-
Content Count
214,001 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Dubai)-Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa safar uu Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ugu ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, isaga oo marka hore ku horeeyay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya. Safarka Madaxweynaha oo ahaa mid aan hore loo qorsheyn, isla markaasna ayna sharaxaad ka bixin madaxtooyada Puntland, ayaa waxaa ujeedkiisa yahay sidii uu mas’uuliyiinta Imaraadka Carabta ugu qancin lahaa in ay sii wadaan qandaraaska Shirkadda PDG oo qaabilsan Adeega iyo Saadka ciidanka Badda Puntland ee PMPF. Khilaaf ba’an oo soo kala dhex-galay saamileydii ku midaysnaa shirkadda PDG ayaa keenay inay istaago taakuleyntii Imaaraadka Carabta siin jiray ciidamada MPPF, oo socotay muddo ku dhow 10 sanno. Lixdii bilood ee lasoo dhaafay ayaa waxaa istaagay oo khal-khal ku yimaaday howlihii shirkadda, waxayna taas keentay inay Imaaraadka Carabta joojiyaan taakuleyntii ay siin jireen Shirkadda PDG. Khilaafka ka taagan qadanraaskaan ayaa cirka isku sii shareeray markii ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo garab ka helayo Maleeshiyo Beeled hubeysan ay gudaha usoo galeen Magaalada Boosaaso iyagoo ka gadoodsan khilaafka u dhaxeeyo saamileyda Shirkadda PDG. Qaar kamid ah isimada Dhaqanka iyo madaxweyne Deni ayaa la xaqiijiyay in ay soo af-jareen khilaafkii u dhexeeyay Saamileeyda shirkadda PDG, islamarkaana uu madaxweynuhu ballan-qaaday in uu mas’uuliyiinta Imaaraadka ku qancin doono, in ay sii wadaan Qandaraaska PDG ee Taakuleynta ciidanka PMPF. Heshiiskaas ayaa keenay safarka Madaxweyne Deni uu ku aaday Imaaraadka Carabta, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn inay imaaraadka aqbali doonaan codsigiisa ah in dib loo soo celiyo taakuleyntii la siin jiray Shirkadd PDG. Source
-
Qoys Soomaaliya oo Mucjiso ku dhacday Qoys ku nool meel ku dhow deegaanka Yoonbays oo 100km u jirta magaalada Garowe ee Gobolka Nugaal, ayaa la kulmaya arrin la yaab leh oo argagax ku abuurtay. Reerka waa xoolo dhaqato. Sida ay sheegeen, wax aan la arki karin ayaa bireynaya arigooda, gaar ahaan waxaraha yaryar, mana garanayaan ciidda waxaas sameyneysa. Ariga qaar ka mid ah waxaa laga jaray dhegaha, naasaha ama lugaha. Cabdiwali Faarax Warsame oo ah aabaha qoyskaas ayaa BBC Somali u sheegay in dhacdadaas ay reerka la kulmayeen muddo shan maalmood ah. “Arigu wuu bireysan yahay; wax aan la arag ayaa bireynaya. Neefka waxa loo gowracayaa sida dadka caadiga ah ay u bireeyaan,” ayuu yiri. Wuxuu intaa ku daray in “la soo qaado neefka oo bireysan, la geeyo guriga ama qeyb ka mid ah la soo gooyo oo loogu geeyo gurigooda.” “Waxa soo qaadaya lama arki karo. Waxaa la arkayaa neefkii oo guriga iriddiisa yaalla ama isagoo saxamada ama digsiyada ku dhex jira, ama dabka saaran.” Cabdiwali wuxuu BBC Somali u sheegay in shalay ay seddax neef sidaa noqdeen, xalayna laba, saakana mid kale. “Arigaa birtu ku billaabatay wuu badnaa, neefkii ugu dambeeyay hadda ayaan dul taaganahay,” ayuu ku sheegay wareysiga uu siiyay BBC. “Ma aanu maqal dhacdadan oo kale cid ay horey ugu dhacday, horeyna umaynaan arag, wax sheegayana ma jiraan”, ayuu yiri Cabdiwali. “Wax aan ognahay oo cillad ah ma jirto, waan baarnay waana waynay. Ma ogin wax sabab ah oo kallifaya in sidan wax noqdaan”, ayuu yiri. Ariga qaar ba dhegaha, naasaha iyo lugaha laga jaray. Sida uu sheegay, ma jirto cid aragtay waxa arrintan sameynaya. “Wax loo jeedo ma ahan. Neefkii oo dhiig uu ka baxayo unbaa la arkayaa”. Wuxuu intaa ku daray in uusan ka shakisanayn in dad caadi ah ay arrintan ka dambeeyaan. “Waxaan arkeynaa neefkii oo dhaawac ah mararka qaar, oo cidina aysan la joogin, mididiina ay ag taallo”. “Waa midiyihii reerka. Anagu waanu waynay dhammaan midiyaha; gebigoodaba waala waayay”, ayuu hadalkiisa ku daray. Reerkan ayaa billaabay Quraan akhris. Waxay u yeerteen afar wadaad oo 30-ka jus dhammeeyay, balse “weli arrintii way socotaa”, sida uu aabaha reerkaas xaqiijiyay. “Waxaanu keennay wadaado kale oo afar ah, iyaguna Quraan bay akhriyeen, shalay galab bay dhammeeyeen. Haddana, inagoo badan waxaan sugeynaa wadaado kale oo aanu keenno”. Reerkan ayaa mar hore ka guuray xeradii ay degganaayeen. Meeshii ay degeen ayey “arrintan la yaabka leh uga daba tagtay”. “Laba habeen ka hor ayaan u raray (reerka) xero kale oo cusub, oo illaa 24km u jirta (meeshii hore)”, ayuu yiri. laakiin xaalladii way daba socotaa. “Alle baryadiisa iyo Quraanka akhrin ayaan badsanayaa. Alle isagaa waxan naga dul qaadi kara”, ayuu yiri Cabdiwali Faarax Warsame. Qaran News
-
Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah waxay kulan ku leeyihiin magaalada Muqdisho, kaasi oo arrimo dhowr ah looga hadli doono. Waxa ay xildhibaannada ay akhrinta Labaad marsiin doonaan ku noqoshada miisaaniyadda dowladda ee sanadkaan, kaas oo horey loo mariyey akhrinta Koowaad. Waxaa jira xildhibaanno dhaliilsan xukuumadda federaalka, kuwaasi oo sheegay iney ku tumatay hantidii shacabka, welina aanay jirin cid ay shaqaaleysiiyeen. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Ciraaq)-Ugu yaraan shan qof oo dibadbaxayaal ah ayaa ku dhintay halka tiro kalena uu dhaawac ka soo gaadhay Axadii shalay dibadbax ka dhac qeybo ka mid ah koonfurta dalka Ciraaq. Saraakiisha caafimaadka iyo laamaha Amniga ayaa xaqiijiyay warkaan iyadoo laga cabsi qabo in khasaaraha ka dhashay isku dhaca dhaxmaray ciidanka amniga iyo shacabka uu sii kordho. Magaalada Naasiriyah ayaa ciidanka booliska waxay rasaas nool nool u adeegsadeen shacabka si ay u hakiyaan dibadbaxa iyadoo goob-joogayaaal ay u xaqiijiyeen in saddex qof lagu dilay goobta. Isku dhacaan ayaa dhanka kale waxaa ku dhaawacmay Inkabadan Konton qof waxaana dab la qabadsiiyay xafiisyo ay dowlada leedahay. Dibadbaxyada ka socda dalka Ciraaq ayaa shacabka waxay ku dalbanayaan helida adeegyada aas aasiga u ah nolosha sida biyaha Korontada iyo shaqo abuur loo sameeyo dhalinyada. Dalkaan carbeed oo ka mid ah wadamada hodanka ku ah shidaalka ayaa dadkiisa waxay la dhibtoonayaan shaqo la’aan iyo dhaqaale-darro baahsan. Source
-
Dowladda Kenya ayaa lagu soo waramayaa in ciidan aad u badan ay soo dhoobtay xadka aan rasmiga ahayn ee ay la wadaagto Soomaaliya, gaar ahaan dhanka degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo. Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan degmadaasi oo u waramay Goobjoog News, waxay sheegeen in ciidankaan aad uga badan yihiin kuwii hore ee Kenya halkaasi u joogay. Ciidankaan ayaa wata gaadiidka dagaalka oo ay ku rakiban yihiin hub culus, waxaana ay halkaasi ka bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo aan ulajeedkooda la ogeyn. Dadka ku dhaqan degmada Ceelwaaq ayaa sheegay in cabsi badan ay soo wajahday, maadaama ciidankaan aan looga baran dhaq-dhaqaaqyo sidan oo kale ah. Dhanka kale, ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ciidankaan ay garab siinayaan madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo loo diidey sida la sheegay inuu booqdo qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Gedo. Kenya iyo Itoobiya ayaa ku loolamaya gobolka Gedo oo hoostaga dowlad goboleedka Jubbaland, iyadoo Itoobiya ay taageerayso DFS halka Kenya ay garabsiineyso Jubbaland. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nin si la yaab leh diyaaradaha ku raaci jiray oo la qabtay Nin lagu magacaabo Rajan Mahbubani, una dhashay dalka Hindiya ayaa lagu qabtay Magaalada Delhi, kadib markii la ogaaday in qaab la yaableh u ku raaci jiray diyaaradaha. Ninkan oo da’diisu ay tahay 48 sano jir ayaa xiran jiray direyska duuliyeyaasha shirkadda duulimaadyada ee Lufthansa, si uu u khaldo shaqaalaha garoonka , looguna oggolaado in uu dhaafo albaabada la isku baaro. Farsamada uu adeegsan jiray ayaa u shaqeysay Rajan kahor inta aanan lagu xirin garoonka Gandhi International. Booliska dalka Hindiya ayaa sheegay in markii la ogaaday ninkan uu doonayay in uu raaco diyaarad ay leedahay shirkadda AirAsia oo kusii jeeday Magaalada Kolkata. Taliye ku xigeenka booliska ee garoonka ayaa warbaahinta CNN u sheegay in shaqaale kamid ah shirkadda Lufthansa uu arkay ninkan, kadibna uu ku wargeliyay laamaha ammaanka ee garoonka, isagoona u sheegay in uu arkay qof uu ka shakiyay, kaas oo iska dhigayay duuliyeyaasha shirkadda Lufthansa. Mahbubani, oo ka soo jeeda Magalaada New Delhi ayaa booliska waxaa kale oo ay shegeen in uu watay kaar aqoonsi oo been abuur ah, una adeegsan jiray in uu ku galo garoonka, si uu u helo mudnaan gaar ah. “Kadib markii la xiray, Mahbubani waxaa uu inoo sheegay in u muuqaalo ku saabsan arrimaha duulimaadyada kasoo duubo garoonka oo uu soo dhigo YouTube iyo TikTok, kaarka aqoonsigana uu ka helay dalka Thailand,” ayuu yiri taliye ku xigeenka booliska ee garoonka, Mr Bhatia. Booliska ayaa gacanta ku dhigay ninkan Ninkan ayaa waxaa kale oo uu booliska u sheegay in waligiiba uu jeclaa in uu ku labisto dareys kala duwan, waxaana booliska ay taleefonkiisa gacanta ka heleen sawiro muujinaya ninkan oo xiran dareeska ciidmamada milateriga. “Mahbubani waxaa uu sheegay in marwala uu raaci jiray diyaaradaha isagoo xiran dareyska duuliyeyaasha, sidaas na uu uga gudbi jira albaabada la isku baaro, mudnaan gaar ahna la siin jiray,” ayuu raaciyay Bhatia. Wuxuu intaa ku daray in ninkan uu adeegsan jiray albaabka ay isticmaalaan shaqaalaha shirkadaha diyaaradaha. Waxaa uu haatan ku jiraa gacanta booliska, waxaana lagu soo eedeeyay dembiyo ay ka mid yihiin khiyaano iyo in uu iska dhigay wax uusan ahayn. Haddii dembigan lagu helo, waxaa laga yaabaa in lagu xukumo xabsi, ganaax ama labaduba. Ma ahan markii ugu horeysay oo dhacda noocan oo kale lagu arkay dalka Hindiya, gaar ahaan garonka Gandi. Waxay ahayd dabayaaqadii bisha Sabtembar ee sanadkan, kadib markii nin 32 jir oo lagu magacaabo Jayesh Patel uu iska dhigay odhay 81 jir ah, sii uu u raaco diyaarad u socotay Magaalada New York ee dalka Mareykanka. Qaran News
-
By T. Roble Somaliland Parliament has renewed its lease of life for the sixth time extending its uninterrupted stay for 17 years defying local and international pleas. In what has become a convenient tool to settle political scores and silence dissent, the House of Elders (Guurti) cast a majority vote (70/71) Saturday adding itself 3 years and dolling the Lower House a 2 years extension. The vote effectively makes Somaliland parliament one of the longest-running in a democracy in the world. Children born when the current parliament was elected in 2005 are past eligibility age to vote. HISTORY OF DELAYS The first elections after 2005 were 2010 but that deadline came and passed and new elections were set for April 2013. But there was then a delay on grounds that the parliamentary elections needed to be aligned with the presidential one. A new date, September 2015 was set but then another excuse arose-the electoral commission was not prepared to conduct the exercise. Endorsed without question, Parliamentarians were in again for the tenth-year drawing salaries from the exchequer from a blank cheque. March 27, 2017 was the decisive date when international partners notably the EU which had invested in preparations for the polls held hope the break-away region would finally agree to put to test its legislators. But there was yet another convenient and timely excuse- the drought. EU PRESSURE International donors had poured in money to Somalia to avert a looming famine and the EU saw no reason for electoral delays. “As international partners made clear this week in Hargeisa, the drought should not be used as an excuse for putting the democratic process in Somaliland on hold,” the EU said in a statement January 27, 2017 following the announcement the March 2017 polls would be postponed. “Somaliland’s reputation and credibility will suffer another severe blow from this decision. Somaliland stands at risk of losing the international attention it has enjoyed until now from committed international partners by virtue of its status as a budding democracy,” the EU warned. The warning yielded no results and even thoughts Somaliland would accede to it in the hope of getting favorable outlook for its quest for international recognition faded out. YET MORE EXTENSIONS The elections were extended to October 27, 2018 and later to March 2019. But when the March 2019 deadline approached, Somaliland polls body made a prompt statement in November 28, 2018 indicating the expected exercise would be put off until further notice. SNEC chairman Abdikadir Iimaan Warsame told the media in Hargeisa the polls body was forced to adjust the dates following time constraints and pressure from the opposition. The opposition Waddani had expressed lack of confidence in the electoral body. Come November 2019 and there’s a push and pull between the opposition and the government over the composition of Somaliland National Electoral Commission. Waddani hits the streets, demos erupt, its officials arrested. As if to forestall further political instability, the Elders (Guurti) pull what they know best- we take three, Lower House two. Qaran News
-
Magaalada Muqdisho waxaa xalay illaa gelinkii dambe ee shalay ka da’ay roob saameyn ku yeeshay isku socodka magaalada iyo sidoo kale dadka barakacayaasha ah. Waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho qaarkood waxaa fariistay biyo kasoo rogmaday xaafadaha, waxaana sidoo kale jira jidcadayaal ay biyuhu xireen. Dhanka kale, biyo badan ayaa ku rogmaday qaar kamid ah kaamamka barakacayaasha ee ku yaalla magaalada Muqdisho, sida kan sayidka oo ay biyo galeen iyo sidoo kale kuwo ku yaalla degmada Kaxda. Qoysas badan ayaa xalay waaga u baryey iyaga oo biyaha dhextaagan, maadaama guryahooda oo markii hore ka sameysnaa cooshado ay biyuhu galeen. Dadka barakacayaasha ah ayaa u baahan gurmad dhan walbo leh oo ay ugu horreyso bacaha roobka laga galo. Dhanka kale, Maxamed C/laahi Tuulax oo ah guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir iyo xubno kale oo maamulka gobolka ka mid ayaa kormeer ku tagay degmooyinka Hodan, Howl-wadaag,Wadajir, Xamar Jajab iyo Dharkeenleey, waxaana ay u kuurgalayeen saameynta roobka uu ku yeeshay dadka shacabka ah. Tuulax ayaa sheegay in gurmad ay u sameeyeen qoysas badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo uu saameeyey roobka saacadihii lasoo dhaafayey ka da’ayey magaalada Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidanka amniga Puntland ee loo yaqaano (PSF) ayaa sheegay in maanta oo taariikhdu tahay 25 November 2019, hawlgalo ka dhan ah kooxda Daacish ay ka sameeyeen buuraleyda degaanada Gol-cadaabeed iyo Moqor ee Buuraha Cal Miskaat. “Hawlgalkani waxaa uu qayb ka yahay hawlgallo joogto ah oo ay muddooyinkan dambe ciidanka PSF ka wadeen buuraleydaas si looga sifeeyo degaanadaas Al-Shabaab iyo Daacish” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay ciidanka PSF ee dowlad goboleedka Puntland. Laguma sheegin qoraalka waxyaabaha ay ciidamadu ku soo qabteen howlgalkooda iyo haddii ay jiraan wax iska horimaadyo ah oo dhexmaray ciidamada iyo kooxda Daacish. Puntland ayaa dagaal kula jirta Al-Shabaab iyo Daacish oo ku sugan buuraleyda Galgala iyo Cal Miskaat ee G/Bari, kuwaas oo mararka qaarkood soo qaada weeraro kala gedisan. View the full article
-
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa ka qeyb galay munaasabad soo gootin ah oo loo sameeyey xubnaha isxilqaameyaasha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya ee uu hoggaaminayiyey Sheekh Maxamed Cabdi Umal, kuwaas oo soo gaarsiiyey dalka deeqda ay kaga qeyb qaadanayeen gurmadkii loo fidiyay dadka soomaaliyeed ee dhibaatada ka soo gaartay roobabkii iyo fatahaadahii ku dhuftay qaybo ka mida dalka. Munaasabaddan oo ay goobjoogayaal ka ahaayeen wasiiro, xildhibaanno , culima udiin, iyo waxgarad kale, waxa uu Guddoomiyuhu ugu horeyntii ka codsaday qaybaha culimada in ay sii dardar geliyaan doorkooda muuqda ee wacyi gelinta bulshada, ilaalinta midnimada iyo la dagaallanka fikirka gurracan ee argagixisada. Guddoomiye Cumar Filish ayaa ku bogaadiyey xubnaha wafdigaan, gaar ahaan Sheekh Maxamed Cabdi Umal doorka hoggaamineed ee uu ka qaatay sidii Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ay gacan muuqata uga geysan lahaayeen howlahii gurmadka. Duqa Muqdisho ayaa la wadaagay culimada Soomaaliyeed sida Maamulka Caasimadda ay uga go’an tahay in ay garabsadaan oo kaalin hormuudnimo ay ka siiyaan barnaamijyada wacyi gelinta, dariseynta iyo dib u heshiinta, asigoo ugu danbayntii faray culimada soomaaliyeed in ay horseed u noqdaan xaqiijinta bulsho mideysan oo u jiheysan dhanka horumarka iyo wax wada qabsiga. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Subax-25112019.mp3 View the full article
-
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa ka qeyb galay munaasabad sagootin ah oo loo sameeyey xubnaha isxilqaameyaasha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya ee uu hoggaaminayiyey Sheekh Maxamed Cabdi Umal, kuwaas oo soo gaarsiiyey dalka deeqda ay kaga qeyb qaadanayeen gurmadkii loo fidiyay dadka soomaaliyeed ee dhibaatada ka soo gaartay roobabkii iyo fatahaadahii ku dhuftay qaybo ka mida dalka. Munaasabaddan oo ay goobjoogayaal ka ahaayeen wasiiro, xildhibaanno , culima udiin, iyo waxgarad kale, waxa uu Guddoomiyuhu ugu horeyntii ka codsaday qaybaha culimada in ay sii dardar geliyaan doorkooda muuqda ee wacyi gelinta bulshada, ilaalinta midnimada iyo la dagaallanka fikirka argagixisada. Guddoomiye Cumar Filish ayaa ku bogaadiyey xubnaha wafdigaan, gaar ahaan Sheekh Maxamed Cabdi Umal doorka hoggaamineed ee uu ka qaatay sidii Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ay gacan muuqata uga geysan lahaayeen howlahii gurmadka. Duqa Muqdisho ayaa la wadaagay culimada Soomaaliyeed sida Maamulka Caasimadda ay uga go’an tahay in ay garabsadaan oo kaalin hormuudnimo ay ka siiyaan barnaamijyada wacyi gelinta, dariseynta iyo dib u heshiinta, asigoo ugu danbayntii faray culimada soomaaliyeed in ay horseed u noqdaan xaqiijinta bulsho mideysan oo u jiheysan dhanka horumarka iyo wax wada qabsiga. Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeri ah ayaa ka soo baxay kulamo u dhexeeyey hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljamaaca iyo guddi ganacsato reer Galmudug ah oo dhowaan ka ambabaxay magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Kulamadan oo ka qabsoomay gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa waxaa diirada lagu saaray xaaladda Galmudug, gaar ahaan tabashada ay qabto Ahlu Sunna, si loo guda galo dhismaha wejiga labaad ee maamulkaasi. Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa natiijo la’aan ku soo dhammaaday kulamada labada dhinac, iyadoo guddiga ganacsataduna ay dib ugu soo laabteen Muqdisho. Wararka aan helnay ayaa sheegaya in hoggaanka Ahlu Sunna ay hordhigeen ganacsatadaasi inay ku qanci karaan kaliya heshiiskii ay horay ula galeen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee ahaa in 35 xildhibaan laga siiyo baarlamaanka cusub. Ilo ku dhow shirarkaani ayaa sidoo kale inoo xaqiijiyey in guddigii ganacasatada ee ka baxay magaalada Muqdisho ay ku guul dareysteen inay Ahlu Sunna qanciyaan, islamarkaana aysan jirin wax natiijo ah oo labada dhinac ay ku gaareen kulamadaasi. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dooneysa in la yareeyo xubnaha ay Ahlu Sunna ku yeelaneyso baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Galmudug, iyadoo dowladdu ay rabto in la siiyo 15 xildhibaan. Xaaladda Galmudug ayaa weli cakiran, waxaana hakad ku jira howlaha dhismaha ee maamulkaasi oo dhowaan galaya doorasho guud.
-
Xaalad go’doon ah oo ka jirta gobolka Guardafui ee Puntland
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Sawirka mid kamid ah wadooyinka go’ay Guddoomiyaha degmada Gumbax ee gobolka Guardafui, Cismaan Maxamed Balli oo saaka wareysi siiyay Puntland Post, ayaa sheegay in degaankaasi iyo guud ahaan gobolka Guardafui ay ka jirto xaalad go’doon ah, kadib markii roobab mahiiggaana gooyeen waddooyinkii halbawlaha u ahaa, isu-socodka gaadiidka ee gobolkaasi. Guddoomiyaha ayaa sheegay in mudda 15 beri ah, aysan jirin wax gaadiid ah oo degmada Gumbax iyo guud ahaan gobolka Guardafui uga yimid dhinaca magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, Kadin markii roobab xooggan oo halkaasi ka da’ay ay gebi ahaanba jareen waddooyinkii soo geli jiray gobolka. “ In 15 beri ah, waxa weeye gobolka Guardafui iyo degmadan Gumbax wax baabuur ah oo yimid oo Boosaaso uga yimid oo badeecad u keenay ma jiraan. Dhibaatada dhacdayna waxa weeye, waddooyinkii baa go’ay, awalna hadde dalku waddooyin ma lahayn, kuwa macmil dadku ka shaqeeyo oo hadba meel dhagax saaro oo dhagax ka qaado ayay ahayd” ayuu yiri guddoomiyaha. Sidoo kale, wuxuu sheegay in degmada Gumbax ay ka go’doonsantahay dhinaca Badda ee loo baxsan lahaa wakhtigaan oo kale, kadib markii maraakiib iyo doomo jariif ah ay kalluumaysatadii degaanka u diideen in ay foodda geliyaan gudaha Badda, islamarkaana hadda kalluumaysatadii ay gidaarada iska fadhiyaan. Hoos ka daawo wareysiga guddoomiyaha oo dhan PUNTLAND POST The post Xaalad go’doon ah oo ka jirta gobolka Guardafui ee Puntland appeared first on Puntland Post. -
Not a stranger to having its planes impounded, one of Air Tanzania’s new aircraft was seized by Canadian authorities this week. According to BNN-Bloomberg, the Bombardier Q400 was impounded because of a “land-compensation dispute” that dates all the way back to the 1980s. Source: Hiiraan Online
-
In the outskirts of Hagadera market sits Block J5. This is one of the many blocks (villages) that make up the Hagadera Refugee Camp, which is part of the larger Dadaab refugee complex, the world’s largest by population. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Heshiiskii ay 20-kii bishan magaalada Muqdisho ku gaareen madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaashii ka horeeyey ee matalayey Madasha Xisbiyada Qaran ayaa durba wajahaya caqabad kadib markii Madasha ay eedeyn culus u jeedisey madaxweynaha. Madasha ayaa qoraal ay shalay soo saartay oo ku saabsanaa xaaladda Jubaland, gaar ahaan gobolka Gedo, waxay madaxweynaha ku eedeysay inuu durba ka baxay “qaar ka mid ah qodobadii ay kala hadleen.” “Madasha Xisbiyada Qaran waxey umadda Soomaaliyeed u caddaynaysaa in qodobadii ay kala hadashay madaxweyne Farmaajo kulankii arbacadii ee 20/11/2019 la soo dhaafey dhacey ay ka mid aheyd arrinta Jubaland iyo Gobolka Gedo, dhacdooyinka isdaba-yaalla ee gobolka Gedo ka dhacayana ay u muuqdaan in madaxweynuhu ka gaabinayo mas’uuliyaddii loo igmadey, taasoo bilow u ah in uu ka baxayo qodobadii madasha ay ka wada hadleen qaar ka mid ah.” Arrintan Jubaland iyo Gedo, kama mid ahayn shanti qodob ee Madasha Xisbiyada ay shaaca ka qaadeen inay kula heshiiyeen madaxweynaha. Sidoo kale, Madasha waxay sheegtay in madaxweynaha ay arrintan kala hadleen oo kaliya, taas oo macnaheedu uusan ahayn in heshiis laga gaaray. Si kastaba, waxaa durba muquda in labada dhinac ay kala boodayaan. Xiisadda Jubaland ayaa ah mid ka mid ah arrimaha ugu xasaasisan ee dalka ka taagan, waana arrintii sababtay isku daygii dowladda ku hor-istaagtay ka qeyb-galka madaxadii hore ee caleemo saarka Axmed Madoobe. Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamada Itoobiya u adeegsatay inay inta badan usoo gacan geliyaan gobolka Gedo, taasi oo ka carreysiisay Jubaland iyo xisbiyada mucaaradka ah, mana muuqato inay joojin doonto qorshaheeda ah in gobolka Gedo ay ka goyso Jubaland. Haddii tani ay sii socoto waxay hormuud u noqon doontaa in heshiiska madaxweynaha iyo Madasha lagu kala boodo, xiisad cusubna ay mar kale ka dhex dillaacdo labada dhinac.
-
A campaign to vaccinate some 1.7 million children in Somalia was launched on Sunday by the country’s government, in partnership with the World Health Organization (WHO) and the UN Children’s Fund (UNICEF). Source: Hiiraan Online
-
Ciidamo ka tirsan Booliiska DFS iyo koox hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay ku dagaallameen xaafadda Gubta, degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadkan uu yimid kadib markii ay ciidamada ka warheleen kooxdan hubeysan oo dhac u geysanayey dad rayid ah oo ku sugan Dayniile, waxaana xogta kooxdan usoo gudbiyey ciidamada dad shacab ah. Markii ay ciidamada gaareen halkaasi ayaa la sheegay in rasaas ay kala kulmeen kooxdii dadka dhacaysay, iyaguna ay iska caabiyeen. Hal qof oo rayid ah ayaa rasaastaasi ku dhintey, mid kalena waxaa la xaqiijiyey in dhaawac uu kasoo gaaray, sida ay inoo xaqiijiyeen goob joogayaal. Taliska ciidanka Booliiska degmada Dayniile iyo maamulka degmadaasi ma jirto weli wax faah faahin ah oo ay dagaalkaasi ka bixiyeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ceel Waaq (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa waxay ciidan xoogan soo dhoobtay xuduuda Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, iyadoo dhinaca kalena aan la garanayn ujeedada rasmiga ah ee ka dambeysa soo dhoobashadooda halkaasi. Ciidamada Militariga Kenya ayaa waxaa Axadii si aan horey loogu arki jirin loogu arkay xuduuda Degmada Ceelwaaq, halkaasoo la soo sheegaya in dhaqdhaqaaq ciidan ay ka wadaan. Warar ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ay garab iyo gaashaanba u yihiin Madaxweyne Ku xigeenka 1-aad ee Maamulka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, oo maalmihii la soo dhaafay ku xanibnaa Degmada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya. Wararka ayaa waxay sheegayan in Madaxweyne Ku-xigeenka loo diiday in uu gudaha u galo qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Gedo, ka dib markii Masuuliyiinta Degmooyinkaasi lagu khasbay inaanay la shaqayn Jubbaland. Jubaland ayaa ciidamada Itoobiya ee aan qeybta ka ahayn Amisom ku eedeysay inay awood ku maquuninayaan gobolka, ayaga oo taageersan dowladda Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliya oo khilaaf uu kala dhaxeeyo Maamulka Jubbaland ayaa waxay Maamulada Degmooyinka Gobolka Gedo ku amartay inaanay la shaqayn Jubbaland, iyadoo qaar ka mid ahna ayba u hoggaansamayn. Madaxda Jubbaland ayaa waxay Dowladda Federaalka ku eedeeyeen inay xaalad ka abuurtay Gobolka Gedo, ka dib markii Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itooviya ay u carbisay inay ka shaqeeyan, sidii gobolkaasi uu uga madax bannaanaan lahaa Jubbaland. Korneyl Aadan Axmed Xersi (Aadan Rufle), Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ayaa dhankiisa waxaa uu Ciidamada Kenya ku eedeeyay inay weligoodba gaashaan u ahaayeen Maamulka Jubbaland.
-
Popular Contributors
