-
Content Count
214,348 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Ciidamadda dowladda Soomaaliya ayaa howlgalo dad lagu soo qabqabtay ka sameeyay magaalada Muqdisho. Dhaqdhaqaaqyadda ciidan ayaa laga sameeyay Waaxyadda koowaad iyo 2aad ee degmada Dharkeenley ee caasimadda waddanka. Inta la xaqiijiyey 14 qof ayaa lagu soo xiray howlgaladda. 13 kamid ah dadkaas waxaa lagu sheegay burcad dadka dhici jirtay. Midkood ayaa lagu tuhunsan yahay fal dil ah oo loo geystay wiil afar sano jir ahaa, sidda ay tilmaameen saraakiisha ammaanka. Howlgalka lagu soo qabtay burcadda ayaa noqonaya midkii ugu tiradda badnaa oo ciidamaddu ka sameeyaan qaybo kamida Muqdisho. View the full article
-
Beled-Xaawo (Caasimada Online)-Wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa sheegay in uusan ku sugneyn magaalada Mandhera ee dalka Kenya, balse uu joogo magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo. Janan oo u waramay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in isaga iyo ciidamo uu hoggaaminayo ay dhinac ka joogaan magaalada Beled-Xaawo, oo ay ku sugan yihiin ciidamadii dowladda federaalka ay dhawaan geysay degmooyinka gobolka Gedo. Cabdirashiid Janan ayaa sidoo kale sheegay in aysan wax dhibaato ah ku jirin inuu tago dalka Kenya markii uu doonana uu tagi doono xataa magaalada caasimadda ah ee Nairobi. Janan ayaa carrabka ku adkeeyay in uusan hadda joogin meel ka tirsan Kenya ee uu ku suganyahay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan degmada Beled-Xaawo, sidoo kale waxa uu sheegay in uusan doonayn in dowladaha deriska ah ee Soomaaliya iyo Kenya ay madaxiisa iskula dhacaan, khilaafna uu ka dhex abuuro. Ugu dambeyntii wasiir Janan waxa uu sheegay in haatan ay isku meel ku sugan yihiin madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo saraakiil dhowr ah oo reer Jubbland ah, hadafkooduna uu yahay in ay soo ceshadaan gacan ku heynta degmooyinka iyo deegaanada gobolka Gedo ee dowladdu kala wareegtay. Hadalka wasiir Janan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maanta xildhibaanada dowladda dhexe ee Kenya ku matala iyo mas’uuliyiinta kale oo ka soo jeeda gobolka Mandhera ay ugu baaqeen madaxda dawladda Kenya in ay hubka ka dhigaan ama dalka laga saaro Cabdirashiid Janan iyo ciidamadiisa.
-
(SLT-Addis Ababa)-Dalalka ku bahoobay urur goboleedka Midowga Afrika ayaa ka soo horjeestay qorshaha nabadda bariga ee madaxweyne Trump dhowaan shaaciyay. Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Muuse Faki Maxamed ayaa qudbad uu ka jeediyay Shirweynaha 33-aad waxa uu ku sheegay in Midowga Afrika uu taageerayo qadiyada dadka Falastiin kana soo horjeedo qorshaha Trump ee siyaasadiisa Bariga Dhexe. “Qorshahan waa mid ayna ka wada tashan beesha caalamka waxana uu ku xadgudbayaa xuquuqda aasaasiga ee reer Falastiin.”ayuu yidhi Faki Axmed. Sidoo kale Madaxweynaha dalka Masar, C/fataax Alsisi, ahna Guddoomiyaha sannadlaha ee Ururka Midowga Afrika, C/fataax Alsisi ayaa sheegay in arrinta Falastiin mar kasta tahay mid ku xardhan Quluubta dhamaan dadka Afrikaanka. Sayral Ramafoosa Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika oo la wareegaya xilka Guddoomiyaha sannadkan ee AU-da ayaa la meel dhigay qorshaha Madaxweyne Trump soo bandhigay uu la mid yahay Nidaamkii Midab-takoorka ee ka jiray dalkkiisa. Source
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamud Sheekh Xuseen ayaa soo xiray shirka ansixinta istiraatiijiyadda Qaran ee caafimaadka Xoolaha iyo badqabka cuntada Shirkan oo socday muddo laba cisho ah ayaa waxa uu ku saabsanaa katashiga iyo ka doodida qodobada ku darista ama ka badalka u baahan ee ansixinta istiraatiijiyadda Qaran ee caafimaadka Xoolaha, dhirta iyo badqabka cuntada waxaana ka qeyb galay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya, xubno ka socday Wasaaradaha, beeraha, Xanaanada Xoolaha, Kalluumeysiga, Ganacsiga, Aqoonyahano iyo xubno ka socday maamul goboleedyada. Shirka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee Soomaaliya oo kaashaneysa urur Goboleedka IGAD iyo USAID ayey ka qeyb galayaashu uga doodeyn qaabka looga wada shaqeyn karo ansixinta istiraatiijiyadda Qaran ee caafimaadka Xoolaha, dhirta iyo badqabka cuntada oo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed, maadama sharcigan uu ka shaqeynayo In la helo xoolo iyo cuno caafimaad qabta oo tayo wanaagsan. Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamud Sheekh Xuseen oo shirka soo xiray ayaa sheegay in istiraatiijiyadan ay horseedi doonto inuu dalku gaaro isku filnaansho dhaqaale iyo mid caafimaad, lagana kaaftooyo waxyaabo badan oo Soomaaliya uga imaan jiray dalka dibadiisa. View the full article
-
Baydhabo (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa magacaabay guddiga farsamada ee soo xulista Xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa lagu magacaabay guddigan oo ka kooban 10 xubnood. Guddigan ayaa ka shaqeyn doona sidii loo soo xuli lahaa Baarlamaanka labaad ee yeelanayo dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, kuwaas oo tiradoodu dhantahay 95 Xildhibaan. Waxayna kala yihiin. 1) Maxamed Keerow Maxamed Gudoomiye 2) Mudixiin Aaadan Ibraahim Gudoomiye ku xigeen 3) Aadan Maxamed Cali Xoghayn 4) Mowlid Xasan Axmed Xubin 5) Jaylaani Maxamed Cawf Xubin 6) Faadumo Maxamed Axmed Xubin 7) Aamino cumar Maxamed Xubin 8 ) Cumar Cali Isaaq Xubin 9) Faarax Sheekh Maxmed Xubin 10) Caa’isho Ibraahim Cali Xubin View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-habeen-10022020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal uu shalay barta twitter-ka soo dhigay ayuu madaxweyne Farmaajo ku amaanay kuna sheegay inuu ku faraxsan yahay in hoolka Nelson Mandela ee xarunta Midowga Afrika lagu dhejiyey sawirka madaxweynihii koowaad ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cusmaan. “Waxaan si la mid ah dhammaanteen ku faraxsanahay inaan arko aabihii aas-aasay dalkeena oo lala meel dhigay aabeyaashii aas-aasayaasha iyo siyaasiyiinta weynaa, lana suro hoolka Nelson Mandela. Soomaaliya waxay xaqiiqdii calaamad joogto ah uga tagtay taariikhda Afrika, sidaas darteed, maqaamkeena weligiis waa la ilaalin doonaa,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo. Hase yeeshee, qoralkaas lasoo dhigay twitter-ka, ma dabooli karo xaqiiqda waxa uu Farmaajo ka aaminsan yahay Aadan Cadde. Buuggii uu Farmaajo qoray 2009 ee uu shahaada Master-ka uga qaatay Jaamacadda Buffalo, (U.S. STRATEGIC INTEREST IN SOMALIA: From Cold War Era to War on Terror), waxa uu bogga 50-aad ku aflagaadeeyey Aadan Cadde, qabiilka uu kasoo jeedo ee Mudullood, iyo qabaa’ilo kale, sida Majeerteen iyo Isaaq. Farmaajo waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in beelaha Mudullood, Isaaq iyo Majeerteen ay gumaastayaashii British-ka iyo Talyaaniga xilal uga heleen inay ahaayeen kuwa caawiya oo gacan siiya gumeystaha. “Markii gumeystayaashii Yurub ay go’aansadeen inay ka tagaan mustacmaraddoodii Soomaaliya, waxay xilalka sare ee hoggaanka ku abaal-mariyeen qabaa’illadii ayaga ku dhowaa,” ayuu Farmaajo ku yiri buugiisa. “Tusaale, dhinaca Waqooyi ee Somaliland, beesha Isaaq waxaa lagu abaal-mariyey dhammaan shaqooyinkii ugu wanaagsanaa.” “Dhinaca Koonfurta, gumeystihii Talyaaniga, waxay sidaas oo kale u sameeyeen qabaa’illadii daacadda u ahaa. Majeerteen iyo Mudullood waxay Talyaaniga gacan siiyeen ayaga oo aan ka laba labeyn. Taas beddelkeed, waxay Talyaaniga iyo British-ka qabaa’iladan ka dhigeen kuwo ka sarreeyaa kuwa kale, marka ay noqoto hodantinimada, deeq waxbarasho oo caruurtooda ay ka helaan Rome iyo London iyo saameynta dowladaha mustaqbalka,” ayuu Farmaajo ku qoray buuggisa. Farmaajo uguma simin Aadan Cabdulle inuu aflagaadeeyo beeshiisa Mudullood, ee wuxuu sidoo kale ku qaaday weerar shakhsi ah, isaga oo ku sheegay in xilka madaxweyne uu ku helay inuu ahaa “adeege Talyaani.” Wuxuu sidaas oo kale u weeraray madaxweyne Cabdirashiid. “Madaxweynihii koowaad ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cusmaan, ayaa tusaale weyn u ah arrintan [in gumeystaha abaal-mariyey kuwii daacadda u ahaa]. Waxa uu horey u ahaa shaqaale rayid ah oo ka tirsan Mudullood u ahaa Talyaaniga. Dhinaca kale, ra’iisul wasaarihiisa, oo Talyaaniga ay soo waxbareen Cabdirashiid Cali Sharmaarke, wuxuu ka yimid qabiil kale oo Talyaaniga ay jecel yihiin, oo ah Majeerteen,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo. Qoraalka madaxweyne ayaa waxaa inuu raali-gelin ka bixiyo ka dalbaday siyaasaiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri:- “Madaxweyne Farmaajo wuxuu bogga 50-aad ee buugiisa qalin jebinta Masterka ku sheegay in Qabiilka Majeerteen iyo Mudullood ay ahaayeen kuwo Isticmaarka daacad u ah. Maadaama ay Aadan Cadde iyo C/rashiid Cali Sharmarke (Allaha u naxariistee) ay labadaas qabiil ka tirsanaayeen uu Talyaanigana ku abaal mariyey xilka madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha. Su’aashu waxay tahay Maanta miyuu Aadan Cadde wadani noqday? mise shalay ayuu Madaxweyne Farmaajo khaldanaa? Sowse ma hoboona in uu ka cudur daarato, maadaama uu qabiillo iyo Shakhsiyaad magac iyo maqaam leh uu lafa gaartay.” Halkan click sii di aad u wada aqrisato buugga Farmaajo. Ama si gaar ah hoos uga arag bogga 50-aad.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta khudbad ka jeediyey meertada 33-aad ee shir madaxeedka Midowga Afrika. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya ay qaarada Afrika u noqon karto xarun shaqaale oo muhiima, maadaama ay ku taallo goob istaraatiiji ah . “Soomaaliya waxa ay noqon kartaa xarun dhaqaale oo xooggan oo door muhiim ah ka qaadanaysa horumarka Qaaradda, marka la fiiriyo khayraadkeeda, goobta istaraatiijiga ah ee ay ku taallo iyo dadkeeda halabuurka ganacsi leh.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxwwynaha Soomaaliya ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay Al-shabaab uga adkaan karto in la qaado cuna-qabataynta hubka ee saaran si ciidamadeennu ay u helaan hub casriya. “Cuna-qabataynta hubka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay xaddidaysaa awooddii aan ku heli lahayn hubka lagama-maarmaanka u ah in laga adkaado argagaxisada, kuwaasi oo qaraxyo guryaha lagu sameeyay la beegsada muwaaddiniinta aan waxba galabsan iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay.” Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “Soomaaliya waxa ka go’an inay si buuxda masuuliyadda amnigeeda ugala wareegto AMISOM, taasina waxay u baahanaysaa ciidan qaran oo si fiican u qalabaysan si looga jawaabo halista iman karta.” PUNTLAND POST The post Cuna-qabataynta hubka sabab ma u tahay in laga adkaan waayo Shabaab? appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Sweden)-Dawladda Sweden Oo Shaqaale Ka Qoranaysa Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqan-celinta dowladda Puntland ayaa si rasmiya u shaacisay, in la hakiyay dhammaan Shaqada Xafiisyada Nootaayooyinka ee ka furan degaannada Puntland. Qoraal ka soo baxay Xafiiska wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqan-celinta Puntland Cawil Sheikh Xaamud, ayaa lagu sheegay in la hakiyay shaqada Nootaayooyinka ka furan Puntland, inta laga hubinayo habsami-usocodka shaqada xafiisyadaasi. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu wargeliyay, in Xafiisyada Nootaayooyinka ay mudda 7 cisho gudahooda ku yimaadan xarunta Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqan-celinta dowladda Puntland. Wasaaradda ayaa digniin ku bixisay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono ciddii ku imaan wayda wakhtiga loo qabtay. PUNTLAND POST The post Puntland oo hakisay dhammaan shaqada Nootaayooyinka appeared first on Puntland Post.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Meertada 33-aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika ayaa soo bandhigay guulaha uu gaaray dalkeenna iyo fursadaha u baahan in si wadajirka ah looga faa’iideysto Qaaradda ahaan. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo a ayaa xusay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ay ku dabar-gooynayso khatarta argagixisadu ay ku hayaan nolasha muwaadiniinteenna, arrinkaas oo horseedaya xasilinta dalka iyo soo celinta maqaamka aan ku lahayn Afrika. “Soomaaliya waxa ay noqon kartaa xarun dhaqaale oo xooggan oo door muhiim ah ka qaadanaysa horumarka Qaaradda, marka la fiiriyo khayraadkeeda, goobta istaraatijiga ah ee ay ku taallo iyo dadkeeda halabuurka ganacsi leh.” Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay argagixisada uga adkaan karto in la qaado cuna-qabataynta hubka ee saaran si ciidamadeennu ay u helaan hub casri ah oo ay dagaalkan kusoo afjari karaan. “Cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay xaddidaysaa awooddii aan ku heli lahayn hubka lagama-maarmaanka u ah in laga adkaado argagaxisada kuwaasi oo qaraxyo guryaha lagu sameeyay la beegsada muwaaddiniinta aan waxba galabsan iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay.” Sidoo kale Madaxweynaha ayaa yiri “Soomaaliya waxa ka go’an inay si buuxda masuuliyadda amnigeeda ugala wareegto AMISOM, taasina waxay u baahanaysaa ciidan qaran oo si fiican u qalabaysan si looga jawaabo halista iman karta.” Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa dul istaagay muhiimadda midnimada iyo wadajirka dalalka Afrika ay u leedahay xaqiijinta hiigsayada shucuubta Qaaradda ee u ooman horumarka, kobaca Dhaqaalaha iyo nolasha wanaagsan ee ay mudan yihiin.
-
(SLT-Lamu)-Weeraryahanno la rumeysan yahay inay yihiin Al-Shabaab ayaa Axadii gubay laba baabuur oo u rarnaa shirkado ganacsi oo marayay meel ku dhow xerada H Young & Co ee ku taal Gobolka Lamu. Wakiilka Gobolka Lamu Irungu Macharia ayaa sheegay in kooxdii weerartay ay ku tuureen waxyaabaha qarxa mid kamid ah gawaarida xamuulka ah, taasoo sababay in gawaaridu gubato. Shaqaalihii la socday gaariga ayaa ka baxsaday falkaan kadib markii ay ka boodeen gaariga ka hor intaanu dhibaatada soo gaarin. Mr Macharia wuxuu sheegay in ilaa afar nin oo aad u hubeysnaa oo looga shakisan yahay Al-Shabaab ay fuliyeen weerarkaan gaadmada ka dibna ay u carareen keynta u dhaw goobta. Dhacdadan ayaa hakisay gaadiid wadada marayay muddo ku dhow hal saac iyadoo askar ka tirsan ciidamada Difaaca Kenya (KDF) iyo booliis ay goobta gaareen. Mr Emmanuel Wanyoike wuxuu sheegay weerarkaan in uu ahaa mid lagu cabsi gelinayo shaqaalaha dhismaha si ay uga tanaasulaan mashruuca. Weeraradan ayaa yimid sadex todobaad kadib markii laamaha amaanka ay iska caabiyeen ku dhawaad 50 nin oo hubeysan oo si weyn looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab oo ku sugnaa tuulada Pandanguo oo ku taal, Lamu. Source
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Meertada 33-aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika ayaa soo bandhigay guulaha uu gaaray dalkeenna iyo fursadaha u baahan in si wadajirka ah looga faa’iideysto Qaaradda ahaan. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo a ayaa xusay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ay ku dabar-gooynayso khatarta argagixisadu ay ku hayaan nolasha muwaadiniinteenna, arrinkaas oo horseedaya xasilinta dalka iyo soo celinta maqaamka aan ku lahayn Afrika. “Soomaaliya waxa ay noqon kartaa xarun dhaqaale oo xooggan oo door muhiim ah ka qaadanaysa horumarka Qaaradda, marka la fiiriyo khayraadkeeda, goobta istaraatijiga ah ee ay ku taallo iyo dadkeeda halabuurka ganacsi leh.” Madaxwwynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay argagixisada uga adkaan karto in la qaado cuna-qabataynta hubka ee saaran si ciidamadeennu ay u helaan hub casri ah oo ay dagaalkan kusoo afjari karaan. “Cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay xaddidaysaa awooddii aan ku heli lahayn hubka lagama-maarmaanka u ah in laga adkaado argagaxisada kuwaasi oo qaraxyo guryaha lagu sameeyay la beegsada muwaaddiniinta aan waxba galabsan iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay.” Sidoo kale Madaxweynaha ayaa yiri “Soomaaliya waxa ka go’an inay si buuxda masuuliyadda amnigeeda ugala wareegto AMISOM, taasina waxay u baahanaysaa ciidan qaran oo si fiican u qalabaysan si looga jawaabo halista iman karta.” Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dul istaagay muhiimadda midnimada iyo wadajirka dalalka Afrika ay u leedahay xaqiijinta hiigsayada shucuubta Qaaradda ee u ooman horumarka, kobaca Dhaqaalaha iyo nolasha wanaagsan ee ay mudan yihiin. Halkaan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
-
No answers or justice on 1984 Wagalla massacre as Moi exits
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
On February 10, 1984, Kenyan security forces launched a massive operation that would lead to the death of hundreds in Wajir. Source: Hiiraan Online -
Dagaal gacan-ka-hadal ah oo shalay gelinkii dambe labo dumar ah ku dhex maray gudaha masaajidka soomaalida ee Tawfiiq ayaa sababay in mid ka mid ah haweenkaas qaniinyo farta lagaga gooyay. Labada haweenka ah ee dirirtay ayaa da`dooda lagu kala sheegay 30-jir iyo 50-jir, waxaana qaniinyada farta looga jaray haweeneyda 30 jirka ah, sida ay xaqiijiyeen booliska oo goobta loogu yeedhay. Sarkaalka hoggaaminayay booliska goobta gaadhay oo lagu magacaabo Christian Krohn Engeseth ayaa sheegay in haweeneyda Farta laga goostay loo qaaday xarunta caafimaadka ee Legevakt-ha loo yaqaan ee ku taal badhtamaha magaalada Oslo. Booliska ayaa qabtay oo dambiga dusha ka saaray haweeneyda 50-jirka ah, waxaana lagu eedeeyay in ay dhaawac u geysatay jidhka ruux kale. Farta haweeneyda laga jaray ayaa dhulka laga qaaday, waxaana laga daba-geeyay haweeneyda Markii Cusbitaalka loo qaaday, balse wali ma cadda in dib loogu rakibi karo iyo in kale. Wali lama oga xidhiidhka ka dhexeeyay labadan dumar ee diriray iyo waxa ay isku qabteen, balse booliska ayaa wada baadhitaan iyo xog-wareysiyo markhaatiyaal oo dhacdadan ku taxaluuqa. #Oslo Åkebergveien. Politi og ambulanse er på stedet ifm et slagsmål. To kvinner skal ha sloss og bla er en finger bitt av. Vedkommende tas hånd om i ambulansen. — OPS Politiet Oslo (@oslopolitiops) February 9, 2020 Arrintan ayaa dhacday shalay oo Axad aheyd, abbaarihii shanta iyo barka galabnimo, waana xilliga lagu wargeliyay booliska. Xilliga uu dagaalka dhacayay masjidka ayaa ahaa mid ay dad badani joogeen, maadaama ay Axad aheyd. Booliska ayaa sheegay in goobta uu dagaalki ka dhacay ay ku xirantahay kaamiro, ayna ogyihiin waxa uu dagaalka salka ku hayo, balse eysan dooneyn in ay iminka warbaahinta u sheegaan. Muddooyinkii u dambeeyay waxaa masjidkan Tawfiiq ka taagnaa is-qab-qabsi dhanka maamulka ah oo ay ugu dambeyn xallisay dowladda Norway iyadoona xilka guddoonka u magacowday si kumeel-gaal ah mid ka mid ah labadii garab ee dhanka maamulka isku haystay markii ay ku heshiin waayeen muddo loo qabtay. Ma cadda wali in dagaalkan uu xidhiidh la leeyahay is-qab-qabsiga masaajidka. Masaajidkan oo taariikh ahaan soo jiray ilaa iyo todobaatameeyadii islamarkaana ay aas-aaskiisa iyo maamulkiisuba soomaali lahaayeen, soona dagay xarumo kala duwan oo magaalada Oslo ah ayaa taageero dhaqaale oo gaaraya 7,8 milyan Kr. oo lacagta Norway ah ka heli jiray dowladda sannad walba, waxaana macaamilkii ku xidhanba ay dowladdu u qoondeysay lacag gaareysa 1000 kr. Bishii Juun ee sannadkii tagay ayay dowladda Norway waxa ay jartay lacagtii caawinaadda aheyd ee ay masaajidka siin jirtay kadib markii uu gaadhay khilaafka laba kooxood oo midba sheeganaya in uu isagu hoggaanka u hayo masjidka. ” – Waxaan hakad gelinay bixinta lacagtii aan siin jirnay masjidka Tawfiiq sababo la xidhiidha in aan garaneyn cidda saxda ah ee maamulka u haysa. Laba kooxood ayaa warqado noosoo kala dirsaday oo midba lacag gooni u dalbanaya kuwaas oo labaduba adeegsanayaan magaca Tawfiiq Islaamic Center “, ayay tidhi Hege Skaanes Nyhus, oo madax ka ah lacag bixinta xarumo-diimeedyada gobolka Oslo iyo Viken. Masaajidka soomaalida ee Tawfiiq ayaa ah kan ugu macaamiisha badan dalka Norway, waxaana u diiwaangashan in ka badan siddeed kun oo macaamiil ah. Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaaminayey oo maalintii labaad ku sugan Caasimada dalka Ethiopia ee Addis Ababa ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho Madaxweyneyaasha dalalka Kenya, Guinea iyo Ghana. Weftiga Madaxweynaha Somaliland oo maalintii shalay gaadhay dalka Ethioia ayaa waxa halkaasi ku soo dhaweeyey wasiiru-dawlaha arrimaha dibeda Itoobiya Dr.Aklilu hailemecheal, waxaanay qadar nasasho ah ku qaateen qolka martida ee Airportka, waxaanay uga sii gudbeen halkii loogu talogalay martida madaxweynaha. Sidoo kale waxa weftiga halkaa kaga biiray wasiirka Arrimaha dibeda iyo iskaaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ay wehelinayaan masuuliyiinta safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay dalkaasi Ethiopia. Source
-
Kenya: Janan Oo Laga Dalbaday In Uu Isaga Baxo Dhulka Kenya
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Maamulka Magaalada Mandheera ee ismaamulka Kenya ayaa waxa ay wasiirka amniga ee dowlad goboleedka Jubbaland ka dalbadeen in uu isaga baxo dhulka Kenya ay maamusho. Xildhibaanada iyo senetarada laga soo doorto Magaalada Mandheere oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa waxa ay sheegeen in ay sharci darro tahay in dad hubeysan ay wadan aan wadankooda ahayn hub la soo galaan, waxa ayna wasiir Janan iyo ciidankiisa ka dalbadeen in si deg deg ah ay isga baxaan magaalada. Sidoo kale masuuliyiintan waxa ay sheegeen in wasiir Janan iyo madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ay deganyihiin hotel ku yaala Mandheere, waxa ayna tilmaameen in khalkhal amni aysan marnaba u ogoleen shacabka ay matalaan sida ay sheegeen. Ugu dambeyn maamulka magaalada Mandheera ayaa waxa ay soo jeediyeen in raggaasi hubeysan ay isi soo dhibeen amaba ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan dhulka ay maamusho dowladda Kenya. Wasiir Janan oo maanta la hadlay Goobjoog News ayaa waxa uu sheegay in uusan ku sgunayn dhulka Kenya balse uu joogo magaalada Beladxaawo ee gobalka Gedo waxa uuna dhinaca kale xusay in wax xiriira uusan la lahayn dowladda Kenya. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey waxa ay Kenya uga dalbatay sidii ay gacan uga geysan lahayd soo qabashada Cabdirashiid Janan oo 28-kii Janaayo ka baxsaday gacanta dowladda Federaalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com -
Somali President Mohamed Abdullahi has held talks with the prime ministers of Canada on the sidelines of the AU Summit. The president met with Canada’s Prime Minister Justin Trudeau. The leaders talked about means enhance the bilateral relations of the two countries. “I enjoyed a fruitful discussion with PM @JustinTrudeau on the sidelines of the AU Summit today. We discussed further strengthening the strong bilateral relations between our two sides. @Canada and #Somalia share strong people to people relations and we endeavor to build on this,” Villa Somalia said in a Twitter post. President Farmajo is in Addis Ababa town of Ethiopia to attend the 33rd Ordinary Session of the Assembly of the African Union which is expected to be concluded today. The summit with a theme is the “Silencing the Guns: Creating Conducive Conditions for Africa’s Development” is aiming at achieving a conflict-free Africa, prevent genocide, make peace a reality for all and rid the continent of wars, civil conflicts, gender-based violence, violent conflicts and preventing genocide. The summit is also stressing on the need to accelerate action on mobilizing stakeholders to prioritize efforts on peace and effective socio-economic development in the continent. View the full article
-
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ciidamo ka tirsan kuwa dowladda duhurnimadii maanta lagula eegtay deegaanka Siinka-Dheer ee duleedka Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa miino lala bartilmaameedsaday gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda. Ugu yaraan shan askari ayaa ku geeriyootay qaraxaan, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro kale, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Gaariga la qaraxiyey ayaa sidoo kale la sheegay inuu ka yimid dhinac degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku aadan qaraxaasi. Al-Shabaab ayaa had iyo jeer weeraro qaraxyo ah ka fulisa dhabaha isku xira magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. View the full article
