Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Faa’iso Maxamed Jayte oo kamid ah mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta la hadashay Wariyeyaasha ayaa eedeyn culus u jeedisay guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale). Faa’iso Jayte ayaa sheegtay in Madaale uu hadda kahor Fatwo kasoo saaray xeebta Liido, isla markaana uu sheegay inuu ka socda fisqi xoogan, kadibna uu xigay weerarkii Jimcihii lasoo dhaafay lagu qaaday ee lagu laayay dadka badan. “Heer waxaa la marayaa dadkii dadka mas’uulka ka ahaa oo nabad-galyadooda iyo hantidooda iyaga lagu aamninay ay dhahaan fisqi ayaa meesha ka socda oo Gudoomiyihii gobolka fatwooday in Liido la qarxiyo oo dhahay fisqi ayaa ka jira waa wax laga xumaado” ayay tiri Xildhibaan Faa’iso Jayte. Sidoo kale waxa ay xildhibaannadu sii raacisay Meel bannaan ah oo barxad ah oo la’isugu yimiday oo la’isku wada jeedo fisqiga ka socdo muxuu yahay?. Xildhibaan Faa’iso Jayte oo hadalkeeda sii wadata ayaa xukuumadda ku dhaliishay banaan-bixii Isniintii ka dhacay xeebta Liido, waxayna tilmaamay inuu mid digasho ah, isla markaana dano gaar ah laga lahaa, sida ay hadalka u dhigtay. “Waxaan rabaa inaa cambaareeyo banaanbixii lagu sheegay in looga banaan baxaayo dhibaatadii Liido ka dhacday, iyada oo dadka banaanbaxaayay ay ahaayeen shaqaalaha rayidka oo lagu yiri haddii aan banaanbixi weysaan waxaa la’idinka joojinayaan xuquuqdiina oo mushaar ma haleysiin” ayuu hadalkeeda kusii dartay xildhibaanadda. Ugu dambeyn xildhibaanadda ayaa ugu baaqday shacabka Muqdisho inay sameeyaan kacdoon, isla markaana ay ka dhiidhiyaan dhibaatooyinka joogtada ah ee lagu hayo. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo saameyn xoogan uu ka dhashay weerarkii xeebta Liido, kaas oo dhaliyay shaki oo laga muujiyay sida ay Al-Shabaab ku gaareen halkaasi, maadaama ay ka sokeeyaan baro koontarool oo lagu hubiyo gaadiidka. The post “Guddoomiye MADAALE ayaa fatwooday in LIIDO la qarxiyo oo dhahay…” appeared first on Caasimada Online.
  2. 454436630_7847892471972973_7285701088362339069_n Qaran News
  3. Dibad-baxyo rabshada wata oo ay dhigayeen dadka dowladda Ingiriisku ku sheegtay inay yihiin kooxaha midigta fog ayaa gilgilay magaalooyin badan oo ku yaalla dalkaasi. Kuwii dhacay toddobaadkii hore ayaa lagu beegsaday huteelo ay deggan yihiin dad soogalooti ah iyo goobaha cibaadada. Hadda waxaa soo baxaya walaac laga qabo in dadka dibax-baxyada an qorshaysnayn dhiga ee dalkaas bartimaameedsadaan goobaha laga caawiyo magangalyo doonka iyo sidoo kale dadka u dooda soogalootiga sida uu BBC-da u sheegay Khaliil Aden Cabdi oo madax ka ah urur danaha Dhallinyarada Soomaaliyeed ee UK ka shaqeeya. “Magaaladayada Bristol waa ka dhacayaa, qareen caawiya dadka qaxootiga ayey ku balameen inay yimaadaan goobtiisa” ayuu BBC-da u sheegay Khaliil. Dowladda UK, waxay qaaday tallaabooyin ay ku xakameeyeen xaaladda ka dhalatay dibad-baxa rabashada wata iyadoo ilaa 400 ruux, oo lagu eedeeyey rabshadahan ayaa saraakiishu sheegeen in sharciga la horgeyn doono. Khaliil Aadan, oo deggan magaalada Bristol ayaa BBC-da u sheegay in ciidamada boolisku si wanaagsan ugu hortageen in ay dhibaato baaxad leh dhacdo gaar ahaan magaalada uu deggan yahay oo kale balse wali uu jiro walaac ay qabaan. Wuxuu intaa ku daray in jaaliyadda Soomaaliyeed ee deggan Bristol, ay leeyihiin iska warqab joogtaa ayna yeeshaan shirar ay kaga hadlaan arrimahan taagan, basle ay darrreemayan saamaynta arrin dhalisay. “Saameynta ay yeellatay waa mid weyn, dukaamadii ayaan waqtigooda wada furnayn, dhaqdhaqaaqii aad soconaysay ma soconaysid oo waataxadaraysaa oo waxaa ku jirtaa balaayo buulkaga laga jiraa, dadkii shaqyanayey cabsi ayey ku keentay gaar ahaan dadka waqti danbe soo baxayey shaqooyinka, sidoo kale dhaqaalihii ayey culays ku tahay” ayuu yiri Khaliif. Wuxuu intaa raaciyey in xitaa cibaadadii ay saamayn ku yeellatay arrintan oo xitaa aan salaaddihii masaajidada lagu wada tukanayn. “Hadda waxaa iska eegaysaa garabkaga markaa soconaysi, dhinaca iska baa ku jirtaa, masaajidadii waa la xirayaa salaadaha qaar” ayuu intaas raaciyey. Jim McMahon, wasiirka guryeynta bulshooyinka iyo dawladda hoose, ayaa sheegay in uu fahamsan yahay in dadku “ay dareemayaan walaac” ka hor mudaaharaadyo kale oo la qorsheeyay – wuxuuna ku boorriyay dadweynaha inay “feejignaadaan”. Ku dhawaad 6,000 oo sarkaal oo ka tirsan boolisk kala dambeynta dadweynaha ayaa la abaabulayaa si ay uga jawaabaan khalkhal kasta maalmaha soo socda. Dowladdu waxay sheegtay garsoorayaashu ay shaqayn karaan waqti dheeri ah si kuwa lagu oo oogay dacwada rabshada loo horgeeyo sharcigada sida BBC-da u sheegay Khaliil Aadan oo deggan dalkaasi. “Haddii aad sharciga jabiso, tallaabo ayaa lagaa qaadi doonaa,” ayuu yiri duqa London. Sadiq Khan ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X, ee horrey loo oran jiray Twiter, ku sheegay in uu ka warhayo warbixinada kooxda midigta fog ee qorshaynaysa in ay bartilmaameed ka dhigtaan goobo ku yaala London – isaga oo booliiska kala shaqaynaya ilaalinta dhismayaasha la bartilmaameedsanayo. Digniinaha socdaalka eel aga soo saaray UK Xigashada Sawirka,Reuters Dhowr wadan ayaa soo saaray digniino dhanka socdaalka ah oo ku wajahan muwaadiniintooda ku sugan UK, ama u safraya sababo la xiriira mudaaharaadyo iyo rabshado ka dhan ah socdaalka. Dalalka digniinahan durba soo saaray waxaa ka mid ah Nigeria, Malaysia, Australia, Indonesia, UAE iyo India oo dhammaantood diray digniino, iyagoo kula taliyay muwaadiniintooda ku nool ama booqanaya UK inay ka fogaadaan meelaha banaanbaxyada. Hindiya ayaa sidoo kale digniin u diray muwaadiniintooda u safraya UK ka dib dibax baxyada rabshado wata oo maalmo socday. Guddiga Sare ee Hindiya ee London ayaa sheegay inay “si dhow ula socdaan” xaaladda iyagoo kula taliyay booqdayaasha Hindiya inay “feejignaadaan oo ay taxaddar muujiyaan inta ay ku safrayaan UK”. Shalay, Australia waxay soo saartay digniin la mid ah waxayna kula talisay dadka safarka ah inay “ka fogaadaan aagagga ay mudaaharaadyadu ka dhacayaan sababtoo ah suurtagalnimada carqaladaynta iyo rabshadaha” iyadoo dadka ku boorisay inay “la socdaan warbaahinta si ay u helaan macluumaadka iyo wararka”. Thailand ayaa noqotay dalkii ugu dambeeyay ee uga digay muwaadiniintiisa booqashada UK. Safaaradda Royal Thailand ee London ayaa uga digtay qof kasta oo Thais ah oo imanaya UK inay aad u feejigan yihiin oo ay ka fogaadaan inay tagaan meelaha ay dibadbaxyada ka socdaan. bbcsomali Qaran News
  4. Mogadishu (HOL) — The Somali Council of Ministers has announced a half-million-dollar fund for the victims of last week's al-Shabab attack on Mogadishu's Lido Beach, which killed 40 people and wounded over 200 others. Source: Hiiraan Online
  5. MUQDISHO (SMN) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay ciidamo cusub oo loo diyaariyay inay sugaan amniga Muqdisho, waxaana tallaabadan ay kusoo aaday maalmo uun kadib weerarkii lagu dhammaaday ee ka dhacay xeebta Liido. Ciidamadan oo ka tirsan booliska Soomaaliya waxaa maanta tababar usoo xiray wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), kadib munaasabad ka dhacday xarunta taliska ciidanka Booliska. Waxaa sidoo kale munaasabadda ciidamada tababarka loogu soo xirayey wasiirka ku weheliyey Taliye ku-xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Maxamed Cabdullahi Kaniif iyo saraakiil kale oo ka tirsa ciidanka Booliska Soomaaliya. Sidoo kale ciidamada tababarka loo soo xiray ayaa kamid noqonayo Booliska gaarka ah ee Haramcad oo qeyb ah ciidanka xasillinta caasimadda. Taliska booliska ayaa sheegay in ciidamadan ay qaateen tababar sare oo ku aaddan amniga iyo xasillinta caasimada, si ay u xaqiijiyaan amnga guud, ugana hortagaan weerarada Al-Shabaab iyo qaraxyada mararka qaar ka dhacay gudaha Muqdisho. Wasiir Fartaag oo madasha ka hadlay ayaa ciidamada cusub ku boggaadiyay dadaalka ay muujiyeen muddadii ay ku jireen tababarka, isaga oo kula dardaarmay in ay kaalintooda ka qaataan xaqiijinta amniga caasimadda. Muqdisho ayaa haatan gashay xaalad amni, kadib bilo ay ka caaganayd falalka ammaan darrida ah, waxaase mar kale dib weeraradeeda u bilowday kooxda Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa beegsatay xarumo muhiim ah, sida Liido, Maqaayadda Top Coffee ee degmada Boondheere iyo saldhiga dhexe, waxaana ka dhashay khasaarooyin xoogan. The post Ciidamo cusub oo loo diyaariyay Muqdisho kadib weerarkii Liido + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  6. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey u diyaar garowga shirka caalamiga ah ee COP 29, kaas oo bisha Nofeembar lagu qaban doono magaalada Baku ee dalka Azerbaijan. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii Soomaaliya ay ula tagi lahayd COP 29 barnaamijyo cadcad oo wax looga qabanayo saameynta isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay dalkeenna, iyada oo lagu soo bandhigay fursadaha jira iyo caqadaha u baahan in wadajir wax looga qabto. Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa kula dardaarmay wasaaradaha uu quseeyo shirka in ay la yimaadaan qorshayaal cadcad oo la taaban karo, isaga oo ku boorriyay in ay si wadajir ah u shaqeeyaan, si Soomaaliya ay uga faa’iidaysato fursadaha uu shirka COP 29 soo bandhigi doono. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya ay u baahan tahay in ay sii xoojiso xiriirka ay la leedahay dalalka iyo hey’adaha caalamiga ah, si ay u hesho taageero ballaaran oo ku saabsan dadaallada lagu xallinayo isbedelka cimilada, waxa uuna hoosta ka xarriiqay in shirka COP 29 uu yahay fursad qaali ah oo ay tahay in Soomaaliya ay si buuxda uga faa’iidaysato, si xal loogu helo dhibaatooyinka ay dalkeenna ku yeelatay saameynta ka dhalatay isbeddelka cimilada adduunka. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo u diyaar-garoobaysa Shirka caalamiga ah ee Arrimaha Isbeddelka Cimilada oo ka dhacaya dalka Azerbaijan appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho ayaa ansixiyay sharciga shaqada Soomaaliya oo ay usoo gudbisay xukuumadda dalka. Xubnaa baarlamaanka oo horay doodo kala duwan uga yeeshay xeerkan aya maanta ugu dambeyn ansixiyay, waxaana jira inta ay socotay codeynta xildhibaannada qaar ay buuq sameeyeen, kaas oo kadib uu maareeyay guddoonka sare ee Golaha Shacabka. “Mudanayaasha sharafta leh waxaan ka codsaneynaa inay fariistaan si uu natiijada u sheegay guddoomiyuhu” ayuu yiri Habdhowraha baarlamaanka Soomaaliya” Dhankiisa guddoomiye Aadan Madoobe oo soo farogeliyay buuqa ayaa yiri “Aan is dhageysano xildhibaanno hala fariisto, waddada baneeya oo kuraastiina fariista”. Intaas kadib guddoomiyaha ayaa ku dhowaaqay natiijada codeynta la sameeyay oo gacan taag ahayd, waxaana sharcigan ogolaatay illaa 138 mudane, halka uu ka aamusay hal dhibaan, waxaa sidoo kale diiday afar mudane oo kale. “Kooramkeena wuxuu ahaa 143, hal qof waa aamusay, afarna waa diideen 138-na waa ogolaadeen, sidaas daraadeed waa ansax sharciga shaqada iyo shaqaalaha” ayuu yiri guddoomiy Sheekh Aadan Madoobe oo kadib si deg-deg ah usoo xray kulanka. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay lahaa doodo xasaasi ah oo ku aadan sharciyo iyo heshiisyo ay usoo gudbisay xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza. The post Daawo: BF Soomaaliya oo buuq kadib ansixiyay sharci xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
  8. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabddullaahi Deni ayaa wada qorshe dib u habayn loogu samaynayo dhamaan agaasimayaal waaxeedyadda hay’adaha kala duwan ee dowlada Puntland. Madaxweyne Deni ayaa sida wararku sheegayaan isbeddel ku samaynaya dhammaan agaasimayaasha waaxyaha iyo xisaabiyaasha wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa-bannaan ee dowladda Wasaaradda shaqadda iyo Shaqaalaha oo hordhac u ah qorshahaas ayaa dhamaan agaasimayaasha waaxyaha maamulka iyo maaliyadda ku amartay in ay soo gudbiyaan Cv-yadooda iyo warqadaha lagu shaqaalaysiiyay. Warqad ka soo baxday xafiiska wasiirka shaqadda iyo Shaqaalaha Puntland ayaa amarkaasi lagu siiyay dhammaan Agaasimayaasha Waaxyaha Maamulka & Maaliyadda iyo Xisaabiyaasha Wasaaradaha iyo sidoo kale Hay’adaha Madaxa-bannaan ee Puntland. Halkaan ka akhriso warqadda PUNTLAND POST The post Agaasimayaasha waaxyaha maamulka iyo maaliyadda wasaaradaha Puntland oo dib u habayn iyo isbeddel lagu samaynayo appeared first on Puntland Post.
  9. Mogadishu (HOL) — Somalia's former Foreign Affairs Minister Fawzia Yusuf Adam has withdrawn her candidacy for the African Union Commission (AUC) Chairperson election amid submissions from four other governments for the position. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa gebi ahaanba isaga hartay tartanka iyo loolanka loogu jiro kursiga Guddiga Ururka Midowga Afrika, kaas oo ay hadda u tartamayaan 4 waddan oo Afrikan oo doonaya qabashada xilka guddoomiyaha Ururka. Soomaaliya ayaa waxaa tartankan ku metali lahayd Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, taas oo muddooyinkii u dambeeyay wadday olole ballaaran oo ku aadan damaceeda kursigan, balse waxa ay la kulantay cadaadis ugu dambeyn sababay inay harto. Sida ay ogaatay Caasimada Online, illaa afar musharrax oo aysan ku jirin Soomaaliya ayaa haatan isku diiwaan-geliyay doorashada guddoomiyaha Midowga Afrika oo dhowaan dhaceysa, waxayna taasi meesha ka saartay hamigii Fowsiyo ee qabashada xilkaasi. Sidoo kale diwaan-gelinta xubnaha tartamaya ayaa ku ekeyd shalay oo ay ahayd lixda bisha August oo loo qabtay dhammaan musharrixiinta gobolka ee daneynayo kursiga. Horay Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa uga hadashay cadaadis ay sheegtay inuu uga yimid madaxda sare ee dalka, kaas oo ku aadan u tartamideeda kursiga guddoomiyaha Midowga Afrika. Fowsiyo waxay xilligaas sheegtay in madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza ay si cad ugu yiraahdeen “iskaga har tartanka, una tanaasul musharaxa Jabuuti ay wadato, inkasta oo Fowsiyo ay qirtay in markii hore uu madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha garab taagnayeen, balse ay gadaal iska beddeleen wax walba si lama filaan ah. “Bishii May bartamaheedii dhamaadkii shirka Madasha, Muqdisho waxaa ii yeeray madaxweyne Xasan Sheekh, ra’iisul wasaare Xamza iyo afar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada, odayaashaasi waxay ii sheegeen inay isla garteen in aan tanaasulo oo iskaga haro tartaankaas oo waxaas oo olole iyo howl ah usoo galay,” ayey horay u tiri. Si kastaba, Isla dhacdo middaan lamid ah dowladda madaxweyne Xasan ayaa dhowr bilood kahor diiday inay taageerto Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir oo isku sharaxday madaxweynaha baarlamaanka adduunka, laakiin markaas dowladda qiil waxay ka dhigatay inay Tanzania uga beddelatay taageerada xubinnimada ururka bulshada Bariga Afrika. The post Soomaaliya oo ka hartay loolanka kursiga Midowga Afrika appeared first on Caasimada Online.
  11. Hay’adda sirdoonka Turkiga ee MiT ayaa la sheegay inay ka hortageen labo iskuday oo hore oo lagu doonayay in lagu dilo madaxii hore ee xafiiska siyaasadda Xamaas, Ismaaciil Haniyeh oo lagu dilay weerar ka dhacay Tehran Arbacadii, sida ay sheegtay CNN Turk. Warbixinta ayaa lagu sheegay inuu jiray fayl gaar ah oo MiT ay ugu magac dartay (Steel Shield), wuxuuna ahaa howlgal gaar ah oo lagu ilaalinayay Haniyeh.Inta lagu jiray howlgalka MiT ayaa fashilisay iskuday la qorsheeyay in howlgal lagu dilayo Haniyeh laga fuliyo Turkiga inta uu booqashada ku joogay bishii April , sidoo kale howlgal kale oo la qorsheeyay ayaa ka dhici lahaa Doha oo uu degganaa Haniyeh , iskudaygaana wuxuu ahaa mid fashilmay. Sirdoonka Turkiga , ayay warbixintu sheegtay inay ku wargeliyeen Haniyeh inuusan booqan Tehran , sababtoo ah waxaa jirtay calaamad muujinaysa howlgal horumarsan oo lagu dili karo , marka uu ku adkeystay waxaa la sheegay inay la wadaageen tallooyin amni iyo inuu muujiyo taxaddar dheeraad ah oo uu uga fogaanayo qalabka internetka ku xiran. Illaa hadda ma jirto warbixin faahfaahsan oo laga hayo sida uu u dhacay howlgalka lagu dilay Haniyeh , iyadoo toddobaadkan warbixin kooban oo ay soo saareen ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran oo ilaalinayay goobta lagu dilay Haniyeh ay sheegeen gantaal laga soo ridday bannaanka dhismaha uu degganaa Haniyeh in dilka lagu fuliyay, tan iyo marka uu dilka dhacay Iran ayaa loo jeedinayay in saraakiisheeda ay dilkan ka qeybqaateen iyo fadeexad weyn oo sirdoonkeeda iyo hay’adaha amniga oo dilkan uu usoo jiiday. PUNTLAND POST The post Sirdoonka Turkiga oo hore u fashiliyay isku dilay lagu dili rabay Ismaaciil Haniya appeared first on Puntland Post.
  12. Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya Cabdillaahi Cali Xirsi (Tima-cadde) ayaa sheegay in Khaatumo iyo Maakhir aysan midna keligeed noqon karin maamul gaar ah oo la aqoonsan karo. Guddoomiye Tima-cadde oo hadal ka jeedinayay munaasabad ku saabsan dhismaha maamul la baxay Maakhir oo lagu qabtay Muqdisho ayaa sheegay in gobolka Sanaag oo keliya uusan noqon karin maamul gaar ah maadaama la rabo in Maakhir laga dhiso Sanaag. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in maamulka SSC-khaatumo isna aanu noqon karin maamul gaar ah oo ku biira dowlad goboleedyada dalka Soomaaliya islamarkaana aysan buuxin shuruudaha maamulnimo. Waxa uu intaasi ku daray in loo baahan yahay in Gobollada Sool iyo Sanaag laga sameeyo maamul midaysan oo buuxiya shuruudaha maamul goboleed dhammaystiran maadaama aan Khaatumo iyo Maakhir midna gaar loo aqoonsan karin. Halkaan ka daawo Muuqaalka Tima-cadde PUNTLAND POST The post Guddoomiye Tima-cadde oo sheegay in Maakhir iyo Khaatumo midna aysan keligeed noqon karin Maamul gaar ah appeared first on Puntland Post.
  13. Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro Iyo Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Xaji Cali Xasan, Ayaa Soo Dhaweeyey Siyaasi Yaasiin Maxamed Shide (Yaasiin Ex) Oo Soo Noqday Gudoomiyihii Gobolada Sool, Hawd iyo Agaasime Guud, Kana Mid Ahaa Mudo Dheer Xisbiga Kulmiye, Haatana Ku Soo Biiray Xisbiga Rajada Shacabka Ee WADDANI. Siyaasi Yaasiin Maxamed Shide Ayaa Sheegay In Soomaliland U Baahantahay Isbadelka Uu Hogaaminayo Xisbiga WADDANI, Xisbiga Waddani-na yahay ka keenaya Horumar, Cadaalad Iyo Isku Haynta Shacabka Soomaliland. Qaran News
  14. Maleeshiyo Beeleed hubeysan ayaa beegsaday Allaha Unaxariistee Cabdinasir Ahmed Arab iyo Abdikarin Ahmed Arab oo walaalo ah kana soo jeeday Cadaado, weerarkaan ayaa ka dhacay deegaanka Oodan oo dhaca bariga gobolka Galgaduud. Nimankaan ayaa la sheegay in ay ahaayeen xoolo dhaqato. waxaana loo dilay aano qabiil. Dilka waxaa geystay Maleeshiyaad la sheegay in ay ka yimaadeen dhanka deegaanka Xiindheere. Kooxda ayaa sidoo kale isla goobta ku dhaawacay Carruur iyo hooyo ka tirsanaa isla qoyska reer Axmed Carab, kuwaas oo dhaawacooda lagula tacaalayo isbitaalka guud ee Cadaado. Dhacdadaan ayaa argagax ku abuurtay dadka kunool gobolka Galgaduud. Waxaa maamulka Galmudug loogu baaqay in wax ka qabto dilalka noocaan oo kale ah. Billihii lasoo dhaafay waxaa kordhay dilalka iyo dagaal beeleedyada deegaanada maamulka Galmudug. waxaa ku nafwaayay dad badan oo aan waxba galabsan Source: goobjoog.com
  15. Filming is underway in London for True Brit Entertainment's biopic on Ali, who was recognized as one of TIME magazine's 2023 Women of the Year. Source: Hiiraan Online
  16. Redirect funds to the government and focus on longer-term needs, a Somali official says. But at what cost? Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo xalay guddoomiyay shir aan caadi ahayn oo ay yeesheen golaha wasiirada ayaa qaaday tallaabo culus oo lagu boggaadiyay, taas oo sidoo kale dhalisay falcelin xooggan. Xamza ayaa mushaarkiisa bishan ugu deeqay dadkii ku dhaawacmay weerarkii Jimcihii ay Al-Shabaab ku beegsadeen shacabkii ku sugnaa xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, ayadoo sidoo kale dhamaan xubnaha Golaha Wasiirradana ay mushaaraadkooda qayb ka mid ah u jareen gurmadka loo fidinayo dadka ay waxyeelada gaartay. Golaha ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in ay lacag nus milyan dollar ah xukuumaddu ugu talagashay in la siiyo dadka waxyeelladu ka soo gaartay qaraxaasi, taas oo lagu kordhin doono lacaga gurmadka ee haatan la aruurinayo. Lacagtan ayaa loogu talagalay in lagu taageero dhaawacyada iyo dib-u-dhiska nolosha dadka ay dhibaatadu soo gaartay weerarkaasi bahalnimo ee lagu xasuuqay shacab aan waxba galabsan. Haddaba sidee looga falceliyay? Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa ka falceliyay tallaabadan, iyaga oo inta badan ku amaanay ra’iisul wasaare Xamza. Xidig Cadde “Ra’iisul wasaaraha waa wanaagsan yahay hadduuba mushaarkiisa bishan u daayey dadkii waxyeelada soo gaartay”. Maxamed Deeq Xasan Xaraare ayaa isna falcelintiisa ku yiri “Mushaarka Ra, isulwazaaraha waa immisa?”. Cabdiraxmaan Maxamed “Ra’iisul wasaare waa ogahay daacad baa tahay haddii ay jirto lacagtaa gudigaa u xil-saareyso gacan ku haay dadka qaarna haba u dhiibin”. Cabdalle Naasir “Waa dowlad mashruuc ah lacagtaas wllhi inaysan gaarayn rag gaar ah baa qadan dabaqyana ka dhisan”. Muscab Xasan “Lacagta wax ma tartee ee shacabka hadaan amnigooda sugi karin ka taga meesha kuligiin calooshiin ushaqeestayaal baa tihiin The post Maxay tahay tallaabada uu qaaday R/W Xamza ee lagu farxay? appeared first on Caasimada Online.
  18. Dhusamareb (HOL) — Two brothers from the Adado district, Abdinregion's Abdikarim Ahmed Arab, were killed and their family injured in a clan militia attack in the Oodan area of Galgaduud last night. The attackers, believed to be from the Harardheere district in Mudug, fled immediately after the incident. Source: Hiiraan Online
  19. VIDEO: Real Madrid ends the preparatory camp with a victory over Chelsea Source: Hiiraan Online
  20. Mogadishu (HOL) — Somalia is embarking on a groundbreaking journey to transform its healthcare system through the integration of digital technologies, according to a comprehensive study by BCI Digital Health. Source: Hiiraan Online
  21. Roobab mahiigaan ah oo ka da’ay waqooyiga Suudaan ayaa sababay dhimashada 17 qof, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta caafimaadka dalkaasi. Khasaaraha ka dhashay roobabkaasi ayaa uga sii daray xaaladaha bini’aadannimo ee ka dhashay dagaalka sokeeye ee dalkaasi ka socda 16-ki bilood ee lasoo dhaafay. Korontada ayaa ka maqan magaalada Khartuum, dadkuna waxay ku hoyanayaan meel bannaan ah, iyagoo ka cabsi qaba roob kale in uu ugu yimaado xaaladdaasi. Ilaa Koow iyo Toban kun oo guri ayaa dumay, sida uu sheegay wasiirka kaabayaasha dhaqaalaha ee gobolka Samiir Sacad ugu yaraan 170 qofna waa ay dhaawacmeen. PUNTLAND POST The post Ugu yaraan 17 qof oo ku dhintay mahiigaan ah oo ka da’ay Suudaan appeared first on Puntland Post.
  22. Facebook owner Meta has finally rolled out features that will allow content creators on its platform in Kenya to earn revenue from short-form videos through advertising, the social network has announced. Source: Hiiraan Online
  23. Jaabir Khaliif bounced his leg up and down in anticipation as he waited for his naturalization ceremony to begin. Source: Hiiraan Online
  24. MINNEAPOLIS, Minnesota (HOL) — Minnesota Governor Tim Walz, recently announced as Kamala Harris's running mate for the 2024 presidential election, did not change the state flag to resemble the Somali flag or Puntland's state flag. This claim, which surfaced on social media after the announcement, is false. Source: Hiiraan Online