-
Content Count
214,348 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka xiisad dagaal ay ka taagan tahay qeybo ka mid ah gobolkaasi. Xiisada oo ah mid xoogan ayaa waxaa laga dareemayaa deegaanka Baangaaley oo u dhexeeya degmooyinka Cadaado iyo Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ciidanka dowladda oo ku dhex jiray maleeshiyaadkaa ay isaga kala baxeen, kadib markii ay ka go’day sahaydii ay ku joogeen halkaasi. Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in markale beelahaasi ay ku dagaalamaan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaliya. View the full article
-
Socdaalka labada maalmood qaatay ee madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku tagay Itoobiya, wuxuu tumaati ku yahay Xukuumadda Muqdisho oo sannad iyo dheeraadkii la soo dhaafay isku maaweelin jirtay inay Somaliland ka soo owday albaabadii Itoobiya ee hore ugu furnaan jiray, kaasi oo muddo dheer kaar siyaasadeed ku hayey Soomaaliya. Sidoo kale waxa booqashada madaxweyne Muuse Biixi soo afjartay fadhi ku dirirka Somaliland oo ka deyrin jiray xidhiidhka Jamhuuriyadda Somaliland la leedahay Itoobiya, oo ay ku doodi jireen inuu gaabis galay muddadii uu xilka loo doortay Abiy Axmed oo ay qabeen inuu u janjeedhsaday dhinaca Soomaaliya, hase ahaatee may ahayn mid xaqiiqo ku sallaysan. Booqashada Madaxweyne Biixi ku joogo Addisa-ababa, waxay ka dhalatay martiqaad rasmi ah oo Ra’iisul-wasaare Abiy Axmed uu fidiyey Madaxweynaha Somaliland oo uu ka dhexeeyo cilaaqaad soo jireen ah iyo xidhiidh saaxiibtinimo oo gaamuray, kaasi oo ku siman labada dawladood iyo labada shacab. Ra’iisul-wasaare Abiy Axmed wuxuu isla Arbacadiiba la kulmay Madaxweyne Muuse Cabdi iyo weftigiisa oo ay wadahadal dheer ku naaqisheen masaalixda labada dal. Warbixinta Warbaahinta Fana dalka Itoobiya daabacday ayaa suuraynaysa iskaashiga jiridaystay ee Itoobiya iyo Somaliland, waxaanay tidhi “Waxay labada dhinac ee Somaliland iyo Itoobiya falanqeeyeen Qodobbo badan oo ay ka mid yihiin inay sii xoojiyaan xidhiidhkooda labada ummadood, iyo nolosha ay ku nool yihiin Itoobiyaanka degan Somaliland iyo sidii ay uga wada shaqeyn lahaayeen Arrimaha Nabadgelyada iyo Ammaanka.” Waxa kaloo idaacadda Fana intaas ku daray “Waxay isla soo qaadeen qodobbo ku saabsan heshiisyadii ay wada galeen labada dhinac [Somaliland iyo Itoobiya] iyo cilaaqaadkooda mustaqbalka.” Sidoo kale, waxay Faana werisay in labada Hoggaamiye ka wada hadleen ka faa’iidaysiga dekedaha iyo qoddobo oo ku wajahan xidhiidhka ganacsi ee Somaliland iyo Itoobiya. Weftiga Madaxweynaha Somaliland Arbacadii Madaarka caalamiga ah ee Bole ku qaabilay Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide iyo Wasiirul-dawlaha Arrimaha dibadda dalkaas Hirut Zemene, iyadoo aad loo muuneeyey hab-maamuuska madaxweynaha. Geesta kalena, waxa Khamiistii maanta Madaxweyne Biiixi iyo weftigiisa hadhimo sharafeed ku qaabilay Wasiirrada Arrimaha dibadda iyo Maaliyadda Itoobiya, Dr. Workneh Gebeyehu iyo Mudane Axmed Shide oo ka mid ah foolaadka Golaha Wasiirrada Itoobiya. Dawladda hadhkeed la ciyaarka ah ee Farmaajo oo marin habaabinta bulshadeeda ka dhigatay siyaasad ay ku tamariso, ayaa fadeexadda siyaasadeed ee kala kulantay booqashada rasmiga ah ee Madaxweynaha Somaliland ku tagay Addis-ababa, waxay kaga falcelisay inay isku maaweeliso in war sheegaya in madaxweynaha Somaliland ogolaaday inuu la shaqeeyo dawladda Muqdisho, taasoo aan ka mid ahayn qodobbadii Somaliland iyo Itoobiya ka wadahadleen. Dawladda Somaliland ayaa Xukuumadda Itoobiya uga mahadcelisay sida saaxiibtinimada leh ee ay u qaabileen madaxweyne Biixi iyo Weftigiisa. “Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay soo dhaweynaysaa, lana qabtaa Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Axmed in Geeska Afrika noqdo meel nabad ah. Dalalka Geeska Afrikana iyadoo mid walba la qadarinayo jiritaankooda dhuleed iyo madax-bannaanidooda qarannimo, in ay iska kaashadaan dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo horumarka mandaqadda,”ayuu lagu yidhi War-murtiyeed uu soo saaray Afhayeenka madaxweynaha Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac, waxaanu intaas ku ladhay; “Shirkii weftiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu la yeeshay Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia, waxa la isku af-gartay in arrimaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya lagu xalliyo wada-hadal iyo fagaare caalami ah, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara colaado cusub iyo xasarado hor-leh oo ka curta Gobolka Geeska Afrika.” Asbaabaha Xoojinaya Iskaashiga Somaliland iyo Itoobiya: Inkasta oo dawladda aan iskeed isku maamuli karin ee Soomaaliya ay juhdi badan gelisay inay curyaamiso xidhiidhka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Federaalka Itoobiya, waxay Somaliland ay diblomaasiyan dhicisaysay xiqdigii Soomaaliya, iyadoo Itoobiya ku baraarugtay inay iimaansato xidhiidhka diblomaasiyasadeed iyo ganacsi ee ka dhexeeya Somaliland oo ay u aragtay mid aan mugdi iyo madmadow la gelin karin. Dawladda Itoobiya oo ah dal aan bad laheyn waxaa saami dhan 19% laga siiyey heshiiska maalgashi ee lagu casriyeynayo marsadda Berbera, oo ay si saddex geesood ah u wadagaleen Xukuummadda JSL, Itoobiya iyo Shirkadda DP World, waxaanay arrintaasi ahayd qoddob weyn oo Madaxweyne Biixi iyo Ra’iisul-wasaare Abiy isla jeex-jeexeen intii uu socday kulankoodii. Sidoo kalena, Xukuumadda Ra’iisul-wasaare Abiy Axmed waxay Somaliland u soo dirtay Shamsudiin Axmed Rooble oo ah danjire waayo-aragga ah oo magacaabistiisu ka turjumayso in Itoobiya daneynayso masaalixda aan xadka lahayn ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland. Ugu dambeyn, Dawladda Somaliland waa gaashaan adag oo Itoobiya kaga deyran kooxaha argagixisada ee Soomaaliya ku beermay, taasi Itoobiya aanay ku safaadeynin. Sidaas darteed, waxa booqashada Madaxweyne Biixi ay dhirbaaxo siyaasadeed ku tahay Farmaajo iyo Maamulkiisa oo shacbigiisu quus ka joogo tamar darrada dawladiisa oo gaadhay in aanay xataa ka wada talin magaalada Muqdisho badhkeed labadii sannadood ee uu fadhiyey hoggaanka Soomaaliya oo ay ku ilaaliyaan ciidammada AMISOM. Xigasho: Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA), Waana Qalinkii Cumar Maxamed Faarax Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka Ceelwaaq ee gobolka Gedo, Mudane Sahal Macalin Aadan ayaa sheegay in maanta ay sugayaan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo saacadaha soo socda ku wajahan gudaha degmadaasi. Sahal oo wareysi gaar ah siiyey idaacadda Mustaqbal ayaa sheegay in ciidamadaasi ay la wareegi doonaan amniga degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay isugu jiraan Milatari, Boolis iyo Asluub, sida uu hadalka u dhigay. Guddoomiye ku xigeenka Ceelwaaq oo hadalkiisa sii wata ayaa ka dabaday dowladda federaalka in aysan hilmaamin ciidamadii horay uga howlgalayey degmadaasi, kuwaas oo uu tilmaamay inay ku soo shaqeeyeen daruufo adag, tan iyo sanadkii 2009-kii Dowladda federaalka ayaa muddooyinkii dambe ciidamada ku daabuleysay degmooyin ka tirsan gobolka Gedo, kuwaas oo la wareegay Doolow iyo Beled-Xaawo. Dhaq dhaqaaqyadaan ayaa sidoo kale sare u qaaday xiisada u dhexeysa dowladda dhexe iyo Jubbaland ee ka taagan gobolkaasi.
-
Wararka aan ka helayno degmada Hodan ee gobalka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in xalay degmadaasi lagu dilay guddomiye Laameed ka tirsanaa maamulka degmadaasi waxaaana ka soo baxaya faahfaahino kala duwan. Dilka ayaa waxa uu si gaara uga dhacay xaafadda Siigaale ee degmadaasi, waxaana dilka geysatay dabley la sheegay in ay goobta isaga baxsadeen marka ay falka dilka ah geysteen ka dib. Marxuumka la dilay ayaa lagu magaacibi jiray Liibaan Qiyaamo, waxaana la tilmaamay in goobta lagu dilay horay sidoo kale loogu dilay saraakiil ka tirsanaan jirtay dowladda federaalka Soomaaliya. Dilka ka dib waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amaanka dowladda waxa ayna halkaasi ka bilaabeen baaritaano ay ku baadi goobayaan raggii falka geystay inkastoo aysan jirin cid baaritaankaasi ay ku soo qabteen. Magaalada Muqdisho ayaa inta badan waxaa ka dhaca dilal qorsheysan oo loo geysto masuuliyiin ka tirsan dowladda, waxaana wali laamaha amaanka aysan la imaan tallaabo ay arrinkaasi uga baaqsanayaan, Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa xalay ku kulmay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya oo ay labadooduba ku sugan yihiin. Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay kulanka laakiin, ilo xogogaal ah ayaa wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyay kulanka oo ahaa mid casho ah oo ka dhacay hotelka madaxweyne Biixi degan yahay. Kulanka ayaa la sheegay in ay jilbaha isku dhigeen madaxweynaha iyo guddoomiyaha oo ay kala weheliyaan Dr Maxamed Biixi Yoonis iyo wasiir Siciid Sulub Maxamed iyo odayaal kale oo reer Somaliland ah waxaana la filaya in ay ka wada hadleen arrimaha siyaasadda Somaliland oo ay ugu horayso arrinta doorashooyinka iyo muranka Komishanka. Source
-
(SLT-Ankara)-Shan askari oo ka tirsanaa ciidanka Turkiga ayaa lagu dilay weeraro ay millatariga Suuriya ku qaadeen fadhiisimaha ay kaga sugan yihiin gobolka Idlib. In this photo released by the Syrian official news agency SANA, Syrian government forces entering the village of al-Eis, in Aleppo province, Syria, Sunday, Feb. 9, 2020. Syria’s military has vowed to keep up its campaign to regain control of the whole country, days after capturing large chunks of territory from the last rebel holdout in northwestern Syria. A Syrian army spokesman said on Sunday that its forces had seized 600 square kilometers (230 square miles) of the country’s northwest, gaining a strategic advantage. (SANA via AP) Wasaarada difaaca Ankara ayaa xaqiijisay in madaafiic hoobiyeyaal ah loo adeegsaday weerarka lagu soo qaaday ciidanka turkiga, ayna jirto dhaawacyo ka dhashay Mashaqadaan. Waxay madaafiic la beegsadeen xarumaheena, ciidanka yagana waxay ka bixiyeen jawaab celin buuxda ayaa lagu yidhi Warsaxaafadeedka. Dowlada Turkiga ayaa dhanka kale sheegtay in ciidankeeda ku sugan gobolka Idlib ee dhanka xadka u dhow ay ka shqeynayaan xaqiijinta ammaanka, ka hortaga tahriibka iyo sidii loo caawin lahaa shacabka Suuriya ee ku barakacay Colaada. Sarkaal u hadlay millatariga Turkiga ayaa sheegay in ay beegsadeen 115 saldhig oo ay ku sugan yihiin millatariga suuriya, ayna ku dileen 101 Askari. Wasaarada difaaca Turkiga ayaa fal celintaan ku tilmaantay isdifaacid waafaqsan shuruucda Caalamiga. Source
-
(SLT-Moscow)-Maxkamad ku taalla dalka Ruushka ayaa xabsi gaadhay lix illaa iyo 10 sanno ku xukuntay todoba xubnood oo ka mid ah shaqsiyaadka u ololeeya xisbiga midigta ee mucaaradka ku ah dowladda. Waxaa lagu eedeeyay in ay maleegayeen weeraro ka dhaca ruushka intii lagu guda jiray koobkii Adduunka ee sannadkii 2018-kii. Xubnahaan oo ka tirsan kooxda lagu magacaabo Network, ayaa doonayay in weerar ay ka geystaan magaalada Penza. Si kastaba ha ahaatee eedeysanayaasha oo da’dooda u dhaxeyso 23 ilaa 31 sano jir ayaa diiday danbiga lagu soo oogay. Iyaga oo hadal kooban ka jeedinayay Maxkamada ayaa waxay ku eedeeyeen maamulka Kremlin ka in uu ku xadgudbay intii ay xabsiga ku Jireen. Dalka Ruushka ayaa dhowr mar waxaa ka dhacay weeraro argagixiso oo lagu qaaday xarumaha Dowlada. Source
-
Labo ka mid ah xukumanayaashii loo heystay Gabdhii dilka iyo kufsiga loogu geystay magaalaada Gaalkacyo ee gobalka Mudug ayaa saakay lagu toogtay fagaare ku yaalla magaalada Boosaaso ee gobalka Bari. Labada xukunsane ee la toogtay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige, halka toogashadiisa dib loo dhigay Cabdisalaam Cabdiraxmaan Warsame ka dib markii aabaha dhalay Caa’isha Ilyaas uu sidaasi dalbaday waxaana dib loo dhigay muddo 10 cisho ah. 12-kii May sanadkii 2019 ayey maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Nugaal waxa ay raggaani ku xukuntay dil toogasho ah halka maxkamada racfaanka 30-kii Juun ee isla sanadkaas ay ku raacday xukunka maxkamadda darajada 1-aad. Dhanka kale 25-kii Augsust ee 2019-kii ayey sidoo kale maxkamada sare ee Puntland waxa ay ayiday xukunka toogashada ah ee lagu riday raggii ka dambeeyay dilkii iyo kufsigii waqooyiga Gaalkacyo loogu geystay Allaha u naxariistee Caa’isha Ilyaas Aadan. 25-kii Febaraayo ayaa Caa’isha Ilyaas oo maalin ka hor la weysanaa waxaa meydkeeda laga helay xaafad ka mid ah Waqooyiga magaalada Gaalkacyo, waxaana markaas jirkeeda ka muuqday jirdil ba’an oo loo geystay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda kenya ayaa lagu soo warramayaa in ciidamo dheeraad ah ay geysay magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari, dalkaasi. Ciidamadaan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa lagu arkay qeybo badan oo ka mid ah gudaha magaalaaasi. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dhaq dhaqaaqyo cusub iyo howlgallo ciidamadu ay ka bilaabeen halkaasi. Sidoo kale dadka deegaanka ayaa cabsi ka muujinaya xiisada ka taagan Mandera iyo dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ka jira halkaasi. Arrintaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoona shalay sanatarada, xildhibaanada laga soo Mandera iyo maamulka degmadaasi ay dalbadeen inuu deegaanka isaga baxo wasiirka amniga Jubbaland C/rashiid Janan oo ay ku eedeeyeen qal qal gelin amni. Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana tallaabada ay qaatay Kenya ay sare u sii qaadeysa xiisada ka taagan halkaasi.
-
(SLT-Boosaaso)-Ciidamada maamul gobolleedka Puntland ayaa saaka toogasho ku fuliyey laba ka mid ah saddexdii nin ee lagu helay kufsigii iyo dilkii loo geystay Caa’isho Ilyaas Aadan oo 12- jir ahed, dhacdadaas oo si weyn u taabatay dadka Soomaalida. Raggaan ayaa lagu toogtay fagaare ku yaalla magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, ahna caasimada gobolka Bari. Labada nin ee la toogtay ayaa kala ahaa: Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame & Cabdishakuur Maxamed Dige, halka muddo 10 Cisho ah dib loo dhigey toogashada Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame. Wararka ayaa sheegaya in sababta xukunsanaha toogashada looga reebay ay tahay inuu dalbaday Aabaha Dhalay Caaisha ee Ilyaas Aadan. Toogashada laga fuliyey ragaan ayaa hora loo sii ogaaa, waxaana 12-kii bishii hore shaaciyey xeer ilaaliyaha guud ee maamulka Puntland. Dad badan ayaa si aad ah u soo dhoweeyey in ay cadaaladda ay hesho Caaisho Yar oo bishii February ee sanadkii la soo dhaafay 2019-kii la’isugu daray kusfi iyo dil. Source
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Meertada 33-aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika ayaa soo bandhigay guulaha uu gaaray dalkeenna iyo fursadaha u baahan in si wadajirka ah looga faa’iideysto Qaaradda ahaan. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo a ayaa xusay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ay ku dabar-gooynayso khatarta argagixisadu ay ku hayaan nolasha muwaadiniinteenna, arrinkaas oo horseedaya xasilinta dalka iyo soo celinta maqaamka aan ku lahayn Afrika. “Soomaaliya waxa ay noqon kartaa xarun dhaqaale oo xooggan oo door muhiim ah ka qaadanaysa horumarka Qaaradda, marka la fiiriyo khayraadkeeda, goobta istaraatijiga ah ee ay ku taallo iyo dadkeeda halabuurka ganacsi leh.” Madaxwwynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay argagixisada uga adkaan karto in la qaado cuna-qabataynta hubka ee saaran si ciidamadeennu ay u helaan hub casri ah oo ay dagaalkan kusoo afjari karaan. “Cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay xaddidaysaa awooddii aan ku heli lahayn hubka lagama-maarmaanka u ah in laga adkaado argagaxisada kuwaasi oo qaraxyo guryaha lagu sameeyay la beegsada muwaaddiniinta aan waxba galabsan iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay.” Sidoo kale Madaxweynaha ayaa yiri “Soomaaliya waxa ka go’an inay si buuxda masuuliyadda amnigeeda ugala wareegto AMISOM, taasina waxay u baahanaysaa ciidan qaran oo si fiican u qalabaysan si looga jawaabo halista iman karta.” Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dul istaagay muhiimadda midnimada iyo wadajirka dalalka Afrika ay u leedahay xaqiijinta hiigsayada shucuubta Qaaradda ee u ooman horumarka, kobaca Dhaqaalaha iyo nolasha wanaagsan ee ay mudan yihiin. View the full article
-
Puntland ayaa saaka xukunkii dilka toogashada ahaa ku fulisay labo ka mid ah raggii lagu helay kiiskii Caaisho Ilyaas Aadan oo ka dhacay M/Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Fagaare ku yaalla magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa lagu toogtay Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame & Cabdishakuur Maxamed Dige, halka muddo 10 Cisho ah dib loo dhigay toogashada Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame. Sababta toogashada looga reebay C/salaan ayaa lagu sheegay inuu dalbaday Aabaha dhalay Caa’isho Ilyaas, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Caaisho oo 12 jir aheyd ayaa bishii February ee sanadkii la soo dhaafay 2019-kii la’isugu daray kusfi iyo dil, waxaana dhacdadaasi ay si weyn u taabatay Ummaddda Soomaaliyeed. View the full article
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada Puntland ayaa saaka toogasho ku fuliyey labo ka mid ah saddexdii nin ee lagu helay kufsigii iyo dilkii loo geystay Caa’isho Ilyaas Aadan oo 12- jir ahed, dhacdadaas oo si weyn u taabatay dadka Soomaaliyeed. Raggaan ayaa lagu toogtay fagaare ku yaalla magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, ahna caasimada gobolka Bari. Labada nin ee la toogtay ayaa kala ahaa: Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame & Cabdishakuur Maxamed Dige, halka muddo 10 Cisho ah dib loo dhigey toogashada Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame. Wararka ayaa sheegaya in sababta xukunsanaha toogashada looga reebay ay tahay inuu dalbaday Aabaha Dhalay Caaisha ee Ilyaas Aadan. Toogashada laga fuliyey ragaan ayaa hora loo sii ogaaa, waxaana 12-kii bishii hore shaaciyey xeer ilaaliyaha guud ee maamulka Puntland. Dad badan ayaa si aad ah u soo dhoweeyey in ay cadaalad hesho Caaisho Yar oo bishii February ee sanadkii la soo dhaafay 2019-kii la’isugu daray kusfi iyo dil.
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Subax-11022020.mp3 View the full article
-
Dowladda Puntland ayaa saaka oo Talaado ah qisaastay laba xukmane oo lagu helay Kiiskii Caa’isha Ilyaas. Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdishakuur Maxamed Dige ayaa lagu qisaasay fagaare ku yaalla magaalada Boosaaso halka Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame laga reebay. Xukmanaha saddexaad ayaa mudda 10 cisha ah dib loo dhigay kiiskiisa kadib markii uu sidaasi codsaday Ilyaas Aaden oo ah aabbaha dhalay Caa’isha. Raggaasi, ayaa maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal, waxay dil toogasho ah ku ridday 12-May-2019, Xukunkaasi oo maxkamadda Rafcaankuna ku raacday 30-June-2019. Sidoo kale, maxkamadda sare ee Puntland ayaa 25-kii August 2019, si rasmiya u ayidday dilkii lagu riday saddexda xukmane, balse cabasho ay xukunka ka qaateen ayey mar kale maxkamadda sare laashay 23-ka October 2019. 24-kii February 2019 Caa’isha Ilyaas Aaden oo da’deeda lagu sheegay 12-sano jir, ayaa lagu waayay xaafadda Siinaay ee Waqooyiga Gaalkacyo kadib markii adeeg loo diray. Maalintii xigtay ee 25-kii February 2019, Subax aroortii ayaa aga’gaarka gurigooda laga helay maydkeeda oo kufsi iyo jir dil ba’an loo geystay. Dhacdadaasi, ayaa bulshada Soomaaliyeed ka dhex dhalisay fal-celin xooggan oo ku wajahan, in ay caddaalad hesho gabadhaasi yare e Caa’isha Ilyaas. PUNTLAND POST The post Puntland oo toogatay laba kamid ah Xukmanayaashii Kiiskii Caa’isha Ilyaas appeared first on Puntland Post.
-
The former Federal Minister for Interior, Mr Abdi Farah Said, has welcomed the high-level consultative conference to be held in Garowe in March. “The decision to hold a consultative conference to discuss the system of governance is timely though belated” Mr Said wrote in a Facebook post. “Puntland should contemplate the appropriate form of government for Somalia— centralised city state government of the past or federal or confederal system of government where powers are decentralised” he added. Said: Centralism poses a threat to federalism in Somalia On Friday President Said Abdullahi Deni held a press conference in which he criticised the Mogadishu-based Federal Government for centralism, destabilising federal member states and politicising educational rights of students. Withdrawal from federal institutions is the likely outcome of the impending conference. In 2019 President of the Federal Government Mohamed Abdullahi Mohamed claimed that his government was the real federalist entity in contrast to federal member states. As a pre-Federal autonomous state Puntland relations with the Federal Government remains strained. It is the first time Puntland State has summoned its MPs and Senators in Mogadishu for consultations. Puntland Senators did not show up for the Upper House session last week. © Puntland Post, 2020 The post Abdi F. Said: Puntland is at a Crossroads appeared first on Puntland Post.
-
Kuwait Deputy FM heads Somalia education support meeting Source: Hiiraan Online
-
Ghanaian coach Bashir Hayford has reportedly quit his job as head coach of the Somalia national football team. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles MICHEL. Kulanka dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Charles MICHEL ayaa waxaa looga hadlay horumarka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka sameysay dib u habeynta hay’adaha amnig iyo horumarinta dhaqaalaha. Sidoo kale inta uu socday kulanka labada Mas’uul ayaa qodobadii looga hadlay waxaan kmaid ahaa xaaladihii ugu dambeeyay ee Geeska Afrika iyo taageerada Midowga Yurub ee dowlad-dhisidda Soomaaliya. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa weli kulamo kala duwan ka wada Magaalada Addis Ababa, kuwaasi oo uu la qaadanayo Madaxda ka qeyb gashay Shir Madaxeedka 33-aad ee Midowga Afrika, kaasi oo shalay lasoo Gaba-gabeeyay. Shirka 33-aad ee Midowga Afrika ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay dib-u-habeynta hay’adaha Midowga Afrika, hirgelinta aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda, xoojinta arrimaha nabadda iyo amniga ee dalalka Midowga iyo doorashada Madaxweynaha cusub ee Midowga Afrika sannadka 2020-ka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub appeared first on Puntland Post.
-
Guddiga KMG ee Doorashooyinka Puntland Xubno ka tirsan ayaa xalay kulan laqaatay, qaybaha bulshada, waxgaradka iyo maamulka Degmada Waaciya ee gobolka karkaar. Guddiga ayaa uga waramay masuuliyiinta iyo dhamaan bulshada reer waaciya qorshaha iyo barnaamijka ay wadaan ee ah Doorasho qof iyo cod ah oo ay dadweynuhu kusoo doornaayaan golayaasha deegaanka Puntland. shacabka degmada Waaciya ayaa soo dhaweeyay nidaamka doorasho xor ah oo ka dhacda Puntland. PUNTLAND POST The post Guddiga KMG ee Doorashooyinka Puntland Bulshada degmada Waaciye appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/BAr___Qubanaha-10022020.mp3 View the full article
-
Garowe ( PP) – Puntland Government fired Jamal Arab Yusuf, Director of Puntland Television and Radio, for airing National Independent Electoral Commission advertisement on Puntland State Television. Dahir Aflow was appointed as the Acting Director of Puntland Television and Radio. “Somalia will move away from the indirect, clan-based electoral system to one person, one vote elections in 2021” the advertisement said. Puntland State Television has removed the advertisement from its archives. Jamal: Fired for authorising an NIEC advertisement Puntland rejected the new electoral law passed by the Somali Federal Parliament in December. The unauthorised advertisement resulted in the closure of NIEC offices throughout Puntland. The advertisement called into the question the position of Puntland administration about the controversial election plans drawn up by the incumbent Federal Government of Somalia whose mandate ends in February 2021. Dahir Aflow: The Acting Director of Puntland State Television and Radio Jamal handed over to the Acting Director of Puntland Television and Radio yesterday. At an event for media professionals in Garowe, Puntland Information Minister, Ali Sabarey, alluded to Villa Somalia-sponsored social media campaign against Puntland. “We might come across as intolerant of media but we are aware of media war being waged against Puntland” Mr Sabarey said. The Federal Government of Somalia led by President Mohamed Abdullahi Mohamed commits funds to Twitter and Facebook campaigns against critics and rival administrations. A network of trolls runs the campaign. Trolls report to Ali Yare, a man who organised demonstrations for President Mohamed in 2011, when Ugandan President, Yuweri Museveni, forced President Mohamed, who was then a Prime Minister of the former Transitional Federal Government under President Sharif Ahmed, to resign. © Puntland Post, 2020 The post Puntland State TV Director Fired for Unauthorised Election Ad appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (SMN) – Madaxweynaha Galmudug ayaa kulan wadatashi ah la qaatay Odayaasha dhaqanka deegaanada Galmudug iyo bulshada qaybaheeda kala duwan. Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] ayaa la sheegay in uu kala hadlay odayaasha tabashooyinka ka dhashay doorashadiisa. Qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Galmudug ayaa lagu sheegay in odayaasha ay midnimo u muujiyeen Qoor-qoor. “Waxa ay muujiyeen garab istaaga Maamulka cusub ee Galmudug si loo gaaro horumar iyo midnimo loo dhanyahay,” ayay tiri madaxtooyadda. View the full article
