dalka, dadka iyo diintu ay ku jirto, dhowrana dastuurka dalka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla”. Marka madaxweynuhu dastuurka iyo shuruucda dalka ee uu ku dhaartey ilaalintooda uu ku xadgubdo, wuxuu luminayaa heybaddii iyo astaantii madaxweynenimo, wuxuu la mid noqonayaa saddexdii qolo ee madaxweyne Shariif uu tilmaamay ee sharcigooda gacmaha ku watey umaddana laga hor wareejiyey, xaalku marka halkaas uu gaaro in “thuma wallaahi waan bixinaynaa haddii aysan joojin waxa ay wadaan oo ku xadgubka dastuurka iyo shuruucda dalka ah” ay timaado waa Badbaado daleed iyo samatabixin umadeed, iyo sidoo kale u hiilin dastuurka iyo shuruucda dalka oo ah waxa dawladnimada lagu yahay. Thuma wallaahi waxey soo gabagabaynaysaa “Muddo kororsigii ka guuxayey madaxyada reer Villa Somalia, dhaqankii kalitalisnimada, ku xadgudubka dastuurka, inaan doorasho ku dhicin waqtigeedii…iyo…..iyo….. waxyaale kale” sidaas awgeed kalimadaas waxaa loo aqoonsanayaa tii badbaadisay mustaqbalka jiilashada Soomaaliyeed. W/Q: Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  12. Wali Faahfaahin lagama hayo Rasaas caawa fiidkii laga maqlayo meel u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye. Dadka deegaankaas ka agdhow ayaa Puntlandi.com u xaqiijiyey iney maqlayaan [...] Source
  13. Gaashanle Dhaxe Sahal Farax Raage oo ahaa Xeer-ilaaliyihii Maxkamada Sare ee Ciidamada Maamulka Hargeisa oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe ayaa sheegay inuu [...] Source
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan CabdiShakuur Warsame ahna hoggaamiyaha Xisbiga wadajir ayaa sheegay in xilligaan ay walwal iyo cabsi ka qabaan inay dalka Soomaaliya ka dhacdo doorasho loo dhan yahay. Waxaa uu sheegay in walwalkaas uu ku yimid in waqti yar ay dowladda Soomaaliya madaxdeeda uu u haray, hadadna aysan muuqan qorsho ay ay madaxda dowladda u dejiyeen doorashada soo socota. “Waxaan qabnaa walwal doorasho, waayo waqti sanad iyo waxyar ah ayaa u harsan madaxda dowladda welina lama wadaagin dadka Soomaaliyeed sida ay doorashada ku dhici karto noomana muuqato in qof iyo cod dalka ka dhacdo ayuu yiri” Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Isaga oo la hadlayay idaacadda VOA-da, ayuu Cabdiraxmaan sheegay in Madaxda Dowladda Soomaaliya uu qorshahoodu yahay inay sameeyeen mudo kororsi, taasina ay u keentay walwalka dhinaca doorashada ah oo ay qabaan. Waxa dhanka kale uu ugu baaqay Madaxda Dowladda Federaalka inay joojiyaan dagaalka siyaasadeed oo ay ku haayaan siyaasiyiinta ka aragti duwan iyo maamul Goboleedyada oo kala dhaxeeya talada dalka, loona baahan yahay in madaxda dowladda iyo siyaasiyiinta iyo Xildhibaannada labada Aqal ay ka wada tashadaan qaabka ay u dhici laheyd doorashada. Hadalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli siyaasiyiin badan oo ay kamid yihiin Madaxweynayaashii hore ee soomaaliya ay Madaxda Dowladda ku eedeeyeen inay qorsheynayaan mudo kororsi. Hoos ka dhageyso codka Cabdiraxmaan https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/11/Cod-Cabdiraxmaan-Cabdi-shakuur.mp3 caasimada@live.com
  15. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaanno Ka Tirsan Golaha Guurtida Oo Si Adag Uga Soo Hor-jeestay Guddi Loo Saaray Muddo-kordhinta Loo Gudbiyay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  16. (SLT-Hargeysa)-Garyaqaan Mubaarik Aar ayaa eedaymo u jeediyay Madaxweynaha Somaliland, xisbiga Waddani, golaha wakiillada iyo Guurtidaba waxaanu sheegay in qodobo sharci ay jabiyeen, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. (SLT-Boorama)-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sheegay inaan Cidna loo daba fadhiisanayn ilaalinta Amniga guud ee Gobolka Awdal. Madaxweyne ku-xigeenka oo Maanta hadal ka jeediyey Magaalada Boorama ayaa sheegay inaan la aqbali karin in Madax-dhaqameedka iyo Waxgaradka Awdal ay iska soo afjari waayaan Dadka Amnigooda xumaynaya ee Jabhadaha ka dhex samaynaya deegaankooda. Saylici oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Reer Awdaloow Nabadgalyada la idinkama martiyayo oo Xukuumadda ayaa ka masuul ah, laakiin Talo ayaanu idinku leenahay.” Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu sheegay oo kale “Idinka yeeli mayno Inan halkaa jooga ayaanu la soo hadli kari waynay ama qaban kari waynay.” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey inaan Cidna Dawladdu lacag ku siinayn inay gudato doorka ay ku leedahay amniga “Lacagna ku siin mayno Ninka hawshiisa qabsan kari waaya, Bari baa Lacag la geeyaa ayay Salaadiintu ku hadlayaan, taasi waa Nasiib-darro, masiibaa loo geeyaa bariga Lacagta ee Masiibo Ilaahay barya, waar Ilaahay ka baqa.” Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland waxa uu ka hadlay horumarka ka jira Gobolka Awdal iyo sida aan xilligan loogu baahnayn dhibaato amni-xumo in la abuuro “Tuulooyinka Gobolka Awdal meel aan Maanta biyo macaan laga cabbayn ma jirto, waar taa la idinlama qabo.” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in Qaranka Somaliland awood u leeyahay inu Tallaabo ka qaado Ciddii Amniga waxyeelaysa, sida Jabhadaha oo kale, balse Shacabka loo tudhayo “Qaranka Somaliland Cid iska celin kartaa ma jirto, laakiin waalla idin dhowrayaa oo dhimasho iyo dhiig ayaa laga war-wareegayaa, haddaad maqasheen Illaa Caarre, Doqoniimo nagama ah ee waxay naga tahay Dadkiina yaanu dhibku ku dheeraanin. halkana (Awdal) boqol Qof oo Buur hoos fadhiistay Ilbidhiqsi naguma qaadanayso..” Hadalka Madaxweyne ku-xigeenka ayaa imanaya xilli galbeedka fog ee Gobolka Awdal ay dhaqdhaqaaqyo ka wadaan Jabhad la sheegay inay amar qaataan Suldaan Waber, sidoo kalena Toddobaadkii hore uun la soo xereeyay Jabhad lagaga dhawaaqay deegaan ka mid ah Awdal. Source
  18. Gun-toting militants with the Al-Qaeda-linked Al-Shabaab were reported to have seized control of a small village in Sanaag region, located the relatively calm Sanaag region. Residents in Ga’an-Maroodi said heavily armed Al-Shabaab fighters poured into the area and then began a military movement to secure their full control. Multiple sources told Radio Shabelle station in Mogadishu that there is a brewing tension in the locality and villagers are in panic of possible fighting between Al-Shabaab and troops. Al-Shabaab seems to be expanding its control to areas in northern Somalia after facing increasing military pressure in the south of the country. View the full article
  19. Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif) oo malamahan socdaal ku jooga deegaanaada dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta xaflad soo dhoweyn ah loogu sameeyey gudaha saldhigga Booliska magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Taliyaha ciidanka Booliska magaaladaasi, Cabdullaahi Macalin Xasan ayaa taliye Kaniif ku soo dhoweey halkaasi, ugana mahadceliyey booqashadiisa. Dhankiisa Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska oo madasha ka hadlay ayaa kula dardaarmay ciidamada amniga inay xoojiyaan nabad gelyada deegaanada Galmudug. Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/War-Xasan-wali-dhuusamareeb.mp3 View the full article
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dhaleeceysay go’aankii Golaha Amaanka QM uu 15-kii bishan November kusii kordhiyey xayiraddii hubka ee muddada saarneyd Soomaaliya. La-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya Cabdi Saciid Maxamed Cali oo qoraal soo dhigay barta twitter-ka, ayaa cunaqabateynta uu meel-mariyey golaha ammaanka ku qeexay “mid xanibeysa awoodda ay Soomaaliya ku heli karto hub lagama maarmaan u ah in laga adkaado argagixisada.” “Soomaaliya waxay dhisayaa ciidamo awood leh oo naftood u huraya si ay ula dagaalamaan argagixisada islamarkaana u bad-baadiyaan shacabka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri. Cabdi Saciid ayaa dhinaca kale eedeyn u jeediyey qaar ka mid ah “saaxiibada Soomaaliya”, isaga oo yiri “Saaxiibada qaarkood waxaa cad inaysan xiiseeneyn inay na taageeraan islamarkaana ay qalabeeyaan ciidamadeena, balse ay abuurayaan caqabado iyo xanibaado, ayaga oo islamarkaana noogu baaqaya inaan wax badan qabanno.” Waxa uu ammaanay qaar ka mid ah dalalkii ka aamusay codeyntan ee la saftay Soomaaliya, oo uu ku qeexay kuwa doonayey inay garowsadaan inay caqli ahaan qalad tahay in ciidamada xoogga Soomaaliyeed loo diro dhufeysyada dagaalka ayaga oo aan haysan hub iyo qalab. “Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxay sii wadi doontaa inay sameyso wax kasta oo ay ku difaaceyso nafteena iyo ciidankeenna, ha la taageero ama yaan la taageerin.” Ayuu yiri. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa jimcihii waxaa uu sanad hor leh ku daray qaadista qeyb ka mid ah cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, iyada oo sanadkan lagu kordhiyey xayiraad la saaray waxyaabaha kiimikooyinka ee loo adeegsaday sameynta waxyaabaha qarxa. 15-ka xubnood ee golaha ee codeeyey 12 waxaa ay ogolaadeen in cunaqabateynta la kordhiyo halka Shiinaha, Russia iyo Equatorial Guinea ay ka aamuseen. Cunaqabateynta ayaa socon doonta ilaa Nofembar 15, 2020. caasimada@live.com
  21. Kulankii lagu ansixiyay Miisaaniyadda Golaha wasiirrada Somaliland, ayaa maanta oo Axad si rasmiya u ansixiyay oddoroska Miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2020-ka. Miisaaniiniyad-sannadeedka 2020-ka oo ay golaha horkeentay wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somalilnad, ayaa cadadkeedu dhan yahay 2,751,304,880,098 (Laba Tiriliyan, Toddoba boqol kow iyo konton Bilyan, Saddex Boqol iyo Afar milyan, Siddeed boqol iyo siddeetan kun iyo siddeed iyo sagaashan shilin), waxana ay 18% (Boqolkiiba siddeed iyo toban) ka badan tahay miisaaniyad-sannadeedkii 2019ka. War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in oddoroska Miisaaniyadda cusub uu diiradda saari-doono arrimaha nabadgelyada, Ictiraaf-raadinta, horumarinta caafimaadka, Biyaha, waxbarashada, doorashooyinka, daryeelka degaanka iyo duur-joogta, wax soo saarka Beeraha iyo Kalluunka, Macdanta iyo Tamarta iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in meelaha la oddorasayo in ay miisaaniyadda cusubi ka imaan doonto, ay kamid tahay cashuuraadka kala duwan ee ay muwaadiniinta reer Somaliland bixiyaan oo halbawle iyo u ah as’aaska dawlad-nimada. Miisaaniyad-sannadeedka 2020-ka, waxaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay dhammaanba xubnihii golaha wasiirrada ee kulanka ku sugnaa, sida uu sheegay Af-hayeenka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac. Halkaan ka daawo muuqaalka oo dhan PUNTLAND POST The post Golaha wasiirada Somaliland oo ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee 2020-ka appeared first on Puntland Post.