Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,348
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Warar Dublamaasiyadeed oo Warbaahinta Puntlandi.com ay heleen ayaa sheegaya in Safarkii hore ee Madaxweyne Farmaajo uu laba Todobaad ka hor uu ku tagay Adis Ababa [...] Source
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo goor dhow ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya lagula eegtay duleedka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Qaraxa oo ahaa miino ayaa lala bartilmaameedsaday gaari Cabdi Bile ah, xilli uu marayey deegaanka Siinka-Dheer, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Gaariga la qarxiyey ayaa gabi ahaan burburay, waxaana jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray askartii la socotay baabuurkaasi, inkasta oo weli aan la hayn tirada rasmiga ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inay jiraan khasaare kale oo soo gaaray dad rayid ah oo ku socdaalayey wadada uu qaraxu ka dhacay. Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa sidoo kale gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo muddo kooban xiray dhaq dhaqaaqa Siinka-Dheer, balse ma jirto weli wax faah faahin dheeraad ah oo qaraxaasi ay ka bixiyeen saraakiisha ciidanka ammaanka. Wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa inta badan weeraro qaraxyo ah ka fuliya dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab, iyaga oo beegsada ciidamada dowladda federaalka, kuwa Midowga Africa ee AMISOM iyo mas’uuliyiinta kala duwan ee isticmaala jidkaasi.
  3. Mid kamid ah macallimiinta Iskuulada Muqdisho oo Shabaabnimo lagu helay Sadax sano ayuu wasiir ahaa goodax, imtixaankii iyo deeqaha waxbarashada waa suuq madow maahan wax qarsoon arintaas ( ugu yaraan baar imtixaankii iyo deeqdii waxbarasho (2019 ). Iskuulada inta badan waxay ku jiraan gacanta alshabaab ama dalado ka awood badan Goodax mana galaan imtixaankiisa fashilan. Ma jiro hal school oo gacantiisa ku jira. halka Puntland ugu yaraan 1,000 school oo dowli ah( Public) oo si buuxda ugu jira gacanta dowladda waxay leeyihiin siyaasad,manhaj iyo imtixaan tayeesan oo midaysan. Puntland dowladda waxay miisaanyaida Waxbarashada uqoondaysay 8% dakhliga Dowladda ma helno 1$ oo ku wajahan arimaha bulshada iyo amniga dhanka DFS. Sidoo kale, Waxaan leenahay jaamacaddo tayo iyo khibrad wanaagsan leh kuna filan ardayda kasoo baxday Dugsiyada Sare. Puntland oo tiir dhexaad ka ah dowladda Federalka Soomaaliya in la dhaho nidaamkeeda waxbarasho ma aqoonsanin waana SHAHAADO SUUR !! macnaheedu waa dagaal qaawan oo lagu hayo nidaamka Federaaliga ah iyo tastuurka qaranka. Soo burburi imtixaankaaga iyo systemka waxbarasho ee waqti, kharash aan qiyaas lahayn lagaliyey oo ah midka ugu wanaagsan Soomaaliya sida ku cad warbixinada hayadaha qiimeeya waxbarashada Soomaaliya marna suurtagal noqon meeso hana ku riyoon goodaxow. WQ: Maxamed Cabdulqaadir Cismaan, Wasiiru-dowlaha Wasaraadda Maaliyadda Puntland The post Iskuulada Xamar waxay gacanta ugu jiraan Al-shabaab! appeared first on Puntland Post.
  4. Wararka aan ka helayno duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax halkaasi lagu eegtay kolonyo ka tirsan ciidanka xoogga oo wadadaasi marayay, waxaana la soo warinayaa in uu khasaare kala duwan jiro. Qaraxa oo goor dhacay ayaa waxa uu ka dhacay halka loo yaqaan Siinka dheer oo ah duleedka magaalada Muqdisho waxaana lagu soo waramaya in qaraxu uu ahaa miino haleeshay gaari nuuca Cabdi bilaha ah oo ay wateen ciidan ka tirsan Mileteriga Soomaaliya. Goobjoogayaal ayaa Goobjoog News waxa ay u xaqiijiyeen in khasaare kala duwan uu jiro balse aan si rasmi ah loo sheegi karin, maadaama gaariga qaraxu uu haleeyay gabi ahaana uu gubtay. Wixii ku soo kordha halkan kala soco Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Madaxweynaha maamulka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa kulamo xal raadin ah ka wada magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgauud. Kulamada oo ah kuwa is daba joog ah ayaa waxaa madaxweynuhu uu la qaadanayaa waxgaradka deegaanka, aqoonyahannada iyo qeybaha kale ee bulshada. Intooda badan waxaa kulamadaani diirada lagu saarayaa sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafaadka ka jira deegaanada maamulka Galmuudug. Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Qoor-Qoor.mp3 View the full article
  6. Wasiirka Batroolka oo beryahaanba ku sugnaa Dalka Suudaan ayaa booqday shirkadaha iyo Xarumaha kala duwan ee ka shaqeeya shidaalka iyo Macdanta dalka Suudaan laga leeyahay, iyaoo booqashada ku wehliyay Safiirka JF Soomaaliya Maxamed Sheikh Isxaaq iyo madaxa Ganacsiga Safaarada Soomaaliya yusuf jeego. Wasiirka ayaa Goobaha ku soo dhoweeyay Howl-wadeenada shirkadaha shidaalka, iyagoo Wasiirka ugu warbixinayey sida ay u shaqeeyaan iyo qalab-ka kala duwan ee ay isticmaalaan. Wasiirka ayaa intuu booqashada ku jiray waxa uu warbixin ka siiyey shirkadaha uu booqanaayay sida Soomaaliya diyaar ugu tahay inay ka faaidaysato khayraadkeeda gaar ahaan dhanka baadroolka iyo Macdanta. Wasiirku waxa uu sheegay inmaanta dalka Soomaaliya uu soo dhawaynayo cid kasta oo maalgashanaysa, isla markaana dowlada Soomaaliya iyo Shacabkeeduba ay diyaar u yihiin in ka faaidaystaan khayraadkooda, isagoo xusay in dalka Soomaaliya yahay mid leh Khayraad aad u fara-badan, ayna ka go’antahay in la helo Soomaliya isku fillan gaar-ahaan dhaqaaleheeda, iyadoo laga duulayo in laga faaidaysto nimcooyinka iyo Khayraadka ku duugan oo alle ku manaystay dalka Soomaaliya. Wasiirka baadroolka-Dowlada fedraalka Soomaaliya Abdirishiid Maxamed Axmed ayaa sheegay in Hataaan la joogo xiligii Suudaan iyo Soomaaliya ay iska kaashan lahaayen wax-soosarka khyraadka dabiiciga ah, isla markaana loo abuuri lahaa jawi wada shaqayneed oo labada dal wadayeeshaan gaar ahaan wax soo-sarka shidaalka iyo Macdanta. Dhawaan ayay ahayd markii Madaxweyne farmaajo uu meel mariyey sharciga badroolka, waxana haatan dowladu dadaal ugu jirtaa sidii suuq caalami ah loogu heli lahaa shidaalka Soomaaliya, si dalkeenu uga baxo baahida dhaqaale xumo iyo ku tiirsanaanta gacmaha Caalamka. View the full article
  7. Wasiirka Batroolka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed oo maalmahan ku sugan dalka Suudaan ayaa booqday shirkadaha iyo Xarumaha kala duwan ee ka shaqeeya shidaalka iyo Macdanta dalka Suudaan. Wasiirka waxaa booqashada ku wehliyay Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Suudaan Maxamed Sheikh Isxaaq iyo madaxa Ganacsiga Safaarada Soomaaliya yusuf jeego. Wasiirka ayaa Goobaha ku soo dhoweeyay Howl-wadeenada shirkadaha shidaalka, iyagoo Wasiirka ugu warbixinayey sida ay u shaqeeyaan iyo qalab-ka kala duwan ee ay isticmaalaan. Wasiirka ayaa intuu booqashada ku jiray waxa uu warbixin ka siiyey shirkadaha uu booqanaayay sida Soomaaliya diyaar ugu tahay inay ka faa’idaysato khayraadkeeda gaar ahaan dhanka batroolka iyo Macdanta. Sidoo kale, wuxuu sheegay in hataaan la joogo xiligii Suudaan iyo Soomaaliya ay iska kaashan lahaayen wax-soosarka khyraadka dabiiciga ah, isla markaana loo abuuri lahaa jawi wada shaqayneed oo labada dal wadayeeshaan gaar ahaan wax soo-sarka shidaalka iyo Macdanta. PUNTLAND POST The post Wasiirka Batroolka Soomaaliya oo booqday Shirkadaha Shidaalka waddanka Suudaan appeared first on Puntland Post.
  8. Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Axmed Cimi Cismaan Karaash ayaa maanta safar ugu ambabaxay dalka Germany. Garoonka diyaaradaha ee Gen. Mohamed Abshir Airport Garoowe, waxaa madaxweyne ku-xigeenka ku sii sagootiyay xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Puntland, Saraakiil Ciidan iyo Masuuliyiin kale. Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu shaaciyay safarka madaxweynaha, balse lama sheegin ujeedada uu la xiriiro socdaalka madaxweyne ku xigeenka ee dalkaasi Germany. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo u dhoofay dalka Germany appeared first on Puntland Post.
  9. Wararka naga soo gaaraya G/ Gedo ayaa sheegaya in weli dhaq dhaqaaqyo u dhexeeya ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland laga dareemayo degmada Beled-Xaawo. Dhaq dhaqaaqyada ayaa ka socda duleedka magaaladaasi, iyadoona laga cabsi qabo inay isku dhacaaan labada dhinac. Sidoo kale dadka deegaanka ayaa cabsi xoogan ka muujinayo in lagu kor dagaalamo, walow qoysaska qaar ay isaga barakaceen degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo. Xaaladda ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana markasta la filan karaa inuu dagaal qarxo, maadaama labada dhinac ay baabullo ka wadaan halkaasi. View the full article
  10. Nairobi (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Mandhera, xildhibaanada iyo senatarada laga soo doorto magaaladaas oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa ka hadlay xiisada ka taagan halkaasi. Ugu horreyn mas’uuliyiintaan ayaa ugu baaqay dowladda Kenya in wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan iyo ciidamadiisa ay ka saarto hoteello ay sheegeen inay ka dagan yihiin magaalada Mandhera oo ka tirsan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi. Sidoo kale sanatarada iyo xildhibaanada deegaanka ka soo jeeda ayaa ku eedeeyey wasiir Janan iyo madaxweyne ku xigeenka Jubbaland inay qal qal amni ka wadaan magaalada, islamarkaana ay la soo galaan hub iyo ciidan, sida ay hadalka u dhigeen. Dhankiisa gudoomiyaha ismaamulka Mandhera, Cali Roba ayaa sheegay in mas’uuliyiinta iyo ciidamada maamulka Jubbaland ay degmadiisa soo galeen markii dowladda Soomaaliya ay la wareegtay degmooyinka Doolow iyo Beled-Xaawo ee gobolka Gedo. Cali Roba ayaa sidoo kale tilmaamay in aysan dooneyn in lagu kor dagaalamo dadka shacabka ah ee ay mas’uulka ka yihiin. “Dadkii Maamulka u haayay Jubbaland oo laga soo bixiyay Doolow iyo Beledxaawo waxay soo galeen Mandhera oo qeyb ka mid ah ayay degan yihiin, anagoo rabin dowladda dhexe ee Kenya iyo dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ka socda inaan faragelino faragelin waxaa na saaran mas’uuliyadda shacabka iyo amniga reer Mandhera iyo umadda kale ee jiiraanka nahay amniga aan ku noolnahay nala noolaadaan ma rabno meeshaas in dhib ka dhaco”ayuu yiri goddoomiyaha Mandhera Cali Roba. Arrintaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo horay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay Kenya uga dalbatay inay u soo gacan galiso wasiir Cabdirashiid Janan oo baxsad ka ah iyada, walow aysan illaa hadda si rasmi ah uga jawaabin dowladda dalka Kenya. Halkaan hoose ka daawo muuqaalka
  11. Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur galbeed Soomaaliya ayaa maanta magacaabay guddi ka shaqeyn doona soo xulista xildhibanada cusub ee maamulkaasi. Guddigan oo ka kooban 10 xubnood ayaa ka shaqeynaya sidii baarlamaanka 2-aad ee maamulka KGS loo soo xuli lahaa maadaama kan haatan uu waqtigiisa idlaaday. 10-ka xubnood ee guddigan ayaa leh gudoomiye iyo gudddoomiye ku xigeen waxa ayna sidoo kale leeyihiin xoghaye, waxa ayna shaqa gali doonaan maanta oo uu qalinka ku duugay madaxweynaha KGS Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen. Dood badan ayaa ka taagnayd soo xulista baarlamaanka 2-aad ee KGS, waxa ayna odayaasha maamulkaasi doonayeen in iyaga ay soo xulaan xildhibaanada cusub. Halkan ka akhriso magacyada Guddiga 1.Maxamed keerow Maxamed Guddoomiye 2.Mudixiin Aaadan Ibraahin Guddoomiye ku xigeen 3.Aadan Maxamed Cali Xoghaye 4.Mowlid Xasan Axmed 5.Jaylaan Maxamed Cawf 6.Faadumo Maxamed Axmed 7.Aamino cumar Maxamed 8.Cumar Cali Isaaq Xubin 9.Faarax Sheekh Maxmed 10.Caa’isho ibraahim Cali Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday madaafiic oo saacadihii la soo dhaafay lagu qaaday saldhig ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Halgan, gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Weerarka oo ahaa mid culus ayaa waxaa sheegtay Al-Shabaab, sida lagu baahiyey war lagu qoray bogagooda Internet-ka. Qoraalkaan ayaa sidoo kale lagu sheegay in ugu yaraan illaa 7 madfac ay ku hoobteen gudaha xeradaasi. Al-Shabaab ma shaacin khasaaraha ka dhashay weerarkan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka iyo taliska AMISOM oo ku aadan weerarkaasi. Xaaladda ayaa hadda degan, basle ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ayaa dhaq dhaqaaqyo ka bilaabay duleedka deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan. View the full article
  13. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Duhur-10022020.mp3 View the full article
  14. Al-Shabab militants reportedly destroyed four newly installed surveillance cameras in the capital Mogadishu, blowing them up with explosive devices in the early morning on January 29. Source: Hiiraan Online
  15. Xildhibaanada, Senatarada iyo Mas’uuliyiinta Ismaamulka Mandhera ee Gobolka waqooyi Bari Kenya oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa ugu baaqay dowladda Kenya inay ka saarto magaalada Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid oo halkaasi ku sugan. Xildhibaannada ayaa codsaday in sida ugu dhaqsiyaha badan Ciidamada C/Rashiid Janan iyo isagaba isaga baxaan Magaalada Mandheera. Waxaa kale oo ay sheegeen in Dowladda Kenya ay meel kale geyso C/Rashiid Janan haddii ay taageereyso kana dhaqaajiso Magaaladooda. Guddoomiyaha Magaalada Mandheera Cali Roobow oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in Mandheera amaankeeda uu halis ku jiro kaddib markii Ciidamada dowladda Federaalka ay buux dhaafiyeen xadka labada magaalo. Mas’uuliyiinta Mandheera ayaa sidoo kale ku baaqay in dowladaha Kenya iyo Soomaaliya wixii ka dhaxeeya ay si nabad ah ku dhameystaan islamarkaana aysan qalqal amni gelin dadka rayidka ah. PUNTLAND POST The post Dowladda Kenya oo loogu baaqay in ay Wasiir Janan ka cayriso magaalada Mandhera appeared first on Puntland Post.
  16. It might be the African Union, but high on the agenda at the opening of this week's AU summit in Addis Ababa was the Middle East as declarations were made against the proposed US Middle East Peace Proposal in solidarity with Palestinians. Source: Hiiraan Online
  17. (SLT-Qaahira)-Wafti ka socda dowladda Masar oo isku dayaya iney qaboojiyaan colaadda ka taagan marinka Gaza ayaa maanta oo Isniin ah halkaasi gaadhay sida uu wakaaladda wararka AFP ay u xaqiijiyeen ilo-wareed ka tirsan Waaxda Amaanka ee ururka Xamas. Socdaalka wafdigan ayaa imanaya kadib markii Israel ay mar kale duqeysay magaalada Gaza taasi oo ay kaga jawaabaysay gantaalo halkaasi looga soo tuuray. Masar ayaa in muddo ahba ahayd dhexdhexaadiyaha Israel iyo ururka Xamas oo gacanta ku haya maamulka marinka Gaza laakin waxaan faahfaahin laga bixin booqashadan ay wafdiga Masar maanta ku tageen Gaza. Ciidamada Israel ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay in saacadihii hore ee maanta ay diyaaradahoodu beegsadeen goobo ay leedahay Xamas oo ku yaalla koonfurta marinka Gaza. Waxa ay sheegeen in goobaha la weeraray ay ku jirto xerada tababarka iyo kaabayaal militari oo ay leedahay Xamas. Ma jiro wax war ah oo ku saabsan haddii ay jirto cid duqeymahan waxyeelo ka soo gaadhay ama dhismayaal ku burburay. Habeenkii Axadda ayaa gantaalo laga soo ganay Gaza waxaa lagu garaacay koonfurta Israel, taasi oo keentay in qalabka ka diga gantaalaha ay qeyliyaan islamarkaana kumanaan dad ah ku qasabtay iney aadaan goobaha looga dhuunto banbaanooyinka. AFP Source
  18. Key North Eastern leaders have been holding a series of meetings to discuss the security challenges affecting the region, particularly terror attacks that prompted the withdrawal of teachers. Source: Hiiraan Online
  19. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga,Warshadaha iyo Dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad Saajin ayaa ka hadlay mashruuca biyo ballaadhinta magaalada Boorama oo in muddo ah taagnaa iyo xaalka Jabhada Suldaan Wabar, Halkan hoose ka DAAWO Source
  20. (SLT-Jabuuti)-Dalka Jabuuti ayaa qorshaynaya inay Dayax-gacmeed u gaar ah laba sano gudahood ku sameeyaan, sida lagu baahiyey Wakaaladda Wararka Jabuuti (ADI) horaantii February. Kulan lagu qabtay qasriga Madaxtooyada Jabuuti ayuu Madaxweynaha dowladda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geele, la qaatay Borofeesor Laurent Dusseau, oo ah maamulaha Xarunta Space ee Jaamacadda Montpellier iyo agaasimaha hay’adda Van Allen Foundation, oo qaabilsan istiraatiijiyaddeeda iyo cilmi-baarista Faransiiska, sida lagu sheegay ADI. Madaxweynaha Jabuuti ayaa kulanka ku daawaday muuqaal fiidiyow ku saabsan nidaamka farsamada iyo aqoonta lagama maarmaanka u ah dhismaha dayax gacmeed. War-saxaafadeed ka dib kulan uu la yeeshay Madaxweyne Geelle, Professor Dusseau, wuxuu bogaadiyay heerka tacliinta sare ee Jabuuti. “Waxaan si buuxda ugu kalsoonahay in laba sano gudahood, Jabuuti ay awoodi doonto inay hesho dayax-gacmeedkeeda,” ayuu yidhi Borofeesor Dusseau. Wasiirka Tacliinta Sare iyo Cilmi-baarista Jabuuti, Dr Nabil Maxamed Axmed oo ka qayb-galay kulanka, ayaa sheegay in waddanku uu si dhakhso leh wax uga qaban doono horumarinta xirfadaha waddaniga ah ee injineernimada soosaarka Dayaxgacmeedyada. Dayaxgacmeedkan oo ah mid yar, ayaan la shaacin ujeedadada dalka Jabuuti u adeegsan doono. Source
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) oo wareysi siiyey Goobjoog ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladiisa, gaar ahaan waxa kala dhexeeya dowladda Kenya. Janan ayaa wareysigaan ku sheegay in Kenya aysan wax gaar ah kala dhexeyn, marka laga reebo darisnimada Jubbaland, siduu hadalka u dhigay. Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in haatan uusan ku sugneyn dalkaasi, islamarkaana uu joogo degmada Beledxaawo oo ah magaallo Soomaaliyeed. “Kenya dowlad aan deris nahay waaye muddo dheerna aan deris ahyn inta aan noolnahayna aan sii ahaan doono, wax gaara oo dowladda kenya naga dhaxeeyo oo derisnimada ka baxsan ma jiraan, anigane dalkeeda ma joogo ee waxaan joogaa degmada Beladxaawo”. ayuu yiri wasiir Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in u jeedada iyo dhaq dhaqaaqyada uu ka wado gobolka Gedo ay tahay sidii uu dib ugu soo celin lahaa xasiloonida gobolkaasi oo uu tilmaamay in meesha laga saaray nabad galyadii ay ku naaloonayeen shacabka. “Aniga ujeedadeydu wax weeyaan in shacabkan noloshii shalay ay haysteen in ay dib u helaan oo hadda gacantoodii laga bixiyay nabadgelyadoodii in ay helaaan iyo in aan badbaadiyo sharaftooda lagu xad gudbahayo” ayuu markale yiri wasiir C/rashiid Janan. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan xiisad u dhexeysa dowladda federaalka iyo Jubbaland laga dareemayo degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.
  22. The Somali MP and former singer, Mohamed Omar Dalha, expressed dismay over continued injustices being meted out against people of Lower Shabelle. In an interview with Somali Cable, Dalha, likened the situation in Lower Shabelle to the one people of region lived under the Italian colonialists. He singled out Keli Asayle incident when Italian colonial settlers forced locals to lie down on a small watercourse near plantations and walked over their backs to avoid mud their wellington boots. Dalha: Oppression must end “It is a continuation of colonial tactics to deprive people in Lower Shabelle of their rights. Lower Shabelle can be the bread-basket of Somalia” Dalha said in the interview in which he sent people condolence over the passing of the legendary musician and singer Daud Ali Mashaf in Jigjiga, the capital of the Somali Region of Ethiopia. “People living by the river bank lack health facilities” Dalha said to highlight deprivation people in his area of origin have to endure. Dalha belongs to the segment of the Somali people unfairly described as minorities (Others). Lower Shabelle is a region known for diversity – no single clan can lay claim to it. Only one socio-economic group (agro-pastoralists) from different clans claim the region as a traditional stronghold. Dalha seemed somewhat less forthright in discussing the situation in Lower Shabelle, which is a part of the South West State of Somalia. “Dalha was implying that South West State of Somalia is an illegal and occupying force in Lower Shabelle” says a Baidoa-based journalist who prefers to be quoted anonymously. “I expected him to discuss the situation in Lower Shabelle candidly but he has beaten around the push.” Most Internally Displaced Peoples in Somalia are from Lower Shabelle. The Middle Shabelle is an equally fertile region but, unlike Lower Shabelle, has not suffered the pressure of armed clan militias who occupied made Marka, Afgoye, Barawe and Qoryooley. © Puntland Post Monthly, 2020 Click here to download a full webzine The post Dalha Calls for an End to the “Oppression of People in Lower Shabelle” appeared first on Puntland Post.
  23. Wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubbalad Cabdirashiid Xasan Janan oo wareysi gaara siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in dowladda Kenya aysan isga waxba kala dhaxeyn marka laga reebo derisnimda sida uu tilmaamay. Wasiir Janan oo arrintaasi ka hadlaya ayaa yiri “Kenya dowlad aan deris nahay waaye muddo dheerna aan deris ahyn inta aan noolnahayna aan sii ahaan doono, wax gaara oo dowladda kenya naga dhaxeeyo oo derisnimada ka baxsan ma jiraan, anigane dalkeeda ma joogo ee waxaan joogaa degmada Beladxaawo” Sidoo kale wasiirka amniga Jubbaland ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in si sharci darro ah ay ugu xirtay magaalada muqdisho, waxa uuna xusay in madaxda ugu sareysa dalka marka laga reebo ra’isulwasaaraha ay colaad ka wadaan qeybo ka mid ah gobalka Gedo. “Guryo ku yaala xaafadda Hurwaa ayaa midba mar la igu hayay, kadib waxaa ii suurta gashay in dulmigii la igu hayay uu Alle iiga hiiliyo oo aan dib ugu soo laabto degmada Beladxaawo wax dhiba ma qabo lkn waxaa jira dhib dowladda Soomaaliyeed gaar ahaan madaxda ugu sareeya oo marka laga reebo ra’isulwasaaraha dhibaato iyo colaad ay ku soo abaabuleen deegaano nabdoon” ayuu yiri wasiir amniga Jubbaland. Ugu dambeyn wasiir Janan ayaa ka hadlay ujeedkiisa maamulka Jubbaland wax uuna sheegay in ujeedadiisa ay tahay sidii shacabka maamulkaasi ay mar kale u heli lahaayeen xasiloonidii ay haysteen iyo nabadgalyadoodii oo uu tilmaamay in haatan gacantoodii laga bixiyay. “Aniga ujeedadeydu wax weeyaan in shacabkan noloshii shalay ay haysteen in ay dib u helaan oo hadda gacantoodii laga bixiyay nabadgelyadoodii in ay helaaan iyo in aan badbaadiyo sharaftooda lagu xad gudbahayo” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan wasiirka amniga dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland. Dowladda federaalka Soomaliya ayaa doondoonaysa wasiir Janan oo 28-kii Janaayo ka baxsaday gacanta dowladda, waxaana haatan ciidamo isaga taabacsan ay is hor fadhiyaan ciidan dowladda ay dhawaan geysay qeybo ka mid ah gobolka Gedo. Goobjoog News Source: goobjoog.com