Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,389
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Warsaxaafadeed si wada jira uga soo baxay labada guddoon ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu magacaabay guddi ku meel gaar ah oo ka shaqeynaya diyaarinta iyo dhameystirka xeerarka sharciga doorashooyinka qaranka. Xubnaha la soo magacaabay ayaa waxa ay ka koobanyihiin 17 xubin, waxaana 9 ka mid ah xubnahaasi laga soo xulay xildhibaanada golaha shacabka halka 8-kale ay ka tirsanyihiin mudanayaasha aqalka sare. Guddigan ayaa la sheegay in ay qaban doonaan shaqooyin la xiriira doorashooyinka, waxaana ka mid ah in ay la kulmaan guddiga doorashooyinka iyo arrimo kale oo lagu xusay warsaxaafadeedka ay sida wada jirka ah u soo saareen Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdulaahi. Madaxweyne Farmaajo ayaa 21-kii Feberaayo saxiixay sharciga doorashooyinka qaranka. Halkan ka akhriso warsaxaafadeedka ay soo saareen guddoonka labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Guddoonka labada Gole ee Baarlamaanka Federaalk Soomaaliya ayaa magacaabay Guddiga diyaarinta xeerarka dhameystirka sharciga doorashooyinka Federaalka. Guddiga la magacaabay oo ka kooban 17 xubnood ayaa laga soo kala xulay labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya,waxayna ka shaqeyn doonaan sid la sheegay xeerka degaameynta kuraasta, xeerka xaqiijinta qoondada haweenka, xeerka doorashada Xildhibaannada labada Aqal ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi (Soomaaliland) iyo xeerka xaquuqda matalaada gobolka Banaadir. Guddigan la magacaabay ayaa xilka hayn doona sida la sheegay ilaa inta ay kasoo dhameystirayaan xilka loo idmaday. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa bishii la soo dhaafay February saxiixay sharciga doorashooyinka heer Federaal. Sharciga doorashooyinka waxaa horey u diiday qaar kamid ah dowlad goboleedyada, kuwaas oo sheegay in aan wax wada-tashiya laga siin sharciga doorashooyinka dalka. Hoos ka akhriso qoraal ka soo baxay Guddoonka labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Guddi Baarlamaan oo loo magacaabay doorashada lagu muransanyahay appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Xilli sanadkan 2020-ka ay tahay in Soomaaliya ay aado doorasho guud oo baarlamaani iyo mid madaxtinnimo ah ayaa hadana waxaa dhanka kale jiro sababo cad oo ku tusinaya in qabashadeedu mustaxiil tahay. Xiriirro aan la sameeyey dhammaan saamileyda siyaasadda ee dalka iyo hey’adaha ay khuseyso doorashada 2020/2021-ka, waxaa ii soo baxay ilaa 11-sabab oo ku tusinaya in sanadkan aaney codbixin iyo doorasho ka dhici doonin Soomaaliya. 1. Dhameystir La’aanta Sharciga Doorashada: Waa run in sharciga doorashada uu saxiixay madaxweyne Farmaajo laakin waa qalfoof uun, oo waxaa diiddan dowlad goboleedyada qaar, arrintan oo keeneysa baahida ah in wadahadal horleh laga galo sharciga, lana dhageysto cabashada maamulladaas. 2. Ka Heshiin La’aanta Nooca Doorashada: Xataa haddii laga heshiiyo khilaafka la xiriira sharciga doorashada, weli waxaa dhimman oo fadhiyo iyo heshiis gaar ah u baahan nooca doorashada oo saddex midkood la qaadan-doono (1). In xildhibaanku ay doorato uun jufadiisa inta codbixinta u diiwaan geshan (2). In xildhibaanku doortaan dadka deggan deegaankiisa ee codbixinta u diiwaangeshan oo aan loo eegin beel (3). In loo noqdo qaabkii 2016-kii. 3. Ansixin La’aanta Sharciga Xisbiyada: Baarlamaanka federaalka ah waxaa uu xirmay kalfadhigiisa 6-aad iyada oo aan la anisixn waxka bedalka sharciga xisbiyada qaran taas oo hadda dib ugu dhici-doonta April marka ay 2-bada aqal soo noqdaan. 4. Fowdada Xisbiyada: Guddiga doorashada qaran waxaa ay si kmg ah u diiwaangeliyeen ilaa 76 xisbi qaran, xisbiyaddan waxaa ay ka shaqeeyaan uun Xamar, waa laga diiday maamullada qaar sida Puntland iyo Jubbaland, waxaa kale oo adkaan-doonto, waqti dheerna u baahan in la baahiyo ama diiwaangelintooda si rasmiga ah. 5. Diiwaangelinta Codbixiyaha: Sida ay horay u shaaciyeen guddiga madaxabannaan ee doorashada qaran, ajendahoodu waxaa uu ahaa in bishan March ay bilaabaan diiwaangelinta codbixiyaha oo ay ku qiyaaseen ilaa saddex milyan oo qof, hadda March waa la joogaa, mana dhowa hawsha, xataa lama huba bisha hawshaas la qaban karo. 6. Lojiskada: Guddiga doorashada qaran oo todobaadkan la hadlay beesha caalamka waxaa ay sheegeen in aan weli laga hadlin arrimaha Lojistikada iyo sida wax looga qaban lahaa, goobaha la tagi karo, qaabka lagu tagi karo, waxa laga qaban karto iyo waqtiga lagu qaban karo. 7. Amniga: Aminga waa sabab kale oo aan weli xal laga gaarin, marka laga soo tago iyada oo aan la ogeyn goobaha amniga ah ee dadka isku diiwaangelin karaan, kana codeyn karaan iyo ciidankii amniga sugi lahaa, dadka la qorsheeyey in la diiwaangeliyo ma heystaan dammaanadqaad la xiriira amnigooda marka la eego sida loo ugaarsaday ergadii qeyb ka aheyd doorashadii 2016-ka. 8. Guddiga Doorashada Qaran oo La Fashilanayo: Marka laga soo tago in Puntland iyo Jubbaland ay xireen xafiisyada guddiga doorashada qaran, oo arrinta la siyaasadeeyey, guddigan si kasta uu u dadaalo waxaa jira dad iyo hey’ado ka shaqeeya iney fashiliyaan. 9. Khilaafka Dowladda federaalka ah iyo dowad goboleedyada: Muddo 2 sano ah kulan rasmi ah ma dhexmarin dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah, mana muuqato heshiis iyo isafgarad soodhow, taasi waa sabab kale oo dib u dhigeysa doorashada 2020-ka. 10. Sharciga Xuduudaha: Sharcigan waxaa uu muhiim u yahay in maamul goboleedyada kala ogaadaan xuduudda mid weliba leeyahay, arrinta la yaabka leh, sharcigan weli lama diyaarin. 11. Shaki Laga Qabo Villa Somalia: Khubaro badan ayaa waxaa ay qabaan in madaxweyne Farmaajo aanu awoodin qabashada doorasho qaran, in aaney agtiisa jirin rabitaanna waa qodob la raacin karo. Sababahaas ka sokow, waxaa jira xeerar la’aantood aaney doorasho macquul aheyn oo weli dhimman, lana diyaarin waxaa ka mid ah: xeerarka dadka baahiyada gaarka ah, ololaha doorashada iyo qarashaadka ku baxaya, Hab-raaca howl-galka doorashooyinka, magacaabista murashaxiinta xisbiyada, xeerka xog siinta iyo toosinta xisbiyada si loogu caawiyo isu diyaarinta iyo dhaqangelinta doorashooyinka si waafaqsan sharcigan. Xeerka xaddidaya isticmaalka ama bedelidda magacyada, astaanka ama midabka xisbiga, Xeerka dejinta qaabka xisbigu diiwaangelinaya ugu gudbiyo warbixin sanadeed ama xiliyaeed ku saabsan dastuurka, sharciga xaqiijinaayo warbixinta uu usoo gudbiyo xisbiga iney ku caddahay xisab-xir hantidhowka iyo xisaabaadka maaliyadeed ee la xiriira hantida, deymaha, dakhliga iyo kharashaadka xisbiga iyo xeerka hannaanka qoondada iyo maareynta sanduuqa iyo maaliyadda xisbiga iyo xeerar kale. Waxaa kale oo jira in ay muhiim tahay in la diyaariyo xeerar sida: Hab-dhaqanka murashaxiinta, Hab-dhaqanka codbixiyeyaasha, Hab-dhaqanka xallinta khilaafaadka, Hab-dhaqanka murashaxiinta xisbiga, Habka xisbiyada u kharash gareeyaan lacagaha iyo musharaxiinta, habka calaamadaha iyo loogooyinka xisbiyada, Hab-dhaqanka xisbiyada siyaasadda, Maaliyadda xisbiga iyo warbixin sanadeed. Ugu dambeyntii iyada oo sababahaas darteed ay adag tahay in sanadkan ay doorasho guud Soomaaliya ka dhacdo ayaa hadana sida dastuurku dhigayo hey’adda sharci dejinta waxaa uu xilligeeda 4-ta sano ah ku egyahay 28-ka December ee sanadkan, wixii xilligaa ka dambeeya shaqadooda waa geyr dastuur. Xigasho: Goobjoog News
  4. DHUSAMAREEB (HOL) - Immediate former Galmudug president Ahmed Haaf and his successor Ahmed Kariye Qoorqoor have struck a deal to work together following a hard-fought election, the state deputy president Ali Eid has said. Source: Hiiraan Online
  5. Dowlad goboleedka Puntland ayaa waxa ay eedeyn kulul u jeediyeen madaxda ugu sareysa dalka iyaga oo ku eedeeyay in xilligan madaxda ugu sareysa dalka ay doonayaan in dib loogu laabto xukunkii kalitalisnimada ahaa, waxa ayna sidoo kale tilmaameen in madaxda dalka ay dagaal ugu jiraan sidii hanaanka federaalka looga guuri lahaa. Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha dowlad gobaleedka Puntland Maxamed Cabdiraxman Dhabancad ayaa sheegay in nasiib darro ay tahay in xiligaan dalka dib loogu celiyo halkii uu ka yimid, isaga oo dowladda federaalka ku dhaliilay sidii ay u wajahday xaaladda Galmudug. Wasiirka ayaa xusay in madaxda dowladda ay ku jiraan la dagaalanka nidaamka lagu dhisay dowlad gobaleedyada, waxaana uu intaas ku daray in ay doonayaan in dalka ay rabaan in ay u celiyaan nidaamka xukunka dhexe sida uu hadalka u dhigay. waxaana uu yiri. “Maanta hoggaanka joogo waxaa uu la yimid in uu dagaalamo dalku yeesho meel dhexe oo laga xukumo oo laga guuro hanaankii federaalka oo la soo dhisay,oo hey’adihii iyo dowladihii xubnaha ka ahaa meesha laga saaro, waxaana marqaati ugu filan wixii Jubbaland ka dhacay iyo waxa hadda Galmudug ka socda oo middii ugu dambeysay xoog loo sheegtay maamulkii hey’adihii meesha ka dhisnaa oo ka shaqeeyey in umadda degan gobalka ay si nabad ah ugu seexdaan” Sidoo kale wasiika oo hadalka sii wata ayaa xusay in xiligaan aan xoog wax lagu xalin karin, waxaana uu carabka ku dhuftay Soomaaliya dowladnimadeedii waxii dumiyey dalkiina kala gooyey ay tahay kali talisnimo wasiirka ayaa meesha ka saaray in marnaba xoog xal noqon karo. “Haddii xoog wax lagu xalinayo Soomaali horay ayey wax ugu xalin laheyd, Maxamed Ziyaad Barre ayaa isku dayey inuu Jamhadihii abuurmay uu xoog ku muquuniyo, waana u suurto galin weysay, taasna waxaa ay kaliftay in dalkii uu kala go’o oo qaar kamid ah hadda ay sheeganayaan in ay rabaan in ay ka baxaan midnimadii Soomaliya, dhanka kale Jamhadihii oo isku dayayey in dhinaca kale wax u dhigaan oo xoog ku muquuniyaan waa shaqeyn waayeen, haddii xoog shaqeynayo kuwii hore ayaa shaqeyn lahaa” ayuu yiri wasiirka. Dhinaca kale wasiirka arrimaha gudaha Puntland ayaa soo hadal qaaday ciidamadii dhowaan dowladda ay geysay gobalka Gedo waxaana uu xusay in nasiib darro ay tahay in ciidamadii loo tababaray dalka amnigiisa in ay sugaan gaar ahaanna deegaannada ka maqan gacanta dowladda loo adeegsanayo in lagu dumiyo dowlad gobaleedyadii dhisnaa. “Ciidamadii loo tababaray amnigii dalka oo dhaqaalaha badan ay ku bixineysay beesha caalamka in loo daabulo gobalka Gedo si Jubbaland lagula dagaalamo oo meesha looga saaro waa nasiib darro, taas ayaana keeneysa inaan dhah waad aragtaan halka dalka uu socdo ee aan isku soo laabanno oo tashano markaas jiho qaadno “ Ugu dambeyn wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ka daaleen colaad una hamuun qabaan xiligaan dowladnimo iyo kala dambeyn. “Waxaad dareemeysaa in dadku ay ka daaleen colaadda ayna rabaan dowladnimo iyo dib u heshiisiin, maanta dowladda dhexe iyo madaxda wixii sida gaarka ah looga sugaayey waxaa ay aheyd dhameystirka Dastuurka, waxaa ka mid ahaa dib u heshiisin qaran in la qabto wixii horay u dhacay dadka laga xaliyo” Xiriirka Puntland iyo dowladda dhexe ayaa waqtigan waxa uu yahay mid aan wanaagsanayn,waxaana xusid mudan in maamulka madaxweyne Deni ay qaadacen sharciyo badan oo uu saxiixay madaxweynaha Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Eight Members of Parliament from Wajir and Mandera counties flew to Somalia for an unclear mission in the wake of tension between Jubaland and Somali National Army troops near Mandera border. Source: Hiiraan Online
  7. War qoraal ah oo Al-Shabab ka soo baxay ayaa waxa ay uga hadleen duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo deegaanada ay maamulaan dagaalyahannadooda. Qoraalka ka soo baxay Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu soo uruuriyey duqeymaha taliska Africom ay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya, gaar ahaan kuwii ugu dambeeyeyey ee ka dhacay deegaanada ay taliso Xarakada Shabaab ee ku yaalla koonfurta Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa sidoo kale bayaankeeda ku sheegtay in duqeymahaasi Mareykanka uu ku dilay dad shacab ah oo caruur iyo haween ay ka mid yihiin, iyagoona meesha ka saaray in xubno ka tirsanaa dagaalyahannadooda lagu khaarijiyey weeraradaasi dhanka cirka ah. “In ka badan 82.7% howlgallada milliteri ee uu Maraykanku fuliyay 34-tii bilood ee la soo dhaafay, lagu beegsaday dad shacab ah oo haba yaraate wax xiriir ah la laheyn Al-Shabaab” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee ka soo baxay dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab. Sidoo kale Al-Shabaab ayaa shaacisay in dadka weeraradaas lagu dilay ay 37% yihiin beeraley, halka dumarka iyo caruurta lagu dilay weerarada ay yihiin 24.1%, iyo 21.4% oo ah dadka reer miyiga, sida ay hadalka u dhigeen. Bayaankaan aya ku soo aadayey, iyadoo maalmihii ugu dambeeyey diyaaradaha Mareykanka duqeymo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka fuliyeen K/ Soomaaliya. View the full article
  8. Dowlada Federaalka Soomaaliya waxay eedeyn dusha uga tuuray Dowlada Kenya oo ay ugu hanjabtay inay Dacwad Caalami ah ka gudbinayaan, Ergayga Dowlada Soomaaliya Qaramada Midoobey [...] Source
  9. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha guud ee ururka Ahlu Sunna Waljamaaca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa maanta ka duulay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, isaga oo u ambabaxay dhanka magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland. Wararka ayaa sheegaya in Shiikha uu Garoowe uga sii gudbi doono magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaas oo uu kulamo ka bilaabi doono. Sidoo kale ka bixitaanka Dhuusamareeb ee Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa timid kadib markii uu xalay la kulmay madaxweynaha Galmudud Axmed Qoor Qoor, isagoona la sheegay inuu ka dalbaday inuu gaaro magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal. Arrintaan ayaa meesha ka saareysa dalabkii dowladda federaalka oo diyaarad u dirtay Dhuusamareeb, si loogu soo gacan galiyo hoggaanka Ahlu Sunna loona keeno Muqdisho. Galmudug ayaa u muuqata inay haatan gashay xaalad kale oo cusub, kadib markii laga adkaaday Ahlu Sunna oo in muddo ah is hayeen hoggaanadii soo maray maamulkaasi.
  10. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Cumar Nuur Waaye, oo ka mid ah Muddanayaasha Golaha Guurtida, ayaa ku baaqay in laga dheerado hadalada naxliga ah ee keenaya inay umaddu ku kala fogaato, waxaanu soo jeediyey in wax kasta oo jira laga wada tashado,oo aan lagu kala tagin. Xildhibaan Cumar Nuur Waaye, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale soo dhaweeyey qodobada lagu heshiiyey, waxaanu ugu horeyn yidhi “Maanta ma nihin dal curdin ah, ee wada tashi iyo isku tanaasul ayeynu heerkaas aynu taagan nahay maanta ku soo gaadhnay, heerkay la inooga baahan yahay inaynu joogno maanta waxay ahayd heer la ina aqoonsado, oo aynu ka shaqeeyno aqoonsiga aynu ka heli lahayn Caalamka, laakiin may ahayn inaynu joogno heer uu khilaafkeena siyaasiga ah soo noq-noqdo, waxaa inala gudboon inaynu ka tashano khiaafaadka dhexdeena, inagoo wada jir ah, oo gacmaha is haysana, wada tashi baa la inooga baahan yahay, laakiin inaynu ku kala tagno waxaynu ka tashano karno maaha, qaranimadeena inaynu mugdi galino maaha, ee heshiiskana waan soo dhaweeynayaa,cidii ka shaqeeysanayna waan uga mahadnaqayaa, waana ku bogaadinayaa, Doorashooyinka oo inoo dhacaana waa lagama maarmaan”. Mar uu ka digaayey hadalada naxliga leh ayaa yidhi “Carab iyo labadiisa daan baa is qabta, maxaad u malaynaysaana bil’aadanka, waa la is diidi karaa, rayi baa lagu kala duwanaa kara, waa la is qabsan karaa, Nabiguna naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaate wuxuu ka digay fidno hurda in la kiciyo, haddii ay tahay Madaxweynaha, Madaxda Axsaabta Mucaarad iyo Muxaafidba leh, Golayaasha Qaranka, Madax-dhaqameedka, Ururada, Qaybaha lkala duwan ee Bulshada, waxaa la inooga baahan yahay inaynu wanaaga ka talino, waana inaynu ka dheerana hadalada naxliga ah, ee caadifadu ku jirto, umadduna ku kala fogaanayso”. Source
  11. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug, Cali Daahir Ciid oo u warramay VOA ayaa sheegay inay heshiis la galeen Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo horay uga biyo diiday doorashadii Dhuusamareeb. Ciid ayaa carabka ku dhuftay in Xaaf oo sheeganayey inuu weli yahay madaxeynaha maamulka Galmudug ay ka qanciyeen waxyaabihii uu ka tabanayey. Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka ayaa ka gaabsaday inuu faah faahiyo qodobada ay ku heshiiyeen, isagoona tilmaamay in si wadajir ah dhowaan loo shaacin doono. Wadahadalkaan ayuu sidoo kale xusay inuu qeyb ka yahay ballanqaadkii madaxweynaha maamulka Galmudug, garabka dowladda Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo ahaa in uu dhammeynayo dhammaan tabashooyinka laga qabo maamulkiisa. “Waa qayb kamid ah wadahadalka ballanqaadkii madaxweyne Axmed Kaariye, waxaana naga go’an in aynu la fadhiisano cid waliba oo tabasho qabta, si aan u udubno Galmudug loo dhan yahay oo aan khilaaf ku hor-gudbanayeen” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay isku afgarteen in Xaaf iyo hoggaanka Ahlu Sunna ay ka soo qayb galaan caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Galmudug. Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyadoo hoggaanka sare ee Ahlu Sunna ay isku dhiibeen dowladda, kana tanaasuleen mowqifkoodii hore. Galmudug ayaa u muuqata inay haatan gashay weji cusub oo ay uga gudbeyso khilaafaadka la dagay maamulkaasi, waxaana tallaabadan ay ka dhalatay markii dowladda Soomaaliya ay ciidamo badan geysay magaalooyin ka tirsan gobolka Galgaduud.
  12. (SLT-Ceel-Afweyn)-Akaademiga Nabadda iyo Horumarka ee Somaliland oo fududeynta hawlaha wacigelinta nabadgelyada la xidhiidha u jooga deegaanada hoos yimaada degmada Ceel-afweyn, ayaa sheegay in la kulmeen bulsho boholyow u qabta helitaanka nabadgelyo buuxda. Hawlwadeeno ka socda APD oo maalmahan ku sugnaa deegaanada ayaa sheegay inay hore kulamo ula qaateen Guddiyada Nabadda labada dhinac, lagaga tashanayey dariiqyada ugu wanaagsan ee wacyigelin balaadhan looga fulin lahaa tuulooyinka hoos yimaadda Degmada Ceel-afweyn wacyigelin oo dhanka nabadgelyada ku saabsan. Siduu Maxamed Cabdillahi Cabdi, wefdiga Akadeemiga ka mid ah u xaqiijiyey Maxamuud Walaaleye, hawlwadeen wargeyska Dawan ka tirsan. Wefdiga ka socda Akadeemiga Nabada ayaa sheegay in socdaalkoodu la xidhiidho u fududeyn gudashada hawlahooda 60 qof oo guddiyada nabadgelyada loo soo xulay, taasoo dhinac walba soo magacaabay 20 rag ah iyo toban dumar ah, muddo toban maalmood ahna hawshaasi socon doonto. Hay’adda Akadeemiga Nabada iyo Horumarka Somaliland ayey hawshan ka taageeraysaa hay’adda Interpeace. Source
  13. US, Afghan and Taliban officials have all been careful to avoid calling Saturday's agreement in Doha "a peace deal." But in Afghanistan, a sense of cautious optimism has been rising ever since a week long "reduction in violence" or partial truce leading to the signing came into effect. Source: Hiiraan Online
  14. Xilli sanadkan 2020-ka ay tahay in Soomaaliya ay aado doorasho guud oo baarlamaani iyo mid madaxtinnimo ah ayaa hadana waxaa dhanka kale jiro sababo cad oo ku tusinaya in qabashadeedu mustaxiil tahay. Xiriirro aan la sameeyey dhammaan saamileyda siyaasadda ee dalka iyo hey’adaha ay khuseyso doorashada 2020/2021-ka, waxaa ii soo baxay ilaa 11-sabab oo ku tusinaya in sanadkan aaney codbixin iyo doorasho ka dhici doonin Soomaaliya. 1. Dhameystir La’aanta Sharciga Doorashada: Waa run in sharciga doorashada uu saxiixay madaxweyne Farmaajo laakin waa qalfoof uun, oo waxaa diiddan dowlad goboleedyada qaar, arrintan oo keeneysa baahida ah in wadahadal horleh laga galo sharciga, lana dhageysto cabashada maamulladaas. 2. Ka Heshiin La’aanta Nooca Doorashada: Xataa haddii laga heshiiyo khilaafka la xiriira sharciga doorashada, weli waxaa dhimman oo fadhiyo iyo heshiis gaar ah u baahan nooca doorashada oo saddex midkood la qaadan-doono (1). In xildhibaanku ay doorato uun jufadiisa inta codbixinta u diiwaan geshan (2). In xildhibaanku doortaan dadka deggan deegaankiisa ee codbixinta u diiwaangeshan oo aan loo eegin beel (3). In loo noqdo qaabkii 2016-kii. 3. Ansixin La’aanta Sharciga Xisbiyada: Baarlamaanka federaalka ah waxaa uu xirmay kalfadhigiisa 6-aad iyada oo aan la anisixn waxka bedalka sharciga xisbiyada qaran taas oo hadda dib ugu dhici-doonta April marka ay 2-bada aqal soo noqdaan. 4. Fowdada Xisbiyada: Guddiga doorashada qaran waxaa ay si kmg ah u diiwaangeliyeen ilaa 76 xisbi qaran, xisbiyaddan waxaa ay ka shaqeeyaan uun Xamar, waa laga diiday maamullada qaar sida Puntland iyo Jubbaland, waxaa kale oo adkaan-doonto, waqti dheerna u baahan in la baahiyo ama diiwaangelintooda si rasmiga ah. 5. Diiwaangelinta Codbixiyaha: Sida ay horay u shaaciyeen guddiga madaxabannaan ee doorashada qaran, ajendahoodu waxaa uu ahaa in bishan March ay bilaabaan diiwaangelinta codbixiyaha oo ay ku qiyaaseen ilaa saddex milyan oo qof, hadda March waa la joogaa, mana dhowa hawsha, xataa lama huba bisha hawshaas la qaban karo. 6. Lojiskada: Guddiga doorashada qaran oo todobaadkan la hadlay beesha caalamka waxaa ay sheegeen in aan weli laga hadlin arrimaha Lojistikada iyo sida wax looga qaban lahaa, goobaha la tagi karo, qaabka lagu tagi karo, waxa laga qaban karto iyo waqtiga lagu qaban karo. 7. Amniga: Aminga waa sabab kale oo aan weli xal laga gaarin, marka laga soo tago iyada oo aan la ogeyn goobaha amniga ah ee dadka isku diiwaangelin karaan, kana codeyn karaan iyo ciidankii amniga sugi lahaa, dadka la qorsheeyey in la diiwaangeliyo ma heystaan dammaanadqaad la xiriira amnigooda marka la eego sida loo ugaarsaday ergadii qeyb ka aheyd doorashadii 2016-ka. 8. Guddiga Doorashada Qaran oo La Fashilanayo: Marka laga soo tago in Puntland iyo Jubbaland ay xireen xafiisyada guddiga doorashada qaran, oo arrinta la siyaasadeeyey, guddigan si kasta uu u dadaalo waxaa jira dad iyo hey’ado ka shaqeeya iney fashiliyaan. 9. Khilaafka Dowladda federaalka ah iyo dowad goboleedyada: Muddo 2 sano ah kulan rasmi ah ma dhexmarin dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah, mana muuqato heshiis iyo isafgarad soodhow, taasi waa sabab kale oo dib u dhigeysa doorashada 2020-ka. 10. Sharciga Xuduudaha: Sharcigan waxaa uu muhiim u yahay in maamul goboleedyada kala ogaadaan xuduudda mid weliba leeyahay, arrinta la yaabka leh, sharcigan weli lama diyaarin. 11. Shaki Laga Qabo Villa Somalia: Khubaro badan ayaa waxaa ay qabaan in madaxweyne Farmaajo aanu awoodin qabashada doorasho qaran, in aaney agtiisa jirin rabitaanna waa qodob la raacin karo. Sababahaas ka sokow, waxaa jira xeerar la’aantood aaney doorasho macquul aheyn oo weli dhimman, lana diyaarin waxaa ka mid ah: xeerarka dadka baahiyada gaarka ah, ololaha doorashada iyo qarashaadka ku baxaya, Hab-raaca howl-galka doorashooyinka, magacaabista murashaxiinta xisbiyada, xeerka xog siinta iyo toosinta xisbiyada si loogu caawiyo isu diyaarinta iyo dhaqangelinta doorashooyinka si waafaqsan sharcigan. Xeerka xaddidaya isticmaalka ama bedelidda magacyada, astaanka ama midabka xisbiga, Xeerka dejinta qaabka xisbigu diiwaangelinaya ugu gudbiyo warbixin sanadeed ama xiliyaeed ku saabsan dastuurka, sharciga xaqiijinaayo warbixinta uu usoo gudbiyo xisbiga iney ku caddahay xisab-xir hantidhowka iyo xisaabaadka maaliyadeed ee la xiriira hantida, deymaha, dakhliga iyo kharashaadka xisbiga iyo xeerka hannaanka qoondada iyo maareynta sanduuqa iyo maaliyadda xisbiga iyo xeerar kale. Waxaa kale oo jira in ay muhiim tahay in la diyaariyo xeerar sida: Hab-dhaqanka murashaxiinta, Hab-dhaqanka codbixiyeyaasha, Hab-dhaqanka xallinta khilaafaadka, Hab-dhaqanka murashaxiinta xisbiga, Habka xisbiyada u kharash gareeyaan lacagaha iyo musharaxiinta, habka calaamadaha iyo loogooyinka xisbiyada, Hab-dhaqanka xisbiyada siyaasadda, Maaliyadda xisbiga iyo warbixin sanadeed. Ugu dambeyntii iyada oo sababahaas darteed ay adag tahay in sanadkan ay doorasho guud Soomaaliya ka dhacdo ayaa hadana sida dastuurku dhigayo hey’adda sharci dejinta waxaa uu xilligeeda 4-ta sano ah ku egyahay 28-ka December ee sanadkan, wixii xilligaa ka dambeeya shaqadooda waa geyr dastuur. W/D: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. (SLT-Washington)-Magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa xaalad deg deg ah lagagu dhawaaqay kaddib marki qofki ugu horreeyey ee qaba cudurka Coronovirus uu cudurka u dhintay. Qofkii ugu horreeyay ayaa cudurkaasi Coronavirus ugu dhintay dalkaasi Mareykanka, gaar ahaan gobolka woqooyi galbeed ku yaalla ee Washington, halkaasi oo haatan xaalad deg deg ah lagaga dhawaaqay. Mas’uuliyiinta caafimaadka dalkaasi ayaa sheegaya in nin da’diisu tahay kontomeeyo oo xaalado caafiamad oo hore la il darnaa uu haatan cudurkaasi u dhintay. Madaxweyne Trump ayaa sheegay in ay suurtagal tahay in dadka kale uu cudurkaasi soo rito balse, dal ahaan ay u diyaarsan yihiin xaalad kasta oo soo wajahdo. Mas’uuliyiinta dalkaasi ayaa sidoo kale sheegay in xayiraad lagu soo rogayo dadka doonaya in ay u safraan dhanka dalka Iiraan, waxaana shacabka dalkaasi Mareykanka loogu baaqay in ayna booqan deegaannada uu cudurkaasi ka dillaacay ee waddamada Talyaaniga iyo Kuuriyada Koonfureed. Source
  16. Boosaaso (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxay toogasho lagu dhaawacay Nabaddoon Cabdullaahi Cali Sugulle oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulka Puntland. Rag ku hubeynaa bistoolado ayaa la sheegay in Nabdoonka ay ku dhawaaceen afafaaka hore hoygiisa oo ku yaalla masjid Faadumo ee magaaladaasi. Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Sugulle dhowr xabadood lagu dhuftay, xilli uu ka soo baxay masjid ku yaalla halkaasi. Kooxda falkaan dhaawaca geysatay ayaa goobta isaga baxsatay, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howlgallo baaritaano ah sameeyey. Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin oo saraakiisha laamaha amniga Puntland ay ka bixiyeen dhacdadaasi. Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka dhacayey falal liddi ku ah nabad gelyada, kuwaas oo u badan dilal qorsheysan.
  17. (SLT-Washington)-Mareykanka ayaa uga digay Itoobiya inay ku dhaqaaqdo qorshaheeda biyo-xidheenka webiga Nile, ayada oo aan heshiis la gaadhin dalalka Masar iyo Sudan. “Masar, Itoobiya iyo Sudan waa inay heshiis gaadhaan ka hor inta aan lasoo geba-gebeyn biyo-xidheenka Nile, si looga hortago in qul-qulka biyaha uu dhaawac gaadhsiiyo dalal kale,” waxaa sidaas yidhi Wasiirka Maaliyadda Mareykanka Steven Mnuchin. “Tijabaada kama dambeysta ah iyo buuxinta biyo-xidheenka waa in ayna dhicin, iyada oo aan heshiis la gaadhin,” waxaa sidaas yidhi Mnuchin oo soo saaray bayaan kadib kulamo ka dhacay Washington 27-kii iyo 28-kii Febraayo, kuwaasi oo Itoobiya ay aanay ka qayb-galin. Heerka bad-baadada caalamiga ah waa in la xaqiijiyaa ka hor inta la billaabin buuixnta biyo-xidheenka, ayuu yidhi Mnuchin. Mnuchin ayaa xiisadda soo faro-geliyey sannadii tagtay, si uu u wada-hadalsiiyo dhinacyada kadib marki Masar ay sheegtay in wada-hadallad ay kula jirta Itoobiya ay meelna u dhaqaaqi waayeen. Dowladda Itoobiya yaa ka hor-timid bayaanka uu soo saaray Mnuchin ee loogu digay, waxayna sheegtay inay wax ka qabatay arrimo kasta oo la xidhiidha amniga. Waxay sidoo kale ku adkeysatay inay buuxin doonto biyo-xidheenka marka dhismihiisa uu dhammaado. “Itoobiya oo ah milkiilaha biyo-xidheenka GERD, waxay billaabi doontaa buuxintiisa marka dhismaha uu dhammaado, si waafaqsan mabaadi’da sinaanta ee macquulka ah, ayada oo aan wax dhibaato ah sababin,” ayaa lagu yidhi bayaan ay si wada jir ah usoo saareen Wasaradda Arrimaha Dibedda, iyo Wasaaradda Biyaha, Waraabka iyo Tamarta Itoobiya. Itoobiya ayaa sheegtay in biyo-xidheenka – oo noqon doona warshadda ugu weyn Afrika ee koronto ka dhalisa biyaha – uu muhiim u yahay dhaqaalaheeda. Hase yeeshee Masar ayaa ka cabsi qabta in mashruucan uu waxyeeleyn karo webigan oo 90% soo saara biyaha laga cabo dalkaas. Biyo-xidheenka Dib-u-curashada weyn ee Itoobiya (GERD), waxa uu soo saari doonaa 6,000 oo megawatt oo koronto ah, marka lasoo geba-gebeeyo. Biyo-xidheenka ayaa qeyb ka ah qorshe ay Itoobiya ku dooneyso inay ku noqoto dalka ugu weyn Afrika ee korontada dhoofiya. Source
  18. Cabdiraxmaan Cumar Cabdi Daawle ayaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha dagaalyahanada Alshabaab gaar ahaan in uu kamid ahaa dagaalamayaasha sida kediska ah u weerarta fariisimaha Ciidamada dowladda federaalka. 26-kii September 2019 ayaa laga soo qabtay Baladul-Amiin isaga oo dhaawac ah, waxa ayna ciidamada xoogga ku wareejiyeen ciidamada Amniga oo iyagana la tacaalay dhaawac kasoo gaaray dagaal Al shabaab iyo ciidanka Dowladda u dhaxeeyay. Cabdiraxmaan Cumar Cabdi Dawaale ayaa waayay mid kamid ah lugihiisa oo ay ka fursan waayay howlwadeenada caafimaad in laga jaro Caafimaad kadib ayaa markale loo gacan geliyay hey’adaha baarista, waxa ayna baaritaan dheer kadib ku wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida horraantii November sanadkii hore. Xafiiska xeer ilaalinta ayaa isku howlay baarista kiiskan markiisii hore ka soo galay hey’adaha Amniga, waxa ayna 3-dii February sanadkan dalbadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwad ka dhan ah Cabdiraxmaan Cumar Cabdi Daawle. Maxkamadda ayaa go’aamisay 17-kii February in la galo dhageysiga dacwadda ka dhan ah Cabdiraxmaan Cumar Cabdi Daawle, Xafiiska Xeer Ilaalinta oo isaga iska leh fursadda hore ee hab raaca dacwadda ayaa Garsoorayaasha u sheegay in Eedeysanaha la soo qabtay isaga oo dagaal ku jira, waxa ay intaas ku dareen in uu ka qeyb galay weeraro kale oo ka kala dhacay Bariire, Buulo Mareer, Baraawe, Golweyn laga soo bilaawo xilligii uu Al shabaab kaga biiray degmada Walla-weyn ee gobalka Shabeellada Hoose sanadkii 2010 . Eedeysanaha oo fursad loo siiyay in uu ka hor hadlo Garsoorka ayaa Maxkamadda ka codsaday in loo naxariisto maadama ay ku biirista Alshabaab uusan diidaneen. Qareenka Cabdiraxmaan Cumar Cabdi Daawle ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in Eedeysanaha uu aad u yaraa xilligii uu Alshabaab ku biirayay, sidaas darteed ayuu garoosrayaasha weydiistay in loo fiiriyo qodobada fududeyn karo ciqaabtiisa. Garsoorayaasha ayaaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray Cabdiraxmaan Cumar Cabdi Daawle lagu xukumo xabsi daa’in sida uu dhinacyada dacwadda u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Xukunsanaha ayaa heysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan muddo ku siman 30-cisho xukunka kadib. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Maxkamadda Derejada kowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun xabsi daa’im ah ku ridday eedaysane lagu magacaabo Cabdiraxmaan Cumar Cabdi Dawle oo lagu helay in uu ka tirsanyahay Al-shabaab. Maxkamadda ayaa sheegtay in Cabdiraxmaan Cumar Cabdi Daawle oo magiciisa afgarashadu yahay Xamza uu ka tirsanaa Al-shabaab gaar ahaanna kooxda sida dhuumaaleysiga u weerarta fariisimaha Ciidamada. Eedeysanaha oo fursad loo siiyay in uu ka hor hadlo Garsoorka ayaa Maxkamadda ka codsaday in loo naxariisto maadama ay ku biirista Alshabaab uusan diidanayn. Qareenka Cabdiraxmaan Cumar Cabdi Dawle ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in Eedeysanaha uu aad u yaraa xilligii uu Alshabaab ku biirayay, sidaas darteed ayuu garoosrayaasha weydiistay in loo fiiriyo qodobada fududeyn karo ciqaabtiisa. Hoos ka akhriso warbixinta oo dhan PUNTLAND POST The post Muqdisho: Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay xubin ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  20. (SLT-San Diego)-Maxamed Cabdicasiis Kerow oo 46 jir ah waxaa shalay la soo taagay Maxkamadda Sare ee magaalada San Diego ee Gobalka Kaliforniya ee dalkaasi, isagoo loo haysto dilkii Xaaskiisa oo la odhan jiray Muna Salaad Kuri oo 36-jir ahayd. Sida laga soo xigtay Baaraha Kiisaskaasi waxa uu Eedeysanaha dilay xaaskiisa ku-dhawaad hal sanno ka hor, isla markaana uu ka gudbay Xuduudka Maraykanka la wadaagodalka Meksiko. Dhegeysiga Bilowga ee dacwadii shalay waxa uu Garsooraha Maxkamadda Sare ee San Diyeego, Joan Weber helay dhacdooyin ku filan oo Eedeysanaha loogu soo oogi karo Fal-dembiyeedka dilka iyo eedda ah inuu hub u isticmaalay dilka xaaskiisii hore. Ku-xigeenka Baadhaha Daawadda ee dilkaasi, Drs. Bethann Shaber waxa ay sheegtay inay Marxuumadda u geeriyootay jug looga dhuftay dhanka madaxa, isla markaana laga jebiyey daanka, Ilig, sanka iyo dhaawacyo kale oo Mindi ah oo lagaga dhuftay Wejiga iyo qeybaha sare ee Jidhkeeda. Dhinaca kale, Laba gabdhood oo la dhashay Marxuumadda Muna Salaad Kuri ayaa waxay Maxkamadda shalay kaga markhaati fureen inuu sayga Walaashooda uu xaaskiisa ku eedeyn jireey inay ka qeyb qaadatay Filimadda Anshax-xumida, waa sida ay hadalka u dhigeen. Marxuumadda waxaa la sheegay inay Maraykanka qaxooti ahaan kaga soo gashay Kenya, iyadoo sannadkii 2015-kii guursatay saygeeda Maxamed Cabdicasiis Keerow, kaasi oo ugu dambayntii iyada dilay bishii March 4-dii ee sannadkii hore. Eedeysanaha markii uu dilay xaaskiisa waxa uu u baxsaday dalka Meksiko, waxaana Saraakiisha Dembi-baadhista Boliska Maraykanka ee FBI-da u suurto-gashay inay Eedeysanaha gacanta ku soo dhigeen bishii March 20-dii ee sannadkii hore. Source
  21. Wararka aan ka helayno magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa waxa ay ku waramayaan in mid ka mid ah nabaddoonada magaaladaasi weerar lagu dhaawacay, waxaana weerarkaasi ka soo baxaya warar kala duwan. Nabaddoonka la dhawaacay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Cali Sugulle, waxa uuna ka mid ahaa nabaddoonada sida weyn looga garanayo gobalka Bari ee dowlad goboleedka Puntland. Weerarka lagu dhaawacay nabaddoonka ayaa yimid ka dib markii kooxo hubeysan ay ilinka hore ee gurigiisa rasaas kula fureen nabaddoonka oo xilligaasi ka soo baxay salaaddii cishaha ee xalay. Kooxdii falka geysatay ayaa isaga baxsatay goobta, waxaana goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo halkaasi ka bilaabay howlgallo lagu xaqiijinayo amniga sidoo kalane lagu baadi goobayo kooxihii falka geystay. Magaalada Boosaaso ayaa waxaa siyaabooyin kala duwan loogu dilaa siyaasiyiin iyo nabaddoono, waxaana wali jirin tallaabo ay qaaday Puntland oo ay wax uga qabanayso dilalka qorsheysan ee magaaladaasi ka dhaca. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ciidamo ka tirsan kuwa dowladda lagula eegtay gobolka Sh/Hoose. Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday askar ku sugneyd deegaanka Warmaxan oo hoos yimaada degmada Afgooye ee gobolkaasi. Wararka ayaa sheegaya in qaraxaan uu geystay khasaare u badan dhimasho oo soo gaaray askarta lala eegtay. Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi loo adeegsaday qaraxa miino, sida ay ku baahisay bogageeda Internet-ka. Qoraalka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in ugu yaraan illaa afar askari ay ku dileen qaraxaasi, sida ay hadalka u dhigeen. Weli ma jiro war ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda oo la xariira qaraxaasi iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay. Inta badan dagaalyahhanadda kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro dhaba gal ah ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku qaaday, xilliyada ay isaga kala gooshayaan gobolka Shabeelaha Hoose oo hoostaga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.