Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Saint Paul)- Masjid ku yaalla magaalada Saint Paul ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa waxaa sabtidii 21-ka December weeraray nin caddaan ah, sida ay sheegeen maamulka. Ilaalada iyo maamulka Masjidka Darul-Imaan ayaa sheegay in xilli aroor hore ah uu Masjidka soo galay qof caddaan ah kadibna darbiyadiisa uu ku qorey hadalo naceyb ah. Waxay sidoo kale sheegeen inuu burbur u gaystay xafiisyada Masjidka. Booliska ayaa markii uu soo gaarey Masjidka waxaa ay baaritaano ku sameeyeen ciddii ka dambeysay hadallada u muuqdo naceyb ee lagu qoray darbiyada Masjidka. Source
  2. Hargeysa (SMN) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulankii labaad la yeeshay hogaanka xisbiyadda mucaaradka. Kulankaan ayaa looga hadlay qodobadii ay kala saxiixdeen ee ku saabsanaa doorashooyinka degaanka iyo baarlamaanka. Madaxtooyadda Somaliland ayaa shaacisay in leysla qaatay in xukuumadda talada haysa la siiyo 15-casho oo ay doorashooyinka ku qabaneyso. Doorashooyinka degaanka iyo baarlamaanka Somaliland ayaa lix jeer baaqday lixdii sano ee lasoo dhaafay, waxaana walwal ka muujiyey caalamka. View the full article
  3. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Waarka-Duhur-26122019.mp3 View the full article
  4. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta saxiixay sharciga Maareynta Maaliyadda Guud iyo sharciga Shirkadaha Ganacsiga oo hagaya qorsheyaasha dowladda ee dib u habeynta dhaqaalaha iyo la dagaallanka musuq-maasuqa. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka dadaalka ay ku bixiyeen sidii loo turxaan bixin lahaa, loona dhammeystiri lahaa sharciyadan oo waxtar weyn u leh hannaanka hufnaanta Maamul iyo xaqiijinta doorka dowladda kaga aaddan qaabeynta ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay in sharciga Shirkadaha Dalku uu si gaar ah u dhiirri gelinayo ganacsiga, shaqo abuurka iyo fursadaha maalgashi ee dalkeenna, dhawrayana xuquuqda hantiyeed ee muwaadiniinta. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey khubarada Soomaaliyeed ee soo diyaarisay sharciyadan iyo mudnaanta ay siiyeen in lagu jaangooyey talo soojeedintii ganacsatada iyo dhaqaalayahannada Soomaaliyeed. Sharciyada Maareynta Maaliyadda Guud ee dalka iyo Shirkadaha Ganacsiga ayaa ka tarjumaya dadaallada wax-ku oolka ah ee Dowladdu ay ku bixisay sanaddadii la soo dhaafay yareynta musuqmaasuqa, xal u helista caqabadaha haysta ganacsatada Soomaaliyeed iyo xaqiijinta kalsoonida maalgashadeyaasha Caalamiga ah. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo labo sharci saxiixay appeared first on Puntland Post.
  5. Wararka ka imaanaya degmada Ceel Afweyn ee galbeedka gobolka Sanaag, ayaa sheegaya in mar kale ay halkaasi ka soo cusboonaatay colaad u dhexaysa laba beelood oo dhowaan laga heshiiyay. Colaadda ayaa dib u soo noqotay, kadib markii degaannada Ceel Afweyn iyo Gar-Adag maanta lagu dilay laba qof oo shacab ah, kuwaasi oo ka soo kala jeeda beelaha horay halkaasi ugu dagaallamay, sida laga soo xigtay goob-joogayaal. Wararku waxay sheegayaan, in malayshiyaad hubaysan oo ka kala tirsan labada beelood ay maanta isku hor-fadhiyaan degaannada Ceel Afweyn iyo Gar-Adag ee galbeedka gobolka Sagaan, waxaana laga cabsi qabaa in mar kale dagaallo culus dib uga dhex qarxaan labada beelood. Sidoo kale, Ciidamada Somaliland ee ku sugan galbeedka gobolka Sanaag, ayaa lagu eedaynaya in ay la kala safan yihiin malayshiya-beeleedka halkaasi isku hor-fadhiya, xilli aysan jirin wax waan-waan ah oo lagu qaboojinayo colaaddaasi. PUNTLAND POST The post Colaad mar kale ka qaraxday degaannada Ceel Afweyn iyo Gar-Adag appeared first on Puntland Post.
  6. Jowhar (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in Ayax uu ku degay galbeedka magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada dhexe. Deegaano ay ka mid ah Bangoronyo iyo deegaano kale oo dhaca Galbeedka magaalada Jowhar ayaa la sheegayaa in ayaxaasi lagu arkay. Dadka Beeraleyda ah ee ku nool glabeedka Magaalada Jowhar ayaa sheegay in uu beerahooda ku degay ayaxaas , iyagoo sheegay in ay cabsi xoogan ka qabaan in uu dalagyada ka baa bi’iyo. Maalmo ka hor ayay aheyd markii ayax fara badan uu ku degay deegaanka Ceel-jaalle ee gobolka Hiiraan iyadoo marki dambe ay dadku iska kiciyeen kadib markii ay rasaas ku rideen. Ayaxa ayaa Isbuucyadii lasoo dhaafay waxaa ka cabanayay dadka beeraleyda ah ee ku dhaqan gobolka Galgaduud, waxaana hadda ay u muuqataa in uu ku degayo qeybo kale oo ka mid ah dalka. Magaalooyinka uu horey usoo maray Ayax ayaa waxaa kamid ah Cadaado, Hobyo, Guriceel iyo Gaalkacyo, waxaana baraha bulshada qabsaday falcelin ku saabsan dadka Reer Cadaado oo dabka saartay Ayaxa. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dhakhaatiir u dirtay goobaha uu ku dagay Ayax, wuxuuna saameyn ku yeeshay nolosha dadka caadiga iyo Beeraha.
  7. Jowhar (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle ayaa waxaa ay sheegayaan in askari ka tirsan Ciidamada Maamulka Hir-Shabeelle uu Nin Ganacsade ahaa u diley Shan Kun oo Shilin Soomaali ah. Dilka Ninka ayaa yimid, kadib markii Askariga uu weeydiistay in uu bixiyo lacagta ninka oo Suuqa Jowhar ku iibinayey Mallaay, hayeeshee uu sheegay in uu hadda heyn balse xabad uu ku dhuftay, sida uu sheegay qof kamid ah dadka Magaalada Jowhar. “Isii 5 kun Sh. Somali ah Wallow ma haayo ilaa aan ka gadanayo mallaayga aan soo qaatay isug, maya madaxa ayuu uga dhuftay xabad, Shan kun darteed ayuu u dilay, waxaana ka codsanayaa laamaha amniga in sharciga la horkeeno dilaaga si xaqdarada ah ku dilay maskiinkaan ayuu yiri” qof kamid ah dadka Jowhar. Askariga dilka geystey ayaa la sheegay inuu ka baxsaday goobta uu dilka ka dhacay waxaana baadigoob ugu jira ciidamada booliska magaalada Jowhar. Dad ka careysan dilka wiilkan oo magaciisa lagu sheegay Yaasiin Muxumad Maxaad oo 33 jir ah ayaa waxaa ay banaanbaxyo ka dhigeen wadooyinka magaalada Jowhar iyagoo hakad muddo kooban ah ku yimid isu socodka dadka iyo gaadiidka qeybo ka mid ah magaalada Jowhar. Wiilkaan Maanta lagu dilay Magaalada Jowhar ayaa waxaa xusid mudan in wiil la dhashay sanadkii hore uu diley mid ka mid ah ciidamada milatariga xaafada Horseed ee magaalada Jowhar, waxaana marxuumkaas isna lagu magacaabi jiray abdicasiis Muxumad Maxaad
  8. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa habeenimadii xalay kulan salaan ah la qaatay weftigii ballaadhnaa ee ka socday maamullada Soomaalida iyo Oromada ee dawladda Federal-ka Itoobiya ee booqashada shaqo ku joogay Somaliland. Weftiga ka socda maamullada Soomaalida iyo Oromada oo ay hoggaaminayo madaxweyne-ku-xigeenka is-maamulka Oromada Mrs Chaltu Sani Ibraahim, ayaa kulankooda salaanta ah madaxweynaha kula qaatay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, waxana ay labada dhinac iska xog-waraysteen xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo guud ahaanba Itoobiya, iyaga oo madaxweynaha uga mahadnaqay sida walaaltinimada leh ee uu dalka ugu soo dhaweeyey. Kulanka Salaanta ah ee uu madaxweynuhu la qaatay weftiga ka socda maamullada Soomaalida iyo Oromada ee dalka Itoobiya waxa ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, xubno kamid ah golaha wasiirrada iyo safiirka Somaliland u fadhiya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Wa bilaahi Tawfiiq Source
  9. Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta wuxuu la hadlayaa Shacabka isagoo Arimo badan ka hadli doona. Xaalada Guud ee Puntland, Amaanka Soomaaliya iyo [...] Source
  10. Bulshada Rayidka Puntland ee PUNSAA iyo wasaarada Qorshaynta iyo Xiririrka caalamiga ah ee Puntland waxay si wadajir ah markii ugu horaysay u wada qabteen shirka wadatashiga Bulshada Rayidka oo ku aadan Qorshaha Hormarinta PL ee shanta (5) sano ee soo socota 2020-2024. Shirkan oo ay kasoo qaygaleen 70 aqoonyahan oo kakala socday qaybaha kala duwan ee Bulshada rayidka oo ay hogaaminayso PUNSAA waxaa looga hadlay Arrimo ay kamid yihiin qodobada mudnaanta la siiyay ee ku jira Qorshaha hormarinta PL 2020-2024(priorities of the 5YPDP(2020-2024). Sidoo kale waxaa looga hadlay kaalinta Bulshada Rayidka PL ay ka qaadankarto qorshahan(Role of Civil Society) iyo hindisida mudnaan cusub oo laga yaabo in ay Bulshada ku cusubyihiin sida Isadalka cimiladaiyo Dimuqraadiyada PL kuwaas oo qay ka noqonkarta Qorsha cusub(emerging new priorities/issue). PUNTLAND POST The post Shir ku saabsan Qorshaha Horumarinta Puntland oo Garoowe lagu qabtay appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (Caasimadda Online) Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa si weyn walwal uga muujiyay qodob cusub oo lagu soo daray sharciga doorashooyinka Qaranka ee Heer Federaal, kaasoo shalay loo qeybiyay Xildhibaanada Golaha Shacabka. Qodobkan ayaa ahaa in Madaxweynaha uu Ra’iisul Wasaaraha ka soo magacaabayo Xisbiga ku guuleysta aqlabiyada Baarlamaanka, waxaana qodobkaas uu ku tilmaamay inuu gacmaha ka xirayo Madaxweynaha, kana hor-imaanayo qodobka 90aad ee Dastuurka oo qeexaya awoodaha Madaxweynaha. Haddaba qoraal uu bartiisa Facebook ku soo qoray ayuu kaga hadlay qodobkaas oo saacadihii la soo dhaafay dadku si weyn uga hadlayeen:- ARIMO KU GADAAMAN QOD.11aad EE SHARCIGA DOORASHOOYINKA. Anigoo u mahad celinaya gudiga sharciga doorashooyinka ee Baarlamaanka, haddana waxaan lagama maarmaan ah in la ifiyo arimo ku gadaaman qodob cusub ee ay gudigu ku soo dareen sharciga oo ah qodka 11aad gaar ahaan faqradiisa 6aad ee sharciga doorashooyinka ee sheegaya ama tibaaxaya in madaxweynahu uu ka soo dhex qabanayo wasiirka koowaad xisbiga ku guuleeysta aqlabiyadda Barlamaanka. Haddaba waxaan isleeyahay qodobkaasi cusub ee aan horay baarlamaanku oga doodin ogana baaraan dagin waxuu u baahan yahay is dul istaag iyo ka doodis badan, marka laga eego arimaha soo socda: 1. Qodobka oo aad moodo inuu ka hor imaanayo qodka 90aad ee dastuurka ee qeexaya awoodaha madaxweynaha, asagoo gacmo xiraya madaxweynaha. 2. Qodobka oo wax ka badal weyn ku sameynaya nidaamkii xukun ee dalka ee ku dhisnaa kuna saleysnaa awoodo dheeli tiran oo u dhaxeeya madaxweynaha iyo wasiirka koowaad, lakiinse haddii qodabkaan 13aad la qaato waxaa dhaci doonta in awoodda wasiirka koowaad ay aad xoogeysato uuna noqonayo asagu madaxa dowladda (Head of State) sida curfi ahaan lagu yaqaano wasiirada koowaad ee ku yimaado habka aqlabiyadda Baarlamaanka. Haddii ay sidaas dhaceysana oo nidaamkaas xukun ee cusub aan u guureynana waxay u baahan tahay in si weyn looga hadlo loogana baaraan dago oo uusan si sibiq ah nagu galin laguna qaadan. 3. Qodobka oo laga yaabo inuu qalqal iyo qulub ku keeno nidaamkii awood qeybsi ee dalka ka jiray, waayo hadduu madaxweynuhu wasiirka koowaad ka soo magacaabayo xisbiga hela aqlabiyadda Baarlamaanka waxaa imaan karta in haddii madaxweynaha la doortay uu noqdo beel (X) qofka hogaamiya xisbiga hela aqlabiyadda baalamaankuna noqdo isla beel (X) uu madaxweynuhu ku qasbanaado inuu qofkaas magacaabo maadaama uu asagu yahay hogaamiyaha xisbiga ee xaqa u leh xubintaas ama xilkaas, taas oo dhaawac ku ah dhowrista nidaamkii awood qeybsi ee jiray. Dhanka kale hadduu madaxweynuhu asagoo dhowraya awood qeybsiga qofkaas qof aan aheyn oo beel Y ah uu xisbigaas ka dhex qabsadana, waxaa imaan karta inuusan qofkii hogaamiyaha xisbiga ahaa uu ku qanci waayo oo halkaas khilaaf iyo burbur xisbigaas ku yimaado ay dhacdo. Haddaba waxaan xildhibaanada sharafta leh u soo jeedin lahaa in qodobkaas ay sii gaar ah diiradda u saaraan loogana doodo.
  12. Dowlada Israel ayaa shaacisay in boqolaal Qof oo u dhashay Israel ay ku jiraan Xabsiyada Yurub sababtoo ah waxaa lagu qabtay iyagoo jaad soo galinaya. [...] Source
  13. Jowhar (Caasimadda Online) – Mooshin ka dhan ah madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa la filayaa in xildhibaanada Baarlamaanka ay gudbiyaan, waxaana la fahamsan yahay in 40 mudane oo ka tirsan Baarlamaanka ay isku raaceen iney gudoonka wakiilada u gudbiyaan go’aankoda. Waxaa la fahamsan yahay in maamulka HirShablle uu yahay mid gudan waayay waajibkii saarnaa, sidoo kalana gabi ahaan wax ka qaban waayay amaanka, horumarka iyo dagaalka looga soo horjeedo Al-Shabaab sida ay ku doodayaan Sharci-dejiyeyaal. Lama oga tallaabada xigta oo ay qaadi doonaan xubnaha wada mooshinkaan, balse waxaa la ogyahay inuu socdo abaabulka, sidoo kalana xubin ka tirsan Baarlamaanka oo taageero weyn u ah xukuumadda hadda ayaa la hadlay saxaafadda. Aadan Kaladire wuxuu aaminsan yahay in qaar ka mid ah xildhibaanada ay wadaan mooshin aan wakhtigaan loo baahneyn, kaas oo keeni kara buuq siyaasadeed. Sida la ogyahay dhamaadkii 2017 ayey aheyd markii madaxweyne Maxamed Cabdi Waare loo dhiibay xilka madaxtinimo ee dowlad goboleedka HirShabelle, waxaana jirta in lagu guuldareystay dhawr mooshin oo laga gudbiyay.
  14. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Waxaa haatan uu khilaaf ka taagan yahay 20 Xildhibaan oo Ahlusunna Wal-Jamaaca laga siiyey Baarlamaanka Cusub ee Dowlad goboleedka Galmudug, iyada oo Odayaal iyo Waxgarad ay kasoo horjeesteen. Cabdullaahi Macalin Cali oo kamid ah dadka deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in marnaba aysan ogolaan doonin raalina ka noqoneyn Xildhibaannada Ahlusunna laga siiyey Baarlamaanka Galmudug. Wareysi uu siiyey warbaahinada Muqdisho ayuu sheegay in marnaba aysan qeyb ka noqoneyn dhismaha Galmudug, Ururka Ahlusunna uu in ka badan 70 Ruux uu ku diley deegaanka Xeraale,isla markaana ay aqbaleyn in Xildhibaannada deegaankooda loo xil saaro Urur Gaar ah. Sidoo kale waxaa jiro beelo kale oo ka hor imaaday 20-ka Xildhibaan oo ay dhawaan ku dhawaaqday Ahlu Sunna iyadoo beelaha qaar ay ku doodayaan in laga qaatay tiro badan oo aysan qaadan karin marnaba. Dhanka kale, waxaa magaalada Gaalkacyo ka dhacday xaflad lagu soo dhaweenayo labadii Xildhibaan oo ay Ahlu Sunna ka qaadatay Beesha Sacad kuwaas oo dhawaan lasoo gudbiyey magacyadooda. Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan si rasmi ah ugu dhawaaqday inay Ahlu Sunna u ogolaatay 20 ka mid ah 89 Xildhibaan ee uu yeelanayo Baarlamaanka Galmudug.
  15. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinaayo Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa kulankii labaad maanta qasriga madaxtooyada kula qaatay gudoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ee UCID iyo Waddani, Eng Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali Waraabe) iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro). Markii kulankaasi laga soo baxayna wax warbaahinta la hadlay madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ee Waddani waxaanay shacbiga Somaliland ugu bushaareeyey in la isla qaatay inta ka horaysa 10/01/2020 in laga shaqeeyo oo la gudo galo qodobadii hore loogu heshiiyey loona dhamaystiri lahaa si looga gudbo caqabadihii ku gadaamnaa doorashooyinka. Wa Bilaahi Tawfiiq Source
  16. Wajeer (Caasimadda Online) – Maamulka magaalada Wajeer ayaa shaaca ka qaaday in ay diyaariyeen istiraatiijiyad cusub oo lagu xaslinayo amniga magaalada Wajeer kaddib markii ay kordheen weerarrada Al-shabaab ka geystaan Magaaladaasi. Jacob Narengo Guddoomiyaha Wajeer, ayaa warbaahinta u sheegay in ay go’aansadeen in ay kulan la qaataan odayaasha Gobolka Gedo ee dhinaca Soomaaliya iyo odayaasha Wajeer kaddibna sameeyaan Guddi isku dhaf ah oo ka wada shaqeeya amaanka Sohdinta labada dal. Guddoomiyaha ayaa odayaasha Labada Dhinac ka dalbay in ay si wadajir ah ugu wada shaqeeyaan amniga, islamarkaana xoogga saaraan sidii Hay’adaha amniga ee Kenya ay u heli lahaayeen xogaha weerarrada Al-shabaab ka hor inta aysan fulin. Isniintii la soo dhaafay saraakiil ka mid ah Hay’adaha amniga Kenya ayaa ka badbaaday weerar Miino ahaa kaddib markii Gaari ay la socdeen uu dulmaray markii uu dhaafayna ay qaraxday. Xeeladaan cusub ee looga hortagayo weerarada Al-Shabaab ayaa imaaneyso kadib markii ay cirka isku shareertay weerarada ay Al-Shabaab ka fuliyaan gudaha dalka Kenya. Kooxda Al-Shabaab ayaa horey u sheegtay inaysan joojin doonin weerarada ay ka fuliso gudaha Kenya inta ay ciidamada Kenya isaga baxayaan Soomaaliya. Dowladda Kenya ayaa waxaa ka joogo ciidamo badan oo ka tirsan howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ee kaasoo muddo ka badan 10 sano ka socdo Soomaaliya.
  17. Biyo la’aan baahsan ayaa xilligan laga soo sheegayaa in ay ka jirto xerada Dhadhaab oo ay ku nool yihiin in ka badan 2kun oo qoys. Afar maalin oo xiriir ah ayaa la sheegay in aanay biyo haysan dadka ku dhaqan xeradaasi, gaar ahaan kudhowaad 20 xaafadood oo xeradaasi ah. Sababta biyo la’aanta keentay ayaa lagu sheegay kadib markii ay cillad soo wajahday ceelashii ay dadku biyaha ka cabi jireen. Dadka ayaa biyo u raadsanaya saldhigga Booliiska ee xerada Dhadhaab, iyadoo aanay jirin meello kale oo biyo ka keenaan. “Saddex maalin ka badan ayaa oon nahayaa, waxaan kala garan la nahay in ceelashii haleysan yihiin ama biyo xumi kale jirto, caagii 20ka Liter waxaa nalaga qaataa Shan Shilin Kenya, mana awoodno lacagtaasi” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah dadka qaxootiga ku ah halkaasi. Dadkan ayaa biyaha ku heli jiray si lacag la’aan ah, waxaana bixin jiray hay’ado samafal, iyadoo ay socdaan dedaallo ay hay’adaha ku doonayaan in lagu hagaajiyo ceelshan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Warar soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle, ay mooshin xil ka qaadis ah ka diyaarinayaaan Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare. Xildhibaanno u badan kuwa wasiirada ah ayaa lasoo sheegayaa in Jowhar ay ka wadaan abaabulka mooshinkaan, iyaga oo ku eedeynaya Waare waxqabad la’aan. Mudanayaasha mooshinkan wada ayaa ka badan 30 xildhibaan, waxaana la ogeyn sida ay wax ku dambeyn doonaan. Dhanka kale, waxaa jira xildhibaanno kale oo Hirshabelle ah, islamarkaana kasoo horjeeda mooshinkan, sheegayana in loo baahan yahay badbaadinta shacabka Hirshabelle, bedalkii mooshin lagu mashquuli lahaa. Waxay sheegayaan mudanayaashan in Hirshabelle aanay qalqal siyaasadeed xilligan u baahneen, kaliyana dooneyso wax u qabasho shacabka ay isugu darsameen fatahaadda iyo Anyaxa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Wararka ka imaanaya degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa waxay sheegayaan in askari ka tirsan ciidanka Booliiska uu diley Haweeney ka mid ahayd shacabka ku dhaqan degmadaasi. Askarigan ayaa rasaas ku furay dad shacab ah oo isugu soo baxay dagaal dhexmaray dad deris ah, balse waxaa halkaasi ku dhimatay Hani Ismaaciil Yuubane. Askarigii falkaasi ka dambeeyey ayaa goobta isaga baxsaday, sida ay inoo sheegeen dad ku dhaqan halka dilkan uu ka dhacay. Dhanka kale, ciidamada Booliiska degmada Dayniile ayaa wada howlgal ay ku raadinayaan askarigii dilka ka dambeeyey. Saraakiisha ammaanka degmadaasi ayaa sheegay in haddii ay gacanta ku soo dhigaan askarigan cadaaladda la marsiin doono. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa shir guddoomiyey kulan looga hadlayey ammaanka magaalada Muqdisho oo Todobaadle ah, waxaana ka qeybgala madaxda sare ee maamulka gobolka iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir. Shirkan oo saacado socday ayaa diiradda lagu saaray xoojinta ammaanka caasimadda, ka shaqeynta bilic soo celinta, tirakoobka guryaha iyo sidoo kale sare u qaadista daqliga kala duwan ee dowladda Hoose. Cumar Filish ayaa u sheegay guddoomiyeyaasha degmooyinka Muqdisho in looga baahan yahay sare u qaadista howlaha ay bulshada u hayaan, sidoo kalena laga doonayo in si hufan ugu adeegaan shacabka ay madaxda u yihiin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. (SLT-Hargeysa)-Xukumadda Somaliland Oo Lacag Electronic Ah Samaysay, halkan hoose ka DAAWO Source
  22. (SLT-Norway)-Ari Behn, oo uu mar soddog u ahaa boqorka Norway, ayaa geeriyooday isagoo jiray 47 sano, sida uu sheegay afhayeenkiisa. Behn, oo qoray dhowr buugaag, ayaa guursaday Amiirad Martha Louise sanadkii 2002 balse waxay labadoodu kala tageen laba sanno kahor. Afhayeenkiisa ayaa wakaaladda wararka Norway ee NTB u sheegay in Behn uu is dilay. War-saxaafadeed ka soo baxay, boqorka iyo boqoradda Norway ayaa lagu yidhi “wuxuu ahaa qeyb muhiim ah oo qoyskayaga ka tirsanaa sannado badan waxaana u heynaa xusuuso fiican”. Arooskoodii, Behn oo u dhashay dalka Denmark ayaa lagu mursansanaa inuu noqdo lammaanaha Amiirad Martha Louise, oo ah gabadha keliya iyo curadda Boqor Harald iyo Boqorad Sonja. Source
  23. (SLT-Hargeysa)-Jilaaga caanka ah ee shirkadda filimada Bollywood-ka Hindiya, Salman Khan ayaa qirtay inuu “ku madax adkaa” waalidiintiisa, Salim Khan iyo Salma Khan, sidoo kalena iskuulka uu dhiganayay laga eryay isagoo marayay fasalka afaraad. Xiddigan ayaa arrimahan sheegay xilli uu ka hadlayay bandhigga “Tara Sharma”, halkaasoo uu ka ahaa marti sharafkii ugu horreeyay. Warbaahinta dalka Hindiya ayaa si weyn u hadal heysa sheekadan ku saabsan noloshii yaraanta ee Salman. Markii ay Tara weydiisay Salman su’aal ku saabsaneyd sidii uu yaraantiisa ahaa ayuu yidhi: “Markaan yaraa, waan dhibi jiray waalidiinteyda, aad bay iigu rafaadi jireen, walina sidii ayaan ahay, ilaa hadda dabeecaddaas waan leeyahay”. Wuxuu isagoo hadalkiisa sii wata sheegay inuu mar walba jeclaa waalidiintiisa, ayna aad isugu dhawaayeen. “Taasi waa sababta aan xanuunka u dareemo mar kasta oo aan xaaladdaas soo xasuusto”, ayuu yiri. Salman Khan ayaa dhanka kale ka hadlay qaar ka mid ah marxaladihii uu soo maray markii uu iskuulka dhiganayay, isagoo sheegay in “la eryay” xilli uu ku jiray fasalka 4-aad ee dugsiga hoose. “Run ahaantii ma aqaanno waxa khaldan ee aan sameeyay marka aan soo korayay, waana la yaabanahay sababtii la iiga eryay iskuulka anigoo fasalka afaraad ku jira. Waxaa la ii gudbiyay iskuul kale, markaas ka dibna waxay iskuulkeygii hore ka codsadeen inuu dib ii qaato”, ayuu yiri Khan. Atoorahan ayaa intii uu sheekadaas waday wuxuu sidoo kale shaaca ka qaaday dhacdo dhex martay macallinka maamulaha ka ahaa mac-had uu dhiganayay. Wuxuu sheegay in maamulaha uu carooday markii uu Salman u gambiyay cashirkii maaddada seyniska. “Bannaanka ayuu igu sugayay isagoo ul heysta, wuxuuna iisii istaagay albaabka weyn agtiisa! Wuu ogaa inaan wax kale ku mashquulsanaa”, Source
  24. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa jawaab adag ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe. Siciid Cartan Cismaan waxaa kale oo uu ka hadlay taladii ay soo saareen gudidii dhexdhexaadinta asxaabta iyo Xukuumadda oo uu sheegay in taladooda loo eegayo sharciyadda qaranka. Siciid Maxamed Cilmi oo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa uu dadka ku dhiiri galinayay Faysal Cali Waraabe in Baarlamaanka loo daato taasina waa Sharci darro iyo meel ka dhac ayay ku tahay Qaranka iyo wax aan ku Wanaagsanayn, waxaanu hilmaansanyahay tiradii ugu yarayd ayuu ka helay Faysal Cali Waraabe Doorashadii Madaxtooyadda, waxaanan leeyahay Baarlamaanku Sharciyad ayuu ku joogaa iyo ta uu ku yahay 15 sanno Guddoomiyaha Xisbiga UCID, “ Xildhibaan Siciid Cartan ayaa waxa uu Sheegay in Sharciga loo raacayo Tallo soo jeedintii ay soo saareen Gudidii Dhexdhexaadinta.waxaana uu ydhi “Odayaashii is xil qaamay Go’aan may soo saarin ee waxaay soo saareen talo soo jeedin ayay ahayd waanay ku Mahadsanyihiin, waxaana loo akhrinayaa talo soo jeedintaa Xeerarka iyo Sharciga Qaranka u yaalla wixii aan Sharciga Waafaqsanayn waa waxba kama jiraan,”. Waxaa kale oo uu ka hadlay dhismaha dekedda Berbera oo ay dhawaan soo kormeereen, waxaanu yidhi. “Waxaanu soo kormeernay Dekeda Magaalada Berbera si Wanaagsan ayayna u socotaa Dhismaha dekeda Berbera Magaalada Berbera Mustaqbal Wanaagsan ayaa usoo ifaya.” Source