Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Jigjiga)-Xafiiska Warfaafinta ee Deegaanka Soomaalida ayaa Waraaq Shaqo Joojin ah udiray Bahda Universal Tv ee Dalka Ethiopia. Dowlada ayaa ka Xanaaqday Warbixin uu Wariyaha Universal Tv ee Dalka Ethiopia ka Diyaariyay Banaanbixii Salaasadii lasoo dhaafay ka dhacay Magaalada Jigjiga. Hadaba Maamulka Tvga Universal waxa uu ka Xun yahay Warqadaasi Shaqa joojinta ah ee aan Waafaqsaneyn Sharciga Maadaama Universal Tv uu Heysto Ruqsada ay Wakaalada Warbaahinta ee Dalka Ethiopia siiso Warbaahinta Caalamiga ah. Ugu danbeyn Waxaan Xukuumadda Deegaanka Soomaalida ku Boorinaynaa ilaalinta Madax Banaanida Saxaafadda. Source
  2. A massive car bomb blast was heard at a main Somali police checkpoint in western Mogadishu on Saturday morning at 8:00 am local time. A witness says the explosives-filled car was detonated at a taxation office in Ex-control Afgoye checkpoint and followed by sustained gunfire by the security forces. Details of the casualties remain sketchy and the area was cordoned off by the police. Developing story, check back at the website for updates. View the full article
  3. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Subax-28122019.mp3 View the full article
  4. Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, kaas oo la sheegay in la soo dhigay halkaasi. Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaasi, walow aan si dhab ah loo xaqiijin inta uu la’egyahay. Sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa gaaray halkaasi, kuwaas oo xiray dhaq dhaqaaqa meesha uu qaraxu ka dhacay. Faah faahinka kala soco, radioshabelle.com. View the full article
  5. Qarax aad u xooggan ayaa goor dhow waxa uu ka dhacay Ex-control Afgooye ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan uu geystay khasaare kala duwan. Sida ay inoo sheegeen dadka ku dhow halkaasi, qaraxan ayaa ahaa gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, waxaana uu si gaar ah uga dhacay goob gaadiidka canshuurta looga qaado. Waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qaraxan, hase ahaatee lama oga inta ay la egyihiin. Gaadiidka gurmadka degdegga ah ayaa gaaray halka qaraxan uu ka dhacay, waxaana la qaadayaa dadka ay waxyeelladu soo gaartay. Qaraxan waxa uu ahaa mid aad u xooggan, waxaana dhowaqiisa laga maqlay inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa xalay ka qeybgalay kulan loogu qareemayo Gobolka Gardafuu oo ay saameyn ku yeesheen roobabkii dhowaan ka da’ay Puntland. Kulanka waxaa Gobolka Gardafuu loogu ururiyey in ka badan $260,000 lacagtaasi oo ay ku yabooheen Goleyaasha Dowladda, Shaqaalaha, Ciidamada, Ganacsato, Qurbojoog, Dhallinyaro iyo Haween. Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa bogaadiyey dadaalka joogtada ah ee ay wadaan Guddiga Gurmadka ee Gobolka Gardafuu, wuxuuna sheegay inkastoo Dowladu ay dhowaaan ku dhawaaqi doonto si guud dhaqaalaha ay uga qeyb qaadan doonto Gurmadka Gobolka Gardafuu, hadana uu isagu si shakhsi ah gurmadka ugu yaboohayo $5,000 oo Dollar. Lacag ururintan waxaa ka qeyb qaatay Hayádda kala duwan ee Dowladda, Golaha Wasiirada Dowladda Puntland ayaa ku yaboohay $54,000. Golaha Wakiilada ee Dowladda Puntland ayaa iyana ku yaboohay 20,000 Halka Shaqaalaha Madaxtooyada ee Dowladda Puntland ay ku yabooheen $10,000 dhammaan lacagahaasi ayeey ka bixin doonaan mushaharaadkooda. Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Dowladda Puntland Mudane Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Labada Gole ee Dowladda, Guddiga Gurmadka ee Gobolka Gardafuu, Ganacsato, Culimo, Hogaan Dhaqan, Qurbojoog, Dhallinyaro iyo Haween. PUNTLAND POST The post Garoowe: $260,000 kun oo xalay loo uruuriyay Gurmadka Gardafuu appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho. Qaraxa oo inta badan jugtiisa laga maqlay xaafadaha Muqdisho ayaa waxa uu ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa. Khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa jira, iyadoona haatan xaaladdu ay tahay mid kacsan. Wararka ayaa sheegaya in khasaaraha ugu badan uu soo gaaray dad rayid ah oo ka agdhowaa meesha ay wax ka dhaceen. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale goobta buux dhaafiyey, kuwaas oo gabi ahaan xiray dhaq dhaqaaqa isgoyska Ex-Koontarool Afgooye. Faah faahinta kala soco, caasimada.net
  8. MOGADISHU (HOL) - A huge explosion rocked Ex-Control area in the outskirts of Mogadishu capital Saturday morning amid fears of high casualties. Source: Hiiraan Online
  9. The Netherlands will stop using Holland as its nickname in the new year as part of a $220,000 rebranding campaign. Source: Hiiraan Online
  10. In a fortuitous discovery of great import to the preservation of African cinematic heritage, the negatives of an epic Somali film thought to have been lost were ‘discovered’ in the vaults of the Pune-based National Film Archive of India (NFAI). Source: Hiiraan Online
  11. Two security officers have been while seven were seriously injured after their vehicle ran over a homemade bomb in Khorof Kharar, Wajir County. Source: Hiiraan Online
  12. Farmers in southern Somalia are shooting at huge swarms of locusts with heavy machine guns in a desperate attempt to save their crops, according to media affiliated to the jihadist group Al-Shabaab. Source: Hiiraan Online
  13. Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in kulan ku yeeshaan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka oo ay kaga hadli doonaan ajande dhowr ah. Ajendaha kulanka maanta ayaa ah Akhrinta 3aad ee Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka, kaas oo horyaala xildhibaannada golaha oo si weyn uga dooday sharcigan kulamadii ugu dambeysay. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa laga filayaa in ay meel mariyaan sharci doorasho oo qeexaya nuuca doorasho ee dalka ka dhici doonta sanadka 2021 Source: goobjoog.com
  14. Munaasabad si toosa loosoo tabinayay oo gurmad loogu ururinayay Gobolka Gardafuu ayaa waxaa caawa ku daahfuray Garowe MadaxweyneXigeenka Puntland Axmed Cilmi Cusmaan Karaash. Madaxweyne Xigeenka [...] Source
  15. Hiigsiga 15 ka Sano ee Horumarinta dhaqaalaha Itoobiya ayaa ah Gobolka Dalka Itoobiya, Malaayiin Dollar ayay Itoobiyaku maal galisay riyada ah in 2025 uu dhaqaalaha [...] Source
  16. Kulan ay caawa yeesheen Madasha ay Xisbiyada Qaarkood ay ku mideysan yihiin ayaa looga hadlay Hindisaha Doorashada ee ay Baarlamaanku ka doonayaan beri oo sabti [...] Source
  17. Hoos kadaawo Hadaad arki waydo Sug wuu soo degayaaye Live Scream-ku Source
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaannada Madasha Xisbiyada Qaran ayaa shir xasaasi ah oo looga arrinsanaayo sharciga doorashooyinka iyo xaaladda kala guurka ah ee dalka maanta ku yeeshay xaruntooda KMG ah ee Muqdisho. Kulankan ayaa waxaa shir guddoomiyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, oo ah hoggaamiyaha Madasha, waxaana sidoo kale ka qeyb galay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo hadda ah guddoomiyaha xisbiga UPD. Madasha Xisbiyada Qaran ayaa walaac ka muujiyey islamarkaana aad uga soo horjeeda qodobka 53-aad ee sharciga doorashooyinka qaranka, kaasi oo muddo kordhin siin karo xildhibaanada, haddii la ansixiyo. Qodobkaas, ayaa waxaa ku qoran in haddii ay keenaan duruufo, sida amni darro baahsan oo dalka ka dhacda, uu baarlamanka waqtiga kororsano karo muddo lix bilood ah. Madasha Xisbiyada Qaran ayaa dooneysa in qodobkaas laga saaro sharciga doorashooyinka, waxaana ay qorsheynayaan inay mooshin ka keenaan, sida xubno ka mid ah ay u sheegeen Caasimada Online. addaba maxaa ku qoran qodobka 53-aad ee sharciga doorahsooyinka:- Qodobka 53-aad: Dib-u-dhaca Doorashooyinka 1. Muddada xilhaynta Goleyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo madaxda la doortay wuxuu shacabku u idmaday muddo cayiman oo ku xadiddan Qodobbada 60aad iyo 91aad ee Dastuurka; 2. Muddada qabashada doorashooyinka heer federaal waxay dib ugu dhici kartaa oo keliya haddii ay jiraan daruufo adag oo saameeya dalka oo dhan ama kala bar oo aan suurtagal ka dhigayn in doorasho la qabto; Daruufaha adag ee ku xusan faqradda 2aad ee qodobkan waxaa ka mid ah: a. Nabadgelyo-darro baahsan oo dalka dhan ka dhacdo; b. Aafooyinka dabiiciga ah sida dhulgariirka, cudurada faafa, abaarro, fatahaado wabiyada, daadad xoog badan iyo duufaanno; iyo c. Arrimo farsamo oo aan la’aantood doorashada qabsoomi karin. Xaaladaha lagu soo sheegay faqaradda 3aad ee qodobkan haddii ay ku kooban tahay hal degmo, gobol ama dowlad goboleed iyo wax ka yar kala bar dalka, dib-u-dhaca doorashadu wuxuu saameynayaa keliya goobaha lagu xusay faqraddan. GMDQ marka ay qiimeeyaan daruufaha ku xusan faqradda 3aad ee qodobkan iyo muddada uga degdegsan ee lagaga bixi karo, waxay warbixintooda oo sababeysan kuna caddahay baaxadda ay duraafaha saameeyeen oo jadwal-shaqana leh u soo gudbinayaan Goleyaasha Baarlamaanka Federaalka si ay go’aan uga gaaraan. GMDQ waxay BFS ka codsan karaan muddada cusub ee doorashadu ku qabsoomi karto oo aan ka badnayn Lix (6) Bilood; Haddii xaaladaha ku xusan faqradda 3aad aan lagu xallin muddada ku xusan faqradda 6aad oo GMDQ caddeeyo ineysan doorashadu muddadaas ku qabsoomi karayn, xubnaha Goleyaasha 24 Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sii wadaya waajibaadkooda Dastuuriga ah ilaa doorashada laga qabto.
  19. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Habeen-27122019.mp3 View the full article
  20. Riyadh (Caasimada Online) – Bilo kadib markii weerar gantaalo iyo drone ah, oo loo maleynayo inay fulisay Iran, lagu qaaday xarumaha shidaalka laga soo saaro ee Sacuudiga, dhaxal-sugaha Sacuudiga ayaa qaaday tallaabo aan looga baran, oo ah inuu diblomaasiyad u adeegsado qaboojinta xiisadaha kala dhaxeeya cadowgiisa, waxaa sidaas qoray wargeyska New York Times. Amiir Maxamed Bin Salmaan ayaa billaabay inuu wada-hadallo toos ah la galo mucaaradka uu kula dagaalamayey Yemen afar sano, taasi oo horseedday in weeraradii labada dhinac ay yaraadaan. Waxa uu muujiyey astaamo ku qafiifinayo, haddiiba uusan kusoo geba-gebeeneyn, xanibaadda isaga iyo xulfaadiisa ay saareen dalka yar balse qaniga ah ee Qatar. Waxa uu wada-hadallo aan toos ahayn la furay cadowgiisa kowaad ee Iran, si uu u baabi’iyo daruuraha dagaaleed ee ka dul muuqda gobolka. Waxa sababaya is-beddelkan ah kasoo wareegista iska hor-imaadka iyo u weecashada diblomaasiyadda, ayay taxliiliyayaasha siyaasadda, sheegayaan inay tahay in Bin Salman uu garowsaday in siyaasaddii qarniyo u degneyd Mareykanka ee ahayd – Inuu difaaci doono haddii xarumaha saliidda Sacuudiga uu weerar uga yimaado xoogag dibedda ah – aanay hadda ahayn mid damaanad qaadan. Inkasta oo Mareykanka iyo Sacuudigaba isku raaceen in weerarkii 14-kii September lagu qaaday goobaha saliidda ee Abqaiq iyo Khurais, ay ka dambaysay Iran, haddana jawaabtii madaxweyne Trump waxay noqotay un hanjabaad iyo hadallo kulul oo aan ficil wadan. Jawaabtaas qabow ayaa Sacuudiga ku baraarujisay xaqiiq ah, in inkasta oo 170 bilyan oo dollar ay ku iibsadeen hub Mareykan ah tan iyo 1973-kii – Haddana aysan isku haleyn karin in Mareykanka usoo gurmado haddii lasoo weeraro, ugu yaraan noocii awoodeed ee ay filayeen. Ayagaoo ka walaacsan inay ku qasbanaan doonaan in naftooda isku halleeyaan, haddii dagaal uu ku qarxo gobolka, ayaa sida ay leeyihiin fallanqeeyayaasha siyaasadeed, waxay Sacuudiyiinta billaabeen inay si hoose ula xiriiraan cadowgooda, si ay xiisadda u qaboojiyaan. “Waxaan u malaynayaa in 14-ka September ay tahay daqiiqaddii bedeshay taariikhda khaliijka,” waxaa sidaas yiri David Roberts, oo ah aqoonyahan ku xeel-dheer gobolka kana tirsan jaamacadda King’s College London “Ayada oo umaleyntii ahayd in Mareykanka uu bad-baadin doono Sacuudiyiinta ay meesha ka baxday, waxay garowsadeen inay u baahan yihiin inay noqdaan kuwa dadka la-macaamili kara” ayuu yiri Roberts. Waxaa taas kasii daran, in Sacuudiyiinta oo u haystay in Trump kaga wanaagsan yahay Obama, ay garowsadeen in labada madaxweyne ay isku aragti ka yihiin siyaasadda Bariga Dhexe, taasi oo ah inay gobolkaas faraha kala baxaan. Inkasta oo kadib weerarkii uu Trump dhowr kun oo askari u diray Sacuudiga, si ay u ilaaliyaan goobaha saliidda, haddana taageeradii Sacuudiga ay ka filayeen Trump waa ay ka xooganeyd middaas. Hadda, Maxamed Bin Salman wuu garowsaday inuusan Mareykanka isku haleyn karin, si uu isugu furo dagaal dhinacyo badan ah, waana taas sababta uu markii ugu horreysay ugu weecday diblomaasiyadda iyo inuu deriskiisa la heshiiyo.
  21. Muqdisho (caasimada Online) – Allaha u naxariistee, waxaa maanta oo Jimco ah magaalada Muqdisho ku geeriyoodey fanaan Axmadey Abuubakar Mubaarak (Al-Camaari) oo ka mid ahaa hobollada qaranka Waabari. Marxuumka ayaa la sheegay in maalmihii la soo dhaafay uu xanuunsanayey, isla markaana xanuunkii uu u geeriyooday maanta oo Jimce ah. Al-Camaari waxaa uu ahaa hobol caan ku ahaa heesaha banaadiriga waxaa uu ka qeyb qaatay jilitaanka riwaayado badan oo bari samaadkii ay jeclaayeen dadka Soomaaliyeed. Markii dawladdii dhexe ee Soomaaliya dhacaday waxa uu Axmedeey Abuukar u qaxay dalka Yemen oo uu muddo ku noolaa. Markii dambe waxa uu joojiyey hawlihii fanka ama hadii sida dadka badankiisu u yidhaahdaan loo dhigo waxa uu ka baxay fankii oo waxa uu mu’adin ka noqday masaajid. Heesahiisa kuwa ugu caansan waxa ka mid ah heesta Qaahira oo ay dad badani sheegaan in ay ku timi qiso dhab ah oo dhacday, iyo heestii Hello . Naxariista Janno Allah ha ugu deeqo Axmedeey Abuukar Alcamaari ehelkiisii iyo ummadii jeclayd na samir iyo iimaan ha ka siiyo.
  22. ISTANBUL (Reuters) - Turkey unveiled its first fully domestically-produced car on Friday, saying it aimed to eventually produce up to 175,000 a year of the electric vehicle in a project expected to cost 22 billion lira ($3.7 billion) over 13 years. Source: Hiiraan Online
  23. Jilib (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo degmada Jilib ee gobalka Jubada Dhexe ayaa soo sheegaya in maanta uu halkaasi ka dhacay qarax xoog leh oo laga maqlay inta badan degmooyinka gobalka. Qaraxa ayaa ka dhacay Xaafadda Hargeysa Yarey oo ka tirsan degmada Jilib, waxaana la sheegay in uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray rag ku howlanaa diyaarinta qaraxaasi. Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in qaraxa uu ka dhacay gur,i islamarkaana uu ahaa qarax gaari oo la diyaarinayay. Sidoo kale dadka aan la hadalnay ayaa sheegay in ay arkeen meydadka dad guriga laga soo saarayay. Saraakiil ka tirsan hay’adaha amaanka ayaa sheegay in qaraxa uu jiro balse aysan ogeen inta uu khasaaraha la egyahay. “Saakay waxaa maqalnay dhawaaqa qarax culus oo ka dhacay Hargeysa Yar, guri ayuu ka dhax dhacay waxaana la isku dhax wadaa in uu ahaa qarax la diyaarinayay iyo wax cirka ka yimid balse dadka ugu badan waxay sheegayaan in uu qoladii ku qarxay, qarax ay diyaarinayeen” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha Jilib oo la hadlay Caasimada Online. Wararkii ugu dambeeyay ee gobalka Jubada Dhexe ayaa sheegaya in ugu yaraan 5 dagaalame oo ahaa kuwada qarxayada gaadiidka ku diyaariya ay halkaas ku dhinteen, 7 kalane ay dhaawacyo soo gaareen. Habeeno ka hor ayey aheyd markii sidaan oo kale Al-Shabaab uu ku qarxay gaari ay qarax ku diyaarinayeen, degmada Xarardheere ee Koonfurta Gobalka Mudug.
  24. Garowe (Caasimada Online) – War-saxaafadeed goordhow ka soo baxay Dallada ururada bulshada rayidka ee Puntland, ayaa walaac looga muujiyay doorashooyinka Soomaaliya ee dhamaadka sanadka 2020ka iyo bilaawga 2021. Dallad daneeyaasha aan dowliga aheyn ee Puntland waxay sheegtay in sanadkii 2016kii ay siyaasiinta Soomaalida ku heshiiyeen in laga guuro nidaamka qabaliga ah loona guuro doorasho qof iyo cod ah oo ku timaada wadar ogal. “Sharcigaan cusub ee doorashooyinka waxa uu isu keenayaa doorasho ku saleysan nidaamka 4.5 iyo doorasho qof iyo cod ah mana ahan wax is waafaqaya” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay Dallada ururada bulshada rayidka ah ee Puntland. Dalladu waxay ku talisay in laga-wada tashada nuuca doorasho ee Soomaaliya si aan dalka loogu horseedin xasiloonj darro iyo qalalaaso amni. “Waxaan ku baaqaynaa in la qabto doorasho la isla ogol yahay iyo in doorashada 2021ka aysan dalka uga darin halka uu maanta joogo” ayaa lagu yiri baaq ka soo baxay Dallada PUNSAA ee Puntland. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran
  25. Police in Garissa have launched a search for two people believed to have been hijacked to Somalia by suspected al-Shabaab militants. The two, Abdulahi Isaack Harun and Abdi Hassan Ilkaase were attacked on Thursday, December 26, at around 7am. Police say the duo was ferrying miraa to Liboi but on reaching Wardeglo Dam, they were waylaid by the assailants and are believed to have been taken to Somalia. This comes barely two weeks after suspected al-Shabaab militia attacked a Garissa bound bus and killed at least 10 people among them, six police officers. Earlier, Tuko.co.ke had reported a case where two Cuban doctors were kidnapped in Mandera, by suspected al-Shabaab fighters and taken to Somalia. The kidnappers demanded at least KSh 150 million ransom. Latest reports by Cuban Council of Ministers say the two, Assel Herrera and Landy Rodrigues are still alive and in good health. The outlawed group has remained a thorn in the flesh of Kenyans. They have over the recent past unleashed horror and terror on citizens and also security officers. People residing near the Kenya-Somalia border bear the biggest blow.