-
Content Count
214,389 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasiirka Arimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa gaaray magaalada Khartoum ee Casimada dalka Suudaan. Wasiirka waxaa garoonka diyaaradaha ee magalada Khartoum ku soo dhoweyey agaasimaha Wasaradda arrimaha debada ee Suudaan u qaabilsan IGAD danjire Cabaas Nuuradiin, danjiraha safaaradda Soomaaliya iyo dibomasiyiinta safaaradda. Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu muddo saddex cisho ah ku sugnaado dalkaas isagoo ka qayb-gali doona shirar Kala duwan oo ka dhacaya wadanka Suudaan. PUNTLAND POST The post Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo gaaray dalka Suudaan appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Hoggaamiyayaasha Ahlu-Sunna Macallin Maxamuud iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali ayaa isku dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya, ayada oo uu soo dhamaaday dagaalkii ka socday Dhuusomareeb. Xarunta INJI, oo ahayd halkii ay degenaayeen hoggaanka Ahlu-Sunna, islamarkaana uu shalay dagaalka xooggan ka dhacay ayaa aroortii saaka u gacan gashay ciidamada dowladda oo gudaha galay. Hoggaanka Ahlu-Sunna ayaa ayaga oo bad qaba laga soo saaray xarunta, waxaana hadda ay ku sugan yihiin oo ay la joogaan guriga madaxweynaha Galmuudg Axmed Cabdi Qoor Qoor. Wararka ayaa sheegaya in loo soo duulin doono magaalada Muqdisho, balse ilo-wareedyo ku dhow dowladda ayaa Caasimada Online u sheegay in is-dhiibtaankooda loo dhigi doono hab kale, oo ah inay nabadda qaateen, si loo dejiyo taageerayaashooda. Hoggaanka Ahlu-Sunna ayaa shalay sheegay inay doonayaan inay isu dhiibaan ciidamada AMISOM, ama ay tagaan degaanka Huurshe oo ay ku xooggan yihiin taageerayaashooda, balse dalabkaas waxaa ku gacan seertay dowladda. Cabdisamad Macalin Maxamuud, oo ah wiilka Macallin Maxamuud, horeyna usoo noqday wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya, oo dhinaca Ahlu-Sunna uga wakil ahaa wadahadalka ayaa dalbaday in haddii ay isu-dhiibayaan ciidanka dowladda loo ogolaado in ay kala-doortaan madaxda ciidanka dowladda. Wararka ayaa sheegaya inay dalbadeen inay isu dhiibaan Mascuud Maxamed Warsme taliyaha guutada 15-aad Qaybta 21-aad ee ciidanka Xooggga dalka oo markiisii hore ka soo galay dhinaca Ahlu-Sunna, islamarkaana muddo ahaa taliyaha guud ee ciidanka Ahlu-Sunna, kaasi oo xerada kasoo saaray. Xaaladda magaalada Dhuusomareeb ayaa saaka degan, waxaana xarunta INJI ku sugan ciidanka dowladda, inkasta oo uu ka muuqdo burbur aad u xooggan. Arrintan ayaa soo geba-gebeeneysa loolankii xooganaa ee muddo ka taagnaa maamulka Galmudug, kaasi oo hadda si buuxda gacanta ugu galay Axmed Cabdi Qoor Qoor, inkasta oo weli uu harsan yahay Axmed Ducaale Geelle Xaaf, oo ku sugan Koonfurta Gaalkacyo.
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Burbur xooggan ayaa ka muuqda xarunta INJI ee ay degenaayeen hoggaanka Ahlu-Sunna, halkaasi oo shalay ay ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu-Sunna. Xarunta ayaa waxaa hadda si buuxda gacanta ugu haya ciidamada dowladda, kadib markii ay is-dhiibeen hoggaanka Ahlu-Sunna, hase yeeshee waxaa ka muuqda saameynta dagaalkii qaatay ku dhowaad 10-ka saac ee shalay ka dhacay. Madaafiic xooggan iyo rasaas ku dhacday xarunta ayaa burburiyey inta badan, waxaana wararka ay sheegayaan in hoobiyeyaal badan ay ku garaaceen ciidamada dowladda. Dagaalkii shalay ayaa dhaliyey khasaare nafeed oo xooggan, ayada oo ay ku dhinteen 15 qof oo dhinacyada dagaalamay ah, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 20 kale.
-
Ugu yaraan 20 ruux ayaa dhimatay halka tobanaan kalena way ku dhaawacmeen kadib markii ay isku dhaceen Tareen iyo gaari nuuca rakaabka qaada ah dalka Pakistan. Shilkan ayaa si gaar ah uga dhacay degmada Kandhra oo 500KM u jirta magaalada dekadda leh ee Karachi. Guddoomiyaha degaanka Sukkur ee degmada oo Kandhra uu shilkani ka dhacay ayaa xaqiijiyay in tirada dhimashada ay marayso 20 oo ruux balse uu ka cabsi ka qabo in tirada dhimashada ay intaasi kasii kordhi karto. Shilkaas oo ay ku dhaawacmeen tobonaan ruux ayaa la sheegay in qaarkood ay xaaladoodu halis tahay. PUNTLAND POST The post Pakistan: In ka badan 20 ruux oo ku dhintay shil Tareen appeared first on Puntland Post.
-
Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegay inay kusoo biireen qaar ka mid ah ciidamadii Jubaland ee ku sugnaa magaalada Mandhera. Saraakiishan iyo ciidamada la sheegay inay soo goosteen oo qaarkood warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in habeen ka hor laga keenay degmada Dhoobleey, kadibna loo gudbiyey dhanka Mandhera, oo ay ku sugan yihiin ciidamo kale iyo xubno uu ka mid yahay wasiirka amniga Jubaland. Ciidamada la sheegay inay soo goosteen ayaa ku warramay in loo sheegay inay cadaw la dagaalamayaan, sidaasna ay kusoo baxeen. “Anaga waxaa na lagu soo kaxeeyey cadow la dagaalan, balse diyaar uma nihin inaan la dagaalno ciidamada xoogga Soomaaliyeed, sidaas ayaan kusoo baxnay uguna soo wareegnay dhanka Beled-Xaawo,” ayey yiraahdeen qaar ka mid ah ciidamadii hadaly. Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Gobolka Gedo ahna madaxa amniga degmada Beled-Xaawo Cusmaan Nuur Xaaji Macalimow ayaa sheegay in dowladda Kenya ay magaalada Mandheera kasoo abaabuleyso weeraro lagu soo qaado Beled-Xaawo, oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya. Cusmaan Nuur Xaaji ayaa sheegay in Ciidamada ku sugan Mandheera ay yihiin kuwo weli mushaar ka qaata dowladda Soomaaliya lagana jari doonin, balse uu rajeynayo inay halkaasi kasoo tagaan oo yimaadaan magaalada Beled-Xaawo. Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa Khamiistii ugu baaqday dowladda Kenya in ay si deg-deg ah u joojiso xadgudubyada ka dhanka ah madaxbannaanida Soomaaliya iyo falalka xasillooni darrada ah ee ay ka waddo xuduudda labada dal,” ayaa lagu yiri qoraalka. Hoos ka dhageyso codka Cusmaan Nuur Xaaji https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/02/Codka-Guddoomiye-uxigeenka.mp3
-
Shirar badan ayey qabteen Muddulood inti ay dhismeen dowladihi isdaba yiilay cid colaad u aragtayna waa yareed…Laakin shirki dhacay malamahaan maxaa kuwi hore ka beddelay oo sababay inay qaylo dhaan badan ka timaado siyaasiyiin qaadan waayay inay reer Banaadir dareemaan darxumada lagu haayo, kana shiraan sidi wax la yeeli lahaa. Arrinta waxaa aad u murjiyay oo soo toosiyay kuwa filaayay inuu Muddulood weli hurdadi ka soo toosin, wixi la doonanana lagu fulin karo..waxaase siyaasiyiinta qaarkood xanuunijay soo noqoshadi Cali Mahdi oo ku naqday MUSMAAR SUMEYSAN oo muuqaalkiisu wax weyn ka beddeli doono wadciga manta jira. Cali Mahdi waa halyey aan helin dadkii garab siin lahaa oo qorshaha uu damacsanaa la meel mari lahaa….kuwa manta qeylihaaya waxay ogyihiin in Cali Mahdi muuqaalkiisu wax weyn ka beddeli doono sida ay howsha u socoto iyo weliba markow u adkeysan waayay sida ay wax ku wadaan Farmaajo & Kheyre ay khasb ku noqotay inuu dib ugu soo laabto masraxa oo ay daadsan yihiin dadkaan u baahan hogaan geesi ah oo kalsooni isku qaba. Badbaadi kara bulsho beledkoodi la boobaayo. Waxaana hubaal ah inaan shirka Muddulood la qabteen haddusan asagu soo fara gelin si gambasho la’aan ah ugu dhawaaqay inaan shir naloo diidi karin. Halla ogaado cilmiyan inaan ummadi weligeed guuleysan haddi aysan lahayn ZACIIM HOGAAMIYA oo la wada oggol yahay, warkiisana la maqlaayo…waxaa iga talo ah inaan raadsano hogaamiye geesi ah oo Ilaahey kaliya ka cabsada, howsha uu haayana ay tahay mid qaran oo ummad dulman lagu xureynaayo. Marna yaan loo qaadan inaan yareynaayo ama yasaayo labadi Madaxweyne ee na soo maray Sheikh Shariif and Xasan Sheikh oo ah geesiyaal ka soo dhex baxay bulsho sumeysan oo qabiil waalay. Waxay fuliyeen howlo iyo mashaariic ciddi iyaga ka dambeysay ay ka caajiseen qaarna ku fashilmeen kaddib markii ay burburiiyeen dowlad goboleedyadi uu dhibaatada badan ka soo maray MW Xasan Sheikh, waana loo aqoonsan yahay guulahaas ee Ilaahey ha ka abaal mariyo asaga iyo Shariifka iyo inti kale ee gacan ka geysatay ee la garab gashay. Shacabkuna waa u aqoonsan yihiin haddii laga reebo inta yaro uurka ka jiran. W/Q: Axmad Calasow AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Toddobaadkii dhawaa Soomaaliya – koofur iyo waqooyiba, waxaa ka dhacayay doodo qaran, haddana waxaa muuqata in ficil celinta siyaasadeed ay dad badan tashwiish ka gelisay halka loo socdo. Ergayga Ruushka ee Soomaaliya iyo Jabuuti, ee uu fadhigiisu yahay magaalamadaxda Jabuuti Danjire Mikhail Golovanov, ayaa beeniyay in dalkiisu daneynayo inuu saldhig ciidan ku yeesho dekadda Berbera. Intaas wuxuu raaciyay, in Moscow wax wadahadal ah (gorgortan) oo arrinkaas ku saabsan aysan mas’uuliyiinta khuseyso la yeelan. Wax yar ka hor hadalka diblomaasiga, waxaa magaalada Addis Ababa ku kulmay Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Kulankaas wuxuu u muuqdaa inuu yahay tallaabo muhiim u ah xasilloonida iyo nabadda dal iyo dad colaadi ragaadisay. Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Mike Pompeo oo maalmahaas booqasho ku tegay magaalada Addis-Ababa, ayaa kala hadlay Ra’iisul-wasaare Abiy Axmed arrimaha Soomaaliya. Waxaa muuqata in Mareykanka uu culays militari, siyaasadeed iyo mid dhqaaleba dul dhigay in xasillooni iyo nabadba loo helo Soomaaliya. Haddaba, su’aashu waxay tahay, maxaa maanta dib u soo cusbooneysiiyay muhiimadda awoodaha caalamka ee geyiga Soomaaliya? In muddo ah, Soomaaliya xiriir diblomaasiyadeed oo toos ah lama lahayn Moscow, waxayna ku jirtay xaalad caro qaboojin ah, kaddib markii Midowga Sovieti uu dagaalkii 1977, kala saftay Itoobbiya xilligii Mingiste Haile Mariam. Xiriirka Ruushka iyo Soomaaliya ayaa mar walba u jahaysnaa dhinaca maalgelinta ciidamada – qalab iyo aqoonba. Haseyeeshee, burburkii Midowgii Sovieti kaddib, waxaa muuqatay in Moscow ay dhabarka u rogtay Geeska Afrika, inkastoo dekedda Berbera ay u lahayd astaan muhiimad. Ruushka wuxuu bilaabay inuu dib ugu soo rogaalceliyo dalalka soo koraya, gaar ahaan Afrika kaddib markii dalalka reer galbeedka ah ay ku soo rogeen cadaadin iyo cunaqabateen dhaqaale oo ay sababeen arrinkii Yukraaniya. Falanqeeyeyaasha siyaasadda ayaa ku doodaya in Moscow si tartiib tartiib ah u buuxinayso doorkii Mareykanka ee qaaradda Afrika. Shirweynahii maalgashiga Ruushka iyo Afrika, oo ka dhacay magaalada Sochi Oktobar 24, 2019 oo ay ka qayb galeen ilaa 43 hoggaamiyeyaal Afrikaan ah ayaa lagu soo bandhigay maalgashi dhan 12.5 bilyan doolar oo u jahaysnaa dhinaca hubka, sahminta iyo soo- saarista kheyraadka dabiiciga ah, kalluumeysiga iyo beeraha. Shirkadda Rosatom ayaa qorsheyneysa in dalalka Itoobbiya iyo Masarba ay ka dhisto sadhigyo ku shaqeya tamarta “nuclear power.” Sidoo kale, Ruushku wuxuu Uganda u dhisayaa warshad sifeysa badroolka, weliba iyadoo bankigeeda “International Agency of Sovereign Development” uu maalgelin dhan 2.5 bilyan la damacsan yahay dalalka Niger, Guinea iyo D.R. Congo. Yuusuf Gaandi oo falanqeeya arrimaha Afrika ayaa rumeysan in “Moscow aysan deeqsi ku ahayn bixinta gargaarka, balse ay maanta Afrika la garab taagan tahay maalgashi toos ah “foreign direct investment,” oo ka sharuud roon tan galbeedka.” Waxaa marag maddoonto ah, in Afrika oo la saadaalinaayo inay 2040 ka hor tirada dadkeeda uu kor u sii dhaafi doono 2 bilyan oo qof, ay tahay suuq ay awoodaha waawayn ee caalamka u tartamayaan inaysan fursaddiisa seegin. Waxaa muuqata, in Midowga Yurub uu Afrika diiradda saarayo si uu uga helo fursado dhaqaale oo cusub, kol haddii ay dareemeen in Britain (UK) iyo Mareykanka ay meel cidla ah uga dhaqaaqeen, Ruushka iyo Shiinahana ay dardargelinayaa tartan ay saameyn lixaad leh ku yeelanayaan qaaradda, taas oo ay u arkaan inay ciriir gelin doonto. Si kastaba ha ahaatee, dib u soo cusboonaanshaha danaha Moscow ee Soomaaliya ayaa u muuqdo inuu walwal hor leh ku soo kordhiyay diblomaasiyadda Mareykanka, taas ayaana la filayaa inay ku kalliftay Washington inay cidna ku hallayn xal u raadinta Soomaaliya oo ay weligeed u haysatay inay tahay xirmo u gaar ah. Safiirka Mareykanka u fadhiya Muqdisho, Danjire Donald Yamamoto ayaa yiri “Waxaan ku dadaali doonaa sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga, loo hormarin lahaa danaha istaraatiijiyadeed ee Mareykanka, loona taageeri lahaa nabadgelyada guud, siyaasadda iyo dhaqaalaha, iyadoo yoolka himilooyinku yahay horumarinta dhaqaalaha” (VOA News – 02/10/2019). Marka laga reebo Mareykanka iyo Turkiga, awoodaha caalamka iyo kuwa gobolkaba marna ma yeelan iskaashi ka duwan inay ku dul tartamaan dalka. Warbixinnada dhaqaalaha ayaa muujinayaa in maalgashiga tayada leh ee Mareykanku uu gacan wax tar leh ka geystay koboca waddamada Jarmalka, Japan-ka, Taywaan, Kuuriyada Koofureed iwm. Dabayaaqadii sanadkii tegay, ayaa shirkii sanadlaha ee Bankiga Adduunka iyo IMF ee magaalada Washington, dalalka Geeska Afrika ku heshiiyeen inay bilaabaan qorshe lagu abuurayo iskaashi dhaqaale, kaas oo lagu dhisayo jawi siyaasadeed ee xasilloon. Waddamadu waxay isla garteen afar hindiso mashruuc oo mudnaanta la siinayo: (1) In la hagaajiyo isku xirnaanshaha kaabayaasha gobolka; (2) In kor loo qaado ganacsiga iyo isdhexgalka dhaqaalaha; (3) In la xoojiyo adkeysiga (building resilience); iyo (4) In adkeeyo horumarka awoodda muwaaddinka (strengthening human capital development). Sida la filaayo wadahadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland waxay noqon doonaan kuwa dheeraada, waaba haddii ay waaraan. Haddaba, ma dhici kartaa in wadahadalladan loo wajaho hab caqli ku dhisan caaddifadna ka caaggan, si dalka uu uga faa’iidaysto maalgashiga wato aqoon-wadaag (knowledge-sharing) iyo isku gudbinta teknolojiyada (technology-transfer) oo sahlaya horumar la taaban karo, mise waxay u dhuran doonaan doodaha fadhi ku dirirka? W/Q: Cabdulqaadir Cariif Qaasim AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay taliska Mareykanka ee Afrika ayaa waxaa looga hadlay duqeyn shalay gelinkii dambe diyaaradahooda dagaalka ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Warka qoraalka ah ee ka soo baxay Africom ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta oo ay gacan ka geysten ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowladda Soomaaliya lala eegtay xarun ay Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolkaasi. Mareykanka ayaa shaaciyey weerarkaasi dhanka cirka uu ku khaarijiyey illaa xubnood oo ka tirsanaa Xarakada Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu warka ka soo baxay taliska Africom intaasi ku sii darayaa in gaadiid ay lahaayeen Al-Shabaab lagu burburiyey saldhigga la weeraray. Ugu dambeyn Africom ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in duqeyntaan wax khasaare ah uusan ka soo gaarin dadka rayidka ah ee ku dhaqan goobta la duqeeyay. Muddooyinkii la soo dhaafay Mareykanka ayaa sare u qaaday duqeymaha ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee uu ka fuliyo gobollada dhaca koonfurta Soomaaliya.
-
When a people are subjected to the most unimaginable forms of cruelty at the hands of a brutal regime and prominent world powers are unwilling to take any meaningful steps to stop that cruelty, Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU (Reuters) – Somali troops clashed with a regional militia on Friday in one of the most serious outbreaks of fighting yet over political rivalries that Washington says are slowing the war against al Qaeda-linked insurgents. Eleven people were killed in the violence, witnesses said. Tension spilled over on Thursday evening between the Somali National Army and the Ahlu Sunnah Wal Jama’a (ASWJ) militia, a group of moderate Sufi Muslims which has played a key role in the fight against the al Qaeda-linked al Shabaab insurgency. Clashes began in Dhusamareb, administrative capital of central Somalia’s Galmudug state, and spread to Guriel town, 60 km (40 miles) away, on Friday, residents said. One resident said government forces had attacked a house where prominent ASWJ leaders live, and the two sides were fighting with mortars and anti-aircraft guns in the city center. “After 11 years of peace, Dhusamareb city today is hell,” Halima Farah told Reuters by phone, adding that she and her four children were cowering inside their flimsy house. “We are holding our children’s hands but we have no way out.” Al Shabaab has been fighting the internationally-recognized Somali government since 2008. The militants have also attacked American military bases as well as bars, hotels, a shopping mall and a university in Kenya and Uganda. Two years ago, an al Shabaab truck bomb in Mogadishu killed around 500 civilians. Somali government troops, supported by a 21,000-strong African Union peacekeeping force, launched a limited offensive against al Shabaab last year. But a top American diplomat said progress had petered out with the internal rivalries. “The operation has stalled,” Rodney Hunter, the U.S. political coordinator to the United Nations, told the Security Council this week. “It is imperative that federal government and federal member states’ security services focus on combating al-Shabaab, rather than engaging in armed conflict with each other to resolve political disputes.” Competition for political control and international security funds lie at the heart of the conflict. Some regional states accuse the government of meddling in local elections to entrench allies ahead of national elections scheduled for this year. They also want a larger slice of the hundreds of millions of dollars that foreign donors spend annually on Somali security forces. The federal government wants to keep control of those funds, saying it fears the balkanization of the country, and accuses some state authorities of behaving like warlords. Tensions were high between Mogadishu and regional authorities in Kismayo during elections in Jubbaland, along the Kenyan border, in August. There was a small clash in neighboring Gedo earlier this year, and what Hunter described as a “politically motivated offensive … that diverts resources” from fighting al Shabaab. Galmudug, scene of the latest fighting, has three rival politicians all claiming to be its leader. Ahmed Abdi Kariye, who is backed by the federal government, said ASWJ forces had started the fighting by firing on a checkpoint. ASWJ leaders said the first provocation came from the government. “We sacrificed our wealth and lives to liberate these areas from the terrorist al Shabaab… (but) the Somali government forces openly attacked Inji house, which is a home for ASWJ leaders,” ASWJ leader Sheikh Mohamed Shakir Ali Hassan, who also says he is leader of the state, said late Thursday. We have one enemy and that is al Shabaab. Let’s jointly fight the terrorists.” Omar Mahmood, an analyst from the Brussels-based International Crisis Group, said the power struggles were likely to continue. “I’m not optimistic,” he said. Additional reporting by Katharine Houreld; writing by Katharine Houreld; editing by Philippa Fletcher.
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Xaaladda magaalada Dhuusomareeb ayaa laga dareemayaa deganaan kadib dagaal socday in ka badan 9 saac oo u dhaxeeyey ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu-Sunna. Si kastaba rasaas goos goos ah ayaa weli laga maqlayaa goobaha qaar, taasi oo ay si iskood ah u ridayaan dhinacyada dagaalamay. Dagaalkii maanta ayaa dhaliyey khasaare nafeed oo xooggan, ayada oo ay ku dhinteen 15 qof oo dhinacyada dagaalamay ah, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 20 kale. Ciidamada dowladda ee ku dhaawacmay dagaalkii maanta ayaa lasoo gaarsiiyey magaalada Muqdisho, waxaana la dhigay isbitalka Digfeer. Dhinaca kale, diyaarad sidday ciidamo ayaa galabta gaartay magaalada Dhuusomareeb, si ay u xoojiyaan ciidamada dowladda. Inkasta, oo aan si rasmi ah loo ogeyn tirada ciidamadaas, haddana wararka qaar ayaa sheegaya inay gaarayaan 200 oo askari. Dhinaca kale, kooxda Ahlu-Sunna ayaa waxaa iyana usoo gurmanaya dagaal-yahanno la sheegay inay ka imanayaan baadiyaha, oo ku hayb ah hoggaanka kooxda. Madaxda Ahlu-Sunna ayaa weli ku sugan gudaha xaruntooda INJI, waxaana dowladda ay isku dayeysaa inay halkaas ku go’doomiso. Ma cadda sida xaaladdu ka dambeyn doonto, marka waagu beryo. Dowladda Soomaaliya ayaan weli wax war rasmi ah kasoo saarin dagaallada Dhuusomareeb iyo Guriceel, ee ay ku lug leeyihiin ciidamdeeda.
-
Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin oo ka mid ah isimada marjaca ah ee Puntland ayaa ka hadlay xiisad coladeed oo ilaa khamiistii ka soo cusboonaatay magaalada Dhuusa-mareeb iyo degaanka Guriceel ee gobolka Galguduud. Beeldaaje Ismaaciil ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dhiiga wiilasha dhalinyarada ah ee ku dhimanaya colaad u dhexaysa dhinacyo Soomaaliyeed oo wada-hadal ku dhamayn kara arrinta ay isku khilaafsan yihiin. “Xabbadi xal ma aha. Ha la joojiyo xabbadda, ha la joojiyo dhiigga daadanaya” ayuu yiri Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin oo ku baaqay Xabbad joojin degdeg ah. “ka soo daalnay gabar asay qaadda, ka soo daalnay hooyo gablanta ka soo daalnay Aabe barooranaya.” Wuxuu u jeediyay dhinacyada arrintu khusayso, madaxda Galmudug iyo duubabka dhaqanka Galmudug in ay wada-hadal ku dhameeyaan arrimaha jira. Beeldaaje Ismaaciil ayaa sheegay in dadka Soomaalidu ay ka soo daaleen dagaal iyo xabbad. “Ha loo turo maatada, carruurta iyo hooyooyinka aan baragkaca awoodi karin” ayuu yiri Beeldajaha oo Alle uga baryay inuu xiisadda kala qaboojiyo. PUNTLAND POST The post Beeldaaje Ismaaciil oo xabad joojin degdeg ah ugu baaqay dhinacyada ku diriraya Galguduud appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (SMN) – Dagaal u dhaxeeya Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Sunna ayaa la sheegay in uu mar kale ka qarxay Dhuusamareeb. Dadka degaanka ayaa kusoo waramaya in iska hor-imaadka leysku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan sidda madaafiicda. Goobjoogeyaal ayaa u sheegay idaacadda Shabelle in isku dhaca uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Is-raaseynta dib u bilaabatay ayaa kusoo aadeysa iyaddoo saacadihii hore ee maanta ay magaalada ka dhaceen dagaalo kharaar oo geeri badan sababay. Ahlu Sunna iyo dowladda Soomaaliya ayaa isku qabtay doorashooyinka Galmudug, oo natiijada kasoo baxday madaxweyne loogu doortay Axmed Cabdi Kaariye. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-habeen-28022020.mp3 View the full article
-
(SLT- Nigeria)-Dalka Nigeria ayaa xaqiijiyey kiiskii ugu horeeyey ee caabuqa cudurka coronavirus ee soo gaadha dalkan saxaraha Afrika ka hooseeya. Saraakiil Nigerian ah ayaa xaqiijiyey in kiiskani uu la xidhiidho muwaadin u dhashay dalka Talyaanig oo soo qalay dalka Nigeria 24 February kaas oo la socday duulimaadka shirkadda diyaaradaha ee Turkish Airlines oo iskaga soo gooshtay Milan iyo Istanbul. Kiiskan ugu horeeyey ee Caabuqa coronavirus ee lagu arkay Afrika ayaa muujinaysa sidda cururkii ka dilaacay dalka shiinuhu uu hadda u gaadhay dalal badan afartameeye ka badan oo aduunka. Tirade dadka ku dhintay caabuqa coronavirus ayaa gaadhaysa 2,800 oo ah tirada dhimashada guud ahaan dalka aduunka, halka cudurku uu ku dhacay inka badan 83,000 qof aduunka oo dhan. Source
