Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Saaka ka baxaya magaalada Muqdsiho, isaga oo kusii jeeda Magaalada Asmara ee dalka Eritariya, halkaas oo uu kaga qeybgalayo Shir madaxdeedka iskaashiga dalalka geeska Afrika. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa shalay gelinkii dambe gaaray magaalada Asmara, isaga oo ku sheegay qoraal uu ku qoray bartiisa Twitter-ka in wada hadalo ku yeelan doonaan Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eritrea. Kulankan oo ay ka qayb-gelayaan Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku saleysan dhammeystirka hannaanka iskaashiga dalalka Gobolka iyo sidii loo xaqiijin lahaa horumarka iyo xasilloonida dowladaha dan-wadaagta ah ee Geeska Afrika. View the full article
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya dil xalay Nabadoon caan ahaa loogu geystay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay xaafadda Barwaaqo oo ka tirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, iyadoona loo geystay Nabadoon lagu magacaabi jiray, Cabdirisaaq Yuusuf Siicow (Shabeel). Wararka ayaa sheegaya in kooxo ku hubeysanaa Bistoolado oo watay gaari ay toogasho ku dileen Marxuumka, xilli uu ka soo baxay Masjid ku yaalla halkaasi. Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegay in dableyda dilka fulisay ay gaari ku hor jareen gaari kale oo uu watay marxumka, kadibna ay ku fureen rasaas ka haleeshay qeybaha sare ee jirkiisa, islamarkaana uu ku geeriyooday isla goobta. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in durbaba raggii ka dambeeyey dilka Nabadoonka oo caanka ahaa magaalada Muqdisho ay goobta isaga baxsadeen. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, gaar ahaan Booliska ayaa falka kadib meesha tegay, waxaana xalay illaa saaka howlgallo ay ka wadeen xaafadaha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, balse ma jirto illaa cid ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada amnigu. Dilkaan ayaa qeyb ka noqonaya falal liddi ku ah nabad gelyada oo maalmihii la soo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacayey xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.
  3. Wararka aan ka helayno degmada Deyniile ee gobalka Banaadir, ayaa waxa ay sheegayaan in xalay degmadaasi lagu dilay mid ka mid ah nabadoonada ugu caansan degmadaasi, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka. Dilka Nabadoonka, ayaa waxaa geysatay rag hubaysan, waxaana wararka ay sheegayaan in marxuumka dilkiisa uu yimid ka dib markii uu kasoo baxay masjid uu ku dukaday salaadda cishaha. Sida Goobjoog News ay u xaqiijiyeen dadka deegaanka Marxuumka la dilay, ayaa lagu magacaabi jiray C/risaaq Yuusuf Siicoow, iyadoona si weyn looga garanayay degmada xalay lagu dilay Nabadoonkaasi. Kooxihii dilka geystay, ayaa isaga baxsaday goobta, iyadoona ciidamo ka tirsan dowladda federaalka ay halkaasi soo gaareen, waxa ayna goobta ka bilaabeen baaritaanno ku aaddan raggii falkaasi geystay, inkastoo aysan waxa natiijo ah kasoo bixin baaritaankooda. Dilalka sidan oo kale ah ayaa noqday kuwo kusoo noq-noqday magaalada Muqdisho, xilli ciidamada ammaanka ay xoojiyeen howlgalladooda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda Qandala Wararka ka imaanaya degaannada ku teedsan buuraleyda degmada Qandala ee gobolka Bari, ayaa sheegaya in halkaasi ay dhaqdhaqaaqyo cusub ka wadaan malayshiyaad ka tirsan Kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda degmadaasi Qandala. Ilo’ wareedyo kala duwan, ayaa ku warramaya in malayshiyaad ka tirsan Daacish aad u hubaysan shalay lagu arkay tuulooyin hoos yimaada degmada Qandala ee gobolka Bari, kuwaasi oo ka soo degtay dhulka buuraleyda ah. Dhaqdhaqaaqa ay Daacish bilowday ayaa ku soo beegmaya, xilli wefdi ka tirsan dowladda Puntland uu ku suganyahay degmada Qandala, islamarkaana ay halkaasi ka daah-fureen mashruuc Layrarka Cadceeda ku shaqeeya oo ay hirgelisay hay’adda TIS+/USAID. Kooxda Daacish ayaa horay mar u qabsatay degmada Qandala 26-kii October 2016, balse ciidamada difaaca dowladda Puntland ayaa Daacish dib ugala wareegay degmadaasi Qandala 7-dii December 2016. Kooxda ayaa wixii intaasi ka dambeeyay si dhuumaalaysi ah uga hawl gelayay buuraleyda Qandala, sidoo kalena waxay dilal qorshaysan ka fuliyeen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Dilkii ugu dambeeyay ee Daacish ka fulisay magaalada Boosaaso 21-kii bishan January 2020, waxay ku dileen guddoomiyihii hore ee degmada Qandala Jaamac Maxamed Khuurshe. PUNTLAND POST The post Daacish oo dhaqdhaqaaqyo horleh ka bilowday buuraleyda Qandala appeared first on Puntland Post.
  5. Wararka naga soo gaaraya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in weli is jiid jiid siyaasadeed uu ka jiro magaaladaasi, kaas oo ku aadan arrimaha doorashada Galmudug. Musharraxiinta u taagan qabashada xilkaasi ayaan weli intooda badan is diiwaan gelinin iyada oo ay maanta ku egtahay muddada loo qabtay. Illaa iyo hadda waxaa shahaadada is-diiwaan gelinta qaatay musharraxiin kooban, balse kuma jiraan afarta musharrax ee ugu sameeynta badan doorashada ee kala ah: Cabdiraxmaan Odowaa, Kamaal Gutaalle, Cabdi Dheere iyo Cabdullaahi Faarax Wehliye. Afartaan musharrax ayaa si weyn uga biyo diidan qaabka ay wax ku socdaan, waxaana ay xalay kulamo ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, iyaga oo eedeymo culus u jeediyey madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Dhinaca kale qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka oo iyana kulamo ka wada magaaladaasi ayaa ku baaqay in laga shaqeeyo midnimada Galmudug. Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo la hadlay warbaahinta ayaa marka hore beeniyey in dowladda dhexe ay u afduuban tahay doorashada Madaxweynaha Galmudug, wuxuuna tilmaamay inay muhiim tahay in dhinacyada is haya ay muujiyaan tanaasul, si loo dhiso maamul mid ah oo loo dhan yahay. Dhankiisa guddoomiyaha guddiga doorashada baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug, Xildhibaan Xuseen Maxamed Tahliil oo la hadlay BBC ayaa ka warbixiyey sida ay wax u socdaan, gaar ahaan arrimaha doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Xildhibaan Tahliil ayaa sheegay inay ka gudi ahaan qabin wax walaac ah, islamarkaana ay si wanaagsan ku socoto howsha loo igmaday ee doorashada. Lama oga sida uu xaalku noqon doono, balse Galmudug ayaa muddo dheer ku jirta khilaaf u dhexeeya hoggaanka maamulkaasi iyo dowladda Soomaaliya. View the full article
  6. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Subax-27012020.mp3 View the full article
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa saaka safar deg deg ah ugu ambabaxay magaalada Asmara ee Caasimada dalka Ereteriya. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cade ku sii sagootiyey mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya. Villa Soomaaliya ayaa ujeedka safarka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) ku sheegtay inuu la xariiro kulamo uu Ereteriya kula leeyahay Madaxweynaha dalkaasi, Isaias Afwerki iyo sidoo kale Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Mudane Abiy Axmed. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in shirkaasi saddex geesoodka ah looga hadli doono xaaladda gobolka iyo dhammeystirka iskaashiga Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya. Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa shalay shaaciyey qabsoomida kulankaan, wuxuuna tilmaamay inuu la shiri doono madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo sidoo kale kan dalka Eritrea Isaias Afwerki. Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ayaa ku jira isbaheysi saddex geesood ah oo ay dhisteen, balse illaa iyo hadda aysan jirin wax la taaban karo oo uu qabtay. Shirkaan ayaa sidoo kale imaanaya ayada oo 11-kii bishan uu Farmaajo ka soo laabtay Asmara, islamarkaana uu kula soo kulmay dhigiisa Afwerki, isagoona kalana soo hadlay arrimo dhowr ah.
  8. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta u dhoofay magaalada Asmara ee dalka Ereteriya, halkaas oo uu qayb-gelayo kulan Madaxeed ku saabsan Iskaashiga Saddex Geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya. Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay, in Kulankan ay ka qayb-gelayaan madaxweynaha dalka Ereteriya Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, uuna ku saleysanyahay dhammeystirka hannaanka iskaashiga dalalka Gobolka iyo sidii loo xaqiijin lahaa horumarka iyo xasilloonida dowladaha dan-wadaagta ah ee Geeska Afrika. Sidoo kale qoraalka ayaa lagu xusay, in mudada ay kulamadani socdaan Madaxdu ay qiimeynayaan miro-dhalka tallaabooyinka la qaaday si loo xaqiijiyo isu furfurnaanta dhanka diblumaasiyadda iyo isu-socodka bulshada Gobolka, mideynta qorsheyaasha lagu wiiqayo argagixisada iyo xal u helista caqabadaha ku xeeran Iskaashiga dalalka Gobolka. Wefdiga madaxweyne Farmaajo ayaa sida qoraalka lagu sheegay la wadaagaya dhiggooda dalalka Ereteriya iyo Itoobiya sida shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay uga go’an tahay adkeynta dowladnimadooda iyo horumarka ay ku tallaabsadeen muddadii la soo dhaafay, taasi oo xoojinaysa in ay door muhiim ah ka qaataan geeddi-socodka horumarineed ee la hiigsanayo. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo u dhoofay Asmara appeared first on Puntland Post.
  9. Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa gaaray caasimadda dalka Burkina-faso ee Ouagadougou. Guddoomiyaha waxaa Garoonka diyaaradaha magaaladda Ouagadougou ee Caasimadda dalkaasi ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dalkaasi oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Purkina Faso iyo xubno kale oo ka tirsan Baarlamankooda. Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ugu horrayn u mahadceliyay mas’uuliyiintii soo dhoweeyay ayaa sheegay in uu magaalada Ouagadougou kaga qeyb-galayo kalfadhiga 15-aad ee Midowga Baarlamaanada Dowladaha Islaamka oo sanadkan ay marti gelineyso dowladda Purkina Faso. Guddoomiyaha Baarlamaanka ee dalkan Purkina Faso Alassane Baka Sakandé oo dhankiisa Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wefdigiisa kusoo dhoweeyay dalka Purkina faso ayaa sheegay in ka dowlad ahaan ay sharaf u tahay in wefdi Soomaaliya ka socda ay dalkooda kusoo dhoweeyaan. Saaka oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in caasimadda dalkaas ku yaalla galbeedka Afrika ee Purkina Faso uu ka furmo kalfadhiga 15-aad ee Midowga Baarlamaanada Dowlaha Islaamka oo sanadkiiba mar la qabto. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo kaga qeyb-galaysa shirka Midowga Baarlamaanada Islaamka appeared first on Puntland Post.
  10. Dableey hubaysan ayaa xalay magaalada Muqdisho ku dilay Nabadoon caan ah oo magaciisa lagu sheegay Cabdirisaaq Yuusuf Siicow (Shabeel). Kooxda oo bastoolado ku hubaysnaa ayaa xaafadda Barwaaqo ee degmada Dayniile ku weeraray Nabaddoonka xilli uu salaadda Cishe ka soo baxay sida laga soo xigtay laamaha Amniga Muqdisho. Dableeyda weerarka gaystay gaari nooca raaxada ah watay ayaa durbadiiba goobta ka baxsaday, waxaana halkaasi markii dambe hawlgallo ka sameeyay ciidamada Amniga Muqdisho inkastoo aan weli gacanta lagu soo dhigin kooxdii dilka geystay. Ilaa iyo hadda lama soo werin cid sheegatay dilka nabadoonkaas balse malayshiyaadka Al-shabaab aya looga bartay in ay Muqdisho ka gaystaan dilalka noocaan oo kale ah. PUNTLAND POST The post Nabaddoon caana oo lagu dilay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  11. The ill will of autocratic countries like China, and some worthy head-on competitors, should compel the Trudeau government to campaign harder for a seat on the United Nations Security Council, Source: Hiiraan Online
  12. The helicopter that crashed Sunday morning in Calabasas, killing Kobe Bryant, his daughter and seven others on board, had the feel of a limousine and boasted a strong safety record, said the basketball star’s former pilot. Source: Hiiraan Online
  13. Wth its ultra-modern infrastructure and hyper-connected services, the United Arab Emirates is an emerging technology power Source: Hiiraan Online
  14. CNN)Three rockets struck the US Embassy compound in Baghdad on Sunday, leaving one person injured, a US official told CNN initial reports indicate. Source: Hiiraan Online
  15. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa billawday qorshe cajiib ah oo ay ku suurta gelineyso doorashada Galmudug, islamarkaana ay dooneyso in ay ku qabato waqtigii ay ugu tala-galeen Guddiga doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka. Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay 24-kii saac ee la soo dhaafay ilaa laba musharax, kuwaas oo lagu tilmaamay malxiisayaal maadaama ay diideen in ay is diiwaan geliyaan musharaxiintii kale ee tartanka Madaxweynaha. Sidoo kale xogta aan heleyno ayaa sheegaysa in lacag dhan 60,000$ la siiyay Musharax Axmed Shire Falagle iyo Axmed Cabdullaahi Samatar oo xalay la diiwaan geliyay, waxaana la sheegayaa in qaar kamid ah lacagtaasi isku diiwaan geliyeen, sidoo kale wararka ayaa sheegaya in loo balan qaaday lacago kale inta ay socoto doorashada iyo olalaheeda. “Waxaa la sameeyay laba musharax oo doorashad au camira Qoor-Qoor, mid waa kii shalay isdiiwaan geliyay ee Falagle iyo mid kale oo xalay la sameeyay, waxayna markii ay is diiwaan geliyaan kadib shahaadada la siinayaa Musharax Qoor-Qoor” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan baarlamaaka Galmudug oo la hadlay Caasimada Online. “Diiwaan gelintu lagama bilaabi karo Qoor-Qoor, kuwa kalane waa diideen si loo helo kuwa laga billaabo sidoo kalane tartanka u camira Qoor-Qoor ayaa lacagta laga shubay laba nin oo musharaxiin ah” ayuu hadalkiisa sii raaciyay xildhibaankaan ka tirsan Galmudug ee la hadlay Caasimada Online. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay dooneyso in ay doorashada u qabato musharaxiintaan lacagta laga bixiyay ee is-diiwaan geliyay iyo Musharaxa ay wadato ee Qoor-Qoor. Ifi-faalo wanaagsan kama soo muuqato Galmudug, waxaana laga cabsi qabaa in ay halkaasi ka dhacdo doorasho ka darin midi Baydhabo ka dhacay dhamaadka sanadkii 2018.
  16. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Hoggaanka Ahlu Sunada Galmudug ayaa waxa uu ka hadlay hamiga ay ka leeyihiin dhismaha Galmudug-ta cusub, ee lagu wado in loo yegleelo bulshada ku dhaqan Gobolada Dhexe. Ahlu Sunada Galmudug ayaa marar badan waxay Dowladda Federaalka ku eedeysay inay khariirad aan wanaagsanayn u mareyso dhismaha maamulka cusub, ee markii ugu horeysay lagu dhisayo Magaalada Dhuusamareeb. Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Madaxa Xukuumada Galmudug oo la hadlay Laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa marka hore cadeeyay in Ahlu Sunna ay dooneyso in dadka reer Galmudug loo dhiso maamul loo dhan yahay. Madaxa Xukuumadda Galmudug oo wax laga weydiiyay yoolkooda ku aadan Galmudug iyo inay doonayan xilal sare oo Galmudug ay ka qabtaan ayaa sheegay inay horeyba xilal muhiim ah uga soo qabteen Galmudug, hadana ay doonayan inay xilal sare ka qabtaan. Sidoo kale waxaa uu iftiimiyay inay ka mid yihiin dadka Soomaaliyeed, kuwooda reer Galmudug ee hamiga ka leh inay wax ka hoggaamiyan Maamulka Galmudug. “Waxaan ka dooneynaa waxaa waaye umadda Soomaaliyeed ee Galmudug ku adkeysataa ee hamigana u leh inaan ka mid nahay, dadka ugu xaqa lahaa ka mid nahay. Waxaan rabnaa inaan deegaanka u ilaalino sidii aan u ilaalineynay, wixii mabaadii’ anaguna ka qabno waa midda aan umadda ku difaaceyno.” Ayuu yiri Madaxa Xukuumada Galmudug. Waxa kaloo uu yiri “Galmudug inaan jego ka qabano oo Madaxweyne aan ka noqono, oo Madaxweyne Kuxigeen aan ka noqono, Guddoon Baarlamaan ka noqono intaba waan ka soo heynay, munaasabad ayayna noo yihiin inaan ka qabano, hadana waan dooneynaa intii aan ka helno inaan ka qabano.” Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Dadka kale ee Galmudug-na intii ay ka qaban karaan inay ka qabtaan, sidaasina lagu mideeyo Galmudug, waana midda aan u sabcineyno.” Sheekh Maxamed Shaakir ayaa Ahlu Sunna ku sifeeyay mid u tureysa dadka reer Galmudug, marar badana ay tanaasul u sameysay, sidii loo dardar-gelin lahaa maamul u samaynta Galmudug, balse ay Dowladda Federaalka jujuubeyso masuuliyiintii ku soo dhaweeyay Gobolada Dhexe. Khilaafka xargaha goystay ee wiiqay Doorashada Madaxtinimada Galmudug ayaa waxaa sababteeda lagu eedeeyaa Villa Somalia, iyadoo aan doorashada ka dhigin mid daahfuran, isla-markaana taageereysa cid gaar ah, oo ay doorashadaasi ku gacansiineyso.
  17. Los Angeles (Caasimada Online) – Rugcadaaga kobadda kolyaga ka fariistay ee Mareykanka, Kobe Bryant, oo 5 jeer horaalka NBA kula guuleystay kooxda Los Angeles Lakers, ayaa Axadda ku geeriyooday diyaarad helicopter ah oo ku dhacday gobolka California. Afar qof oo kale oo Kobe la saarnaa, oo mid ay tahay gabadhiisa Gianna Bryant oo 13 jir ahayd, ayaa sidoo kale ku dhintay helicopter-ka oo ku burburtay magaalada Calabasas oo dhinaca waqooyiga galbeed ka xigta magaalada Los Angeles. Cidna kama bad-baadin diyaaradda dhacday. Kooxaha gurmadka deg degga ah ayaa ku cararay goobta ay helicopter-ka ku dhacday, ayaga oo baahiyey muuqaallo muujinaya helicopter-ka oo holcaysa. Hay’adda duulista rayidka Mareykanka ee FAA ayaa nooca helicopter-ka dhacday ku magacowdy Sikorsky S-76, waxayna sheegeen inay baaritaan ku sameyn doonaan. Bryant ayaa shan jeer horyalaka NBA kula guuleystay kooxda Los Angeles Lakers, waxaana 18 jeer uu ka mid noqday xiddigaha xulka NBA-da ee loo yaqaan All-Star, muddadii 20-ka sano ahayd ee uu cayaarayey. Waxa uu ahaa ninka saddexaad ee ugu dhibco dhaliska badan horyaalka NBA, isaga oo dhaliyey 33,643 dhibcood, waxayna ahayd xalay un markii Lebron James uu dhaafay Kobe, isaga oo galay kaalinta labaad. Kobe iyo xaaskiisa Venessa ayaa dhalay afar gabdhood oo lagu kala magacaabo Gianna, Natalia, Bianca iyo Capri, oo dhalatay bishii June 2019.
  18. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Afar Musharax oo kamid ah kuwa ugu saameynta badan tartanka Madaxweynaha Galmudug ayaa Caawa kulan xasaasi ah ku leh magaalada Dhuusamareeb ee gobalka Galgaduud sida ay noo xaqijiiyeen ilo wareedyo muhiim ah. Musharaxiintaan ayaa kala ah, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, C/llaahi Faarax Wehliye, Kamaal Guutaale iyo Cabdi Dheere, waxayna dhamoontood ka hadlayaan mudada 24-ka saac ah ee loo qabtay dhamaan Musharaxiinta Madaxweynaha Galmudug. Xubnahaan ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay soo saaraan War-saxaafadeed wadajir ah oo ay ku cabirayaan sida ay u socoto doorashada Galmudug. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ay qaadici doonaan mudada lagu daray ee 24-ka saac ah iyo guud ahaan sida ay socoto shaqada guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug. Dhamana shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan bulshada caalamka ee daneeya Arimaha Soomaaliya ayaa Isha ku haayo sida ay ku socoto doorashada Galmudug waxaana dhamaan dadkaas ay dhowrayaan nuuca doorasho ee ka dhici doonto Galmudug.
  19. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Bar-Qumanha-Wararka-26012020.mp3 View the full article
  20. Baardheere (Caasimada Online)-Iyadoo muddooyinkii dambey ay xiisad u dhaxeysa dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland ka taagneed gobolka Gedo ayaa waxaa galabta gaaray magaalada Baadheere wafdi ka socda dowladda dhexe, gaar ahaan saraakiil ka socota ciidanka xoogga dalka. Wafdigaas waxaa hoggaaminayey Taliyaha ciidamada dhulka S/Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir, waxaana safarka ku wehliyey guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida, Xeer ilaaliyaha Maxkamadda CQS, Taliye ku xigeenka ciidanka dhulka, Taliyaha qeybta 43aad ee CXD iyo saraakiil kale oo ka tirsan militeriga Soomaaliya. Saraakiishan ayaa garoonka diyaaradaha ee degmada Baardheere waxaa ku soo dhaweeyey Taliyaha guutada 10aad, qeybta 43aad ee CXD G/Sare Maxamed Cadow iyo cutubyo ka tirsan militeriga Soomaaliya ee ku sugan degmadaas. Taliyaha ciidanka dhulka ee militeriga Soomaaliya Cabdixamiid Maxamed Dirir oo hadal kooban garoonka ka jeediyey waxa uu sheegay in ujeedka safarkooda Baardheere uu yahay u kuur-gelidda xaalada dhabta ah ee kajirta gobolka iyo kor meer ay ku sameyn doonaan ceryaha ciidamada xoogga ee gobolkaas. Socdaalka saraakiishan ayaa ku soo aadaya iyadoo maalmihii u dambeeyey ay dowladda federaalku ciidamo geysay magaalooyin ay ugu horeyso Luuq oo ka tirsan gobolka Gedo. Loolanka ka taagan gobolka Gedo ee u dhaxeeya dowladda dhexe iyo Jubbaland ayaa salka ku haya hab maamulka degmooyinka gobolkaas, iyadoo ay jiraan guddoomiyaal ka kala amar qaata Jubbaland iyo dowladda federaalka oo ku loolamaya maamulidda degmooyin ay ugu horeyso Baardheere.
  21. Waxaa isa soo taraayo saameyta xanuunka Shuban Biyoodka ee ka dilaacay magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan iyo tuutooyinka hoosyimaada. Xanuunka ayaa ilaa hadda waxaa u geeriyooday 3 ruux kuwaas oo ku geeriyooday tuulooyinka ka dib markii lagala daahay in lageeyo xarumaha caafimaadka. Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee gobalka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan oo caawa Goobjoog News la hadlay ayaa sheegay in maamulka uu diyaariyey xarun lagu karantiilo dadka xanuunka uu soo ritay, si loo xakameeyo inuu faafo. Guddoomiyaha ayaana xusay in maamulka uu diyaariyey gaadiid la doonayo in lagu gaaro tuulooyinka ka fog magaalada si dadka xanuunka loo soo gaarsiiyo xarumaha caafimaad. Maamulka gobalka ayaa dalbanaayo in lala soo gaaro daawo iyo agab caafimaad oo deg deg ah maadaama ay xaaladda sii adkaanayso saacadba saacadda ka danbeyso. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Hargeysa (Caasimada Online) ― Dowladda Jabuuti ayaa ka hadashay Markabkeedii siday xariga Internet ee shalay celisay Somaliland, kaasi oo gebi ahaanba ay Xukuumada Biixi diiday in la mariyo badeeda, iyadoona sheegtay in maamulkooda wax ogolaansho ah la soo weydiisan. Jabuuti ayaa si cad u sheegtay in xarigaasi loo waday magaalada Muqdisho, oo aan loo wadin Badda Berbera, balse uu sii dhex-marayey, isla markaana loo sii jiidayey dhanka Muqdisho. Rudwaan Cabdilaahi, Wasiirka isgaadhsiinta ee Jabuuti ayaa sheegay in si khaldan loo fahmay arrinkaasi, isagoona xusay in Xarigaasi uu dhex-marayo badda Berbera, balse uusan si toos ah ugu dhaadhaceyn gudaha Somaliland. Wasiirka ayaa waxa kale oo uu sheegay in arrinkaasi ay xukuumada Biixi si kale u fahamtay, isla markaana ay ka wada-hadleen Wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland. Ciidamada Ilaalada xeebaha Somaliland ayaa shalay howl-galo ay sameeyeen kaga hortagay Markabkaasi oo ay sheegen in sifo sharci daro ah Xadhig ku marinayay Biyaha Somaliland, iyadoona loo sii jiidayo dhanka Soomaaliya. Arrinka Markabkaasi siday xariga Internet-ka, ayaa xiisad cusub ka dhex abuuray Somaliland iyo Jabuuti, iyadoona dhowaan la filayo in magaalada Hargeysa uu soo gaadho Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Jabuuti.
  23. NBA Basketball icon Kobe Bryant, 41, has reportedly died in a helicopter crash in Calabasas, California, on Sunday. Source: Hiiraan Online
  24. Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed and Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo are in Eritrea for talks with President Isaias Afwerki aimed at strengthening ties in the Horn of African region. Source: Hiiraan Online
  25. RICHMOND, Va. (AP) - After the U.S. Supreme Court upheld President Donald Trump’s ban on travelers from several predominantly Muslim countries in 2018, the ruling appeared to shut down legal challenges that claimed the policy was rooted in anti-Muslim bias. Source: Hiiraan Online