-
Content Count
214,024 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka laga helao magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in markale uu dib u dhac ku yimid soo xulista xildhibaanada baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Galmudug. Qorshaha ayaa ahaa in 9-ka bishaan oo maanta ku beegan la shaaciyo liiska xubnaha cusub ee baarlamaanka maamulkaasi. Arrintaan ayaa dib u sii dhigeysa doorashada oo horay guddiga farsamadu uu soo saaray jadwalkeeda, waxaana la filayey in maanta la shaaciyo baarlamaanka, berina ay u guda galaan howlaha shaqo ee loo igmaday. Wararka ayaa sheegaya in qaar ka mid ah xubnaha guddiga farsamada looga yeeray magaalada Muqdisho, islamarkaana la hakiyey howlaha doorashada maamulkaasi. Lama oga sababta ka dambeysa arrintaan, balse waxaa weli jira is faham waa u dhexeeya dowladda federaalka iyo hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljamaaca. Xaaladda ayaa u muuqata mid sii cakirmeysa marba marka ka dambeyso, iyadoo ay soo baxayaan daloolo cusub oo sii adkeynaya dhismaha loogu jiro Galmudug oo mid ah. Sida uu shaaciyey guddiga farsamada guddoonka baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa la dooran doonaa 13-illaa 16-ka bishaan December, halka Madaxweynaha cusub iyo ku xigeenkiisa la dooran doono 17-la bishaan ee 2019-ka, balse waxa ay u muuqataa in uusan dhaqan geli karo jadwalkaasi marka la fiiriyo, sida ay hadda wax u socdaan. Galmudug waxa ay tan aas aas-keedii wajaheysaa khilaafaad lugaha qabtay maamulkaasi, kaas oo cuuryaamiyey horumarka gobollada Galgaduud iyo Mudug. Khilafaadkaas ayaa sidoo kale sababay in Galmudug ay noqoto maamul liita, marka loo eego maamullada kale ee ka jira dalka.
-
Heavy rains, floods, and windstorms have led to a loss of life and property across Somalia in the past few hours. The rains have specifically affected coastal areas in the northern parts of the country, in Puntland and in the breakaway Somaliland region. Authorities in Bosaso town say the main road that connects the city to other regions has been destroyed. In Las Qoray, Sanaag region, two people were swept off by floods, and roads connecting the town to the rest of the region have also been closed. Meanwhile, the administration in Somaliland has announced that one person was killed and 18 injured following heavy rains with wind storms in coastal areas. Several houses and scores of domestic animals were also destroyed. And in central Somalia, River Shabelle has overflowed and flooded Beledweyne town, leading to fresh displacement. View the full article
-
A high-level delegation led by Somali Senate speaker Abdi Hashi Abdullahi has on Sunday evening arrived in Doha, the capital of Qatar, a Gulf nation facing a 2-year blockade. The speaker of the Upper House and his delegation is set to attend the 7th Congress of the World Parliament which will focus on the fight against corruption. The two-day conference is expected to open Monday in the City of Doha and will rage on until Tuesday afternoon, according to the organizers. Abdi Hashi Abdullahi is accompanied by members of the Senate on his trip to Doha. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wargayska The National Interest ee kasoo baxa dalka Mareykanka ayaa daabacay maqaal dheer uu kaga waramayo sida siyaasadda arimaha dibadda Mareykanka ugu guul dareesatay ladagaalanka kooxda Al-Shabaab oo kamid kooxaha ugu xooggan ee ka dagaalama Qaaradda Afrika. Wargayska ayaa soo qaatay muuqaal uu iska soo duubay Bishii November hogaamiyaha kooxda oo warar hore ay sheegayeen in uu dhintay balse muuqaalkiisa ka tarjumayay awooda kooxda iyo wali sida ay baaqi usii tahay. Kadib muuqaalkaas Al-Shabaab ayaa qaaday weeraro dhawr ah oo qaarkood ka dhacay qaybo kamid ah dhulka Somalliland oo aanan horay looga baranin Al-Shabaab in ay weeraro ka gaystaan. Siyaasiyiinta qaar uu wargeysku wareesatay ayaa leh Al-Shabaab waxa ay si daah furan canshuur kaga qaadaan ganacsatada, kaliyana maahan in ay canshuuraan ganacasatada leh xarumaha sida gaarka ah looleeyahay ee xitaa waxa ay canshuuraan xubno ka tirsan Dowladda Soomaaliya. Dhibaatada sii baaheysa kali ah maahan musuq maasuq ee waa in aysan jirin siyaasad wax hagta ayuu yiri Donald Yamamoto, oo ah safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya. Maqaalka wargeyska ayaa aad u dhaliilay istaatiijiyadda ay saafaradda Mareykanka ee Soomaaliya ku wajahdo dagaalka Al-Shabaab oo sii baahaya. Qubarada maqaalkan qoray ayaa sidoo kale sheegaya in Dowladda Faderaalka ah ee uu hogaamiyo madaxwayne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ay xooga saartay la dagaalanka mucaaradka halka ay awoodeeda iskugu geyn laheed ladagaalanka Al-Shabaab. Markii uu ugu horeysay tan iyo burburkii dowladda Mareykanka ayaa dib uga furatay safaaradeeda Soomaaliya waxa ayna ahayd in ay xooga saarto ladagaalanka al-Shabaab balse siyaasada arimaha Mareykanka oo aad u liidato ayaa keentay in ay sii kordhaan weerarada al-Shabaab ayaa lagu yiri maqaalka wargayska oo aad u dheeraa.
-
Laas-Caanood (Caasimadda Online) – Ciidamada Soomaaliland ee ku sugan Magaalada Laas-Caanood ee Gobolka Sool ayaa Maanta waxaa ay si awood ah ku galeen kulana wareegeen Hotel Maanta laga furay Magaaladaas. Ciidamada Booliska Soomaaliland oo wata hubka koocyadiisa kala duwna ayaa tegay hotelka, iyaga oo ka dejiyey Calamada Soomaaliya iyo Kenya oo la surey, xilli ay socotay Munaasabad xariga looga jarayey Hotelka. Sidoo kale ciidamada Soomaaliland ayaa la sheegay in ay xireen qaar kamid ah Milkiilayaasha Hotelka iyo Wariyeyaal halkaasi u tegay soo tebinta daahfurka Hotelkaasi. Dadkii ku sugnaa Hotelka ayaa badi la sheegay inay goobta ka carareen, kadib markii Ciidamadu tageen Hotelka,sida ay Warbaahinta u sheegeen qaar kamid ah dadkii ka qeyb-galay Munaasabadda furitaanka. Ujeedka ka dambeysay arintan oo ciidamada Soomaaliland ay ula wareegeen Hotelka ayaa lagu sheegay inay tahay iyagoo kasoo horjeeda Calanka Soomaaliya ee Buluuga ah ee la suray Hotelka, iyada oo ay xusid mudan tahay in Soomaaliland dhowr mar ay xirtay dad Hargeysa ku xirtay dhar loo ekeysiiyey Calanka Soomaaliya. Somaliland ayaa horey u sheegtay inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale sidaas darteedna aan calan Soomaali ah lagu dhex wadan karin dhulalka uu ka taliyo maamulkaas, waxayna ilaa hadda ku guuleysan la’dahay inay hesho hal wadan oo aqoonsi siiyo. Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan madaxtooyada Villa Somalia casuumaad ugu sameysay wiil dhallinyaro oo ay Somaliland xabsi u gelisay inuu dhar Calanka Soomaaliya ah uu ku dhex watay Magaalada Hargeysa.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow oo Shalay hor tagay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay halka uu ku dambeeyo baaritaanka qaraxii Xarunta Gobolka Banaadir ee dhacay 24-kii bishii July ee sanadkan kaasoo ay ku geeriyoodeen Guddoomiyihii Gobolka Banaadir, Guddoomiye degmo iyo Agaasimayaal. Wasiirka Amniga oo ka jawaabayey su’aal ay waydiisay Xildhibaan Aamina oo ka tirsan Golaha Shacabka oo aheyd halka uu ku dambeeyo baaritaanka Qaraxii lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Eng. Yariisow ayaa sheegay inuu weli socdo baaritaanka. Wasiirka ayaa ku dooday inaan weli natiijada baaritaankaas lasoo bandhigi karin maadaama uu weli socdo baaritaanka loona baahan yahay in la dhameystiro kadibna dadka Soomaaliyeed loo soo bandhigo natiijada soo baxdo. “Baaritaanka waa socdaa markaa leenahay waxay sabab u tahay in dad kale lagu raad-joogo, marka lama soo bandhigi karo, illaa baaritaanka ka soo dhamaado” ayuu yiri Wasiir Islow. Wasiir Islamow ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen qaar ka tirsan dadkii ka dambeeyey weerarkaas isla markaasna ay hayaan muuqaal ay duubtay Kaamirada Qarsoon oo muujinayo sida uu weerarkaas u dhacay ” Dhankeena sida meesha wax uga dhaceen kaamiro video ayaa ka heynaa, dadka qaar la qabtay, qaarka kalena waa lagu raadjoognaa, haddaa soo bandhigno waxaa dhici kara xooggaa in wax uu ku yimaado baaritaanka”. ayuu Mar kale yiri. Sidoo kale wuxuu sheegay inuu aad uga xanuunsaday weerarkaas maadama uu sheegay inay qaraxaas ku dhinteen dad ay saaxiibo ahaayeen oo uu ku jiray Guddoomiye Yariisow. ” Sidoo kale anaga uga xanuun badan, dadka meesha ku dhintay waxay ahaayeen dad aan asxaab nahay oo Guddoomiyaha ku jiro”ayuu yiri Wasiir Islow Ducaale” Ayuu sii raaciyey. Dhawaan ayey aheyd markii Wasaaradda Amniga ay soo bandhigtay baaritaan hordhac ah oo ku saabsan Qaraxaas, waxaana lagu sheegay in qofkii qaraxaas fuliyey ay aheyd gabar indha la’ oo ka faa’ideysatay naxariistii loo sameeyey. Waa weerarkii u horeeyay noociisa ee Al-Shabaab ku disho Duqa magaala madaxda dalka ee Muqdisho, iyadoo Al-Shabaab ay sheegtay in weerarkaas u adeegsatay waxyaabo qarxa oo ay ku diyaarisay hoolka shirarka ayna ku qarxisay. Shan bil ayaa laga soo wareegay weerarkaas, waxayna dadka Soomaaliyeed rajo xumo ka muujiyeen inaysan Dowladda Soomaaliya heyn macluumaad dheeri ah oo ku saabsan qaabkii uu u dhacay weerarkaas iyo cidda soo abaabushay.
-
Qoraal ka soo baxay guddiga adeegga difaaca diyaaradaha Soomaaliya, oo shalay loo qeybiyey golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa la soo gaarsiiyey Goobjoog News. Qoraalkan waxaa ku jira cabasho ay shirkadaha diyaaradaha Soomaaliya ka qabaan sida dowladda federaalka ah ay shirkadaha ajnabiga ah u siiso xuquuq aaney helin kuwa dalka, khatar ka jirta dhanka ICAO-IATA (ICH ) oo lagayaabo in ay galiso diyaaradaha Soomaaliya liis looga mamnuucayo duulimaadyada sababo la xiriira deymo ka badan $20m , Shirkadda Favori oo dowladda u xilsaartay uruuriyaan diyaaradaha lacagihii khidmadda duulista hawada iyo weliba diyaaraha Soomaalida oo qarka u saaran iney hawada ka baxaan. Haddaba, Halkan Ka Akhriso, Cabashada Guddiga Adeegga Difaaca Diyaaradaha Soomaaliya: Diyaaradaha shirkadaha Soomaaliya oo qaarkood ay u adeegayeen umadda soomaaliyeed 30 sano muddo ku dhow tan iyo burburkii dowladdii dhexe 1991dii, ayaa haatan qarka u saran in ay hawada ka baxaan, sababtuna ay tahay xukuumadda Soomaaliya , gaar ahaan wasaaradda Gaadiidka cirka iyo dhulka oo halkay ka ilaalin lahayd xuquuqda shirkadaha Soomaalida u fasaxday shirkado ajnabi ah in ay dalka soomaaliya dhammaantiis ay meeshay doonaan ka shaqaystaan. Tusaale ahaan, diyaaradda Itoobiya Airline ayaa wasaaradda gaadiidku u ogolaatay in ay sameyso shan duulimaad maalintii, iyadoo aysan jirin wax diyaarada oo soomaalidu leedahay oo loo fasaxay in ay ka shaqaystaan deegaan ka mida dalka itoobiya. Majiro sharci u ogolaanayaa diyaaradda Itoobiya in duulimaad sidaan oo kale ah ay ku samayso Soomaaliya. Waxaa jira oo kaliya heshiis dhexmaray dowladdii Soomaaliya iyo Itoobiya 1988 oo dhigayaa labada dal diyaaradahoodu is dhaafsadaan duulimaadyo isu dhigma. Heshiis aan caddayn oo suuq madow ah ayaa arrintaan salka ku haysaa. Dhibaatada kale ee haysata shirkadaha diyaaradaha Soomaaliya ayaa waxay tahay, in hay’adda caalamiga ah ee arrimaha duulimaadyada qaabilsan ICAO-IATA (ICH ) lagayaabo in ay galiso diyaaradaha Soomaaliya liis looga mamnuucayo duulimaadyada , kaddib markii ay sheegtay in ayna bixin lacagihii IATA ay khidmad ahaan ugu lahayd ee duulimaadyada hawada, iyadoo diyaaraduhuna ay caddeeeyeen in ay bixiyeen lacagahaas oo ay ka qaadday shirkadda maamusha garoonka diyaaradaha ee Mugadishu Favori. Shirkadda Favori ee laga leeyahay dalka Turkiga, waxay iyaduna dhankeeda xaqiijisay in wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka ay u xilsaartay in ay ka uruuriyaan diyaaradaha lacagihii khidmadda duulista hawada. Haatan dhibka ugu weyn ee taagan ayaa ah, in IATA iyo FAVORI ay leedahay mid walba Wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka ayaa noo fasaxday in aan qaadno lacagaha duulimaadyada. Waxaa IATA haatan ka dooneysaa oo ay ku soo dallacday shirkadaha Soomaalida lacag kor u dhaafeysa 20 milyan, oo dollar, uruurtayna muddo lix sano ah. Arrimaha kale ee xusidda mudan ayaa waxaa ka mid ah, in Garoonka diyaaradaha Mugadishu, uu aad u dayacanyahay, shirkadda FAVORI oo maamushana aysan in muddo ah ka qaban shaqo micno leh. Tusaale ahaan, markii lafuray Terminalka cusub 2013ka, duulimaadyada diyaaradaha isticmaalayey waxay gaarayeen 3000 oo duulimaad sanadkii, haatan waxay duulimaadyada garoonku gaarayaan 30000 kun oo duulimaad sanadkii. Waxaa dhacda in diyaaradaha degaya iyo kuwa duulaya ay in ka badan 40 daqiiqo sugaan. Waddada ay ku duulaan diyaaraduhuna madayactirna. Waxaa garoonka Mugadishu, halis ugu jiraa in daad badda ka yimid qaado amaba shilal diyaaradeed ka dhacaan haddii aan si deg deg ah wax looga qaban. Runtii, majirto cid laxisaabtanta, shirkadda maareysa Garoonka ee FAVORI. Waxaa lagaarey xilligii lala xisaabtami lahaa FAVORI iyo Wasiirka Wasaarada oo ku tuntay xuquuqdii muwaadiniinta uu wasiirka u yahay iyo qeynuunka duulista hawada Somalia iyo caalamka. Wax yaabaha lala yaabo ee garoonka Mugadishu ka dhaca ayaa waxaa kamida, in bartii ay dadka safarka ah gaadiidka ka raacilahaayeen ama ay uga degi lahaayeen markay dhoofayaan laga dhigay Parkin baabuur oo gaar loo leeyahay, oo ay lacag ka gurtaan dad lasiiyey. Shirkado ajnabi iyo kuwa Soomaali ah oo aan wax lataaban karo oo shaqo ah ka haynin garoonka ayaa iska maamusha. Sidaasi darted waxaan ku talinaynaa in deg deg wax looga qabto dhibaatooyinka iyo khataraha soo food saaray shirkadaha diyaaradaha Soomaaliya iyo garoonka diyaaradaha Muqdishu. Waa laga maarmaan ah, in la soo bandhigo heshiisyada qarsoon ee wasiirku lagalay shirkadaha ajnabiga ah ee loo fasayxay in ay soomaaliya uga shaqaystaan siday doonaan. Waxaa sidoo kale lagama maarmaan ah in lacaddeeyo xuquuqda shirkadaha duulimaadyada Soomaaliya oo ah canshuur bixiyeyaal ay ka shaqeystaan kumannaan Soomaali ah. Wabillaahi Towfiiq Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dagaal ayaa maanta mar kale ka dhacay bariga gobolka Mudug, kaas oo u dhexeeyey maleeshiyo beeleedyo. Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanno hoostaga degmooyinka Towfiiq iyo Afbarwaaqo, waxaana wararku sheegayaan in ay ku geeriyoodeen ilaa 5 qof, halka ay ku dhaawacmeen 4 kale, waxaana hadda la soo sheegayaa in dagaalku qaboobay. Dagaalkan ayaa salka ku haya muran dhul-daaqsimeed oo ay kala sheeganayaan labada beelood. Khamiistii la soo dhaafay ayaa sidaan oo kale labada maleeshiyo beeleed dagaal culus ku dhexmaray deegaanadaas, kaas oo ay ku geeriyoodeen dad ku dhow 20 qof, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen. Maleeshiyaadka ku dagaalamaya bariga gobolka Muqug ayaa ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug, waxaana sida aan wararka ku helnay maalmihii la soo dhaafay halkaas gaaray ciidamo gurmad ah oo labada dhinac ka kala yimid. Dhinacyo kala duwan ayaa iyaguna maalmihii la soo dhaafay baaq nabadeed u dirayey beelaha ku dagaalamaya bariga gobolka Mudug. Marar badan ayaa maleeshiyo beeleedyo ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudg dagaalo ku dhexmareen gobolka Mudug. PUNTLAND POST The post Mudug: Dagaal mar kale ka dhacay deegaanka Towfiiq appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Diyaaradaha shirkadaha Soomaaliya oo qaarkood ay u adeegayeen umadda Soomaaliyeed 30 sano muddo ku dhow tan iyo burburkii dowladdii dhexe 1991-dii, ayaa haatan qarka u saaran in ay hawada ka baxaan, sababtuna ay tahay xukuumadda Soomaaliya , gaar ahaan wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka oo halkay ka ilaalin lahayd xuquuqda shirkadaha Soomaalida u fasaxday shirkado ajnabi ah in ay dalka Soomaaliya dhammaantiis ay meeshay doonaan ka shaqaystaan. Tusaale ahaan, diyaaradda Itoobiya Airline ayaa wasaaradda Gaadiidku u ogolaatay in ay sameyso shan duulimaad maalintii, iyadoo aysan jirin wax diyaarad oo soomaalidu leedahay oo loo fasaxay in ay ka shaqaystaan deegaan ka mida dalka itoobiya. Ma jiro sharci u ogolaanayaa diyaaradda Itoobiya in duulimaad sidaan oo kale ah ay ku samayso Soomaaliya. Waxaa jira oo kaliya heshiis dhexmaray Dowladdii Soomaaliya iyo Itoobiya 1988 oo dhigayaa labada dal diyaaradahoodu is dhaafsadaan duulimaadyo isu dhigma. Heshiis aan caddayn oo suuq madow ah ayaa arrintaan salka ku haysaa. Dhibaatada kale ee haysata shirkadaha diyaaradaha Soomaaliya ayaa waxay tahay, in hay’adda caalamiga ah ee arrimaha duulimaadyada qaabilsan ICAO-IATA (ICH ) laga yaabo in ay galiso diyaaradaha Soomaaliya liis looga mamnuucayo duulimaadyada , kaddib markii ay sheegtay in ayna bixin lacagihii IATA ay khidmad ahaan ugu lahayd ee duulimaadyada hawada, iyadoo diyaaraduhuna ay caddeeeyeen in ay bixiyeen lacagahaas oo ay ka qaadday shirkadda maamusha garoonka diyaaradaha ee Mogadishu Favori. Shirkadda Favori ee laga leeyahay dalka Turkiga, waxay iyaduna dhankeeda xaqiijisay in Wasaaradda Gaadiidka cirka iyo dhulka ay u xilsaartay in ay ka uruuriyaan diyaaradaha lacagihii khidmadda duulista hawada. Haatan dhibka ugu weyn ee taagan ayaa ah, in IATA iyo FAVORI ay leedahay mid walba Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ayaa noo fasaxday in aan qaadno lacagaha duulimaadyada. Waxaa IATA haatan ka dooneysaa oo ay ku soo dallacday shirkadaha Soomaalida lacag kor u dhaafeysa 20 milyan oo Dollar, uruurtayna muddo lix sano ah. Arrimaha kale ee xusidda mudan ayaa waxaa ka mid ah in Garoonka diyaaradaha Mugadishu uu aad u dayacanyahay, shirkadda FAVORI oo maamushana aysan in muddo ah ka qaban shaqo micno leh. Tusaale ahaan, markii la furay Terminalka cusub 2013-ka, duulimaadyada diyaaradaha isticmaalayey waxay gaarayeen 3000 oo duulimaad sanadkii, haatan waxay duulimaadyada garoonku gaarayaan 30000 kun oo duulimaad sanadkii. Waxaa dhacda in diyaaradaha degaya iyo kuwa duulaya ay in ka badan 40 daqiiqo sugaan. Waddada ay ku duulaan diyaaraduhuna madayactirna. Wuxuu garoonka Mugadishu halis ugu jiraa in daad badda ka yimid qaado amaba shilal diyaaradeed ka dhacaan haddii aan si deg deg ah wax looga qaban. Runtii, majirto cid laxisaabtanta shirkadda maareysa Garoonka ee FAVORI. Waxaa lagaarey xilligii lala xisaabtami lahaa FAVORI iyo Wasiirka Wasaarada oo ku tuntay xuquuqdii muwaadiniinta uu wasiirka u yahay iyo qeynuunka duulista hawada Somalia iyo caalamka. Wax yaabaha lala yaabo ee garoonka Mugadishu ka dhaca ayaa waxaa kamida, in bartii ay dadka safarka ah gaadiidka ka raaci lahaayeen ama ay uga degi lahaayeen markay dhoofayaan laga dhigay Parkin baabuur oo gaar loo leeyahay, oo ay lacag ka gurtaan dad la siiyey. Shirkado ajnabi iyo kuwa Soomaali ah oo aan wax la taaban karo oo shaqo ah ka haynin garoonka ayaa iska maamusha. Guddiga Adeegga Diyaaradaha Soomaaliya ayaa si deg deg ah ku taliyey in wax looga qabto dhibaatooyinka iyo khataraha soo food saaray shirkadaha diyaaradaha Soomaaliya iyo garoonka diyaaradaha Muqdishu. Waa laga maarmaan ah, in la soo bandhigo heshiisyada qarsoon ee wasiirku la galay shirkadaha ajnabiga ah ee loo fasaxay in ay Soomaaliya uga shaqaystaan siday doonaan. Waxaa sidoo kale lagama maarmaan ah in lacaddeeyo xuquuqda shirkadaha duulimaadyada Soomaaliya oo ah canshuur bixiyeyaal ay ka shaqeystaan kumannaan Soomaali ah.
-
Deegaanka Afbarwaaqo ooka tirsan Deegaanada Puntland waxaa todobaadkii hore ka dhacay Dagaal Beeleed kasoo maanta oo isniin ah mar kale dib usoo laabtay. Maleeshiyo Beeleed [...] Source
-
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku riday Askari loo heysto dilka haweeney ganacsato ahayd. Askariga oo lagu magacaabo Cabdullaahi Cali Cumar ayaa loo heystaa dilka Marxuumad Dhibaay Maleele Maxamed, oo dilkeedu 3 May ee sanadkan ka dhacay degmada Wallaweyn ee gobalka Shabeellada Hoose. Kiiskan oo muddo soo socday ayaa maanta Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, waxay Cabdullaahi Cali Cumar ku riday xukun dil toogasho ah, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha maxkamadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute. Sidoo kale maxkamadda ayaa sheegtay in Cabdullaahi Cali Cumar uu u furan yahay Rafcaan ku siman Sodon cisho. Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa marar badan dilal u geystay dad shacab ah. PUNTLAND POST The post Muqdisho: Xukun lagu riday Askari lagu eedeeyey dilka Haweeney ganacsato aheyd appeared first on Puntland Post.
-
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weeraro kala duwan oo xalay Al-Shabaab ay ku qaaday qeybo badan oo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose. Weerarada oo ahaa kuwa gaadmo ah ayaa waxaa lagu qaaday fariisimo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa nabad ilaalinta Ururka Midowga Africa ee AMISOM ay ku leeyhiin degmooyinka Baraawe, Awdheegle iyo deegaanka Bariire ee gobolkaasi. Ma cadda illa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weeraradaasi, waxaana saraakiisha ciidamada Milatariga ay sheegeen inay sameeyeen iska caabin xoogan. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana ciidamada huwanta ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka bilaabeen gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya. View the full article
-
Garoowe (SMN) – Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska dowlad goboleedka Puntland, Sarreeye Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa shaqadiisa dib ugu fasaxay taliyaha qeybta Booliska gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Mu’min Cabdi Shire (Ina-madaxweyne). Wararka ayaa sheegaya in arrintan ay ku timid, kadib markii mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ay dhex dhexaadiyeen labada taliye, kuwaas oo ku guuleystay xalinta khilaafkaasi. Sarreeye Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse, ayaa shaqa-joojinta uu ku sameeyey Arbacadii taliye Mu’min cuskaday amar-diiddo uu sheegay in uu sameeyey taliyuhu. View the full article
-
Afbarwaaqo (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya Bariga Gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka uu ka soconayo dagaal xoogan, oo u dhaxeeya laba maleeshiyo oo ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug. Dagaalkan ayaa wuxuu ka soconaya Deegaanka Towfiiq oo ku dhow Deegaanka Afbarwaaqo, kana mid ah goobihii ay maalintii Khamiista ku wada dagaalameen maleeshiyadaasi. Maleeshiyadan oo tan iyo Khamiistii ay gurmadyo gaarayeen ayaa isku horfadhiyay deegaanadaasi, waxaana markasta la fillan karay in dagaal uu ka dhex qarxo. Xiisadan ayaa waxay baqdin ku keentay dadkii deegaanka, kuwaa oo guryahooda uga cararay si aanay waxyeelo uga soo guurin is uruursigaasi. Dagaalkan ayaa waxaa uu ku soo aadayaa, xilli ay isa soo tarayeen baaqyada nabadeed ee loo jeedinayo labada maleeshiyo, ee ku wada dagaalamaya Bariga Gobolka Mudug. Sidoo kale waxaa uu dagaalku ku soo aadayaa, iyadoo maanta lagu waday in ay deegaanadaasi gaaraan Odayaasha Dhaqanka iyo Culimada Magaalada Gaalkacyo qaarkood, si ay nabad u kala dhex dhigaan. Masuuliyiinta Maamulada Galmudug & Puntland ayaan maalmihii la soo dhaafay ka hadlin xiisadda ku soo korortay Towfiiq iyo Afbarwaaqo. Afbarwaaqo iyo Towfiiq ayaa waxaa la tilmaamaa in tan iyo sanadkii 2011 ay ku soo noq noqdeen dagaal beeleedyada, waxaana markasta guuldareysanayay dadaalo kasta oo labada dhinac lagu kala qaboojinayay.
-
Magaalada Dooxa ee dalka Qadar waxaa maanta ka furmay Shirka 7aad ee ururka Baarlamaannada Adduunka ee la dagaalanka musumaasuqa. Shirka waxaa isla shir-Guddoominaya Guddoomiyaha Golaha Shuurada Qadar, Guddoomiyaha Ururka Baarlamaannada Adduunka (IPU) iyo Guddoomiyaha Ururka Baarlamaannada Adduunka ee la dagaalanka Musuqa (GOPAC). Dowladda Soomaaliya waxaa shirkaas uga qeyb galaya wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi kana kooban xubno ka kala tirsan labada Aqal ee BFS. Shirka 7aad ee Ururka Baarlamaannada Adduunka ee ka hortagista musuqmaasuqa ayaa socon doona maalmaha 9 iyo 10 Decembar 2019. Wafdiga Soomaaliya ayaa inta ay ku sugan yihiin Qadar kulamo kala duwan la qaadan doona madaxda ka qeb galeysa Shirka 7aad ee Ururka Baarlamaannada Adduunka. PUNTLAND POST The post Shirka baarlamaannada Adduunka oo ka furmay Qadar appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Nairobi)-Wargeyska The East African oo ka soo baxa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa shalay oo axad ahayd warbixin ka qoray dib u dhaca doorashooyinka Baarlamaanka Somaliland, waxaanay sheegeen in doorashada Baarlamaanka Somaliland muddo dhaaf tahay muddo 14 sannadood ah. Wargeyska The East African wuxuu sheegay in doorashada Baarlamaanka dib loo dhigay ilaa 2022ka, iyadoo doorashadii ugu dambeysay ee Baarlamaanku Somaliland ka qabsoontay sannadkii 2005tii. Waxa kaloo wargeysku tilmaamay in Somaliland ay si joogto ah u qabato doorashada Madaxtooyada,waxaanu iftiimiyey in khilaafka ka dhashay Komishanka cusub ee doorashooyinku uu sababay dib u dhaca doorashooyinka Somaliland. Wargeysku wuxuu xusay in xukuumadda Somaliland ay sheegtay in mucaaridku muran geliyeen xubno ka mid ah Guddida Doorashooyinka Somaliland, halka xisbiga Waddani uu xukuumadda ku eedeeyey inay xubin Komishanka ah u soo magacaabeen nin taageera xisbul-xaakimka. Wakiilka Somaliland u qaabilsan Kenya Baashe Cawil Cumar ayaa warsidaha The East African u sheegay in Madaxweyneyaasha Somaliland la soo doorto oo ay leedahay laamihii dawladnimo ee kala duwanaa, halka Madaxtooyada Soomaliya aanay xukumin dhul gaadhaya 10km oo ka baxsan Magaalada Muqdisho. Waxa kaloo danjire Baashe Cawil sheegay in caalamku ku daalay isla markaana guul ka gaadhi waayey nabad ku soo celinta Soomaaliya. Wargeyska The East African wuxuu sheegay inay Somaliland tahay dal xasiloon oo tusaale u noqon kara geeska Afrika oo dhan. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan Dalka Holland gaar ahaan Magaalada Dengue, ayaa Munaasibad soo dhaweyn ah u sameeyey Ergayga Somaliland u qaabilsan Wada hadalka Somalia Drs Edna Aadan Ismaaciil oo booqasho ku maraysa qaar ka mid ah dalalka Yurub. Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee dalka Holland Maxamud Cabdale Digaale oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay farxad u tahay inay dalka Holland ku soo dhaweeyaan Drs Edna Aadan Ismaaciil oo ah shakhsiyad taariikh fiican ku leh Jamhuuriyadda Somaliland isla markaana kaalin weyn kaga Jirta halganka aqoonsi raadinta qaranka Somaliland. Ergayga Somaliland u qaabilsan Wada hadalada Somalia Drs Edna Aadan Ismaaciil ayaa u mahadnaqday Guud ahaan Jaaliyadda Somaliland ee Ku dhaqan dalka Holland ee soo dhawaynta balaadhan u sameeyay, Drs Edna ayaa si qoto dheer uga hadashay geedi socodka qaranka Somaliland iyo Marxaladihii kala duwanaa ee dalku soo maray iyo heerka wanaagsan ee uu maanta taagan yahay. Drs Edna Aadan Ismaaciil waxay ka dalbatay Jaaliyadda Somaliland ee dalka Holland inay Mar walba Xoojiyaan wada jirkooda iyo isku duubnidooda isla markaana u arkaan nidaamka xisbiyada badan ee Somaliland ka jiraa inuu yahay mid aynu horumar ku beegsanayno. Ergayga Somaliland u qaabilsan Wada hadalada Somalia Drs Edna Aadan Ismaaciil waxay intaas ku dartay in aqoonyahanka Somaliland ee wadamada yurub ku sugani uu dalkoodu u baahan yahay inay maalgashadaan. Waxaa Kale oo halkaasi ka hadlay Xubno ka mid ah Muwaadiniinta dalka Holland ee daneeya qadiyadda Somaliland. Gunaanadkii Xafladaas ayaa lagu soo bandhigay Buuga ay qortay Drs Edna Aadan Ismaaciil ee lagu magacaabo A Women a First. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Siyaasi Maxamuud Siciid Maxamed, oo Xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale Kaahin ka soo qabtay xilka Wasiirnimo ee Wasaaradda Ciyaaraha, ayaa sheegay inuu ku rajo weyn yahay in kulanka la filayo inuu dhexmaro Madaxweynaha iyo Ergada dhex-dhexaadinta wada inuu guul ku dhammaada, waxaanu tilmaamay in marxalad kasta oo lagu jiro lagaga tabasho isku tanaasul iyo wada jir. Siyaasi Maxamuud Siciid Maxamed oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Kulankan Madaxweynaha iyo Ergada waxaan filayaa inuu ku dhamaada guul iyo wanaag, marxalad kasta oo adag oo aynu ku jirno inaynu isku tanaasul iyo wada jir kaga baxno ayaa la inaga rabaa, in dalkeena Doorashooyin ka dhacaan waa mid la inooga baahan yahay, oo muhiim inoo ah, in qaranimadeena ilaashano, in nabadgalyadeena ilaashano, in Dimuqraadiyadeena ilaashano iyana waa wax la inooga baahan yahay”. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Fransiiska Danjire Cali Xassan Ismaaciil ayaa shaaca ka qaaday in muhiimada koowaad ee ku jirta ka qeybgalka Shirweynaha Rugaha Ganagsigu yahay in waddamadda ku bahoobbay ay fahmaan lana macaamilaan Jamhuuriyadda Somaliland. Safiirka Somaliland ee dalka Faransiiska Danjire Cali Xassan oo lagu casuumay shirweynahii 45 ee Rugaha Ganacsiga Wadamadda Af Faransiiska ku hadla oo Somaliland xubin sharafeed loogu aqoonsaday sannadkii hore oo xogta kulanka soo gaadhsiiyey Telifishanka Qaranka iyo Wargeyska Dawan ayaa sheegay in dalkeenu ka heli karo faa’iidooyin dhinacyo kala duwan ah, mar uu ka hadlayey waxuu sheegay, “Faa’iidada ugu jirta xubinimada Ururkan Rugaha Ganacsiga iyo ka qeybgalka shirweynahan Somaliland oo ah dal ictiraaf caalami ah raadinaya, waxay u sahlaysaa in wadamadda ku bahoobay ogaadaan in dal Jamhuuriyadda Somaliland la yidhaahdo jiro, wada shaqeyna dhexmarto.” Safiir Cali oo ka sii hadlayey mowduucyada lagu falanqeeyey shirweynahan oo muddo saddex maalmood 4-6 bishan ka dhacay dalka Morocco ayaa raaciyey, iyo hadafka ka qeybgalka ee Somaliland ayaa yidhi, “Midowga Yurub mashaariic ay kula tacaasho la dagaalanka Tahriibka, oo la yidhaahdo dib-u-xirfadeyn, sannadkii hore waxay maalgeliyeen wadammo badan oo qaarada Afrika ka tirsan, balse sannadkan waxa qorshayhu yahay in maalgelinta loo soo jeediyo wadamadda Barriga Afrika, markaa waxaan ka shaqeynaynaa in Jamhuuriyadda Somaliland qeyb ka noqoto wadamadda ka faa’iidaysta maalgelintaa, waxtarna u yeesha dhalinyarada dalka.” Ka qeybgalka Safiirka Somaliland ee dalka Faransiiska Amb Cali shirweynahan caalamiga ee dalka Morocco ayaa muujinaya qaangaadh-nimadda dublamaasiyadda Somaliland ee gudaha dalka Faransiiska, oo weli aanay gaadhin dhigiisa caalamka u fadhiya Somaliland. Source
-
Africom counter-terrorism operations in Puntland State affects lives of innocent people in parts of Bari region. Drones killed two men collecting frankincense in a remote area known as Ameyra. Families of victims sent a letter to Puntland Parliament , where an MP had read out the statement. Poor geographic knowledge causes wrong operational decisions. Clues to this counterterrorism anomaly can be found in a bar chart in paper entitledEstimating Fighter Numbers in Cells across the Continent. A geographically inaccurate chart In the chart Somalia appears twice under Islamic State in Somalia (ISS) and Islamic State in Somalia, Kenya, Tanzania and Uganda (ISSKTU). Egypt crops up in the chart twice under Islamic State in Egypt (IS-Misr) and Islamic State in Sinai. Drone attacks against civilian populations put Puntland Government in a bind. It relies upon Africom operations to deter ISIS attacks by fighters in far-away and less populated parts of Bari region but it finds hard to be viewed as indifferent to the plight of families affected by drone attacks. Africom claims it conducts strikes with the Somali Federal Government forces strikes against parts of southern Somalia under Al-shabaab. © Puntland Post Monthly, 2019 The post Africom Counter-terrorism Strategy Mired in Geographic Absurdities appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Eng. Axmed Cabdi Ibraahim oo kamida Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ayaa sheegay in uu mar uun isu sharxi doono xilka Guddoomiyaha Xisbigaasi. Muu cayimin wakhtiga rasmiga ah ee uu isu taagayo xilkaasi, balse isagoo ku dabaqaya aqoontiisa iyo xaqa uu u leeyahay qabashada kursigaas waxa uu shaaciyey in aan wax u diidayaa jirin, waxaanu yidhi; “waxa muhiima in nidaamka iyo jaranjarada xisbiga la ilaaliyo.” “Tartanka xisbiguna maaha mid khilaafa ee waa wax iska caadiya.”ayuu raaciyey hadalkiisa oo ay sidoo kale ku jirtay “shirweynaha Xisbiga in wakhtigiisii la qabtaa waa muhiim oo waan leenahay hala qabto” Hadal-hayn la xidhiidha murrashaxnimada Guddoomiyaha Xisbiga ee uu hadda hayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa maalmahan aloosantay, kaddib markii uu Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi waraysi ku sheegay in uu u tartami doono xilkaasi marka la gaadho Shirweynaha. Source
-
Popular Contributors
