Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,116
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in mas’uul ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya uu u gefo dad Soomaaliyeed, uuna Soomalinimada ka saaro. Saciid Deni ayaa arrintan ku macneeyay khatar kale oo kusoo korortay Soomaaliya, isagoo dowladda Xasan Sheekh ku dhaliilay sida aysan illaa hadda tallaabo uga qaadin mas’uulka ka tirsan dowladdiisa ee u gefay beel Soomaaliyeed. “Waxaa soo kordhay dhaqan cusub oo ah in Soomaalinimada la iska saarayo, waxaan aad uga xumahay mas’uul dowladeed oo qowmiyad dhan u gafay in aan tallaabo laga qaadin,” ayuu yiri madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni. Waxa uu intaas kusii daray “Waa arrin ugub ah oo tallo u baahan, una baahan in kor loo sheego. Waxaan ku waafaqsanahay walwalka ay dad badan ka qabaan jihada Soomaaliya u socoto iyo Geeska Afrika. ” Sidoo kale waxa uu si weyn u dhaliilay hab hogaaminta madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo muujiyay walaaca uu ka qabo jihada ay Soomaaliya u socoto, oo uu sheegay inay tahay jiho khatar ah oo keeni karta meel aan laga soo kaban karin. “Waa jiho abuuri karta kala qeybsanaan bulsho uu Ilaahay siiyay waxkasta oo bini’aadam ku midoobo, hadey tahay luuqad, diin, isir iyo wax walba oo bini’aadam ku midoobi lahaayeen, haddana waxaa muuqaneysa in 30 sano bulshadaas isku keeni la’nahay oo ay kala fog tahay.” Dhawaan ayey aheyd markii agaasimaha wasaaradda gaadiidka iyo duulista Soomaaliya Bashiir Macallin Cali uu warbaahinta ka sheegay hadal ay si weyn uga caroodeen reer Koonfur Galbeed. Agaasimaha ayaa markaas ilmo Itoobiyaan ah ku tilmaamay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Koonfur Galbeed, taas oo si weyn looga qeyliyay, maadaama ay tahay mid dhaawaceyso midnimada dalka. The post DENI oo dowladda Xasan ku eedeeyay inay raali ka tahay dhaqan aad u foolxun appeared first on Caasimada Online.
  2. New York (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo ku sugan xarunta Qaramada Midoobay ee New York ayaa halkaasi ka wada kulamo uu la yeelanayo masuuliyiin kala duwan. Ra’iisul wasaarah ayaa kulan muhiim ah la qaatay Amiirka leh dhaxalka dalka Kuwait, Sheekh Sabaax Khaalid Al-Hamad Al-Mubarak, kaasi oo isna New York uga qayb-galaya shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay. Ra’iisul Wasaaraha iyo Amiirka ayaa waxay kulankooda uga wada-hadleen xoojinta cilaaqaadka iyo iskaashiga taariikhiga ah ee u dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Kuwait, iyadoo Amiirka uu bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha. Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa la kulmay danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Ambassador Linda Thomas-Greenfield, oo ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal Soomaaliya iyo Mareykanka. Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale waxa uu kulan doceed la qaatay madaxweynaha golaha hoggaanka Jamhuuriyadda Yemen Dr Rashad Maxamed Al – Alimi. Kulan doceedka ayey ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha uga wada-hadleen adkeynta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Yemen. Kukanka ayaa intii socday waxay labada masuul diirada ku saareen sidii labada dowladood ay isaga kaashan lahaayeen horumarinta nabadda iyo aminga gobolka gaar ahaan marinka Badda Cas. Wafdiga Yemen ayaa Soomaaliya ka codsaday in sanadka dambe 2025 marka ay la wareegto xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in Soomaaliya ay gacan ka geysato xasillinta colaadda Yemen iyo sidii amni buuxa ay u heli lahaayeen shacabka Yemen. Dhinaca Soomaaliya ayaa kulanka ku dalbatay in dowladda Yemen ay xoogga saarto adkeynta amniga soohdimaha u dhaxeeya labada dal, si aanay ugu suurta-gelin kooxaha argagixisada ah in saanad u soo gudbiyaan dhinaca Soomaaliya. The post Xogta kulamo xasaasi ah oo R/W Xamza uu ka wado New York + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  3. Mogadishu (HOL) — Twenty-six Somali Security Forces (SSF) officers and the African Transition Mission in Somalia (ATMIS) completed a five-day training last week to improve the coordination and effectiveness of joint military operations against Al-Shabaab. Source: Hiiraan Online
  4. NAIROBI, Kenya (HOL) — A Somali national, Mohamed Liban Aden, was charged in Nairobi for illegally being in Kenya and possessing an offensive weapon, with authorities linking him to a string of violent robberies in the Eastleigh area. Source: Hiiraan Online
  5. An Egyptian warship has off-loaded a second major cache of weaponry to Somalia, including anti-aircraft guns and artillery, port and military officials said on Monday. Observers say the move is likely to stoke further friction between the two countries and Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  6. MARJAYOUN, Lebanon (AP) — Israeli strikes Monday on Lebanon killed more than 490 people, including more than 90 women and children, Lebanese authorities said, in the deadliest barrage since the 2006 Israel-Hezbollah war. The Israeli military warned residents in southern and eastern Lebanon to evacuate ahead of its widening air campaign against Hezbollah. Source: Hiiraan Online
  7. Egypt has warned its citizens against travel to the breakaway Somali region of Somaliland, citing security concerns, as tensions mount in the Horn of Africa. Source: Hiiraan Online
  8. (ERGO) – Relaxed and confident after a more than a year in a secure job, Elmi Bile Mohamed can comfortably say that life is good and he is looking forward to a healthy, happy future for himself and his family. Source: Hiiraan Online
  9. Warbaahinta dunida ayaa si weyn u hadal-haysa hubkii ay dhowaan dowladda Soomaaliya kala soo degtay dekedda muqdisho, kaas oo ay ku tilmaamayaan mid wax weyn ka badeli doona xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya. Shabakadda Aljazeera oo laga leeyahay dalka Qatar ayaa sheegtay in Saraakiil ka tirsan dowladaha Soomaaliya iyo Masar ay xaqiijiyeen in hubkan ay ku diyaaradan gantaallada lidka diyaaradaha iyo madaafiicda culusi, islamarkaana uu sare u qaadi doono awoodda dhinaca militariga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Masar ayaa soo gaarsiiyay Soomaaliya keyd labaad oo hub ah oo ay ka mid yihiin qoryaha lidka diyaaradaha iyo madaafiicda, sida ay saraakiishu sheegeen, iyadoo tani ay u badan tahay inay sii hurinayso colaadda u dhexeysa labada dal iyo Itoobiya. Sidoo kale saanaddan ciidan ee baaxadda leh ayay falanqeeyeyaashu ku tilmaameen mid tusaale cad u ah waxtarka tageerada Masar ee dhiska Ciidanka Soomaaliya iyo xoojinta Qaranimada dalkan dhaca goobta istiraatiijiga ah ee Geeska Afrika. “Shixnad gargaar milateri oo Masar ah ayaa soo gaartay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho si ay u taageerto una dhisto awoodda ciidamada Soomaaliya,” ayay wasaaradda arrimaha dibadda Masar ku tiri hadal ay soo saartay Isniintii. Xariirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Masar ayaa aad u xoogaystay horraantii sanadkan ka dib taliska Abii Axmed uu heshiis sharci darro ah la galay Soomaaliland. Source: goobjoog.com
  10. 461018372_1092160825943892_2284965625773911658_n Qaran News
  11. MOGADISHU, Sept. 23 (Xinhua) -- Conflict, insecurity, and climate change have displaced more than 342,000 people within Somalia in the first eight months of 2024, a United Nations refugee agency said Sunday. Source: Hiiraan Online
  12. In recent months, tensions have flared dramatically across the Horn of Africa, with the arrival of Egyptian troops in Somalia signaling what could escalate into a regional war. The friction between Ethiopia’s contentious sea access agreement with Somaliland and the decades-long disputes over the Nile River between Ethiopia and Egypt have all contributed to a growing sense of unease in the region. Source: Hiiraan Online
  13. ABU DHABI, 23rd September, 2024 (WAM) - Abdi Hashi Abdullahi, Speaker of the Senate of the Federal Republic of Somalia, visited the Sheikh Zayed Grand Mosque in Abu Dhabi, accompanied by Mohammed Al Yamahi and Mohammed Al Dhohori, members of the Federal National Council (FNC). Source: Hiiraan Online
  14. Egypt said it sent military aid to Somalia, the latest show of support for the Horn of Africa nation that’s embroiled in a feud with neighboring Ethiopia over a breakaway territory. Source: Hiiraan Online
  15. New York (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada New York ee dalka Mareykanka ka furmaya kalfadhiga 79-aad ee Golaha Guud ee QM oo ah shirka diblomaasiyadeed ee ugu weyn ee dunida. Shirka oo socon doona 24-ka ilaa 30-ka bishaan, waxaa furaya xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, waxaana shir guddoomin doona madaxweynaha Cameroon Philemon Yong. Shirkan ayaa waxaa sanadkan khudbad ka jeedin doona 76 madaxweyne, afar madaxweyne ku-xigeen, labo amiir, 42 ra’iisul wasaare, 9 ra’iisul wasaare ku-xigeen, 54 wasiir, hal wasiir ku-xigeen iyo lix kale oo ergo ah. Halku dhegga sanadkan ee kalfadhiga golaha loo dhan yahay ee QM, ayaa ku saabsan in aan “cidna laga tagin” oo si wadajir ah caalamku uga wada shaqeeyo horumarinta nabadda, xaqiijinta horumar waara iyo ilaalinta sharafta bini’aadamka jiilalka maanta iyo kuwa mustaqbalka. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani iyo Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa ku jira madaxda khudbadahooda jeedin doonta maanta. Soomaaliya-na waxaa ku metelaya ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, oo isagu ka hadli doona doorka muhiimka ah ee qaaradda Afrika ee dejinta ajendayaasha caalamiga, iyadoo si gaar ah xoogga loo saari doono ahmiyadda midnimada iyo kala duwanaanshaha oo aas-aas u ah helitaanka nabad iyo horumar waara. Shirkan oo sanadle ah ayaa sidoo kale waxaa la filayaa in hogaamiyayaasha ay yeeshaan wada-tashiyo ku saabsan arrimo kala duwan iyo kulamo gaar-gaar ah oo quseeya danaha dalalkooda. The post Shirka 79-aad ee Qaramada Midoobay oo maanta ka furmaya New York appeared first on Caasimada Online.
  16. Kulanka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, iyo Danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Ambassador Linda Thomas-Greenfield, ayaa diiradda lagu saaray dhowr arrimood oo muhiim ah: Xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka: Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga siyaasadeed, dhaqaale, iyo amni. Waxaa la tilmaamay in xiriir wanaagsan uu ka caawin karo Soomaaliya horumarinta amniga iyo dhismaha dowladnimada. Taageerada Mareykanka: Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Mareykanka taageerada uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta, amniga, iyo waxbarashada. Waxaa la isla gartay in taageeradaasi ay muhiim u tahay xasiloonida iyo koboca dalka. Arrimaha Amniga: Kulanka waxaa sidoo kale laga hadlay arrimaha amniga, iyadoo la xusay baahida loo qabo in la sii xoojiyo iskaashiga ciidamada iyo la dagaallanka argagixisada. Horumarinta Dhaqaalaha: Waxaa la sharraxay fursadaha dhaqaalaha ee Soomaaliya, iyadoo la rajeynayo in Mareykanka uu kaalin ka qaato sidii loo xoojin lahaa maalgashiga iyo ganacsiga. Source: goobjoog.com
  17. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo kulan Casho ah la yeeshay qaar kamida dadkii ka qeyb-galay shir ku saabsan nabadda oo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Garoowe ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya iyo khilaafka maamulkiisa kala dhexeeya Dowladda Federaalka ah. Siciid Deni ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay inay wada-hadal la gasho Dowladda dhexe, islamarkaana ay tabashadeeda ku soo bandhigato madal daahfuran oo bulshada Soomaaliyeed ay wada arkayso. Wuxuu intaa ku daray inay oggolyihiin in qaladkooda la saaro, wixii ka maqanna looga garaabo oo waxa ay tirsanayaan ay dowladda federaalka Soomaaliya xalliso, horumarka dalkana laga wada-shaqeeyo. Hadalkan ayaa ah mid dadweynaha Soomaaliya iyo dowladnimadaba yididiilo feecan u ah markii la eego xilliga adag ee lagu jiro iyo sida ay isku duubnida Soomaalidu muhiimka u tahay. Source: goobjoog.com
  18. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay ku dhawaaqay in Puntland ay diyaar u tahay in ay wada-hadal la gasho dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo xalliyo Khilaafka labada dhinac. “Puntland haddaan nahay waxaan rabnaa in aan qirno in aan Wada-hadal diyaar u nahay. Puntland waxay diyaar u tahay meel fagaare ah in lagu wada-hadlo oo aan qol qarsoodi ah ahayn, haddaan qaldanahay in nala qabto baan rabnaa, haddaan saxanahay-na in nala ayido” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. Madaxweyne Siciid Deni ayaa sidoo kale sheegay in Puntland diyaar u tahay in ay Maskax iyo maal ku bixinayso isku keenista dadka Soomaaliyeed, si khilaafaadka Soomaaliya xal waara loogu heli lahaa waxaana uu yiri “Puntland waxay diyaar u tahay isku keenista Soomaaliya in ay maskax iyo aqoon iyo dhaqaale-ba ku bixiso”. Madaxweynaha Puntland ayaa hadalkani ka sheegay kulan Casho ah oo uu xalay u sameeyay hay’adda PDRC iyo Marti sharaf isaga kala timi dalka iyo dibedda oo ka qeybgashay Shir ku saabsan nabadda oo lagu qabtay magaalada Garoowe. Halkan ka daawo Muuqaalka PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay in Puntland ay wada-hadal diyaar ula tahay dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  19. Maamulka SSC Khaatumo ayaa digniin culus u diray Puntland, isagoo ka biyo diiday in Puntland ay sheegato dhul ka tirsan SSC-Khaatumo. Qoraal kasoo baxay Wasiirka Warfaafinta SSC ayaa lagu shegay in tallaabadaas ay tahay xad-gudub iyo meel-kadhac, taasoo ay SSC u aragto inay khatar ku tahay amniga iyo madax-bannaanida maamulka. Digniinta waxaa sidoo kale lagu xusay in hay’adaha ka qayb qaadanaya arrintan ay iska ilaaliyaan, iyadoo SSC ay diyaar u tahay inay difaacdo dhulkooda iyo dadka deggan”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta SSC. Maamulka SSC ayaa ka digay in arrintan ay keeni karto khilaaf dheeri ah oo ka dhasha muran dhuleed “Waa wax aan sinaba loo aq bali karin, in maamulka aanu deriska nahay ee Puntland, uu sheegto dhulka maamulka SSC-Khaatumo qaar ka mid ah, waa xad-gudub iyo meel kadhac dawladda SSC-Khatumo ay uga digayso maamulka Puntland”ayuu yiri Wasiidka. Khilaafka ayaa ka dhashay markii Puntland ay soo saartay saadasha roobabka oo deegaanadeeda ay kusoo darsatay degaano ku yaalla Sool iyo Sanaag. Source: goobjoog.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa habeen hore waddooyinka magaalada Muqdisho lagu arkay gaadiid ciidan oo sida hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay muujinayaan muuqaalada ay duubeen dadkii ku sugnaa hareeraha laamiga oo lagu baahiyay baraha bulshada. Masawirada iyo muuqaalada qaar ayaa laga arkayay qaar kamid ah hubkii sida wararku ay sheegeen ay dawladda Soomaaliya ka heshay dalka Masar oo uu ka mid yahay madfac uu jiidayo gaari. Kornayl Cabdullahi Cali Macow oo ka faallooda arimaha ammaanka iyo ciidamada ayaa sheegay “in qoriga la jiidayay uu yahay nuuc ka mid ah waxa loo yaqaano madaafiicda goobta ama Howitzer waxaana adeegsada ciidamada difaaca”. Korneylku waxa uu sheegay in dowladdii dhexe ay lahaan jireen hubkaan iyo kuwo ka waaweyn balse haatan ay u muuqato in Soomaaliya ay dib usoo celineyso awoodeedii dhanka ciidamada iyo hubka. Dakadda magaalada Muqdisho ayaa illaa shalay xirneyd iyada oo aysan dowladdu sheegin sababaha ay u xirneyd, balse waxaa jiray warar sheegaya in shalay dekedda uu ku soo xirtay markab siday hubkii la mariyay waddooyinka Muqdisho. Warbaahinta gudaha iyo kuwa dibadda ayaa aad u hadal hayay hubka la soo galiyay gudaha Soomaaliya, ee sida la sheegay laga soo dajiyay dekedda Muqdisho. Warbaahinta qaar ayaa baahisay in hubkaan laga soo dajiyay markab laga leeyahay dalka Masar. Muddooyinkaan danbe waxaa sii xoogaysanayay xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Masar, dhawaan ayayna ahayd markii diyaarad ka timid Qaahira taas oo siday hub iyo ciidan ay ka soo dagtay garoonka magaalada Muqdisho. Dalalka Soomaaliya iyo Masar ayaana heshiis amni waxa ay kala saxiixdeen bishii Agoosto ee sanadkaan. Hubka haatan laga soo dajiyay Muqdisho ee ka yimid dalka masar ayaa noqonayaa kii labaad iyadoona kan shalay soo gaaray Soomaaliya uu yahay mid ka duwan kii hore marka loo eego noocyada uu ka koobnaa oo ay ku jireen kuwo waaweyn. Dowladaha Soomaaliya iyo Masar si faahfaasan ugama aysan hadlin hubkaan iyo kuwii ka horeeyay ee Muqdisho soo gaarayay. Waxaa jira walaac ay muujineyso Itoobiya kaas oo ku aadan hubka kala duwan ee ka soo dagay dakadda Muqdisho, waxa ay sidoo kale dhowr jeer oo hore eedeyn iyo dhaliil u jeediyeen dalka Masar. Itoobiya iyo Masar ayaa sanado badan isku qilaafsan biyo xireenka wabiga Niil. Somaliland oo ka duuleysa heshiiska u dhaxeeya Soomaaliya iyo Masar iyo xiisadda taagan haatan ayaa sheegtay in dalkeeda ay ka saareyso muwaadiniinta dalka Masar, waxaana u badan macalimiin wax ka dhiga iskuulada Soomaaliland. Dhanka kale Somaliland ayaa sheegtay in ay ka walaac santahay hubka soo gaaray Muqdisho, waxa ayna ku tilmaamtay “in hubkaas uu gacanta u galikaro kooxaha xiriirka la leh Al-qaacida oo ay kamid yihiin kooxda Al-shabaab sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland”. Warbaahinta dalka Masar ayaa baahiyay in safaaradda Masar ee Muqdisho ay uga digtay muwaadiniinteeda inay u safraan Somaliland, sababo la xidhiidha xaaladda ammaan ee gobolka. Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sidoo kale waxaa soo kala dhex galay khilaaf weyn kadib markii Addis Abab ay heshiis is-afgarad ah la saxiixatay Somaliland oo ah jamhuuriyad iskeed madax banaani ugu dhawaaqday. Ma ahan markii ugu horeysay oo la sheego in hub laga soo dejiyay dekeda Muqdisho kaas oo ka yimid dalka Masar, sida ay sheegeyso wakaaladda wararka ee Reuters. Waa markii labaad oo hub si rasmi ah loo soo geliyo dalka, tan iyo markii sanadkii hore laga qaaday cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya saarneyd muddo dheer. Ku lug lahaanshaha Masar ee khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa xiisad ka abuuray gobolka, waxaana Somaliland oo heshiis is afgarad ah la gashay Itoobiya ay xirtay xaruntii dhaqanka iyo maktabadda Masar ee dhulkeeda. Soomaaliya ayaa bilo ka hor eriday safiirkii Itoobiya, waxayna Itoobiya ka codsatay in ay diido heshiiska ay la gashay Somaliland, kaas oo ay ku sheegtay in uu ka hor imanayo madax-banaanideeda. Isha: BBC The post Maxaan ka ognahay hubka ay MASAR gaysay Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.
  21. Qoraal kooban oo uu soo saaray xoghayaha Warfaafinta maamulka SSC-khaatumo Najiib Barkhadle ayuu si adag uga digay in dowladda Puntland in ay sheegato degaanno ka tirsan SSC. Najiib Barkhadle ayaa ku tilmaamay wax aan sinnaba loo aqbali karin islamarkaana xad-gudub cad iyo meel ka dhac ah in dowladda Puntland sheegato degaanno ka tirsan maamulka SSC-khaatumo. “Waa wax aan sinaba loo aq bali karin, in maamulka aanu deriska nahay ee Puntland, uu sheegto dhulka maamulka SSC-Khaatumo qaar ka mid ah.” “Waa xad-gudub iyo meel kadhac dawladda SSC-Khatumo ay uga digayso maamulka Puntland” ayuu yiri xoghayaha Warfaafinta Maamulka SSC-khaatumo Najiib Barkhadle. Maamulka SSC-khaatumo ayaa Sidoo kale uga digay hay’adaha in ay qayb ka noqdaan sheegashada Puntland ee degaannada SSC”Sidoo kale waxaanu uga digaynaa, hay’adaha arrimahaas ka qayb qaadanaya” ayuu sii raaciyay qoraalkiisa. PUNTLAND POST The post Maamulka SSC-khaatumo oo digniin adag u jeediyay dowladda Puntland appeared first on Puntland Post.
  22. Beirut (Caasimada Online) – Saraakiisha Lubnan ayaa sheegay in duqeymo cirka ah oo ay Israa’iil Isniinti shalay ku garaacday qeybo ka mid ah dalka Lubnan ay ku dishay 492 qof oo ay ku jiraan in ka badan 90 dumar iyo carruur ah. Khasaaraha nafeed ee ka dhashay duqeyntaasi ayaa lagu sheegay tii ugu ballaarneyd ee ka dhacda Lubnaan, tan iyo dagaalki Israa’iil iyo Xisbullah ee sannadki 2006-di. Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in dadka ku dhaawacmay duqeynti Isniinti ay gaareen ilaa 1,645. Dhimashada ayay ku sheegtay ku dhawaad 500 oo ruux, oo ay ku jiraan 35 carruur ah iyo 58 dumar ah. Millatariga Israa’iil ayaa digniin ku siiyay dadka rayidka ah ee daggan koofurta iyo bariga Lubnaan in ay ka baxaan aaggaasi, iyaga oo sheegay in ay ballaarin doonaan duqeynmaha ay ka billaabeen Lubnaan. Tobnaan kun ayaa markiiba ka qaxay aaggaasi una jiheystay dhanka caasimadda Beyruut. Weerarka cirka ah ee ay Israa’iil ku qaadday Lubnaan Isniinti ayaa imayana, maalmo yar kaddib marki ay kumannaan qof ku dhaawacmeen weerar loo adeegsaday qalab is-gaarsiineed oo lala beegsaday xubno ka tirsan Xisbullah. Weerarkaas ayay Xisbullah ku eedeeysay Israa’iil. The post Israel oo 492 qof ku dishay Lubnaan appeared first on Caasimada Online.
  23. AQPpMhYVxoSFfSxynnUi4P-1QDzGIa3DrCZlMBSjj0YgWMsFEuC3ab5ssFC7VxiiBY5BO9t3dUKVFOjQWbWI2LMj Qaran News
  24. 461093574_826504829654804_7720516401615289774_n AQOcneNdlNSso4xi95fPf5o_ajdgYvPHM8MjSvgz9llvArdgfgTuHikmQBnXqTgIBPU7ZIV1QJxGCuRS-3gtuvGw Qaran News