-
Content Count
214,385 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wararka aan ka helayno gobolka Gedo ayaa ku soo waramaya in saraakiil ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadaan degmooyin ka tirsan gobolka Gedo oo dhawaan dowladda federaalka ay geysay ciidamo boolis ah. Wariyaha Goobjoog News ee gobalka Gedo ayaa soo sheegaya in ciidamo ka tirsan Jubbaland oo markii hore ku sugnaa qeybo ka mid ah degmada Ceelwaaq ay maanta soo gaareen duleedka degmada Beladxaawo halkaasi oo ay isku hor fadhiyaan ciidamada uu hoggaaminayo wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan iyo kuwa ay dowladdu halkaasi geysay oo iyagu sugan gudaha magaaladaasi. Saraakiil u hadlay Jubbaland waxa ay ka digeen in xilligan uu dagaal gobalka Gedo ku dhexmaro ciidamo huwan magaca Soomaaliyeed, waxa ayna shegeen in ay aad uga xunyihiin in ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ay difaac isugu jiraan. Dhanka kale saraakiishaan ayaa waxa ay ka dhawaajiyeen in ay qaadi doonaan howlgallo kala duwan waxa ayna xuseen in ay iska difaaci doonaan haddii uu weerar uga yimaado dhinaca dolwladda federaalka Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay ciidamo geysay inta ugu badan gobalka Gedo, waxa ayna sheegtay in ciidamadaasi ay uga ogonleedahay xaqiijinta amniga deegaanada gobolkaasi, inkastoo cidamada ay dowladdu goblkaasi geysay laga bixiyay fasiraado kala duwan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Inta aanan u gudbin ujeedada qoraalkayga waxa aan xasuusinayaa akhristayaasha taariikhda Somaliland iyo Somalia oo dul ka xaadis ah. Somaliland waxa ay ahayd mid 28 sanadood ku hawlanayd qaran dawladnimadii uu kula bahoobay Italian Somalia , 1 July 1960 kii ee ay ku midoobeen Jamhuriyadii Somalia , halgan ugu jirtay in ay u raadiso in aduunyadu aqoonsato la soo noqoshada madax banaanideeda qaranimo. Haddaba waxa mudadaa dheer xukuumadihii kala dambeeyey dedaal ugu jireen in ay aduunku Somaliland u aqoonsado qaran ka mid ah qaramada aduunka , iyada oo asbaabaha ay Somaliland ku doodeyso ay yihiin qaar wada xoogan isla markaana ay buuxisay shuruudihii dawladnimo oo dhan. Waxa hawshan Somaliland waday caqabad ku ahaa mudadaa dheer in cidii ay la bahowday aanay dawladnimo iyo kala dambayn midna haysan si loo wada hadlo , waxaana aduunku tacab badan galiyey in Somalia la nabadeeyo dawladana loo dhiso , inkasta oo aanay ilaa maanta ka dhisnayn dawlad la odhan karo waa mid cago ku taagan oo iyadu wax maamusha. Somaliland iyadaa dhisatey dawladnimada ma jirto cid wax ku bixisay oo aduunka ahi , waxa ay maamushaa guud ahaan dhulkeeda , badeeda iyo hawadeeda , waxa ay leedahay dastuur , axsaab siyaasadeed , ciidamo , shaqaale , iyo nidaamka dimuqaradiga ah ee axsaabta badan , waxaana Somaliland 28 kaa sanadood soo maray 5 madaxwayne oo sadex ka mid ah codka shacabka ku soo baxeen. Haddaba Somaliland Maxaa faaiido ah ee ugu jira safarka uu Madaxwayne Biixi dalka Ethiopia ku tagey ? Waxa muuqata in Madaxwaynaha Somaliland casuumad dawladeed uu ku tagey marka aad eegto hab maamuuska loo qaabiley iyo qaabkii loo soo dhaweeyey. Marka laga tago ujeedooyinka aan ilaa hadda la ogeyn ee madaxwayne Biixi ku tagey dalka Ethiopia , haddana waxa aan faaqidi karnaa fursadaha ugu jira safarkan qaranka Jamhuriyada Somaliland. 1- Dalka Ethiopia waxa ka socda shir madaxeedkii 33naad ee midowga Africa oo Madaxwayne yaasha qaarada Africa oo dhami ay halkaa ku sugan yihiin , Somaliland na ay fursad u heli karto in ay hadii aanay shirka qayb galin ay madaxda isugu timid kulan doceedyo qadiyadeeda ku gaarhsiin karto. 2- Dalka Ethiopia waxa ku sugan oo shirkaa u yimid madax badan oo aduunyada kale ka kala socoto , iyo madaxda ururada caalamiga ah ee aduunka oo iyaduna fursad u ah in Somaliland ay kulano la yeelato daneheega iyo arimaheegana kula socodsiiso . 3- Dalka Ethiopia waxa lagula kala wareegay hogaamintii sanadlaha ahayd ee midowga Africa oo laga wareejiyey Madaxwaynaha dalka Masar Cabdulcadiis Alsiisi , waxaana la wareegay madaxwaynaha koonfur Africa Mr Ramaphosa oo ah dal ka duwan masar , isla markaana dar dar iyo waji cusub oo Africa wax badan lagaga qabto horseedi kara , Somaliland na qadiyadeeda ka iibin karto. 4- Dalka Ethiopia shirkii uga socday midowga Africa waxa sanadkan hal ku dhig u ahaa in la Aamusiiyo qoriga , oo macnaheedu tahay dhamaynta iyo soo afjarida colaadaha , Geeska Africa oo ay Somaliland ka mid tahay wadamada ugu nabdoona ay tahay waa ay ka qayb qaadan kartaa ololahaa soo afjarida colaadaha iyo Aamusiinta qoryaha. 5- Shirka Midowga Afrika ee dalka Ethiopia wadamada lagu soo qaaday in colaadaha ka jira la xaliyo waxa ka mid ah South Sudan iyo Libya oo marka loo dhabo galo dawladnimada koonfurta Sudan heshay in ay ka mudnayd in Somaliland la siiyo ay ahayd oo taariikh ahaan , qadiyad ahaan , sharci ahaan iyo buuxinta shuruudaha dawladnimoba kaga haboonayd , taasi oo sababi karta in la isla soo qaado ka midho dhalinta arimaha #Somaliland iyo #Somalia ee jiitamaya 28 ka sanadood , oo aduunku Somaliland cagta ku hayey si ay Somalia u soo kacdo . 6- Ka midho dhalinta isbadelkii siyaasadeed ee Geeska Africa oo laftiisuna aanu midho dhalayn ilaa qadiyada Somaliland iyo Somalia dhex taalla xal loo helo si Somaliland u noqoto dawladaha ka hawlgalaya mushkilada Somalia dhex taalla maadaama iyadu dhaqan ahaan , dad ahaan iyo dawlad ahaan noqonayso ta ugu dhow ee wax la qaban karta Somalia. 7- Arimaha ka dhexeeya Afrika waxa iska leh midowga Afrika oo loo daba fadhiisanayaa , Somaliland waxa ay dardar galin iyo kalsooni siin kartaa in midowga Afrika dhex galo Arimaha Somaliland iyo Somalia , waxaana ay u sharixi kartaa qadiyadeeda gudiyada joogtada ah ee midowga Africa ee xaruntoodu tahay dalka Ethiopia. 8- Urur goboleedka IGAD waxa isagana xoghaye ka ah wasiirkii arimaha dibada ee dalka Ethiopia , oo dhawaan la wareegay , Somaliland waxa ay u tahay fursad maadaama uu yahay shaqsi Geeska Africa arimaha ka socda aad ugu xog-ogaal ah isla markaana qadiyada Somaliland gayn kara urur goboleedka IGAD. 9- Somaliland waxa ay dawladaha midowga Afrika iyo kuwa aduunkaba ee madaxdoodu ku sugan tahay caasimada dalka Ethiopia ee Adis-Ababa la sameysan kartaa xidhiidho ganacsi , iskaashi iyo maalgashi xataa hadii aanay helin xidhiidho diblomasiyadeed maadaama oo ay ku taallo meel aad u muhiim ah oo aduunka oo dhami u baahan yahay. 10- Iyo ta ugu dambaysa oo ah in Adis-Ababa ay kuwada sugan yihiin Madaxwaynaha Somaliland iyo Madaxwaynaha Somalia oo 3 sanadood ee ugu dambaysay dagaalo diblomaasiyadeed iyo qaar colaado Somalia dabada ka riixaysaa ka dhex jireen in aduunku iyo midowga Africa dhex-dhexaadiyaan oo inta Somaliland iyo Somalia dhinac u kala dhacayaan la yidhaahdo aduunku si isku mid ah ayuu idiin la macaamilayaa labadiinaba oo khilaafkii warbaahinta, diblomaasiyada iyo colaadaha hoose lahaa halkaa lagu soo afjaro. Intani waa inaha la saadaalin karo in safarka madaxwaynaha Somaliland guul u keeni karo Somaliland marka aynaan ogeyn waxa inaga qarsoon iyo ujeedada safarka . Muhamed Dhimbiil Source
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Iyadoo weli xiisad xoogan ay ka taagan tahay degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa waxaa arrintaasi si adag uga hadashay dowlad goboleedka Jubbaland oo ay haatan si weyn isku hayaan dowladda federaalka. Korneyl Cabaas Ibraahim Gurey oo ka mid ah saraakiisha maamulkaasi oo la hadlay warbaahinta ayaa ka digay in dagaal u dhexeeya labada ciidan uu ka dhaco halkaasi. Sidoo kale sarkaalkaan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in ciidamadii laga dagaalami lahaa dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ay dhufeyso isu jiraan, halkii laga rabay inay cadowga ka difaacaan guud ahaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Gurey ayaa carabka ku dhuftay in la’isku hayo arrimo siyaasadeed, islamarkaana uu rajeynayo in laga gudbi doono, si wadajir loogu wajaho dagaalka Al-Shabaab. “Waxaa wax laga xumàado ay tahay in Ciidankii Al-Shabaab la dagaali lahaa ay dhufays isugu jiraan,taasina waxaa sabab teeda ay tahay arrimo la xiriira siyaasad,waxaana rajeynayaa in laga bixi doono si cadawga loo wajaho ayuu yiri.” Korneyl Cabaas Gurey. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay ciidanka daraawiishta Jubbaland iyo kuwa dowladda looga baahan yahay inay iskaashadaan, si gobolka looga saaro Al-Shabaab. Korneyl Cabaas Ibraahim Gureey oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee dowlad goboleedka Jubbaland iyo ciidamo bada oo uu wato ayaa shalay gaaray duleedka magaalada Beled-Xaawo oo haatan laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo milatari oo iska soo horjeeda. Xiisada ayaa sii xoogeysatay, kadib markii ciidamada dowladda ee dhowaan la geeyey Gedo ay la wareegeen degmooyinka Doolow iyo Beled-Xaawo ee gobolkaasi.
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa jawaab adag ka bixiyey hadalkii ka soo yeedhay Guddoomiyaha Golaha Guuritda Saleebaan Maxamuud Aadan, ee uu fariinta ugu diray Xisbiyada Mucaaradka, waxaanu xusay in aanu isagu ahayn Afhayeenkii Qaranka, awood uu ku amrana aanu lahayn. Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Madaxweynaha ugu baaqay inuu ilalaiyo karamada iyo sharafta Somaliland, waxaanu ugu horeyn yidhi “Xisbiyada Mucaaradku hore ayey mawqifkooda ugu hadleen, una soo bandhigeen in aanay rabin in Komishankani aanu doorasho u qaban karin, waxaa se wax aad loola yaabo ah qaabka uu u hadlay Guddoomiyaha Golaha Guurtidu Saleebaan Maxamuud Aadan, laakiin Guddoomiyaha Guurtida waxaan leeyahay ma tihid Afhayeenkii Qaranka, Xisbiyada Mucaaradkuna kuma ah Arday aad macalin u tahay oo fasal kugu jira, amarkaaagana qaadanaya, ee adigu waxaad Guddoomiye u tahay oo aad magacooda ku hadki kartaa Golaha aad Guddoomiyaha ka tahay ee Guurtida, ee anigoo Qabile ah iyo adigoo ah Guddoomiyihii Guurtida fikirkeena ayeynu ku hadli karnaa, tallooyina weynu soo jeedin karnaa, laakiin amarka iyo go’aan ma siin karno Xisbiyada Qaranka, laakiin Guddoomiye qaabka aad u hadashay maaha qaab loo baahan yahay, Xisbiyada Mucaaradkana qasab doorashooyin looguma qaban karo, oo hadda Komishankan kuma leh xubno, madaama xubintiI UCID-na is casilay, xubintii Waddani-na horeba waa tii looga saaray iyadoo aan la ansixin, ee Guddoomiyaha Guurtidu inuu dhex u noqdo XIsbiyada iyo Xukuumadda ayaa haboon”. Mar uu Madaxweynaha tallooyin u diraayey ayuu yidhi “Madaxweynaha Qaranka astaantii iyo sharaftii umadda ayuu huwan yahay, haddii uu wax saxo danta umadda ayaa ku jirta, haddii wax u khaldana umadda ayey waxyeelo ku tahay, sidaas awgeed waxaan leeyahay Madaxweynaha Madaxweyne karaamada, sharafta iyo astaanka qaranka ee aad huwan tahay ilaali, oo kalsoonida umadda ha lumin, oo Dimuqraadiyada Somaliland-na cidhiidhi ha galin,, ee balanqaadkii aad u sameeysay Beesha Caalamka fuli, oo Madaxweyne ha noqon Madaxweynihii ugu horeeyey Somaliland ee Dimuqraadiyada cidhiidhi galiya, iyo xoriyatul qawalka meesha ka saara, kalsoonida umaddana lumiya, ee Somaliland maanta badbaado ayey u baahan tahay, ee Madaxweyne horseed ha noqon inaad gaadhsiiso meel aan laga soo qaban karin,ee si ay dalka uga qabsoomaan Doorashooyin lagu wada kalsoon yahay, waad inaad sameeysa waxaa raalida laga wada yahay, balse Madaxweyne haddii ay umaddii aamusan tahay, ha moodin in farxad la aamusan yiihin, oo loo bo bogay Xukuumaddada, balse waxaa dhab ah inay yaaban yihiin” Source
-
(SLT-Pakistan)-Dowladda Pakistan iyo Iiraan ayaa ku heshiiyay dadaalo farsamo oo la xidhiidha horumarinta ganacsi ee u dhaxeysa labada Waddan. Labada dal oo ood-wadaag ayaa uga gol leh arrintaan, sidii looga takhalusi lahaa ganacsiga sharci-darrada ee liddiga ku ah dhaqaalaha. Budhcad ka shaqeysata Gas-ka sharci darrada ah oo u dhashay Iiraan ayaa la aaminsan yahay in qiimo jaban ay ku geeyaan dalka Pakistan. Arrintaan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah muwaadiniin u dhashay labada dhinac, waxaana arintaan cabasho xooggan muujiyay xukuumadaha Tehraan iyo Islamabad. Si kastaba ha ahaatee heshiisyada labada dal ay gaadheen ayaa sare u qaadi doona waaxyaha Canshuurta ee ku sugan xadka Pakistan iyo Iiraan. Source
-
Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa oo ku sugan magaalada Kampala ee caasimadda waddanka Uganda, ayaa booqday Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi. Qoraal ka soo baxay Xafiiskiisa, ayaa lagu sheegay in Wasiirka uu halkaasi ku soo dhaweeyay Ku-simaha safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda Cali Maxamed Cagabaruur. Wasiirka ayaa magaalada Kampala kaga qeybgalaya shirka heer wasiir ee Golaha 47-aad ee Xarunta Maamulka Shaqaalaha Gobolka Afrika (ARLAC) kaasoo loogu talagalay wasiirada mas’uulka ka ah shaqada ee waddamada Afrika. Wasiir Sadiiq Warfaa ayaa shirka Golaha 47-aad ee ARLAC ka jeedin doona khudbad dhinacyo badan taabaneysa oo ku saabsan arrimaha shaqaalaha iyo horumarada ay Wasaaradiisu ka gaartay. PUNTLAND POST The post Wasiir Sadiiq Warfaa oo ka qeyb-galaya Shir weynaha ARLAC appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Mareykanka oo qeyb ka ah dalalka la dagaalama Al-Shabaab ayaa haatan sare u sii qaadaya dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Dowladda dalkaasi ayaa shaacisay inay Kenya u soo direyso saraakiil sare sare oo ay sheegtay inay Kenya ka caawin doonaan, sida ay uga hortagi laheyd weerarada Al-Shabaab. Saraakiisha uu Kenya u soo dirayo Mareykanka oo aan la shaacin tiradooda ayaa ka tirsan ha’yadda dambi baarista dalkaasi ee loo soo gaabiyo FBI-da. Sidoo kale dolwadda Mareykanka ayaa tilmaamtay in saraakiisha ay soo direyso ciidamada Kenya, gaar ahaa kuwa la dagaalama argagixisada ay ka taageeri doonaan dhinacyada tababarada iyo sidoo kale sare u qaadida baaritaanada ay sameeyaan. Kenya ayaa sidoo kale ku dhowaad 50 sarkaal oo ka tirsan ciidankeeda u dirtay dalka Mareykanka, kuwaas oo tababar muhiim ah ku soo qaadanaya Machadka tababarada hay’adda FBI-da ooo ku yaalla gobolka Varginia ee dalkaasi, kaas oo soconaya sadex bil. Mareykanka ayaa saldhig ciidan ku leh gudaha Kenya, kaas oo dhowaan ay weerar khasaare badan geystay ku qaadeen dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-Shabaab. Hadalkaan ayaa ka soo yeeray dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay ay kordheen weerarada Al-Shabaab ee dalka Kenya.
-
Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in saraakiil sar sare oo ka tirsan ha’yadda dambi baarista dalkaasi ee FBI-da ay u soo diri doonto dalka Kenya, si ay uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah dagaalayahannada Xarakada Al-Shabaab. Mareykanka ayaa sheegay in saraakiisha ka tirsan ha’yadda FBI-da dalkaasi ay laamaha ammaanka ee Kenya ka caawin doonaan dhinacyada tababarada iyo sare u qaadida baaritaanada ay sameeyaan. Kenya ayaa 42 sarkaal oo ka tirsan Booliiskeeda u dirtay dalka Mareykanka, waxayna tababar dhinacyo badan quseeya ay ku qaadan doonaan Machadka tababarada FBI-da ee ku yaalla gobolka Varginia, kaas oo socon doonaa muddo ku siman saddex bilood. George Kinoti oo ah agaasimaha laanta dambi baarista dalka Kenya oo hogaaminayey saraakiisha tababarka qaadaneysa ayaa sheegay in la bari doono xirfado cusub oo ku aadan sare u qaadida tayadooda baaritaan iyo sidii ay u maareyn lahaayeen xogaha xasaasiga ah ee ay helaan. Si kastaba ha’ahaatee dowaldaha Kenya iyo Mareykanka ayaa qeyb ka ah dagaalka adaga ee lagula jiro dagaalyahannada Al-Shabaab. View the full article
-
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ay xalay ciidamada dowladda ka sameeyeen qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Howlgallada ayaa si gaar ah looga fuliyey Carwadii hore ee Qaranka, iyadoona lagu soo qab qabtay tiro dad ah. Dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay in inta badan dadkii la qabtay oo dhalinyaro u badnaa la sii daayey, kadib markii la marsiiyey baaritaano dheeraad ah. U jeedka howlgalladaan ayaa saraakiisha amniga waxa ay ku sheegeen in lagu xaqiijinayey amniga degmadaasi. Habeen ka hor ayey aheyd markii wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa guddoomiye waaxeedyada Hodan lagu dilay gudaha degmadaasi ee magaalada Muqdisho. View the full article
-
Shirweynaha arrimaha garsoorka dalka ayaa lagu wadaa inuu maanta ka furmo gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Shirkaan oo ah ah mid sanadle ah ayaa waxaa ka qeyb galaya masa’uuliyiin ka tirsan dowladda dhexe, xubno ka socda maamullada dalka iyo marti sharaf kale. Intiisa badan waxaa shirka looga hadlayaa caqabadaha garsoorka, hufnaanta cadaaladda iyo waxyaabihii ka qabsoomay ballanqaadyadii la sameeyey sanadkii hore. Shirka ayaa sanadkaan ku soo aadaya, iyadoo ay weli caqabado ka jiraan garsoorka, gaar ahaan dhanka maxkamadaha, iyadoo ay jiraan dad badan oo tirsanaya cadaalad darro. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saacadaha soo socdala filayaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shirweyne u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka, kaas oo looga hadlayo arrimaha garsoorka iyo cadaalada dalka. Shirkaan oo ah mid sanadle ah ayaa waxaa soo qaban qaabisay xukuumadda Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda cadaalada, kaas oo la qabanayo sanadkii 2-aad. Sidoo kale waxaa shirka ka qeyb galaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dhexe, xubno ka socda maamul goboleedyada dalka iyo marti sharaf kale. Arrimaha laga wada hadlayo waxaa ka mid ah caqabadaha ka jira garsoorka, hufnaanta cadaaladda iyo waxyaabihii ka qabsoomay ballan qaadyadii hore. Waxa kale oo shirka arrimaha garsoorka looga hadli doonaa hiigsiga sanadka soo socda ee 2121-ka iyo waxa ay tahay in la qabto, si loo hormariyo cadaalada dalka. Ma cadda in shirkaani ay ka qeyb gali doonaan maamullada Puntland iyo Jubbaland oo uu haatan khilaaf xoog leh kala dhexeeyo madaxda dowladda Soomaaliya. Shirweynahaan oo sanad kiiba mar la qabto ayaa 2020-ka ku soo aadaya, iyadoo ay weli caqabado badan ay ka jiraan dhanka garsoorka , gaar ahaan maxkamadaha dalka.
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Subax-120220.mp3 View the full article
-
Mudanayaasha Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah Aqrinta labaad marinaya hindise sharciyeedka jaangoynta dalka oo ay u gudbisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya. Fariin loo diray Mudanayaasha Golaha waxaa lagu sheegay in fadhigooda maanta uu yahay Aqrinta labaad ee Hindise sharciyeedkaan oo horyaalla Aqalka sare kadib markii ay meel-mariyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka. Senatarada waxaa hortagaya Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Cali Xasan iyo Guddiga Aqalka sare u qaabilsan Ganacsiga. PUNTLAND POST The post Aqalka Sare oo maanta ka doodaya hindise sharciyeedka jaangoynta dalka appeared first on Puntland Post.
-
Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan, madaxweynaha Galmudug ee garabka Ahlu Sunna ayaa weli waxaa uu kulamo ka wadaa Magaalada Dhuusamareeb. Sheikh Maxamed Shaakir ayaa xalay Xafiiskiisa Magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay dhalinyarada Magaalada Guriceel, oo ay ku jiraan bahda cayaaraha. Sidoo kale waxaa kulanka ka soo muuqday abwaano iyo ganacsato reer Guriceel ah. Dadka uu la kulmay Sheikh Maxamed Shaakir oo ka soo safray Magaalada Guriceel ayaa ugu yimid, sida qoraal ka soo baxay xafiiskiisa lagu sheegay inay ugu hambalyeeyaan xilka loo doortay. Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay inay dadkaasi soo gaarsiiyeen Madaxweynaha salaan, ay uga sideen shacabka ku dhaqan Magaalada Guriceel. Guriceel waa Xaruntii Ahlu Sunna, ka hor intii aanay ku biirin Galmudug, dhawr sano horteed. Waxaa qoraalka lagu muujiyay in Sheikh Maxamed Shaakir uu si diiran kaga guddoomay dadkaasi soo dhawayntii ay ugu yimaadeen iyo salaantii ay uga sideen dadweynaha degan Xarunta Ganacsiga Gobolka Galgaduud ee Guriceel. PUNTLAND POST The post Sheikh Shaakir oo weli kulamo ka wada magaalada Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa Maanta oo Arbaco ah lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu si rasmi ah uga furmo Shir Sanadeedka Garsoorka dalka, kaasi oo sanadkii xiligaan oo kale la qabto. Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Wasiiro, Xildhibaano, Xeer Ilaaliyaha Guud, Hantidhowraha Guud ee Qaranka, Culimaa’udiin iyo Wakiillo ka socda Maxkamadaha dowlad goboleedyada dalka ka jira. Inta uu socdo shirweynaha Maanta furmaya ayaa waxaa looga hadli doonaa Arrimo badan oo la xiriira dhanka Garsoorka dalka, Cadaadalada iyo qodobo kale oo Madaxda u qorsheysan. Sidoo kale Shirka ayaa waxaa Khudbado ay jeedin doona Mas’uuliyiinta kala duwan ee ka qeyb galeysa, waxaana Shirkaas la filayaa in saacadaha soo socda uu si rasmi ah u furmo. PUNTLAND POST The post Shirweynaha Garsoorka dalka Oo Maanta Ka Furmaya Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa kula kulmay agaasimaha Guud ee Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan waxbarashada, dhaqanka iyo Seyniska, Audrey Azoulay oo booqasho ku timid magaalada Muqdisho. Kadib kulanka oo looga hadlay horumarinta wada shaqeynta Soomaaliya iyo UNESCO, ayaa wasiirka waxbarashada, Cabdullaahi Goodax Barre oo qayb ka ahaa shirka iyo Audrey Azoulay waxay kala saxiixdeen heshiis Soomaaliya iyo UNESCO isaga kaashanayaan hurumarinta waxbarashada ayadoo la adeegsanayo tiknoolajiyada casriga eh. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada ayaa munaasabadda saxiixa heshiiska ka sheegay in Soomaaliya ay aaminsantahay in dhaqanku qeyb ka yahay sooyaalka bulshada iyo jiritaankeeda, islamarkaana muhiim u yahay horumarka iyo hiigsiga mustaqbalka isaga oo intaa raaciyay in Soomaaliya u taagantahay xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta kala dhexeeya UNESCO. Soomaaliya ayaa UNESCO xubin ka aheyd laga soo billaabo 1960kii. Wasiirka ayaa intaasi ku daray in ku biiridda Soomaliya ee cahdiyada UNESCO ee 1972 iyo 2003 waxey horseed u noqon doonaan in la dhowro goobaha taariikhiga ah, dib loo nooleeyo hiddo-dhaqameedka, laguna daro Diiwaanka caalamiga ah ee goobaha taariikhiga ah ee caalamka. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xafiiskiisa Kula Kulmay agaasimaha Guud ee UNESCO appeared first on Puntland Post.
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay wada-hadal hoose kula jirto Axmed Ducaalle Xaaf, oo weli ku adkaysanaya inuu yahay madaxweynaha Galmudug. Wada-hadalladan oo soo socday dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ayaa la sheegay in ay meel-wanaagsan marayaan, islamarkaana ay suurtagal tahay in Xaaf uu ka qeyb galo caleema-saarka madaxweynaha Galmudug ee garabka dowladda Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, haddii lagu heshiiyo. Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa la sheegay inay wada-hadalkaan ay ka qeyb qaateen ayaga iyo siyaasiin kale, waxaana la sheegayaa in Madaxweyne Xaaf loo balan qaaday lacag boqolaal kun oo dollar ah. Wararka ayaa sheegayaa in laba boqol oo kun oo dollar ay ku bixi doonto xalinta Xaaf halka warar kale ay sheegayaan in ay ka badan tahay. Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda la shaaciyo xiliga ay dhaceyso xafladda caleema saarka ah ee Madaxweyne Qoor Qoor, taas oo ay ka qeyb geli doonaan madax badan sida la filayo. Dowladda Soomaaliya ayaa wado dadaalo ay ku soo afjareyso tabashada Xaaf, halka wararku ay sheegayaan in dowladu ay sheegtay in aysan wax wadahadal dambe ah la geli doonin Ahlu-Sunna oo ay ku eedeeyeen in ay qal qal ka abuurayaan Galmudug. Dowladda ayaa la rumeysan yahay inay cadaadis kala kulmeyso dowladda Mareykanka oo dooneysa in Xaaf la qanciyo, six al buuxa loo gaaro. Madaxweyne Xaaf ayaa dhowr jeer heshiis la galay dowladda Soomaaliya hase yeeshee waxaa jirtay in heshiisyadaas markii dambe ay ku dhamaadeen natiijo la’aan, sida uu warbaahinta ka sheegay Madaxweyne Xaaf. Haddii dowladda ay ku guuleysato in Xaaf uu ka qeyb-galo caleemo-saarka, waxay sharciyad weyn siin doontaa Qoor Qoor, oo lagu doortay doorasho ay dowladda afduubatay.
-
Erdogan vows Damascus will pay ‘heavy price’ for any attack
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Referring to Turkey’s claims that it ‘neutralized’ 101 Syrian soldiers in retaliation for the slaying of 5 Turkish servicemen, president says ‘regime got what it deserved’ Source: Hiiraan Online -
Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in halkaasi Talaadadii shalay laga qabtay laba macalllin Qur’aan oo malcaamado ku haystay gudaha magaaladaasi Hargeysa. Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee RRU-da Somaliland ayaa labadaasi macalin ka soo qabtay malcaamad Qur’aanka Kariimka lagu bartao oo ku taala xaafadda Jarrato. Ciidamada ayaa si kadis ah ku tegay malcaamadda waxaana ay gaari daboolan ku riteen labadii macallin ee haystay malcaamadda sida ay sheegeen goobjoogayaal. Ilaa iyo hadda lama sheegin waxa uu la xiriiro kiiska loo haysto macallimiinta balse warar hoose ayaa laga soo xigtay in loo haysto tuhun la xiriira Argagixisanimo. PUNTLAND POST The post Hargeysa: Laba kamid ah Macallimiinta Qur’aanka oo xabsiga la dhigay appeared first on Puntland Post.
