-
Content Count
214,024 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dalladda Bulshada Rayidka ah ee Puntland (PUNSAA) ayaa walaac ka muujisay dagaallada ka dhacay deegaananda Af-barwaaqo iyo Towfiiq ee gobolka Mudug una dhexeeya beelaha walaalaha ah ee ku wada nool deegaankaas, waxaana ay ku baaqday in dagaalka loo joojiyo sida ugu dhaqsaha badan loona furo wadahadal laguna dhameeyo khilaafaadka. Colaadda ka socota deegaankaasi waxa ay dhaawac u gaysatay shacabka aan waxba galabsan ee ku nool deegaanadaasi , waxay keentay barakac balaaran, dhaqaale burbur xooggan, iyo adeegyadii bulshada oo istaagay. Hoos ka akhriso Baaqa PUNSAA PUNTLAND POST The post PUNSAA oo baaq Nabadeed ka soo saartay Colaadda Towfiiq appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Midowga Yurub ayaa maanta munaasabad baroor-diiq ah magaalada Muqdisho ugu sameeyey, marxuumad Almaas Elman oo dhowaan toogasho lama filaan aheyd loogu geystay gudaha xarunta Xalane ee AMISOM. Munaasabadda oo lagu qabtay xarunta ururka Midowga Yurub ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, wasiirka Maaliyadda, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale (Beyle) iyo wakiilada dalalka Midowga Yurub ee Soomaaliya. Sidoo kale ayaa waxaa madasha lagu soo bandhigay Sawirro Farshaxan ah oo ay sameysay gabadha lagu magacaabo Nujuum Arts, kuwaas oo muujinaya dhibaatooyin dhanka aadanaha ah iyo kuwa waxbarasho oo ay u ololeyn jirtay Almaas Elman. Sidoo kale marxuumada ayaa si gaar ah u la shaqeyneysay Midowga Yurub oo ay door muuqda ku laheyd howlaha uu ka fuliyo Soomaaliya. Almaas Elman Cali Axmed oo ka tirsaneyd qoyska caanka ah ee reer Elman ayaa 20-tankii bishii hore ku geeriyootay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay haleeshay xabad, iyadoo dhex socoto gudaha xaruntaasi oo si weyn loo ilaaliyo. Xabada dishay marxuumada ayaa aheyd mid dhashiike ah, taas oo la sheegay in kaliya magaalada ay ku heystaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda. Illaa iyo hadda lama shaacin cida ka dambeysay dilkeeda, balse dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inuu socdo baaritaan dheeri ah ku aadan dhacdadaasi. AMISOM ayaa dhankeeda ka hadashay dilkaasi, waxaana ay sheegtay in dowladda ay kala shaqeyneyso baaritaanka geerida Elmaas Elman oo aheyd diblomaasi hore.
-
Dable Xoogga Dalka Cabdullaahi Cali Cumar ayaa loo heystaa dilka Marxuumad Dhibaay Maleele Maxamed oo ganacsata aheyd,dilkaas oo ka dhacay degmada Wallaweyn ee gobalka Shabeellada Hoose 23-May sanadkan. Eedeysanaha oo muddo baxsad ka ahaa hey’adaha Amniga ayaa xafiiska Xeer Ilaalinta 01 August ee Sanadkan waxa uu weydiistay Garsoorka in la siiyo waaran lagu soo xiri karo Cabdullaahi Cali Cumar oo baxsad ah, waxa ayna xilligaas aqbashay Maxkamadda Codsiga dacwad oogayaasha. Cabdullaahi Cali Cumar ayaa soo galay gacanta hey’adaha Amniga 28-kii September ee Sanadkan,Wwaxaana xilligaas lagu soo wareejiyay xafiiska Xeer Ilaalinta oo codsaday in xabsiga dhexe loo taxaabo garsuge ahaan. Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa baaris dheer kadib codsaday 16-ka bishii tagtay in la muddeeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Cabdullaahi Cali Cumar, waxayna Maxkamadda aqbashay dhageysiga dacwadda todobaad ka dib. Maxkamadda ayaa ugu horreynba u jeedisay eedda loo heysto Cabdullaahi Cali Cumar, waxaana sidoo kale Maxkamadda ay dhageysatay Cadeymaha iyo markaatiyaasha Maxkamadda la hor keenay. Dadka ay dhageysatay Maxkamadda waxaa kamid ah Sarkaalkii u talin jiray Dable Cabdullaahi Cali Cumar, waxa uu Maxkamadda u sheegay in ay Fakad ka gudbiyeen eedeysanah, wixii intaas ka dambeeyane uu dhuumaaleysi ku ahaa waddada xiriirisa Yaaq Biri Weyne, IIdow Jaalle ilaa leego oo uu ka geysan jiray dhac. Sidoo kale Maxkamadda waxa ay dhageysatay mid kamid ah dhibanayaasha gaadiidka ee Isticmaala waddada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo, waxa uu u sheegay Garsoorayaasha in $300 kaga qaatay Isbaara ahaan eedeysanaha Maxkamadda hor taagan. Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa Maxkamadda u sheegay in eedeysanaha uu ahaa shaqsi caadeystay dhacca dadka, waxa uu u sheegay Maxkamadda in uu sidoo kale baxsad ka ahaa Ciidamada. Muumin Xuseen Cabdullaahi oo ka hadlayay gabagabada Kiiska ayaa sheegay in Eedeysanaha Maxkamadda hor taagan oo dil bareer ah u geystay Marxuumad Dhibaay Maleele Maxamed oo aheyd haweeney Ganacsata ah oo aad looga yaqiinay Degmada Wallaweyn ee gobalka Shabeellada Hoose, waxa uu u sheegay Maxkamadda in eedeysanaha uu u dilay Marxuumadda deyn uu ka qaatay darteed. Markaatiyaal afar ah oo ay ku jiraan dad uu dhac u geystay iyo kuwa ka marag kacaya dilka Marxuumadda ayay dhageysatay Maxkamadda, waxaa sidoo kale Maxkamadda la horkeenay cadeymaha warqadda waaranka Maxkamadda, Cabashooyinka gaadiidleyda iyo warqad uu ka qoray taliyihiisa. Qareenka u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda weydiistay in loo naxariisto oo lagu xukumo magta Marxuumadda Dhibaay Maleele Maxamed. Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray in lagu xukumo Dable Cabdullaahi Cali Cumar dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuumad Dhibaay Maleele Maxamed sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Xukun waxaa ka furan Rafcaan ku siman 30-Cisho Xukunka kadib. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa dowladda federaalka ku amaanay labo arrin oo ay sameysay oo kala ah xoojinta sarreynta sharciga iyo dhisida hay’ado daah-furan. James Swan ayaa sheegay in tani ay suura-gelineyso in Soomaaliya ay degdeg ku gaarto horumarka ay hiigsaneyso, isagoona ku baaqay in la adkeeyo dadaalladaasi. Sidoo kale warka ka soo baxay xafiiska, James Swan ayaa waxaa looga hadlay maalinta musuq-maasuqa oo maanta ku beegan, wuxuuna madaxda dowladda ku boggaadiyey, sida ay uga go’an tahay la dagaalanka wax is dabarinta iyo sidoo kale cadaalad darrada. Ergeyga ayaa sheegay in musuq-maasuqa uu dhibaato weyn ku yahay horumarka iyo daadaallada dhisida dowladnimada. “Musuq-maasuqa wuxuu caqabad weyn ku yahay horumarka. Wuxuu wiiqaa dadaallada ku aaddan dowlad dhisidda, nabadaynta iyo dib-u-heshiisiinta. Wuxuu baabi’iyaa kalsoonida dadweynaha wuxuuna daciifiyaa awoodda hay’adaha dowladeed ee wax u qabashada dadweynaha,” ayii yiri wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Qaramada Midoobay ay dhiiro-gelineyso saxiixii uu dhowaan Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ku meel mariyey hindise-sharciyeedka dhismaha guddiga la-dagaallanka musuq-maasuqa. “Iyadoo taa ka duulaysa, ayaa Qaramada Midoobay waxaa aad u dhiiri-geliyay saxiixii uu dhowaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi ‘Farmaajo’ uu saxiixay hindise-sharciyeedkii dhismaha guddiga la-dagaallanka musuq-maasuqa iyo diyaarinta Istiraatiijiyadda Qaran ee La-dagaallanka Musuq-maasuqa.” ayuu markale yiri James Swan. Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay cagta saartay dhabihii horumarka “Kuwani waa tallaabooyin amaan mudan oo Soomaaliya ay horay u qaadday.” ayuu sii raaciyey hadalkiisa. Dhowaan ayey aheyd markii warbixin ka soo baxday hay’adda Transparency International lagu sheegay in Soomaaliya ay markale kaalinta koowaad ka gashay wadamada ugu musuq-maasuqa badan Caalamka, islamarkaana cabirka maamul-wanaagga ay ka heshay kaliya 10%. Transparency International ayaa warbixinteeda sanadlaha ah ku sheegtay in weli Soomaaliya ay safka hore uga jirto wadamada uu la degay musuqa, inkastoo weli dowladda federaalka, gaar ahaan wasaaradda maaliyada aysan ka hadlin warbixintaasi.
-
Somaliland: Meet A 13 Year Old Producer Of Children’s TV Programs. Abdilkadir Abdirahman Ahmed is a 13 years old Somaliland boy who works for the ministry of Information. He came from his hometown of Burao to work in the television sector. When he arrived in Hargeisa, he met with the Somaliland minister of Home Affair, Mohamed Kahin Ahmed, who also hails from Burao. Impressed with the youngster zest and ambition, the minster referred him to the Information ministry , then headed by, Mohamed Musa Dirie In this interview conducted by Qarannews in Hargeisa, Abdilkadir Abdirahman Abdi talks about his work in the ministry, which includes producing programs for children such as story reading, cartoons and other favourite shows. This youngster would like to progress through the ministry and has designs on being the president of Somaliland. Such precocious dreams and ambitions must be nurtured and encouraged, after all, the future belong to the likes of Abdilkadir Abdirahman Ahmed. Qarannews. Qaran News
-
(SLT-Nairobi)-Guddoomiyaha Nairobi ayaa maxkamadda hortagay maanta isaga oo diiday inuu qirto ilaa 30 eedo dambiyeed ay ku jirto inuu qaatay lacago laaluush. Guddoomiye Mike Sonko ayaa ah sarkaalkii u danbeeyey ee dowladeed ee lagu soo oogo dacwado la xidhiidha musuq maasuq ee dalka Kenya, waxaana lagu eedeeyey inuu ka faa’iiday lacago uu si sharci darro ah ku helay oo gaadhaya ilaa 3 milyan iyo badh doolarka Mareykanka ah. Waxa uu diiday inuu qirto dhammaan dambiyada lagu soo eedeeyey markii la horkeenay maxkamad qaabilsan la dagaalanka musuq maasuqa ee uu xaakimka ka yahay Douglas Ogoti iyadoo ammaankana ay sugayeen booliska rabshada ka hortaga. “Waxaad si ula kac ah ku heshay hanti iyo lacago adigoo og iney yihiin kuwo fal danbiyeed ah,” ayuu maxkamadda ka hor sheegay qareenka dowladda. Hase ahaatee, Sonko ayaa ku jawaabay ineysan eedeyntaasi “run ahayn.” Qareennada dowladda ayaa sidoo kale akhriyey faahfaahinnada akkoonnada bangiyada ee Sonko iyo dhowr mar oo lacago ay kusoo shubeen qandaraasleyaal ku guuleystay tartanka qandaraas ee gobolka uu maamulo. Sonko ayaa fasaxa todobaadka ku qaatay xabsiga ka dib markii si lama filaan ah looga soo xidhay koonfurta Voi ka dibna loosoo duuliyey xavsi ku yaalla magaalada Nairobi. Xigasho: AFP Source
-
Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha federaalka iyo Dimuquradiyeynta dowlad goboleedka Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa si kulul uga hadlay colaadda ka soo cusboonaatay bariga gobolka Mudug. Wasiir Dhabancad oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa sheegay in ay Puntland ka xun tahay dagaalladaasi, wuxuuna ugu baaqay maleeshiyaadka dagaalamaya inay xabada joojiyaan, wadahalna ay galaan. Sidoo kale wuxuu sheegay in dagaalkii saaka dib uga qarxay deegaanka Towfiiq ee gobolka Mudug ay soo qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Galmudug. Dhabancad ayaa ku eedeeyey mas’uuliyiinta Galmuudug in ay horinayaan xiisada, islamarkaana ay gaadiid dagaal u soo direen halkaasi, sida uu hadalka u dhigay. “Degmada Towfiiq ee Puntland waxaa saakay soo weeraray ciidamo ka socda Galmudug, waxaana ugu baaqaynaa in dagaalkaas la joojiyo, mana doonayno in la jebiyo nabad muddo lagasoo shaqeynayay.” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Puntland. Dagaal beeleedka ka socda deegaanada Towfiiq iyo Afbarwaaqo ayaa waxa ay u dhexeeyaan labo maleeshiyo oo ka soo kala jeeda maamullada Galmudug iyo Puntland. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka maamulka Galmudug oo ku aadan dagaalladaasi iyo eedeynta loo jeediyey, iyadoona xaaladdu haatan ay tahay mid kacsan. Labadaan maamul oo daris ah ayaa marar badan isku dhacay, waxana shirar looga hadlayo xaaladda gobolka Mudug iyo heshiisyo ay ku gaareen magaalada Gaalkacyo. Xiisada ayaa hadda dib u soo laabatay, waxaana isa soo taraya baaqyada loo dirayo maleeshiyaadka labada dhinac ee dagaalamaya, si loo qaboojiyo dagaalladaasi.
-
Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saddiiq Xirsi Warfaa ayaa Magaalada Istambul kula kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga,Mss; Zehra Zumrut Selcuk. Kulanka ayaa looga hadlay mashaariic socota oo ku saabsan xoojinta shaqaalaha, shaqaalaysiinta iyo kor u qaadista iskaashiga ka dhexeeya Labada Dal.Wasiirrada ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo guda-geli lahaa is Af-garad la xiriira horumarinta iyo tababarrada shaqaalaha oo ay Labada wasaaradood horay u gaareen. Is Af-garadka ay horay u gaareen Labada dhinac ayaa waxaa ansixiyay Golaha Wasiirrada Soomaaliya iyo Turkiga. Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Soomaaliya, Sadiiq Warfaa ayaa Istanbul kaga qeyb galaya shirka Koowaad ee Wasiirrada Ururka Iskaashiga Islaamka oo looga hadlayo horumarinta Bulshada. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada-hadlay Horumarinta Tababarada Shaqaalaha appeared first on Puntland Post.
-
Mas’uuliyiinta dalka Uganda ayaa sheegaya in tirada dadka ku dhintay daadad socday muddo todobaad ah ay gaartay 36 qof ayna kumanaan qof oo kale ku xanniban yihiin ka dib roobab xooggan oo ku dhuftay gobollada ku yaalla dhanka bari ee dalkaasi. Irene Nakasita oo ka tirsan ururka Bisha Cas ee Uganda ayaa sheegtay in howlgalkii gurmadka iyo badbaada ay caqabad ku noqdeen wadooyinka oo ay roobabku burburiyeen. Dhankiisa, Wasiiu-dowlaha Musiibooyinka iyo Gargaarka Musa Ecweru ayaa sheegay inuu jiro walaac ah in cudurrada ka dhasha biyaha wasakheysan ay ka dillaacaan aagagga ay daadadku saameeyeen. Ecweru ayaa sheegay in dowladdu ay bixineyso adduun dhan 5 milyan iyo bar oo lacagta dollarka ah taasi oo loogu talogalay in lagula tacaallo cudurrada ka dhasha biyaha, gargaar raashin ah lagu gaarsiiyo dadka dhibban iyo waliba in dib u dhis loogu sameeyo buundooyinka ay daadadku burburiyeen. Sida ay ku warramayaan mas’uuliyiinta Uganda, daadadka ayaa la filayaa iney gabi ahaanba joogsadaan bisha January maadaama cimiladu ay soo hagaageyso. Saynis-yahannada ayaa in mudda ahba ka digayay in sare u kaca heer-kulka badda uu keenayo roobab xilliyadeed waxyeelo badan dhaliya islamarkaana soo noqnoqda. Hay’adda Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha gargaarka ee UNOCHA ayaa todobaadkii hore sheegtay in roobab xooggan iyo daadad ku dhuftay dalalka Bariga Africa ay saameeyeen ku dhowaad 3 milyan oo qof ayna ku geeriyoodeen ilaa 280 qof. PUNTLAND POST The post In ka badan 36 qof oo ku naf-waayay Fatahaado ka dhacay Uganda appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimadda Online) – Xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta sheegay inay dacwad ka gudbinayaan Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Eng Faysal Cali Waraabe. Faysal ayaa hore u sheegay in dowladda federaalku ay ku howlantahay inay maamul cusub ka sameyso deegaanada Sool iyo Sanaag, kuwaasi oo uu ku sheegay inay ka tirsan yihiin deegaanada ay maamusho Somaliland. Xildhibaanad oo si adag u dhaliilay Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, ayaa waxa kale oo ay ku eedeyen inuu xidhiidh hoose la leeyahay dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo. Xildhibaanada ayaa sidoo kale waxa ay ka diifaaceen guddoomiyahooda golaha eedeymo uu dhowaan u soo jeediyay Faysal, kuwaasi oo ahaa in uu Guddoomiye Baashe uu maamulo xildhibaano la soo doortay, xili uu isagu ku yimid wax uu ku sheegay ‘is-xambaar’. Faysal ayaa waxa kale oo ay xildhibaanadaasi ku eedeeyen in uu isagu gudaha Somaliland ka dhex wado kala qeyb-qeybin, isla markaana uu ku howlan-yahay waxkasta oo ka hor imanaya midnimada Somaliland, waa sida ay hadalka u dhigeene. Xildhibaanadan ayaa ugu dambeyntiina waxay ka dhawaajiyeen inay ku howlanyihiin in goluhu uu dacwad dastuur ah ka gudbiyaan Guddoomiyaha xisbiga Ucid, Faysal Cali Waraabe oo ay sheegen in uu caqabad weyn ku yahay midnimada Somaliland.
-
Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka qeyb galaya shirka 7-aad ee Ururka Baarlamaannada Adduunka oo Maanta ka furmay Magaalada Doxa ee Dalka Qadar. Shirkan ayaa looga hadlayaa la dagaalanka Musuq-maasuqa iyo sidii loo xakamayn lahaa, waxaana la filayaa in uu Guddoomiye Xaashi ka jeediyo Khudbad ku saabsan sida ay Dowladdu uga go,an tahay la dagaallanka musuqa. Shirka waxaa isla shir-Guddoominaya Guddoomiyaha Golaha shuurada Qatar, Guddoomiyaha Ururka Baarlamaannada Adduunka (IPU) iyo Guddoomiyaha Ururka Baarlamaannada Adduunka ee la dagaalanka Musuqa (GOPAC). Guddoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay Qatar shir doceedyo la qaadan doona madaxda ka soo qeyb gasha shirka. View the full article
-
Ciidamada ammaanka Gobolka Mudug oo howlgal ka sameeyay magaalada Gaalkacyo ayaa gacanta ku soo dhigay 4 ruux oo ka mid ahaa lix qof oo habeen ka hor rasaaseeyay gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo ku safrayay waddada u dhaxeysa Gelinsoor iyo magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug,halkaas oo uu ku dhintay hal qof halka laba kale ay ku dhaawacmeen. Taliye ku xigeenka qeybta Boliiska Gobolka Mudug, Gaashaanle dhexe, Maxamuud Cilmi Gulaafe oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen 4-taas ruux,isagoo tilmaamay in Ciidamada ammaanku ay ku daba jiraan 2-ruux oo ka mid ah lixda ruux ee dadka shacabka ah ku rasaaseeyay gobolka Mudug. Kooxahaan hubeysnaa ayaa deegaanka Dagaari oo qiyaas ahaan 30-kilomitir dhanka koofureed kaga beegan magaalada Gaalkacyo waxey habeen hore ku rasaaseeyeen gaari ay la socdeen dad shacab ah. View the full article
-
Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Soomaaliya, Saddiiq Xirsi Warfaa ayaa Magaalada Istambul kula kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga,Mss; Zehra Zumrut Selcuk. Kulanka ayaa looga hadlay mashaariic socota oo ku saabsan xoojinta shaqaalaha, shaqaalaysiinta iyo kor u qaadista iskaashiga ka dhexeeya Labada Dal.Wasiirrada ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo guda-geli lahaa is Af-garad la xiriira horumarinta iyo tababarrada shaqaalaha oo ay Labada wasaaradood horay u gaareen. Is Af-garadka ay horay u gaareen Labada dhinac ayaa waxaa ansixiyay Golaha Wasiirrada Soomaaliya iyo Turkiga. Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Soomaaliya, Sadiiq Warfaa ayaa Istanbul kaga qeyb galaya shirka Koowaad ee Wasiirrada Ururka Iskaashiga Islaamka oo looga hadlayo horumarinta Bulshada. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Dable Xoogga Dalka Cabdullaahi Cali Cumar ayaa loo heystaa dilka Marxuumad Dhibaay Maleele Maxamed oo ganacsata aheyd,dilkaas oo ka dhacay degmada Wallaweyn ee gobalka Shabeellada Hoose 23-May sanadkan. Eedeysanaha oo muddo baxsad ka ahaa hey’adaha Amniga ayaa xafiiska Xeer Ilaalinta 01 August ee Sanadkan waxa uu weydiistay Garsoorka in la siiyo waaran lagu soo xiri karo Cabdullaahi Cali Cumar oo baxsad ah, waxa ayna xilligaas aqbashay Maxkamadda Codsiga dacwad oogayaasha. Cabdullaahi Cali Cumar ayaa soo galay gacanta hey’adaha Amniga 28-kii September ee Sanadkan,Wwaxaana xilligaas lagu soo wareejiyay xafiiska Xeer Ilaalinta oo codsaday in xabsiga dhexe loo taxaabo garsuge ahaan. Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa baaris dheer kadib codsaday 16-ka bishii tagtay in la muddeeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Cabdullaahi Cali Cumar, waxayna Maxkamadda aqbashay dhageysiga dacwadda todobaad ka dib. Maxkamadda ayaa ugu horreynba u jeedisay eedda loo heysto Cabdullaahi Cali Cumar, waxaana sidoo kale Maxkamadda ay dhageysatay Cadeymaha iyo markaatiyaasha Maxkamadda la hor keenay. Dadka ay dhageysatay Maxkamadda waxaa kamid ah Sarkaalkii u talin jiray Dable Cabdullaahi Cali Cumar, waxa uu Maxkamadda u sheegay in ay Fakad ka gudbiyeen eedeysanah, wixii intaas ka dambeeyane uu dhuumaaleysi ku ahaa waddada xiriirisa Yaaq Biri Weyne, IIdow Jaalle ilaa leego oo uu ka geysan jiray dhac. Sidoo kale Maxkamadda waxa ay dhageysatay mid kamid ah dhibanayaasha gaadiidka ee Isticmaala waddada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo, waxa uu u sheegay Garsoorayaasha in $300 kaga qaatay Isbaara ahaan eedeysanaha Maxkamadda hor taagan. Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa Maxkamadda u sheegay in eedeysanaha uu ahaa shaqsi caadeystay dhacca dadka, waxa uu u sheegay Maxkamadda in uu sidoo kale baxsad ka ahaa Ciidamada. Muumin Xuseen Cabdullaahi oo ka hadlayay gabagabada Kiiska ayaa sheegay in Eedeysanaha Maxkamadda hor taagan oo dil bareer ah u geystay Marxuumad Dhibaay Maleele Maxamed oo aheyd haweeney Ganacsata ah oo aad looga yaqiinay Degmada Wallaweyn ee gobalka Shabeellada Hoose, waxa uu u sheegay Maxkamadda in eedeysanaha uu u dilay Marxuumadda deyn uu ka qaatay darteed. Markaatiyaal afar ah oo ay ku jiraan dad uu dhac u geystay iyo kuwa ka marag kacaya dilka Marxuumadda ayay dhageysatay Maxkamadda, waxaa sidoo kale Maxkamadda la horkeenay cadeymaha warqadda waaranka Maxkamadda, Cabashooyinka gaadiidleyda iyo warqad uu ka qoray taliyihiisa. Qareenka u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda weydiistay in loo naxariisto oo lagu xukumo magta Marxuumadda Dhibaay Maleele Maxamed. Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray in lagu xukumo Dable Cabdullaahi Cali Cumar dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuumad Dhibaay Maleele Maxamed sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Xukun waxaa ka furan Rafcaan ku siman 30-Cisho Xukunka kadib. View the full article
-
Wararka ka imaanaya magaallo xeebeedka qadiimiga ah ee Laasqoray ee ku taalla waqooyiga gobolka Sanaag ayaa laga soo warimayaa in muddo 10 cisho ah ay go’doon ku jiraan shacabka ku dhaqan degamadaasi. Roobab maahiigaan ah maalmihii la soo dhaafay ka da’ay Laasqoray ayaa la sheegay inay gabi ahaan burburiyeen waddooyinka muhiimka ah ee magaaladaasi. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in roobabkaasi daadadka wata ay la tageen illaa labo qof oo weli la la’yahay nolol iyo geeri toona. Sidoo kale waxa ay tilmaameen in xaaladda nololeed ee ka jirta halkaasi ay tahay mid aad udag, islamarkaana uu sare kac ku yimid maciishada, maadaama wax gaadiid ah aysan soo gali karin degmadaasi Laasqoray. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ayaa dhankooda wada dadaallo xoogan oo loogu gurmanayo dadka ku dhibaateysan halkaasi. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa deegaano badan oo hoostaga Puntand ka da’ayey roobab xoogan oo dabeylo wata, kuwaas oo geystay khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed inbtaba. View the full article
-
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa maanta dhagax dhigay waddada isku xirto degmooyinka Xamar Jajab iyo Shingaani. Dhismaha Waddadaan oo ah mid muhiim u ah isku socodka gaadiidka ayaa waxey ka soo bilaabataa Dekadda Muqdisho ilaa dhismihii Wakaaladda Madbacadda Qaranka Soomaaliyeed. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay dhismaha waddooyinka burbursan ee Magaalada Muqdisho. Dhagax dhigga waddadaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir,mudane, Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim Dheere),qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Xiriiriyaha guud ee Gobolka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Afhayeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Ismaal Mukhtaar Oronjo oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa warbaahinta u akhriyey warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya oo ku aadan dagaallada dib uga soo cusboonaaday deegaano ka tirsan gobolka Mudug. Oronjo ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay ciidamo isku dhaf ah u direyso bariga gobolkaasi oo ay ku dagaalamayaan maleeshiyaad deegaanka ah. Sidoo kale wuxuu sheegay in dowladdu ay tallaabo ka qaadi doonto cidkasta oo ka hor imaada dadaallada nabadeed ee lagu qaboojinayo xiisadaasi. Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay maleeshiyaad beeleedka labada dhinac inay joojiyaan dagaalka, si looga baaqsado in markale uu dhiig ku daato halkaasi. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo markale uu dagaal beeleed dib uga qarxay deegaanka Towfiiq ee gobolka Mudug, kaas oo geystay khasaare kala duwan. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/War-Duhur-09122019.mp3 View the full article
-
Popular Contributors
