-
Content Count
214,025 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa qiray in xaaladii ugu adkeyd ay mareyso dhismaha Galmudug islamarkaana uu wajahayo dhibaatooyin badan, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Caasimada Online. Wasiirka ayaa sheegay in uu dhaxda ka galay dano siyaasadeed oo is diidan kuwaas oo hoos u dhigay rajooyin badan oo la qabay, sidoo kalane dhismaha Galmudug geliyay in ay waqti dheer sii jiitanto. “Waxaan xal ka dhax raadinayaa dano siyaasadeed oo is diidan kuwaas oo dhamaantood ku saleysan dan gaar iyo rabitaan shaqsi ama koox” ayuu Sabriye u sheegay siyaasiin iyo masuuliyiin degaanka u dhashay oo la kulmay, kuwaas oo la hadlay Caasimada Online. Masuuliyiintan oo qaarkood ay ku jiraan Xildhibaano ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda Soomaaliya ay waqti badan gelisay dhismaha Galmudug laakiin danaheeda gaarka ah ay wax kasta ka dhigeen fadhiid iyo in howshii ay socon weyso. Jadwalkii ay soo bandhigeen Guddiga Farsamada ee Maamul dhisida Galmudug ee la xiriiray hannaanka ay u dhaceyso doorashada ayaa waqtigiisa la gudbay ayada oo aan waxba la qaban. Jadwalka la shaaciyey bartimihii November ayaa qorshuhu ahaa in inta u dhaxeysa 25-28 November lagu xareeyo Odayaasha dhaqanka ee saxiixayaasha Galmudug, isla markaana laga bilaabo 29 November illaa 9 December la soo xulo Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug. “Dowladda waxay Galmudug ka rabtaa in ay geysato rag ka shaqeeya soo laabashadooda doorashada 2021-ka waana sababta keentay in waxkasta ay socon waayaan” ayuu yiri xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo la hadlay Caasiamda Online. In Galmudug laga helo madaxweyne daacadu ah Villa Somalia waa qeyb ka mid ah qorshaha dib u doorashada Farmaajo. Madaxweynha oo hadda dhex taagan dagaal siyaasadeed oo uu la galay Puntland iyo Jubaland, ayaan huri karin maamul goboleed saddexaad oo aan isaga daacad u ahayn, waana caqabadda Galmudug ay ka dhismi la’dahay. Dowladda Soomaaliya ayaa horey u beddeshay liiskii saxda ahaa ee odayaasha Galmudug, ayada oo la keenay odayaal ay wadato dowladda si ay usoo xulaan xildhibaano taageersan Villa Somalia, kuwaas oo kadib qorshuhu yahay inay soo doortaan madaxweyne daacad u ah Farmaajo.
-
On the occasion of Human Rights Day, the UN envoy to Somalia today called on the country’s youth to build on progress made to date in enshrining human rights as a vital foundation of their society. “The promotion and protection of human rights is a key element in a country’s path to peace and stability. Somalia has made progress in this area. With youth making up the majority of the country’s population, the onus will lie with them to ensure that Somali society continues in this direction,” said the UN Secretary-General’s Special Representative for Somalia, James Swan. “I encourage the youth to advocate for their rights and the rights of others. Our hope is that they — together with Somalis of all ages and backgrounds — can build a better future,” he added. According to estimates, people under 30 years of age represent more than two-thirds of Somalia’s population – one of the largest demographic youth bulges in the world. Observed on 10 December around the globe, Human Rights Day commemorates the day in 1948 on which the UN General Assembly adopted the Universal Declaration of Human Rights. The theme of this year’s observance is ‘Youth Standing Up for Human Rights.’ It aims to spotlight the potential of youth as constructive agents of change and to amplify their voices. In Somalia, the United Nations is encouraged by the steps made by the Federal Government this year to increase the protection of human rights and to uphold its international obligations. This progress includes the Government’s re-engagement with international human rights mechanisms such as the Human Rights Council, the ratification of the Convention on the Rights of Persons with Disabilities, and the passing of the Women’s Charter for Somalia. The UN system in Somalia remains committed to supporting the promotion and protection of human rights for the benefit of the Somali people. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu halkaas ka dhacay Qarax laga maqlay xaafado badan oo ka tirsan Magaalada. Qaraxaas ayaa la sheegay in lala eegtay kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM oo marayey wadada General Daa’uud ee kala qeybiso degmooyinka Yaaqshiid iyo Wart Nabadda. Wararka hordhaca ah ayaa sheegayo in Qaraxaas loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxo sida ay Caasimadda Online u sheegeen dad goob joogayaal ah inkastoo warar kalana ay sheegayaan inuu ahaa Qarax meesha lagu diyaariyey. Qaraxa kadib ayaa waxaa rasaas culus ooda ka qaaday Ciidamadii AMISOM ee weerarka lala eegtay waxaana lasoo sheegayaa inuu jiro khasaaro ka dhashay Qaraxa iyo rasaasta ay ciidamada AMISOM rideen. Xaaladda Jidka General Daa’uud ayaa weli kacsan, waxaana xirtay Ciidamada AMISOM oo u diiday dadweynaha iyo Gawaarida inay halkaas maraan maadaama lasoo sheegayo in mid kamid ah kolonyadii ay wateen ay waxyeelo soo gaartay. Weli si rasmi ah looma helin khasaaraha ka dhashay Qaraxa iyo rasaasta Ciidamada AMISOM, waxaana idinkugu soo gudbin doonaa wararkeena soo socdo Inshaa Allah.
-
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil gaari oo maanta ka dhacay agagaarka deegaanka Galinsoor ee gobolka Galgaduud. Shilka ayaa yimid, kadib markii uu rogmaday gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed. Ugu yaraan illaa lix askari ayaa ku dhaawacantay shilkaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Gaariga gadoomay ayaa ku sii jeeday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, halkaas oo la geeyey dadkii ku dhaawacmay shilkaasi. View the full article
-
Xaafaddaan oo lagu magacaabo (Waa Yaabeysaa) ayaa ku taalla gudaha degmada Xamar-Jajab ee gobolka Banaadir. Shabelle ayaa u kuur gashay xaaladda xaafaddaasi, mana lahan adeegyada aas aasiga ah ee nolosha aadanaha, sababo la xariira ka jira badan oo ciriiri ka jira halkaasi. Sidoo kale malahan waddo weyn oo loo maro xaafaddan oo ku taalla meel buur ah oo bacaadku uu ku badan yahay. Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/waa.mp3 View the full article
-
Ciidanka nabad suggida maamulka Jubbaland ayaa waxa ay gacanta ku soo dhigeen nin Shabaab ah oo 48 saac ka hor dil ka gaystay Magaalada Kismaayo. Ninkaan ayaa waxaa lagu soo qabtay hawlgalcCiidamada ammaanka ay ka sameeyeen gudaha magaaladaasi. Ninkaan ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay inuu askariga uu dilay u adeegsaday Falaar dilkiisa, islamarkaana uu ka qaatay qorigii uu watay. Askariga uu dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Yare, waxaana la sheegay inuu gaaday isaga oo hurda. Ninkaan ciidamada ammaanka ay soo qabteen ayaa hadda ku xiran saldhigga ciidamada Nisa ee magaallo xeebeedka Kismaayo. View the full article
-
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta xafiiska ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee QM ee arrimaha Soomaaliya, James Swan oo gaaray magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Egeyga waxaa wafdigiisa ka mid ah wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo xubno kale oo ka mid ah kuwa beesha caalamka. Sidoo kale wafdigaan ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweyne Lafta Gareen, kaas oo looga hadlay xaaladda Koonfur Galbeed, gaar ahaan ammaanka iyo arrimaha bani’aadanimada. Kulankaan ayaa waxaa sidoo kale lagu soo qaaday arrimo ku saabsan xaalada dalka, doorashada Soomaaliya ku soo fool leh, doorka dowlad goboleedyada ay ku yeelan karaan, arrimo la xiriira dib u eegista ku socota Dastuurka Soomaaliya iyo qodobo kale. James Swan ayaa maalmahaan dambe waxaa uu waday kulamo uu la qaadanayo Saamileyda Siyaasada Soomaaliya,waxana uu la kulmay,Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, guddoonka labada Aqal iyo xubno ka mid ah Musharaxiinta Galmudug. Halkan hoose ka daawo Sawirro: View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah u daah-furay mashruuc ballaadhan oo lagu hirgelinayo Aagga cashuuraha ka caaggan ee dekedda Berbera oo maanta lagu kala saxeexday Somaliland. Munaasibadda lagu daah-furayo mashruucan oo maanta lagu qabtay Hutel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay shirguddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, madaxda shirkadda DP World, safiirro ka socday dalalka deriska, madaxda xukuumadda u qaabilsan gobolka Saaxil, xubno kamid ah golaha wasiirrada, ganacsatada dalka iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan. Maareeye-ku-xigeenka shirkadda DP World, ahna u qaybsamaha shirkadda ee Bariga dhexe iyo Afrika, Mudane Suhail Al-banna oo kulanka lagu kala saxeexanayey heshiiska lagu gudo gelayo hirgelinta Aagga cashuuraha ka caagan ee Berbera, ayaa ugu horrayn xukuumadda Somaliland iyo shacabkaba uga mahadceliyey sida kalfurnaanta, walaaltinimada iyo xamaasadda leh ee ay shirkadda ula shaqeeyaan, waxana uu caddeeyey inay shirkad ahaan ku dhammayn doonaan sida uu yahay qorshahooda ay ku dhammaynayaan wejiga koowaad ee dhismaha dekedda Berbera. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isaguna hadal kooban ka jeediyey munaasibadda daah-furka hirgelinta Aagga cashuuraha ka caagan ee Berbera, ayaa ugu horrayn dawladda Imaaraadka Carabta iyo shirkadda DP World ugaga mahadnaqay maalgashiga ballaadhan ee ay ku sameeyeen dekedda Berbera iyo sida walaaltinimada leh ee ay ugu dhiirradeen inay mashruuc malaayiin Doollar ku kacaya ay ku aaminaan Jamhuuriyadda Somaliland. Madaxweynuhu waxa uu bulshada u sharraxaya aragtida fog ee xukuumad ahaan ay ka leeyihiin guud ahaanba mashruuca lagu hormarinayo dekedda Berbera oo ay qayb ka tahay mashruuca maanta la kala saxeexday ee hirgelinta Aagga Cashuuraha ka caagan, “Mashruuca Berbera Port aragtida guud ee aynnu qaran ahaan ka leenahay waa inaynu ka helno koboc dhaqaale oo dalkeena Somaliland iyo gobolka aynnu ku naallo iyo geeska Afrika caalamkana aynnu la wadaagno, Himiladeennuna waa inay Barwaaqowdo Somaliland oo ay horseed u noqoto bilowga dhismaha dekedda iyo waddada Berbera iyo madaarka Berbera oo isaguna noqon doona madaar ganacsi oo caalami ah,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa carrabka ku ballaadhiyey qodobadda lagama maarnaanka u ah hirgelinta himilada fog ee qaranku ka leeyahay casriyeynta dekedda weyn ee Berbera, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “si aynnu taas u hirgelinno waxa aynnu u baahannahay dhawr qodob oo ka kala ah inaynnu helno kaabayaal dhaqaale oo raandhiis leh, waddooyin, deked, isgaadhsiin, koronto ay dadka imanaya iyo ummadaha caalamiga ahi isku hallayn karaan, waxa kale oo aynnu u baahannahay inaynu helno dad aqoon u leh maamulka ganacsiga intaas le’eg ee caalamiga ah oo Somalilanders ah.” Ugu dambayntii waxa madasha lagu kala saxeexday heshiiska lagu hirgelinayo Aagga Cashuuraha ka caagan ee Berbera, waxana kala saxeexday Maareeye-ku-xigeenka shirkadda DP World, ahna u qaybsamaha shirkadda ee Bariga dhexe iyo Afrika, Mudane Suhail Al-banna oo shirkadda DP World ee mashruucan masuulka ka ah u saxeexay iyo wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda oo xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland u saxeexay. Wa-bilaahi Tawfiiq Source
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/warka-duhur-10122019.mp3 View the full article
-
Wajeer (Caasimadda Online) – Sirdoonka Kenya ayaa shaaciyey magaca Macalin iskuul degaanka kasoo jeeda oo hoggaaminayey weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen dad saarnaa bas marayey Wajeer, oo lagu dilay 13 qof oo u badnaa saraakiil ka tirsan ciidamada Kenya. Sida laga soo xigtay warbaahinta Kenya, ninkan ayaa lagu magacaabaa Maxamed Xuseen Xasan, wuxuuna macali ka ahaa Dugsi Hoose oo ku yaalla degmada Wajeer, wuxuuna muddo ka hore gudaha Kenya geeyay maleeshiyooyin ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo la qabtay dad ay ka mid tahay xaaskiisa oo su’aalo la weydiiyey. Weerarkii Wajeer oo ay sheegtay Al-Shabaab, kana mid ahaa kuwa ugu khasaraha badan ayaa dadka lagu dilay waxaa ka mid ahaa 8 sarkaal oo ka tirsan ciidamada Booliska Kenya. Weerarka ayaa waxaa lagu qaaday Bas ku socday Mandheera, waxaana jidka u galay maleeshiyo ka badan 15 Nin oo uu hoggaaminayay Maxamed Xuseen Xasan, kuwaasoo dadkii Baska saarnaa u kala saaray muslimiin iyo Kirishtaan, kadibna laayey dadkii aan muslimka ahayn. Ururka Al-Shabaab ayaa saameyn xoog leh ku yeeshay gudaha dalka Kenya, waxayna dhawr jeer ka fuliyeen gudaha Kenya weeraro khasaaro badan geystay. Kenya ayaa waxaa Soomaaliya ka joogo ciidamo badan oo ka tirsan howlgalka AMISOM, waxayna Al-Shabaab sheegtay inay joojin doonto weerarada ay ka fuliso Soomaaliya marka ay Kenya ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Biixi, ayaa ugu baaqay labada hoggaamiye mucaaarad ee Somaliland in ay isugu yimaadaan shir degdeg ah si loo dhammeeyo khilaafka doorashada. Biixi, ayaa sheegay in doorashadu dib u dhacdaa ay tahay nacasnimo weyn oo dul hogganaysa saddexda xisbi, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Wasiirka Gaadiidka, cirka iyo dhulka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar ayaa maamul xummidiisa darteed waxaa halis ugu jira in dhammaan diyaaradaha ka shaqeeya Soomaaliya la geliyo liis caalami ah oo looga mamnuucayo duulimaadyada. Dokomentiyo dhowr ah oo ay aragtay Goobjoog News kuwaas oo dhexmaray wasiir Salaad Oomaar, Hey’adda duulista rayidka iyo shirkadda Favori LLC waxaa la isku heystaa cidda xaqa u leh iney qaaddo lacagta degista diyaaradaha, habeen baryid iyo guud ahaan isticmaalka hawada Soomaaliya. Jaha-wareerka ayaa ah in diyaaradaha kala garan la’yihiin cidda lacagtaas la siinayo? Ma dowladda federaalka ah iyo hey’adda duulista? Ma shirkadda Turkiga ah ee Favori LLC Mise hey’adda caalamiga ah ee global airlines’ association, IATA. Qoraal ka soo baxay guddiga adeegga difaaca diyaaradaha Soomaaliya, oo loo qeybiyey golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah oo isna la soo gaarsiiyey Goobjoog News ayaa lagu sheegay cabasho ay shirkadaha diyaaradaha Soomaaliya ka qabaan khatar ka jirta dhanka ICAO-IATA (ICH ) oo lagayaabo in ay galiso diyaaradaha Soomaaliya liis looga mamnuucayo duulimaadyada sababo la xiriira deymo ka badan $20m, isla lacagtaas waxaa sidoo kale sheeganaya shirkadda Favori LLC. Maamul Xummida Wasaaradda Gaadiidka, Cirka iyo Dhulka: Waxaa jiray heshiis dhacay 1995-tii, oo dhigaya in IATA ay qabato lacagta diyaaradaha isticmaala hawada Soomaaliya iyada oo lacagta ay Soomaaliya u heyneyso hey’adda “International Civil Aviation Authority (ICAO) ” taasi oo aan wax iska badalin ilaa June 27, 2019, kolkaas oo la laalay heshiiskaas ICAO iyo IATA, dowladdana ay sheegtay in lacagta degista diyaaradaha, habeen baryid iyo guud ahaan isticmaalka hawada Soomaaliya ay qaadi-doonto hey’adda duulista laguna shubayo account No. 1040 ee bangiga dhexe. Dhinaca kale, qoraalka ay Goobjoog News aragtay ee shirkadda Favori LLC oo loo diray wasiir Oomaar waxaa ku qoran in shirkaddan Turkiga ah ay lacagtaasi qaadi jirtay, oo shirkadahana ay bixin jireen tan markii ay la wareegtay maamulka garoonka 2013, Favori waxaa ay wasiirka weydiisay sababta IATA ay lacag ku dooneyso. Taasi oo ka dhigeysa in shirkadaha diyaaradaha lagu sheeganayo labo qaan oo kala ah: Midda ICAO iyo IATA oo aan la joojin dowladda federaalka ah markii Favori LLC lala heshiiyey 2013-kii iyo isla Favori LLC oo qaadeysay lacagtaas 7-badii sano oo ay maamuleysay garoonka. Caddeymaha aan heyno waxaa ka mid ah in hey’adda duulista Soomaaliya ay shirkadaha diyaaradaha ku amartay in laga bilaabo November 15, 2017 (ref:SCAMA/127/17) lacagaha la siiyo shirkadda IATA. Haddaba, xiriirka wasaaradda, hey’adda duulista iyo Favori LLC dhexmaray waxaa ka muuqdo lacago malaayiin oo maamul xummi ay heyso, diyaaraddii waxaa laga qaadaa halkii duulimaad $275, sida ay shirakadaha diyaaradaha sheegayaan waxaa garoonka Aden Cadde sanadkii yimaada ilaa 30,000. Maamul xummida aan ku heyno Wasiirka Gaadiidka, cirka iyo dhulka ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar, kana dhex aragnay waraaqaha kala duwan ee la isu diray waa in inuu jiro labo heshiis oo isbarbar socday muddo dheer. Heshiiska IATA oo ah 1995-June 2019 iyo shirkadda Turkiga ah ee Favori LLC oo iyadana maamulka iyo lacagaha heysay tan 2013-kii, taasi oo keentay in shirkadaha laga qaado labo lacag, qaanna ku lahaadaan labo hey’adood oo kala duwan. Arrimaha ay Goobjoog News ogaatay waxaa ka mid ah in wasiirka Gaadiidka, cirka iyo dhulka uu labo xildhibaan ka kireeyey bartii ay dadka safarka ah gaadiidka ka raacilahaayeen ama ay uga degi lahaayeen markay dhoofayaan isaga oo ka dhogay Parkin baabuur oo gaar loo leeyahay. W/D: Cabdi Caziz Gurbiye, Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madax ugu sarraysa xisbiyadda mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID ayaa maanta kulan xasaasi ku yeeshay Hargeysa. Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ku gacan-saydhay kulan degdeg ah uu maanta ku baaqay Madaxweynuhu inay isku yimaadaan xisbiyadda mucaaridku iyo Madaxweynuhu, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Hargeysa)-Roobab xooggan oo maamlihii lasoo dhaafay ka da’ayay bariga gobolka Sanaag ayaa go’doomiyay degmada Laasqoray, kadib markii daadad ay xidheen wadooyinka gala magaaladaasi. Khasaaraha ka dhashay roobabka ayaa waxaa kamid ah dhaawacyo soo gaadhay qaar kamid ah dadka deggan magaalada, guryo dumay, dhowr doonyood oo uu roobku la tagay iyo maciishadii oo kodhay, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaanka Madasha xisbiyada qaran ayaa maanta war ka soo saaray dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday gobolka Mudug. Warsaxaafadeed ka soo baxay xisbiyada qaran, islamarkaana uu ka saxiixnaa guddoomiyaha madashaasi, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ahna Madaxweynihii hore dowladdii KMG aheyd ee dalka ayaa baaq nabadeed loogu diray beelaha diriraya. Madasha ayaa sidoo kale ugu baaqday labada dhinac inay si degdeg ah dagaalka ku joojiyaan, islamarkaana wax weliba ay ku dhameeyaan wadahadal. Sidoo kale waxay ku baaqday cidkasta oo ka qeyb qaadan karta daminta colaadaasi inay u istaagto, si looga hortagto dhiig markale ku daata halkaasi. Xiisada u dhexeyasa labadaan maleeshiyo beeleed oo ka soo kala jeeda maamullada dariska ee Puntland iyo Galmudug ayaa labadii maalin ee la soo dhaafay ka taagneyd deegaanada Towfiiq iyo Afbarwaaqo oo dhaca bariga gobolka Mudug. Xaaladda ayaa maanta degan, waxaana socda dagaallo nabadeed oo looga hortagayo sii socoshada dagaalladaasi oo ay ku dhinteen dad badan, kuna dhaawacmeen kuwa kale.
-
(SLT-Hargeysa)-Ka dib markii uu wasiirkii hore ee madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi ku dhawaaqay inuu loolan u geli doono sidii loogu dooran lahaa guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ayaa waxa saaxadda siyaasadda hadheeyay dareenada ka dhashay banaanka uu siyaasigani u soo baxay. Siyaasigan oo ka mid ah aasaasayaashii xisbiga KULMIYE, balse hadda aan ka tirsanayn guddiga fulinta iyo hoggaanka xisbiga toona, ayaa waxa damaciisa ka jawaabay guddoomiye-xigeenka xisbiga Axmed Cabdi-dheere oo Maxamuud Xaashi ku gacan saydhay damaciisa, hoosna u dhigay rajadii uu qabay ee ahayd inuu la wareego odaytinimada xisbigaas. Dadka siyaasadda indho-indheeya ayaa aaminsan in sababta Maxamuud Xaashi wakhtigan ku dhalisay inuu hankiisa cadeeyaa tahay diyaar garow uu muddo waday oo uu aakhirkii u arkay inay muhiim tahay inuu banaanka u soo baxo, cadeeyana damaciisa siyaasiga ah. Waxa iyana suurtogal ah in Maxamuud oo arkaya jidka qodxaha badan ee ka horeeya, uu doonayo inuu farriin u diro taageerayaashiisa si aan ugu yaraan mustaqbalka loogu canaanan inaanu hankiisa siyaasadeed soo bandhigin. Maxamuud Xaashi ayaa lagu tilmaamaa siyaasi fahan wanaagsan ka haysta siyaasadda dhaqanka ah ee gudaha Somaliland. Madaxweyne Biixi ayaa u muuqda inaanu ka warqabin dhawaaqa Maxamuud Xaashi, marka laga reebo hadal haynta taageerayaasha Xaashi ay ka wadeen baraha bulshada. Inkastoo ay jawaabta Axmed Cabdi-dheere u muuqato mid uu la qabo ama ugu yaraan aanu diidanayn Madaxweyne Biixi, haddaan waxa iyana la sugayaa mawqifka rasmiga ah ee Madaxweyne Biixi oo ay dad badani aaminsanyihiin inay u dhowdahay dareenka Axmed Cabdi-dheere. Haddii uu Xaashi ugu yaraan wargelin lahaa Madaxweyne Biixi, waxa uu ka badbaadi lahaa warmo badan oo hadda ku socda. Mustaqbalka siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi ee xisbiga KULMIYE, ayaa inkastoo ay siyaasadda wax iska bedeli karaan, haddana waxa muuqata inuu u bilaabmay wakhti siyaasadeed oo adag oo leh culayskiisa. Haddii uu Maxamuud Xaashi ku sii adkaysto damaciisa, siina waddo ololaha ay taageerayaashiisu baraha bulshada ka wadaan, waxa suurtogal ah inay kala durkaan Madaxweyne Biixi. Maxamuud Xaashi, uma wanaagsana inay siyaasad ahaan kala durkaan Madaxweyne Biixi oo haya awoodo badan oo siyaasiya oo haddii ay isku dhacaan sababi karta in si fudud saaxadda KULMIYE looga saaro. Dad badan ayaa iyaguna aaminsan inuu ugu dambayn guddoomiyaha golaha guurtidu dhexgeli doono Madaxweyne Biixi iyo Maxamuud Xaashi, iyadoo uu guddoomiye Saleban hore u dhexdhexaadiyay aragtiyihii Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweyne Biixi oo wakhtigaas ku kala fogaaday murashaxnimada xisbiga KULMIYE. Si kastaba ha ahaate xisbiga KULMIYE ayaa caan ku ah loolanka dhex mara siyaasiyiinta ku abtirsada, kuwaas oo uu dhex maro mid ka mid ah loolanada siyaasadeed ee dalka ugu adag, waxaana muddo aan dheerayn la heli doonaa natiijada baaqa uu diray Maxamuud Xaashi. Source
-
Somali government forces have carried out a massive operation in the southern town of Wanlweyn located in the long-chaotic Lower Shabelle region, bordering Mogadishu. The sweep came after unknown gunmen launched an attack in the district and subsequently killed an inhabitant over undisclosed circumstances. Local security officials say an investigation is underway into the overnight incident and will bring the perpetrators to justice. The town has been under the Somali government control for nearly 10 years and faced frequent attacks from Al-Shabaab, the Al-Qaeda-linked militants fighting in the country. View the full article
-
Meeshu waa London, sannadkuna 2009, madashuna waa Machadka Chathim-House afaafkiisa hore, waana goor duhur ah oo laga soo baxay dood kulul oo ku saabsan Geeska Africa iyo Dimoqoraadiyada. ‘Aadan, ma ogtahay sababta Somaliland loo aqoonsan la’yahy’ ila iyo manta, ayada oo buuxisay shuruudii aqoonsiga oo dhan’. Sidaas waxa igu yidhi khabiir magac dheer leh oo Ingiriis ah, oo aanan magaciisa shaacinayn. Waxaan ku idhi ‘bal adigu ii sheeg sababta idinku Ingiriis ahaan aad noo agoonsan la’dihiin?. Waxu iigu jawaabay, ‘Maaha annaga oo keliya ee waa Adduunka oo dhan, aqoonsi si aad ku heshaan way adgtahay, wayna fududahay. ‘Marka Somaliland caddayso in ay ka hadhay sheegashadii dhuleed ee dalaka deriska ah (Kenya, Ethiopia iyo Djibouti) iyo mabd’a loo yaqaan ‘Somali-weyn’, ama marka dalaka dimoqoraadiyada taageeraa ku qanacaan in dimoqoraadiyada Somalialnd tahay mid aan xagal-daac looga cabsanayn, marakaas waanu ku khasbanahay aqoonsiga Somaliland’. Haddaba, maxaa ka jira doodan odhanaysa in aqoonsiga Somaliland u xayiranyahay labada arrimood ee kor ku xussan ee kala ah, in ugu horrayn Somaliland qoraal ku caddayso in ay ka hadhay sheegashadii dhuleed ee Ethiopia, Kenya iyo Djibouti, ama si guud ba ka mabda’ii Somali-weyn, iyo tan labaad oo ah in aan weli kalsooni buuxda lagu qabin dimoqoraadiyada Somaliland, calaamadaha xagal-daaca ee soo if-baxaya dartood, kuwaas oo muujinaya dibugurasho sannadba sannadka ka dambeeya isa soo taraya. Bal haddaba labadan amuurood aan midba markeeda isdul taagno: AMUURTA KOBAAD, oo ah mid aqoon ahaan fahamkeedu aad iyo aad ugu culus yahay, maahaa dadweynaha Somalilyeed ee caadiga ah oo keliya ee xataa syaasiyiinta naftooda, inta anigu aan arrintan kala sheekaystay oo aan haba yaraatee wax dareenba u lahayn. Culayska arrinkani waxuu ku jiraa su’aasha ah siyaasadda ku salaysan mabda’a Somali-weyn muxuu Somalida, guud ahaanba, dhib iyo dheef u keenay, waana arrin u baahan fiiro gaara oo ku salaysan baahida maanta taagan iyo jihada mustaqbalka loo socdo. Arrinkani waa mid aan Somalida keligeed kussaynin ee ay dhib iyo dheefba la wadaagaan dalalka deriska iyo adduunweynahu guud ahaanba, sidaas darteedna si weyn loo danaynayo loona sugayo waxa Somalida cusubi ka yeeli doonto ka dib taliskii magaca Somal-iweyn ku galay denbiyada Xasuuqa aadamaha, burburintii iyo caddaalad darradii sababtay fashalka dawladnimo ee taliskii Siyaad Barre hoggaaminayey. Taasoo Somalia iyo Somaliland ba looga fadhiyo in ay mawqif cad ka qaataan, si ay weji cusub oo aan kii dagaalka ahayn ee nabad, dimoqoraadiyd iyo deriswanaag doona si ay adduunka ula macaamilaan karaa. Halkan waxaa xusid mudan saddex arrimood oo aan diblomaasyiin shisheeye ah ka soo xigtay: Waa tan koobaade, markii dastooraka Somalia magaalad Nairobi lagu samaynayey waxaa si hoose loogu sheegay qaar ka mid ah siyaasiyiintii Somaliyeed ee halkaas goob-jooga ka ahayd in ay calanka shanta gees leh iyo astaamihii dawladihii hore ee muujinauey Somaliweynimada ay ka tirtiraan dastoorkan cusub. Waa arrinka labaade, markii ciidamada Ethiopia tageen Muqdisho dagaalkana la galeen ururkii Maxaakimta ayaa Axmed Silaano oo markaas mucaarad ahaa waxuu ciidamada Ethiopia ku eedeeyey in ay xasuuq u geesteen oo dad Somaliyeed, arrinkaas oo loo fasirtay in mabd’ii Somaliweyn weli hoosta ka noolyahay. Waa arrinka saddexaade, diblomaasiyi shisheeye ah ayaa dibloomaasi Somaliland ah weydiiyey sua’aal ah ‘haddaad Somaliland tihiin dhulkii Somalidu sheeganaysey ee Ethiopia iyo Kenya maxaad ka qabtaan’, Jawaabtiisiina noqotay sidin, Diyaar baanu u nahay in aanu ka wadahadalo. Saddexdan arrimoodba isugeyntoodu waxay muujinayaan, ayaa ay igula kaftameen, in haddii aad Somalida tihiin aydaan aqoonsanayn xuduudihii gumesiga reer Europe Africa u dhigay oo ay hadda nabadda iyo degenaansha Africa ku dhisantahay. Mid ka mid ah dibloomasiyiinti aanu sheekaysanayney oo ka mid ah oo dawladaha deriska ah ayaa si adag iigu dhigay oo yidhi ma yeelayno in Somaliland la aqoonsado ila ay ka caddaynayso in aanay dhulkayaga qayb ka mid ah dib u sheeganayn. ARRINTA LABAAD, oo ah in adduunweynuhu aanu kalsooni buuxda ku qabin in geeddi-socodka dimoqoraadiyada Somaliland yahay mid aan xal-daac ku imaan Karin. La soco toddabaadka dame: adamjibril@hotmail.com Source
-
Popular Contributors
