Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,051
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wararkii ugu dambeeyay ee Puntland Post ka helayso qaraxii xalay ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegaya in khasaaaraha ka dhashay uu gaarayo 5 ruux oo dhimasho ah iyo dhaawaca 50 qof oo kale. Mas’uuliyiinta Caafimaadka Galmudug, ayaa xaqiijiyay in dhimashadu ay tahay hal askari iyo 4 qof oo shacab ah, halka dhaawacuna gaarayo in ka badan 50 ruux oo la kala geeyay isbtitaallada koonfurta iyo waqooyiga Gaalkacyo. Qaraxa oo ahaa ismiidaamin loo adeegsaday gaari saaruf ah ah, ayaa lala beegsaday kolonyo uu la socday Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen Cabdixamiid Maxamed Dirir wax yar uun kadib markii ay ka baxeen hoteelka Five Star ee koonfurta Gaalkacyo. Qaraxa ismiidaaminta ah oo la doonayay in lagu dhufto gaariga Taliyaha, ayaa ku qarxay gaarigii ka horreeyay kan Taliyaha, waana ka badbaaday Taliyaha oo la rabay in lagu khaarajiyo, inkastoo waxyeello ka soo gaartay ciidankiisa. Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi ismiidaaminta ah ee lagu weeraray Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo ciidankiisa. PUNTLAND POST The post Khasaaraha Qaraxii Gaalkacyo oo kordhay appeared first on Puntland Post.
  2. Baydhaba (Caasimada Online) – Askari ka tirsan Ilaalada madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa xalay gudaha xurunta madaxtooyada maamulkaas ku dhex toogtay gabar askari aheyd oo lagu magacaabo Layla Abukar, sidoo kalena ka mid ahayd ciidamada Ilaalada madaxtooyada. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in uu marun dhex maray xaaska askariga dil ka gaystay iyo marxuumad Layla, kadibna uu ku soo baxay askariga wax dilay, kaas oo sida la xaqiijyay wadnaha xabadda uga dhaftay gabadha geeriyootay. Illaa iyo hadda lama yaqaan waxa uu ahaa muranka dhex maray marxuumad Layla iyo xaaska askariga dilka ka geystay. Wararka ayaa intaas ku daraya in askariga wax dilay uu goobta ka baxsaday, lamana yaqaan illaa iyo hadda halka uu ku sugan yahay, ayada oo ay taas ka dhalatay su’aalo ku saabsan sida uu ku baxsan karo qof madaxtooyada dhexdeeda wax ku dilay. Ma jiro Illaa hadda wax war ah oo kasoo baxay maamulka Koofur Galbeed oo ku aadan dhacdadan.
  3. Former Sen. Jeff Flake, R-Ariz., is warning his former colleagues in the Senate that they, along with President Trump, will be on trial when the articles of impeachment eventually move from the House to the upper chamber. Source: Hiiraan Online
  4. Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay ka qayb galay munaasabad lagu xusayo sanad guuradii 76-aad ee ah aa’saaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Kulanka oo lagu qabtay xarunta Taliska Guud ee Ciidamada Booliska Puntland, waxaa sidoo kale ka qayb galay Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Dowladda Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire, xubno ka mid ah labada Gole ee Dowladda, Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Dowladda Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere, Taliyaha Ciidamada Booliska Dowladda Puntland Gen. Muxiyadiin Axmed Aw-muuse, Taliyaha Ciidamada Asluubta Dowladda Puntland Gen. Cali Nuur Cumar, Kooxaha Bambayda, Fanaaniin iyo dadweyne kale. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markii uu halkaasi gaaray salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Booliska Puntland, ka dibna waxaa si rasmi ah u bilowmatay qeybta kale ee munaasabada. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ugu horeyn Hambalyo u diray Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidamada Booliska Puntland, iyaga iyo Xaasaskooda, Caruurtooda iyo dhammaan Eheladooda wuxuu ugu hambalyeeyay munaasabada sanad guurada 76-aad ee aasaaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Wuxuu Madaxweynuhu kasoo sheekeeyay burburkii ka dib, sida lagu a’saasay Ciidamada Booliska Puntland iyo marxaladihii ay soo mareen, isagoo xusay in Dowladda Puntland ay hadda waddo oo uu socdo qorshaha tayeynta Ciidamada Dowladda Puntland, oo Booliskuna uu qeyb ka mid ah yahay. PUNTLAND POST The post Deni oo Garoowe kaga qeyb-galay Xuska 76-guuradii As’aaska Booliiska Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.
  5. Indian students of the Jamia Millia Islamia University and locals participate in a protest demonstration against a new citizenship law in New Delhi, India, Saturday, Dec. 21, 2019. Critics have slammed the law as a violation of India's secular constitution and have called it the latest effort by the Narendra Modi government to marginalize the country's 200 million Muslims. Modi has defended the law as a humanitarian gesture. Placard center reads "Stop attacking universities." (AP Photo/Altaf Qadri) Source: Hiiraan Online
  6. Following the House of Representatives' vote to impeach President Donald Trump for abuse of power and obstruction of Congress, a new poll from Politico and Morning Consult shows a majority of respondents supporting the articles of impeachment, Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ahna Xildhibaan Golaha Shacabka ka tirsan Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in aanay dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah. Beesha Caalamka ayaa waxay Khamiistii soo saartay qodobo dhawr ah oo uu ku jiro qodob oranaya waa inay Somaliya ka dhacdaa 2020/2021 doorasho qof iyo cod ah. Beesha Caalamka ayaa qabta in doorasho qof iyo cod ah ay Somaliya ka qabsoomi karto sanadka soo socda, maadaama ay horey uga dhacday, sida ay ku andacoonayan dalalka Ciraaq iyo Afghanistan. Xildhibaan Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa war waxba kama jiraan ah ku sheegay in doorasho qof iyo cod ah ay horey uga qabsoomeen Ciraaq iyo Afghanistan. “Doorasho qof iyo cod ah ma dhici karto, yaan laguugu sheekeynin waxaan. Afghanistan ayay ka dhacday, Ciraaq ayaan ku sameynay, kulligood waa kalaam faaruq ah.” Ayuu yiri Proj. Jawaari. Jawaari ayaa qaba inaad Somaliya madax ka noqoto ay ka fududahay America oo aad madax ka noqotit, waxaana hadalkiisa loo fasirtay in Mareykanka uu ka amni wanaagsan yahay Somaliya. “Somaliya in madax aad ka noqoto iyo America in aad madax ka noqoto, America ayaa fudud in aad madax ka noqoto.” Ayuu yiri Gudoomiyihii hore Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya. Xildhibaan Jawaari ayaa wuxuu warkan ku sheegay wareysi uu maaanta siiyay Telefishinka Dalsan ee fadhigiisu yahay Magaalada Muqdisho. Hoos ka daawo muuqaalka Jawaari
  8. Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed on Saturday condemned religious violence following attacks on multiple mosques in the Amhara region, the latest unrest targeting religious institutions. Source: Hiiraan Online
  9. Doodda xoogeeda ayaa bilaabatay kadib markii magaaladda Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu xusayay muddo sanad ah oo kas oo wareegtay markii la doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen. Madaxweyne Lafta gareen ayaa sheegay in lagu cel-celiyo dad lagu dilay magaalada Baydhabo xilligii doorashadiisa balse aan la soo hadal qaadin 11 qof ee reer koonfur Galbeed ah oo mar qura lagu laayay magaaladda Gaalkacyo. “Maalin maalmaha ka mid ah ayaa 11 qof oo reer koonfur Galbeed hal subax meel lagu laayay. Xasuuq kaas ka weyn miyaa jira? Weligiin wax sheegaya ma maqasheen? . Dadka sheegaya oo Baydhabo ayaa xasuuq ka dhacay leh waa dadkii meeshaas (Gaalkacyo) ka yimid, anagii nala xasuqay ayaa xishooneeyna” ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen. Madaxweynaha koonfur-Galbeed ayaa hadalkaan sheegay isaga oo u qudbeynaya marti sharaftii ka qayb gashay sanadguuradii 1aad ee madaxtinimadiisa. Ka sokow martida kale, goobta waxaa fadhiyay Taliyaha Ciidanka Asluubta General Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo si gaar ah loogu eedeeyay in uu ka dambeeyay dad ku dhintay Baydhabo kadib markii ay dhaceen dibadbaxyo lagu diidanaa xarigga Mukhtaar Rooboow. General Mahad waxaa uu sanad ka hor ahaa Taliyihii Booliiska Koonfur-Galbeed. Hadalka uu magaaladda Baydhabo ka jeediyay Madaxweynaha Koonfur-Galbeed waxaa ka jawaabay Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya wuxuuna sheegay in dadkii 11 qof ku dilay magaaladda Gaalkacyo aysan ahayn cid gaar ah, balse haddii lala xiriiriyo cid gaar ah ay shabaabka dadka ku laaya Muqdishana noqonayaan cid gaar ah. Mahad Salaad ayaa qormadiisa waxaa uu cinwaan uga dhigay “**********ka iyo Alshabaabka dhiigya cabka ah isku qaanad ayay ku jiraan ee yaan la qabiilayn ama qolo waliba midka ku abtirsada xumaantiisa ha qaado”! “Waxaan kuu sheegayaa Madaxweynow, hadii **********ka Gaalkacyo dadka ku laayay qabiil ahaan aad noo xijinayso adigana midka Alshabaabka ah ee maalin walba dadkeena ku xasuuqaya magaalada Muqdisho isku qabiil ayaad tihiin ee mas’uuliyadiisa adiguna qaado” ayuu qoraalkiisa ku daray Xildhibaan mahad Salaad. Qoraalka Xildhibaanka waxaa ka falceliyay Xildhibaano ka soo jeeda Koonfur-Galbeed waxayna ku eedeeyeen in Mahad uu Al-shabaabnimo ku xukumay bulshada reer koonfur Galbeed iyo in uu dadka farayo in dadkaas laga aar-guto hadii ay Al-shabaab waxyeelo geystaan. Xildhibaan Cabdifitax Ibraahin Geeseey oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku hanjabay in haddii uusan raali gelin bixin Mahad Salaad uu Mowshin ka geyn doono golaha isla markaana la hor geyn doono guddiga anshaxa golaha. “Xildhibaanka haduu raali gelin deg deg ah ka bixin waayo isla hada waxaa subaxa Berito ah fadhiga baarlaman ka ka gudbin doonaa moshin ka dhan ah kadibna guddiga anshaxa ayaa la marinayaa si waafaqsan sharciga iyo xeer hoosadka golaha shacabka si looga qaado talaabo waafaqsan dembiga uu galay” ayuu Xildhibaan Geeseey ku soo qoray bartiisa Facebook. Mahad Salaad oo durba hadalka Geeseey ka jawaabaya ayaa sheegay in sharcigu uu dadka u simanyahay isla markaana uusan cid gaar ah gacmaha ugu jirin. Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka tirsan golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda Koonfur-galbeed ayaa dhankiisa arrinta ka hadlay, waxaa uu sheegay in laga dawoobay dadkii lagu laayay Gaalkacyo. Dhanka kale Senator-ka ayaa Xildhibaan Mahad Salaad ku eedeeyay in uu taageersanyahay ficilkii dadka rayidka ah loogu xasuuqay Gaalkacyo, waxaana uu weydiiyay su’aal ah “soo ma aadan fasixin in qofkii Shabaab Muqdisho ku disho loo laayo dadka ka soojeeda Koonfur Galbeed”? “Hadaba Xildhibaan waxaad ogaataa in qofkii Muqdisho wax ku gaareen oo ka soo jeeda KG aad mas’uul ka tahay, qoraalka aad bartaada Facebook soo dhigteyna cadeyn buuxda u yahay” ayuu qoraalkiisa ku daray Senator Xuseen Sheekh Maxamuud. Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo isna ataagayey Madaxweyne Lafta-Gareen ayaa weydiiyey su’aalo dhowr ah oo ku saabsanaa khudbadii uu habeen ka hor ka jeediyey Baydhabo, balse waxaan su’aalahaas ka soo qaadaneynaa Seddaxdan. “Marka koowaad ma jirin qof waxgarta oo reer Galmudug ah oo aan dhacdadaas foosha xumeyd ka hadlin ka hadal kaliya kuma ekayne waxaan tagney goobtii wax ka dhaceen waxaana labo todobaad ka dib arintaas looga heshiiyey si mugleh, Qodobka labaad, dadka la diley 11 ma dhammeyn mana wada ahayn reer koofur Galbeed, taasna waa qalad kale oo hadalka laftagareen uu xambaarsanaa! Midda saddexaad, waxaa la is-weydiin karaa sababta madaxweyne Laftagareen isugu xirey siyaasiinta reer Galmudug ee ka hadasha dalka waxa ka dhaca, tan aan is leeyahay waa ka gudbteyna ay tahay ka hadalka wixii ka dhacey Baydhabo sanadkii hore dabayaaqadiisii” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi. Qoraaladda Xildhibaanadda iyo hadalka Madaxweyne Cabdicasiis ayaa u muuqda in ay abuureen qabyaalad siyaasi ah taasi oo bulshada xasuusineeysa dhaawacyadii qalbiga ku yaalay ee ay masuulka ka yihiin Al-shabaab iyo raggii shacabka aan waxaba galabsan ku laayay magaaladda Gaalkacyo. Doodaan ayaa waxay si gaar ah u taabaneeysaa dhibaneyaasha iyo ehelkooda ay kala dhantaaleen rasaas ay rideen ciidanka Booliiska ee magaaladda Baydhabo, weerarada Al-Shabaab iyo dil-wadareedkii ka kala dhacay habeeno gudahood magaalooyinka Gaalkacyo iyo duleedka Dhuusamareeb. Marka loo eego sida ay dad badan uga falceliyeen waxaa hubaal ah in qoraaladda isdiidan ee xildhibaanaddu ay abuuren kala qaybsanaan hor leh isla markaana ay sii kala fogeynayaan bulshada Soomaaliyeed ee ka soo daashay dilka, dagaalka iyo dhiig daadinta oo ay ku soo jireen sanado badan. Balse waxaa isweydiin leh, saameyn intee la eg ayey bulshada u geysaneysaa kala qaybsanaanta qabyaaladeysan ee ka dhex aloosan xildhibaanadii ay wakiisheen?
  10. A car bomb went off on Saturday outside a hotel in the Somali town of Galkayo in the Mudug region, killing at least seven civilians, a local military officer said, and wounding dozens. Source: Hiiraan Online
  11. Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa cambaareeyey rabshadaha diineed ee dalkaas kadib markii weeraro lagu qaaday dhowr masaajid oo ku yaalla gobolka Amxaarada. Warbaahinta dowladda ku xiran ee Fana ayaa sabtidii werisay in dhowr masjid la weeraray, sidoo kalena hanti lagu burburiyey magaalada Mota, oo 350km waqooyi kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa. “Isku dayada ay xagjiriinta ku donayaan inay ku buburiyaan taariikhdeenna hodonka ee isku dul-qaadka diimeed iyo wadajir, wax kaalin ah kuma lahan Itoobiyada cusub,” ayuu Abiy Ahmed ku yiri bayaan lagu soo qoray barihiisa facebook iyo twitter. “Waan caamberynayaa ficillada fuleynimada ah, waxaana ugu baaqay dhammaan dadka Itoobiya ee nabadda jecel inay adeegsadaan garashadeenna qotada dheer ee wada jirka iyo is-xushmeynta.” Fana waxay sidoo kale sheegtay in hal kaniisad la weeraray. Ma cadda xilliga ay dhaceen rabashadahan, waxa sababay, cidda ka dambeysay, iyo haddii ay jiraan dad ku dhaawacmay ama ku dhintay. Saraakiisha gobolka Amxaarada Itoobiya weli kama aysan hadlin dhacdooyinkan. Inkasta oo rabshadaha qowmiyadaha ku saleysan ay jireen tan iyo markii uu xukunka yimid Abiy Ahmed, ayaa kuwii u dambeeyey waxay u muuqdeen kuwa ku saleysan diin. Rabashado bishii October ka dhacay gobolka Oromia ayaa lagu dilay 80 qof, waxaana la weeraray masaajido iyo kaniisado halkaas ku yaalla. Masulimiinta Itoobiya ayaa ah 40% guud ahaan shacabka, sida lagu sheegay tirakoobkii dowladda ee 2007.
  12. Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa si adag ugu digay Wafdigii Beesha Caalamka ee dhowaan yimid magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland. Guddoomiye Saleebaan ayaa Wafdigaasi Beesha Caalamka uga digay inay sameeyaan fara-gelin ka dhan ah Guddiga doorashooyinka Somaliland, oo muran badan ka taagan yahay, isla markaana ay Xisbiyada mucaaridku hore uga hor-yimaadeen. Saleebaan ayaa si cad Beesha Caalamka ugu sheegay in uusan jirin sharci fasaxaya in la kala diro Guddiga cusub doorashooyinka, midaasi oo ay hore u soo jeediyeen Guddigii dhex-dhexaadineysay Mucaaridka iyo Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi. Guddoomiyaha Golaha Guurtida ayaa Wafdigaasi Beesha Caalamka ku eedeyay inay isku dayayaan in ay wiiqaan Hay’adaha Dastuuriga ah ee Somaliland, xili ay Beesha caalamku ay wado dadaalo lagu soo afjarayo khilaafka labada dhinac, si ay u qabsoomaan doorashooyinka muddo dhaafay. Guddoomiye Saleebaan oo u muuqda mid uga jawaabaya fariimihii adkaa ee Beesha caalamka ay ku dalbaneysay in xal laga gaaro khilaafaadka soo noq-noqday ee Doorashooyinka Somaliland iyo dib u dhacyada caadad u noqday, ayaa waxa uu yiri “Somaliland wey isku filan tahay weyna iska bixin kartaa kharashka doorashooyinka ee ay ka bixiso Beesha caalamku”. Dalalka Beesha Caalamka ee Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka ayaa muddooyinkii u dambeeyay soo saarayey baaqyo kala duwan iyo fariimo ay ku dalbanayeen in la xaliyo khilaafka Mucaaridka iyo Muuse Biixi, iyagoon ka deyriyay doorashooyinka Somaliland ee muddo dhaafay.
  13. Waxaa nasiib daro iyo gaf weeyn ah hadalka kasoo yeeray Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ee uu ku dafirayo xasuuqii Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo adeeg saneeysa ciidamo Itoobiyaan ah ka geeysatay magaalada Baydhabo, halkaa oo lagu xasuuqay Shacab Soomaaliyeed oo si nabad ah u dhigayay banaanbax ay uga soo horjeedeen afduub loo geeystay muwaadin Soomaaliyeed iyo Doorashadii Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya. Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo sabab u ahaa mashaqada halkaa ka dhacday oo si isaga loogu afduubo Doorashada loo soo xiray Musharixii la tartamayay, fal-celiskii arintaa ka dhashay na ay keentay in shacab aan waxba galabsan maalin cad la laayo. Madaxweyne sidaa kursiga ku helay in maanta halkii uu ka shaqeen lahaa dib u heshiisiin iyo in mag dhaw la siiyo Ehelada dadkii halkaa ku dhintay sidoo kalana uu xoriyadooda u soo celiyo dadkii loo xir xiray arintaa awgeed uu taa badalkeed, hal sano kadib uu maanta difaacayo dhibaatadi loo geeystay dadka uu Madaxweynaha u yahay iyo cidii geysatay intaba. Waxaa ugu weyn ee uu sidaa u yeelayana ay tahay sidii uu sharciyad ugu sameeyn lahaa kursiga dhiiga leh ee uu ku fadhiyo. Dhanka kale Madaxweynaha KGS, waxa uu eed aan sal laheyn u jeediyay Qabiil iyo deegaan Soomaaliyeed oo uu ku eedayay fal-danbiyeed ay geeysteen shaqsiyaad ******** ah oo dhiigya cab ah. Madaxweynaha waxa uu aad ula socdaa sida midnimadda leheed ee dhamaan umadda Soomaaliyeed uga fal-celisay arintaa oo ay ku cambaareeysay si lamid ah cambaareeyntii loo jeediyay Xasuuqi Dowladda Federaalka oo ciidamo Itoobiyaan adeeg saneeysa ka geeysatay Baydhabo oo isaga iyo kooxdiisa maanta ay rabaan inay daboolaan ama dafiraan. Waxaa si taa lamid ah Nasiib daro ah in qaar kamid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo ka fal-celinaya warka qaabka daran ee kasoo yeeray Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Eed ay leeyihiin Al shabaab iyo Argagixiso kalaba dusha u saaray Qabiil Soomaaliyeed arintaa oo ah gaf weyn iyo af lagaado. Qabiil walba waxa uu leeyahay dad nabada jecel, leh dhaqan wanaagsan iyo ilbaxnimo, aqoonyahan, culumo iyo wax-garad. Sidoo kale Qabiil walba waxa uu leeyahay dad xun oo dadka kale dhibaato u geeysta. Nasiib wanaag dadkaa waxaa in badan ka badan dadka wanaaga iyo samaha jecel. Al-shabaab qabiil uma kala soocna qaar baa Waalid kood dila, Qabiil walbana way xasuuqeen, Qabiil aan Al Shabaab ku jiran Soomaaliya kama jiro, waana gaf weyn in Qabiil gaar ah loo saariyo dhibaatooyin ka Alshabaab umadda Soomaaliyeed u geeysteen. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa la gudboon in uu waqti isaga lumin dafiraada Xasuuqii Baydhabo ee taa badalkeed ka shaqeeyo dib u heshiisiin loo sameeyo dadka heer Koonfur Galbeed iyo sidii ay dib xoriyadooda ugu heli lahaayeen dadka u xiran Doorashadii isaga loo afduubay. Siyaasiyiinta Soomaaliyeed dhankoodu waxaa laga rabaa in hadal koodu miisaan lahaado, kana fiirsadaan hadalada gafka u geysan kara shacabka, sidoo kalana kicin kara Qalalaaso iyo fowdo hor leh. Shacabka Soomaaliyeed way kasoo daaleen fowdo iyo in Qabiil Qabiil la isku laayo. Umadda Soomaaliyeed waa mid, Qabiil kuna waa wax la isku garto waxaa na la rabaa in dhinaciisa wanaagsan looga faaideeysto, sida is-xiriirinta iyo is-taageerida. W/Q: Cabdullaahi Xasan Maxamed (C/llaahi Samoow) Abdullahisamoow@gmail.com
  14. It might not be fair, but none of the successes, achievements and triumphs you’ve had in public office — whatever bills you’ve passed, hearings you’ve chaired, Source: Hiiraan Online
  15. Askari katirsan Ilaalada Madaxtooyada Koofur Galbeed ayaa caawa Gudaha Xurunta Madaxtooyada maamulkaasi ku dhex toogtay Gabar Askariyad ah oo lagu magacaabo Layla Abukar Ahmed Duqow [...] Source
  16. Qarixii Caawa lala beegsadey Saraakiil ka tirsan Dowlada Federaalka ayaa waxaa ku dhintay 3 Askari iyo sadex Qof oo rayid ah ugu yaraan 12 Qof [...] Source
  17. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Bar-___-Qumanaha-Wararka-21122019-sax.mp3 View the full article
  18. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa u tacsiyeeyay dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay qaraxii caawa ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Qaraxa oo ahaa gaari waxyaaba qarxa laga soo buuxiyey oo lagu dhuftay gaari ciidan ayaa ka dhacay banaanka hore ee hotel ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo ay ku jireen taliyaha ciidanka dhulka iyo taliyaha qeybta 21aad ee ciidanka xoogga dalka. Inta la xaqiijiyey lix ruux oo iskugu jiray askar iyo dad shacab ah ayaa ku geeriyootay qaraxaas tiro intaasi ka badana dhaawacyo ayaa ka soo gaaray. Qoraal uu goor dhaw soo saaray Madaxweyne Xaaf ayuu ku yiri, “Waxaan Tacsi u diray Ciidamada Amniga iyo dadkii shacabka ahaa ee dhaawaca iyo dhimashadu kasoo gaartay Qaraxa caawa ka dhacay hotel Five Star ee Magaalada Gaalkacyo”. “Samir iyo iimaan ha inaga wada siiyo eebe ha inaga diiyo wiilasha iyo hooyinka ku naf waayay musiibada ay caawa geysteen kooxa arxan laawayaasha ah ee caado ka dhibtay in ay markasta dhibaateeyaan dadka maatada ah iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed waxa aan ugu baaqayaa in reer Gaalkacyo fadhiga ka kacaan oo ay meel uga soo wada jeestaan Cadowga lana shaqeeyaan ciidamada Amniga si looga hor tago falalka guracan ee Cadowgu Geesanayaan” Ayuu qoraalkiisa sii raaciyey Madaxweyne Xaaf.
  19. Gaalkacyo-(Caasimada Online)-Waxaa faah-faahino dheeraad ah laga heleyaa qarax caawa ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kaas oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo lagu dhuftay gaari Cabdi-bile ah oo taagnaa banaanka Hotel ay ku sugnaayeen saraakiil ciidan. Weriyaal gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa Caasimada Online u sheegay in ilaa lix ruux oo iskugu jiray askar iyo dad shacab ah oo halkaas goobo ganacsi ku lahaa ay ku dhinteen qaraxa. Sidoo kale dhaawacyada ka dhashay qaraxaas ayaa la sheegay inay gaarayaan ilaa 10 ruux oo dadkii goobta ku sugnaay ah, kuwaas oo iskugu jiray askar iyo shacab. Aaga uu qaraxu ka dhacay waxaa ka dantay korontada waxaana jira mugdi taas oo sii adkeynaysa xaaladda, caqabadna ku ah u gurmashada dadkii ku waxyeeloobay qaraxaas. Hotelka uu qaraxu banaakiisa ka dhacay ayaa waxa uu ku yaallaa gadiga koonfureed ee magaalada Gaalkacyo, waxaana ku sugnaa saraakiil ciidan oo uu hoggaaminaayey taliyaha ciidanka dhulka Soomaaliya Gen. Cabdixamiid Maxamed Dirir oo ay wehliyeen taliyaha qeybta 21aad ee ciidanka xoogga dalka Cabdicasiis Qooje iyo saraakiil kale, kuwaas oo dhawaan ka soo laabtay xalinta colaad beelo ka soo kala jeeday Galmudug iyo Puntland ku dhex martay bariga gobolka Mudug. Sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo lagu magacaabo Gashaanle Cabdifitaax Dabagaale ayaa sheegay in saraakiishii ku jirtay hotelka ay bad-qabaan, hase yeeshee ciidamo iyo dad rayid ah ay ku waxyeeloobeen qaraxaas.
  20. Lix askari oo ka tirsan ciidanka Kumaandooska DANAB ayaa ku dhaawacmay qarax ismiidaamin ah oo caawa lala beegsaday kolonyo uu la socday Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen Cabdixamiid Maxamed Dirir. Taliyaha iyo Kolonyadiisa oo ka baxay Hoteelka Five Star ee koonfurta magaalada Gaalkacyo, ayaa lagu weeraray gaari nooca Saarufta loo yaqaan oo qof ismiidaamiyay watay, xilli ay marayeen meel aan ka fogayn hoteelka, sida ay Puntland Post u xaqiijiyeen saraakii ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka. Qaraxa ismiidaaminta ah oo la doonayay in lagu dhufto gaariga Taliyaha, ayaa ku qarxay gaarigii ka horreeyay kan Taliyaha, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhaawacantay lix askari, welina wax dhimasho ah lama soo werin. Taliyaha Ciidanka Dhulka Gen Cabdixamiid Maxamed Dirir oo si kooban khadka Taleefonka kula hadlay Puntland Post, ayaa sheegay in uu ka badbaaday qaraxaasi, balse qaar kamid ah ilaaladiisa ay ku dhaawacmeen, inkastoo uusan faahfaahin ka bixin khasaaraha. Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi ismiidaaminta ah ee lagub weeraray Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo ciidankiisa. PUNTLAND POST The post Gaalkacyo: Khasaaraha ka dhashay qarax lala eegtay Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.