Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed(Xijaar) ayaa maanta si adag kaga hadlay xaaladda amaan ee dalka. Xijaar oo warbaahinta kula hadlayey Muqdisho ayaa sheegay in amniga dalka uu marayo meel xun, islamarkaana la diidan yahay in la ilaaliyo amniga dadka. Taliyaha ayaa carabka ku dhuftay in la qarxiyey Kaamirooyinkii lagu xiray jidadka muhiim ah ee lagula socon lahaa dhaq dhaqaaqa, sidoo kalena la dilayo Injineerada dhisaya ka jidka isku xira magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Sh/Hoose. Sidoo kale taliyaha Booliska ayaa intaasi ku daraya in lagu soo duulay amniga dalka, islamarkaana laga soo galo xuduudaha iyo hawada, sida uu hadalka u dhigay. “Dalkeena amnigiisa waa lagu soo duulay , xuduuda halaga soo galo ama Dayuurad ha lagu yimaado, dalkeena Amnigiisa meel xun buu marayaa, waxaa la diidan yahay dadka amnigiisa in la ilaaliyo Kaamirooyinkii wadooyinka lagu xiray in la qarxiyo baa la gaaray, wadaa la dhisayaa Injineeradii dhisayay baa la dilayaa oo la qarxinayaa, waxaa la diidan yahay Umadatan Soomaaliyeed iney xasisho oo luga heeda ku istaagto”. ayuu yiri Xijaar. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in amniga uu qof walba mas’uul yahay, islamarkaana ay muhiim tahay in lala shaqeeyo Booliska Soomaaliyeed. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii la soo dhaafay falal liddi ku ah nabad galyada ay ka dhacayeen magaalada Muqdisho, kuwaas oo u badan dilal qorsheysan.
  2. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Duhur-11022020.mp3 View the full article
  3. (SLT-Beijing)-Tirada dadka ku dhintay cudurka Coronavirus ee dalka Shiinaha ayaa dhaaftay 1000 qof, waxaana sare usii kordhaya walaaca laga qabo heerka uu la eg yahay dhaawaca uu gaadhsiiyey dhaqaalaha dalka. Shirkadaha dalka Shiinaha qaarkood ayaan weli shaqada kusoo laaban kadib markii fasax dheeri ah ay siiyeen shaqaalahooda dabaa-deggii sannadka cusub kadib, halka kuwa kalena ay dowladda weydiisteen ballaayiin dollar oo deyn ah, si ay usii shaqaayaan. Shirkadaha qaarkood ayaa sidoo kale shaqada ka eryey dad badan, inkasta oo ay jirto in madaxweyne Xi Jinping uu shacabka u ballan-qaaday in ayna jiri doonin shaqo ka eryid badan. Dhinaca kale, la-taliyaha sare ee dowladda ee cudurkan, ayaa sheegay inuu rajeynayo in faafitaanka cudurkan uu dhammaado bishan February. “Xilliga uu joogsan lahaa fiditaanka cudurka waxaan filayaa inay noqoto bartamaha ama dhammaadka bishan,” ayuu yidhi Zhong. Waxa uu sheegay in tirada kiisaska cusub ee cudurkan ay hoos u dhacday gobollada qaar. Guddiga Caafimaadka Qaranka ayaa dhinaca kale sheegay salaasadii in 108 qof oo cusub ay u geeriyoodeen cudurka, taasi oo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 1016 qof. REUTERS Source
  4. Qiimeyn sanadle ah oo ay todobaadkan soo saartay Global Fire Power oo ah madal lagu qiimeeyo awoodda ciidamada dalalka ee tiro, saanad iyo saadba ayaa ciidanka xogga dalka Soomaaliyeed gelisay kaalin hoose oo aan u qalmin, taariikh, magac iyo maamuus ahaanba. Qiimeyntan oo lagu sameeyey ilaa 138 dal oo caalamka ah, Soomaaliya waxaa ay gashay kaalinta 136-aad, waxaa ka hooseeya uun dalalka Liberia iyo boqortooyada yar ee Bhutan, labadan dal ee Soomaaliya ka hooseeya midka hore waxaa ku nool 4 Milyan, ciidankooda waa 2,000 oo qof halka Bhutan ay ka yartahay hal milyan qof, ciidamadooduna lagu qiyaasay dhowr kun. Qiimeyntan waxaa kaalimaha 10-ka ugu horeeya ay noqdeen sidan: (1). Mareykanka (2). Ruushka. (3). Shiinaha. (4). Hindiya (5). Japan. (6). Koonfurta Kuuriya. (7). Faransiiska. (8). Ingiriiska. (9). Masar. (10). Brazil. Dalalka Afrika, bariga dhexe iyo carabta waxaa hoggaanka u haya dalka Masar, Dalalka kale waxaan ka xusi karnaa: Turkiga(11), Iran(14), Pakistan(15), Israel(18), waqooyiga Kuuriya(25), Ciraaq(50), Suuriya(55), Itoobiya(60), Suudaan(76), Kenya(84), Uganda(86), Qatar(90), Koonfurta Suudaan(117). Xaaladda Ciidanka Xoogga Dalka: Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo isniintii ka hadlayey shir madaxeedka midowga Afrika ayaa sheegay in cunaqabateynta hubka ee dalka saaran ay keentay dhibaato xoog leh isaga oo sheegay in argigixisada kula dagaalaan hal gacan oo xiran. Farmaajo waxaa uu xusay in loo baahan yahay in qorshaha lagu dhimmayo AMISOM ay barbar socoto qorshe kale oo lagu dhisayo ciidanka xoogga dalka, oo la qalabeeyo. Maxaa Loo dhisi Waayey Ciidanka Qaran? Madaxweyne Farmaajo waxaa uu qeyb ka yahay guuldarrida ah in aan weli la dhisin ciidamo qaran oo talo leh, marka la eego fulin la’aanta heshiiskii “Sucurity Pact” ee lagu saxiixay London isaga oo 3 bil joogay iyada oo lagu heshiiyay dhismaha ciidamada qalabka sida, bixitaanka AMISOM, maalgelinta ciidamada iyo kaalinta Soomaalida iyo beesha caalamka ee hirgelintiisa. Heshiiskan waxaa uu khuseeyey 4 meel: Tirada ciidamada, qeybinta ciidamada ee dowladda iyo maamul goboleedyada, taliska ciidamada iyo mas’uuliyadda dowladda iyo maamul goboleedyada. Beesha caalamka waxaa ay soo dhaweysay heshiiska siyaasadeed iyo heshiiska Qaabaynta Amniga Qaranka”, waxaana lagu taliyey in laga sii wada hadlo meelaha weli aan laga hadlin ee siyaasadda, waxaa ku jira maalgelinta ciidanka iyo sida ay tahay in lacagta ciidanka u qeysadaan Soomaalida iyo beesha caalamka. Taageerada Beesha Caalamka: In Beesha caalamka ay taageero dhaqaale iyo mid qalab ah siiso Soomaaliya 4ta sano ee soo socota. In lala yimaado qorshe ciidanka lagu maalgeliyo(CAS) qorshahaas oo lagu yeero 4As oo kala ah( Affordable, acceptable, accountable and able) iyo in AMISOM lagu saleeyo baahida ay dadka Soomaalida ah qabaan. 3 sano kadib arrimahaas waxbo lagama qaban, mana muuqato in 2020-ka la fulin karo taasi oo ku tusineysa in Soomaalida oo ay ugu horeyso dowladda federaalka ay mas’uulka ka tahay kaalinta iyo sharaf dhaca ciidamada xoogga dalka uu ka galay qiimeynta Global Fire Power. W/D: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye, Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Eng. Cabdirashiid Maxamad Axmed oo booqasho 2 casho ah ku joogay caasimadda Dalka Suudaan ee Khartuum ayaa booqday xarumaha kala duwan ee lagu soo bandhigo wax soo saarka Dahabka ee Dalka Suudaan, waxaana uu Wasiirku kulamo la qaatay Madaxda Shirkadaha Macaadanta ee Dalkaasi Suudaan. Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Dowladda Federalka Soomaaliya Eng. Cabdirashiid Maxamad Axmed ayaa madaxda Shirkadaha Macaadinta Dalkaasi Suudaan uga warbixiyay sida Soomaaliya ay diyaar ugu tahay in ay ka faa’iideysato qeyraadka dalka gaar ahaan Bartoolka iyo Macaadinta. Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Dowladda Federalka Soomaaliya Eng.Cabdirashiid Maxamad Axmed ayaa heshiis is kaashi la saxiixday Wasiirka dhigiisa ee Dalkaasi Suudaan Caadil Cali Ibraahim waxaana heshiiska goob joog ka ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalkaasi Suudaan, iyo Qunsulka Safaradda Soomaaliya Cismaan Axmed Maxamad, Madaxa Ganacsiga Dalka Suudaan Yuusuf Jeego. PUNTLAND POST The post Wasiirada Batroolka Soomaaliya iyo Suudaan oo heshiis kala saxiixday appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Macalinkii kooxda xulka qaranka Soomaaliyeed oo lagu magacaabo, Ghanaian Bashir Hayford ayaa shaqada isaga tegay, 11 bilood kadib. Ninkaan oo u dhashay dalka Ghana ayaa sababta ku sheegay arrimo la xiriira amniga Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo uu muddadaasi ka howlgalayey. Hayford oo la hadlay shabakadda wararka Pulse.com.g, isagoo ku sugan dalkiisa ayaa wacad ku maray inuusan dib ugu laaban doonin gudaha Soomaaliya, islamarkaana uu shaqadiisa uga tegay amni darro awgeed, sida uu hadalka u dhigay. Macalin Ghanaian Bashir Hayford ayaa muddadii uu gacanta ku hayey xulka qaranka dalkeena ka shaqeeyey dib u hagaajinta ciyaartoyda, wuxuuna markii uu qabtay kooxda sanadkii hore 2019-kii uu gaarsiiyey heer wanaagsan. Sidoo kale Hayford guulaha muhiimka ah ee uu la gaaray xiddiga Badweynta (Ocean Stars) ayaa waxaa ka mid ah, kadib markii ay garaaceen xulka qaranka Zimbabwe lugtii hore ee is reeb-reebka koobka Adduunka ee 2022-ka lagu qabanayo dalka Qatar. Hoggaanka xulka qaranka Soomaaliyeed ayaa haatan ka baaraan degaya macalinka bedalaya booska uu baneeyay, macalin Ghanaian Bashir Hayford, kadib 11 bilood.
  7. Madaxa Machadka SIPAM oo ka hadla arrimaha Dowliga horeyna u soo noqday Wasiirkii Batroolka Soomaaliya Maxamed Mukhtaar oo wareysi gaara siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in dastuurkii ku meel gaarka ahaa ee la qaatay sanadkii 2012-kii uu dhigayay in arrimaha Shidaalka iyo keyraadka sida loo maamulayo laga wada hadlayo, waxa uuna xusay in uu is khilaafsanaa dastuurka iyo sharciga shidaalka. “Sidaad la socoto 2012-kii dastuurkii Soomaaliya ee ku meel gaarka ahaa ayaa la qaatay kaa waxaa ku jray qodobka 44-aad oo dhahaya arrimha shidaalka ama kheyraadka sida loo maamulayo waa laga wada hadlayaa maadaama la gaaray heer ah in federal la fuliyo, marka waxaa is khilaafsanaa dastuurkii iyo sharcigii shidaalka, taa ayaa keentay in wada hadallo la galo oo waqti dheer qaatay” ayuu yiri wasiirkii hore ee Batroolka. Mar wasiirka aan weydiinay su’aal ahayd sharciga uu saxiixay madaxweynaha waxa ka qaldan ayaa waxa uu sheegay in howlkaste oo la qabto ay leedahay gaabis oo uu ula jeeday in laga gaabiyay sharciga batroolka ee la saxiixay. Wasiir Maxamed Mukhtaar oo arrintaas ka jawaabaya ayaa yiri “Sharci kasta oo bani’aadam sameeyo waa laga yaabaa in uu gaabis ka jiro, laakiin laba arrin ayaa muhiim nagu ah Beydhabo waxaa lagu soo heshiiyay dhawr arrin ay ku jirto arrimaha kheyraadka marka arrimaha nuucaana oo kale ay jiraan waxaa loo baahanyahay in xal siyaasadeed laga gaaro, waxa qaldan kaliya ma ahan sharciga ee waxa la isku hayo waa siyaasad” Dhinaca kale wasiirka ayaan wax ka weydiinay dooda ka taagan sharciga batroolka oo ay ugu horeeyaan maamul goboleedyada qaar ee dalka waxa uuna sheegay in xilligan aaan la isku haysan sharci batrool balse la isku hayo siyaasad u dhaxeysa dowladda dhexe iyo kuwa xubnaha ka ah. “Marka aad dhageysato doodda arrimaha la isku hayo ma ahan shidaal ee waxa la isku hayo ayaa waxa ay tahay federaalka nuuca uu noqon lahaa ma dowladda dhexe ayaa awooddii yeelanayso oo gacanta ku haynaysa mise dowlad goboleedyada, marka waxaa loo baahanyahay in arrintaasi wada hadal laga galo Soomaalina ay ku heshiiso nuuca federal ee aan rabno” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirkii hore ee batroolka Soomaaliya Maxamed Mukhtaar. Sharciga uu 8-dii bishan saxiixay madaxweynaha ee batroolka ayaa waxaa ka taagan dood badan iyada oo dowlad goboleedyada qaar ee dalka ay arrinkaasi ka horyimaadeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. GAROWE (HOL) - A third convict in the rape and murder of 12-year-old girl in Galkaayo last year was spared death Tuesday following negotiations between the families of the late Aisha Aden and that of the convict, HOL has learnt. Source: Hiiraan Online
  9. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliyaha Booliska degmada Matabaan, Dhame Cabdifitaax Maxamed Jaamac oo loo yaqaano (Fooneeye) ayaa ka warbixiyey howlgallo ciidamada ammaanku ay ka sameeyeen degmadaasi oo ka tirsan gobolka Hiiraan. Taliyaha ayaa sheegaya in gacanta laga soo dhigay labo nin oo baxsad ahaa, kuwaas oo xalay labo qof ku soo dilay deegaanka Habar-Cirir ee gobolka Galgaduud. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay haatan ku raad joogaan labo kale oo la sheegay inay ku lug lahaayeen dilalkaasi. Dhame Cabdifitaax Maxamed Jaamac (Fooneeye) ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in raggaasi la horgeeni doono cadaaladda, islamarkaana laga qaado doono tallaabo adag. Inta badan dilalka ka dhaca xadka gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa salka ku haya arrimo la xariira aanooyon Qabiil oo ka taagan halkaasi. Dhacdadaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo shalay heeshiis nabadeed la dhex dhigay labo beelood oo muddo ku dagaalamayey degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.
  10. Saaka oo Talaado ah 11/2,2020 waxaa Magaalada Garowe lagu toogta oo lagu fuliyey Dil qasaas ah laba eedeysane oo Maxkamada Puntland ay ku cadeysay inay [...] Source
  11. Taliyaha ciidamada nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM, General Yilma Tigabu ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. General Yilma Tigabu ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Shaati Gaduud ku soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan howgalka AMISOM, kuwaas oo ka howgala gobolkaasi. Sidoo kale taliyaha ayaa la sheegay in muddo laba maalmood ah uu joogi doono magaalada Baydhabo isaga oo la kulmi doono ciidanka AMISOM ee jooga halkaasi. Sidoo kale taliyaha ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM General Yilma Tigabu ayaa booqan doono xeryaha ciidamada AMISOM ee ku yaalla gobolka Baay, isagoo si gaar ah u kormeeri doono howlgallada iyo dhaq dhaqaaqyada ka soconaya guud ahaan gobolkaasi. AMISOM ayaa howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wada gobollada dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyada oo kaashaneysa ciidanka Xoogga dalka. View the full article
  12. Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan ayaa Magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan waxa ay ku kala saxiixdeen heshiis ku saabsan iskaashiga labada dowladood. Wasiirka Batroolka iyo macdanta xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng Cabdirashiid Maxamed Axmed oo ku sugan magaalada Khartuum ee dalka Suudaan ayaa dhigiisa dalkaasi caadil Cali Ibraahim waxa uu la saxiixday heshiis iskaashi iyaga oo isku raacay in labada dhinac ay xoogga saaraan sidii loo xoojin lahaa iskaahiga labada dowladood. Sidoo kale wasiirka Batroolka Soomaaliya ayaa inta uu ku sugnaa dalkaasi waxa uu booqday xarumha kala duwan ee lagu soo bandhigo wax soo saarka macdanta dahabka isaga oo dhinaca kale kulamo la qaatay shirkadaha soo saara macdanta dalka Suudaan. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa 8-dii bishan waxa uu saxiixay sharciga batroolka dalka oo muddo 33-maalmood ah horyaalay xafiiskiisa. Booqashada wasiirka Batroolka Soomaaliya ee dalka Suudaan gaar ahaan goobaha lagu soo bandhigo macdanta ayaa ku soo aadaysa xilli Shirkado caalami ah ay horay sahmin uga sameeyeen macdanta ku jirta gudaha Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Boosaaso (Caasimada Online) – Aabe Ilyaas Aadan oo dhalay, marxuumad Caa’isho ayaa ka hadlay xukunkii dilka toogashada ahaa ee lagu fuliyey labo ka mid ah ragii loo xukumay kiiskaasi, kuwaas oo saaka lagu dilay fagaare ku yaalla magaalada Boosaaso. Aabe Ilyaas ayaa soo dhoweeyay toogashada lagu fuliyey, Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame & Cabdishakuur Maxamed Dige, isagoo sheegay inuu faraxsan yahay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xukunka la fuliyey uu daawo u noqon doono gabar kasta oo Soomaliyeed, gaar ahaan inaan dumarka lagula kicin kufsi iyo dil. “Maanta waxaan qisaasanay nimankii dilka iyo kufsiga u gaystay gabadhaydii Caaisho, waana dul-tegay meydkooda oo waan hubiyay inay dhinteen labada ruux ee la toogtay, waana ku faraxsanahay in xukunkii la fuliyey” ayuu yiri Aabe Ilyaas Aadan. Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday sababta Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame oo ah xukunsanaha saddexaad looga reebay toogashada. Ilyaas Aadan ayaa carabka ku dhuftay inay isku afgrteen isaga iyo qoyskiisa in dib loo dhigo muddo 10 cisho ah, si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo. Wararka qaar ayaa sheegaya inaan weli Cabdisalaan lagu helin caddeymo rasmi ah oo muujinayo inuu qeyb ka ahaa falkaasi, inkastoo lagu xukumay dil toogasho ah. Kiiska Caaisho Yar ayaa muddo dheer soo jiitamayey wuxuuna soo maray marxalado kala duwan iyo maxkamado dhowr ah oo ku yaalla deegaanada maamulka Puntland.
  14. Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa magaalada Addis Ababab kulan gaar ah kula qaatay madaxweynaha Golaha Midowga Yurub, Mudane Charles MICHEL. Kulankaan ayaa waxaa intiisa badan looga hadlay horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dib u habeynta hay’adaha amniga, horumarinta dhaqaalaha, xaaladihii ugu dambeeyay ee Geeska Afrika iyo taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya. Sidoo kale madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Golaha Midowga Yurub uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiyaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, taas oo muhiim u ah dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya. Charles MICHEL ayaa dhankiisa dowladda Soomaaliya ku ammaanay horumarka ay ka sameysay horumarinta dhaqaalaha iyo dib u habeynta hay’addaha dowliga ah. Madaxweynaha Soomaaliya oo Addis Ababa uga qeyb galay meertada 33-aad ee shirka Midowga Afrika ayaa kulan duceedyo magaaladaasi kula yeeshay mas’uuliyiin kala duwan oo shirkaasi ka qeyb galay, sida ra’iisul Wasaarayaasha Canada iyo Norway.
  15. Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo kula yeeshay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles MICHEL. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles MICHEL ayaa iska wareystay horumarka ay Dowladda Soomaaliya ka sameysay dib u habeynta hay’adaha amniga, horumarinta dhaqaalaha, xaaladihii ugu dambeeyay ee Geeska Afrika iyo taageerada Midowga Yurub ee dowlad-dhisidda Soomaaliya. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya taas oo muhiim u ah dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya. Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles MICHEL ayaa dowladda Soomaaliya ku ammaanay horumarka ay ka sameysay horumarinta dhaqaalaha iyo dib u habeynta hay’addaha dowliga ah View the full article
  16. Waxaa sii kordhaya baaqyada nabadeed ee loo dirayo ciidamada dowladda ee dhowaan la geeyey gobolka Gedo iyo ciidanka Jubbaland ay ku sugan gobolkaasi. Nabadoon Idiris Xasan Nuur oo ka mid ah waxgaradka Beledxaawo ayaa ugu baaqay madaxda dowladda dhexe iyo kuwa Jubbaland in la qaboojiyo xiisada labada dhinac. Sidoo kale wuxuu dalbaday in laga wada shaqeeyo xasilinooda deegaanka iyo badbaadada dadka shacabka ah. Halkaan hoose ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Turki-1.mp3 View the full article
  17. Puntland Custodial Corps executed earlier today Abdifatah Abdirahman Warsame and Abdisakur Mohamed Dige, who were convicted of gang-raping and murdering Aisha Ilyas. Puntland Attorney General Mohamud Hassan Aw Osman confirmed the execution to Puntland Post. The two murderers were murdered Cabdisalam Abdirahman Warsame was temporarily given stay of execution following a request from the father of the murdered child. The First Level Court of Nugaal sentenced the three men to death by a firing squad. The Supreme Court of Puntland rejected judicial review request from the convicted rapists. On 24 February 2019 Aisha Ilyas went missing in Sinai neighbourhood of North Galka’yo. Next day Aisha’s body was found near her family’s house. Post-mortem conducted by Puntland Criminal Investigation Department concluded that Aisha suffered rape and torture before the men killed her. Puntland Forensic Centre was involved in examining DNA traces of the suspects found on Aisha’s body. The murder resulted in popular angst about leniency towards rapists, who benefit from traditional adjudication. The Aisha Ilyas case was tried under a Civil Law court in line with the Somali Penal Code. © Puntland Post, 2020 The post Puntland Executes Two Convicted Rapists and Murderers appeared first on Puntland Post.
  18. Sadexdii Dambiile ee loo haystay Kursiga iyo Dilka Marxuumad Caisha Ilyaad ayaa laba kamida la qisasay saaka iyadoo Waalidka Marxuumada ay goobjoog ahaayeen. Ninka Sadexaad [...] Source
  19. Ilyaas Aaden Abbaha dhalay gabadhii yareyd ee Caa’isha, oo warbaahinta la hadlay kadib markii saaka la qisaasay laba kamid ah saddexdii xukmane ee Kiiskaasi, ayaa ka warbixiyay sababta loo reebay xukmanihii saddexaad. Ilyaas Aaden, ayaa sheegay in xukmanaha la dib dhigay qisaastiisa uu yahay dambiile, balse mudda 10 cisha ah dib loo dhigay kiiskiisa, si baaritaan iyo hubin loogu sameeyo. Sidoo kale, Ilyaas wuxuu sheegay in isagu codsaday dib u dhigista xukmane Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame, ee aysan jirin go’aan maxkamadeed oo dib loogu dhigay kiiskiisa. Oday Ilyaas, ayaa intaasi raaciyay, in uu saaka goob-joog ahaa fagaarihii lagu toogtay labada xukmane, isagoo xusay xukunka qisaasta ay qoyskiisu fuliyeen, islamarkaana uu shakhsiyan hubin ku sameeyay maydadkooda. Hadalkaas ayuu Ilyaas Aaden jeediyay saacad kadib markii xukunka qisaasta ah lagu fuliyay Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige. Labada marxuum ayaa lagu toogtay fagaare ku yaalla magaalada Boosaaso, waxaase mudda 10 cisha ah kiiskiisa dib loo dhigay Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame. Hoos ka daawo hadalkiisa oo dhan PUNTLAND POST The post Ilyaas Aaden: Ninka la reebay waa dambiile appeared first on Puntland Post.
  20. Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka xiisad dagaal ay ka taagan tahay qeybo ka mid ah gobolkaasi. Xiisada oo ah mid xoogan ayaa waxaa laga dareemayaa deegaanka Baangaaley oo u dhexeeya degmooyinka Cadaado iyo Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ciidanka dowladda oo ku dhex jiray maleeshiyaadkaa ay isaga kala baxeen, kadib markii ay ka go’day sahaydii ay ku joogeen halkaasi. Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in markale beelahaasi ay ku dagaalamaan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaliya. View the full article
  21. Socdaalka labada maalmood qaatay ee madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku tagay Itoobiya, wuxuu tumaati ku yahay Xukuumadda Muqdisho oo sannad iyo dheeraadkii la soo dhaafay isku maaweelin jirtay inay Somaliland ka soo owday albaabadii Itoobiya ee hore ugu furnaan jiray, kaasi oo muddo dheer kaar siyaasadeed ku hayey Soomaaliya. Sidoo kale waxa booqashada madaxweyne Muuse Biixi soo afjartay fadhi ku dirirka Somaliland oo ka deyrin jiray xidhiidhka Jamhuuriyadda Somaliland la leedahay Itoobiya, oo ay ku doodi jireen inuu gaabis galay muddadii uu xilka loo doortay Abiy Axmed oo ay qabeen inuu u janjeedhsaday dhinaca Soomaaliya, hase ahaatee may ahayn mid xaqiiqo ku sallaysan. Booqashada Madaxweyne Biixi ku joogo Addisa-ababa, waxay ka dhalatay martiqaad rasmi ah oo Ra’iisul-wasaare Abiy Axmed uu fidiyey Madaxweynaha Somaliland oo uu ka dhexeeyo cilaaqaad soo jireen ah iyo xidhiidh saaxiibtinimo oo gaamuray, kaasi oo ku siman labada dawladood iyo labada shacab. Ra’iisul-wasaare Abiy Axmed wuxuu isla Arbacadiiba la kulmay Madaxweyne Muuse Cabdi iyo weftigiisa oo ay wadahadal dheer ku naaqisheen masaalixda labada dal. Warbixinta Warbaahinta Fana dalka Itoobiya daabacday ayaa suuraynaysa iskaashiga jiridaystay ee Itoobiya iyo Somaliland, waxaanay tidhi “Waxay labada dhinac ee Somaliland iyo Itoobiya falanqeeyeen Qodobbo badan oo ay ka mid yihiin inay sii xoojiyaan xidhiidhkooda labada ummadood, iyo nolosha ay ku nool yihiin Itoobiyaanka degan Somaliland iyo sidii ay uga wada shaqeyn lahaayeen Arrimaha Nabadgelyada iyo Ammaanka.” Waxa kaloo idaacadda Fana intaas ku daray “Waxay isla soo qaadeen qodobbo ku saabsan heshiisyadii ay wada galeen labada dhinac [Somaliland iyo Itoobiya] iyo cilaaqaadkooda mustaqbalka.” Sidoo kale, waxay Faana werisay in labada Hoggaamiye ka wada hadleen ka faa’iidaysiga dekedaha iyo qoddobo oo ku wajahan xidhiidhka ganacsi ee Somaliland iyo Itoobiya. Weftiga Madaxweynaha Somaliland Arbacadii Madaarka caalamiga ah ee Bole ku qaabilay Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide iyo Wasiirul-dawlaha Arrimaha dibadda dalkaas Hirut Zemene, iyadoo aad loo muuneeyey hab-maamuuska madaxweynaha. Geesta kalena, waxa Khamiistii maanta Madaxweyne Biiixi iyo weftigiisa hadhimo sharafeed ku qaabilay Wasiirrada Arrimaha dibadda iyo Maaliyadda Itoobiya, Dr. Workneh Gebeyehu iyo Mudane Axmed Shide oo ka mid ah foolaadka Golaha Wasiirrada Itoobiya. Dawladda hadhkeed la ciyaarka ah ee Farmaajo oo marin habaabinta bulshadeeda ka dhigatay siyaasad ay ku tamariso, ayaa fadeexadda siyaasadeed ee kala kulantay booqashada rasmiga ah ee Madaxweynaha Somaliland ku tagay Addis-ababa, waxay kaga falcelisay inay isku maaweeliso in war sheegaya in madaxweynaha Somaliland ogolaaday inuu la shaqeeyo dawladda Muqdisho, taasoo aan ka mid ahayn qodobbadii Somaliland iyo Itoobiya ka wadahadleen. Dawladda Somaliland ayaa Xukuumadda Itoobiya uga mahadcelisay sida saaxiibtinimada leh ee ay u qaabileen madaxweyne Biixi iyo Weftigiisa. “Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay soo dhaweynaysaa, lana qabtaa Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Axmed in Geeska Afrika noqdo meel nabad ah. Dalalka Geeska Afrikana iyadoo mid walba la qadarinayo jiritaankooda dhuleed iyo madax-bannaanidooda qarannimo, in ay iska kaashadaan dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo horumarka mandaqadda,”ayuu lagu yidhi War-murtiyeed uu soo saaray Afhayeenka madaxweynaha Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac, waxaanu intaas ku ladhay; “Shirkii weftiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu la yeeshay Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia, waxa la isku af-gartay in arrimaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya lagu xalliyo wada-hadal iyo fagaare caalami ah, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara colaado cusub iyo xasarado hor-leh oo ka curta Gobolka Geeska Afrika.” Asbaabaha Xoojinaya Iskaashiga Somaliland iyo Itoobiya: Inkasta oo dawladda aan iskeed isku maamuli karin ee Soomaaliya ay juhdi badan gelisay inay curyaamiso xidhiidhka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Federaalka Itoobiya, waxay Somaliland ay diblomaasiyan dhicisaysay xiqdigii Soomaaliya, iyadoo Itoobiya ku baraarugtay inay iimaansato xidhiidhka diblomaasiyasadeed iyo ganacsi ee ka dhexeeya Somaliland oo ay u aragtay mid aan mugdi iyo madmadow la gelin karin. Dawladda Itoobiya oo ah dal aan bad laheyn waxaa saami dhan 19% laga siiyey heshiiska maalgashi ee lagu casriyeynayo marsadda Berbera, oo ay si saddex geesood ah u wadagaleen Xukuummadda JSL, Itoobiya iyo Shirkadda DP World, waxaanay arrintaasi ahayd qoddob weyn oo Madaxweyne Biixi iyo Ra’iisul-wasaare Abiy isla jeex-jeexeen intii uu socday kulankoodii. Sidoo kalena, Xukuumadda Ra’iisul-wasaare Abiy Axmed waxay Somaliland u soo dirtay Shamsudiin Axmed Rooble oo ah danjire waayo-aragga ah oo magacaabistiisu ka turjumayso in Itoobiya daneynayso masaalixda aan xadka lahayn ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland. Ugu dambeyn, Dawladda Somaliland waa gaashaan adag oo Itoobiya kaga deyran kooxaha argagixisada ee Soomaaliya ku beermay, taasi Itoobiya aanay ku safaadeynin. Sidaas darteed, waxa booqashada Madaxweyne Biixi ay dhirbaaxo siyaasadeed ku tahay Farmaajo iyo Maamulkiisa oo shacbigiisu quus ka joogo tamar darrada dawladiisa oo gaadhay in aanay xataa ka wada talin magaalada Muqdisho badhkeed labadii sannadood ee uu fadhiyey hoggaanka Soomaaliya oo ay ku ilaaliyaan ciidammada AMISOM. Xigasho: Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA), Waana Qalinkii Cumar Maxamed Faarax Source
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka Ceelwaaq ee gobolka Gedo, Mudane Sahal Macalin Aadan ayaa sheegay in maanta ay sugayaan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo saacadaha soo socda ku wajahan gudaha degmadaasi. Sahal oo wareysi gaar ah siiyey idaacadda Mustaqbal ayaa sheegay in ciidamadaasi ay la wareegi doonaan amniga degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay isugu jiraan Milatari, Boolis iyo Asluub, sida uu hadalka u dhigay. Guddoomiye ku xigeenka Ceelwaaq oo hadalkiisa sii wata ayaa ka dabaday dowladda federaalka in aysan hilmaamin ciidamadii horay uga howlgalayey degmadaasi, kuwaas oo uu tilmaamay inay ku soo shaqeeyeen daruufo adag, tan iyo sanadkii 2009-kii Dowladda federaalka ayaa muddooyinkii dambe ciidamada ku daabuleysay degmooyin ka tirsan gobolka Gedo, kuwaas oo la wareegay Doolow iyo Beled-Xaawo. Dhaq dhaqaaqyadaan ayaa sidoo kale sare u qaaday xiisada u dhexeysa dowladda dhexe iyo Jubbaland ee ka taagan gobolkaasi.
  23. Wararka aan ka helayno degmada Hodan ee gobalka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in xalay degmadaasi lagu dilay guddomiye Laameed ka tirsanaa maamulka degmadaasi waxaaana ka soo baxaya faahfaahino kala duwan. Dilka ayaa waxa uu si gaara uga dhacay xaafadda Siigaale ee degmadaasi, waxaana dilka geysatay dabley la sheegay in ay goobta isaga baxsadeen marka ay falka dilka ah geysteen ka dib. Marxuumka la dilay ayaa lagu magaacibi jiray Liibaan Qiyaamo, waxaana la tilmaamay in goobta lagu dilay horay sidoo kale loogu dilay saraakiil ka tirsanaan jirtay dowladda federaalka Soomaaliya. Dilka ka dib waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amaanka dowladda waxa ayna halkaasi ka bilaabeen baaritaano ay ku baadi goobayaan raggii falka geystay inkastoo aysan jirin cid baaritaankaasi ay ku soo qabteen. Magaalada Muqdisho ayaa inta badan waxaa ka dhaca dilal qorsheysan oo loo geysto masuuliyiin ka tirsan dowladda, waxaana wali laamaha amaanka aysan la imaan tallaabo ay arrinkaasi uga baaqsanayaan, Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa xalay ku kulmay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya oo ay labadooduba ku sugan yihiin. Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay kulanka laakiin, ilo xogogaal ah ayaa wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyay kulanka oo ahaa mid casho ah oo ka dhacay hotelka madaxweyne Biixi degan yahay. Kulanka ayaa la sheegay in ay jilbaha isku dhigeen madaxweynaha iyo guddoomiyaha oo ay kala weheliyaan Dr Maxamed Biixi Yoonis iyo wasiir Siciid Sulub Maxamed iyo odayaal kale oo reer Somaliland ah waxaana la filaya in ay ka wada hadleen arrimaha siyaasadda Somaliland oo ay ugu horayso arrinta doorashooyinka iyo muranka Komishanka. Source
  25. (SLT-Ankara)-Shan askari oo ka tirsanaa ciidanka Turkiga ayaa lagu dilay weeraro ay millatariga Suuriya ku qaadeen fadhiisimaha ay kaga sugan yihiin gobolka Idlib. In this photo released by the Syrian official news agency SANA, Syrian government forces entering the village of al-Eis, in Aleppo province, Syria, Sunday, Feb. 9, 2020. Syria’s military has vowed to keep up its campaign to regain control of the whole country, days after capturing large chunks of territory from the last rebel holdout in northwestern Syria. A Syrian army spokesman said on Sunday that its forces had seized 600 square kilometers (230 square miles) of the country’s northwest, gaining a strategic advantage. (SANA via AP) Wasaarada difaaca Ankara ayaa xaqiijisay in madaafiic hoobiyeyaal ah loo adeegsaday weerarka lagu soo qaaday ciidanka turkiga, ayna jirto dhaawacyo ka dhashay Mashaqadaan. Waxay madaafiic la beegsadeen xarumaheena, ciidanka yagana waxay ka bixiyeen jawaab celin buuxda ayaa lagu yidhi Warsaxaafadeedka. Dowlada Turkiga ayaa dhanka kale sheegtay in ciidankeeda ku sugan gobolka Idlib ee dhanka xadka u dhow ay ka shqeynayaan xaqiijinta ammaanka, ka hortaga tahriibka iyo sidii loo caawin lahaa shacabka Suuriya ee ku barakacay Colaada. Sarkaal u hadlay millatariga Turkiga ayaa sheegay in ay beegsadeen 115 saldhig oo ay ku sugan yihiin millatariga suuriya, ayna ku dileen 101 Askari. Wasaarada difaaca Turkiga ayaa fal celintaan ku tilmaantay isdifaacid waafaqsan shuruucda Caalamiga. Source