-
Content Count
214,389 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta markii u horeysay ka hadlay xiisad colaadeed oo ka dhex qaraxday Beelo wada dega deegaanka Shidan ee gobolka Sanaag. Labadan Beel ayaa si weyn isugu dagaalsan Macdan qaali ah oo laga helay deegaankaasi, midaasi oo dhalisay isku dhaca labada beel iyo in xiisadoodu gaadho meel sarre. Gyddoomiyaha golaha guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa si rasmiya ugu dhawaaqay guddi nabadeed soo dejiya xiisada labada Beel, kuwaasi oo safar ku tagi doona deegaanka ay ka taagan tahay xiisadu. Hoos ka aqriso magacyada guddiga: 1. Axmed Daahir Jirde (Guddoomiye) 2. Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan 3. Cali Maxamed Huruuse 4. Cumar Nuur Xasan 5. Maxamed Faarax Axmed 6. Axmed Xaaji Cabdi Xuseen 7. Xasan Cumar Axmed 8. Diini Cabdillaahi Handi 9. Cawil Cismaan Maxamuud 10. Khadar Xuseen Sahal 11. Cawil Cabdillaahi Caydiid Xiisada ka dhex qaraxday labada beel ee wada dega deegaanka Shidan oo meel xun gaadhay ayaa waxay daba socotaa kadib markii deegaankaasi laga helay Macdano qaali.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Warar dheeri ah ayaa kasoo baxaya ujeedka ay Muqdisho u tageen sideed xildhibaan oo Kenyan ah oo maanta lagu qabtay garoonka Wilson Airport ee Nairobi, kadib markii ay soo laabteen. Magacyada xildhibaanada iyo deegaanada laga soo doorto ayaa kala ah: Ahmed Kolosh (Wajir West), Ibrahim Abdi (Lafey), Rashid Kassim (Wajir East), Mohamed Hire (Lagdera), Omar Maalim (Mandera East), Bashir Abdullahi (Mandera North), Adan Haji (Mandera West) iyo Kullow Maalim (Banisa). Wargeysyada Kenya sida The Standard iyo The Star ayaa werinaya in wafdigan ay Muqdisho kula soo kulmeen saraakiisha hay’adda sirdoonka Soomaaliya, islamarkaana lagala hadlay arrimo la xiriira muranka ka dhex oogan dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubaland. Sida labada wargeys ay qoreen, dowladda Soomaaliya ayaa ka codsatay xildhibaanadan ay xukuumadda Kenya ku cadaadiyaan in deegaanka ay kasoo jeedaan laga saaro wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan oo Muqdisho ka baxsaday 28-kii Janaayo. Xildhibaanadan ayaa qaarkood horey u sheegay inay kasoo horjeedaan joogitaanka Cabdirashiid Janan ee Mandhera, waxayna dalbadeen in laga saaro magaalada. Dhinaca kale, waxaa muuqda kala qeybsanaan dhanka xildhibaanada Kenya ee Soomaalida ah, oo ay ka dambeyso dowladda Soomaaliya, sida uu sheegay madaxii hore ee Geeska Africa ee hay’adda xasaradaha adduunka ee ICG, Rashiid Cabdi. “Dowladda Soomaaliya waxay faro-gelinta Kenya kaga jawaabtay ayada oo gobolka Waqooyi Bari Kenya u kala qeybineysa hab qabiil. In la go’doomiyo Ogaadeenka oo loo arko inay taageersan yihiin Axmed Madoobe, in lasoo dhoweeyo Garre, Dagoodiya iyo Ajuuraan. Tallaabo ka hortag oo cajiib ah,” ayuu Rashiid ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter-ka.
-
(SLT-Sanaag)-Golaha Guurtida Somaliland ayaa Guddi u saaray Xallinta dagaal laba beelood oo Walaalo ah ku dhex maray deegaanka Shidan ee Gobolka Sanaag. Fadhiga Maanta oo uu Shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golahaasi Md. Saleebaan Maxamuu Aadan ayaa waxa lagaga dhawaaqay Magacyada Guddiga nabadeed ee Golahaasi Magacaabay, kuwaasi oo safar ku tagaya halka dhibaatadu ka dhacday. Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Guurtida Somaliland Md. Siciid Jaamac Cali ayaa akhriyey Magacyada Xubnaha Guddiga ah ee loo xulay Xallinta colaadda deegaanka Shidan:- Axmed Daahir Jirde (Guddoomiye) Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Cali Maxamed Huruuse Cumar Nuur Xasan Maxamed Faarax Axmed Axmed Xaaji Cabdi Xuseen Xasan Cumar Axmed Diini Cabdillaahi Handi Cawil Cismaan Maxamuud Khadar Xuseen Sahal Cawil Cabdillaahi Caydiid Deegaanka Shidan ee Guddigan nabadeed loo xulay markii labada Beelood isku dhaceen, ayaa la sheegay in laga helay Macdan noocyo kala duwan leh, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Idlib (Caasimadda Online) – Warbaahinta dalka Turkiga ayaa daabacday in dowladda Turkiga ay duqeyn ku burbirsay saldhigyo ciidamada Syria ay ku lahaayeen magaalada Idlib ee dalkaas. Dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay duqeyntaas ku burburisay sideed diyaaradood oo Helicopter, hal diyaarad oo kuwa duuliye la’aanta ah, iyo 100 Taangi oo ay lahaayeen ciidamada dalka Syria. Wasiirka gaashaandhigga Turkiga Hulusi Akar ayaa sheegay inay duqeyntaas ku dileen 2,200 ka mid ah ciidamada dowladda madaxweyne Bashar Al-Assas, oo ku sugnaa saldhigga weerarka lagu qaaday. Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in ujeedka laga lahaa howlgalkaas uu yahay is difaacid ka dhan ah askarta taliska Asad ee weerarka kusoo qaaday cutubyo ka tirsan ciidamada Turkiga. Duqeynta ay Turkiga la beegsatay saldhigga ay ku sugnaayeen ciidamada Syria ayaa kusoo aadayo xilli maalmo ka hor ay ciidamada Syria dileen 34 ka tirsan ciidanka dalka Turkiga. Madaxweyne Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa horey ugu hanjabay inay jawaab Militari ka bixin doonaan weerarkii askarta looga dilay. Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ciidamada Turkiga ay ka shaqaynayaan sidii ay u ilaalin lahaayeen dadka rayidka ah ee maxalliga ah iyada oo qayb ka ah heshiiskii Sept. 2018 ay la galeen Ruushka, kaas oo mamnuucaya falalka gardarada ah ee aagga dib-u-celinta ee laga sameeyay agagaarka Idlib.
-
Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dalkaasi oo Sabtidii booqasho qarsoodi ah ku yimid M/ Muqdisho. Xildhibaanadaan oo gaaraya illaa sadeed mudane ayaa ka soo jeeda gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, waxaana lagu qabtay garoonka diyaaradaha Wilson ee Nairobi Mid ka mid ah TV-yada dalka Kenya ayaa shaaciyey in xildhibaanadaasi ay la kulmeen madax ka tirsan dowladda federaalka, gaar ahaan saraakiil ka mid ah hay’adda NISA. Arrintaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay uu xumaa xiriirka u dhexeeya wadamada Soomaaliya iyo Kenya oo weli isku kiiska badda ee hor yaalla ICJ View the full article
-
Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Sheekh Maxamed Cali Xasan oo ka mid ah hoggaanka Ahlu Sunna. Kulankaan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa Sheekh C/raxmaan Ashcari iyo taliyaha guutada 15-aad qeybta 21-aad ee ciidanka Xoogga dalka, Genaraal Mascuud. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xaaladda Dhuusamareeb iyo guud ahaan tan maamulka Galmuudug. Madaxweyne Qoor- Qoor ayaa sidoo kale uga mahadceliyey hoggaanka Ahlu Sunna tanaasulka ay muujiyeen, si loo soo afjaro khilaafaadka ka jira maamulkaasi. Kulankaan ayaa ku soo aadaya, kadib markii Ahlu Sunna ay hubkeeda iyo ciidankeeda ku wareejisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Halkaan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
-
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo maanta u warramayey warbaahinta ayaa si adag uga hadlay xaaladda deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab. Ugu horreyn Lafta Gareen ayaa tilmaamay in Koonfur Galbeed caqabada ugu daran ee haatan heysata ay tahay deegaanada ay go’doomiyeen dagaalyahannada Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in maamulkiisa uu u baahan yahay xilligaan in lagala Shaqeeyo sidii la isugu furi lahaa waddooyinka go’doonsan ee mamaulkaasi. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ciidanka huwanta ay ka wadaan gobollada Sh/Hoose, Baay iyo Bakool ee K/ Galbeed Soomaaliya. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Codka-Jaamac.mp3 T View the full article
-
MOGADISHU ( PPM) – Puntland State of Somalia will lose the privilege to federally represent constituencies in disputed territories of the ex-British Somaliland. A seventeen-member Provisional Committee tasked with completing the electoral law and appointed by the Upper and Lower Houses has a mandate “to prepare the electoral law for members of the Upper House an d Lower House from Northern Regions (Somaliland)”. Puntland will not federally represent disputed territories If the new law becomes a basis for the planned 2021 elections in Somalila, Puntland State will have the privilege to send to the two Houses only members who hail from territories in the ex-Italian Somaliland. The use of the word “Somaliland” in the electoral law indicates the policy of the Federal Government to pave the way for South-North talks. At a recent question and answer session in Mogadishu the Federal Minister of Planning Jamal Mohamed Hassan argued that Puntland State and Somaliland Administration “do not send aid earmarked for constituencies in disputed territories to people in those territories“. Jamal M. Hassan: Puntland and Somaliland do not distribute aid to disputed territories “The goal is to isolate Puntland if it boycotts the electoral law” says Awad Yusuf, a history lecturer in Mogadishu. “Northern Somalia is a phrase that politically keeps Puntland in the South geographically and politically, and cuts it off from regions it federally represents now. Some of the regions are under Somaliland control.” The 2016 electoral agreement that gave Puntland State the privilege to federally represent constituencies in disputed territories no longer applies because the new electoral law was passed in December without the input of Federal Member States. © Puntland Post Monthly , 2020 The post Puntland to lose Federal representation of disputed territories appeared first on Puntland Post.
-
Guddoonka labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta magacaabay guddi xildhibaano ah oo ka kooban illaa 17 xubnood. Guddigan ayaa wuxuu ka shaqeyn doonaa diyaarinta xeerarka dhameystiraya sharciga doorashooyinka Qaranka. Halkaan hoose ka akhriso: View the full article
-
8 xildhibaan oo ka tirsan Barlamaanka Kenya, oo ka soo jeeda gobolka waqooyi bari ee dalkaas, ayaa booliisku su’aalo ka waydiinayaan safar qarsoodi ah oo ay ku tageen Magaaladda Muqdisho. Xildhibaanadan oo shalay u duulay magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ayaa maanta oo Arbaco ah dib ugu soo laabtay dalka Kenya. Telefishanka Citizen tv, ayaa saraakiil ka tirsan sirdoonka Kenya waxaa uu ka soo xigtay, in xildhibaanadaas ay la soo kulmeen mas’uuliyiinta sirdoonka dowladda Federaalka Somaliya. xildhibaanada ayaa wax laga waydiinayaa ujeedada socdaalkooda Muqdisho, in uu ahaa mid khaas ah iyo inuu ahaa mid rasmi ah oo ay wax ka ogaayeen guddoonka Barlamaanka iyo Xukuumadda Kenya. Safarka qarsoodiga ah ee xildhibaanadaas ku tageen Magaalada Muqdisho ayaa ku soo beegmay, wakhti xiriirka u dhexeeya dowladdaha Somaliya iyo Kenya uusan wanaagsanayn. Xildhibaanadan ayaa hadda waxay ku sugan yihiin garoonka diyaaradaha ee Wilson, halkaasi oo su’aalo lagu waydiinayo. PUNTLAND POST The post Xildhibaano ka tirsan Kenya oo su’aalo adag laga weydiinayo safar qarsoodi ah oo ay ku tageen Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Ugu yaraan sideed xildhibaan oo ka tirsan baarlamanka Kenya, kana soo jeeda gobolka Waqooyiga Bari ee Soomaalida, ayaa lagu qabtay garoonka Wilson Airport ee Nairobi, kadib markii ay safar qarsoodi ah ku tageen Soomaaliya. Taleefishinka Citizen ee Kenya ayaa weriyey in xildhibaanada, oo hadda lagu hayo garoonka, ay Sabtidii diyaarad khaas ah ku tageen Soomaaliya, ayaga oo wada howl-gal sir ah, oo aan la shaacin waxa uu yahay. Magacyada xildhibaanada iyo degaanada laga soo doorto ayaa kala ah: Ahmed Kolosh (Wajir West), Ibrahim Abdi (Lafey), Rashid Kassim (Wajir East), Mohamed Hire (Lagdera), Omar Maalim (Mandera East), Bashir Abdullahi (Mandera North), Adan Haji (Mandera West) iyo Kullow Maalim (Banisa). Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in booliska Kenya ay heleen xog ku saabsan in xildhibaanadaas ay Soomaaliya tageen kadib markii ay marti-qaad u fidisay hay’adda sirdoonka Soomaaliya. Baarayaasha booliska ayaa doonaya inay ogaadaan ajendaha kulankooda Soomaaliya, maadaama xiriirka labada dal ee Soomaaliya ee Kenya uu aad u xun yahay. Sideedda xildhibaan ayaa waxaa su’aalo laga weydiinayaa nooca safarkooda, inuu ahaa mid rasmi ah oo dowladda ogeyd iyo mid ayaga u gaar u ah, iyo sababta aan loogu war-gelin afhayeenka baarlamanka. Dhowr baabuur oo ay leeyihiin qeybta dambi baarista ee Booliska iyo qeybta ka hortagga argagixisada ayaa goor sii horeysay oo maanta ah tegay garoonka Wilson Airport, ayaga oo sugaya xildhibaanada. Wixii faah-faahin naga filo dhowaan Insha Allah.
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa daah-furay Ololaha Talaalka iyo Daaweynta Xoolaha Puntland, kaasoo la gaarsiin doono 5 Milyan oo kamid ah xoolaha kunool 9 gobol ee Puntland Xoolaha ayaa laga tallaalayaa cudurka ku dhaca Sambabka Ariga waxaana uu soconaya muddo laba bilood ah. Munaasabadda daah-furka waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland Siciid Cisman Aadan (Fiisigis), Shaqalaha Wasaaradda Dhakhaatiirta xoolaha soo daweyndoona iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay inuu saaka ambabixiyo dhakhaatiirta soo tallaali doona 5 Milyan oo kamida Xoolaha Puntland, waxa uu sheegay in xooluhu ay yihiin laf-dhabarta dhaqaale ee dalka, isla markaana ay inoo leeyihiin faa’idooyin badan, sidaas darteedna loo baahan yahay in laga warqabo Xoolaha Caafimaadkooda. Ugu danbayn, Madaxweynaha, Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa neefkii ugu horeeyay Tallaalka siiyay, dhakhaatiirta ayuu kula dardaarmay inay xil iska saaraan howsha loo igmaday,waxaana uu bogaadiyay Wasasaradda Xanaanada Xoolaha Dowladda Puntland oo qorshahaan soo diyaarisay, isagoo tilmaamay inuu rajo wanaagsan ka qabo inuu guul ku soo dhammaado talaalka xoolaha Puntland. PUNTLAND POST The post Puntland: In ka badan 5 Malyan oo Neef oo laga tallaalayo cudurka Sambabka appeared first on Puntland Post.
-
Cawad iyo Hamdok Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta oo Axad ah booqasho sharafeed ugu tagay Ra’iisul Wasaaraha dalka Suudaan Dr. Abdalla Adam Hamdok. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiir Cawad ayaa lagu sheegay, in Intii ay ku guda-jireen kulanka ay ka wada-hadleen xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee Soomaaliya iyo Suudaan, kaas oo ka turjumaya daacadnimada rabitaanka iyo waxtarka dadaalka lagu horumarinayo iskaashiga wadajirka iyo muhiimadda ay leedahay isku duwidda. Sidoo kale, qoraalkaas ayaa lagu xusay in Xiriirka Soomaaliya iyo Suudaan uu yahay mid lagu garto xushmad is-dhaafsi, is oggolaansho dhowr arrimood oo heer caalami ah iyo mid goboleed oo labada dalba muhiimad gaar ah u leh. PUNTLAND POST The post Wasiir Cawad oo la kulmay Ra’iisul wasaaraha Suudaan appeared first on Puntland Post.
-
Maxakamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukun xabsi daai’in ah ku riday Cabdiraxmaan Cumar Cabdi Daawle oo loo heysto inuu ka tirsanaa Al-Shabaab, gaar ahaan qeybta fulisa weerarada tooska ah ee lagu qaado fariisimaha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM. Sida saaka laga hor sheegay maxkamadda Cabdiraxmaan ayaa waxaa 26-kii bishii September ee sanadkii 2019-kii lagu qabtay deegaanka Baladul-Amiin, isaga oo dhaawac ah, waxaana 17-kii Febraayo la guda galay dhageysiga dacwadda loo heysto. Sidoo kale xafiiska xeer ilaalinta ayaa garsoorayaasha u sheegay in eedeysanaha la soo qabtay isaga oo dagaal ku jira. Xeer ilaalinta ayaa sidoo kale sheegtay in Cabdiraxmaan uu ka qeyb galay weeraro ka kala dhacay Bariire, Buulo-Mareer, Baraawe iyo Golweyn, tan iyo markii uu Al-Shabaab ku biiray 2010-kii, xilligaas oo uu ka raacay degmada Wanlaweyn oo ka tirsan gobalka Sh/ Hoose. Garsoorayaasha ayaaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray in Cabdiraxmaan Cumar Cabdi lagu xukumo xabsi daa’in, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in xukunsanaha uu heysto fursad rafcaan uu ku qaadan karo muddo ku siman 30-cisho gudahood. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Duhur-01022020-sx.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Warsaxaafadeed si wada jira uga soo baxay labada guddoon ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu magacaabay guddi ku meel gaar ah oo ka shaqeynaya diyaarinta iyo dhameystirka xeerarka sharciga doorashooyinka qaranka. Xubnaha la soo magacaabay ayaa waxa ay ka koobanyihiin 17 xubin, waxaana 9 ka mid ah xubnahaasi laga soo xulay xildhibaanada golaha shacabka halka 8-kale ay ka tirsanyihiin mudanayaasha aqalka sare. Guddigan ayaa la sheegay in ay qaban doonaan shaqooyin la xiriira doorashooyinka, waxaana ka mid ah in ay la kulmaan guddiga doorashooyinka iyo arrimo kale oo lagu xusay warsaxaafadeedka ay sida wada jirka ah u soo saareen Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdulaahi. Magacaabista Guddiga ayaa waxaa ay daba socotaa ansixinta sharciga doorashada ee uu dhawaan saxiixay Madaxweynaha iyo qabashada doorashada qof iyo cod oo ka dhacda dalka sida sheegtay Dowladda Soomaaliya. Halkan ka akhriso warsaxaafadeedka ay soo saareen guddoonka labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaarayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in madaxda Ahlu Sunna ay diideen inay ka qeybgalaan xafladda Caleema saarka Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor. Hoggaamiyihii Ahlu Sunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa u baxay safarka dhanka Magaalada Garoowe ah isagoo sii mari doono Magaalada Gaalkacyo, waxaana la xaqiijiyey inuu ku wajahan yahay Magaalada Jeddah ee Wadanka Sacuudi Carabiya halkaas oo uu markii horeba daganaa. Macalin Maxamuud ayaa si rasmi ah u diiday inuu ka qeybglo Xafladda caleemka Saarka taasoo uu ka codsaday Madaxweynaha ay Dowladda taageersan tahay ee Galmudug. Macalin Maxamuud ayaa Axmed Qoor Qoor u sheegay inaysan suurtagal aheyn ka qeybgalka Xafladda, haddii lagu qasbana uu xafladda ka sheegi doono in ballamaha looga baxay laguna qasbay inuu ka qeybgalo xafladda. Dhanka kale Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Sheekh Cabdirisaaq Ashcari ayaa labadaba ka cudur daartay inay kamid noqdaan xukuumadda cusub ee Galmudug sida ay illo wareedyo u xaqiijiyeen Shabakadda Caasimadda Online. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa dadaal dheer ku bixiyey sidii madaxdii hore ee Ahlu sunna looga dari lahaa Xukuumadda cusub ee Galmudug balse xubnaha laga itaal roonaaday ee Ahlu Sunna ayaa diiday inay aqbalaan codsiga madaxweynaha Galmudug. Ugu dambeyn, waxaa lagu heshiiyey in Macalin Maxamuud loo fasaxo safarka Jeddaha iyo sidoo kale in Sheekh Shaakir iyo Ashcari loo ogolaado inay sii wataan howlahooda caadiga ahaa sida cashiradii Diiniga ahaa iyo waxbarashada. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa Sheekh Shaakir iyo Sheekh Ashcari u ogolaaday ilaali gaar ah oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya kuwaas oo mas’uul ka noqonayo amniga culumadaas maadaama ay jirto xurguf kala dhaxeyso Al-Shabaab.
