Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,385
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Golaha Aqalka sare ee Baarlamanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey hindise-sharciyeedka jaangoynta iyo tayo dhowrka Soomaaliyeed. Kulanka golaha ayaa waxaa soo xaadiray 28 mudane oo maanta uu ku furmay kooramka golaha, waxaana shir guddoominayey guddoomiyaha golaha senotar Cabdi xaash Cabdillaahi, waxaana goob joog ahaa labadiisa ku xigeen ee 1-aad iyo 2-aad. Ugu horeyn waxaa golaha horyimid guddoomiye ku-xigeenka guddiga dhaqaalaha, maaliyadda, ganacsiga, warshadah, isgaarsiinta iyo dalxiiska Senatar Deeqa Xasan Xuseen, waxaana ay golaha ka hor jeedisay akhinta 2aad ee sharciga maanta sugaayey akhrinta 3-aad iyo in la meel mariyo waxaana ay tiri. “Guddoomiyaha Aqalka sare ayaa Senoter Cabdi Xaashi Cabdillaahi 30-kii Janaayo ayuu hindise-sharciyeedka ugu soo gudbiyey guddiga dhaqaalaha, maaliyadda, ganacsiga, warshadah, isgaarsiinta iyo dalxiiska, 11-kii bishii 2-aad 2020 guddiga ayaa qodob qodob u akhriyey isla markaana uu ka dooday soona gaban gabeeyey wax kabadalka hindise-sharciiyeedka, guddigu waxaa uu isla qaatay in qabyo qoraalka hindise-sharciyeedka shirkadaha uu u baahan yahay wax kabadal in lagu sameeyo”. Sidoo kale Senoter Cusmaan Maxamuud Dufle oo ka hor hadlay golaha ayaa xusay in xiligaan sharcigaan tayo dhowrka wax badan laga qabtay wasaadaha qaarkood ay hir gelinyeen in ay ilaaliyaan badqabka iyo tayada alaabta imaata wadanka. “Waqti xaadirkaan waxaa jiro wasaarado ku howlgala tayo dhowrka waan ognahay oo ay ka mid tahay wasaaradda caafimaadka oo hadda sheegay in tayo dhowrka daawada ah ay ilaaliyaan, waxaa kale oo jira gobalka ruuxiisa inuu sameeyo tayo dhowrka oo ku wajahan raashinka soo gala wadanka ee dibadaha laga soo dhoofiyo” ayuu yiri. Dhinaca kale wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Eng. Cabdullaahi Cali Xasan ayaa ka mahad celiyey ansixinta sharcigaan, waxaana uu sheegay in gobalka Banaadir ay sifiican uga socoto tayo dhowrka wasaaradahane ay bilaabeen hirgelinteeda. “Waxaa maanta sharf weyn inoo ah in maanta oo taariikhdu tahay 12-2-2020-ka in golaha Aqalka sare ee Baarlamanka uu ansixiyey hindise-sharciyeedkii jaangoynta iyo tayo dhowrka Soomaliyeed ahna sharci muhiim u ah umadda Soomaaliyeed, sharci aad baahi weyn loogu qabay, muhiimadiisa ugu balaaran waxaa ay tahay inuu ilaalinaayo badqabka qofka caafimaad iyo dhaqaale ahaan” ayuu yiri wasiirku. Ugu dambeyn Sharciga Jaangoynta iyo tayo dhowrka Soomaaliyeed ayaa waxaa u codeeyey dhammaan mudanayaashii ku sugnaa golaha mana jirin cid diiday ama ka aamusutay, guddoomiyaha golaha Senotar Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa shirka golaha soo xiray, waxaana uu xusay in sharcigu uu sidaas ansax ku yahay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Wasiirka arrimaha dibada Somaliland oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa Madaxweynaha Somaliland iyo wafdigii uu hoggaaminayey ayaa galabta dib ugu laabtay magaalada magaalada Hargeysa. Waxaa safarkii Muuse Biixi ee Addis Ababa warbaahinta ugu waramay Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Yaasiin Faratoon, wuxuuna xaqiijiyey in Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Biixi ay ku kulmeen xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed. “Markii uu dhammaaday shirka madaxda Midowga Afrika, madaxda ka qeybgashay oo dhan ayaa ismacasalaamaynayey, Madaxweyne Farmaajo halkaas ayuu yimi, sidaas ayeyna ku kulmeen labada Madaxweyne” ayuu yiri Wasiir Faratoon. Wasiir Faratoon oo diyaar u ahaa in wax laga weydiiyo waxyaabihii ay ka wada hadleen Farmaajo iyo Muuse Biixi, ayaa warbaahinta Somaliland lumisay fursadaas, markii ay kala horarsadeen weydiimihii, sidaasna ay ku bilaamatay buuq iyo sawaxan dhexdooda ah oo soo afjaray shirkii jaraa’id. Inkastoo kulanka Farmaajo iyo Biixi la xaqiijiyey, hadana ma jirto cid faahfaahisay kulankaas, oo garwadeen ka ahaa Abiy Ahmed. PUNTLAND POST The post Somalilnad oo ka hadashay kulankii Biixi iyo Farmaajo iyo warbaahinta oo anshax xumo sameysay appeared first on Puntland Post.
  3. (SLT- New Hampshire)-Senator-ka gobolka Vermont Bernie Sanders ayaa ku guuleystay doorashadii salaasadii ka dhacday gobolka New Hampshire ee lagu xulayey musharaxa xisbiga dimoqraadiga ee bisha November madaxtinimada Mareykanka kula loolami doona madaxweyne Donald Trump. Sanders ayaa helay 26% codadka, isaga oo ka adkaaday duqii hore ee magaalada South Bend ee gobolka Indiana Pete Buttigieg oo kaalinta labaad ku galay 24%. Senator Amy Klobuchar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ayaa kaalinta saddexaad ku gashay 20%. Sanders ayaa taageerayaashiisa ugu sheegay magaalada Manchester inuu “guul weyn” gaadhay, wuxuuna ballan-qaaday in Dimoqraadiga ay isku iman doonaan, si ay uga adkaadaan Trump. “Aan idiin sheego in guusha caawa ay tahay billowga dhammaadka Donald Trump,” ayuu yidhi Sanders. Dhinaca kale, codadka ay heshay Senator Klobuchar ayaa ka yaabiyey dad badan, ayada oo saadaal ay sameysay jaamacadda New Hampshire ka hor doorashada ay muujisay inay haysatay taageerada kaliya 7% dadka. Amy Klobuchar ayaa sheegtay in ololaheeda uu mar kale ka adkaaday saadaasha kuwa siyaasadda fallanqeeya. Hase yeeshee doorashadiii xalay ayaa mar kale noqotay mid niyadjab u ah madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden, oo kaalinta shanaad ku galay 8% codadka. Biden ayaa dad badan ay saadaalinayeen inuu noqon doono musharaxa dimoqraadiga ee wajahaya Trump, hase yeeshee labadii doorasho ee Iowa ee New Hampshire ayuu Biden ka galay kaalimo hoose Source
  4. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey ee maalmahan dalka Itoobiya u joogay hawlaha shaqo ayaa galabta dib ugu soo laabtay dalka. Waxaana soo noqoshada madaxweynaha iyo weftigiisa warbaahinta uga warbixiyey wixii u qabsoomay intii ay ku sugnaayeen halkaas iyo kulamadii kala duwanaa ee ay la yeesheen madaxda qaarada Afrika, wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon). Waxaanu yidhi wasiirku “shirkaa intii aanu joognay waxa aanu la kulanay oo aanu hor fadhiisanay madax badan oo Afrika ah iyo dad kale oo u badan caalamka oo ka soo qaybgalay shirkaa ama goobjoog ka ahaa, madaxweyneyaal haday tahay, wasiiro haday tahay, laamaha madasha Afrika haday tahay iyo hay’addo kale oo farabadan oo caalamiya ayaanu halkaasi kula kulanay oo aanu ka wada hadalnay qadiyadda Somaliland, ilaahay mahadi ha ka gaadho waxa aanu u aragnaa shirkaasi in aanu guul ka gaadhnay oo danihii aanu ka lahayn ama looga baahnaa aanu ka gaadhnay aad iyo aad ayaanu guulo badan uga soo hoynay, cid walba oo aanu halkaa isku aragnayna si wanaagsan ayaanu isu afgaranay, in badan ayaanu fahansiinay qadiyada Somaliland ama fahantahay arrinta qadiyada Jamhuuriyadda Somaliland”. Waxa kale oo uu wasiirku sheegay intii ay ku jireen arrimaha shirkaasi in si heer sare ah loo qaabiley waxaanu yidhi “shirkaas haddii ay tahay ka soo qaybgalkiisa iyo tegi taankiisa iyo haddii ay tahay meelihii aanu tageynay cidii aanu la kulanay, dawladda Itoobiya iyo intii kale ee aanu la kulanayba si meeqaamkeedu aad u sareeyo ayaa la noo soo dhaweeyey, meeqaam la siman ama la mida hadiiba aanu ka sarayn waddamo badan oo Afrika ah ama dalalka Afrika oo dhan intii la siiyey meeqaamkii madaxdooda ayaa madaxweynahana la siiyey oo lanagu soo dhaweynaayey oo aanu kaga qaybqaadanay meel walba oo aanu joognay. Waxa aan idin sheegayaa in ra’iisal wasaaraha Itoobiya, gudoomiyihii cusub ee loo doortay Afrika sannadkan iyo dhammaantood in lala kulmay oo uu madaxweynuhu la kulmay sidii loo baahnaana ay u kulmeen” Source
  5. Wasiirkii hore ee Amniga ee Dawlada Federaalka Somaaliyeed,sidoo kalena hore u soo noqday Taliyaha Hayada Sirdoonka Somaaliyeed ee NISA Mudane Cabdullaahi Maxaned Cali ( Sanvaloishe [...] Source
  6. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta magaalada Kismaayo ku qaabilay safiirka dowlada Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya danjire Donald Yamamoto iyo taliyaha howlgalka AFRICOM Gen. Stephen J. Townsend. Sida lagu sheegay qoraal kasooo baxay Jubaland, danjiraha iyo Axmed Madoobe ayaa waxa ay ka wada hadleen xaaladda ka taagan gobolka Gedo iyo “duulaanka gardarada ah ee dowlada federaalka ah ay ku qaaday deegaano nabdoon kuwaas oo tan iyo xiliga dowladu ay halkaas weerarka ku qaaday ay ka jirtay xaalada adag.” Qoraalka Jubaland ayaa intaas ku daray “Waxaa la isku raacay in dowladu ay halkaas kala baxdo ciidamada ay gaysay kuwaas oo kala dhantaalay nidaamkii maamul ee halkaas ka jiray sidoo kalana khalkhal amni daro ka abuuray gobolka Gedo.” Jubaland ayaa sidoo kale sheegtay in Axmed Madoobe iyo wafdiga Mareykanka ay ka wada-hadleen sidii xal looga gaari lahaa khilaafka u dhexeeya dowlad goboleedka Jubaland iyo dowlada federaalka ah, la iskuna raacay in ay muhiim tahay in xal laga gaaro khilaafkaas mudada ragaadiyay wada shaqaynta dowlada federaalka ah iyo dowlad goboleedyada dalka. Dhinaca kale kulan gaar ah oo dhex maray madaxweyne Axmed Madoobe iyo taliyaha howlgalka AFRICOM Gen. Stephen J. Townsend waxaa lagaga hadlay sidii loo bilaabi lahaa howlgal midaysan oo al-Shabaab lagaga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin Jubaland. Howlgalkaas, ayaa sida la sheegay, waxaa si wadajir ah ay u fulinaya ciidamada dowlad goboleedka Jubaland, Ciidamada Xooga Dalka iyo Amisom oo ay tageerayaan ciidamada howlgalka AFRICOM ee Maraykanka. Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, weli war rasmi ah kama soo saarin socdaalka danjire Yamamoto ee Kismaayo.
  7. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo madaarka Hargeysa kula hadlay saxaafadda ayaa si kooban uga hadlay kulanka madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweynaha Somalia mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ku yeesheen magaalada Addis Ababa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. Troops loyal to Somalia’s Federal Government in Mogadishu are not yet ready to stand on their own against al-Shabaab militants in the country’s south, the U.S. Defense Department said in a new report. Despite some successes, the Somali National Army – backed by African Union and U.S. forces – have made little progress in recent months on Operation Badbaado, a joint effort to secure rural areas south of the capital, according to a Pentagon Office of the Inspector General report presented to Congress on Tuesday, February 11. Read more on here The post Somali troops still vulnerable to al-Shabaab outside Mogadishu, Pentagon says appeared first on Puntland Post.
  9. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi Uu hogaaminayo Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminayo. Booqashadaan Safiirka Ee Kismaayo ayaa [...] Source
  10. An exchange of gunfire between Jubbaland forces and militiamen loyal to former Jubbaland government spokesman Abdinasir Serar erupted in Kismayo on Wednesday. The two sides clashed at a security checkpoint in the port city following the arrival of US ambassador to Somalia Donald Yamamoto early in the day. There was no immediate information on the casualties. The skirmish came amid a meeting between Jubbaland president Ahmed Madobe and U.S ambassador to Somalia Donald Yamamoto at the state presidential palace. The situation in the coastal city has returned to normal, per sources. View the full article
  11. Maanta Magaalada Kismaayo waxaa ka dhacay dhawaaqo dhex martay Ciidamada Amaanka iyo Ilaalada Mid kamida musharixiintii ka haray Doorashada. Ilaalada ayaacrasaas ku furay goob ay [...] Source
  12. Kismaayo (Caasimada Online) – Iska hor-imaad u dhaxeeyey ciidamada Jubaland iyo kuwa siyaasi Cabdi Naasir Seeraar, oo sheegtta inuu yahay madaxweynaha Jubaland, ayaa duhurnimadii maanta ka dhacay magaalada Kismaayo. Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in dagaalkan uu yimid kadib markii taageerayaasha Cabdi Naasir Seeraar ay billaabeen banaanbax ka han ah Axmed Madoobe, hayeeshee uu rasaas ku ridey askari ka tirsan Ciidamada Jubaland, oo doonayey inuu dibad-baxa joojiyo. Bannaanbaxayaasha oo haween u badnaa ayaa ku qaylinayay hal kudhigyo liddi ku ah Maamulka Jubbaland, taasoo aad mooddo in lagu diidan yahay kulanka Madaxweynaha Jubbaland iyo wafdiga uu hoggaaminayo Safiirka Mareykanka ee Somaliya, Amb. Donald Yamamoto. Ciidan u daacad ah Cabdinaasir Seeraar Maax, Afhayeenkii hore ee Maamulka Jubbaland oo hareer socday bannaanbaxayaasha ayaa iska horimaad toos ah la galay Ciidamada Booliska iyo Nabad Suggida Jubbaland. Iska horimaadkan oo muddo 40 daqiiqo ka socday xaafadda Farjano ayaan ku fidin qaybaha kale ee Magaalada Kismaayo. Ciidamada Jubbaland ayaa u muuqdo inay hadda ka itaal roonaadeen maleeshiyadii Cabdinaasir Seeraar, isla-markaana ay fashiliyeen bannaanbaxayaashii uu wadooyinka isugu soo saaray. Dhanka kale warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay iska horimaadkan. Wararka qaar waxay sheegayan in saddex qof ay ku dhaawacantay oo laba ka mida ay dumar yihiin, halka midka kalena uu yahay askari ka tirsan Ciidamada Jubbaland, warar kalena waxay sheegayan in hal qof uu ku dhintay, laba kalena ay ku dhaawacantay. Wariye-yaasha Magaalada Kismaayo ayaa soo sheegaya in khasaaraha uu ka badan karo faah faahinta horudhaca ahi ee iminka laga helayo. Si kastaba ha-ahaatee bannaanbaxan lagu hakiyay Magaalada Kismaayo ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in ay abaabulkeedu laheyd Dowladda Federaalka.
  13. Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in ay Asbuucan dib u billowday Kaalmadii milatari ee ay siin jirtay ciidmada dowladda Federaalka Soomaaliya, si u taageerto howlgallada la’dagaallamla Argagixisada ee ka socda gobolka Shabeellada Hoose. War-saxaafadeed ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in go’aankaasi Mareykanka uu qaatay, kadib markii ay korortay kalsoonidii dowladda USA ku qabto hanaanka maamulka dhaqaalaha ee dowladda Soomaaliya. “waxaan ugu baaqeynaa Dowladda soomaaliya inay mudnaanta koowaad siiso wax ka beddelka iyo tayeynta hay’adaha amniga, si loo helo ciidamo Soomaaliyeed oo awood u leh inay amaanka dalkooda la wareegaan.” Ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka. Safaaradda ayaa sheegtay in Mareykanku uu sii wadi doono taageeradaasi dhaqaale oo ah mid ku kooban kaliya la’dagaalanka argagixisada. War-saxaafadeedka ayaa ugu dambeyntii lagu sheegay in dib u heshiisiinta dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah ay muhiin u tahay, hirgelinta dowlad xooggan oo ammaanka hanan karta, iyo barwaaqo ay ay higsadaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. Dowladda Mareykanka ayaa joojisay taageeraddii cunto iyo shidaal ee ay siin jirtay ciidamada Soomaaliya sanadkii 2017-kii, iyadoo sabab uga dhigtay welwel ay ka qabtay musuq-maasuq baahsan oo ka dhex jiray sida loo maareeyo Dhaqaalaha ciidanka. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo dib u soo celiyay Kaalmadii Milatari ee ay siin jirtay Ciidamada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  14. Ciidamada daacadda u ah Khalifa Haftar ayaa joojiyay duulimaadyada diyaaradaha sida shaqaalaha Qaramada Midoobe ee ku socda iyo kuwa ka baxaya dalka Libya, taasi oo dhaawacaysa dadaallada bani’aadanimo iyo kuwa dhexdhexaadineed ee socday, sida uu sheegay xafiiska howlgalka Qaramada Midoobe ee dalka Libya. Bayaanka ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobe ayaa lagu sheegay in malayshiyaadka Haftar ee fadhigoodu yahay dhanka bari ee Libya ay dhowr mar oo hore diideen iney u ogolaadaan duulimaadyada diyaaradaha Qaramada Midoobe iney halkaasi ka degaan. “Kama aanan helin damaanad qaad ammaankeenna ciidamada daacadda u ah Haftar si aan uga degno dhanka waqooyi ee dalka Libya, waana mid socotay ugu yaraan saddexdii todobaad ee la soo dhaafay,” ayuu yiri Jean Alam oo ah afhayeenka howlgalka Qaramada Midoobe ee UNSMIL loo soo gaabiyo. Waxa uu sheegay in taasi ay dhaawacayso duulimaadyada gargaarka iyo kuwa howlgalka Qaramada Midoobe. Ilo dhanka shaqaalaha gargaarka ah ayaa sheegaya in Haftar uu “aagga duulimaadyada ka caagan” ku soo rogay caasimadda Tripoli ayna jirto walaac ah in diyaaradaha Qaramada Midoobe ay noqdaan kuwa la beegsado haddii ay u safraan caasimadda. Malayshiyada daacadda u ah Haftar ee la magac baxay LNA ayaa isku dayayay ilaa bishii April ee sanadkii hore iney la wareegaan gacan ku haynta magaalada Tripoli oo ah fadhiga xukuumadda uu caalamku aqoonsan yahay, laakin waxa ay ku fashilmeen howlgalkaasi. Ergayga Qaramada Midoobe ee Libya Ghassan Salame ayaa dhex dhexaadin ka dhex waday Haftar oo dalalka Imaaratka iyo Masar ay taageeraan iyo Xukuumadda Tripoli oo taageero ka hesha dowladda Turkey. Qeybta labaad ee wadaxaajoodka nabadeed ayaa loo ballansan yahay in todobaadka danbe uu ka qabsoomo magaalada Geneva. Laakin saraakiil ka tirsan ciidamada bariga Libya ee daacadda u ah Haftar ayaa ku eedeeyey Salame inuu yahay nin kooxdooda ka xaglinaya, laakin eedahaasi waa kuwa ay Qaramada Midoobe beenisay. Qaran News
  15. Dowladda Puntland ayaa ku eedaysay maamulka madaxweyne Farmaajo in uu diiday wada-hadal si loo xalliyo arrimaha ay ku muransan yihiin labada dhinac ee Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka Warfaafinta Puntland Cali Xassan Axmed Sabareey oo maanta Warbaahinta kula hadlay caasimadda Garoowe ayaa sheegay in madaxweyne Deni tan iyo markii uu xilka qabtay uu ku dhegganaa in laga wada-hadlo khilaafka labada dhinac balse ay xukuumadda Federaalk mar kasta diiddaneyd wada-hadalka. Wasiir Sabareey ayaa sheegay in madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu mar walba golihiisa xukuumadda u sheego in loo hiilliyo Nidaamka Federaalka ee Soomaali ku heshiisay kaasi oo ay dagaal kula jirto dowladda madaxweyne Farmaajo. Mudane Sabareey ayaa ka digay in haddii khilaafka labada dhinac uu sii socdo ay fursad u noqon karto kooxaha Argagixisada ah ee diiddan xasiloonida waddanka islamarkaana ay Beesha Caalamku ka niyad jebi karto Soomaaliya. Hoos ka daawo hadalka Wasiirka PUNTLAND POST The post Puntland: Maamulka Farmaajo ayaa diiddan in a wada-hadlo appeared first on Puntland Post.
  16. Dood ka dhalatay janaaso lagu tukaday haweeney jidhkeeda ka ganacsan jirtay Hamida Begum wiilkeeda oo lagu magacaabo Mukul Seikh, wuxuu ku tugaday qabriga hooyadiis hortiisa Dadka u dooda xuquuqda aadanaha ee waddanka Bangladesh ayaa soo dhaweeyay janaasadii ugu horreysay ee abid waddankaas loogu tukado meydka qof jirkiisa ka ganacsan jiray, iyadoo halkaasna ay ku burburtay dood muddo dheer ka taagneyd waddankaas ay Muslimiinta ku badan yihiin. Hamida Begum, oo ka shaqeyn jirtay mid ka mid ah xarumaha ugu waaweyn adduunka ee dumarka jirkooda uga ganacsadaan, ayaa xanuun u geeriyootay isbuucii lasoo dhaafay, iyadoo 65 jir ah. Tiro dad ah ayaa isugu tagay qabrigeeda, si ay goob joog ugu noqdaan janaasada lagu tukaday ee taariikhda ka gashay waddankaas. Sharciga waddanka Bangladesh wuxuu oggolyahay howlaha la xiriira in haweenka ay jirkooda ka ganacsadaan, laakiin culumada diinta islaamka ee dalkaas ayaa horay u diiday in qof noocaas ah meydkiisa janaaso lagu tukado. Xitaa waxaa dadka jirkooda ka ganacsada lagu aasaa qabuuro aan calaamadeysneyn, iyagoo aan wax duco ahna loo sameynin, ama la waafajinin dhaqamada kale ee ka jira dalka. Begum qudheeda way fileysay in jidkaas oo kale ay mari doono, laakiin inta aysan dhimanin ka hor ayey isbahaysi ka kooban haweenka jirkooda ka ganacsada booliska ka codsadeen inay hoggaamiyeyaasha diinta ku qanciyaan in si fiican loo aaso. “Imaamka wuxuu markii hore laba labeynayay inuu tujiyo salaadda janaasada, kumana uusan qanacsaneyn”, ayuu yiri sarkaal ka tirsan booliska oo lagu magacaabo Ashiqur Rahman, mar uu la hadlayay wakaaladda wararka ee AFP. “Laakiin imaamka waxaan weydiinnay in Islaamka uu qof ka mamnuucayo in meyd lagu tukado Janaaso, haddii xitaa uu ahaa qof jirkiisa ka ganacsada, wax jawaab ahna nama uusan siinin”, ayuu yiri. Sarkaalkan wuxuu kormeer ka ahaa heshiiska ku saabsan in haweeneydaas aaskeeda uu ka duwanaado dadkii iyada la midka ahaa ee horay u geeriyooday. Sidaas awgeed, aas diimeed ayaa haweeneyda loo sameeyay maalintii Khamiista ahayd ee lasoo dhaafay. Mr Rahman wuxuu sheegay in aaska ay kasoo qeyb galeen dad kor u dhaafaya 200 oo ruux, halka in ka badan 400 oo qofna ay tageen tacsideeda iyo ducadii loo sameynayay. Isbahaysi ay ku mideysan yihiin haweenka jirkooda ka ganacsada, oo ay hoggaamiso Jhumur Begum (bidix), ayaa sidoo kale qaddarin siiyay Hamida Begum “Waxay ahayd goob aan markii ugu horreysay la wada tagin,” ayuu yiri Mr Rahman added. “Dadku waxay sugayeen ilaa xilli dambe oo habeenkii ah, si ay salaadda janaasada ah uga qeyb galaan. Dadka jirkooda ka ganacsada ee halkaas ku sugnaa way wada ilmeeyeen.” Dadka tagay qabriga Begum waxaa ka mid ahaa wiilkeeda, Mukul Seikh, iyo gabadheeda 35 jirka ah ee agu magacaabo Laxmi, taasoo iyada lafteeda ka mid ah haweenka jirkooda ka ganacsada ee ku suga xarunta ku taalla magaalada Daulatdia. “Waligey kuma riyoonin inay heli doonto sagootin sidaas u sharaf badan, hooyadey waxaa loola dhaqmay sidii qof bani’aadan ah”, ayey tiri Laxmi. “Waxaan rajeynayaa in haweeney kasta oo halkan ka shaqeysa, oo aniga xitaa aan ku jiro, ay heli doonto salaadda Janaasada, sida ay hooyadey u heshay oo kale”. Hamida Begum, oo aan sawirkan ku jirin, waxaa loo sameeyay aas diimeed Jhumur Begum, oo ah hoggaamiyaha isbahaysiga maxalliga ah ee haweenka jirkooda ka ganacsada, ayaa ol’ole u sameysay in aas sharaf leh loo sameeyo Begum, waxayna dib u xasuusaneysaa qaabkii horay loola dhaqmi jiray dumarka noocaas ah, marka ay geeriyoodaan. “Haddii aan damci lahayn inaan meydka soo aasno aroortii, dadka xaafadda ayaa ulo nagu eryan lahaa”, ayey ku tiri AFP. Xarunta ay haweenka jirkooda uga ganacsadaan, oo ay ka shaqeyn jirtay Ms Begum – waxay ka mid tahay 12 xarumood oo ku yaalla waddanka Bangladesh – waxayna ka dhisantahay meel qiyaastii 250 km (155 meyl) dhinaca galbeed ka xigta caasimadda Dhaka. Waxaa markii ugu horreysay la aasaasay ku dhawaad hal qarni ka hor, xilligii uu waddankaas ka jiray gumeysigii Ingiriiska. Qaran News
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inay toddobaadka dib u billowday qeyb ka mid ah kaalmadii dhaqaale ay siin jirtay ciidamada dowladda Soomaaliya ee horey loo hakiyey. Qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu yiri “Dowladda Mareykanka waxay dib u billowday toddobaadkan inay caawimaad amni oo toos ah siiso cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayada oo la taageerayo howl-gallada ka hor-tagga argagixiso ee ka dhanka ah Al-Shababa ee gobolka Shabeellada Hoose.” Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay amaaneyso tallaabooyinka ay qaaday dowladda Soomaaliya, si loo hormariyo maamulka maaliyadda Ciidamada Xoogga Dalka, taasi oo qeyb ka ah is-beddelada lagu sameynayo hay’adaha dowliga ah. “Tani waxay Mareykanka siineysa kalsooni dheeri ah oo ku aadan hababka la xisaabtanka ee kheyraadka deeq-bixiyaha,” ayaa lagu yiri qoraalka. Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday dowladda federaalka ee Soomaaliya inay sii waddo inay ahmiyad siiso is-beddelada amniga, oo ay ku jiraan maareynta hantiada, taasi oo qeyb ka ah, baa la yiri, dadaallada lagu dhisayo ciidamo awood iyo xirfad leh, lalana xisaabtami karo. “Ayada oo is-beddelada socda ee ciidamada xoogga ay muhiim yihiin, Mareykanka waxay sii wadi doonaan inay taageeraan kaliya howl-gallada diiradda lagu saarayo ka adkaanta ururada argagixisada,” ayaa lagu yiri bayaanka safaaradda Mareykanka ee Muqdisho. Mareykanka ayaa dhinaca kale dib carabka ugu adkeeyey muhiimadda ay leedahay dib u heshiisiin dhex marta dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada. “Waxaa intaas dheer, dib u heshiisiin dhex marta dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada waa tallaabo muhiim u ah dib u aas-aasidda dowladnimada, ammaanka iyo baraaraha dhammaan Soomaalida.”
  18. Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Magaalada Kismaayo ku qaabilay Safiirka dowlada Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Donald Yamamoto iyo Taliyaha howlgalka Africom Gen. Stephen J. Townsend. Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Jubaland ayaa lagu sheegay in Safiirka iyo Madaxweynuhu ay ka wada hadleen Xaalada ka taagan gobolka Gedo iyo duulaanka gardarada ah ee dowlada Federaalka ah ay ku qaaday degaano nabdoon kuwaas oo tan iyo xiliga dowladu ay halkaas Weerarka ku qaaday ay ka jirtay Xaalada adag islamarkaana la isku raacay in dowladu ay halkaas kala baxdo Ciidamada ay gaysay kuwaas oo kala dhantaalay nidaamkii maamul ee halkaas ka jiray sidoo kalana khalkhal amni daro ka abuuray gobolka Gedo. Qoraalka ayaa intaasi raaciyay in sidoo kale kulanka diirada lagu saaray sidii xal looga gaari lahaa khilaafka u dhexeeya dowlad goboleedka Jubbaland iyo dowlada Federaalka ah lana isku raacay in ay muhiim tahay in xal laga gaaro Khilaafkaas mudada ragaadiyay wada shaqaynta dowlada Federaalka ah iyo dowlad goboleedyada dalka. Dhinaca kale kulan gaar ah oo dhex maray madaxweyne Axmed Maxamed Islaam iyo Taliyaha howlgalka Africom Gen. Stephen J. Townsend waxaa lagaga hadlay sidoo loo bilaabi lahaa howlgal midaysan oo Al-Shabaab lagaga saarayo degaanada ay kaga sugan yihiin Jubbaland howlgalkaas oo Si wadajir ah ay u fulinayaan Ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland Ciidamada dowladda Federaalka iyo AMISOM oo ay tageerayaan Ciidamada howlgalka Africom ee Maraykanka. The post Maxay ka wada-hadleen madaxweynaha Jubaland iyo Wefdiga Maraykanka? appeared first on Puntland Post.
  19. Madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay saraakiil ka tirsan howlgalka AMISOM ee Soomaaliya. Kulanka oo ka dhacay Dhuusamareeb ayaa waxaa looga hadlay arrimaha ammaanka ee deegaanada Galmudug iyo sida loo xoojin karo. Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in kulankaas lagu soo qaaday arrimo ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga saaro gobollada Galgaduud iyo Mudug. Qoor Qoor ayaa maalmihii la soo dhaafay shirar lagu dardar geliyey howlaha Galmudug ka waday magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulkaasi. Halkaan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
  20. Danjiraha Mareykanka ee arrimaha Soomaaliya, Donald Yamamoto ayaa maanta gaaray magaalloe xeebeedka Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland. Yamamoto ayaa waxaa safarkaan ku wehlinaya taliyaha ciidamada Mareykanka ee AFRICOM, Stephen Townsend iyo xubno kale. Wafdigan ayaa waxaa Kismaayo ku soo dhoweeyey madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Madoobe oo dhowaan dib ugu laabtay halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in haatan labada dhinac kulamo xasaasi ah ay ku leeyihiin xarunta madaxtooyada ee maamulkaasi. Safiirka Mareykanka oo marar badanku laabtay Kismaayo ayaa dadaallo ku bixinaya, sidii loo soo afjari lahaa khilaafka dowladda federaalka kala dhexeeya, Axmed Madoobe. View the full article
  21. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha dhaqanka iyo waxbarashada ee (UNESCO) ayaa kala saxiixday heshiis lagu hormarinayo hidaha iyo dhaqank, kaas oo sare loogu qaadayo waxbarashada dalka. Maareeyaha UNESCO, Audrey Azoulay ayaa sheegtay in dhaqanka iyo waxbarashada ay muhiim u yihiin dhinacyada soo kabashada aadanahaiyo dhisida nabadda. Booqashada maareeyaha guud ee hay’ada UNESCO ay ku timid Soomaaliya oo ah midii ugu horeysay ayaa tilmaantay in ay ku faraxsan tahay furitaanka bogga cusub ee dhinaca iskaashiga ah ee dhexmaraya UNESCO iyo dowladda Soomaaliya Wasiirka waxbarashada iyo hidaha iyo tacliinta Sare ee Soomaaliya, Cabdullahi Goodax Barre oo saxiixay heshiiskan, isagoo matalaya dowladda federaalka ayaa sheegay in Soomaaliya iyo hay’ada UNESCO ee Qaramada Midoobay ay leeyihiin iskaashi fog, islamarkaana dib soo celinta xiriirka labada dhinac uu saamayn ku yeelanayo waxbarashada iyo sidoo kale dhaqanka Soomaaliya. Sidoo kale ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo wakiilka xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Ambassador James Swan, ayaa goobjoog ka ahaa saxiixa heshiiskan. Si kastaba ha ahaateenheshiiskan ayaa la filayaa inuu keeni doono in la qabto tababaro lagu dhisayo mugga xirfadleyda, gaar ahaan dadka maamulaya madxafyada iyo keydadka raadadka taariikheed ee Soomaaliya. View the full article
  22. MOGADISHU (HOL) - The residents of Mogadishu must have a voice and rights as their counterparts in Federal Member States on issues affecting them and those of the country has large, city mayor Omar Filish has said calling for the determination of the city’s status. Source: Hiiraan Online