-
Content Count
214,024 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
At least 20 people have been killed and about 25 others injured on Monday in fierce fighting in the outskirt of Somalia's central region of Mudug, an official said. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u muuqda inuu ku guul darreystay dhammaan qorsheyaashii uu ugu talo-galay in uu ku dejiyo qorshe doorasho oo u suurta galinaya inuu kaga guuleysto musharaxiinta kale ee tartanka doorashada madaxtinimada la-galaya 2021-ka. Fashilinta qorshaha ayaa loo aanaynayaa xogta kasoo dusta xafiiska madaxweynaha iyo la-taliyeyaasha aadka ugu dhow, islamarkaana la wadaaga saxaafadda si ay u baahiyaan, kadibna usii gudbta mucaaradka. Madaxweynaha ayaa ku baraarugay dabinka uu ku socday kadib markii ay u suurta gali waysay in uu hor istaago sharciga doorashada ee baarlamaanka federaalka ka doodayo, kaasi oo u muuqda in la ansixin doono. Xildhibaanada ugu saameynta badan baarlamanka ayaa xiriir fiican la leh Ra’iisul wasaare Kheyre, halka Madaxweyne Farmaajo uu albaabada ka xirtay xildhibaanada badankooda, waxaana hadda soo baxday in xildhibaano badan oo Farmaajo rumeysnaa inay daacad u yihiin dowladda ay noqdeen kuwa daacad u ah Kheyre kaliya. Arirntan ayaa soo shaac baxday markii xildhibaano badan oo Farmaajo rumeysnaa inay ku aragti yihiin ay dooddii baarlamanka ku taageereen sharciga doorashooyinka ee isugu uu diidan yahay, ayaga oo ku aragti noqday Kheyre. Kheyre wuxuu rumeysan yahay in doorasho qof iyo cod ah aysan dhici karin, si ka duwan Farmaajo. Siyaasiyiinta ku bahoobay talada iyo xilalka ayaa caado u ah in ay kala tagaan ama ay isku khilaafaan qorshaha kusoo noqoshada talada dalka, balse waxaa muuqata in xildhibaanada muxaafadka ay ku qanceen fursadaha soo laabashada uu Farmaajo kaga dhaw yahay Ra’iisul wasaare Kheyre. Waxaan la qiyaasi karin heerka dhaawaca siyaasadda soo gaaray Madaxweyne Farmaajo balse waa markii ugu horreysay ee uu waayay taageerada xildhibaanada ku qoran liiska Kheyre ag yaalla, waxaana iska cad in awoodda dowladda siyaasadda ay fariisatay xafiiska Ra’iisul wasaaraha. Dib usoo celinta saameynta siyaasadda madaxweynaha ayaa u baahan istaraatiijiyad ka qota dheer tan lagu hurdisiiyay 3-dii sano ee lasoo dhaafay, waxaana taas usii dheer in beesha caalamka ay ku caadinayso Madaxweynaha iyo baarlamaankaba in ay ansixiyaan sharciga doorashooyinka, sidoo kalena ay jiraan caqabadaha kaga imaanaya maamul goboleedyada ay ku curyaaminayaan qorshihiisa gaarka ah. Mustaqbalka siyaasadda Madaxweyne Farmaajo ayaa galay mugdi iyo jahawareer, waxaana hadda uu madaxweynahu ku qasbanaaday in uu helo waqti ku filan oo uu kaga kabsado madadaaladii uu ku jiray, isla markaana dib u unkado howlwadeeno uu ku kalsoon yahay oo fulin kara qorshahiisa soo noqoshada. Muddada ku habboon dib u yagleelidda koox u carbisan halganka siyaasadda adag ee wejiya badanka ah ayaa ka badan waqtiga ka harsan qabashada tartanka doorashada ee 2020/20121-ka. Halista ugu weyn ayaa kaga imaanaysa diyaarinta istaraatiijiyad cusub iyo taageereyaal dhab ah ee lagu jaangooyo waqtiga yar ee ka harsan muddo xilleedka madaxweynaha. Wuxuu u baahan yahay inuu hadda iyo kow helo xildhibaano daacad ah oo isaga un ku xiran, ayada oo ay caddahay in madaxweynaha xiga ay soo dooran doonaan xildhibaano. Xildhibaanada hadda jooga ayey u badan tahay inay soo laabtaan ugu yaraan 70%. Si uu waqti dheeri ah u helo, oo uu isugu diyaariyo dib ugu soo noqoshada talada dalka isla markaana uu ku kala barto xildhibaanada u dhaga nugul aragtidiisa iyo kuwa muxaafadka iska dhigaya ee ah mucaaradka qarsoon ah, madaxweyne Farmaajo ayaa ku qasban in uu hor istaago ansixinta sharciga doorashada. Codka loo qaadayo ansixinta sharciga doorashada wuxuu ka ogaanaya heerka taageerada uu ku dhexleeyahay golaha shacabka. Ogaanshiyaha awoodda siyaasadda Madxwenaha heli karo ayaa aasaas u ah qorshe walba oo uu ugu talogalay in kaga qaybgalo loolanka hoggaanka dalka sanadda 2021. Madaxweynaha ayay u muuqataa halis isla eg oo kaga soo wajahan mucaaradka muuqda iyo mucaaradka qarsoon. Natiijada codka xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ay u qaadayaan ansixinta sharciga doorashada ayaa noqonaysa labadan arrin midkood. 1 – Haddii sida uu doonayo wax u dhacaan oo sharciga la diido, inkasta oo aysan muuqan, codka diidmada ah waxay u noqonaysa madaxweynaha fursad hor leh, iyo in uu eedda ka timaada diidmada dusha kaga tuuro baarlamaanka, waqtigana korarsado. 2 – Codka ansixinta oo ay u badan tahay inuu dhaco, waxay caddeyn u noqonaysa tabaryarida Madaxweynaha ee awooddiisa siyaasadda xilligan iyo rajo-beelka jiritaankiisa mustaqbalka siyaasadda ee dib ugu soo laabashada xilka madaxweynenimada. Farmaajo mar walba wuu rumeysnaa in haddii xildhibaano ay codeeyaan uusan dib usoo laabaneyn, balse in sharciga uu kasoo horjeedo la ansixiyo waxay u caddeyn doontaa tuhunkiisa. Balse sidoo kale waxay abuuri kartaa dhibaato hor leh iyo inuu aqaado tallaabooyin uu ku hor-istaagayo in doorasho la qabto, taasi oo dalka gelin doonta qal-qal siyaasadeed.
-
Iyadoo Shalay la xusay Maalinta Caalamiga ah ee La’dagaallanka Musuq-maasuqa, ayaa ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, waxa uu sheegay in Soomaaliya horumarka ka gaartay dhanka xoojinta sarreynta sharciga iyo dhisidda hay’ado daah-furan oo lala xisaabtami karo. “Qaramada Midoobay waxa aad u dhiiri-geliyay saxiixii uu dhowaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi ‘Farmaajo’ uu saxiixay hindise-sharciyeedkii dhismaha guddiga la-dagaallanka musuq-maasuqa iyo diyaarinta Istiraatiijiyadda Qaran ee La-dagaallanka Musuq-maasuqa. Kuwani waa tallaabooyin ammaan mudan oo Soomaaliya ay horay u qaadday.” Ayuu yiri Mr Swan. War-saxaafadeed Af-Soomaali ku qoran, oo ka soo baxay xafiiska Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia James Swan, ayaa sidoo kale lagu sheegay, in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay, hirgelinta dib-u-habeyn lagu xoojinayo dowladnimada iyo yareynta u-nuglaanta musuq-maasuqa. “Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sidoo kale ogsoon sida ay Dowladda Federaalka ah uga go’an tahay hirgelinta dib-u-habeyn lagu xoojinayo dowladnimada iyo yareynta u-nuglaanta musuqmaasuqa waxaana taa markhaati ka ah meel-marintii uu dhowaan aqalka hoose meel-mariyay Hindise-Sharciyeedkii Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka iyo ansixintii ay labada aqal ee baarlamaanku ansixiyeen Sharciga Maareynta Maaliyadda Dowladda ee wax-ka-bedelka lagu sameeyay iyo Sharciga Shirkadaha.” Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. Dhinaca kale, War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay, in Xafiiska Qaramada Midoobay uu gudaha Soomaaliya ka dhisay, hanaan lagula dagaallamo musuqmaasuqa oo ay kala shaqeynayaan hay’adaha lacagta adduunka iyo saaxiibada ku hawllan horumarinta, si adeegyo talo bixin iyo kuwo farsamo loogu fidiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo la tacaalaysa musuq-maasuqa. PUNTLAND POST The post James Swan: Soomaaliya waxay horumarka ka gaartay Xoojinta sarreynta Sharciga appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday cidda ay taageereyso dalalka Kenya iyo Jabuuti oo isku haya kursi ka mid ah xubnaha aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka QM. Safiirka Itoobiya ee Kenya Meles Alem oo arrintan uu wax ka weydiiyey wargeyska The Star ayaa sheegay in si la mid ah Ururka Midowga Afrika ay Itoobiya taageereyso Kenya. “Itoobiya waa ay ka war-haysaa loolanka Kenya ee kursiga Golaha Ammaanka. Dalkeena waxa uu mar walba qaadan jiray go’aano ku salaysan mabaadi’, mowqfika Itoobiya waa kan uu qaatay ururka Midowga Afrika [oo taaageeray Kenya].” Ayuu yiri Meles Alem. Jabuuti ayaa diiday taageerada ururka Midowga Afrika oo ujeedkeedu ahaa in dhammaan dalalka qaaradda ay hal dal wada taageeraan, waxaana ay sheegtay inay sii wadeyso musharaxnimada iyo loolanka ay kursigan ku raadineyso. Dhinaca kale, dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u taageertay musharaxnimada Jabuuti ee kursiga aan joogtada ahayn ee 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM. Mowqifkan ayaa waxaa shaaca ka qaaday danjiraha Soomaaliya ee QM Abuukar Daahir Cusmaan (Abuukar Baale) oo ka qeyb-galay munaasabad ka dhacday dalka Mareykanka oo Jabuuti ay si rasmi ah ugu dhowaaqday ololaha ay ku dooneyso kursigaas.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Boqolaal ka mid ah ciidamada militeriga Soomaaliya oo aan wali qaadan mushaarkii ay ku lahaayeen dowladda Soomaaliya ayaa ku hanjabay in ay ka soo bixi doonaan difaacyada hore ee dagaalka. Ciidankaan oo xoogooda ku sugan gobalka Shabeelada Hoose ayaa sheegay in wali aysan helin mushaarkii ay ku shaqeynayeen ee bishan December, halka qaarkoodna ay dhowr bil ka maqan tahay. Mushaharka ayaa inta badan la bixin jiray 28-ka bisha dhammaadka ah ee ka horeysay bisha ay tahay in kowdeeda la qaato mushaharka, hase yeeshee bishan December oo mareysa 7 ayaan weli qaar badan oo shaqaalaha ka mid ah iyo ciidamada la siin mushaharkooda. “Waxaan ku suganahay furinta dagaalka ee degmada Awdheegle habeen kasta waxaan marti geliyaa weerarka Al-Shabaab walina ma helin xaquuqdeyda” ayuu yiri Askari ka tirsan Milateriga Soomaaliya oo lasoo xiriiray Caasimada Online. Sidoo kale ciidamada Booliiska, iyo Asluubta ayaa wali qaadan mushaarkooda waxaana isa soo taraya qayla dhaanta ka soo baxeysa ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya. Wali xukuumadda Soomaaliya kama aysan jawaabin sababta ilaa hadda loo bixin la’yahay mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha dowladda, balse sarkaal sare oo ka tirsan Bankiga Dhexe ayaa Caasimada Online u sheegay in lacag badan bankiga looga bixiyey wasiirka arrimaha gudaha loona qaaday Dhuusomareeb, oo dowladda ay ka waddo dhismaha maamulka Galmudug. Ma cadda haddii lacagta Bankiga Dhexe laga bixiyey ay tahay tii ay ahayd in lagu bixiyo mushaharka shaqaalaha iyo ciidamada. Xubno ka tirsan wasaaradda maaliyadda ayaa noo xaqiijiyay in bishaan ay suurtagal tahay in aysan dowladda bixin doonin mushaarka shaqaalaha dowladda iyo ciidamada xilli lacag badan la qorsheynayo in lagu bixiyo doorashada Galmudug.
-
Hargeysa (Caasimadda Online) – Xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, ayaa ka hadlay dacwad ay sheegeen qaar kamid ah xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland inay ka gudbinayaan Guddoomiyaha xisbigaasi, Faysal Cali Waraabe. Ucid ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay eedeymo ay shalay xildhibaano ka tirsan golaha wakiiladu ay u soo jeediyeen Guddoomiye Faysal, kuwaasi oo ay kula xiriirinayeen dowladda federaalka Soomaaliya. Axmed Cabdi Muuse Abyan, Musharaxa Madaxweyne ku-xigeen ee xisbiga Ucid, kana mid ah hogaanka sare Xisbigaasi, ayaa sheegay in Xildhibaanadaasi ay soo adeegsadeen shir gudoonka golaha wakiilada, kuwaasi oo la rabo in lagu aamusiiyo siyaasiyiinta Somaliland. Axmed Abyan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Xildhibaanadaasi loo adeegsanayo aamusiinta Guddoomiyayaasha mucaaridka ah ee u hadlaya xuquuqda shacabka ee kana hadlaya khaladaadka iyo dhibaatooyinka jira, midaasi oo carabaabay inaysan marnaba suurtagaleyn. Abyan ayaa waxa kale oo uu Xildhibaanadaasi eedeynta u jeediyay Guddoomiyaha xisbigooda, ku sheegay ‘dib-jir lasoo adeegsaday’, midaasi oo uu ku micniiyey inaysan ku fadhin sharci golahaasi. Xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada Somaliland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay dacwad ka gudbinayaan Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Eng Faysal Cali Waraabe, oo ay ku tilmaameen mid ka soo horjeeda midnimada Somaliland.
-
Dowladda Puntland ayaa baaq Nabadeed ka soo saartay, Colaadda u dhexaysa labada beelood ee ka soo cusboonaatay nawaaxiga degmada Towfiiq ee gobolka Mudug. Xukuumadda Puntland ayaa sheegtay, in ay walaac xooggan ka muujinayso colaaddaasi ka soo cusboonaatay aagga degmada Towfiiq ee gobolka Mudug, waxaana ay ku baaqday in si dakhso leh oo bilaa shuruud ah loo joojiyo dagaalka. Puntland waxay ku baaqday, in wixii xurguf iyo is-afgaranwaaya lagu dhammeeyo wada-xaajood ay sal-dhig u tahay; ka wada-shaqeynta Nabadda, ilaalinta Xasiloonida iyo xeerinta Wada-dhalashada bulshada halkaasi ku nool. Sidoo kale, Puntland waxay ugu baaqday hoggaanka dhaqanka iyo culimada degaanka, in laga wada-shaqeeyo joojinta dagaalka, loona istaago ilaalinta Nabadda iyo Xasiloonida gobolka. Hoos ka akhriso Baaqa PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo baaq Nabadeed ka soo saartay Colaadda Towfiiq appeared first on Puntland Post.
-
(MENAFN – SomTribune) The storm, now centered in the north Indian Ocean near the coast of Somalia’s semi-autonomous region of Puntland, is expected to intensify and move in a southwestern direction and cross Mudug coastal areas between Hobyo and Eyl districts on Friday, according to Somalia Water and Land Information Management, which is managed by the Food and Agriculture Organization of the UN. ‘While current forecasts indicate a low probability for the cyclone (10 percent), if the cyclone makes landfall, it could have a devastating impact,’ the FAO said in an alert issued in Mogadishu. Under its influence, according to the alert, moderate to heavy rain are likely to cause flash floods in some regions, including Mudug, Nugaal, Bari and Sanaag, starting on Friday. ‘Strong winds associated with the storm may cause destruction of weak structures and fishing gears along the coast,’ it said. The latest alert came after a powerful tropical cyclone, Sagar, which packed winds in excess of 120 km an hour and dumped an entire year’s worth of rain in northern Somalia in June 2018, killing more than 50 people and affecting over 230,000 others, according to the UN. Qaran News
-
Madaxweynaha waddanka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, ayaa shaaciyay in dalkiisu uu ciidamo Militari u dirayo waddanka Libya, haddii ay sidaasi ka dalbato xukuumadda Sharciga ah ee ka dhisan magaalada Tripoli. Mr. Erdoğan oo wareysi gaar ah siinayay Tefeshinka Turkiga ee TRT, ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay, in uu dhigiisa waddanka Ruushka Vladimir Putin uu kala xaajoon doono, xal u helidda fallaagada uu hoggaamiyo Janaraalka Hawl-gabka ah, Khalifa Haftar ee ka dagaallama gudaha dalka Libya, taasi oo taageero Militari ka hesha dowladda Ruushka. Madaxweyne Tayyip Erdoğan, ayaa sheegay in uu aaminsanyahay, haddii ciidan Militari uu dalkiisu u diro waddanka Libya, in si buuxda loogu guulaysan karo soo celinta Nabadda iyo Xasiloonida Libya, si dib loogu dhiso dalkaasi Colaaduhu ragaadiyeen. Dalka Libya, waxa si joogta ah uga socda dagaallo sokeeye oo u dhexeeya dhinacyo siyaasadeed iyo fallagooyin gudaha, tan iyo markii xilka laga tuuray madaxweynihii hore ee waddankaasi Colonel Qaddafi, bishii October ee sannadkii 2011. Col. Qaddafi oo dalka Libya xukumayey mudda 42 sannadood ah, waxaa xukunka looga tuuray Kacdoon dadweyne oo dalkaasi ka bilowday bishii Jannaayo ee sannadkii 2011, kaasi oo markii dambe ay ku biirtay fara-gelin Militari oo NATO ku sameeyay Libya. PUNTLAND POST The post Turkiga oo sheegay in uu ciidamo Militari u dirayo Libya hadii laga dalbado appeared first on Puntland Post.
-
At least 20 people have been killed and about 25 others injured on Monday in fierce fighting in the outskirt of Somalia’s central region of Mudug, an official said. Abdirahman Ali Diriye, Governor of Mudug region told reporters that inter-clan fighting erupted at the Towfiq village in the northwest of the Mudug region between two Somali clans over land disputes. “The fight started after one of the clans launched an attack in revenge for past killings. There was a stiff battle between two militias and 20 people, most of them from the warring sides died during the clashes and 25 others were injured,” Diriye said. “We are now dispatching elders from the administration to cease the fight,” he added. Locals told media they heard heavy gunfire. “An intense combat broke out between two rival clans who were killing each other sporadically. There were many casualties in today’s battle,” Fahmo Haji, a resident said. The government has called for an immediate end to the fighting that caused the death of many people. View the full article
-
The UN senior envoy in Somalia on Monday called on the government to enhance the fight against corruption which is an obstacle to development and erodes public trust. James Swan, special representative of the UN Secretary-General for Somalia welcomed the country’s progress in strengthening the rule of law and building accountable and transparent institutions and underlined the importance of continuing to work on these areas. “Corruption is a major obstacle to development. It undermines efforts toward state-building, peace, and reconciliation. It erodes public trust and weakens state institutions’ ability to deliver to their people,” Swan said in a statement issued to mark the International Anti-Corruption Day. He said the UN is very encouraged by the recent signing into law by President Mohamed Farmajo of the bill on the establishment of the anti-corruption commission and the elaboration of the national anti-corruption strategy. “These are commendable steps forward for Somalia,” said the UN envoy. He said a key instrument to sustain, manage and track countries’ fight against corruption is the UN Convention against Corruption, the world’s only legally binding universal anti-corruption instrument. According to Swan, although Somalia is yet to sign and ratify the Convention, the UN welcomes steps that are being taken towards this goal, such as the progress with the anti-corruption commission and the anti-corruption strategy. He said the UN system has established an anti-corruption platform with international financial institutions and other development partners to provide technical and advisory services to Somalia in its efforts to curb corruption. Other UN programs mobilize resources to support the country’s anti-corruption efforts across the country, Swan said, centered on institutions and awareness-raising and on the judicial aspects of anti-corruption, such as criminalization and law enforcement, international cooperation and assets recovery in line with the Convention. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Bar___Qubanaha-09122019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa olole ka dhex billaabay xildhibaanada baarlamanka, isaga oo isku dayaya inuu ka hortago in la ansixiyo sharciga doorashooyinka dalka oo horyaalla baarlamanka. Xildhibaano dhowr ah oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in madaxweynaha uu doonayo in la ansixiyo sharcigii ay golaha wasiirada ansixiyeen bishii May, kaasi oo ogolaanaya in madaxweynaha waqtiga loo kordhin karo, haddii doorasho la qaban waayo. Sharcigaas ayaa waxaa wax ka beddel ku sameeyey guddi hoosaad uu baarlamanka u xil saaray. Waxay sidoo kale sheegeen inay aad ula yaabaan nooca doorashada ee madaxweynuhu doonayo oo ah doorasho qof-iyo-cod ah laakin si kale loo dhigay. Doorashadan ayaa ah mid aan ka dhaceyn dalka oo dhan balse lagu qabanayo Muqdisho kaliya. Sidoo kale kama qeyb-galayaan shacabka oo dhan balse waxaa codeynaya kaliya ergo ka mid ah shacabka oo meel la isugu keenayo. Ergada la isugu keenayo Muqdisho ayaa wakiil ka noqonaya shacabka oo dhan, waxaana tuhun laga qabaa in intooda badan laga soo xulo taageerayaasha madaxweynaha, taasi oo dib u doorasho fudud siin karta madaxweynaha. “Waxaan illaa iyo hadda la yaabanahay oo maskaxdayda qaadan la’ sida madaxweynaha ugu fakaray arrintan oo kale, xitaa caqliga saliimka ah ayaa diidadaya dhowr boqol oo qof ama kun ayaa shacabka dhan matalaya” waxaa sidaas yiri xildhibaan ka tirsan baarlamanka iyo xisbiga UPD oo la hadlay Caasimada Online. Madaxweynaha ayaa sida aan xogta ku helnay waxa uu dhowaanaha kulamo la qaadanayey qaar ka mid ah xildhibaanada, isaga oo ka dhaadhicinaya inay sharciga horyaalla baarlamanka ansixin. Isku dayga cusub ee madaxweynaha ayaa imanaya ayada oo madaxweynaha uu ku guul-darreystay inuu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ka dhaadhiciyo in sharciga laga hortago, kadib kulan dhacay 27-kii November. Guddoomiye Mursal ayaa u sheegay Farmaajo in qodobka 89-aad ee dastuurku qorayo in madaxweynaha ay doortaan baarlamanka, islamarkaana talooyinkii ay soo aruuriyeen ee mucaaradka iyo maamul gobaleedyada ay diideen in lagu jebiyo dastuurka suurta galna aheyn qorshaha madaxweynaha, oo aan dastuuri ahayn, islamarkaana aysan jirin cid kale oo ku raacsan. Sidoo kale Kheyre ayaa taageeray guddoomiyaha Golaha Shacabka, isagoo madaxweynaha u sheegay in aduunyada iyo Soomaalida intuba ka aqbali karin doorasho qof iyo cod ah markii loo eego xaaladda Soomaaliya, sidaasna uusan dastuurka dhigeyn.
-
Sour relations between Mogadishu and some of its federal states could determine the outcome of the 2020 presidential elections in Somalia which will be held with little progress on constitutional reform. Insecurity has all but ruled out President Mohamed Abdullahi Farmaajo’s promise of elections based on universal suffrage leaving the easily manipulable clan-based system to pick the fragmented country’s next leader. A parliamentary committee recently released the long waited report on the election modalities for 2021, which found that Somalia cannot hold a one-person-one vote ballot because of time constraints and absence of nationally endorsed constitution. The Somalia parliament is expected to endorse committee recommendations in the next few weeks. Abdulaziz Ali Ibrahim Xildhiban, the former adviser of Internal Security Ministry and Spokesman of Federal government of Somalia, said that President Farmaajo’s re-election strategy had a one-person-one vote system as its main plan. The absence of an elections dispute resolution mechanism, the insecure environment and the lack of widespread election participation by all Somalis is said to have informed parliament’s expected rejection of universal suffrage in favour of the 4.5 clan system. Underneath the lack of these essential factors to a credible election is the stalled constitution review; itself a hostage of political instability and infighting between federal member states and federal government. “The constitutional reviews involve genuine dialogue among stakeholders and requires a leadership that is committed to reconciliation, which is currently missing,” said Abdallah Ahmed Ibrahim, the director of the East Africa Centre for Research and strategic studies. He said consultation with regional states, opposition leaders, civil society and Somali public “have not been fully adhered to.” Key to President Farmaajo’s re-election is relations with two federal states — Jubbaland and Puntland — who resist a centralised system being imposed on the 2012 Provisional Constitution which provides for a federal system. UNDUE INTERFERENCE Mr Xildhiban said the differences between the centre and the periphery appears personal because relations between regional and federal institutions were still cordial. “The deteriorating relations is based on attitude of the federal government leadership. Institutions at the two levels are functioning well despite federal government leaders’ insistence on isolating the member states of Puntland and Jubbaland,” he said. President Farmaajo has infuriated incumbents by supporting friendly candidates against the “rebels.” Regional states have vote quotas through which MPs elect the president as a block, according to the interests of the respective regions. The regional leaders had suspended their co-operation with Mogadishu in September last year, accusing President Farmaajo of undue interference in their states’ affairs, failure to defeat Al Shabaab and going against the 2012 constitution in order to consolidate power. So far, President Farmaajo enjoys the support of president of Hirshabelle State, Mohamed Abdi Ware. Hirshabelle was the last state to be created and its option to co-operate was founded on its weak grip on its territory. In December last year, President Farmaajo’s efforts to secure the regions was boosted by the victory of former energy minister, Abdiaziz Andullahi Mohammed in the South West state. He is currently engaging Puntland and Galmudug states with the intention of isolating Jubbaland that is ruled by his nemesis, Ahmed Mohamed Islam commonly known as Sheikh Madobe. President Farmaajo could also face a new challenger with diplomats intimating that Prime Minister Hassan Ali Khaire, his close ally, could also have a shot at the presidency. President Farmaajo became the second person from the smaller Daroot Clan to win against the majority Mogadishu Clan Clan. For his re-election, Farmaajo is counting on economic reforms, the war against corruption, efforts at neutralising Al-Shabaab and standing up for Somalia’s territorial integrity. He has weeded out ghost workers and reduced wastage in the finance ministry, enabling timely payment for civil servants, but the war on corruption is far from being won. Negotiations with the International Monetary Fund for $$5.3 billion in debt-relief would be a major fillip if they succeed before the elections. Source: East African Standard
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa waxaan la aqbali karin ku tilmaamay in qof ka tirsanaa jiray Al-Shabaab si fudud loogu dhex daayo bulshada, isagoo wasaaradda amniga ka dalbaday inay qorshe cad u dejiso saraakiisha iyo xubnaha kale ee ka soo baxaya Al-Shabaab. Shuute ayaa hadalkaan ka sheegay barnaamij maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho oo loogu magac daray ‘dhaqan celinta shakhsiyaadka ka tanaasulay howlaha argagixisada’ waxaana soo agaasimay wasaaradda amniga gudaha, kaas oo la sheegay in hey’adaha dowladda iyo taageerayaasha Soomaaliya lagu barayo sida uu u shaqeeyo barnaamijka (DRB). Guddoomiye Shuute ayaa saraakiisha booliiska uga wakiilka ah degmooyinka gobolka Banaadir waxa uu faray inay soo qabtaan dagaalamaasha Al-Shabaab iska soo dhiibay ee aan marin nidaamka wasaaradda amniga. “Waxaan rabnaa saraakiisha ka shaqeysa saldhigyada gobolka inay dad degmadey ka shaqeynayaan jooga ku war galiyaan in dadka ku shaqeeya afkaarta argagixisada ama ka haray aysan gurigooda joogi karin, qofku marka uu ka haro fikirkaas waa inuu iska dhiibaa saldhiga u dhaw markaas waxaa loo soo gudbinayaa wasaaradda amniga waana inuu barnaamijkan loogu tala galay ee (DRB) uu maraa, hadii uusan saas yeelin aakhir waa la soo qabanayaa Maxkamadda waxaa naguula keenaa kuwo dhahaya sanado ka hor ayaan ka harnay waxaasna anaga nidaam ayaa nooga degan”ayuu yiri G/Sare Shuute. Guddoomiyaha uu sii watay hadalkiisa ayaa sheegay in wasaaradda amniga looga baahan yahay inay la timaado siyaasadda lagu dhaqayo hor joogayaasha ka soo baxaya ururada argagixisada ah ee ka jira dalka. “Waxaad ogtihiin horjoogayaal waaweyn oo afkaartaan dalka soo geliyey ama markii horaba dalkan ka abuuray markii ay ka soo tageen ee dheheen waa ka harnay, waa in la ogaadaa sababta uu uga haray waxii uu rabay ayuu ka waayey ama waxaaba laga yaabaa inuu si rasmi ah uga soo tegay, badan koodna waxay ku andacoodaan inaan ka soo tagno waxaa nagu kalifay inay ka leexdeen wadadii, wado la isku ogaana maba jirin markii hore, marka taas kaliya dadkii ay dhibaatada gaarsiiyeen xilligii ay ku jireen argagixisada kuma qanci karaan, “Sababtuna waxay tahay qof dhib geystay oo shalay cadaw ahaa waan ka haray oo kaliya laguma qanci karo sidaas si ka faahfaahsan waa in la helaa, wasaaradda amniguna waa inay mashruuc ka sameysaa, qofka afkaartaas ka harayana waa inuu cafis guud bulshada weydiistaa si kale laguma dhaafi karo” ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyey guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute.
-
The UN senior envoy in Somalia on Monday called on the government to enhance the fight against corruption which is an obstacle to development and erodes public trust. Source: Hiiraan Online
-
Jilib (Caasimada Online) – Sida lagu baahiyey warbaahinta dowladda ciidamada Mareykanka iyo kuwa xoogga dalka ee Danab ayaa maanta duqeyn ka fuliyey gobolka Jubbada Dhexe ee koonfurta Soomaaliya. Bartilmaameedka duqeyntaas ayaa la sheegay inay aheyd sarkaal sare oo ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab, kaas oo marayey xilliga la duqeeyey duleedka degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe. Duqeynta oo dhacday galinkii danbe ee maanta ayaa la sheegay in lagu dilay sarkaalkaas Shabaab-ka ah, wallow warka ka soo baxay dowladda aan lagu shaacin magaca sarkaalkaas ay diyaaraduhu bartilmaameedsadeen. Ciidamada dowladda Maraykanka ee Africom iyo kuwa ay tababareen ee Danab ayaa inta badan Al-Shabaab ku qaada weerarro u badan duqayn diyaaradeed. Africom ayaa kor dhisay sanadkan duqeymaha ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo Daacish oo ka howlgala qeybo badan oo ka mid ah gobolada dalka, waxayna sanadkan gudihiisa diyaaradaha Mareykanku Soomaaliya ka fuliyeen 59 duqeyn oo ka dhan ah Ururada ka soo hor jeeda dowladda ee ka dagaalama dalka.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan u dhexeeya midawga Yurub iyo dowladda federaalka Soomaaliya oo looga hadlay ajandayaal muhiim ah ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho. Shirka ayaa looga hadlay kobcinta dhaqaalaha, xaqiijinta guulaha laga gaaray deyn cafinta iyo maal gelinta dib-u-habeynta amniga, si guul looga gaaro qorshaha dib-u-habeynta amniga, ciidamada qarankuna ay awood ugu yeeshaan la wareegidda amniga dalka. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre iyo wasiirrada Maaliyadda, Dastuurka iyo haweenka ayaa ka qayb galay shirka, dhanka midawga Yurub, wafuudda ka qayb galeysay oo safiirro ay qayb ka ahaayeen ayaa waxaa hoggaaminayay safiirka midawga Yurub ee Soomaaliya, Nicolas Berlanga. Kulanka oo qayb ka ahaa shirarka joogtada ah ee looga hadlo horumarinta wadashaqeynta ka dhexeysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo Midawga Yurub ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay dimuquraadiyadda, federaaleynta, doorashooyinka, xuquuqda Aadanaha iyo dowrka haweenka ee ka qayb galka siyaasadda. Wasiirka Dastuurka, Saalax Axmed Jaamac ayaa kadib kulanka ka warbixiyey sida uu u dhacay.
-
Degmada Towfiiq, gobolka Mudug ee Puntland Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa dagaal beeleed maanta ka dhacay agagaar degmada Towfiiq iyo tuulada Afbarwaaqo ee bariga gobolka Muqudg. Warbaahinta PUNTLAND POST oo xiriiro kala duwan la sameysay deegaanada Towfiiq iyo Afbarwaaqo ayaa loo xaqiijiyey dhimashada 23 qof oo isugu jira dhinacyadii dagaalamayey iyo sidoo kale dhaawac ku dhow 15 qof. Dadkii ku dhaawacmay dagaal beeleedkaas ayaa markii hore la kala geeyey degmada Jiriiban iyo Tuulada Afbarwaaqo, balse markii dambe waxaa kuwii cuslaa loo soo qaaday Isbitaalada Koonfurta iyo Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Dagaalka oo saaka bilowday ayaa soconayey muddo saacado ah, wuxuuna istaagay duhurnimadii maanta, waxaana wali ka dhow aagii ciidamo beeleedyadii ku dagaalamay, iyadoo aysan jirin cid kala dhexgashay. Beelaha dagaalamaya ayaa ka soo kala jeeda maamulada Puntland iyo Galmudug, waxaana dagaalkoodu salka ku hayaa muran dhul-daaqsimeed oo ay kala sheeganayaan labada beelood. Khamiistii la soo dhaafay ayaa sidaan oo kale labada maleeshiyo beeleed dagaal culus ku dhexmaray deegaanadaas, kaas oo ay ku geeriyoodeen dad ku dhow 20 qof, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen. Beelaha ku dagaalamaya bariga gobolka Mudug ayaa loo diray baaqyo nabadeed oo looga dalbanayo in ay si deg deg ah u joojiyaan dagaalka. Gobolka Mudug waxaa naafeeyey dagaalo soo noqnoqda oo u dhexeeya qabaa’ilo Soomaaliyeed oo wada-dega gobolkaas. PUNTLAND POST The post In ka badan 2o qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Mudug appeared first on Puntland Post.
-
Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo ka wada hadlay deyn cafinta
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Dowladda Soomaaliya iyo midowga Yurub ayaa Maanta ka wada hadlay kobcinta dhaqaalaha, xaqiijinta guulaha laga gaaray deyn cafinta iyo maal gelinta iyo dib u habeynta amniga,ka dib shir ay ku yeesheen Muqdisho. Shirkan ayaa sidoo kale looga hadlay dimuquraadiyadda, federaaleynta, doorashooyinka, xuquuqda Aadanaha iyo dowrka Haweenka ee ka qeyb galka siyaasadda. Dhanka Soomaaliya ayaa waxaa uga qeyb galay kulanka .Ra’iisul Wasaarahe, Xasan Cali Kheyre oo ay wehliyaan Wasiirrada Maaliyadda, Dastuurka iyo Haweenka, halka midowga Yurub ay u matalayeen Danjirayaal uu hoggaaminayay Safiirka midawga Yurub ee Soomaaliya, Nicolas Berlanga. Waxyaabaha looga hadlay shirka ayaa laysla gartay in la far-dar geliyo, si guul looga gaaro qorshaha dib u habeynta amniga, Ciidamada Qarankuna ay awood ugu yeeshaan la wareegidda nabad galyada Dalka. Kulanka ayaa qeyb ka ahaa shirarka joogtada ah ee looga hadlo horumarinta wada shaqeynta ka dhexeysa Dowladda Soomaaliya iyo Midawga Yurub. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article -
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-habeen-09122019.mp3 View the full article
-
Popular Contributors
