-
Content Count
213,116 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
MINNEAPOLIS, Minn (HOL) — Despite Minnesota's efforts to ensure accessible voting, language barriers remain a significant hurdle for Somali-speaking residents in Stearns County. With no legal requirement for Somali interpreters at polling stations, many eligible voters face difficulty casting their ballots due to limited English proficiency. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Afduub iyo inay is ugaarsadaan ayaa ka dhex bilaabatay beelaha Murusade iyo Waceysle ee dega deegaanada bari ee gobolka Galgaduud, maalmihii lasoo dhaafay. Labada dhinac ayaa iska afduubtay ugu yaraan 5 qof oo wax dembi ah aan gelin, balse loo dakaneeyey nin lagu magacaabo Cali Geele oo toddobaadkii hore ay baadiyaha fog ee Galhareeri kasoo qabteen ciidamada Macawiisleyda ah ee beesha Waceysle. Cali Geele oo u dhashay beesha Murusade ayaa lagu tuhmay inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab, waxaana la wareegay ciidamada dowladda federaalka markii la geeyey Ceeldheer, kadibna waxaa loo soo qaaday Muqdisho, si loo baaro inuu Shabaab yahay. Soo qabashada ninkaas waxaa ka carootay beesha Murusade oo afduubatay ugu yaraan labo qof oo kasoo jeeda beesha Waceysle, kuwaas oo ahaa wiilal xoolo dhaqato ah oo cidna aan dhibaateyn, balse loo dakaneeyey qabiilkooda. Talaabo taas lamid ah ayey qaadeen maleeshiyaadka beesha Waceysle, waxayna soo afduubteen ugu yaraan saddex qof oo Murusade ah, kuwaas oo hadda lagu hayo aagga degmada Ceeldheer. Maleeshiyaad kasoo jeeda Waceysle ayaa howdka degmada Ceeldheer ku heysta 3-daas qof oo beesha Murusade u dhalatay, halka labo Waceysle ah ayagana Afduub loogu heysto aagga degmada Galhareeri. Waxaa joogsaday gaadiidkii u safri jiray deegaanada dhaca bariga gobolka Galgaduud ee bulshada Murusade iyo Waceysle ay adeegsa jireen, maadaama ay bilaabatay in dadka safarka ah lagala degayo gaadiidka, taas oo khatar ku ah bulashada labada beelood. Arrintaan ayaa sidoo kale khatar ku ah dagaalka Al-Shabaab oo qarka u saaran uu joogsado, maadaama ay beelihii ku mashquuleen inay ayaga is ugaarsadaan, waxaana xusid mudan in Shabaab-ku ay isku diraan beelaha oo fursado badan ay ka dhex raadiyaan colaada qabaa’ilka. The post Xog: Murusade iyo Waceysle oo bilaabay arrin halis ah oo fursad siineysa Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Sida halkani kaaga muuqata waxa ku shiraaya xisbiyada Kulmiye iyo UCID Oo uu hogaaminaayo madaxweynaha uu xilkiisii dhamaaday ee ku fadhiya mudo kordhin Muuse Biixi. Waxa madaxtooyada iyo xisbiga Kulmiye ku furantay daaqada wal walka iyo walaaca iyada oo ay sas ka qaadeen xisbiga Waddani oo kasbaday dhamaan shicibka Somaliland laguna wado in uu ku guulaysto doorashada shici doonta 13ka November ee sanadkani. Shicibka Somaliland waxa la gudboon in ay codkooda ku badalaan dawladda hada joogta si dadka iyo dalka loo mideeyo wixii hadhay arinkaasi oo uu fulin karo xisbiga Waddani Qaran News
-
Mogadishu (HOL) — Egypt has reportedly issued an urgent advisory for all Egyptian nationals in Somaliland to leave the region immediately, citing worsening security conditions. The statement, published on Sunday by Egyptian news outlets, urged citizens to depart as soon as possible through Hargeisa International Airport. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Gudaha ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa Muqdisho kulan kula qaatay saraakiisha sare ee hay’adaha ammaanka, isagoo kala hadlay xakameynta hubka sharci darrada ah. Shirka ayaa intii uu socday waxa lagu lafo guray sida loo fulin karo qaraarkii golaha wasiirada Soomaaliya ay horey uga soo saareen mamnuucidda ka ganacsiga hubka. Saraakiisha hay’adaha amniga ayaa loo sheegay sidii ay u qaadi lahaayeen tallaabbooyin degdeg ah oo looga hortagayo kooxaha ka ganacsada hubka. Dawladda ayaa ka baqdin qabta in hubka sharci darrada ah ee ku soo qulqulaya Soomaaliya uu kaalin weyn ku leeyahay colaadda qabaa’ilka, iyo suurtagalnimada in uu gacanta u galo kooxaha argagixisada ah. Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullahi Fartaag ayaa ugu baaqay bulshada in ay gacan ka geystaan soo celinta hubka gacanta shacabka iyo maleeshiyaadka ku jira, si nabad waarta loo gaaro. Maalmo ka hor deegaanada Puntland waxaa lasoo geliyey hubkii ugu badnaa oo sharci darro ah, kaasi oo ka yimid gudaha Itoobiya, shirkaan waxaa looga hadlay sida ay dowladda federaalku uga falceli karto arrintaas xasaasiga ah ee soo noqnoqotay. Dawladda federaalka waxay horay u sheegtay in markii labaad muddo kooban gudoohood hub sharci darro ah uu dalka ka soo gudbay xuduudda xigta Itoobiya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay arrintaas ku macneysay xadgudub kale oo madax-banaanida dalkeeda ay kula kacday Itoobiya iyo khatar soo wajahday gobolka Geeska Afrika. Horay hubka la geeyey Puntland waxay Itoobiya u soo gelisay Galmudug, waxaana hubkii soo galay Galmudug lagu boobay magaalada Caabudwaaq, wuxuuna sidaas ku galay gacanta shacabka iyo maleeshiyaadka abaabulan ee qabaa’ilka. The post Sawirro: Madaxda amniga Soomaaliya oo shir xasaasi ah ka yeelatay arrin khatar ku ah dalka appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii uu madaxweyne Xasan Sheekh diiday ku dhaqanka dastuurkii lagu doortay, dhinaca kalena uu wiiqay awooddii kursiga ra’iisul wasaaraha oo uu ka dhigay mid uu isagu eryi karo, dhanka kalena uu hor istaagay inay maamullada doorasho qabsadaan, ayaa waxaa soo xoogeysanaya walaaca ku saabsan in dadka Soomaaliyeed ay kusii kala fogaan karaan dhabaha uu wax ku wado madaxweyne Xasan Sheekh. Ku dhowaad 10 gobol oo kamid ah gobollada dalka ayaa waxaa ka aloosan dagaallo qabiil, la-dagaalankii argagixisada waa joogsaday, xukunkiina waxa uu gacanta u galay dad xoolo doon ah, midnimadiina waxaa laga doortay qabyaalad iyo inay dowladnimaddii dad gaar ah ay sheegtaan, waxaana abuurmay rejo beel dowladeed oo xoog leh. Waxaa intaas dheer in aanay dadka Soomaaliyeed weligood dhab uga heshiinin colaadihii soo dhex-maray, balse taas bedelkeeda waxaa la isla qaatay markii Carta la isugu tegay sanadkii 2000, si dowladnimo loo gaaro in tabashooyinka kale aan lasoo faagin. Buuggii yaraa ee ay Soomaalida ku wada joogtay waxaa haatan ku dhaqankiisa diidan madaxweyne Xasan Sheekh, dhamaan arrimahan oo lagu kabay musuqa ku baahay gudaha dowladda, xilalka lagu tixay dadka aan u qalmin iyo madaxweynihii oo dhinac iskaga riixay inuu dooddo ka galo caqabadahan muuqda, albaabadana kasoo xirtay saamileydii kale ee siyaasadda. Waxay ku siinayaan arrimahan in loo baahan karo inay Soomaalida dib ugu laabato shirar dib u heshiisiineed oo lagu qabto dalka dibaddiisa. Reer Puntland si weyn oo aan horey u dhicin 20-kii sano ee lasoo dhaafay ayay haatan uga miirmeen dowladda federaalka ah. Sidoo kale reer Koonfur Galbeed ayaa muujiyay masuug xoog leh oo ay ka qabaan dowladda federaalka. Dadka Gedo kasoo jeedana waxay tirsanayaan in dowladnimadii Soomaaliya lagu qadiyay. Somaliland waa kasii fogaatay halkii ay markii hore joogtay. Madaxweyne Xasan Sheekh ma ahan nin hadda ku mashquulsan wax ka qabashada caqabadahaas waaweyn, waxaana madaxweynaha ka badin la’yahay qancinta dhowrka qof ee ku hareeraysan. Hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay madasha PDRS waxa uu ugu baaqay madaxda dowladda federaalka inay wax ka beddelaan sida ay howsha ku wadaan oo aanay dalka iyo dadka markale ku qasbin in loo baahdo shirar dib u heshiisiin ah oo dalka dibaddiisa, sida magaalooyinka Carta iyo Mbagathi oo horey u marti-geliyay shirarka dib u heshiisiinta ee Soomaalida. Deni waxa uu intaas ku daray in haddii hab dhaqanka xukunka wax lag beddelo oo ay madaxda si miir leh u shaqeeyaan in laga baaqsan karo in loo baahdo shirar kale oo dib u heshiisiin ah oo lagu qabto dalka dibaddiisa. Hadalka Saciid Deni ayaa ah fikrad ay dooddeedu maalmahan dhex taallay dadka Soomaaliyeed, waxaana u sabab ah rejo beelka laga qaaday xukunka madaxweyne Xasan Sheekh. The post Soomaaliya ma waxaa loo laaban doona Carta iyo Mbagathi mise waa la miirsan? appeared first on Caasimada Online.
-
461181064_507981618872825_6338577221082855527_n Qaran News
-
Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa soo saartay amar ay uga digeyso muwaadiniinteeda inay u safraan Somaliland, xilli dhawaan ay Somaliland xirtay Maktabaddii Masaarida ee Hargeysa. Masar ayaa waxay ugu baaqday kuwa hadda ku sugan gudaha Somaliland inay uga baxaan sida ugu dhaqsiyaha badan, iyaga oo adeegsanaya garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa. Safaaraddda Masar ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in tallaabadan la qaaday, iyada oo la eegayo saamaynta nabad-gelyo la’aanta ay ku leedahay ammaankooda, xilli ay xiisadda labada dhinac kasii dartay kadib heshiiskii Muqdisho iyo Qaahira. “Xaaladda ammaan ee hadda jirta ayaa xadideysa awoodda howlihii qunsuliyadeed ee loo fidin lahaa Masaarida ku sugan Somaliland,” ayey tiri safaaradda Masar ee Soomaaliya. Sidoo kale waxay safaaradda ugu baaqday muwaadinteeda doonaya inay u kala gooshaan gobollada Soomaaliya inay si buuxda ugu hoggaansamaan habraacyada ay go’aamiyaan hay’adaha awoodda u leh ee dowladda Soomaaliya. Tallaabadan oo muujinaysa heerka ay gaartay xiisadda ka dhalatay heshiiskii 1-dii Janaayo ee sanadkaan ay Addis Ababa ku saxiixeen madaxweyne Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed, kaasi oo Itoobiya ogolaansho u siinaya qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya. Waxay sidoo kale kusoo aadeysa todobaad un kadib markii Somaliland ay albaabada isugu laabtay Maktabadda dhaqanka Masar ee Hargeysa, iyada oo shaqaalaha ka howl-galayey u qabtay inay Somaliland uga baxaan 72 saacadood gudahood. Somaliland ayaa ku eedeysay dowladda Masar inay kasoo horjeedo madax-banaanideeda, kadib markii ay Masar heshiis difaac la saxiixatay Soomaaliya oo haatan ay is-hayaan Itoobiya. The post MASAR oo soo saartay amar culus oo ka dhan ah Somaliland – Muxuu yahay? appeared first on Caasimada Online.
-
Britain ayaa sheegtay inay qorshaynayso cunaqabatayn cusub oo ka dhan ah dadka Israa’iil ee degan Daanta Galbeed ee dhulka Falastiin, ayadoo tilmaamtay in ay tallaabadaas qaadi doonto haddii sii socdaan xadgudubyada halkaas ka socdaahi. wasiirka arrimaha dibadda David Lammy ayaa sheegay Axaddii in dowladda Ingiriisku ay ka walaacsantahay falalka xadgudubyada ah ee ka socda Daanta Galbeed, isagoo intaas ku daray inay si dhow ula socan doonaan xaaladda deegaanadaas. Britain ayaa ku dhawaaqday in ay cunaqabatayn ku soo rogtay dadka Israa’iil deggan Daanta Galbeed bilihii February iyo May ee sanadkan, sababo la xariira waxa ay ku sheegtay kooxaha xagjirka ah ee gabood-fallada kula kacaya dadka reer Falastiin ee dhulkaas iska leh. David Lammy, oo noqday wasiirka arrimaha dibadda Ingiriiska bishii Luulyo ka dib markii uu ku guuleystay doorashadii Xisbiga shaqaalaha, ayaa tilmaamay in dowladda cusubi ay qaadi doonto tillaabooyin ay cunaqabatayn dheeraad ku saarayso Israa’iiliinta wada deegaamaynta sharci darrada ah iyo xadgudubyada ka dhanka muwaadiniinta Falastiin. Source: goobjoog.com
-
Safaaradda Masar ee Muqdisho ayaa uga digaysa dadka Masaarida ah inay u safraan Somaliland, waxaanay ugu baaqday muwaadiniinta halkaas ku sugan inay sida ugu dhaqsaha badan uga baxaan, iyadoo xustay in xaaladda ammaan ee mandaqada hadda ka jirta ay xaddidayso in wax kasta oo talooyin ah la siiyo dadka Masaarida ah ee jooga Somaliland Dawladda Somaliland ayaa laba todobaad ka hor xidhay Maktabadii ay masaaridu ku lahayd Somaliland sidoo kalena xiligaasi u qabatay dhamaan shaqaalaha ka hawl galaa in dalka isga baxaan mudo 72 saacadood gudahood. Colaada ka dhex qaraxday Somaliland iyo Masar ayaa salka ku haya isfahamka ay So.aliland la gaadhay dalka Itoobiya iyo sidoo kale dalka Masara oo aan dhex ka noqon arimaha siyaasada ee u dhaxeeya Somaliland iyo Somalia. Dalka Masar xidhiidhkii qarniyada badan soo jiray kama uu dhaxaynin Somalia iyo Masar ee waxa uu ahaa mid u dhaxayn jiray Masarar iyo Somaliland kaasi oo gaadhsiisnaa ilaa Faraaciintii. Qaran News
-
Hargaysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa weli si weyn ugu dhagan heshiiska Itoobiya ee 1-dii Janaayo ee sanadkaan ay qalinka ku duugeen madaxweyne Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed. Heshiiskan oo Itoobiya looha kireynayo dhul badeed dhan 20 km, ayey Somaliland uga beddelaneysa aqoonsi, xilli ay in ka badan 30 sano ku doodayso inay tahay dal ka madax-banaan jamhuuriyadda Soomaaliya. Heshiiskan ayaa waxaa si adag uga hortimid dowladda federaalka Soomaaliya, oo iyadu ku tilmaamtay mid xad-gudub ku ah qarannimadeeda, ayaa qaaday olole ay caalamka ku tuseyso gafka ay Itoobiya ku kacday, taas oo keentay in Itoobiya ay ku dhiiran weydo dhaqan-galinta heshiiskan. Haddaba, Maxay Somaliland ugu dhagan tahay heshiiskan ay ka horyimaadeen dowladda dhexe iyo caalamka? Madaxweynaha Somaliland Muuse Cabdi Cabdi oo wareysi gaar ah siiyay telefishanka Al-Carabiya ayaa sheegay in Somailand ay heshiiskan u daneynayso ama ay u dooneyso uu yahay inay hesho aqoonsi, taas oo ah arrin ay raadinayeen in ka badan soddon sano. Biixi waxa uu sheegay in Itoobiya ay dooneyso inay hesho marin badeed, halka Somaliland ay muhiim u tahay inay noqoto dal la aqoonsan yaahy, sidaasna ay ku heshiiyeen in dhinac kasta uu helo waxa uu doonayo. “Waxaan saxiixnay heshiis is-afgarad ah. Dowladdu (Somaliland) waxay mudnaan siineysaa sidii ay uga mira dhalin leheed danaheeda qaranimo iyo sidii ay u heli lahayd aqoonsi caalami ah. Itoobiya iyadu waxaa mudnaanta koowaad u leh sidii ay u heli leheed marin badeed,” ayuu yiri. Waxa uu intaas kusii daray “Kulan ayaan ka yeelanay, aan arrintaas uga wada hadalnay , sida aan sheegayna muhiimadeenu waxay tahay in la aqoonsado dowladdeena, diyaar ayaana u ahayn inaan siino marin badeed hadddii ay aqoonsadaan dowladnimadeena.” Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale waxa uu meesha ka saaray in bulshada reer Somaliland ay ku kala aragti duwan yihiin heshiiskan, xilli ay gudaha Somaliland ka dhaceen dibad-baxyo looga soo horjeedo tallaabadan maalmo un kadib saxiixa is-afgaradkan. “Bal eeg muwaadiniinta Somaliland, aqlabiyadda ugu badan waxay u hanqal taagayaan madax-banaanideenna. Ma jiraa xisbi weyn iyo siyaasi caan ah oo ka horyimid heshiiska is-afgaradka? Waxaan dhammaanteen isku raacsannahay in heshiiska is-afgaradku uu yahay mid dani ugu jirto dalkeenna.” The post Sababta ay Somaliland ugu dhagan tahay heshiiska Itoobiya xilli si adag looga horyimid appeared first on Caasimada Online.
-
Laamaha nabad-gelyada dowladda Soomaaliya oo isugu jira masuuliyiinta wasaaradda amniga, Taliyaasha ciidamada, iyo guddoonka maxkamadaha ciidamada qalabka sida ayaa shir degdeg ah ka yeeshay sidii loo xakamayn lahaa hubka sharci darrada ah ee dalka soo galaya, kaas oo halis ku ah xasilloonida. Shirka oo uu guddoominayey wasiirka Amniga xukuumadda Federaalka Soomaaliya senator Cabdullaahi Shiikh Cismaaciil Fartaag ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray dhaqan-gelinta qaraarro ay horay usoo saareen Golaha Wasiirrada oo mamnuucaya iibinta iyo faafinta hubka sharci darrada ah. Shirka waxaa sidoo kale looga hadlay sidii hay’adaha amniga loogu adkeyn lahaa in ay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo ka dhan ah kooxaha ka ganacsada hubka sharci darrada ah, kuwaas oo gacan ka geysanaya hurinta colaadaha qabiillada iyo taageeridda kooxaha argagixisada ah ee Khawaarijta . Wasiirka ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay kaalin weyn ka qaataan soo celinta hubka sharci darrada ah ee gacanta maleeshiyaadka ku jira, si loo hubiyo amniga guud ee dalka. Source: goobjoog.com
-
Agaasimaha Ciidanka PSF Maxamuud Cismaan Diyaano ayaa laga soo xigtay in maanta qoyskiisa lagu rasaaseeyay magaalada Boosaaso. Telefishinka SBC ayaa ka soo xigtay agaasimaha Ciidanka PSF Maxamuud Cismaan Diyaano in maanta Boosaaso lagu rasaaseeyay baabuur land cruiser ah oo isagu lee yahay islamarkaana ay la socdeen qoyskiisa. Agaasime Maxamuud Cismaan ayaa sidoo kale laga xigtay in qoyskiisa baabuurka la rasaaseeyay saarnaa ay ka soo laabteen xagaa-bax balse ma sheegin khasaare ka dhashay rasaastaasi. Sidoo kale waxa la sheegay in agaasimuhu aanu faahfaahin ka bixin sida wax u dhaceen islamarkaana ma jirto cid kale oo ka hadashay jiritaanka dhacdadaasi. PUNTLAND POST The post Agaasimaha Ciidanka gaarka ah ee PSF oo sheegay in maanta Boosaaso lagu weeraray qoyskiisa appeared first on Puntland Post.
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Gaari uu lahaa agaasimaha ciidanka PSF General Maxamuud Cismaan ayaa lagu rasaaseeyay gudaha magaalada Boosaaso, sida uu xaqiijiyay agaasimaha. General Maxamuud oo la hadlay telefishanka SBC ayaa sheegay in gaariga la rasaaseeyay uu ahaa Land Cruiser ah ama loo yaqaano Layla Calaawi, xilli uu marayay magaalada. Xilliga la rasaaseeyay gaariga waxaa saarna qoyska agaasimaha, oo uu sheegay in markaas ay kasoo laabteen safar xaggaa bax ah. Agaasimaha PSF ma faah-faahin khasaaraha iyo sida ay dhacdadu u dhacday, wixii kasoo kordha dhacdadana waxaa idinkula wadaagi doona wararkayaga dambe Insha Allah. Dhacdadan ayaa imaneysa xilli ay magaalada Boosaaso ka taagan tahay xiisad xooggan oo u dhaxeysa hoggaanka ciidanka PSF iyo xukuumadda madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni. Dhawaan ayey aheyd markii ay xiisadda PSF iyo maamulka ay horseeday inuu maalmo xirmo garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso, kadib markii ay PSF u digtay diyaaradaha adeegsada garoonka. Inkasta oo shaqadii garoonka ay sidii caadiga aheyd kusoo laabatay, haddana waxaa magaalada Boosaaso ka taagan xiisadda u dhaxeysa hoggaanka ciidanka PSF iyo xukuumadda Saciid Deni, taas oo haatan mareysa meel xasaasi ah. The post Gaariga agaasimaha ciidanka PSF oo la rasaaseeyay iyo cidda saarneyd (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
-
461006649_1247796192881845_1299452565718568525_n Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee amniga gobolka Gedo, Cali Xaashi oo aad ugu dhow kooxda Nabad iyo Nolol ayaa bixiyay xog xasaasi ah oo ku aadan kala tega siyaasadeed ee madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Fahad Yaasiin. Cali Xaashi oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Somali Cable ayaa sheegay in kala tegga Farmaajo iyo Fahad uusan ku ekeen labadooda oo kaliya, isla markaana ay jiraan saaxibo aad ugu dhowaan Fahad oo la go’ay, kuwaas oo ka baxay xisbiga Nabad iyo Nolol. “Farmaajo iyo Fahad waxay ahaayeen laba nin oo odayaal ah oo soo wada shaqeeyay dhib ha’isku qabeenee ama dheef hadda waa kala tageen, labadooda oo kaliya xittaa ma kala go’in oo Fahad waxaa la go’ay kooxdiisii isaga saaxibada la’ahaa” ayuu yiri Cali Xaashi. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Nabad iyo nolol weli waa taagan tahay waxaa kaliya oo ka baxay Fahad Yaasiin, waana sii shaqeyneysaa”. Taliyihii hore ee amniga gobolka Gedo, Cali Xaashi oo sii hadlayay ayaa sharraxaad ka bixiyay sababta ay ku kala tegeen labada nin, wuxuuna ku macneeyay rabitaan fara badan oo ka yimid dhinacaFahad Yaasiin Xaaji Daahir, kadibna uu ku qanci waayay Farmaajo. “Waxa lagu kala tegay waa rabitaanka saa’idka ah ee Fahad waxaa loo baahday in Refresh-ment fiican in lagu sameeyo xisbiya, si loo helo inay mar labaad tartamaan, taasina waxaa ka hortimid rabitaan oo uu leeyahay Fahad” ayuu sii raaciyay. Dhinaca kale wuxuu ka hadlay cidda faa’iido ku qabta kala taggooda Farmaajo iyo Fahad, wuxuuna sheegay in ninka faa’iidayo uu yahay madaxweynihii hore ee dalka. “Aniga waxaan aaminsanahay inuu faa’iido qabo Farmaajo, sababtoo ah waa madaxweyne Soomaaliyeed oo akhyaar ah, kuna fiican dowladnimada, waxaana faa’iido ugu jirtaa inuu ka haro Fahad” ayuu mar kale wareysiga yiri Cali Xaashi taliyihii hre ee gobolka Gedo. The post Yaa faa’iido ku qabo kala taga Fahad iyo Farmaajo? + Video appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday xayiraad dhanka socdaalka ah oo ay horay ugu soo rogtay xildhibaannada kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed kuwaas oo horay qaarkood loogu celiyay garoonka Muqdisho. Xayiraadda la qaaday kadib ayaa waxaa suuragashay in xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ay gaaraan magaalada Baydhaba, ayada oo arrintan ay qayb ka tahay fulinta heshiiska ay gaareen maamulka Laftagareen iyo iyo Villa Soomaaliya. Xildhibaannada tegay Baydhaba waxaa kamid ah Sareedo Maxamed Cabdulle oo maalin kahor lagu celiyay Muqdisho, ayada oo laga reebay diyaarad ku socotay Baydhaba. Sareedo iyo wafdi uu hoggaamineyso ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka Shaati Gaduud, iyada oo kadib loo galbiyay madaxtooyada oo ay kula kulmi doonto madaxda sare ee maamulka Koonfur Galbeed oo uu ugu horreeyo Cabdicasiis Laftagareen. Arrintan waxay kusoo aadeysa, ayada oo haatan ay yare qabowday xiisadda u dhexeysa dowladda dhexe iyo Koonfur Galbeed, kadib dadaallo dheeraad iyo dhex-dhexaadin la sameeyay, si la’isugu soo dhaweeyo Laftagareen iyo Villa Soomaaliya oo kala fogaaday. Labada dhinac ayaa isku afgartay dhowr qodob oo hordhac u noqonaya heshiis lagu soo afjarayo xiisadda madaxweyne Xasan iyo Lafta-gareen, waxaana dadalaadaas hormuud u noqday taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya, Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub). Waxaa sidoo kale heshiiskaas qayb ka ahaa in duullimaadyada iyo isu socodka Koonfur Galbeed gudaheeda iyo Muqdisho sidoodii caadiga ahaa ay ahaadaan oo aan marnaba la carqaladayn, taas oo maanta dhaqan-gashay. Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda ka cararaya inuu ku furmo albaabka doorasho dadban ayaa dadaal badan ku bixinaya sidii uu Cabdicasiis Lafta-gareen u imaan lahaa magaalada Muqdisho, si xiisadda taagan uga gaaro xal dhabaha u xaari kara inuu meel marsado shuruucda qabyada ka ah ee doorashada qof iyo cod ah. The post DF oo fulisay heshiiskii laga gaaray xiisadda K/Galbeed – Maxaa dhacay maanta? appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ugu ambabaxay magaalada Dubai ee caasimadda dalka isutagga Imaaradka Carabta. Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa la kulmi doona dhiggiisa Guddoomiyaha Golaha Midnimada Qaran ee Dowladda isutagga Imaaraadka carabta oo uu casuumaad rasmi ah ka helay, iyagoo ka wada hadli doona xoojinta iyo iskaashiga xiriirka labada Baarlamaan, gaar ahaan dhinacyada khibrad wadaagga, waayo aragnimada iyo horumarinta. Guddoomiyaha oo booqasho labo maalmood ah ku joogi doona Imaaraadka Carabta, ayaa waxaa safarkiisa ku weheliya xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ku metela Baarlamaanka wadamada Carabta. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu eedeeyay inuu qaaday waddadii uu horay maray madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo, taas oo ah la weeraro siyaasiyiinta iyo in laga hor istaago madaxdii, siyaasiyiinta iyo xildhibaanada safarada gudaha ee ay galayaan. Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ay hayso raadka dowladda hore, wuxuuna sheegay in uu dhammaaday waqtigii la’isku dulmin jiray magaca dowladda. “Haddii dowladdii hore wax xun sameysay hadda la hayaa raadkeeda in wixii xumaa ee la koobiyeeeyo” ayuu wareysiga ku yiri Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar. Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in dowladda dhexe ay xoogga saarto sidii ay dadka isugu soo dhaweyn laheydm iyada oo la sameynayo dib u heshiisiin laga soo bilaabayo gobollada. “Waxaan soo jeedinaa in wax laga barto wixii xumaa ee ahaa in madaxda lagu duullo, guribaa u dhacayaa qofbaan dilayaa qoray ayaa xoog ku qaadayaa maanta waqtigeeda maaha, waa inaan ka hadalnaa sidee ku heshiinaa? ayuu mar kale yiri xildhibaanku. Khaliif Cabdi Cumar ayaa intaasi ku daray in xaaladda dalka kaliya looga gudbi karo in laga shaqeeyo danta guud ee qaranka, si la’isaga kaashado horumarka dalka. “Horta wax walba waxay noqonayaan qabiil, haddii la rabo in dowladnimo la’isku adeegsado, sidaas darteed cid cid ku duuli karto ma jirto, marka laga reebo danta guud ee dalka aan ka wada shaqeyno” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada maalmihii lasoo dhaafay dowladda dhexe ay xayiraad saartay xildhibaanno kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo kusii jeeday magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, sababo la xiriira khilaafka u dhexe Villa Soomaaliia iyo Lafgareen. The post Xasan oo qaaday waddadii Farmaajo – Muxuu sameeyay? appeared first on Caasimada Online.