-
Content Count
214,024 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wararkii ugu dambeeyey weerar khasaaro geystay oo ka dhacay Boosaaso Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay 2 kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii xalay weerar qorsheysan uu ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Weerarka oo ahaa mid gaadmo ah ayaa waxaa lagu qaaday gaari ay la socdeen askar ka tirsan kuwa daraawiishta maamulkaasi, xilli ay marayeen bartamaha magaalaadaasi. Rag hubeysan oo aan weli la garan heybtooda ayaa la sheegay in weerarka ay fuliyeen, kuwaas oo goobta isaga baxsaday falka kadib, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo Puntland ay ka soo saartay weerarkaasi ka dhacay Boosaaso oo aysan jirin cid sheegatay masuuliyaddiisa. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana howlgallo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey falkaasi ciidamada amnigu haatan ka wadaan halkaasi. Boosaaso oo ka mid ah magaalooyinka waa weyn ee hoostaga Puntland ayaa waxaa mararka qaar weeraro xoogan iyo dilal qorsheysan ka fulisa kooxda Al-Shabaab. Muddooyinkii dambe ayaase amnigu waxa uu ahaa mid degan, marka laga tago xiisado u dhexeeya waxgaradka deegaanka iyo xukuumadda Siciid Deni oo ka taagan halkaasi. Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online ) – Safiirka Itoobiya u fadhiya magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, Meles Alem ayaa shaaciyey tirada ciidamadooda ee ku jira howlgalka nabad ilaalinta ururka Midowga Africa ee ka socda gudaha Soomaaliya. Meles oo wareysi gaar ah siiyey wargeyska The Star ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ee jooga gudaha Soomaaliya ay tiradoodu u dhexeso 9,000 illaa 15,000 oo Askari, kuwaas oo dagaal kula jira Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidamadaasi ay ka mid yihiin qeybaha saddexaad iyo afaraad ee AMISOM, kuwaas oo ka howlgala koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Baay, Bakool, Gedo, Hiiraan iyo Galguduud. Waxaa kale uu intaasi ku daray in muhiimadooda koowaad ay tahay, sidii loo wiiqi lahaa awooda Al-Shabaab oo qatar ku ah guud ahaan gobolka, sida uu hadalka u dhigay. Danjiraha ayaa sheegay in intii u dhexeysay 2013 illaa 2017 ay Itoobiya ka dhaceen 46 kiis oo la xiriirta argagixisanimo ayna ku dhinteen 361 qof kuna dhaawacmeen 160 qof oo kale, halka Kenya isla xilligaas ka dhaceen 373 weerar argagixiso oo ay ku dhinteen 929 qof kuna dhaawacmeen 1,149 qof iyada oo sidoo kale la afduubtay 666 qof. Kenya oo sidoo kale qeyb ka ah dagaalka Al-Shabaab ayaaa waxaa lagu qiyaasaa ciidamada ka jooga Soomaaliya 2,500 ilaa 4000 oo Askari,waxaana ay qaabilsan yihiin gobollada dhaca koonfurta Soomaaliya, sida Jubbada Hoose, Jubbada dhexe iyo Gedo oo dhammaan hoostaga maamulka Jubbaland. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo ay haatan jiraan ciidamo Itoobiyaan ah oo aan qeyb ka aheyn AMISOM oo jooga dalka, kuwaasoo si sharci darro ah ku soo galay Soomaaliya. Wuxuu warkaan ka soo baxay danjiraha Itoobiya ee Kenya uu sidoo kale imaanayaa, iyadoo hadda labadaasi dal ay dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka wadaan gobolka Gedo.
-
Ciidanka DFS Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Sh/hoose
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Dagaal u dhaxeeyey ciidanka DFS iyo kuwa Al-shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha Hoose. Dagaalyahanno ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa la sheegay in ay weerar kusoo qaadeen saldhigyo ay ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ku lahaayeen degmooyinka Baraawe, Bariire iyo sidoo kale Awdheegle oo Shabellaha Hoose ah. Waxaa dhacay dagaal xooggan oo saacado socday, iyadoo lasoo sheegayo khasaare ka dhashay dagaalkaasi. Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkan ka dhashay, balse saraakiisha ciidanka dowladda ayaa sheegay iney iska difaaceen Al-shabaab, khasaarana ay soo gaarsiiyeen. Xaaladda degmooyinkii dagaalladu ka dhaceen ayaa ah mid deggan, iyadoo ciidamada xoogga dalka la sheegayo iney dhaq-dhaqaaqyo ciidan wadaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com -
(SLT-Uganda)-Hay’adda laanqeyrta Cas ee Red Cross, ayaa sheegtay in 16 qof oo meyd ah la helay kadib roob dhaliyay dhul-gariir xooggan oo ka dhacay galbeedka Uganda. Kooxdeena gurmadka waxay wadaan ka shaqeynta sidii loo soo saari lahaa samatabixinta meydad laga cabsi qabo inay ku hoos jiraan geedaha iyo dhismayaasha burburay sidaasi waxaa lagu soo qoray barta Twitter-ka ee Red Cross. Dhanka kale waxaa gurmad xooggan loo diray degmada Bundibugyo ee dhulgariirka ka dhacay. Afhayeenka hey’adda Red Cross ee dalka Uganda Irene Nakasita ayaa sheegtay in boorsooyinka meydka lagu qaado ay gaadhsiyeen degmada Bundibugyo si loogu soo qaado meydadka la helay ka hor inta eheladooda aan lagu wareejin. Dhul-gariirka ayaa yimid kadib roob xidhiidh ah oo maalmihii la soo dhaafay ka socday bariga Uganda. Source
-
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar xalay ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kaasi oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Rag hubeysan oo illaa iyo hadda aan la garan waxa ay yihiin ayaa bartamaha Boosaaso ku rasaaseeyey gaari yar oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta Puntland. Waxaa halkaasi ku dhintay Hal askari, iyadoo Labo kalena dhaawac uu kasoo gaaray, sida ay Goobjoog News u xaqiijiyeen goobjoogayaal. Raggii weerarkaasi ka dambeeyey ayaa la xaqiijiyey in ay goobta isaga baxsadeen, iyadoo hay’adaha ammaanka ee Boosaaso aanay weli wax faah faahin ah bixin. Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa saakay ku kalahay xaafadaha kala duwan ee magaalada Boosaaso oo ay ka sameynayaan howlgal ballaaran oo lagu raadinayo raggii weerarkaasi ka dambeeyey. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Boosaaso)-Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in weerar sababay dhimasho iyo dhaawac uu xalay ka dhacay magaaladaas, kaddib markii gaadhi ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland la rasaaseeyay. Kooxo hubeysan ayaa la sheegay in rasaas ku fureen gaadhi yar oo ay wateen Ciidamo ka tirsan daraawiishta Puntland oo marayay agagaarka Isgoyska Nedko Wararka ayaa intaa ku daraya in hal askari uu ku geeriyooday rasaasta, halka mid kale dhaawacmay, inkastoo la sheegayo in dhaawaca uu yahay laba askari. Raggii hubeysnaa ee weerarka geystay ayaa la sheegya inay baxsadeen, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn cidda ay yihiin. Source
-
Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Ajendaha kulanka maanta ayaa ah, dhameystirka Ansixinta heshiiska dhaqanka aan muuqan iyo kan dabiiciga ah. Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sidoo kale sii amba qaadaya Akhrinta labaad ee Hindise sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka. Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maalmahaan lahaa fadhiyo is daba joog ah ayaa wado dadaallo lagu meel marinayo Shariciyada muhiimka u ah Qaranimada dalka. View the full article
-
Dagaal u dhaxeeya maleeshiyaad u abaabulan qaab beeleed, islamarkaana kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug ayaa dib uga bilowday deegaanno ku yaalla bariga gobolka Mudug. Dagaalkan ayaa ah mid aad u xooggan sida ay inoo sheegeen dad ku dhow halka uu ka socdo, wuxuuna xooggiisa ka socdaa deegaanka Towfiiq ee Mudug, waxaana la maqlayaa rasaas culus. Lama oga khasaaraha soo kala gaaray dhinacyada ku dagaallamaya halkaasi, balse dagaalkan ayaa daba socda dagaal maalmo kahor dhinacyadan ku dhexmaray halkaasi. Maanta oo Isniin ah ayaa la filayaye in dagaalkan ay ku baxaan waxgarad iyo siyaasiyiin deegaannada lagu dagaallamay, balse xaaladda ayaa isbedashay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka aroortii hore uu markale dagaal dib uga qarxay waqooyi bari ee gobolkaasi. Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Towfiiq oo hoostaga degmada Jariiban ee gobolkaasi. Sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah dagaalka ayaa u dhexeeyey labo maleeshiyo beeleed oo ku wada sugan halkaasi. Ma cadda khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalka, iyadoona weli la maqlayo rasaas teel teel ah oo ay is-weydaarsanayaan labada dhinac. Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana waxgaradka deegaanka iyo mas’uuliyiinta gobolka ay wadaan dadaallo lagu qaboojinayo xiisadaasi. View the full article
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay 2 kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii xalay weerar qorsheysan uu ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Weerarka oo ahaa mid gaadmo ah ayaa waxaa lagu qaaday gaari ay la socdeen askar ka tirsan kuwa daraawiishta maamulkaasi, xilli ay marayeen bartamaha magaalaadaasi. Rag hubeysan oo aan weli la garan heybtooda ayaa la sheegay in weerarka ay fuliyeen, kuwaas oo goobta isaga baxsaday falka kadib, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo Puntland ay ka soo saartay weerarkaasi ka dhacay Boosaaso oo aysan jirin cid sheegatay masuuliyaddiisa. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana howlgallo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey falkaasi ciidamada amnigu haatan ka wadaan halkaasi. Boosaaso oo ka mid ah magaalooyinka waa weyn ee hoostaga Puntland ayaa waxaa mararka qaar weeraro xoogan iyo dilal qorsheysan ka fulisa kooxda Al-Shabaab. Muddooyinkii dambe ayaase amnigu waxa uu ahaa mid degan, marka laga tago xiisado u dhexeeya waxgaradka deegaanka iyo xukuumadda Siciid Deni oo ka taagan halkaasi.
-
(SLT-Paris)-Dowladda Faransiiska ayaa sheegtay in diyaar ay u tahay inay ka jawaab celiso hanjabaada Mareykanka ee ku aadan canshuur kordhinta shirkadaha ganacsiga Faransiiska. Madaxweyne Donald Trump ayaa 2-dii bishii hore ee december ku hanjabay in canshuur dheeri ah uu ku soo rogi doono shixnadaha Faransiiska u iib geeyo Mareykanka. Balse wasiirka maaliyadda xukuumadda Paris Bruno Le Maire ayaa sheegay inay diyaar u yihiin ka jawaab celinta hanjabaada Washington. Mr Le Maire ayaa intaa raaciyay in iyagana ay canshuur dheeri ah saari doonaan shirkadaha Internet-ka Mareykanka sida Google Apple, Facebook iyo Amazon. Mas’uulkan oo hadalkiisa sii wata ayaa dhanka kale cadaalad-darro ku tilmaamay canshuurta yar oo shirkadahan wadamada Yurub. Dowlada Faransiiska ayaa dhanka kale balan qaaday in dacwad ay u gudbin doonto hey’adda ganacsiga Adduunka ee (WTO) si wax looga qabto habdhaqanka Mareykanka. Donald Trump ayaa tan iyo intii uu xilka qabtay waday hanjabaado ganacsi oo ka dhan ah wadamada Ismaan dhaafka siyaasadeed uu soo kala dhexgalo. Source
-
DALKASTA OO ADUUNKA WANAAG LAGU SIFEEYO OO HORE U SOCOD IYO HORUMAR GAADHAY DADKIISA AYAA HALKAA GAADHSIIYEY ! MAXAA INAGA INA HAYSTA MIYEYNAAN DAD AHEYN? ”Su’aasha uu ku bilaabmayo qoraalku ayaa ah xujada la rabo bal in qofkasta oo akhriyaa isweydiiyo kana dareen celiyo sida uu wax u arko ee jawaab inagu filan oo aynu ku qanacno ku heli karno , waayo wax isweydiin horteed jawaab lama helo mana garan karno wax badan” Waxa aynu ognahay oo ka warqabnaa in iyada oo lagu wada nool yahay dunida guudkeeda in la kala dheereeyey oo ay dalal iyo dawladona lagu yaqaano hanaan wanaagsan iyo in ay horumar gaadheen , dalal iyo dawlado kalena hadheen oo meel hoose taagan yihiin , waxaana uu isweydiinayaa qofkii in uu feker iyo wax isweydiini ku jirtaa , tolow waa maxay waxa halkaa kala geeyey amaba lagu kala dheereeyey ? Waxa aan doonayaa in aan halkaa ku yar hakado oo isweydiinaha waxa aan uga jeedo faah-faahiyo , sida aan kor ku xusay in aad wax isweydiisaa waxa aan is leeyahay waxa ay ka mid tahay waxa ugu weyn ee uu Alle swt kaaga duway noolaha kale ee dunida guudkeeda inagula nool ee dad la inooga dhigay, halkani waa halka aanu u fahansanahay in ay ka bilaabmayso dadnimadu. Haddaba hadii aad u dhabo gasho isweydiintaa hore in aad jawaab u hesho waxaa kuu soo baxaysa waxa halkaa lagu kala gaadhay ee lagu kala dheereeyey in ay tahay dal walba dadkiisa ayuun baa halkaa gaadhsiiyey taasi oo salkeedu yahay wax isweydiintoodii oo keentay aqoon iyo dedaal ay ku ladheen , sida ay u fekerayaan , halka ay taagan yihiin iyo halka ay u socdaan oo ay calaamdsadeen , waxaana la ogaaday in dalwalba dadkiisa uuni ay horumar gaadhsiin karaan ama ka dhigi karaan dal habaaska hoganaya. Ma jirto awoodo dadku is dheer yihiin oo xaga samayska ah , laakiin waxa la is dheeraaday oo halkaa kala geeyay dadyowga aduunka guudkiisa ku nool waa wax isweydiin , dedaal ,hawlkarnimo , aqoon , tacab iyo maanka oo la tuujiyey muruqana laga shaqeysiiyey. Waxa hubaal ah oo aynu ka wada war qabnaa in nolosha aadamuhu ka soo bilaabay meel hoose oo isku wada mid ah , waxaa laga dheregsan yahay in adamuhu soo wada maray kacaa-kuf nololeed iyo ka werwerka sidii ay u noolaan lahaayeen kuna suuragalin lahaayeen qaab ay u noolaadaan oo dhaama sida markaa loo noolaa amaba noloshooda hore wax ugu sii kordhin lahaayeen si ay halkaa kor uga soo kacaan. Waxa iyaduna dhacda oo in badan aynu taariikhda ku aragnaa amaba si toos ah u aragnaa dalal iyo dawlado horumarsan oo barwaaqo iyo nolol wanaagsan haysta oo dib u burburay gaadhayna halka ugu hoosaysa kana mid noqday dalalka aduunka ugu hooseeya , tanina waxa uun sababteeda leh dadka oo haysan kari waayey waxii ay dhaxleen amaba cid jujuubaysay oo meesha ka baxday dadkana aanu garaadkoodu u bislayn umad haysan karta waxii ay kasbatay ee wanaag iyo horumar ahaa. Marka loo kuurgalo waxyaabaha iyo meelaha uu horumarka umadu ka yimaado waxaa ay noqdaan meelo dhawr kala duwan ah oo uu ka unkamo horumarka umadi gaadhaa , waxaana ka mida kuwaa arimaha gaadhsiiya kuwan hoos ku xusani ka mid yihiin; Umad ay dhibaabaha aduunku taabteen kuna kalifeen in ay fikiraan oo isku tashadaan oo ay daw iyo dariiq ay kaga baxaan jeexday , sees adag dhistay oo ka kooban tabtii la raacayey taladii lagu kala jid baxayey iyo seetadii xidhaysay cidii waxogaa wax ka xumaysa , iyaga oo helay hogaan jiho leh iyo dadwayne jaanta la helay , qaabkani waa ka ugu wanaagsan uu umadi dhigato inkasta oo horumarkiisu soo raago hadana waligii hoos uma soo noqdo in uu kor uun u sii socdo mooyaane. Kani labaad waa hogaamiye hal adag oo himilo fog oo dad ka soo dhex baxa horumarna sameeya laakiin isaga iyo wadciga ay ku sugan yihiin dadkiisu kala tagsan yiihiin isla markaana isla heli waaya jiibta oo uu noqdaasi horumarkaasi wax ku xidhan qof oo maalinta uu meesha ka baxo baaba’a inta badana aynu aragno wadamo badan oo ay sidaasi ku dhacday , sababtuna ay tahay dadkooda oon dhisnayn aqoon ahaan iyo aragti ahaanba. Waxa iyaguna jira qolo sadexaad oo ah kani ugu liita oo waa koox afduubta waxii dadku wada lahaayeen oo jujuub iyo xoog umada ku haysata oo laga yaabo inta ay meesha joogaan in ay waxogaa horumar ah oo muuqda sameeyaan , ha yeeshee qaabkani 99% dadyowga aduunku ma mahadiyaan qaababka noocan ah raadkooda waxaana inta badan laga dhaxlaa burbur iyo wax ka sii xun waxii maalintii ay meesha yimaadeen jiray. Haddaba marka aynu u soo noqono dalkeena iyo dadkeena inagu qaabkee ayeynu ku suganahay sadexdan qaab ? dal ahaan noocee aynu u qaabeysan nahay sadexdan qaybood ee kor ku xusan ? Maxaa inaga ina haysta ? Su’aalahani waa qaar aan u dhaafayo akhristayaasha qoraalkaygan bal si aynu isku qiyaasi karno bulsho aan halka aynu ku suganahay. Umad waliba xiliga ay nooshahay waxii jira hadii uu wanaagsan yahay iyadaa ku amaanan amaba ku ceebaysan hadii uu xun yahay , waayo xikmada loo nool yahay ee lagaaga duway noolaha kale ee ibnu adam lagaaga dhigay ayaa ku faraysa in aad fikirto oo wax isweydiiso isla noqoto mid ka faaiideysta maalmaha uu nool yahay si uu uga tago raad wanaagsan oo lagu xasuusto. Si hadaba aynu u raadayno nolosha dalkeenana wax uga qabano si uu u noqdo mid ka mid ah kuwa la hiigsado inaguna noqono umad la xasuusto oo taariikh iyo talo wanaagsan ka tagta waxa haboon in aynu qodobadan yeelano aniga aragtidayda ahaan; Waxa ugu horeeya ee aynu u baahanahay ee seeska inoo noqonaya aynu ku horumari karnaa waa waxa ina kala hagaya ee aynu dhiganay oo aynu ixtiraamno isla markaana ilaashano oo aan mid sare iyo mid hoose cidina ku gafi Karin cidii geftana meel looga soo wada jeesto , waxaana ugu horeeya ee lagu horumari karaa waa sharciga iyo kala dambaynta la samaysto oo sideeda loo raaco. Marka aynu haysano sharci wanaagsan iyo nidaamka aynu dhiganay oo wanaagsan waxa haboon in aynu maanka aad u tuujino muruqana ka shaqeysiino oo ku toosno sidii aynu u hiigsan lahayn horumar , halka aynu maanta joognana hore ugaga dhaqaaqi lahayn. Hogaan hami sare iyo himilo fog leh oo aynu helno iyo dad dhisan oo garaadkoodu bisil yahay oo si wax ula arka amaba uu u dhugan kara , amaba uu hogaamiyuhu noqdoba mid dad ahaan tacab galiya in hab fikirka dadka uu kor u qaado si looga midha dhaliyo hamiga iyo himilada fog ee uu leeyahay. Waxa aan aaminsanahay in aynu gaadhi karno meelkasta oo sarayn wanaag iyo horumar lagu tilmaamo oo ibnu adam gaadhay oo ay inaga uun inaga xidhan tahay , waxa kaliya ee inaga xigaana ay tahay dedaal iyo tacab aynu isku kaashano si aynu u gaadhno dadyowga qayrkeen ah ee aynu daba socono ama gaadha is leenahay , markaa ogow dalkani horta in uu adiga ku tirsanayo dadkaaguna adiga ku sugayaan oo cid kale ha ku halaynin. ( SHARCIGA IYO WAXA UMADU DHIGATAY OO SIDIISA LOO RAACO + HOGAAMIYE HIMI SARE IYO HIMILO FOG + DADKA OO INTA HOGAAMISAA HAB FIKIRKOOGA IYO GARAADKOOGU BISIL YAHAY KANA MADHAN YAHAY DANO GAAR AH = WADADA HORUMARKA ) Mohamed Abdi Jama Muhamed Dhimbiil hormood@hotmail.com +252634429221/634241005 @dhimbiil:twitter Qaran News
-
(SLT-Gaza)-Dhaqdhaqaaqa Garabka Islaamiga ah ee Xamaas ayaa ka digay weerarada Israa’iil ka geysatay Axadii shalay magaalada Gaza. Afhayeenka Xamaas Fawzi Barhoum ayaa sheegay in natiijada ka dhalata arintaan ay mas’uuliyadooda ay qaadi doonto Israa’iil. Mr Barhoum ayaa intaa ku daray haddii diyaaradaha Israa’iil ay sii wadaan duqeynta magaalada Gaza gaar ahaan saldhigyada Xamaas ay Israa’iil ka shaleyn Doonto. Subaxnimadii hore ee Axadii shalay ayay aheyd markii diyaaradaha Israa’iil ay gantaalo ku garaaceen deegaanka Al-Qassam oo fadhiisimo ay ku leeyihiin ururka Xamaas. Ma jirto wax khasaare ah oo ka dhashay duqeynta marka laga soo tago burbur hantiyadeed. Source
-
Wafdiga Gudoomiyaha Aqalka Sare oo gelinkii dambe ee Axadii ka amba baxay Magaalada Muqdisho ayaa xalay gaaray Magaalada Doha, waxaana Garoonka Hamad ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan Golaha Shuurada ee dalkaasi. Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo wafdigiisa ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Doha ay uga qaybgalaan shirka 7aad ee Ururka Baarlamaanka Adduunka ee ka hortagiisa musuq maasuqa. Shirkan oo laba berri socon doono ayaa waxaa la fillaya in maanta uu ka furmo Magaalada Doha, iyadoona la soo geba-gabeen doono gelinka dambe ee maalinta Talaadada. Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya ayaa wafdiga ku wehlinaya safarkiisa Magaalada Doha waxay isugu jiraan xubno ka kala tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Subax-09122019.mp3 View the full article
-
Muqdisho(Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug, iyo wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya, Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed oo hadda ka mid ah musharaxiinta la filayo inay ugu cad-cadaadaan doorashada 2021, ayaa ka hadlay dagaal beeleedyada markale dib uga soo cusboonaaday deegaano ka tirsan gobolka Mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya. Ugu horreyn wuxuu ugu baaqay labada dhinac ee diriraya inay dagaalka joojiyaan wax welibana ay ku dhameeyaan deganaan, si looga baaqsado in markale uu dhiig daato. Sidoo kale wuxuu ka dalbaday waxgaradka gobolka Mudug inay u istaagaan joojinta colaadaasi, islamarkaana ay labada dhinac isugu keenaan miiska wadahadalka. “Waxaa mar labaad baaq nabadeed u soo jeedinayaa beelaha walaalaha ah ee ku diriraya deegaanada Af-barwaaqo iyo Towfiiq, anigoo ka codsanaya inay xabadda deg deg u joojiyaan, gogol wadahadalna isugu yimaadan, colaad wiilba ku dhinte wiil kuma dhasho, burbur iyo barakac waxaan aheyna lagama dhaxlo, Waxgaradka halkaas ku suganna waxaan u soo jeedinayaa daminta colaadaas inay ku baxaan, nabadna kala dhex dhigaan dadkaas walaalaha ah ee halkaas ku diriraya.” ayuu yiri Cabdikariin Xuseen Guuleed. Baaqaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo saaka dagaal cusub uu dib uga qarxay agagaarka deegaanka Towfiiq oo dhaca bariga gobolka Mudug, kaas oo geystay khasaare xoogan. Dagaalka ayaa waxaa uu ku soo aadayaa, xilli ay isa soo tarayeen baaqyada nabadeed ee loo jeedinayo labada maleeshiyo, ee ku wada dagaalamaya Bariga Gobolka Mudug. Sidoo kale waxaa uu dagaalku ku soo aadayaa, iyadoo maanta lagu waday in ay deegaanadaasi gaaraan Odayaasha Dhaqanka iyo Culimada Magaalada Gaalkacyo qaarkood, si ay nabad u kala dhex dhigaan. Afbarwaaqo iyo Towfiiq ayaa waxaa la tilmaamaa in tan iyo sanadkii 2011 ay ku soo noq noqdeen dagaal beeleedyada, waxaana markasta guuldareysanayay dadaalo kasta oo labada dhinac lagu kala qaboojinayay.
-
The democratic credentials of the self-declared Somaliland are increasingly under scrutiny for failure to hold parliamentary elections for 14 years. Source: Hiiraan Online
-
DUBAI: Militant groups in the Arab world face a gradual decline and most Arabs oppose the use of religion for political gain, a new survey suggests Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo shalay hortegay xildhibaanada Golaha Shacabaka, ayaa ka Jawaabay su’aallo dhowr ah oo la xiriiray arrimo kala duwan oo ku aadan dhanka amniga dalka. Xildhibaan Aamina oo kamid ah Golaha Shacabka ayaa Wasiirka Amniga weydiisay halka uu ku dambeeyo Baaritaanka Weerarkii musiibada ahaa ee ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee lagu dilay duqii hore ee Muqdisho Injineer Yariisow. Wasiir Ducaale oo ka Jawaabay Su’aashaas ayaa waxaa uu sheegay in baaritaankii ku socday qaraxii lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka C/raxmaan Cumar Cismaam Eng Yariisow haatan uu marayo heer gaba-gabo ah, ayna dhowaan shaacin doonaan natiijada. Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in la xiray dad badan oo la tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen qaraxaas, kuwaas oo su’aalo weydiin ay ku socoto. Qaraxa ayaa waxaa fulisay gabar aragga la’eed oo loo yaqiin Basiira Cabdi Maxamed, balse magaceeda runta uu ahaa Maryan Cabdi Maxamed, waxaana qaraxa ka caawiyey gabar caawiye u ahayd oo baxsatay. Ducaale ayaa sheegay in sidoo kale lagu raad joogo shaqsiyaad kale oo looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen weerarka, ayna soo Bandhigi doonaan markii uu soo dhammaado baaritaanka, hayeeshee ay weli socdaan baaritaano. Qaraxii xarunta gobolka Banaadir oo dhacay 24-kii July ayaa waxaa iminka kasoo wareegay afar bil iyo bar, waxaana dad badan ay layaabeen waqtiga fog ee ay dowladda ku qaadatay inay soo bandhigto xaqiiqda wixii halkaas ka dhacay.
-
Popular Contributors
