Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,385
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dagaal khasaaro dhaliyay oo dhexmaray Macawisley iyo ciidamo Itoobiyaan ah Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu dhexmaray ciidamo Itoobiyaan ah iyo maleeshiyada hubeysan ee loo yaqaano Macawisley, waxa uuna dagaalka ka dhacay tuulada Af-qurun oo qiyaastii 48 KM u jirta deegaanka Far Libaax. Sababta dagaalka ka dambeysay ayaa lagu sheegay in kadib markii ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo gudbay xadka u dhaxeeya gobollada Bakool iyo Hiiraan ay soo mareen fariisimo ay ku sugnaayeen maleeshiyada Macawisley, waxaana wararku intaasi ku darayaan in dagaalka dhexmaray labad dhinac uu saacado qaatay ayna ku dhinteen dad kor u dhaafaya labaan ruux. Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta heer maamul iyo mid Federaal oo xaqiijiyay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi. Macawisleyda ayaa ka howlgasha qeybo ka mid ah gobollada Hiiraan iyo Bakool oo ay kula dagaalamaan Al-Shabaab. Waa kuwama “Macawisleyda”? Maleeshiyaadka “Macawisleyda” waxay soo shaac baxeen sannadkii 2014-kii, waxay ka bilowdeen qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan oo dagaal culus ay Al-Shabaab kula galeen. Sidoo kale waxay markii dambe ka aasaasmeen deegaanka Adan Yabaal oo Shabeellaha dhexe ka tirsan. Waxaa lagu qiyaasaa illaa 50 dabley, waxaa la sheegaa in aysan jirin cid taageerta sida dowladda Federaalka ee Soomaaliya ama ciidammada kale ee Soomaaliya ku sugan. Xubnaha ka tirsan maleeshiyaadka waxay sheegeen in ay si iskood ah isku abaabuleen si ay dagaal ula galaan ururka Al Shabaab. Dhammaan, “Macawisley” uma tababarna dagaalka balse waxay ku dhiiran yihiin in ay si wataan dagaalkooda ka dhanka ah kooxdaas. Malleeshiyaadkan waxay sheegeen inay kasoo horjeedaan in “shacabka deeganadaas ay ururka Al Shabaab ka qaadaan canshuuraha iyo in kooxda ay carruutoodu ciidan u qortaan”. Arrimaha inta badan ku khasbay in qaar kamid ah dadka deegaanka ay billaabaan guluf ka dhan ah Al-Shabaab waxaa ka mid ah xoog ku qoridda dadka ay doonayaan inay ciidan u noqdaan ururka oo ay ka mid yihiin carruurta. Qaar ka mid ah odeyaasha deegaanno ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ayaa sheegay in aysan u dul qaadan doonin dhibaatooyiinka ay ku hayaan Al-Shabaab isla markaana ay ka mid noqdeen malleeshiyaadka “Macawisleyda” si ay isaga difaacaan ururka Al Shabaab. Qaran News
  2. Qaramada Midoobey oo soo saartay warbixin ay ka cadhootay Israa’iil Deegaameynta Israa’iil ay ka waddo Daanta Galbeed waxaa loo arkaa mid sharci darro ah, sida ku xusan shuruucda caalamiga ah Xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobey ayaa soo saaray warbixin in muddo ah laga dhuursugayay oo ku saabsan shirkadaha lala xiriiriyay deegaameynta dadka Yuhuudda ah ay Israa’iil ka waddo Daanta galbeed. Warbixinta waxay shaaca ka qaaday ilaa 112 shirkadooda oo la sheegay inay ku lug leeyihiin howlaha deegaameynta, haddii ay ahaan laheyd guryaha Israa’iil ay ka dhiseyso Daanta Galbeed iyo howlaha kale ee lagu duminayo dhismooyin ku yaal halkaas. Waxaan shirkadahaas kamid ah Airbnb, Booking.com, Expedia Group iyo Motorola Solutions. Falastiiniyiinta waxay soo dhaweeyeen warbixinta Qaramada Midoobey oo ay ku tilmaameen ‘Warbixinta waxay guul u tahay shuruucda caalamiga ah’ halka Israa’iil ay ku tilmaantay ‘mid fadeexo ah’ Ku dhawaad 600,000 oo qof oo Yuhuud ah ayaa ku nool ilaa 140 deegaan oo ay Israa’iil ka sameysay dhulka ay heysato ee Daanta Galbeed iyo bariga magaalada Quddus tan iyo sannadkii 1967-kii. Waxaana deegaameyntaas lagu sheegay mid sharci darro, sida ku xusan xeerarka caalamka, inkasta oo ay Israa’iil dood ka keentay arrintaas. Falastiiniyiinta waxay in muddo ah ku baaqayeen in dhulkaas laga saaro Israa’iil. Qaran News
  3. Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa xayiraadda ka qaaday islamarkaana liiska argagixisada ka saartay shirkadda Al-Barakaat Group of Companies ee Soomaaliya Qoraal lasoo dhigay website-ka wasaaradda maaliyadda Mareykanka, oo ku taariikheysan February 12, 2020, kana soo baxay xafiiska maamulka hantida dibedda, ayaa lagu sheegay in dhammaan shirkadaha hoos yimaada Al-Barakaat laga saaray liiska shirkadaha taageera argagixisada. Shirkadaha hoos tagay Al-Barakaat Group of Companies, waxaa ka mid ah Al-Baraka Exchange LLC, Al-Barakaat Bank, Al-Barakat Financial, Al-Barakat Global Telecommunications iyo kuwa kale. QM ayaa sideed sano ka hor, February 17 2012, waxay sidoo kale Al-Barakat ka saartay liiska xayiradda ee shirkadaha lala xiriiriyo argagixisada. Liiskan ayaa waxaa shirkadaha Al-Barakaat lagu daray sanaddii 2011 kadib markii kooxda Al-Qacida ay weerar argagixiso ku qaaday dalka Mareykanka. Shirkadda Al-Barakaat ayaa tan iyo markii liiskan lagu daray aan lagu helin wax caddeymo ah oo la xiriirinaya argagixiso, hase yeeshee waxaa caadiyan adag in shirkad ama qof lagu daro liis argagixiso oo Mareykan ah, laga saaro. Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Nelson Mandela, oo liiska argagixisada Mareykanka lagu daray intuu u dagaalami jiray xoriyadda dalkiisa, ayaa ku jiray tan iyo 2008, 14 sano kadib markii loo doortay madaxweynaha 1994. Go’aanka looga saaray Al-Barakaat liiska Mareykanka ayaa albaabada u furaya inay dib u heshi hantidii uu Mareykanka ka xayiray.
  4. (SLT-Hargeysa)-Caaqil iyo odayaal ka haaadley dil ka dhacey degaanka dabaaraha ee gobolka sanaag, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. Muqdisho (SMN) – Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa lagu waramay in ay weerareen saldhiga ciidamadda ee degaanka Ceel Saliini, gobolka Shabeellaha Hoose. Dadka degaanka ayaa u sheegay idaacadda Shabelle in weerarka loo adeegsaday qaraxyo iyo dagaal toos ah oo hub culus loo adeegsaday. Ma cadda khasaaraha labada dhinac kasoo kala gaarey duulaankaas oo dhacay maanta oo Khamiis ah, sidda ay xaqiijiyeen illo xog ogaal ah. Saraakiisha ciidanka dowladda iyo xarakadda Al-Shabaab ayaanan wali wax war ah kasoo saarey dagaalka oo muddo saacado ah socday. Sanadkii hore ayay ahayd markii weerar lagu qaadey xerada Ceel Saliini, halkaasoo khasaaro xoogan uu kasoo gaarey Ciidamadda Xoogga Soomaaliyeed. View the full article
  6. (SLT-Washington)-Dowladda Maraykanka waxay shalay Liiska Argagaxisada ka sartay Kooxda Shirkaddaha Barakaat ee The Barakaat Group of Companies, taasi oo ay Cunaqabatayn saarnayd tan iyo bishii November ee sannadkii 2001-dii xilligaas oo weerar uu ka dhacay Maraykanka. Waaxda Maaliyadda ee Maraykanka ayaa Hadal-qoraal oo ka soo baxay lagu sheegay inay xidheen Cutubkii eedeymaha ee ay u haysteen Kooxda Shirkadaha Soomaaliyeed ee The Barakaat Group of Companies ee shaqadooda ahayd Shirkad ka shaqeyn jirtey Xawaaladda Lacagaha. Bilo kadib, markii ay dhaceen Weeraradii Diyaaradaha ee bishii September 11-dii ee sannadkii 2001-dii lagu burburiyey Daarihii Mataanaha ayey Dowladda Maraykanku xayirtay Hantidii Shirkadda Al-barakaat, lana wareegeen dhamaan Dukumentiyadii iyo Diiwaan-gelinadii ay Shirkadaasi ku lahayd Caalamka. Xayiraadaasi kadib, waxa uu Xoghayaha Maaliyadda ee Maraykanka Paul O’Neil sheegay inay Al-barakaat malaayiin Dollar sannadkiiba u gudbin jirtey Ururka Al-qaacida, waa sida uu hadalka u yidhi, inkastoo ay Shirkadda The Barakaat Group of Companies had iyo jeer gaashaanka ku dhuftaan Eedeymahaasi. Dhinaca kale, Kooxda Baadhayaasha Maraykanka ee Weeraradii Daaraha Mataanaha ee September 11-dii ee sannadkii 2001-dii waxay sheegeen in ayna haynin caddaymo Toos ah oo muujinaya in aanu waxa xidhiidh ah ka dhexeynin Al-barakaat iyo nooc kasta ee Kooxaha loogu yeedho Argagixisadda. Qaadista Cunaqabatayntaasi ayaa timid dhowr toddobaad kadib, markii Waaxda Maaliyadda Maraykanka shaacisay in ayna wax dembi ah gelin Shirkadda u qabilsan U-ololeynta ee Park Strategies LLC ee xarunteeda ku taallo magaalladda New York ay wakiil u ahayd Shirkadda Albarakaat. Dowladda Maraykanka waxay Asaasaha Shirkadda Albarakaat, Axmed Nuur Cali Jimcaale iyo Kooxda Shirkadaha Albarakaat ee The Barakaat Group of Companies waxay Liiska Xayiraadda ka saareen sannadkii 2016-kii, halka ay QM liiska Cunaqabataynta ka saartay Axmed Nuur Cali Jimcaale iyo Kooxda Shirkadaha Albarakaat sannadkii 2012-kii. Shirkadda Al-barakaat waxay Xaruumahooda Maaliyadda ku yaallaan dalka Imaaraadka, waxayna lahaayeen in ka badan 180 Xafiisyo u qaabilsan Xawaaladda Lacagaha oo ku kala yaalla 40-Waddan. Source
  7. Muqdisho (SMN) – Iyaddoo mudo saddex sano ay u buuxsantay dowlada uu hogaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa warbixin ay soo saartay hay’ada u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International waxay dowlada Soomaaliya ku eedeysay in ay habab sharci daro u adeegsato xoriyatul qowlka warbaahinta madaxa banaan. Hay’ada u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa warbixinta ay soo saartay waxaa cinwaan looga dhigay “waxaan ku noolnahay cabsi joogta ah”waxaana sidoo kale Amnesty ay warbixinteeda ku sheegtay in markii la doortay madaxweyne Farmaajo ay dowlada Soomaaliya ay caburin ku heyso warbaahinta xorta ah ee gudaha dalka. Sidoo kale ha’yada u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa warbixinta ay soo saartay ku sheegtay in dowlada Soomaaliya mudadii sadexda sano aheyd ee lasoo dhaafay ay kordhisay xariga iyo jirdilka saxafiyiinta ka howgala Soomaaliya,gaar ahaan kuwa magaalada Muqdisho. Deprose Muchena oo ah agaasimaha Amnesty International ee koonfurta iyo bariga Africa ayaa sheegay in saxafiyiinta Soomaaliyeed ay xaalad adag kusoo shaqeynayaan mudo fara badan,gaar ahaan sadexdii sano ee lasoo dhaafay. Ku dhawaad 8 saxafi ayaa lagu dilay Soomaaliya tan iyo 2017,shan saxafi ayaa ku geeriyooday qaraxyo ka dhacay Soomaaliya,sida Amnesty ay sheegtay,laba wariye waxaa dilay kooxo aan la garaneyn, halka wariyaha kalena uu sarkaal ka tirsan booliiska Soomaaliya ku toogtay magaalada Muqdisho bishii July ee sanadkii 2018. Dowlada Soomaaliya ayaan wax war kasoo saarin eedeymaha ay u jeedisay hay’ada u dooda xuquuql insaanka ee Amnesty International ee ku aadan la dagalaanka xoriyatul qowlka iyo caburinta saxaafada madaxa banaan. Soomaaliya oo kamid ah dalalka ugu halista badan ee saxafi uu ka howgalo, ayaa 30-kii sano ee lasoo dhaafay lagu dilay boqolaal wariyayaal ah oo ka howgalayay warbaahinta madaxa banaan ee Soomaaliya. View the full article
  8. Suspected Al-Shabaab militants on Wednesday night torched shops and three homes belonging to National Police Reservists at Sangailu, Ijara Sub-County, Garissa County. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (SMN) – Ku dhowaad 300 oo Askari oo iskugu jira Saraakiil iyo ku xigeeno ahna dufcaddii 1-aad ee Ciidanka Daraawiishta Soomaliya ayaa Maanta loo soo xiray tababar muddo socday. Munaasabadda tabarka loogu soo xirayay ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaliyeed, Xildhibaanno, mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda amniga, Saraakiil ka tirsan AMISOM,UNKA, Masar. Taliye xigeenka hoggaanka iyo tabararrada Ciidanka Booliiska Soomaliyeed, Maxamuud Maxamed Garaar ayaa sheegay in Ciidankaan la baray Carasho ku saabsan ka hortagga dhagarta Maleeshiyaadka Al-Shabaab. Xildhibaan; Zikiriye Xaaji Ismaanciil oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa Taliska Booliiska ku bogaadiyay dedaallada ku aaddan tayaynta Ciidanka iyo sida ay ugu heellan yihiin la dagaallanka cadowga. Taliyaha Ciidanka Soomaliyeed sareeye Gaas; Cabdi Xasan Maxamed ayaa sheegay inay xoogga saarayaan dhismaha Ciidan Qaran oo hanta ammaanka Dalka iyo jiritaanka Qaranka Soomaliyeed. View the full article
  10. Wararka maanta aan ka helayno degmada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in degmadaasi uu ka dhacay qarax sababay khasaare kala duwan. Qaraxan ayaa ka dhacay bartamaha magaalada gaar ahaan baar lagu magacaabo Bageynle halkaas oo ah goob lagu iibiyo qaadka, waxaana qaraxaasi uu ahaa miino dhulka ku aasnayd sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka. Goobjoogayaal ayaa Goobjoog News waxa ay u xaqiijiyeen in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen ilaa iyo seddex qof oo shacab ah, waxaana la tilmaamay in dhaawacyadaasi ay yihiin kuwa fudud. Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka magaalada Dhuusmareeb ayaa soo gaaray goobta waxa ayna halkaasi ka bilaabeen baaritaano kala duwan. Amaaanka magaalada Dhuusamreeb ee caasimadda Galmudug ayaa maalmihii ugu dambeeyay aad loo adkeynayay, waxaana qaraxaani uu ku soo aadaya xilli heegan buuxa la galshay ciidamada ku sugan magaladaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo saaka kormeer ku tegay xarun loogu talo-galay in lagu tartan siiyo Geela ugu caanaha badan Somaliland ee halkaasi ku sugnaa, waxaana arrintaasi geelayda ka caawiyey Xukuumadda Somaliland iyo Imaaraadka carabta oo u qabtay tartankan si loo helo caqabadaha keena caano yaraanta geela. Waxaana maalmaha soo socda lagu dhawaaqi doonaa miisaanka ugu badan ee laga lisay labada wakhti ee galabtii iyo subaxdii, iyadoo isla goobtaasi lagu miisaamayo caanaha laga lisay hal kasta oo halkaasi ku sugan, waxaana loo kuurgeli doonaa wixii looga gudbi lahaa arrintaasi si loo helo kor u kaca miisaanka caanaha laga lisay geela Somaliland. Source
  12. (SLT-Muqdisho)-Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa warbixin ay maanta soo saartay ku sheegtay in suxufiyiinta Soomaaliya ay waajahayaan qaraxyo, garaac, weeraro iyo xadhig. Soomaaliya ayaa muddo ahayd mid ka mid ah dalalka ugu halista badan ee suxufiyiinta ay ka howl-galaan, ayaga oo wajahayey laba halis oo kala ah kasoo waramidda dagaallada, iyo sharciyo adag oo ay soo rogaan mas’uuliyiinta. Hase yeeshee xaaladda ayaa iminka kasii dareysa, sida lagu sheegay warbixinta Amnesty oo cinwaan looga dhigay “Waxaan ku noolnahay cabsi joogto ah.” Amnesty ayaa sheegtay in suxufiyiinta Soomaaliya ay halis ka waajahayaan dhinac kasta, sida weerarada kooxda Al-Shabaab iyo dowladda caalamku uu taageero ee Soomaaliya. Sida warbixinta ay tidhi, ugu yaraan 8 suxufi ayaa lagu dilay Soomaaliya tan iyo sanaddii 2017, ayada oo ugu yaraan 8 kale ay dalka uga carareen cabsi ay u qabaan noloshooda. “Ka bad-baadidda qaraxyo baabuur, in la toogto, la garaaco, loo xidho si sharci-darro ah, suxfiyiinta waxay ku shaqeynayaan xaalado argagax leh,” waxaa sidaas yidhi Deprose Muchena, oo ah madaxa Amnesty ee Bariga iyo Koonfurta Afrika. Dowladda Soomaaliya weli jawaab kama bixin eedeymaha ka dhanka ah ee lagu sheegay warbixinta Amnesty. AFP Source
  13. Muqdisho (SMN) – Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah waxay shaaca ka qaadey in uu is-casilay madaxii Amniyaatka Al-Shabaab ee gobolka Banaadir. NISA oo qoraal soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa daboolka ka qaadey in xarakada ay laba garab u kala jabtay. “Khilaafkii u dhaxeeyey labada garab ee Maafiyada Alshabab ayaa sababay inuu is casilo madaxii Amniyaatka Gobolka Banaadir, Muuse Macalin ( Mucaawiye) oo ” 39, jir ah” oo ahaa garabka raacsan horjooge Mahad Karataay,” ayaa lagu yiri bayaanka kooban ee kasoo baxay Hay’adda Mukhaabaraadka. Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan sheegashaddaan oo kasoo baxay dhanka xarakadda Al-Shabaab. Horaantii bishaan ayay ahayd markii NISA ay baahisay in uu khilaaf soo kala dhex-galay hogaanka sare ee Al-Shabaab isla markaana ay taas keentay in xilalka laga qaado laba kamid ah saraakiisha xarakada. View the full article
  14. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Duhur-13022020.mp3 View the full article
  15. The U.S. Department of Treasury has updated Specially Designated Nationals List by removing the list from Somali businesses including branches of the eponymous Al-Barakat Group of Companies. Owners of businesses once based in Bakara market in Mogadishu include in the update. Counter Terrorism Designations Removals The update will affect more than thirty eight businesses and persons. The US Government blacklisted Al-Barakat and associated companies in 2002 several months after 9/11 attacks on World Trade Center. The update will enable companies and persons to withdraw any money frozen in foreign banks. Read more on here: Counter Terrorism Designations Removals © Puntland Post, 2020 The post US Removes Somali-owned Businesses from Specially Designated Nationals List appeared first on Puntland Post.
  16. Dhuusamareeb (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaaro dhaliyey oo ka dhacay Dhuusamareeb, caasimada Galmudug. Qaraxa oo ka dhashay walax la rumeysan yahay in ay Miino ahayd oo la dhigay goob ku dhow Maxkamadda degmadda. Inta la xaqiijiyey saddex qof ayaa ku dhaawacantay falkaas, sidda uu idaacadda Shabelle u sheegay Taliska Booliska. Laamaha ammaanka ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen shaqsiyaad looga shakisan yahay falkaas ayaa xusay in ay baaris ku waddaan. Nabad-gelyadda magaala madaxda Dhuusamareeb ayaa muddooyinkii u dambeeyay sarre loo qaadey tan iyo wixii ka dambeeyay doorashadda. View the full article
  17. Ugaas Maxamed ugaas Xasan ugaas Yarow oo sheegay in uu yahay ugaaska beesha Mareexaan ayaa dowladda federaalka Soomaaliya waxa uu ku eedeeyay in dhibaatada ka taagan gobalka Gedo ay masuul ka tahay dowladda waxa uuna sidoo kale tilmaamay in gobalkaasi ay haatan dowladdu ka waddo guluf colaadeed. “Annagu waxa aan nahay Jubbaland waxaan ka sii nahay federal dowladdii federaalka ahayd ayaa dhibaatada ka wadda gobalka Gedo, sidaad la socotaan degmooyinka Luuq, Dooloow, Beladxaawo guluf colaadeed baa ka jira dowladda federaalka ayaa wada gulufkaas colaadeed” ayuu yiri ugaas Yarow. Sidoo kale ugaas Yarow ayaa sheegay in gulufkaasi colaadeed ay keentay in lagu geeriyoodo sidoo kalane ay dad ku barakacaan, isaga oo nasiib darro ku tilmaamay in dowladdii Soomaaliyeed ay iminka dhibaatadaasi waddo. Ugaaska oo arrintaas ka hadlaya ayaa yiri “Waa lagu geeriyooday gulufkaasi colaadeed waa lagu dhaawacmay waa lagu qaxay, dhibaatadaas foosha xun baa ka jirta gobalka Gedo, nasiib darro weeye dowladdi federaalka ahayd oo ummadda dowladedii ahayd in dhibaatadaas ay waddo nasiib darro aad u xun weeye” Dhinaca kale ugaaska beesha Mareexaan ayaa carabka ku dhuftay in wax aad loola yaabo ay tahay in maalinkasta madaxweyne Farmaajo uu gobol dhibaateeyo sida uu sheegay ugaas yarow. “Maxamed Cabdulaahi Farmaajo in maalin walba uu gobolka dhibaateeyo waa waxaan la yaabanahay weeye, haka joojiyo dhibaatada uu ummadda ku haayo, taariikh ayaa jirta oo madaxweyne kasta laga qoro” ayuu hadalkiisa sii raaciyay ugaas Maxamed. Ugu dambeyn ugaaska ayaa baaq dheer u jeediyay dowladda federaalka Soomaaliya, waxa uuna ugu baaqay in dowladdu dhibaatada ka deyso dadka. “Waxaan baaq dheer u soo jeedinayaa dowladda federaalka Soomaaliya dhibaatada ay ku wado dadka ha ka deyso” ayuu ku soo gabagabeeyay hadalkiisa ugaas Maxamed ugaas Xasan ugaas Yarow. Gobolka Gedo ayaa waxaa ka jira dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay kala wadaan ciidanka dowladda ee gobolkaasi la geeyay iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland oo iyagu horay uga arrimin jiray inta badan gobolkaasi, lamana oga halka ay ku dambeyn doonaan dhaqdhaqaaqyadaasi ciidan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Sawir hore Hay’adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Amnesty International ayaa sheegtay in weerarada rabshadaha wata, hanjabaada, dhibaateynta iyo cabsi gelinta shaqaalaha warbaahinta ay ku sii badanayaan Soomaaliya oo ah meesha ugu halista badan adduunka ee suxufi ka shaqeeyo. Warbixin cusub oo Amnesty International maanta oo Khamiis ah soo saartay ayey ku sheegay in ilaa iyo dabayaaqadii 2017, xorriyadda saxaafadda ee Soomaaliya ay xakameeyeen ciidamada amniga ee dawladda Federaalka Soomaaliya iyo saraakiisha amniga, mas’uuliyiinta maamul goboleedyada iyo kooxda Al-Shabaab Hay’adda xuquuqda aadanaha u doodda waxay sheegtay in tan xiligaas (2017) ay diiwangelisay dhibaatooyin isku jira hanjabaado, kadeed, cabsi gelin, jirdilo, dilal, isku day dil, xarig aan sabab lahayn, dhaleeceyn kale iyo xayiraado helitaanka macluumaadka oo loo geysto suxufiyiinta iyo warbaahinta bulshada. Warbixinta Amnesty International waxaa kaloo lagu xusay in masuuliyiinta dowladda ay laaluushaan warbaahinta, si ay ugu shaqeeyaan is-faafreebid. Amnesty International waxay ugu baaqday dawladda inay ixtiraamto, ilaaliso, kor u qaaddo oo ay fuliso xuquuqda xorriyadda hadalka, iyo xorriyadda saxaafadda kahor doorashada Soomaaliya ee 2021/2020. Soomaaliya ayaa kow ka ah dalalka aan la maxkamadayn kuwa dhibaateynta u geysta saxaafadda. PUNTLAND POST The post Soomaaliya: Dilalka, musuqmaasuqa iyo faafreebida ayaa hareereeyay xorriyadda saxaafadda appeared first on Puntland Post.
  19. The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) and the Aljazeera Media Institute (AJMI) have successfully concluded 5-day training on TV reporting for Somali journalists in Mogadishu to operate effectively and professionally as a broadcast journalist in television. The training, which was held in Mogadishu from 8 to 12 February 2020, was specially designed to arm young TV reporters to do their job with the necessary professional tools of broadcast journalism to enable them to understand the nature of the reporter’s role and his/her work in the field as well as his/her tools and responsibilities, to learn the foundations and principles of preparing a TV report and to be able to produce TV reports from the field. Training course focused on Introduction to TV work fundamentals, characteristics of TV journalism, different TV news formats and packaging, relationship between the reporter and the rest of the team, TV reporting mechanisms, how to make a report from the field, how to conduct interviews for television reports (form and content), The reporter’s live TV message DTL (Down the Line) and walk and talk. It also instilled a degree of familiarity with the new technology as well as the language of broadcasting and the methodologies used in everyday television reporting and interviewing. The journalists were taught practical skills during the training. The training was conducted by prominent Aljazeera Media Network’s Senior International Correspondent Mohamed Adow who commended the trainees as committed and talented young journalists. TV reporting is one of the most physically challenging television jobs, but certainly one of the most exciting and interesting ones. “The purpose of this intense training course is to give working TV journalists the knowledge to develop their broadcast journalism skills by learning TV reporting methods. The training was held with high-quality standards and it included the vocabulary theory and work practice,” said Omar Faruk Osman, NUSOJ Secretary General. NUSOJ and AJMI are jointly carrying out a set of specialized training courses for Somali journalists in a bid to capacitate young and aspiring journalists. Scroll down for pictures: View the full article
  20. Adis Ababa (Caasimadda Online) Dowladda Soomaaliya ayaa durba ku guuleysatay iney ballan qaad ka hesho dowladda dalka Canada kadib markii laba xunood oo labada dowladood ka socda ay ku kulmeen magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya. Wasiirka Waaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la qaata wasiirka wasaaradda Qoyska, Dhallaanka iyo Horumarinta Bulshada ee dalkaas Axmed Xuseen, waxeyna ka wada hadleen in dib loo soo celiyo iskaashiga labada dowladood. Wasiir Axmed ayaa sheegay in Dowladda Canada ay dhigeeda Soomaaliya ka bixin doonto lacag dhan 8.1 Malyan oo qeyb ka noqon doonta qorshaha deyn cafinta Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale carabka ku dhuftay in dib loo bilaabi doono socdaalkii labada wadan. Mudane Xasan Cali Maxamed oo ah wasiirka difaaca ayaa dowladda Canada kaga mahad celiyay sida ay ugu muujiyeen garab istaagga iyo taageerada quruxda badan. Dowladda Soomaaliya waxey mudooyinkii ugu dambeeyay ku mashquulsaneyd sidii deymaha looga cafin lahaa, waxaana la ogyahay iney jiraan wadamo dhawr ah oo ballan qaaday iney deymaha qaar ka bixin doonaan wadankaan qaaradda Afrika ku yaalla.
  21. Federation of Somali Journalists (FESOJ) welcomes the report by the Amnesty International focusing on Violations and Abuses of Freedom of Expression in Somalia and urge Somali authorities ensure freedom of media and freedom of expression in Somalia. A surge in violent attacks, threats, harassment and intimidation of media workers is entrenching Somalia as one of the most dangerous places in the world to be a journalist, Amnesty International said on Thursday. In a new report, “We live in perpetual fear”, the organization documents dramatic deterioration in the right to freedom of expression and media freedom since President Mohamed Abdullahi ‘Farmajo’ took office in February 2017. Journalists contend with targeted attacks from both Al-Shabaab and government security forces, increased censorship and arbitrary arrests, forcing eight to flee the country. The Somali federal government and state authorities use various abusive tactics in an attempt to silence the independent media. Such tactics include arbitrary arrests, corruption ,censorship ,orced closures of media outlets, and constant intimidation. Therefore, FESOJ urges the Somali government and Federal states to take the report Amnesty report very seriously and implement its key recommendations such as strengthening law and policy frameworks, fostering a conducive environment for all Somalis to express their opinions freely, particularly at such a critical juncture in Somalia’s political landscape, and ensure accountability for human rights violations and abuses. Amnesty International also documented 16 Facebook accounts that had been permanently disabled, 13 of them belonging to journalists, between 2018 and 2019, reportedly for violating Facebook “Community Standards”. “Facebook must ensure it is not manipulated by the Somalia authorities to undermine the right to freedom of expression, especially ahead of the elections later this year. They must strengthen due diligence when investigating purported abuses of the Community Standards,” said Deprose Muchena. “Amnesty’s report today is in-depth about the true nature of journalists and media workers in Somalia , so we are demanding the leaders of federal government of Somalia , members state and all stakeholders from national level to police to come up with genuine commitment in which the existing conditions can be totally be transformed and improved” Mohamed Ibrahim Moalimuu ,Secretray General of Federation of Somali Journalist said. “Somali journalists are concerned about the attempts to limit the freedom of expression and fair reporting during Somalia’s upcoming elections in 2020-2021 . Therefore, we call on the leaders of the government, heads of states and opposition leaders to respect and guarantee freedom of expression, freedom of media and build acceptable environment where both local and international media can thrive by working effectively and with objectivity during elections,” said Mohamed Ibrahim Moalimuu, the Secretary General of Federation of Somali journalists Amnesty Recommendations to Senior Somali Government leaders TO THE PRESIDENT OF SOMALIA: • Publicly condemn physical attacks, killings, threats, harassment, obstruction, intimidation and arbitrary arrests of journalists and other media workers; • Issue clear instructions to all government officials and security forces to stop harassing, threatening or physically attacking journalists and media organizations and ensure that all government institutions including the security forces respect, protect and promote the right to freedom of expression of everyone and media freedom; • Take immediate steps to ensure prompt, thorough, independent and effective investigation of abuses and attacks, including killings and threats against journalists, and to address the failure to adequately investigate and prosecute suspected perpetrators of such abuses and attacks; • Publicly commit ahead of the elections to ensure that authorities and government institutions respect, protect, promote and fulfil the right to freedom of expression, and media freedom before, during and after the elections, including by providing a conducive and safe environment for journalists and other media practitioners to report on sensitive and public interest-related issues, such as security, election related debates; and publicizing news from opposition figures; • Take steps to ensure a prompt, thorough and effective investigation of allegations that officials from your office routinely bribe media outlets for the purpose of achieving positive media coverage for the authorities and government institutions, and to ensure that anyone suspected to be responsible is brought to justice in fair trials; • Direct government officials and security forces to allow journalists and media workers access to government information including by not putting impediments and restrictions on accessing government buildings and interviewing public officials; • Direct government officials and others working on behalf of the government to not impermissibly restrict and interfere with the rights of individuals to seek, receive and impart information through any means of communication including the internet, through restrictive measures such as removing, blocking and filtering of content . TO THE PRIME MINISTER OF SOMALIA: • Promptly ensure that relevant government agencies take immediate steps to address the failure to thoroughly, independently and effectively investigate and bring to justice suspected perpetrators of abuses and attacks against journalists and media workers; • Direct government officials and security forces to allow journalists and media workers have access to government information including not putting impediments and restrictions on accessing government buildings and interviewing public officials; • Direct government officials and others working on behalf of the government to not impermissibly restrict and interfere with the rights of individuals to seek, receive and impart information through any means of communication including the internet, through restrictive measures such as removing, blocking and filtering of content. FESOJ finally focuses on Amnesty’s recommendations to Somali media organizations which were summarized the continuation of monitoring and reporting violations and abuses against journalists throughout south central Somalia and Puntland; and urging the Somalia authorities to investigate all kinds of human rights violations and abuses against journalists in south central Somalia and Puntland. In the other hand to enhance the professional capacity of journalists and other media workers in Somalia FESOJ has trained more than 150 journalists on basic skills ,safety of journalists ,female journalist trainings and labour rights of journalists in all regional states in Somalia with the support of the European Union and the Finnish Foundation for Media Development organization (VIKES), based in Helsinki. End.
  22. Beledweyne (Caasimadda Online) – Gobolka Hiiraan waxaa laga soo sheegayaa dhibaato dagaal oo cusub, ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Itoobiya ayaa dagaal la galay maleeshiyada hubeysan ee loo yaqaano Macawiisley. Sida xogta lagu helay dagaalka wuxuu ka dhacay tuulada Af qurun oo 48KM u jirta deegaanka Far Libaax, wuxuuna dagaalka ku bilowday kadib markii ciidamada Itoobiyaanka ah ay kusoo dhaceen fariisin ay lahaayeen ciidamada maleeshiiyaadka. Kala shaki ay kala qaadeen darteed ayuu dagaalka ku bilowday, saacado ayuu dagaalka dhexmarayay labada dhinac, warbaahinta ayaa soo tabisay in dhawr iyo toban qofood ay dagaalka uga dhinteen labada dhinac, sidoo kalana dhaawac badan uu jiro. Ciidamadaan maleeshiyaadka ah waxey ka hawlgalaan gobolada Hiiraan iyo Bakool, waxeyna sidoo kale dhawr jeer dagaalo la galeen Al-Shabaab. Ciidanka AMISOM, maamulka Hirshabelle iyo Dowladda Federaalka ahba kama hadlin khasaaraha ka dhashay dagaalkii labada dhinac dhexmaray.
  23. Dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeysay in ay ka dambeysay dagaalkii maalinimadii shalay ka dhacay magaalada Kismaayo, una dhaxeeyey ciidamada amniga Jubbaland iyo kuwo taabacsan Cabdinaasir Seeraar iyo Cabdirashiid Xiddig. Wasiirka warfaafinta Jubbaland Cabdi Xuseen Maxamed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa xusay in dowladda federaalka ah ay dooneysay in khalkhal amni ay ku abuurto wafdi ka socday dowladda Mareykanka iyo taliska Africom oo shalay gaaray magaalada caasimadda ku meel gaarka u ah Jubbaland ee Kismaayo. “Waxaa dhacday in dowladda federaalka ah ay ka shaqeysay in Cabdinaasir Seeraar iyo Cabdirashiid Xidig ay abuuraan qas iyo qalaase amni oo ay galiyaan imaatinka safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto iyo Taliyaha heysta ciidamada Africom Stephen Townsend oo imaanayey magaalada Kismaayo” ayuu yiri wasiirka. Sidoo kale wasiirka warfaafinta Jubbaland oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Jubbaland ay ka warheysay waxaa ay damacsanaayeen Seeraar iyo Xiddig, lagana digtoonaa, waxaana uu xusay in laga hortagay isku daygaas oo ciidamada amniga ay ka horyimaadeen, waxaana uu yiri. “Arrintaas waa laga warhaayey, waana laga digtoonaa in ay rabeen qalalaaso galiyaan magaalada, jekboontiyeyaal ayaa agagaarahooda la dhigay kuwo kale horay ayeey u yaaleen meelahaas isku dhac ciidanka ayeey ka sameeyeen wax dhimasho iyo dhaawac ah midna majiro si nadiifa ayey ku istaagtay oo ciidamadu amnigu u soo afgareen” Dhinaca kale wasiirka ayaa digniin u diray Cabdinaasir Seeraar iyo Cabdirashiid xidig, waxaana uu sheegay in hadda ka dib Jubbaland aysan u dulqaadan doonin qalalaaso amni oo ay ka abuuraan, waxaana uu intaas ku daray in wixii ka yimaado ay qaadanayso dowladda federaalka Soomaaliya. “Waxaan bulshada Jubbaland iyo umadda Soomaaliyeed ogeysiinaynaa in mudo lix bilood ah aan u dul qaadaneynay raggaas oo dowladda federaalka maskaxdooda iyo ra’yigooda ku shaqeeyo wixii intaas ka dambeeyana ma’ ahan wax aan u dul;qaadan doono wixii ka yimaadana waxaa qadayso dowladda federaalka” ayuu yiri wasirka warfaafinta Jubbaland. Ugu dambeyn wasiirka warfaafinta dowlad gobaleed gobaleedka Jubbaland Cabdi Xuseen Maxamed ayaa sheegay in Jubbaland ay dhowr jeer isku dayday in ay wadahadallo la gasho Cabdinaasir seeraar iyo Cabdirashiid Xidig. “Umadda Soomaaliyeed waxaan u sheegeynaa intii aan sulux ku xalin karnay dhaqan, aqoonyahan iyo culimada waan adeegsanay intaan in ka badan in qas iyo qalalaaso ay Jubbaland ay ka siiwadaan inta lacag loo soo diro uma dulqaadan doono” ayuu hadalkiisa ku soo koobay wasiirka warfaafinta Jubbaland. Hadalka ka soo yeeray dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa waxaa uu ku soo aadayaa ayadoo khilaaf xoogan uu ka dhex jiro Jubbaland iyo dowladda federaalka oo ka dhashay doorashadii dhawaan lagu doortay Madaxweyne Axmed Madoobe, wixii intaas ka danbeeyey waxaa sii xumaanayey xiriirka labada dhinac. Goobjoog News Source: goobjoog.com