-
Content Count
214,348 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Nairobi)-Wasaarada Arrimaha Dibada Maraykanka iyo Hay’adda FBI-da Maraykanka ayaa iska kaashaday sidii ay dalka Kenya uga caawin lahaayeen “Abuurista Howlgalka Wadajirka ah ee Argagixisada (JTTF)” oo markii ugu horaysay laga samaynayo meel ka baxsan dalka Maraykanka. Wasaarada Arimaha Dibada Maraykanku waxa ay intaasi ku dartay in hay’addan JTTF-ka ay Kenyanku uu hoggaamin doono, isla markaana uu noqon doono hay’ad baadhitaanno samaysa oo ka hortaggta argagixisada oo ku sugan Nairobi, Kenya. Hindisahan lagu dhisayo hay’addan Wadajirka ah ee la dagaalanka Argagixisadda ee Kenya (JTTF-K) ayaa bilaabantay ka dib weerarkii al-Shabaab ay ku qaadday Hoteelka DusitD2 ee magaalada Nairobi, Kenya bishii January 16, 2019, taasoo dhalisay baahi degdeg ah oo loo qabo JTTF oo tababaro ay siiso FBI-du. Dalka Kenya ayay FBI-du u tababari doontaa 42 baadhayaal Kenyan ah, kuwaas oo heli doona tababar 12-todobaad ah oo ku saabsan la-dagaallanka argagaxisada oo ay ku qaadanayaan Akadeemiyada FBI-da ee Quantico, Virginia ka hor inta FBI-du aanay maamulin manhajka isla markaana aanay bixin tababar ku saabsan kaalmooyinka hay’adaha kale. Hase yeeshee waxa la sheegay in baadhitaannada ay fulin doonto JTTF-K lagu salayn doono ama la raaci doono Xeerarka iyo shuruucda caalamiga ah iyo in la barbar dhigo xuquuqda aadanaha. Maamulka sharciga ayaa laga soo saari doonaa dastuurka Kenya iyo heshiisyada caalamiga ah. Kiisaska waxaa lagu qaadi doonaa maxkamadaha Kenya, kuwaa oo dastuurka dalkaasi uu ogolaanayo la-hawlgalayaasha shisheeye in ay si guul leh uga hortagaan khatarta argagixisada. Source
-
Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo has met with the president of the European Union (EU) council in Addis Ababa, the capital city of Ethiopia. According to Somali presidency, the president held talks with Charles Michel on wide range issues. “In a fruitful discussion held with @EUCouncil President HE @CharlesMichel in Addis Ababa, we discussed Somalia’s state-building process, including progress made in areas of security, economic reforms, strengthening institutions, regional issues & the EU vital support for Somalia,” the posts reads. During stay in Addis Ababa, the president also met with several other leaders including prime Ministers of Canada and Norway. Following conclusion, the 33rd Ordinary Session of the Assembly of the African Union, president is expected to return the country later today. The summit which was concluded on Monday stressed the need to accelerate action on mobilizing stakeholders to priorities efforts on peace and effective socio-economic development in the continent. The summit with theme was the “Silencing the Guns: Creating Conducive Conditions for Africa’s Development” is aiming at achieving a conflict-free Africa, prevent genocide, make peace a reality for all and rid the continent of wars, civil conflicts, gender-based violence, violent conflicts and preventing genocide. View the full article
-
The Force Commander of the African Union Mission in Somalia (AMISOM) Lt. Gen. Tigabu Yima has visited Baidoa to assess the progress of joint operations by the Somali National Army and AMISOM troops. During the two-day visit, Lt. Gen. Tigabu received a briefing from field commanders, on the security situation and progress in implementing the Concept of Operations (CONOPs) and the Somalia Transition Plan. He held closed-door meetings with AMISOM commanders of the Ethiopian National Defence Forces (ENDF). He also visited Bardhere Forward Operating Base in Gedo region, where he interacted with the officers. Lt. Col. Imbiakha said, “During the tour, the Force Commander was taking stock of the achievements so far, in operationalising the Concept of Operations 2018-2021.” The Force Commander commended the Somali National Army and the AMISOM Ethiopian contingent for jointly carrying out operations to secure the area, open up the main supply routes, and secure the airport. Lt. Gen. Tigabu also applauded the cordial relations between AMISOM and the Bardhere town administration, enhanced by civil-military cooperation activities to support residents. View the full article
-
The authorities in Puntland regional state today executed two men who were convicted of the rape and murder of Aisha Adan Ilyas in February 2019. Abdifatah Abdirahman Warsame and Abdishakur Mohamed Dige were executed by a firing squad in a public square in the northern Somalia town of Bosaso on Tuesday morning. The execution of a third convict, Abdisalam Abdirahman Warsame was delayed for 10 days at the request of Aisha’s father, Adan Ilyas. On 12th May, the Nugal Region’s Court of First Instance sentenced the three men to death by a firing squad over the rape, torture and murder of 13-year old Aisha Adan Ilyas. Puntland’s Court of Appeal supported the verdict on 30th June 2019 while the Puntland Supreme Court also supported their verdict on 25th August 2019. The rape and brutal murder of Aisha in the central town of Galkayo on 24th February 2019 shocked the country. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Wararka ka imanaya magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, ayaa sheegaya in halkaasi ay ku kulmeen madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya; Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Cabdillaahi Farmaajo. Ilo-diblomaasiyaddeed oo Addis Ababa ku sugan ayaa Wariye Khaalid Foodhaadhi u xaqiijiyay in kulanka labada madaxweyne oo maanta dhacay ay dhex-dhexaadinaysay dawladda Itoobiya. Source
-
Erey Buugga Boobe Ku Saabsan “Buugga Dharaaraa Ina Soo Maray”, Sooyaalkii iyo Sugantii SNM (1981 – 1993) ee Boobe Yuusuf Ducaale waa xog waayeel oo malaasan iyo kayd dhigaal oo macduun ah. Inta aad is la oggolaanaysaan ayaa boqol jeer ka badan inta aad isku diidi kartaan. Anigu, qof ahaan, waxa aan in badan dhex joogey oo aan xogogaal u ahaa mawduuca uu qoraagu ka falloonayo, gaar ahaan inta SNM tooska ugu saabsan, aniga oo qoraaga la garanaya dhacdooyin badan oo uu diiwaagelinayo goobihii ay ka dhacayeen iyo jilayaasheedii iyo daneeyeyaasheedii, qof weliba ama kooxi ba kaalintii uu/ay ku lahaa/ lahayd iyo inta badan suganti kasta oo qoraagu soo tebinayo. Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) waxa uu ka mid yahay foolaadka, haddaanu ahayn ba, qofka ugu horreeya ee loogu hagaagi karo taariikhdii SNM. Waayo waxa uu ahaa inta badan xilligii SNM xoghayn guddi ama xoghaye fulineed, waxanu kale oo uu ahaa nin karti badan oo ‘inta uu cuno ciidansha’, gaar ahaan marka ay qoraal hal-abuurkii iyo kaydin dhacdo timaaddo. Waa aan xusuustaa oo lama arki jirin Boobe oo aan gacanta ku sidan xusuus-qor iyo qalin uu ku gaashaaman yahay. Sidaas buu ku noqday xogogaal wax badan og, wax badanna weeleeya, haddana soo tebinaya. Taas macnaheedu ma aha wax walba oo SNM ku saabsan qoraagu waa uu hayaa ama waa laga ag heli karaa, ama sidii ugu wacnayd ayuu u soo bandhigi karaa inta uu hayo. Wax se hubaal ah in uu wax badan kaydiyey, wax badanna soo gudbiyey, iyada oo tebintiisu u caano shubanaysa tognaansho tayo ahaaneed. Buuggani waa buug qaro weyn, walwaalaya na xog ka culays badan dhumucdiisa. Waxa uu ka kooban yahay 474 bog. Wuu baallo fidsan yahay ballac ahaan. 98% in ka badan waa sooyaalkii iyo sugantii SNM oo car iyo bey la’. Sida uu qoraagu ba buugga meelo ka mid ah ku sharxay ereyga ‘SUGANTI’ oo ah wixii si rasmi ah qoraal ahaan u galay (DOCUMENT) ee SNM lahayd ayuu buuggu xambaaray. Xog malaasan iyo kayd dhigaal ah oo macduunka ah oo aan is leeyahay buuggan mooyee meel kale oo loogu hagaagaa ma jirto ayaa noqonaysa isir Boobe loogu hibayn karo ‘Billad Sharaf’, marka la eego sida uu hawshaas isaga xilsaaray ee uu, ugu horrayn, u kaydiyey dhawr tobanle, mar labaadna isugu dubbaridey qoraal gelinteeda, ka dibna u soo tebiyey buug ahaanteeda dhito iyo dhaxal ahaan. Waa dedaal naf-hur ah, waxana garan kara qof kasta oo ay buug qoraalkii is muteen, weliba buuggan oo kalena wuu ka sii xagjiraa marka lagu dhereriyo mawduuciisa iyo is diiddooyinkiisa ka dhalan kara dhaqanka hadlaaga ah ee aan daymada weyn u lahayn ama siinnin wixii ‘suganti’ ah, ee ka dab qaata ‘kutirikuteenka’ iyo ‘wax la yidhi’. SNM ma aha hadda isir jira oo horteenna yaalla. Waa wax tegey iyo taariikh. In sooyaalkeedii suganti ku saabsan la helaa waa iftiin wax laga baran karo. Wixii sugan ee laga heli karaa waa sahay loogu sahan tegi karo in kale oo ku kala filiqsan maskaxo kale. Buuggani jidkaas buu furayaa. Waa tee ‘Sugantida’ uu haddaba Boobe buuggan inoogu soo tebinayaa? Waa dhammaan shirweyneyaashii SNM oo buuggu lix kaga tibaax bixiyey, kalfadhiyadii guddiyada iyo dhawr shir oo caadi ah iyo dhawr kale oo aan caadi ahayn. Shirarkaasi waxa ay dhacayeen muddo ku siman 10 sannadood. Shirka kasta waxa uu buuggu qorayaa sidii loo qabanqaabiyey, sidii loo maareeyey ergooyinkii ka qayb galay, taariikhdii iyo goobihii lagu qabtay, muddadii shir kastaa socdey, qodobbadii lagaga wada hadlay iyo doodihii ka dhashay iyo go’aamadii ka soo baxay. Shir kastaa waxa uu, dhinaca kale, sawir bar-ku-joog ah ka bixinayaa xaaladdii SNM xilligaas uu shirku dhacayo ay ku sugnayd iyo joogtooyinkii kale ee xidhiidhka la lahaa. Waxa uu buuggu shirarkaas ka soo gudbinayaa ma aha qiimayn iyo aragti uu qoraagu leeyahay ee waa ‘sugantii’ ama ‘document-kii’ rasmiga ahaa ee shir kasta laga soo saaray. Waa taas ta qiimaha samaynaysaa. Buuggu waxa uu, sidaas si la mid ah, u soo tebinayaa ‘sugantii’ qaab dhismeedka ururka SNM guddiyadiisa fulinta, golaha dhexe iyo guddida joogtada ah, iyo waajibkoodii xilgudasho, xeerarkii iyo xaagaantoodii (xeer hoosaadkoodii). Waxa kale oo kuwaas raacaya oo buuggu soo bandhigayaa barnaamijkii siyaasadeed iyo dastuurradii ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed (SNM) oo ‘suganta’ ugu macduunsan ahayd, lagana halacsan karo mabaadidii iyo waxa ay SNM u taagnayd. Saxantii iyo dhalliishii SNM, labadu ba, iyaga oo ka badan biyaha gu’gii gala galalka Ciideed waxa laga la soo dhex bixi karaa dhawrkaas ‘Suganti’ ama ‘Document’ ee buuggu xanbaaray oo aan anigu qof ahaan u arko godanka, obocda iyo biyo-culusta buuggan. Waxa kale oo buugga ku dhex filqan isirro kale oo SNM sooyaalkeeda u taagan oo qoraagu u doorbiday ahmiyad ay lahaayeen. Waxa ka mid ah mawduuca uu qoraagu ula baxay ‘Mudantii Hawl-gallada’. Waxa uu kaga warraamayaa afar dhacdo oo waaweyn: 1. Dhagaxtuurkii Ardayda ee Feb 1982. 2. Hawl-galkii Badbaado ee jebintii xabsiga Mandheera ee Jan 1983. 3. Hawl-galkii Birjeex ee miiska saraakiisha ee April 1983 iyo 4. Hawl-galkii Burco-duurrey ee October 1984. Mudanta Hawl-gallada SNM, waa run, oo kuwani waa ka mid marka laga yimaaddo Gadoodkii Ardayda oo ka madax bannaanaa hawl-gallada SNM, kuna saabsanaa oo ka kacay xadhiggii Dhallinyaradii UFFO. Labada hawl-gal ee jeelka Mandheera iyo Miiska Saraakiishu waxa ay SNM u soo hooyeen sumcad siyaasadeed iyo tu milateri oo weyn. Mawduucyada muhiimka ah ee qoraagu sida miiggan wax uga iftiimiyey waxa ka mid ah wada hadalladii taxnaa iyo heshiishkii Itoobiya iyo Soomaaliya ee 1986/1987/1988, saamayntii ay ku yeesheen halgankii hubaysnaa ee jabhadaha Soomaaliyeed iyo gudo-galkii raacay ee SNM. Kulamadii SNM iyo ergadii Garaad Cabdilqani iyo natiijooyinkii ka dhashay ayaa mawduuc kale oo buuggu wax ka taabtay ah, xiiso na leh. Kaas waxa la mid ah mawduuca kale ee muhiimka ahaa ee isna la xidhiidha heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee SNM, USC iyo SPM oo isna ‘Sugantisii’, ‘Document-kiisii” qoraagu inagu soorayo.. Kaalinta ‘dhaqanka iyo bulshada’ iyo SNM waxa isu soo taagaya oo buuggu soo qaadanayaa geeddisocodkii dhismaha golaha guurtida oo SNM ka soo dhex bilaabmay 1984. Waa dhacdo soo jiidasho yeelan karta, in kasta oo aanu qoraagu inoo sheegin sababta dhismaha guurtidu uu hagaaska u galay wixii ka horreeyey 1988, isaga oo tilmaamay in 1984 dhismaha golahaas la bilaabay oo guddoomiye loo magacaabay, haddana aanu dhaqan gelin wixii ka horreeyey 1988. Buugga waxa kale oo qayb ka ah booqashooyin qoraagu wufuuddii u baxday uu ka mid ahaa oo lagu tegey saddex aag ciidameed oo SNM ka koobnayd 1986. Waxa aan qaybtan u arkay ta ugu liidata buuggan, wax na u dhimaysa xiisihii iyo sahii buugga lagu akhriyi lahaa. Meelo hore ayay qaybtu ka jirtaa (bogagga 157 – 186). Marka aad qaybtan akhriyayso waxa kugu dhacaya caajis badan. Waa aad hamaansanaysaa. Dhawr goor marka aad buugga iska laabto, waxa kugu soo dhacaysa dib ba ha u kala furin, haddii aanu jirin hir kale oo kuu muuqda oo aad higsanayso gaadhiddiisa. Booqashooyinkan dhexdooda qoraagu waxa uu mar ku saarayaa gaadhi Toyota ah oo xiimaya, una kala gooshaya tuulooyin iyo magaalooyin. Odayaasha beesha iyo mujaahidiin buu kula kulansiinayaa, aanu waxba kaaga sheegayn inta badan kuwa ay ahaayeen, waxa lagu wada hadlay iyo natiijo wixii la isla gaadhey. Mar kale waxa uu ku saarayaa diyaarad Helicopter ah oo la baaxaadegeysa dhulka taagagga sare iyo buuraleyda Itoobiya. Malahayga waxa qummanayd in aan 29 bog booqasho qaabkaas ah lagu sii deyn ee lagu koobo tobaneeyo bog. Haddii laga tegi waayo xog ku saabsan degaannada iyo dhulka waa laga mudan karaa sharaxa badan ee booqashooyinka oo muhiim noqon lahaa haddii xoogga qoraagu saaro nuxurkoodii doodo iyo natiijooyin ahaan ba. Ragannimada sooceeda Adigoo sagaal buuxshey Hal ku seegay baa yaalla. Qoraagu isaga oo hawl culus ka soo dhalaalay oo inta badan ee waxtarka leh ee uu soo bandhigay ay u buuxinayaan inta yar ee la odhan karo ama u muuqan karta goldaloolo aan ereyo ku soo koobo intii aniga buugga iiga soo baxday. Booqashadaas aagagga marka la yimaaddo, waxa aan xusi lahaa dhawr qodob oo aan uga gol leeyagay in dib loo eego daabacaadda labaad ee buuggan qiimaha leh, HAI. 1. Buuggu waxa uu u baahan yahay dib u eegis farsameed. Qaabka isku xidhnaanta mawduucyada ayaa ugu muhiimsan meelaha u baahan dib u eegista iyo in aflaaqo ku jirta meelaha qaar laga gooyo. Qaybaha buugga qaar baa u soo baxay qaab taxane ah sida ka muuqata, una eg in aan dib loo eegin markii buugga la gelinayey oo hadda u baahan in dib iyana loo tafatiro. Shirarka oo kale in doc la isugu duwaa fududaan karta, tusaale ahaan. .2. Farta ‘hayska’ leh ama ‘janjeedhka’ leh ee ‘italics’ loo yaqaan oo buugga aad ugu badan oo mararka qaar dhawr bog isku wadhaysa in xal kale loo helaa ila qumman daabacadda labaad, waayo xawliga iyo xiisaha akhriska ayay yaraynaysaa, weliba dadka waaweyn, sidayda oo kale. 3. Qoraagu waxa uu Kornayl Sheekh Yarow ku duray wax kornayl kasta oo SNM ahaa uu Sheekha la wadaagi karo. Sheekh Yarow waa aasaasihii Aagga Koonfureed ee SNM. Dabayaaqadii 1983 ama horraantii 1984 midkood ayaan anigu ugu tegey Suufti oo ku dhacda meel u muuqata xadka Mandheera ee Kenya iyo Buulo Xaawo oo Soomaaliya ah. Suufti oo dhanka Itoobiya raacsan, Doolow iyo Buur Aaminow ayuu Sheekhu saldhigyo SNM ka mid ah ka yagleelay, Col Aadan Saleebaan Cali, AHN iyo aniguna ugu tagnay. Anigu Radio Halgan baan ka socdey. Marar kale oo badnaa xafiiskii Addis Ababa ayuu Sheekh Yarow noogu yimi oo waraysiyo idaacadda ka baxay aan kaga qaadnay. Waxa uu ahaa nin dhulka u dhow oo af gaaban. Ma hubo in uu nool yahay iyo in uu hadda mootan yahay. Boobe waxa uu Sheekh Yarow ku eedeeyey, isaga oo weli ba aqoontiisa qofnimo liidaya, in uu reerkooda isaga oo u hiilinaya dagaal ka ridey Kenya gudaheeda oo ciidamo geliyey. Waa suurto gal oo Digoodi xuduudda saddexda waddan ba (Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya) waa ay u kala gudbaan xilliga hillaac raaca. Maxamed Siyaad Barre haddii uu reero jiidahaas wada dega mid soo hubeeyey oo mid uu mucaaridnimo ka ururiyey ku duqeeyey saw taasiba Aaggii Waqooyi iyo Itoobiya gudaheeda kama dhici jirin oo SNM ciidanadeedu gacan ma siin jirin qabaa’ilkii taageersanaa ee qabaa’ilka kale lagu soo soofeeyey, illayn labada jeer ba “Aagga Koonfur iyo ka Waqooyi”, waxa la iska difaacayaa isku mid bay ahaayeen (Xukuumaddii Maxamed Siyaad oo dagaallo beeleed xabbadda mucaaridka iskaga gudbaysa), oo beeshii SNM si uun maalin u taageerta lagu soo hubeeyey beeshii/ beelihii kale ee ay ood-wadaagta ahaayeen ee Itoobiya ama Kenya xuduudaha ku teedsanaa. Khalad iyo sax kii ay noqotaba waa loo gudboonaa falcelintii SNM ee isku midka ahayd waqooyi iyo koonfur ba haddii wax ka dhaceen Kenya ama Itoobiya, waayo dagaal siyaasadeed oo beelaha la isla dhex galay ayaa dhacayey. Taas awgeed, Kornayl Sheekh Yarow kelidii arrintaasi gaar uma qabato, waxanan u arkay in ay buuggan macdanta ah fongor ku tahay. 4. Buugga waxa ku jira isir kale oo is diiddo ama is burin ah. Dhawr meelood waxa buugga kaga qoran in halgankii SSDF is taagey 1984 markii la xidhay guddoomiyihii jabhadda Kornayl Cabdullaahi Yuusuf Axmed, AHN, iyo xubno kale oo guddidiisii fulinta ka mid ahaa. Isaga oo qoraagu aqoonsan in SSDF ay wax tegey tahay, ayaa haddana waxa uu dhawr meelood oo kale ku iftiiminayaa in labada jabhadood ee SNM iyo SSDF kulamo yeesheen 1986 iyo 1988 oo wadajir wax u wada gaadheen, madaxda Itoobiyana wada xaajoodyo la wada yeesheen uu Boobe laftiisu goobjoog ka ahaa. Mar dambe laftaydu waxa la i xusuusiyey in xadhigga Cabdillaahi Yuusuf ahaa 1986. Sannadkii 1985 ayaa khilaafkii SSDF oo hoggaaminta ku saabsanaa cirka isku shareeray. Cabdiraxmaan Caydiid iyo Iikar Maxamed xmXuseen oo ka mid ahaa madaxda SSDF ayaa shirqool lagu diley. Ka dib ayaa la xidhay Cabdillaahi Yuusuf. Shirar badan oo guddoomiyihii SNM ee xilligaas Axmed Siilaanyo oo rag Boobe ka mid yahay la socdaan ayuu buuggu qorayaa in ay sannadahaas 1986 iyo 1988 la yeesheen guddoomiyihii SSDF Xasan Cali Mire iyo rag kale oo ay ka mid ahaayeen Cumar Salaad Cilmi, Maxamed Faarax Jimcaale iyo Injineer Ismaaciil. Hadda waa SSDF-tii dhinaca kale qoraagu meelo kale oo isla buugga ah ku lahaa waxa ay burburtay oo hawada ka baxday 1984. Runtii waa taas ta is burinta iigu muuqataa ee buuggan miisaanka leh aan u qalmin ee fongorta ku ah 5. Gabay Qaasim lahaa oo uu qoraagu hal sadar ka soo qaatay ayaa isna u dhignaa; ‘Addis Ababa gee baan lahaa ayda doogga leh’. Malahayga waxa uu ku saxnaa sidan: Iliilaha Jabuutaan lahaa aayar sii mari Addis Ababa gee baan lahaa adhaxda jiilaal Enefdii ha daaqdaan lahaa ayda doogga leh. 6. Cabdillaahi Wadhafit ayuu buuggu ku tibaaxay in uu lahaa halkudhegga: “Ka tag talo xume U tag talo xume Anna talo xume Waa tabtaan ahay. Cabdillaahi Wadhafit markii hore waxa uu ka yimid Maxamed Siyaad Barre oo waxa uu u yimid Cabdillaahi Yuusuf, haddana waxa uu ku noqday Maxamed Siyaad sidaas buu Boobe Yuusuf u dhigayaa sababta halkudheggani ku yimi. Hase yeeshee, waxa aan anigu u hayaa si taas ka geddisan iyo nin kale oo halkudhegyo badan lahaa in uu kanna lahaa. Waa Xirsi Magan, AHN. Maxamed Siyaad buu ka yimi sida Cabdillaahi Wadhafit. SSDF buu ku geli waayey oo ka yimi sidoo kale. Maxamed Siyaad se kuma uu noqon oo SNM buu u yimi. Wuu ku geli waayey sidii SSDF. Maxamed Siyaad ku ma uu noqon sidii Wadhafit ee waxa uu ku ciil burburay oo Markaas yidhi, baa la yidhi: Ka tag talo xume U tag talo xume Anna talo xume Waa tabtaan ahay. Xirsi Magan waxa uu ahaa cabqari qaayaha afka ku wadh wadhay oo kaftan iyo murti badan. Halkudhegyo dhawr ah oo kale ayuu lahaa. Waxa ka mid ahaa, baa la yidhi, kan isla SNM ku saabsanaa markii uu ku soo biiray. Waxa uu yidhi markii uu muddo SNM la joogey: “Waxa aannu ka nimi kuwo xanta naga qarsada, manfaca se la la wadaago, wax se aannu u nimi kuwo labadaba naga qarsada”. London ayuu Xirsi Magan ku geeriyoodey 10 sano ku dhowaad ka hor, AHN. Halkudheggaas Boobe buugga ku soo qaatay in Xirsi leeyahay dhawr qof oo kala duwan baan muddooyin kala duwan ka maqlay. Hubsiimo kale ayuu isna u sii baahan yahay. 7. Waxa iyana aan qoraa Boobe Yuusuf kaga yar duwanahay sidii loo kala hor yagleelay saldhigyada ururka. Buuggu waxa uu qorayaa sidan: in saldhigga Durya ahaa ballaysinkii. Waa aan la qabaa qodobkaas. Raacii labaad ee saldhigyada waxa uu ka dhigay Xarshin, Laanqayrta, Awaare, Gaashaamo iyo Baalidhaye in ay ugu horreeyeen. Anigu waxa aan SNM ku soo biray March 1983. Baalidhaye, Gaashaamo iyo Xashin midna kama aanay jirin saldhigyo la sheegaa oo ciidameed. Gaashaamo waxa joogey oo jiidda bari abaabul ka wadey saraakiil aan ka xusuusto Maxamed Kaahin, Cali Hayaan iyo Cabdillaahi Cali Suufi, labadan dambe, waa ay mootan yihiin, AHN, iyo tiro yar dad ah oo gudaha ka soo baxay oo askar iyo sibil ka kooban, aan se saldhig weli yagleelin. Xarshinna waxa aannu ugu tagnay arday keli ah oo guri magaalada laga siiyey, gaar ahaan hablaha, oo waqooyi bari kaga yaal ku jirta. Laanqayrta iyo Awaare ma aan tegin wakhtigaas, saldhigga se Awaare waa uu dambeeyey marka ka Darroor loo eego oo aan qabo in uu ka horreeyey Baalidhaye, Gaashaamo iyo Xarshin ba. Darroor oo muddo bil ku dhow aannu joogney waxa xilligaas ka furnaa saldhig ciidameed oo weyn. Maxamed Cali Faarax. AHN, ayaa joogey. Xero magaalada ka go’an oo dhinaca waqooyi galbeed kaga qumman ayuu saldhiggu ahaa. Ciidamo hubkooda fududi u dhan yahay ayaa rigli ama rasmi ku ahaa, halka meelaha kale abaabullo xooggani ka socdeen. Inta u dhaxaysa Baalidhaye iyo Darroor gaadhi baannu ku marnay. Darroor iyo Xarshinna waa aannu u kala lugaynay. Laba habeen baannu Rabaso iyo Kaam Haashin ku sii kala nasannay. Rabaso waxa abaabul ciidan ka wadey Shakiib Cabdilqaadir, AHN, iyo Jacfar Ismaaciil Bootaan oo aannu Hargeysa isku naqaanney, nolol na aan kaga warhayo. Laga yaabee in qorshihii maamul ee ururku ahaa in saldhigyo laga sameeyo goobahaas sidii markii dambeba ka dhaqanka gashay, markaas aannu SNM nimi na abaabulkeedu xoogga u socdey. Dhinaca qaabqoraalka buugga, marka loo eego buugaagta Soomaalidu soo saarto waa uu ka badbaadey khaladaad badan oo kugu soo noqnoqda marka aad akhriyeyso, waa ay se jiraan meelo u baahan in loo saxar tiraa. Magaca buugga ee “Dharaaraa Ina Soo Maray” dad badan baa ka hadlay sida uu u yaallo oo ah si aan habqoraalka toolmoon waafaqayn. Ereyo kale oo buugga ku soo noqnoqonaya ayaa taas la mid ah sida caadiya, sharciya, dastuuriya, rasmiya iwm. Waxa loo baahnaa in ereyadaas loo qoro sidan: caadi ah, sharci ah……iwm. Buuggani in farsamo ahaan dib loo egaa waa muhiim, meelaha iigu muuqday in laaxin ku jiro ee aan wax ka tilmaamay na in dib loo dhugtaa waa wanaag kale, nuxur ahaan se xogta buuggu sidaa waa rib iyo ruud malaasan oo macduun ah. Sidii aan hortebyada ku sii carrabbaabay waa dhaxal weyn oo wax badan laga baran karo, tixraac badanna laga magansan karo marti ahaan. Qof kasta oo doonaya in uu wax dhab ah oo aan dhalanteed ahayn ka ogaado SNM iyo waayaheedii buuggani waa uu u jidbixinayaa, sii ba wixii ‘Suganti ah’. Qof kasta oo is leh SNM wax ka qorna buuggani waa u ma dhaafaan oo waxa uu u ballaqayaa albaab uu sooyaalkii SNM ka galo, una gudbinaya halkii kale ee uu doonayo in uu gaadho. Buuggu waxa kale oo uu wax u tarayaa axsaabta siyaasadda oo ka faa’iidaysan karta sidii SNM ula falgashay dimuqraaddiyadda, xeerarka, barnaamijyada siyaasadeed, dastuurrada iyo qaabdhismeedka guddiyada iyo hannaanka shirarka. Maanta kaalintii qiimaynta ayaa la joogaa, si loo helo SNM halka ay ku wacnayd iyo halka ay ku xumayd. Guul iyo guuldarro labada ba in la isku barkiyo, si wuxu qaayo u yeeshaan. Ugu dambayn aan bogaadiyo Boobe Yuusuf Ducaale oo aan qiyaasi karo, dareemayo na duruufta isaga qof ahaan u gaarka ah ee ag taalla iyo ta guud ee uu buuggan ku dhex qoray ba. Xil weyn buu inaga wada dul qaaday, jid dhiirrasho leh na waa uu inoo laangooyey. Boobe waa uu ka midho dhaliyey hadafkii uu buuggan ka lahaa iyo kaydkii uu inta badan tacabka gelinayey mar haddii uu isa soo dhaafiyey. Nimay ku hadhay hawli haysaa, iyada oo sooyaalkaas dhinacyo kale na laga eegi karo maanta, buugguna uu taas badhitaar weyn u noqonayo xigasho ka dhigasho iyo xusuus soofayn ba. Buugga waxa daabacday shirkadda waddaniga ah ee Sagaljet. Bogaadin. Maxamed Baashe Xaaji Xasan Mohamedbashe@hotmail.com Qaran News
-
Wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqan-celinta dowladda Puntland Cawil Sheikh Xaamud Maxamed oo Warbaahinta kula hadlay caasimadda Garoowe, ayaa faahfaahin ka bixiyay xukunkii Qisaasta ahaa ee Saaka la mariyay laba kamid ah saddex xukmane oo lagu helay Kiiskii Caa’isha Ilyaas. “ Maanta oo bishu tahay 11-February- 2020-ka, waxaa caddaalad la marsiiyay dadkii loo haystay in ay kufsadeen Caa’isha Ilyaas. Labadaas eedaysane oo lagu magacaabo Cabdifitaax Cabdiraxmaan iyo Cabdishakuur Maxamed, ayaa maanta la qisaasay” ayuu yiri Wasiir Cawil Sheikh Xaamud. Wasiirka oo ka hadlayay sababta uu mudada intaasi le’eg u raagay fulinta xukunka qisaasta ah, ayaa sheegay in mar kasta dowladdu ilaalinaysay, in qof dambiile ah uusan baxsan, islamarkaana qof aan dambe gelin la ciqaabin. “ waxaa laga yaabaa in dad badani su’aal ka keenaan maxay cadaaladdu mudada intaas le’eg u soo jiitantay oo halka sano u qaadatay. Waa in la fahmaa, Cadaaladdu had iyo jeer waxay u baahantahay hubin” ayuu sii raaciyay Wasiirka. Hoos ka daawo hadalka Wasiirka oo dhammaystiran PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo si rasmiya u faahfaahisay Fulinta Qisaastii Kiiska Caa’isha appeared first on Puntland Post.
-
MAXAA SOMALILAND FURSAD UGU JIRA SAFARKA MADAXWAYNAHA SOMALILAND UU KU TAGEY ADDIS-ABABA , ETHIOPIA OO UU KA SOCDO SHIR MADAXEEDKII MIDOWGA AFRIKA ? ====================================== ” Inta aanan u gudbin ujeedada qoraalkayga waxa aan xasuusinayaa akhristayaasha taariikhda Somaliland iyo Somalia oo dul ka xaadis ah “ Somaliland waxa ay ahayd 28 sanadood qaran dawladnimadii uu kala bahoobay Italian Somalia , 1 July 1960 kii ee ay ku midoobeen Jamhuriyadii Somalia in ay u raadiso in aduunyadu aqoonsato la soo noqoshada madax banaanideeda qaranimo. Haddaba waxa mudadaa dheer xukuumadihii kala dambeeyey dedaal ugu jireen in ay aduunku Somaliland u aqoonsado qaran ka mid ah qaramada aduunka , iyada oo asbaabaha ay Somaliland ku doodeyso ay yihiin qaar wada xoogan isla markaana ay buuxisay shuruudihii dawladnimo oo dhan. Waxa hawshan Somaliland waday caqabad ku ahaa mudadaa dheer in cidii ay la bahowday aanay dawladnimo iyo kala dambayn midna haysan si loo wada hadlo , waxaana aduunku tacab badan galiyey in Somalia la nabadeeyo dawladana loo dhiso , inkasta oo aanay ilaa maanta ka dhisnayn dawlad la odhan karo waa mid cago ku taagan oo iyadu wax maamusha. Somaliland iyadaa dhisatey dawladnimada ma jirto cid wax ku bixisay oo aduunka ahi , waxa ay maamushaa guud ahaan dhulkeeda , badeeda iyo hawadeeda , waxa ay leedahay dastuur , axsaab siyaasadeed , ciidamo , shaqaale , iyo nidaamka dimuqaradiga ah ee axsaabta badan , waxaana Somaliland 28 kaa sanadood soo maray 5 madaxwayne oo sadex ka mid ah codka shacabka ku soo baxeen. Haddaba Somaliland Maxaa faaiido ah ee ugu jira safarka uu Madaxwayne Biixi dalka Ethiopia ku tagey ? Waxa muuqata in Madaxwaynaha Somaliland casuumad dawladeed uu ku tagey marka aad eegto hab maamuuska loo qaabiley iyo qaabkii loo soo dhaweeyey. Marka laga tago ujeedooyinka aan ilaa hadda la ogeyn ee madaxwayne Biixi ku tagey dalka Ethiopia , haddana waxa aan faaqidi karnaa fursadaha ugu jira safarkan qaranka Jamhuriyada Somaliland. 1- Dalka Ethiopia waxa ka socda shir madaxeedkii 33naad ee midowga Africa oo Madaxwayne yaasha qaarada Africa oo dhami ay halkaa ku sugan yihiin , Somaliland na ay fursad u heli karto in ay hadii aanay shirka qayb galin ay madaxda isugu timid kulan doceedyo qadiyadeeda ku gaarhsiin karto. 2- Dalka Ethiopia waxa ku sugan oo shirkaa u yimid madax badan oo aduunyada kale ka kala socoto , iyo madaxda ururada caalamiga ah ee aduunka oo iyaduna fursad u ah in Somaliland ay kulano la yeelato daneheega iyo arimaheegana kula socodsiiso . 3- Dalka Ethiopia waxa lagula kala wareegay hogaamintii sanadlaha ahayd ee midowga Africa oo laga wareejiyey Madaxwaynaha dalka Masar Cabdulcadiis Alsiisi , waxaana la wareegay madaxwaynaha koonfur Africa Mr Ramaphosa oo ah dal ka duwan masar , isla markaana dar dar iyo waji cusub oo Africa wax badan lagaga qabto horseedi kara , Somaliland na qadiyadeeda ka iibin karto. 4- Dalka Ethiopia shirkii uga socday midowga Africa waxa sanadkan hal ku dhig u ahaa in la Aamusiiyo qoriga , oo macnaheedu tahay dhamaynta iyo soo afjarida colaadaha , Geeska Africa oo ay Somaliland ka mid tahay wadamada ugu nabdoona ay ka qayb qaadan karto ololahaa soo afjarida colaadaha iyo Aamusiinta qoryaha. 5- Shirka Midowga Afrika ee dalka Ethiopia wadamada lagu soo qaaday in colaadaha ka jira la xaliyo waxa ka mid ah South Sudan iyo Libya oo marka loo dhabo galo dawladnimada koonfurta Sudan heshay in ay ka mudbayd in Somaliland la siiyo oo taariikh ahaan , qadiyad ahaan , sharci ahaan iyo buuxinta shuruudaha dawladnimoba kaga haboonayd , taasi oo sababi karta in la isla soo qaado ka midho dhalinta arimaha #Somaliland iyo #Somalia ee jiitamaya 28 ka sanadood , oo aduunku Somaliland cagta ku hayey si ay Somalia u soo kacdo . 6- Ka midho dhalinta isbadelkii siyaasadeed ee Geeska Africa oo laftiisuna aanu midho dhalayn ilaa qadiyada Somaliland iyo Somalia dhex taalla xal loo helo si Somaliland u noqoto dawladaha ka hawlgalaya mushkilada Somalia dhex taalla maadaama iyadu dhaqan ahaan , dad ahaan iyo dawlad ahaan noqonayso ta ugu dhow ee wax la qaban karta Somalia. 7- Arimaha ka dhexeeya Afrika waxa iska leh midowga Afrika oo loo daba fadhiisanayaa , Somaliland waxa ay dardar galin iyo kalsooni siin kartaa in midowga Afrika dhex galo Arimaha Somaliland iyo Somalia , waxaana ay u sharixi kartaa qadiyadeeda gudiyada joogtada ah ee midowga Africa ku leeyahay dalka Ethiopia. 8- Urur goboleedka IGAD waxa isagana xoghaye ka ah wasiirkii arimaha dibada ee dalka Ethiopia , oo dhawaan la wareegay , Somaliland waxa ay u tahay fursad maadaama uu yahay shaqsi Geeska Africa arimaha ka socda aad ugu xog-ogaal ah isla markaana qadiyada Somaliland gayn kara urur goboleedka IGAD. 9- Somaliland waxa ay dawladaha midowga Afrika iyo kuwa aduunkaba ee madaxdoodu ku sugan tahay caasimada dalka Ethiopia ee Adis-Ababa la sameysan kartaa xidhiidho ganacsi , iskaashi iyo maalgashi xataa hadii aanay helin xidhiidho diblomasiyadeed maadaama ay ku taallo meel aad u muhiim ah oo aduunka oo dhami u baahan yahay. 10- Iyo ta ugu dambaysa oo ah in Adis-Ababa ay kuwada sugan yihiin Madaxwaynaha Somaliland iyo Madaxwaynaha Somalia oo 3 sanadood ee ugu dambaysay dagaalo diblomaasiyadeed iyo qaar colaado Somalia dabada ka riixaysaa ka dhex jireen in aduunku iyo midowga Africa dhex-dhexaadiyaan oo inta Somaliland iyo Somalia dhinac u kala dhacayaan la yidhaahdo aduunku si isku mid ah ayuu idiin la macaamilayaa labadiinaba oo khilaafkii warbaahinta, diblomaasiyada iyo colaadaha hoose lahaa halkaa lagu soo afjaro. Intani waa inaha la saadaalin karo , marka aynaan ogeyn waxa qarsoon ee ujeedada safarka madaxwaynaha Somaliland. Mohamed Abdi Jama Facebook : Muhamed Dhimbiil hormood@hotmail.com Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya, Khadiijo Maxamed Diiriye oo warbaahinta la hadleysay ayaa soo hadal qaaday arrimo ku aadan dhismaha garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho. Khadiijo Diiriye ayaa sheegtay inay jiraan xubno mas’uuliyiin ah oo doonaya inay si gaar ah uga faa’iideystaan dhismaha garoonkaasi. Wasiirada ayaa tilmaamtay in shaqsiyaadkaasi damaca ku jira uu yahay inay guryo ka dhex dhistaan Stadium Muqdisho oo hadda uu ku socdo dib u dhis ballaaran. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inay aysan aqbali doonin in guryo laga dhisto dhulka garoonkaan oo loogu talagalay in lagu hormariyo ciyaaraha dalka. “Aniga ka wasiir ahaan,Gos dhamaan xiriirada Ciyaaraha kala duwan ee hoostaga Gos iyo Bahweynta Sportiga Soomaaliyeed marnaba ma aqbali doono in dhulka Garoonka muqdisho laga dhex dhisto Guryo”. ayey tiri wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye. Ugu dambeyn waxa ay wax lala yaabo ku tilmaamtay damaca shaqsiyaadkaasi, iyadoo sheegtay in xitaa ay garan waayeen wixii ay ka xishoodeeen jabhadihii dalka soo maray. “Waa wixii 30-kii sano ee la soo dhaafay ay ka xishoodeen Jabhadihii iyo hoggaamiye kooxeedyadaii soo maray dalka”. ayey hadalkeeda ku soo gabagabeysay. Stadium Muqdisho oo ah garoon weyn ayaa in muddo ah burbursanaa, waxaana saameyn ku yeeshay dagaalladii sokeeye ee dalka, haatanse waxaa ku socdo dib u dhis ballaaran, kaas oo maraya meel gabagaba ah, sida ay xaqiijisay wasaaradda ciyaaraha.
-
Qoyska marxuumad Caisho Ilyaas Aadan ayaa maanta ka war bixiyey qisaasta lagu fuliyey qaar ka mid ah raggii dhibaatada u geystay marxuumadda oo sanadkii hore lagu dhibaateeyey magaalada Gaalkacyo. Aabe Ilyaas Aadan oo ah Aabaha dhalay marxuumad Caisho, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yihiin in maanta la fuliyo qisaastii gabadhiisa ee labo ka mid ah eedeysanayaashii, waxaana uu ka war bxiyey ujeedka 10 casho dib loogu dhigay eedeysanihii sedexaad. “Ninkii sedexaad waxaa dib u dhigay, dambiile ayuu ahaa codsi ayaa jiray xaga dadka ah iyo annaga ah waana la hubinayaa 10-ka casho, codsiga waxaa wada dhiibay dad iyaga ka tirsan iyo annaga in la hubiyo ninkaas annaga xageena dambiile ayuu ka ahaa” ayuu yiri. Sidoo kale Aabe Ilyaas oo hadalkiisa siiwato ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay hadal baaha bulshada la isla dhex qaaday oo ahaa in nimanka la toogtay aysan aheyn dadkii ku eedeysanaa kiiska Caisho waxaana uu yiri. “Nimankii Caisho dilay daris ayaan aheyn waan wada aqaanay waan wada hadalnay waana iscafinay, cafis ayey iga dalbadeen iyaga oo tiirka gaariga saaran Aakhira warjiraa ayaan ku iri , Tiirka ayaa la geeyey waana la toogtay markii ay dhinteen aniga ayaa dul tagay oo Dhuunta iyo Gacanta ka taabtay” Dhanka kale Aabaha dhalay marxuumad Caisho ayaa xusay in eedeysanaha sedexaad dib markale loo baari doon DNA-ga lana xaqiijinaayo inuu ku jiray dadka gabadhiisa dhibaateeyey la qisaasi doono . “DNA-ga Hooyo iyo Aabe ayaa wada dhalay lakiin ninkaas falkii gadha ayaa ku jira, Dheecaankiisii ayaa ku jira, Shahwadiisii ayaa ku jirta iyo Dhiigiisii ayaa haddii uu la falgalay gabadaha waa la heli doonaa” ayuu yiri” Ugu dambeyn Aabaha dhalay marxuumad Caisho Ilyaas Aadan ayaa sheegay in loo ogolaaday in ayagu fushadaan qisaasta dilkii loo geystay marxuumad Caisho oo saakay lagu fuliyey labo ka mid ah raggii ku eedeysnaa dilkaasi. “Qisaasta annaga ayaa fulinay dowladdu fushada ayey nagu tiri, shareecada waaye dareenkaygana aad ayuu u fiican yahay Soomaali weyna waan u mahad celinaayaa, dadkii dambigaas ka galay Caisho Ilyaas Aadan waa la toogtay labo nin midna waa uu dambeeyaa” Aabaha marxuumad Caisho Ilyaas Aadan. Marxuumad Caisho Ilyaas Aadan ayaa 25-kii Febaraayo 2019-ka maalin ka hor la weysanaa waxaa meydkeeda laga helay xaafad ka mid ah Waqooyiga magaalada Gaalkacyo, waxaana markaas jirkeeda ka muuqday jirdil ba’an oo loo geystay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxwaynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye( Qoor Qoor) iyo ku xigeenkiisa Cali Daahir Ciid ayaa shir gudoomiyey kulanka golaha wasiirada maamulkaasi oo maanta lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb. Shirka ayaa waxaa looga hadlay xaaladaha ka jira Galmudug, tallaabooinka loo baahan yahay in horey loo qaado, sida amniga iyo adeegyada kale ee bulshada. Sidoo kale wararka qaar ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in wasiirada uu la kulmay madaxweyne Qoor Qoor ay ahaayeen kuwo aan haatan wax xil ah heyn, islamarkaana uu horey uga qaaday Axmed Ducaale Geelle ( Xaaf) iyadoona sidoo kale ay meesha ka maqnaayeen kuwii ka soo galay dhinaca ururka Ahlu Sunna Waljamaaca. Qoor Qoor oo wada abaabullo xoogan ayaa sidoo kale shalay la kulmay odayaasha dhaqanka ee deegaanada Galmudug, isagoo kala hadlay xaaladda maamulkaasi. View the full article
-
Click here to read more Qaran News
-
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil saacadihii la soo dhaafay labo qof oo shacab ahaa loogu geystay duleedka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Dilka oo ka dhacay deegaanka Habar-Cirir ee gobolkaasi ayaa la sheegay in geysteen maleeshiyaad hubeysan. Dhinaca kale taliyaha ciidanada Booliska degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, Cabdifitaax Maxamed Jaamac oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in degmadaasi ay ku qabteen labo ka mid ah ragga dilka geystay oo iyaga baxsad ah gaaray halkaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay haatan ku raad joogaan labo nin oo kale oo la sheegay inay ku lug lahaayeen dilalkaasi. Inta badan dilalka ka dhaca gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ayaa salka ku haya arrimo la xariira aanooyin Qabiil. View the full article
-
Qiimeyn sanadle ah oo ay todobaadkan soo saartay Global Fire Power oo ah madal lagu qiimeeyo awoodda ciidamada dalalka ee tiro, saanad iyo saadba ayaa ciidanka xogga dalka Soomaaliyeed gelisay kaalin hoose oo aan u qalmin, taariikh, magac iyo maamuus ahaanba. Qiimeyntan oo lagu sameeyey ilaa 138 dal oo caalamka ah, Soomaaliya waxaa ay gashay kaalinta 136-aad, waxaa ka hooseeya uun dalalka Liberia iyo boqortooyada yar ee Bhutan. Labadan dal ee Soomaaliya ka hooseeya midka hore waxaa ku nool 4 Milyan, ciidankooda waa 2,000 oo qof halka Bhutan ay ka yartahay hal milyan qof, ciidamadooduna lagu qiyaasay dhowr kun. Qiimeyntan waxaa kaalimaha 10-ka ugu horeeya ay noqdeen sidan: (1). Mareykanka (2). Ruushka. (3). Shiinaha. (4). Hindiya (5). Japan. (6). Koonfurta Kuuriya. (7). Faransiiska. (8). Ingiriiska. (9). Masar. (10). Brazil. Dalalka Afrika, bariga dhexe iyo carabta waxaa hoggaanka u haya dalka Masar, Dalalka kale waxaan ka xusi karnaa: Turkiga (11), Iran (14), Pakistan (15), Israel (18), Waqooyiga Kuuriya (25), Ciraaq (50), Suuriya(55), Itoobiya (60), Suudaan (76), Kenya (84), Uganda (86), Qatar (90), Koonfurta Suudaan (117). Xaaladda ciidanka xoogga dalka: Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo isniintii ka hadlayey shir madaxeedka Midowga Afrika ayaa sheegay in cunaqabateynta hubka ee dalka saaran ay keentay dhibaato xoog leh isaga oo sheegay in argigixisada kula dagaalaan hal gacan oo xiran. Farmaajo waxaa uu xusay in loo baahan yahay in qorshaha lagu dhimmayo AMISOM ay barbar socoto qorshe kale oo lagu dhisayo ciidanka xoogga dalka, oo la qalabeeyo. Maxaa loo dhisi waayey ciidanka qaran? Madaxweyne Farmaajo waxaa uu qeyb ka yahay guuldarrida ah in aan weli la dhisin ciidamo qaran oo talo leh, marka la eego fulin la’aanta heshiiskii “Security Pact” ee lagu saxiixay London isaga oo 3 bil joogay iyada oo lagu heshiiyay dhismaha ciidamada qalabka sida, bixitaanka AMISOM, maalgelinta ciidamada iyo kaalinta Soomaalida iyo beesha caalamka ee hirgelintiisa. Heshiiskan waxaa uu khuseeyey 4 meel: Tirada ciidamada, qeybinta ciidamada ee dowladda iyo maamul goboleedyada, taliska ciidamada iyo mas’uuliyadda dowladda iyo maamul goboleedyada. Beesha caalamka waxaa ay soo dhaweysay heshiiska siyaasadeed iyo heshiiska Qaabaynta Amniga Qaranka”, waxaana lagu taliyey in laga sii wada hadlo meelaha weli aan laga hadlin ee siyaasadda, waxaa ku jira maalgelinta ciidanka iyo sida ay tahay in lacagta ciidanka u qeysadaan Soomaalida iyo beesha caalamka. Taageerada Beesha Caalamka: In Beesha caalamka ay taageero dhaqaale iyo mid qalab ah siiso Soomaaliya 4ta sano ee soo socota. In lala yimaado qorshe ciidanka lagu maalgeliyo(CAS) qorshahaas oo lagu yeero 4As oo kala ah( Affordable, acceptable, accountable and able) iyo in AMISOM lagu saleeyo baahida ay dadka Soomaalida ah qabaan. 3 sano kadib arrimahaas waxbo lagama qaban, mana muuqato in 2020-ka la fulin karo taasi oo ku tusineysa in Soomaalida oo ay ugu horeyso dowladda federaalka ay mas’uulka ka tahay kaalinta iyo sharaf dhaca ciidamada xoogga dalka uu ka galay qiimeynta Global Fire Power. W/D: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye Goobjoog News
-
Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo maanta la hadlayey warbaahinta ayaa si adag uga hadlay xaaladda ammaan ee dalka. Xijaar ayaa sheegay in dalka lagu soo duulay, islamarkaana lag soo galo xuduudaha iyo dhanka hawada, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in la diidan yahay in la sugu amniga dadka, islamarkaana la burburiyey Kaamirooyinkii lagu xiray jidadka qaar ee magaalada Muqdisho. “Dalkeena amnigiisa waa lagu soo duulay, xuduuda halaga soo galo ama Dayuurad ha lagu yimaado, dalkeena Amnigiisa meel xun buu marayaa, waxaa la diidan yahay dadka amnigiisa in la ilaaliyo Kaamirooyinkii wadooyinka lagu xiray in la qarxiyo baa la gaaray, wadaa la dhisayaa Injineeradii dhisayay baa la dilayaa oo la qarxinayaa, waxaa la diidan yahay Umadatan Soomaaliyeed iney xasisho oo luga heeda ku istaagto”. ayuu yiri Xijaar. Ugu dambeyn wuxuu taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku baaqay in laga wada shaqeeyo shacab iyo ciidan amniga dalka, si looga gudbo xaaladaha adag ee jira. View the full article
-
Raggii kufsaday Caa’isha Ilyaas oo Bosaaso lagu toogtay Qaar kamid ah ragga la toogtay Waxaa saaka maamul goboleedka Puntland lagu toogtay laba kamid ah raggii kufsaday Caaisha Ilyaas oo maxkamadaha Puntland ay dil xukumeen. Ragga la toogtay oo lagu kala magacaabo Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed ayaa sakaa aroortii la geeyay fagaare ku yaala Magaalada Bosaaso ee Puntland, halkaas oo lagu qisaasay. Ragga dilka lagu xukumaya oo titradoodu gaareysay saddex ayaa waxaa dib loo dhigay mid kamid ah raggaas, waxaana la filayaa in fahfaahin dheeraad ah ay ka bixiyaan hey’adaha garsoorka ee Puntland. Raggan ayaa 25-kii bisii Febraayo ee sanadkii hore ee 2019-ka Magaalada Galkacyo ku kufsdaay Caaisha Ilyaas oo xilligaas jirtay 12 sano jir, waxaana arrintaas ay hadal heyn badan ka abuurtay guud ahaan Soomaaliya. Caaisha oo markii la kufsdaay kadib la dilay ayaa meydkeeda laga helay afaaka hore ee gurigooda, waxaana falkaas uu dhaliyay caro aad u ballaaran. Caa’isha Ilyaas Aadan Waa markii ugu horeysya gudaha Soomaaliya lagu dilo rag kufsi geystay, waxaana inta badan maamulada lagu eedeyn jiray in aysan tallaabo ka qaadin dadka eedeeyo inay kufsi kula kacaan dumarka. Hey’adaha xuquuqda aadanaha ayaa in muddo ah dalbanayay in Caaisha ay hesho cadaalad, waxaana mas’uuliyiinta Puntland ay horay u ballanqaadeen in dadkii ka dambeeyya dilka Caaisha cadaaladda la marsiin doona. Qaran News
-
Kiiska Caa’isha+Raggii kufsaday oo la dilay+ Sida baadhitaanka hidda-sidaha DNA-dooda loo adeegsaday Labo qof oo maxkamad ay ku heshay kufsi iyo dil loo geystay Caa’isha Ilyaas ayaa maanta lagu dilay magaalada Boosaaso ee dowlad-goboleedka Puntland. Qof seddaxaad oo la xukumay ayaan la dilin. Seddaxdaas qof waxay ka mid ahaayeen dad badan oo loo xiray kiiskii kufsiga iyo dilka Caa’isha Ilyaas oo 12 sano jir ahayd. Arrintaas oo ka dhacday Gaalkacyo, dhammaadkii bishii February, ayaa abuurtay xanaaq iyo isu soo baxyo ka dhacay qeybo ka mid ah dalka. Baaritaanka iyo cadeynta la uruuriyay waxaa qeyb ka ahayd xarunta baaritaanka hidda-sidaha ee Garoowe, halkaas oo lagu baaray dhammaan eedeysanayaashii markii hore la xiray. Hay’adda ayaa baaritaan ku sameysay sida uu falkaasi u dhacay iyadoo adeegsaneysay baaritaan lagu sameeyay raggii la eedeeyay iyo jirka Caaisha Ilyaas. Hay’adda ayaa laantaa sirdoonka Puntland ay weydiisatay in ay baaraan falkaas iyagoo adeegsanaya qalabka casriga ah ee ay haystaan. “Waxaan ka codsanay in la xafido meeshii maydka laga helay waxayna inoo sheegeen in la qaaday”, ayuu yiri gudoomiyaha xarunta DNA-ga lagu baaaro ee Garoowe, Cabdirashid Maxamed Shire oo BBC Somali la hadlay Bishii May ee 2019-kii. Cadeynta ay hay’addan soo bandhigtay waxaa la horgeeyay maxkamadda oo xukunkeeda ku saleysay arrintaas. Labadii racfaan ee ay qaateen qareennadii u doodayay raggii la eedeynayay, ayaa sidoo kale la hor dhigay caddeynta ka soo baxday baaritaanka hidda-sidaha. Madaxa hay’adda Baaritaanka hidda-sidaha ayaa BBC Somali u sheegay: “Waxaan weydiisanay in maydka la geliyo qaboojiyaha oo aan la dhaqin, qofna uusan taabanin.” Waxay dhaqaatiirta ka safreen magaalada Garoowe si ay Maydka oo Gaalkacyo yaalay uga soo qaataan baaritaannadii loo baahnaa. Qalabka loo adeegsaday baaritaanka DNA-ga Waxyaabaha la baaray waxaa ka mid ahaa qofkii taabtay jirka Caa’isha iyo hidda-sidayaal kale. Wuxuu baaritaanka bilowday 25-kii bishii Febraayo. Tijaabooyiinkii laga qaaday ayaana loo gudbiyay xarunta Garoowe oo baaritaanka lagu sameeyay. “Waxaan runtii ka qaadnay saambalo aad u badnaa. Qaar waxaan ka qaadnay qeybteeda gaarka u ah. waxaan kaloo tijaabo ka qaadnay qeybo muhiim ah, waxaa ka mid ahaa timeheedii, cidiyeheedii iyo qeybo ka mid ah jirkeeda oo dhaawacyo ay ku yaalleen”, ayuu yiri Cabdirashid. Sidoo kale waxaa DNA laga baaray dharkii ay xirneyd Caa’isha markii kufsiga iyo dilka loo geysanayay. Baaritaanka raggii la eedeeyay Waxaa baaritaan lagu sameeyay raggii lagu eedeeyay in ay kufsadeen Caa’isha ka dibna dilka u geystay. “Wax macno ah ma sameynayo haddii aadan haysan saambaladii aad soo qaaday wax la barbardhigo”, ayuu yiri madaxa hay’adda baaritaanka sameysay. Sida lagu xusay gebagebadii baaritaanka, ragga qaar ee la eedeeyay waxaa la sheegay in ay isticmaaleen xirfado ay isku deyeen in ay kaga baxsadaan baaritaanka hidda-sidaha (DNA-ga) Dhaqtarka ayaa sheegay in tijaabadii lagu sameeyay xubinta taranka ee gabadha in ragga qaar ee kufsiga geystay, laga heli karo unugyada wixii ka soo baxay ah. “Wax yaaabaha cajiibka ah ee inoo soo baxay waxa ay ahaayeen in dhecaan ragga ka yimid inaan meesha laga helin. Taas waxay cadeyneysaa in dadkii geystay kufsiga ay ka taxadareen oo ay is yiraahdeen isticmaala cinjirada la gashdo,” ayuu BBC Somali u sheegay Cabdirashid Maxamed Shire. Balse baaritaanka ayaa lagu sameeyay tijaabooyiinkii kale ee laga qaaday cidiyaheeda iyo jirkeeda. Cabdirashid, gudoomiyaha hay’adda baaritaanka Hidda-sidaha (DNA), ayaa sheegay: “Nasiib wanaag waxaan haysanaa meelo kale oo fiican oo aan isticmaali karno. Waxaad ogataa in gabarkasto oo dhibaaato loo geysanayo ay dagaallameyso oo ay iska celineyso ninka dhibka u geysanaya”. Wuxuu tilmaamay in dagaalkaaas uu faaa’iido leeyahay, lana helaayo waxyaaabo muhiim u ah baaritaanka lagu sameynayo kufsiga. Qaran News
-
Guddoomiyaha degmada Doolow ee gobolka Gedo, Iidle Xasan Cabdullaahi oo la hadlayey warbaahinta baaq u diray ciidanmada dowladda ee dhowaan la geeyey degmadaasi. Iidle oo ciidamada ku booqday xeyahooda ayaa ka dalbaday inay shacabka u naxariistaan, islamarkaana ay tusaan waxa ay tahay dowladnimada. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka Doolow inay wada shaqeyn dhow la yeeshaan ciidamada ammaanka ee magaaladaasi. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Wiilo-1.mp3 View the full article
-
Dowladda dalka Greek ayaa ku dhawaaqday in ay bilaabeyso qorshe ay albaabada isugu dhufaneyso xeryo ku yaalla jasiiradaha Aegean ee dalkaasi oo ay dagan yihiin muhaajiriin u badan Afrikaan oo ay Soomaali ku jiraan. Qorshaha ay ku dhawaaqday dowlada Greek ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah oo xukuumaddu sheegtay in todobaad weliba ay gudaha Turkiga dib ugu soo celin doonaan 200 oo muhaajiriin ah,kuwaas sharci ka raadinaya gudaha dalka Greek. Wasiirka socdaalka iyo arrimaha qaxootiga wadankaasim, Notis Mitarachi ayaa sheegay in saddexdii bilood ee la soo dhaafay xeryaha ku yaalla jasiiradaha Aegean ee dalkaasi ay soo gaareen 20 kun oo muhaajiriin Afrikaan ah, kuwaas oo dhamaantood magangalyo doon ah. Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in qorshaha dib u celinta muhaajiriinta ay dhawaan ka bilaabi doonaan jasiiradaha Lesbos, Chios, Samos, Kos iyo Leros ee dalkaasi Greek. Greek ayaa dhawaanahan noqday marin ay isticmaalaan muhaajiriinta Afrikaanka ah, kuwaas oo inta badan ka baxa dhinaca dalka Turkiga. View the full article
