Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,024
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlay kulankii shalay su’aala weydiinta ahaa ee fadhiga golaha shacabka ay ku hor tageen wasiirrada amniga iyo duulista hawada ayaa warbaahinta Qaranka ku eedeeyey inaysan sidii wax u jireen u soo tabin, maadaama iyaga oo kaliya warbaahinta looga ogolaa kulanka. Fiqi oo u waramayey Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay faaf reeb lagu sameeyey su’aalihii ku wajahnaa wasiirrada iyo sidoo kale jawaabihii ay bixinayeen, isagoo xusay in xildhibaanadii muxaafidka ahaa oo kaliya su’aalahoodii la baahiyey intii kalena la iska reebay, waxuuna ku goodiyey inay taas kula xisaabtami doonaan. “Kulan adag oo taariikhi ah ayuu ahaa oo sidaa ogtihiinba loogu yeeray wasiirada amniga iyo duulista hawada oo lagu weydiinayey su’aalo tira badan oo shacabku ay qabaan oo howlahooda la xariira. “Waxaa la weydiiyey xubnahaas su’aallo badan oo shacabka Soomaaliyeed ka dhex guuxayey, gaar ahaa cuna qabateyntii Kismaayo, madaxweynayaashii safaradooda laga celiyey iyo howlaha amniga oo dhan, sida dilka guddomiyihii gobolka iyo kii gabadhii Almaas Elman ayaa la weydiinayey, waxaana ayaan darro ah in warbaahintii qaranka oo ku shaqeynaysa canshuurtii shacabka aysan maanta baahin kulankaas muhiimka ah” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi. Xildhibaanka oo sii hadlayey ayaa yiri, “Dhacadadii maanta oo dhamaan ay dadku dameynayeen in warbaahintii dowladda ay soo baahi weyso nuxurka dhacdadii ka dhacday hey’addii ugu weyneed dowladda, waxay tirmaan muuqata u tahay sida dalkan uu gacanta ugu galay kaligii talis”. Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in weriyaha uusan waajib ka saareyn inuu faaf reeb ku sameeyo hadalka xildhibaanka, maadaama hadii dhib ka yimaado uusan shaqo ku laheyn weriyuhu ee qofkii yiri uu ka jawaabayo khalad ka dhaco, isagoo sheegay in warbaahinta madaxa banaanba aysan kala reebin hadalada masuuliyiinta wax dhiba oo uga yimaadana aysan jirin. Ugu danbeyntii Fiqi ayaa sheegay in isaga iyo xildhibaano kale ay dacwad ka gudbi doonaan warbaahinta dowladda, sidoo kalena ay baarlamaanka hor geynayaan maadaama ay ku shaqeeyaan canshuurta shacabka laga qaado. “Aniga iyo xildhibaano kale waxaan dareen weyn ka qabnaa arintaas waxaana gudbi doonaa dacwad ka dhan ah warbaahinta dowladda, sababta aan u dacweynayno oo golahana aan u hor geynayno waxay tahay canshuurta shacabka ayey ku shaqeysaa inay ugu adeegto ayeyna aheyd, laakiin madaxda kaliya inay u adeegaan oo wararka u fiican kaliya tabiyaan ka yeeli mayno waana la xisaabtami doonaa” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dil shalay ka dhacay degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho oo loo gaystay nin lagu magacaabo Maxamed Cumar Guutaale. Maxamed Cumar Guutaale ayaa ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda, waxaana dilkiisa fuliyey koox hubeysan oo goobta ka baxsaday, sida ay sheegtay Al-Shabaab. Qoraal kasoo baxay koooda Al-Shabaab oo lagu baahiyey warbaahintooda ayaa lagu sheegay in Maxamed Cumar Guutaale “uu ahaa kabtan” ka tirsan ciidamada dowladda, islamarkaana dilka ay fuliyeen dagaal-yahanada kooxda. Dowladda Soomaaliya weli wax war ah kama soo saarin dilka Maxamed Cumar Guutaale. Warbaahinta Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegay in Maxamed Cumar Guutaale uu “galaangal weyn” ku dhax lahaa taliska ciidanka xoogga dalka, inkasta oo aysan weli caddeyn heerka uu ka joogay. Dilkan ayaa imanaya ayada oo amniga Muqdisho uu aad u wanaagsanaa bilihii dhowaa, islamarkaana la yareeyey dilalkii iyo qaraxyadii ay kooxda Al-Shabaab ka fulin jirtay caasimadda.
  3. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa bilowday hab cusub oo ay kula dagaalameyso Ayax baahsan oo ku habsaday deegaano balaadhan oo ka tirsan maamulkeeda. Somaliland ayaa rasaas iyo hubka dagaalka ee daran-dooriga u dhaca u adeegsatay Ayaxaasi oo koox koox u wada socday, isla markaana si weyn u qabsaday deegaano ka tirsan gobolka Sool oo ay dhul beereed baaxad weyn ku yaalan. Waxa saacadihii la soo dhaafay lagu arkayey baraha bulshada muuqaalo muujinaya Ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland, oo hubkaasi u adeegsanaya Ayaxaasi, si looga cayriyo dhulkaasi uu ku habsaday. Ciidamadaasi ayaa sidoo kale waxa ay adeegsanayeen dhawaaqa dheer ee gawaadhida dagaalka, si loogu kala eryo Ayaxaasi baahsan ee faraha ba’an ku haya, iyagoona rasaas kala go’ laheyna hawada ugu ganayey. Habkan cusub ayaa kamid ah dadaalo ay Somaliland ku dooneyso inay kula tacaasho Ayax faro badan ku haya deegaano ka tirsan maamulkooda oo u badan dhul beereed. Somaliland ayaa hore ugu aqoonsatay Ayaxan ku habsaday qaar kamid ah deegaanadeeda ‘Musiibo qaran’ oo u baahan in si deg deg ah wax looga qabto.
  4. The weakening of the Auditor General’s independence is a serious setback for accountability and good governance in Somalia. Developing countries often face the difficulties of institutionalising good governance in ways that are tailored to their own circumstances. Whilst standards of good governance in Somalia are slowly changing for the better, the current debate about the Audit Bill, which sets out the framework within which the role of Somalia’s Auditor General (AG) is defined, portends serious accountability and transparency problems. Somalia’s politics is largely based on the principle of being on the make and on the take. Understanding the questions of who drives transparency initiatives, who promotes its effective implementation and who will potentially be hurt by it therefore become very important. This takes on an added importance as reluctance to criticise, and keeping your mouth firmly shut, is the ticket to being in office in a “lucrative” post and staying outside looking in (and of course salivating for the chance to come aboard). In other words, transparency and accountability are bywords for “Qawda Maqashii Waxna Ha U Qaban”. As a matter of course, the AG must be independent of government and needs to have the right degree of freedom to scrutinise and challenge those entrusted with public funds without fear or favour. It is therefore hardly plausible to expect such scrutiny from someone who is appointed by the very people he is trying to police, and who may as well remove him from office at will. It is an obvious weakening of the AG’s independence to make its mandate ineffective and unfit for purpose. Flashes of “Isla Xisaabtan” The most recent “adverse” audit report issued by Somalia’s AG is both instructive and welcome as it shows flashes of “Isla Xisaabtan” peering through. The fact that an audit report details substantial and systemic flaws in the internal governance of every government department, including the offices of the Prime Minster and President, is as unsurprising as it is important. This is progress. However, the public repudiation of some of the report’s material conclusions a few days later by the Minister of Finance, forcing the AG to issue “clarifications” is a potent reminder that confidence in the quality of AG’s work is neither widely shared, nor AG’s independence appreciated. This is very unfortunate and will have a chilling effect on the AG’s objectivity and independence, cascading all the way down to the auditors on the ground. The AG’s role is to support accountability and improvement through assessments that are rigorous and free from political bias. Independence from government pressure and interference therefore underpin the unique value of the AG’s audit work. Whilst constructive challenge and debate is part of the audit process, and is something that should be managed internally within the framework of agreed legislative guidelines, a public spat shows engagement and accountability mindsets are still underdeveloped. The proposed Audit Bill A key flaw in the provisions within the Audit Bill is that it gives Somalia’s president the prerogative to appoint the AG without parliamentary involvement – in essence, the Executive appointing its own oversight authority. The Lower House of Parliament approved the bill, effectively endorsing a framework which curtails its own ability to provide credible oversight. The bill had since been in legislative limbo at the Upper House for almost a year. This is either evidence of legislative paralysis at a time when the country needs to show urgency in implementing much needed governance reforms; or the Upper House is scrutinising poorly drafted legislation which is intended impair, rather than enhance, AG’s independence. It is not difficult to see what the issue is. The separation of powers principle dictates that the legislative branch (Parliament), provides constitutional oversight over the Executive (government). Parliament, which approves the government’s budget, needs to be able to make the link between what it approves and how the government is delivering what is required to do. The AG thus supports parliament by looking across the government to identify evidence of systemic corruption and mismanagement of public funds; assesses whether public funds are used on value for money grounds; provides objective assurance over the delivery of public services and makes important recommendations for making improvements. By helping parliament with its oversight of the executive, a country’s overall transparency and accountability processes are enhanced in ways that are beneficial to society at large. This is critically important for achieving economic progress. However, we also know that a truly independent AG will naturally worry those that favour form (having an AG in name only) so that veneer of accountability and transparency is projected, rather than substance (an AG’s office that can operate effectively and hold them to account). In this context, the current debate about the Audit Bill, and its initial passage through the Lower House, is indeed unsurprising. The debate of audit bill has also been spun in a way that makes arguing against it sound almost “unconstitutional”. The assumption that Somalia’s interim constitution gives the president the power to appoint the AG, and anything that deviates from it is deemed unconstitutional, is incredulous and stretches logic. A parliament ill-equipped to understand its responsibilities to its people and an Audit Bill that is hardly consistent with the pursuit of robust accountability and good governance are both bad news for Somalia. It is time for an urgent rethink. By: Abdi Ali abdirahman.ali3@gmail.com Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You
  5. N&N stay away from this – not good for your health President Farmajo has fleeced Somalia for the past three and a half years by [...] Source
  6. A 34-year-old transport minister and lawmaker has been tapped to become Finland's youngest prime minister ever and its third female government leader. Source: Hiiraan Online
  7. Beledweyne-(Caasimada Online)-Dagaal u dhaxeeya ciidamada xoogga dalka iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa caawa ka socda inta u dhaxeysa degmooyinka Buulo-burde iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan. Dagaalka ayaa bilaawday kaddib markii dagaalamayaasha Al-Shabaab ay weerar jid gal ah ku qaadeen ciidamo ka tirsan Militeriga Soomaaliya oo isaga kala gooshayey magaalooyinka Maxaas iyo Buulo-burde. Taliyaha guutada shanaad, qeybta 27aad ee xoogga dalka Korneyl Faarax Cali Waasuge (Faarax Kooshin) ayaa la sheegay in uu wato ciidamada loo galay wadada. Ciidamadaas ayaa la sheegay inay ka bexeen degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan kuna sii jeeday degmada Buulo-burde ee isla gobolkaas, waxayna dagaal xoog leh kala kulmeen dagaalamayaasha Al-Shabaab oo u galay wadada u dhaxeysa labadaas degmo. Dagaalka ayaa bilaawday makhribnimadii hore ee caawa waxaana la sheegay in goobta lagu dagaalamayo oo ah dhul miyi ah uu wali ka socdo dagaalku, isla markaana laga maqlayo dhawaqa hubka la isku adeesanayo. Wali lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi waxaana aad u adag in war laga helo deegaanada uu dagaalka ka socdo isgaarsiinta oo aad u liidata aawgeed, sidoo kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinacyada dagaalamaya. Waxii ka soo kordha kala soco Caasimada.net
  8. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Bar___Qubanaha-08122019.mp3 View the full article
  9. RIYADH: Restaurants and cafes in Saudi Arabia will no longer be required to have separate areas for families and bachelors, the Ministry of Municipalities and Rural Affairs said Sunday. Eateries in the Kingdom have until now had to provide two entrances: one for women and families and another for single men or male groups . The new rule is the latest step taken in Saudi Arabia to reduce gender segregation. The ministry said on Twitter it was canceling several requirements for restaurants and kitchens including: “An entrance for bachelors (single) and a separate entrance for families.” The ministry made the announcement among a series of rule changes affecting schools, hospitals, restaurants and wedding halls. The mayor of Makkah, Mohammed Abdullah Al-Quwaihis , told Arab News that the move would “ease many conditions and restrictions” for restaurant owners. “This decision will increase the flow of investment and the number and variety of restaurants,” he said.
  10. Gudoomiyaha Degmada Maydh Oo Ka Waramay Waxyeelada Ay Roobabku Gaadhsiiyeen Deegaanka Degmada Maydh Maayarka Degmada Maydh Prof. Xuseen Sheekh C/raxmaan Sheekh Siciid Maydh ayaa ka war bixiyey, Roobab dabaylo wata oo ilaa 6-dii bishan Dec 2019 ka da’aayey deegaanada Degmada Maydh, kuwaasi oo waxyeelo gaadhsiiyey degmada. Maayarka oo goor-dhawayd warbaahinta la hadlay ayaa waxa hadaladiisii kamid ahaa “Roobabki Dabylaha watay oo 6-dii ilaa 7-dii bishan si aan kala-go lahayn uga da’ay degmada Maydh iyo nawaaxigeda, wuxuu gaystay waxyeelooyin badan, sida ruux dumara oo daad ku qaaday deegaanka Xaadh oo ah deeganka hoos-yimadaa degmada maydh, sidoo kale guryo dumay iyo xoolo iyo aqal Soomaliyo uu ka qaaday xaga baadiyaha, magaalada Maydh waxa dumay 9 guri, 5 guri oo ka dumay tuulada waqderiya,sidoo kale waxa waxyeeloobay 13 Laash oo ay 7 laash oo kuwa kaluunka ahna ay gabi ahaanba burbureen, waxa iyana waxyelooyin laga soo sheegaya degaanada hoos yimaada degmada sida, Xaadh laas-dhanaan Afceel kuule.Xarshow ,Ceel-dibir,Gorgor, Cirshiida,Laasa-surad, Waqderiya oo iyagana aanu waxyeeladooda gadaal kasoo sheegi-doonaa “ Mayor Xuseen oo hadalkiisa sii watay ayaa waxa uu sidoo kale yidhi” Waxyeelada ugu wayn wuxuu gaadhsiyey ceelki biyaha degmadu ka cabi jirtay, oo waxa uu waxyeeleyay beebabkii ceelkii biyuhuna wuu dhaawac-may waana xaalad u baahan gurmad deh deg ah”, Mayor Xuseen oo sidoo kale hadalkiisa sii watay ayaa waxa uu yidhi” Roobaabkan ayaa waxa ay jiingadii kala tageen Saldhigii Dhexeee Booliska,Kastamkii, MCH-kii degmada,Gurigii Hooyooyinka, isagoo sidoo kalena dumiyeyxaruntii qalabka kaluumaysiga iyo dhirtii waa-weynayd ee degmada,Dhamaan guryaha ka dumay degmada maydh oo isugu jira Guryo shicib iyo Guryo dawladeed ayaa isku gaynta tiradoodu tahay 20 guri oo dumay roobkii bishii hore iyo 10 uu dumay 6-7-dii bishan iyadoo wadarta guryaha waxyeeloobay ay noqonayaan 30 guri” Gaba-gabadii ayaa waxa uu Maayarka Degmada Maydh Prof. Xuseen Sheekh C/raxmaan Sheekh Siciid Maydh cod dheer ku sheegay in bulshada degmada maydh u baahan tahay in si degdega loo soo gaadhsiiyo gargaar degdega . Qaran News
  11. Taliyaha Ciidanka Booliiska dowladda Puntland Sarreeye/Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse, ayaa shaqadooda u fasaxay Taliya Qeybta Booliiska gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Mu’min Cabdi Shire (Ina-madaxweyne) iyo Ku xigeenkiisa Gaashaanle Cismaan Maxamuud Buraale (Suleembe). Gen Muxiyadiin ayaa Arbacadii la soo dhaafay oo ku beegneyd 4-tii bishaan December, waxa uu shaqada ka joojiyay Taliya Qeybta Booliiska gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Mu’min Cabdi Shire, kadib khilaaf soo kala dhex-galay labada Taliye. Sarreeye/Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse, ayaa shaqa-joojinta u cuskaday amar-diiddo uu sheegay in uu sameeyay Col. Mu’min Cabdi Shire, balse ilo’ ka agdhow Jananka ayaa xaqiijiyay in labada Taliye uu khilaaf hoose ka dhex jiray. Sidoo kale, Taliyaha Booliiska ayaa maalin kadib shaqada ka joojiyay Taliye xigeenka Qeybta Booliiska gobolka Nugaal Gaashaanle Cismaan Maxamuud Buraale (Suleembe) oo uu isagana ku eedeeyay in uu amar-diiddo sameeyay. Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Puntland, ayaa la sheegay in ay markii dambe xalliyeen khilaafkii labada dhinac, islamarkaana Taliyaha Booliiska ku qanciyeen in uu shaqadooda u fasaxo, Taliyaha Qeybta iyo ku xigeenkiisa. Taliyaha Booliiska Puntland, ayaa sidaan oo kale 8-dii June ee sannadkan, waxa uu shaqada ka joojiyay Taliyihii Qeybta Booliiska gobolka Nugaal ee xilligaasi Gaashaanle Sare Cabdixamiid Maxamed Axmed Samakaab (Ina Maxamed Dirir). Balse, madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan oo xilligaasi ahaa Ku-simaha madaxweymaha, ayaa shaqada u fasaxay Cabdixamiid Dirir saddex saacadood kadib markii uu shaqada ka joojiyay Gen Muxiyadiin. PUNTLAND POST The post Taliyaha Booliiska Puntland oo shaqada u fasaxay Taliya Qeybta Booliiska Nugaal iyo ku xigeenkiisa appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishuur Warsame oo ayaa caawa si shaacsan ugu dhowaaqay inuu Allah uga towbad keenay gefkii ka dhacay, wuxuuna weydiistay cafis. “Waxaan rabaa mar kale inaan cadeeyo xadiishkiis Nabiga CSW ee doodu ay ka dhalatay inaana diidaneyn oo aan ictiraafsanahay xadiiskaas inuu yahay mid saxiix ah, waxaan kaloo ictiraafsanahay sida Nabigeena Muxamed NNKH uu fasiraadda uga bixiyey, waxaan kaloo ictiraafsanahay diinteena Qur’aanka Kariimka iyo sunnada Nabiga CSW inay tahay diinta xuquuqda ugu badan siisay haweenka, sidaas darteed wax kasta oo khalad ah oo khudbadaas ku jiray waxaan Ilaahey subxaanahu watacaalaa weydiisanayaa inuu iga cafiyo, waana uga towbad keenayaa” ayuu yiri CC Shakuur Warsame. Cabdiraxmaan oo sii hadlayey ayaa sheegay inuu jiro dhaqan guracan oo bulshadeena ka dhex jira iyo fasiraad khaldan oo uu sheegay in diinta laga sameeyay. “Waxaan markasta diidanahay oo u taagnaa doonaa iyadoo diinteenu ay xuquuqda ugu badan siisay haweenka inuu jiro dhaqan guracan oo bulshadeena ku dhex jira, fasiraad khaldan oo diinta laga sameeyey oo lagu dulminaayo xuquuqda dumarka, kaas oo aan anigu diidanahay waxaan ahay qof u taagan inuu ka hor tago oo dulmigaas ka dhiidhiyo, difaacana xuquuqda dumarka ay siisay shareecada islaamka” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Cabdiraxmaan. Ugu danbeyntii Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa yiri, “Dhamaan doodihii ka dhashay khudbadeydii waan la socday in tooda badan tan culumada , tan siyaasiyiinta iyo tan bulshadaba, dhamaan waan cafiyey dadkaas kuwa iga soo horjeeday iyo kuwa itaageerayaba, iyagana waxaan ka dalbanayaa inay i cafiyaan, arrintu halkaas ha ku dhamaato, culumadana waxaan ugu baaqayaa inaysan la kala safan siyaasiyiinta, kuwa aan hadda siyaasada isku heyno anigaaba ku dhaama diintee haddey cid la safanayaan waxay aheyd inay aniga ila saftaan.” Hoos ka daawo muuqaalka
  13. Muqdisho (SMN) – Xarakada Al-Shabaab ayaa shaacisay in ay magaaladda Muqdisho ku dishay sarkaal ka tirsan ciidamadda xoogga. Kabtan Maxamed Cumar Guutaale ayaa waxaa la sheegay in lagu dilay degmadda Dharkeenley ee gobolka Banaadir. Laamaha ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la tilmaamay in ay gaareen halka ay wax ka dhaceen iyaga oo qaadey meydka. Marka laga soo tago hadalka Shabaab, ma jiro wax war ah oo ku saabsan falkaan oo kasoo baxay dhanka hay’addaha nabad-gelyadda. Al-Shabaab ayaa horey dilal noocaan ah waxay magaalaladda Muqdisho ugu geystay saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda. View the full article
  14. Reports reaching at Radio Shabelle’s news desk from Lower Juba region of southern Somalia indicate that Al-Shabaab has recaptured key area from Jubaland forces on Sunday. Local residents confirmed that hundreds of gun-toting militants in pick-ups moved into Dag-Allamo village located near Dhoobley town following the pullout of the regional army. There has been no single bullet fired during the take-over. The fighters from Al-Shabaab lectured villagers to announce their come-back and launched an operation subsequently. Jubaland state army officials are yet to comment on the seizure of the area which has been under their control since 2012. View the full article
  15. Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid oo hore u sheegay in Dowladda federaalka Soomaaliya ay gudaha Somaliland ka wado dhismaha maamul goboleed cusub, ayaa maanta shaaciyay magaca maamulkaasi. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Maamulkaasi cusub ee Dowladda federaalka ka sameeynayso deegaanada Somaliland, lagu magacaabo ‘Makhir State’, isla markaana ay ka hirgelinayso Sanaag, Sool iyo Cayn. Faysal Cabdi ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Dowladda federaalku ay rabto inay kala jar-jarto Somaliland oo ay gudaheeda ka sameyso maamul ka madax banaan maamulkeeda. Guddoomiyaha xisbiga Ucid, ayaa ka dhawaajiyey in dowladda federaalka Soomaaliya ay maamul ka sameeyso Somaliland ay u fududeynayso muranka ka taagan gudaheeda, isagoona xusay in Dowladda federaalku ay arrintaasi u igmatay safiirka u fadhiya Itoobiya C/xakiin Cameey, wuxuuna yiri “Nin la yidhaahdo Camey ayaa Safiir looga dhigay Itoobiya, waa Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland, Ninkaa waxa meesha loo geeyay inuu Somaliland qaso oo uu jarjaro, Shalay wuxuu la fadhiistay Ninka Turkiga u qaabilsan Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu isku geeyay Ninka la yidhaahdo Dhoobo-daareed”. “Waxaana markaa la wadaa wax la yidhaahdo ‘Makhir State’ oo ah Sanaag, Sool iyo Cayn, taas ayaa hadda IGAD laga soo ansixinayaa, horena wuxuu u casuumay Ugaaska Awdal Clan, Ugaas Cabdirashiid, Suldaan Siciid oo ah Suldaanka Badhan iyo Fahad Yaasiin”. Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaas ayaa innagu socda iyo Somaliland loo jarjaro sida Soomaaliya oo laga dhigo Dawlad Gobolleedyo, taasina way suurto-galaysaa haddaynaan innagu beenayn, waxaana waxa inaga qarinaya Muranka gudaheeda”.
  16. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta Wasiirka Saleebaan Cali Koore ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay xaflad uu xilka kula wareegayay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa galabta ka qaybgalay Aas qaran oo xabaalaha masallaha ee magaalada Hargeysa loogu sameeyey qoys Afar ka koobnaa oo kala ahaa Aabo, Hooyo xaamilo ah iyo laba wiil oo ay dhaleen ka kooban oo uu xalay kusoo dumay gurigii ay jaar la’ahaayeen, Halkan hoose ka DAAWO Madaxweynaha oo ka hadlaya dhacdadan Source
  18. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-habeen-08122019.mp3 View the full article
  19. (SLT-Hargeysa)-8 qof Oo Ku Dhaawacmay Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Duleedka Balligubadle, Halkan hoose ka DAAWO Source
  20. (SLT-Hargeysa)-Wasiirkii Hore ee wasaaradda Warfaafinta Maxamed Muuse Diiriye ayaa xilkii ku wareejiyay wasiirka cusub Saleebaan Cali Koore, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. The Chief of Defence Forces, Gen David Muhoozi, has cautioned Uganda People’s Defence Forces (UPDF) soldiers who are set to be deployed to Somalia to be vigilant during the festive season since that is when al-Shabaab intensifies attacks against African Union troops in the country. Gen Muhoozi gave the caution to 2,414 soldiers on Friday at Peace Support Operation and Training Centre, Singo. They are going to be deployed in Somalia this month under Battle Group 29. “You are deploying around the festive season. Do not go in a festive mood because the threats of attack are highest in this period. Therefore, do not get surprised when you are welcomed with fire. If welcomed with fire, you must also respond with significant fire,” Gen Muhoozi said. According to a statement issued by the army, Gen Muhoozi told the battle group under the command of Col Edward Kaddu that al-Shabaab has an intelligence network that closely monitors UPDF combat readiness and can strike unannounced. The al-Shabaab has always targeted African Union troops during the festive season in December. In 2014, they attacked a UPDF officers’ mess and killed four soldiers. After the attack, the then al-Shabaab spokesperson, Sheikh Abdiasis Abu Musab, told Reuters that it was planned and carried out while people celebrated Christmas. The army boss told the troops to maintain a healthy lifestyle so that they can remain effective and relevant. “The army wants you alive for your own good, for your family and for your country. It is your responsibility to keep healthy,” he said. The Commander of Land Forces, Lt Gen Peter Elwelu, told the soldiers to observe maximum discipline and warned of “punitive measures on any soldier that will fall short of the set disciplinary standards”. The commandant of Singo Training School, Col Bonny Wolimbwa, said the battle group underwent six months of pre-mission training. View the full article
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa baaq nabadeed ka soo saartay colaad u dhaxaysa beelaha ku dagaalamaya qeybo ka mid ah gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya. War-saxaafadeed ka soo baxay xukuumadda ayaa lagu sheegay in dhawaan guddi ka qeyb qaata daminta iyo xalgaarista colaadaas loo diri doono deegaanada Towfiiq iyo Af-Barwaaqo oo ka tirsan gobolka Mudug, halkaas oo maleeshiyo beeleed maalin ka hor ku dagaalamay ay is kaga dileen in ka badan 15 iyo dhaawac intaas ka sii badan. Sidoo kale warkaan ka soo baxay xukuumadda ayaa lagu sheegay in ciidamada isku dhafka ah ee ka howlgala qeybo ka mid ah gobolka Mudug lagu amray in sida ugu dhaqsiyaha badan u gaaraan deegaanada lagu dagaalamayo. Halkan hoose ka akhriso War-saxaafadeedka. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay aad uga walaacsantahay dirirta iyo colaadaha maalmihii lasoo dhaafay kasoo cusboonaaday qeybo kamid ah Gobolka Mudug kuwaas oo sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac. Xukuumaddu waxay ugu baaqeysaa dhammaan dhinacyada ku lug leh colaaddan in ay si shuruud la’aan ah u joojiyaan, kana dhawrsadaan waxyaabaha kicin kara colaad hor leh. Waxaa la amray in sida ugu dhaqsaha badan ciidamada isku dhafka loogu diro deegaannada ay xiisaddu ka taagan tahay, si ay kala dambeynta u soo celiyaan. Sidoo kale waxaa deegaannada Towfiiq iyo Af-Barwaaqo tegi doono guddi ka socda Xukuumadda kuwaas oo ka shaqeyn doona sidii xal waara loogu heli lahaa colaadda haatan ka taagan deegannadaas. Waxaa lagu boorrinayaa qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay hormuud u yihiin odayaasha dhaqanka, culumada, dhallinyarada iyo haweenka in ay kaalin mug leh ka qaataan dadaallada lagu raadinayo nabadda iyo dib u heshiisiinta, garab istaagna loo muujiyo Ciidamada isku dhafka. Shacabka iyo Dowladda Soomaaliya waxay la tacaalayaan dhibaatada ka dhalatay musiibooyinka dabiiciga ah ee dalkeena ku dhuftay, sidaas darteed dadkeenu ma xamili karaan dhibaato kale oo qaarkeen ay gacmahooda ku sameeyaan. Xukuumaddu waxay ugu baaqeysaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan beelaha walaalaha ah ee deggan Gobolka Mudug in ay Guddiga la magacaabayo kala shaqeeyaan ilaalinta nabadda iyo xasilloonida dalka oo aasaas u ah guud ahaan horumarka shacabka Soomaaliyeed. Dhammaad
  23. Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in wasaaraddu dhistay guddiga Waxbaarshada, Dhaqanka iyo Seyniska. Sidoo kale wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa durbaba ka hor timid guddigaan oo ay magacowday wasaaradda waxbarashada, qoraal kooban oo wasaaradda ka soo baxay ayaa lagu yiri“ Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa u xilsaaran Dhaqanka iyo warfaafinta Soomaaliya , wasaaradda waxbarashadu shaqo kuma lahan” ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya. Halkaan ka Akhriso qoralkii wasaaradda waxbarashada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Daawo:Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Ayaa Xadhiga Ka Jaray Mashaariic Tiro Badan Oo Dawlada Hoose Ee Burco Ka Hir Gelisay Magaalad Burco Source
  25. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa galabta ka qaybgalay Aas qaran oo xabaalaha masallaha ee magaalada Hargeysa loogu sameeyey qoys Afar ka koobnaa oo kala ahaa Aabo, Hooyo xaamilo ah iyo laba wiil oo ay dhaleen ka kooban oo uu xalay kusoo dumay gurigii ay jaar la’ahaayeen. Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyaha ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, Badhasaabka iyo ku xigeenka gobolka Maroodi-jeex, maayarka caasimadda Hargeysa iyo xildhibaano ayaa Aaska qaran loogu sameeyey qoyska ka kooban Afarta qof kala qayb-galay Boqolaal dadweyne ah oo jinaasada ku sugnaa, waxana halkaas laga jeediyey hadallo loogu baroor-diiqayo masiibada qoyskaas ku dhacday iyo dareenka heer qaran ee lagu sagootiyey. Wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha iyo Diinta iyo Awqaafta, Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo Khaliil Cabdilaahi Axmed oo hadallo kooban ka jeediyey Aaska loo sameeyey qoyska xalay geeriyooday, ayaa marxuumiinta geeriyooaday Eebbe uga baryey inuu jannooyinkiisa ka waraabiyo. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa muujiyey culayska masiibada qoyskaas ku habsatay, isaga oo xusay in qaranku murugada iyo naxdinta la wadaagayo ehellada iyo qaraabada ay marxuumiintaas isku qoyska ahi ka baxeen, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waa geeri culus qoys dhan oo iyaga oo hurda masiibo ku habsatay iyaga oo aanay cidina ka bixin, waase Ilaahay qaddarkii, waana waxyaabaha lagu cibro qaato, Ilaahayna dhammaantood ha u wada naxariisto, qoyskii iyo reerkii ay ka baxeenna Ilaahay waxan uga rajaynayaa cawil khayr qaba. Qaran ahaan aad baannu idiinka tacsiyadaynayaa, naxdintaana waa la idin la qaybsanayaa, waana masiibo qaran.” Qoyska maanta Aaska qaran loo sameeyey oo afar qof ka koobnaa, ayaa si wadar ah loo xabaalay, waxana ay ifka kaga tageen oo isagu masiibadaa ka badbaaday wiil yar oo ay marxuumiinta geeriyooday dhaleen, kaas oo ku maqnaa guryaha ehellada. Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu guud ahaanba bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay ka fogaadaan goobaha biyo mareenka ah, si ay badqabkooda u sugaan, isaga oo wadayaasha gaadiidkana faray inay ka feejignaadaan dhibka roobabka. Source